Ka dar, oo dibi dhal
Cabdifataax Janagale, Denmark
Civil engineer
Warbixinaha SomaliTalk
waxey bulshada soomaalida ka bixiyaan santuuqa
yar (qabiilka) waxeyna u bixiyaan sanduuqa weyn
(Soomaalinimo). Hadda ka hor waxey nal ku
ifiyeen shirkado mafia ah, oo ku andacoonayay
iney patrol ka qodayaan gobolada Puntland,
dantooda guracaneyd uma hergelin, taasna waa
Illaahay mahadii. Haddana waxaan filayaa nalka
lagu ifiyay heshiiska isfahamka ah ay dowlada
KMG ah la geshay Kenya, inuu hor istaagi doono
fulinta heshiiskaan.
Waa wax lagu farxo in soomaalida aynan ka
dhamaanin dad har iyo habeen u soo jeeda difaaca
iyo illaalinta danta guud. Waxaan mahad gaar ah
jeedinayaa dhamaan bulshada soomaaliyeed ee ka
qeyb qaatay qeyla dhaanta difaaca sharafta,
islaanimada iyo xuduudaha soomaaliyeed.
Soomaaliya ha noolaato, dadkaasna ha noolaadaan,
hana noo bataan. Aamiin
Dowlad KMG ah, micna ahaan ma leh awood ay
heshiisyo masiiri ku gasho, kaliya waxaa looga
fadhiyay diyaarinta iyo u gogol xaarka dowlada
xigta, iyo isku soo dhaweynta dadka kala irdhay
(tagay). Loogama fadhin iney muran geliso dhul
soomaaliyeed. Maba dhalane dhowrteysan
okaa!!.
Rajadii dad badan oo soomaliyeed ay ka qabeen
madaxda dowladan: Sh. Shariif iyo Cumar C.
Sharmaarke, oo aheyd iney ka duwan yihiin kuwii
ka horeeyay waxey noqotay Ka dar oo dibi dal.
Maxaa yeelay ma jirin hadda ka hor qof ku
dhiiraday bixinta ama muran gelinta bad ama beri
soomaaliyeed. Waxaase ka sii daran sidey isku
indho iyo dhaga tirayaan, markii loo sheego
khaladaadka halista ay galayaan.
Baaxada badda ay muranka geliyeen waxey
le’eg tahay (qiyaastii) dalka Holland, oo ay ku
nool yihiin dad dhan 16 malyan qof. Maxey ka
faa’iidayaaan heshiiskaa?! – 2 shilling?!
Aqoonsi?! Isku ag sawir madax kale?!
Waxey aheyd iney aqbalaad iyo sharaf ka
raadsadaan dadkooda. Laakiin waxey u muuqataa
iney u noqdeen cadowga tiimbaro (rubber stamp)
lagu xalaalsado dhulka soomaaliyeed. Qoladaan
waxey mehrinayaan Somalia iyadoon raali aheyn.
Waxey soo wadaan baa kadaran.
Markan waxaa rabaa inaan wax ka iraahdo
sababa kalifi kara in qof ama koox ay ay u
dhaqmaan sida ay u dhaqmeen kooxdaan ku meel
gaar ah. Dadka waxaa loo qeybiyaa saddex nooc,
marka la eegayo fiicnaata ama xumaanta nafta.
Iyagaana doorta dhinaca ay aadi lahaayeen. Caadi
ahaana doorasha kastana waxaa daba socda
cawaaqib (consequence) la mahdiyo ama mid aan la
mahdin. Saddexdaa nooc waxey kala yihiin:
- Anigu waan fiicnahay, adiguna waad
fiican tahay (100% caafimaad qaba ).
- Anigu waa fiicnahay, adiguna waad xun
tahay (50% jiran).
- Anigu waan xumahay, adiguna waad fiican
tahay (100% jiran).
Nooca 1aad
Waxey aamin san yihiin in fiicnaanta
(horumarka iyo badhaadhaha) ay relative tahay,
oo ayna qolo u xayirneyn, kaliya ay ku xiran
tahay rabitaan, u socosho iyo shaqo. Waa nolosha
uu islaamka nagu dhiira galinayo, oo ah inaan
isku filnaano, shaqeysano, is daberno – kadibna
qeyrkeen la jeclaano waxaan nafteena la jecel
nahay.
Dadka ku si fooba noocaan sharaftooda aad bey
u illaaliyaan, ma rajo dhigaan, wey isku kalsoon
yihiin xaalad walba, qaamuuskooda kuma jiro
isdhiibid (give up), is tus (show off) ama ha la
i maqlaay. Noloshaan waxey aamin san tahay:
Qofkii tiisa daryeela ayaa tu kale ku dara.
Fikirkooda waxaa ka mid ah.
- Haddii aad hadda iga fiican tahay aniga
waan fiicnaan.
- Maanta haddii ay iga jajabantahay
micneheeda ma aha iney weligey iga jajaban
naan doonto.
- Haddii aad iga horeysid waan kaa daba
imaan.
