Home » Badda, Warar »

Xildhibaanada Barlamaanka oo xukuumada Cumar Cabdirashid Ku eedeeyey in ay dib u soo nooleysay Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya – Shir jaraa’id

Xildhibaanada Barlamaanka oo xukuumada Cumar Cabdirashid Cali Ku eedeeyey in ay dib u soo nooleysay Heshiiskii Is Afgarad ee ay kala saxiixdeen dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ka dibna uu Barlamaanku si qayaxan u diiday…

Shirkii Jaraa’id oo uu akhrinayo Xildhibaan Sulaymaan Maxamed Ibraahim iyo waraysi Xildhibaan Cabdinaasir Gaarane Maxamed:

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka DFKMG oo Isniintii (Oct 12, 2009) shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay xukuumaddo ay doonayso in ay dib u dhaqan galiso heshiiskii Isfahamka.

Halkan ka daawo Sawirada xildhibaanada shirka jaraa’id

xi1Heshiiskaan oo lagu tilmaami karo in uu yahay mid muran badan ka dhaliyey gudaha iyo dibada dalka iyo dadka Somaliyeed ayaa qaar ka mid ah xildhibaanada diidan shir jaraid ku qabteen Magaalada Muqdisho .

Qaar ka tirsan xildhibaanada Dowlada fadaraalka KMG Soomaaliyeed oo shirka jaraa’id ku qabtay Gudaha Magaalada Muqdisho ayaa isku aragti ka noqday qoraal hore loogu tebiyey xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay Ban Ki Moon, qoraalkaas oo ku saabsan sidiisii loo sii wado heshiiska is Afradka ee Xuduudaha badaha Soomaaliya iyo Kenya .

Heshiiskaan ku saabsan xuduudaha badaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa golaha barlamanku diideen 1/8/2009 isaga oo heshiiskaas uu barlamaanku ku gacan seyrey .

Arintaa mid aan aheyn ayaa soo baxday oo barlamanku ka ogaaday, sida ay sheegayaan xildhibaanda shirka Jaraa’id qabtay, waxayna sheegeen in qoraalo laga direy Xafiiska ra’iisal wasaaraha lagu faafiyey Internetka.

Kulanka ay yeesheen qaar ka mid ah xildhibaanda Dowlada Fadaraalka KMG Soomaaliyeed ayaa waxaa ay isku aragti ka noqdeen in xukuumadu ay dib boorka ugajaftay heshiiskii is Afgarad ee baarlamaanku horee gashaanka u daruuray.

Xildhibaanda ayaa saxaafadda u qeybiyey warqado qoraal ah oo laga soo dhex saaray goobta internetka ee SomaliTalk.com, kaas oo looga codsanayey xoghayaha guud ee Qarammada Midoobey in uu halkiisii ka sii wato howshiisa ku aadan heshiiska badaha ee ay kala saxiixdeen dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ee ku aadanaa xaduudaha, wuxuuna ahaa mid muran badan dhaliyey oo aakhirkii golaha Barlamaanku si cad oo aqlabiyad ah u diiday .

Xildhibaan Sulaybaan Maxamed Ibraahin oo ku hadlayey magaca xildhibaanda ayaa saxaafada u sheegay in ay hayaan warqada qoraal ah kuwaasoo ka baxday Xafiiska ra’iisul Wasaaraha wuxuuna tilmaamay Xildhibaanku in xildhibaanada Baarlamanka ay ka codsanayaan Xukuumada Soomaaliya in ay caddayso warqadaasi qoraalka ah ee ka baxday Xafiiska ra’iisul Wasaaraha Xukuumada FKMG Soomaaliyeed.

Xildhibaan Sulaybaan Max’ed Ibraahin oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku daray in qoraalkaa uu ka soo baxay Xafiiska ra’iisul Wasaaraha isala markaana uu saaran yahay saxiixa Wasiirka Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda ahna ra’iisul Wasaare ku xigeenka koowaad ee dowadda FKMG Soomaaliya Pro C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi, wuxuuna ku daray xilbaan Sulaybaanku ,in ay ka codsanayaan gudoonka Baarlamaanka in uu kulan deg deg ah uu qabto islamarkaana la horkeeno Baarlamaanka qofkii saxiixayna laga qaado xasaanada si sharciga loo horgeeyo shaqsigii warqadaasi qoraalka ah u gudbisay xafiiska Banki moon ee adeegsatay awoda Xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Halkan ka daawo Sawirada xildhibaanada shirka jaraa’id

