SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYEED

Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Qarammada Midoobay u Gudbiyay Akhbaar Muujinaysa in Badda Soomaaliyeed Lagu Muransan yahay

SomaliTalk.com | April 15, 2009


  • 10kii March 2009 Norway iyo QM ayaa waxay DFKMG u soo bandhigeen Akhbaar la xiriirta badda
  • 12kii March 2009 Golaha Wasiiradda DFKMG ayaa ansixiyay akhbaarta hordhaca ah ee Loo gudbinayo QM
  • 5tii iyo 6dii April 2009 Waxaa Muqdisho Tegey xubin ka socda Norway oo la kulmay Golaha Wasiirada DFKMG
  • 8dii April 2009 Ra'iisul Wasaaraah DFKMG ayaa Warqad u diray QM uu ku lifaaqay Akhbaarta hordhaca ee Cabir la xiriira Badda iyo Heshiiskii MoU
  • Dawladda Norway ayaa bixisay kharashka lagu diyaariyay akhbaarta la gudbiyay

Ra'iisul Wasaarada DFKMG, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke, ayaa Qarammadda Midoobay waxa uu u gudbiyay akhbaar hordhac ah oo ku saabsan cabbirka dhulka badda hoos u sii gashan ee ka durugsan xeebta 200 mayl badeed. Waxa uu akhbaartaasi ku lifaaqay warqad uu qoray 8dii April 2009, laakiin 14kii April 2009 lagu faafiyey website-ka Qarammada Midoobay qaybta u qaabilsan Xadaynta Badaha.

Warqadda Cumar C/rashiid oo ay SomaliTalk.com ku tarjumtay Af-Soomaali hoos ayaan ku arki doonaa. Balse marka hore aan eegno dhawr qodob oo ku qoran akhbaarta ku lifaaqan warqadda Ra'iisul wasaaraha.

Bogga 4aad iyo 5aad ee akhbaarta uu gudbiyay Ra'iisul wasaaraga DFKMG waxaa ku xusan:

"Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah ee Jamhuuriyadda  Soomaaliya waxaa la dhaariyay 22kii Febraayo 2009. Kulan lagu qabtay Nairobi 10kii March 2009 oo dhaxmaray Ra'iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Professor Cabdiraxmaan Aadan Ibraahim Ibbi iyo Kuxigeenka ergeyga Gaarka ah ee xoghayaha guud (Qarammada Midoobay) Mr Charles Petrie iyo Ambassador Hans Wilhelm Longva oo ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Norway, ayaa waxaa Dawlada Federaalka Kumeelgaarka ee Jamhuuriyaadda Soommaaliya loo sheegay arrin ay bilaabeen Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Axmed Walad Cabdalla iyo Norway oo garab siinaysay."

Qoraalku waxa uu intaas raaciyey "Kulan 12kii March 2009 ay yeesheen golaha Wasiirada ee Soomaaliya in ay ku ansixiyeen akhbarta hordhaca ah ee loo dirayo Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay ayadoo la waafaqao SPLOS/183 ee ku saabsan Qalfoofka Qaaradda ee ka durugsan 200 mayl badeed. Waxaana golaha wasiiradu u mahad celiyeen Ergayga Gaarka ah ee Qarammada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Axmed Walad Cabdalla".

Akhbaarta Ra'iisul wasaaraha DFKMG u gudbiyay Qarammada Midoobay (QM) waxaa kuxusan in "Diyaarintii akhbaartan la gudbiyay ay caawinaad ka gaysatey Dawladda Norway oo talo bixin  siisay Ergeyga Gaarka ah ee QM iyo Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya. Akhbaarta la gudbinayo waxaa ka qayb qaatay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Norway iyo Qaybta Batroolka (Shidaalka) u qaabislan Norway."

Waxaa kale oo la xusay in xog laga soo qaatay akhbaar dad u dhexeeye ah ee hay'adda UNEP barnaamijkeeda loo yaqaan GRID. 