- Haddii aad nabad tahay ana beri baan
nabad noqon.
- Waan dadaali, waan shaqeyn, waan
horumari. Waan gaari karaa.
- Geel laba jir soo wada mar.
Nooca 2aad
Waxey aamin san yihiin in iyaga kaliya ay
fiican yihiin, dad kalena ay liitaan. Fiicnaanta
waxey u arkaan iney iyaga la dhalatay. Waxey wax
ku miisaamaan xaalada waqtiga xaadirka ay ku
jiraan, sida horomurka, dhaqaalaha, cilmiga,
jagada, caafimaadka iwm. Qoladan waxey ku
qanacsan yihiin meesha ay joogaan. Waxa si aan
toos aheyn uga dhaadhacsan waxaa ka mid ah:
- Waan fiicnahay, maxaa yeelay waan
horumarsanahay
- Waan fiicnahay, maxaa yeelay hanti baan
leeyahay, xoog baan lee yahay
- Waan fiicnahay, maxaa yeelay caan baan
ahay
- Waan fiicnahay, maxaa yeelay qabiil
fiican baan ka dhashay.
- Adiga waad xun tahay, maxaa yeelay
waxaan heysto ma heysatid, waxaan ahayna ma
tihid.
- Ma isoo gaari kartit.
Nooca 3aad
Qoladaan waxey isu arkaan abuur ahaan iney
liitaan, dadkana ka hooseeyaan, maxaa yeelay
xaalada ay hadda ku jiraan baa hooseysa. Waxey
wax ku miisaamaan xaaladooda xaadirka ah, sida
burburka, jahliga, cudurka iwm.
Dhibka iyo dac darada heysta owgeed, qoladaan
sharaf ma ilaashadeen. Wax kasta agtooda waa iib
(for sale), wax muqaddas ma leh (not for sale).
Haa ma leh maya leh, go’aan ma leh. Sidaas
daraadeed dhib uma arkaan in la dan darreeyo
(misuse).
Waxaa qanciya in la arko, jeebka loo buuxiyo,
la been amaano iwm. Waxaa si aan toos aheyn uga
dhaadhacsan waxaa ka mid ah:
- Waan xumahay, maxaa yeelay (dalkeygu)
waa burbursanahay.
- Waan xumahay, maxaa yeelay wax ma
heysto.
- Waan xumahay, sidaas daraadeed waan
tuugsanayaa (deeq baan raadinayaa).
- Waan xumahay, maxaa yeelay waxba ma
aqaan.
- Waan xumahay, maxaa yeelay qabiil (dal)
xun baan ka soo jeedaa (asalkeyga baa xun)
Gabogabo
Nooca 1aad waxaa soo hoos galaya dadka diida
iney rajo dhigaan si kasta oo ay xaalada u adag
tahay, is aaminsana. Waxey ku xisaabtamaan
awoodooda, waxeyna talaabsadaan inta ay karaan,
howshoodana waxey u kala horumariyaan sidey u
kala muhiimsan tahay. Wanaaga iyo horumarka lagu
gaaro noocaan waa joogto. Dalalka maray jidkan
kuna faa’iiday waxaa ka mid ah Hindiya,
Shiinaha, Brazil, Argentine iyo Venezuala.
Waxaana shaki la’aan ah in uu horumarayaan qolo
walba, oo qaada jidkan.
Nooca 2aad waxaa soo hoos galaya dalalka is
mahdiyay, marka la eego xagga dhaqaalaha,
aqoonta iyo awooda. Waxey aaminsan yihiin in
jiritaankooda uu ku xiran yahay saqiir suujin
iyo baad (sida dowladaha reer galbeedka). Waxaa
kaloo soo hoos galaya noocan dadka lacagta leh
qaarkood, qabiilada is mahdiyay. Qolooyinka ku
sifooba noocaan ma raagaan, cadowgooduna waa
bataa, maxaa yeelay dadka ma aqbalaan maquunin
iyo kibir - Kibirka waa lagu kufaa, lagu jabaa.
Nooca 3aad waxaa ku sifeysan dadka sharaf
darada iyo dulliga door biday. Waxaa kaloo soo
hoos galaya qolo walba, oo aqbasha in loo laqino
(loo dhaho, yeeriyo) masiirkooda.
Dadka muranka geliyay bad soomaaliyeed,
kaliya iney raali gareeyay cadow, intee bey soo
hoos galayaan?!
Waxaan ku soo gaba gabeynayaa Sh. Shariif
wuxuu ceeb ku yahay islaamiyiinta sharafta
jecel. Cumar C. Sharmaakana wuxuu ceeb ku yahay
aabihiis, oo u soo hal gamay Somalia. Waa haddii
ay ku adkeystaan meel marinta heshiiska lagu
muran gelinayo bad soomaaliyeed.
Laakiin qof jirkiisa (dalkiisa) iibiyay ceeb
ma kartaa?!
Cabdifataax Janagale, Denmark
<janagale88@gmail.com>