Home » Faallo, Tacsi »

Qaasim Cabdisalaan Yuusuf Faahiye oo ku Geeriyoodey Dalka Turkiga

Inaa Lillaah Wa inaa ileyhi raajicuun.

Maanta, June 10, 2020, waxaa magaalada Ankara ku geeriyoodey Qaasim Cabdisalaan Yuusuf Faahiye. Allah ha u naxariisto, jannatul fardowsanaha haka waraabiyo.

Qoyska reer Cali Aaden waxay tacsi khaas ah u dirayaan dhammaan ehelada reer Yuusuf Faahiye iyo durriyadooda.

Sidoo kale waxaa tacsida diraya bahda SomaliTalk.com oo ehelada reer Cabdislaan Yuusuf, gaar ahaan carrutii uu ka tegey, uga tacsidaynaya geerida Qaasim Cabdisalaan.

Qaasim Cabdisalaan waxa uu ahaa nabadoon Soomaaliyeed, oo jecel xiriirka ehelada, qaraabada iyo riximkiisa in uu si joogta u xiriiriyo.

Kullu nafsul daa’iqatul mowt. Allah ha u naxariisto adeerkeen Qaasim Cabdisalaan.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.