Sida akhbaarta loo gudbiyey QM  ku cad "Asagoo casumaad ka haysta Ra'iisul wasaaraha Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, iyo Ra'iisul wasaare ku xigeen, ahna wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda, Prof. Cabdiraxmaan Aadan Ibraahim Ibbi, ayaa Muqdisho waxaa 5tii iyo 6dii April 2009 tegey Ambassador Hans Wilhelm Longva oo ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Norway si uu gacan iyo talo bixin uga ageysto dhamaystirka akhbaarta hadda la gudbiyey. Waxa kale oo ergeyga reer Norway uu la kulmay Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed, islamarkaana waxa kale oo ergeyga la siiyey fursad uu kula kulmo golaha wasiirada si uu u siiyo sharaxaad dheeraad ah oo ku saabsan arrimaha la xiriira qalfoofka qaaradda ee Soomaaliya".

"Dhammaan kharashka la xiriira diyaarinta Akhbaartan la gudbiyey waxaa bixisay Norway."

Qodobka 6aad ee Akhbaarta uu Ra'iisul Wasaaraha DFKMG u gudbiyay QM waxaa ku qoran qayb ka hadlaysa "Xadaynta badda iyo arrimo kale" Qoraalkii Ra'iisul wasaaruhuna wuxuu sahaa sidan;

 "Arimaha aan la xallin ee su'aaluhu ka taagan yihiin sidoodii bay ahaanayaan, kuwaas oo ku saabsan xadaynta qalfoofka qaaradda ee labada dhinaca ee dalalka deriska ah. Arrimahaas su'aashu ka taagan tahay waa in loo tixgeliyo Qodobka 46aad ee xeerka Annex I ee Nidaamka ay dejijyeen Guddiga Xadaynta badaha".

Tarjumaada qodobka 46aad ee uu xusay Ra'iisul wasaaruhu waa sida;

Qodobka 46aad ee nidaamka Annex I ee guddiga xadaynta badaha ee QM waxaa si qeexan ugu cad gudbinta xogta la xiriirta xuduudaha badaha ee ay ku muransan yihiin dalalka leh xadka badda. Taas oo muujinaysa in ra'iisul wasaaraha DFKMG uu aqbalay in badda Soomaaliya (qayb ka mid ah) lagu muransan yahay.

Taas waxaa sii caddeeyey akhbaarta uu Cumar Cabdirashiid u gudbiyey Qarammada Midoobay, gaar ahaan bogga 8aad ee akhbaarta waxaa ku xusan in "7dii April 2009, kaddib markii wada xaajood dhexmaray labada dhinac, in Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriayadda Kenya, oo labadaaba ay arrinta u xilsaarteen dawladahoodu, in ay Nairobi ku saxiixeen Qoraal Is-Afgarad".

Waxaana markaas Ra'iisul wasaaraha DFKMG qoraalkiisa la dhexgeliyey "Qoraalka Is-Afgarad" kaas oo si qeexan u muujinaya "Arrinta calaamadintaas (Xadka Badda) ee aan la xallin ee u dhaxaysa labada dal ee xeebta waxaa loo tixgalinayaa "MURAN BADEED". Taas oo muujinaysa in Ra'iisul wasaaruhu uu aqbalay in badda qayb kamid ah Soomaaliya lagu muransan yahay.

Intaa aan uga gudubno qodobadaan kasoo qaadanay xogtii shan iyo tobanka bog (15) ka koobnayd ee Ra'iisul Wasaaraha DFKM uu u gudbiyey, Mudane Ban Ki Moon Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay.  Warqadii iyo Tarjumadii SomaliTalk.com.