Shirka jaraa’id Halkan ka dhegeyso ama Halkan ka soo rogo (mp3)

difaacabaddaMuuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

DIFAACA BADDA SOOMAALIYEED: 00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 | 75 | 76 | 77 | 78 | 79 | 80 | 81 | 82 | 83 | 84 | 85 | 86 | 87 | 88 | 89 | 90 | 91 | 92 | 93 | 94 | 95 | 96 | 97 | 98 | 99 | 100 |

Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya oo Cod Aqlabiyad ah ku diidey Heshiiska Badda ee Soomaaliya iyo Kenya

…..

Cumar C/rashiid oo Qarammada Midoobay u Gudbiyey Waraaq Burinaysa Go’aankii Baarlamaanka, Kenyana u ogolaanaysa Badda Soomaaliya ee ay Cabiratay… Akhri Halkan…

Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay
“Waa run (Kenya) badda Soomaaliya khalad bay ka gelayaan oo waa soo gelayaan.” “Waa RUN iyada hadda xarriijinta ay samaysay ee hadda map-yada addunyada la soo geliyey kii (Kenya) wuu ka soo durkoo toos ayuu u socdaa,” Prof. Ibbi Akhri/Daawo…

Sh. Shariif oo ka gows qabsaday go’aankii BaarlamaankaSh. Shariif oo ka gows qabsaday go’aankii Baarlamaanka” Baarlamaanka sida aad lasocotid waxa uu xaqa u leeyahay waxa ay tahay heshiis inuu buriyo,laakiin kani heshiis ma’ahayn wuxuu ahaa IS-AFGARAD”…”heshiis rasmi ah in hada ladiyaariyo ayaa loo baahan yahay”. Akhr…

Sheikh Shariif oo Imanaya Maraykanka xilli ay dhici karto in UN ay Goaan ka Gaaraan heshiiskii Isfahamka ee Kenya-Somalia... Sheikh Shariif Soomaalida deggan Maraykaanka ma u sharxi doonaa sababta xukuumaddiisa ku kalliftay in heshiis aan wax dan ahi ugu jirin shacabka Soomaaliyeed ay la galaan Kenya… AKHRI...Sheikh Shariif oo Imanaya Maraykanka xilli ay dhici karto in UN ay Goaan ka Gaaraan heshiiskii Isfahamka ee Kenya-Somalia… Sheikh Shariif Soomaalida deggan Maraykaanka ma u sharxi doonaa sababta xukuumaddiisa ku kalliftay in heshiis aan wax dan ahi ugu jirin shacabka Soomaaliyeed ay la galaan Kenya… AKHRI…

Madaxweynaha DFKMG Shariif oo Xilku kaga egyahay October 14, 2009, sida uu dhigayo Axdiga DFKMG? Akhri Halkan…

Minneaplis: Ururka USD oo Caddeeyey Mowqifkooda in aysan taageersanayn Sheikh Shariif, kuna soo dhaweynayn Minnesota… Akhri.. Daawo…

Cilmibaaristii, warbixinadii, wararkii iyo maqaallada la xiriira badda Soomaaliya iyo heshiiskii is-faham Halkan ka akhri…

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Xildhibaanada Barlamaanka oo xukuumada Cumar Cabdirashid Ku eedeeyey in ay dib u soo nooleysay Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya – Shir jaraa’id "

  1. abdi waamo says:

    BARLAMAANKU IYO XILDHIBAANADIISA WAXAY WAKIIL KA YIHIIN DALKA IYO DAKIISA SOMALIYEED,WAXAAN MAHAD AGA SOO CELINAYNAA XILDHIBAANKA WADANIGA AH IYO HOWSHA AY U HAYAAN DALKOODA IYO DADKODA ,WAXAANU IDAN LEENAHAY GUULAYSTAYAAL WAANU IDAN LA JIRAA GEEDIGA WADA OO HA DAALINA ,DALKA IYO DADKIISABA WAXAA UU IDIIN YAHAY AMAANO ILAALINTIISA WAA MASUULIYAD AAD NAGA BALANQAADEEN OO AAD NOOGU DHAARATEEN IN AAD ILAALISAAN.
    GUULAYSA WALIGIIN.