Xukuumadda Federaaliga KMG ah ee
Jamhuuriyadda Soomaaliya
Xafiiska Ra'iisull Wasaaraha

omar abdirashid Ali Sharmarke
Warqadda oo weyn (English Version)


XRW/0065/06/09    Muqdisho 8dii April 2009

Mudane;

Ayadoo la tixraacayo qodobka article 76 ee Xeerka Qarammada Midoobay (QM) ee Sharciga Badaha (oo qoraalkan hakan kaddib aan ugu yeeri doon "Xeerka"), iyo qodobka 4aad ee Lifaaqiisa Annex II, iyo sidoo kale go'aamadii ka soo baxay kullamadii  kow-iyo-tobnaad iyo siddeed-iyo-tobnaad ee dawladaha qaybta ka ah ee ku qoran xeerka SPLOS/72, farqadda (a) iyo SPLOS/183, farqadda 1 (a) siday u kala horreeyaan, ayaa Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaa sharaf u ah in ay Xoghayaha-Guud ee Qarammada Midoobay u gudbiso akhbaar hordhac ah oo muujinaysa cabbirka qalfoofka qaaradda ee ka durugsan fogaan dhan 200 mayl badeed iyo sharraxaad ku saabsan halka ay marayso diyaarinta iyo waqtiga loo qasday in la keeno (xogta) oo la waafajinayo sida uu dhigayo qodobka article 76 ee Xeerka (QM) iyo qaanuunka loo deyjiyay iyo iyadoo la raacayo farsamada sayniska iyo teknoolojiyada ay dejiyeen Guddiga Xadaynta Qalfoofka Qaaradda (oo qoraalkan wixii halkan ka dambeeya aan ugu yeeri doono "Guddiga").

(Akhbaarta) hadda la soo gudbiyey waxaa la waafajiyay SPLOS/183, farqadda 1 (a). Ujeedadiisuna waa xaqiijinta in Soomaaliya ay ajiibto waqtiga ku astaysan qodobka Article 4 ee Annex II ee Xeerka (QM) iyo go'aanka ku qoran SPLOS/72. (Akhbaarta) hadda la gudbiyey waa mid aan caqabad ku noqonayn Soomaaliya mustaqbalka akhbaarta ay geyn doonto (QM) ee waafaqsan sida uu dhigayo qodobka article 76 ee Xeerka (QM) iyo qaanuunka u deggan (keenista xogta) iyo Qaabka ay tahay in la raaco farsamada sayniska iyo teknoolojiyada ee Guddiga (QM) iyo mustaqbalka tixgelinta ay samayn doonaan Guddiga (QM).

Xogta la socota akhbaarta aan halkan kusoo gudbinayno waxay muujinaysaa in Soomaaliya tijaabadii (baaritaan) ee arrintan ku saabsanayn ay waafaaqday sida ku qeexan farsamada sayniska iyo farsamada teknoolojiya ee ay dejiyeen Guddiga (QM). Meesha ay dhacaan Sideeda (meelood oo la calaamadiyey oo ah) Cagta (ama asaaska) Baraha Janjeerka waxay muujinayaan in janjeerka qaaradda ee Soomaaliya ay si cad u qeexayaan in Qalfoofka Qaaradda ee Soomaaliya ay kasii durugsan tahay 200 mayl badeed oo cabirka laga soo bilaabayo xeebta. Ayadoo la waafaqayo SPLOS/183, farqadda 1 (d), waxaa la weydiistey Xoghayaha-Guud (QM) in uu la socodsiiyo Guddiga (QM) iyo dalalka xubnaha ka ah marka uu helo akhbaarta hordhaca ah ee Soomaaliya sida uu dhigayo SPLOS/183, farqadda 1 (a), iyo in akhbaartan la faafiyo, oo meelaha lagu faafinayo uu ku jiro website-ka Guddiga (QM).

Fadlan aqbal mudane, tixgalinta ugu saraysa.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke
Ra'iisul Wasaaraha

Mudane Ban Ki Moon
Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay
New York, USA

Qoraaladdii uu Gudbiyey Cumar C/rashiid waa kuwan:


Aragtida Kenya ee "Heshiis Xuduudda Badda" ee ay la Gashay "Jamhuuriyadda Soomaaliya" iyo Jawaabta Ra'iisul wasaaraha DFKMG

FG: Cumar C/rashiid waxa galabnimadii April 14, 2009 uu safar ku tegey magaalada Nairobi ee dalka Kenya.


Linkiyo Tixraac xeerar UNCLOS:

Faafin: SomaliTalk.com | April 15, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: