SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XEER
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Xeerka Saxaafadeed ee SomaliTalk.com

xeerXeerka SomaliTalk.com

  1. SomaliTalk.com waxay soo dhawaynaysaa dhamaan ummadda soomaaliyeed, inay kusoo bandhigaan cilmigooda, caqligooda iyo aragtiyahooda kala duwan.
  2. In Wax kasta oo SomaliTalk.com kusoo baxaya ay waafaqsan yihiin Diinta Islaamka, kana hor imaanayn si toosa iyo si dadban toona (marna).
  3. In ay SomaliTalk.com usiman tahay dhamaan ummadda Soomaaliyeed.
  4. In wax kasta oo kusoo baxaya SomaliTalk.com ay yihiin wax dhisaya mushtamaca Soomaaliyeed aqoon tooda iyo wacyigooda.
  5. In wax kasta oo kusoo baxaya SomaliTalk.com ay yihiin wax xaqiiqo ah oo tix raac leh.
  6. In SomaliTalk.com soo bandhigi doonto xog kasta oo ay hesho ee ku saabsan wixii lagu hagar daamaynayo ummadda Soomaaliyeed si looga hortago.
  7. Inaan laga saari doonin ama laga tirtiri doonin qoraallada lagu soo daabaco SomaliTalk.com.
  8. Inaan suxufiyiinta SomaliTalk.com saxaafad kale u gudbin Karin xog ay ku heleen magaca SomaliTalk.com.
  9. In suxufi kasta oo ka tirsan SomaliTalk.com ee xog siiya saxaafad kale ayadoo xogtaasi aysan kusoo bixin SomaliTalk.com ay ka tarjumayso fikirkiisa khaaska ah.
  10. In SomaliTalk.com laga xigan karo dhamaan xogta kujirta ayadoo lasiinayo xuquuqda daabacaada SomaliTalk.com.
  11. Qoraallada kusoo baxa SomaliTalk.com waa in ay qeexan yihiin iyagoo lagu astaynayo nooca uu qoraalku yahay (War, Ra'yi, Faallo, Maqaal, iwm) - Qeexidda hoos ka eeg.

Qeexidda Qoraallada

War

War waa dhacdo cusub ama arrin aan markii hore laga war hayn oo uqalanta in la sheego. Arrin muhiimad u leh waddamo ama dad meel deggan ayaan muhiimad u lahayn dal aan xiriir lahayn meesha dhacdadu ka dhacday. Warka waxaa laga eegaa xilliga uu dhacay, warku ma mid markaas dhacay baa oo u qalma in la sheego?, Waxaa mudan intaadan tabin ama lalil inaad is waydiiso, raadka uu reebayo, ma dad badan ayaa arrintu warku saamayn ku leedahay? Warka ma ka dhacay meel u dhow dadka warka loo tebinayo, oo saamayn gaara oo weyn ayuu ku leeyahay. Sida arrintu u dhacday dadku maku kala duwan yihiin oo ma waxay ka qabaan fikrado kala duwan? Haday jirto kala duwanaan fikrad, waa in labada dhinacba la sheegaa.

Haddaba marka laga hadlayo war, waxaa muhiim ah wartabiyaha inuu kusugan yahay goobta uu warka ka soo tabinayo oo uu goob joog yahay, hadii kale waa inuu waraystaa ama ka soo xigtaa qof ka warbixinaya dhacdadaas oo goobta joogey ama ka ag dhawaa goobta oo lagu kalsoon yahay ama masuul ah, waxaa shardi ah marka war lasoo tabinayo in aan waxba lagu kor dhin waxbana laga dhimin,  lagana eego warka dhinacyada uu saamaynta ku leeyahay oo dhan, laguna dadaalo sida ugu kooban in loo soo tabiyo iyadoo aan waxba laga tagayn, waxaa reeban in war beena lasoo tabiyo sinaba. Sidoo kale waa inaan laga waynayn dhacdada mugeeda ama laga badbadin.

Tusaale:

Boqorka Belgium oo u Hiiliyey Gabar Xijaaban:::
Boqorka dalka Belgium King Albert II ayaa bisha Janaayo 12keeda  (2005) soo dhoweyn doona nin agaasime shirkadeed ah iyo gabar xijaaban oo uu ninkaasi difaacey, waxana uu boqorku arintaas uga gol-leeyahy in uu ku muujiyo taageeradiisa uu u hayo ninkaas taageersan in gabadhaasi xirato Xijaab marka ay shaqayneyso.
ISHA: SomaliTalk oo soo xiganeysye IslamOnline
http://www.somalitalk.com/2004/dec/30dec24.html

Maqaal

Maqaalku waa ka duwan yahay warka waxaana looga hadlaa badanaa soo bandhigid cilmi, hanoqdo mid diini ah ama maadi ahba, sida; Maqaallo Waano, Wacyigalin, Siyaasad iwm, ama Maqaallo Caafimaad, Ganacsi, Isgaarsiin, iwm, waxaa kale oo looga hadli karaa arrin dhacday maqaal laga qoro, ha noqoto mid taariikh ah ama mid looga hadlayo siday u dhacday amaba maqaallo lagu soo bandhigayo arrimo kuwaa ka duwan oo wax laga faa'iidayo.

Tusaale:

Aqoonsi xaddid::
Aqoonsi xaddid waa markii qof aqoonsigiisa & magaciisa la xado loona isticmaalo si tuugnimo ah, bangigiisa lagala baxo lacag, ama credit card-kiisa lagu gato wax uusan war u heyn amaba raali ka aheyn. Aqoonsi xaddida waxey kaloo noqotaa markii qof aqoonsigiisa lagu furto bangi akoon, credit card ama telefan cusub.
ISHA: Maqaalkii Cali Daray
http://www.somalitalk.com/daray/ 

Ra’yi/Fikrad

Ra’yigu waa ka duwan yahay labada qaybood aan soo aragnay ( warka & maqaalka). Ra'yi waa in qof cabiro rayigiisa hanoqdo ra’yi uu qadiyad ku taageerayo ama ku mucaaradayo ama ra’yi uu kusoo bandhigayo fikir uu arrin kaqabo, wuxuu kale oo noqon karaa ra’yi uu mid ka horeeyey ku naqdinayo ama ku taageerayo. Waxaa lagama maarmaan ah marka ra’yi laga hadlayo in uu ku koobnaado arrintaas uu ogol yahay ama diidan yahay, sidoo kale waa inuu ahaadaa mid aan shakhsi iyo qabiil/beel toona u gudbayn, ee cabiraya kala duwaanta aragtida, waxaa reeban inuu noqdo mid wax duminaya ama wax caayaya, waxaa muhiim ah tix galinta kala duwaanta aragtida - khasab ma ahan in dadka oo dhammi kula aragti yihiin, khasabna ma ahan in adiga keliya aragtidaada la qaadanayo balse adiga ayaa cabiraya aragtidaada dadkana u deynaya in ay fikradda ay doonaan aragtidaas ka qaataan.. Sidoo kalena waa inaad diyaar u noqotaa in lagugu diidi karo ama lagugu waafiqi karo fikradaada iyo in lagu ridiyba.

Tusaale:

Siyaasadda Soomaaliya:::
Waxaa haboon in la dejiyo qorshe siyaasadeed oo diirada lagu saarayo sidii loosoo afjari lahaa khilaafka siyaasadeed ee dadka Soomaaliyeed kala geeyey. Dadka Soomaaliyeed waxay maanta marayaan heer aad u ba’an oo xaga dhaqaalaha, kaasoo hadii aan la helin xal siyaasadeed oo dalka lagu dejinayo ay halis ku jirto jiritaankooda.
ISHA: Aragtida dadweynaha ee DoodFuran
http://www.somalitalk.com/dood/

Faallo:

Faalladu waxay udhowdahay maqaalka, balse waxay kaga duwan tahay waxaa si qoto dheer oo cilmiyeysan loo eegayaa arrinta la rabo in laga faalloodo ama qoraal qoto dheer laga qoro. Waxaana arrinta laga eegayaa dhinacyo badan oo soo hoos geli kara arrinta qoraalka laga qorayo. Faalada waxay kaloo wadataa tixraac iyo qoraalo ama hadalo xoojinaya arrinta laga faaloonayo.

Tusaale:

Yaa Ka Dambeeya Ka ugaarsiga Masaajidda:
Arintaan Ugaarsiga Masaajida ayaa soo bilaabatay xilligii ay  ka talinaysay wadanka Dowladii Soomaaliya ee Askarta ahayd oo laysay culimo owdiin diiday in lagu xadgubo diinta Illahay, xukuumadaasoo masaajidana dadka ka ugaar san jirtay qofkii xaqa cadeeya oo sheega wax iyaga ka dhana,
ISHA: Faalladii Somalitalk ee Dec 2004
http://www.somalitalk.com/faallo/dec04.html

Taariikh

Taariikhdu waa dhacdo/arrin dhacday xilli hore oo loo soo bandhigo siday u dhacday, taariikhdu ma’aha wax la iska qori karo ama lamalayn karo, waa in la helaa cid goob joog ka ahayd oo laga wariyo ama meel ay kuqoran tahay oo laga soo xigto, waxaa muhiim ah in aad loo hubiyo marka la warinayo taariikhda sida ay ukala horayso, waa in la xaqiijiyo kalsoonida lagu qabo cidda laga warinayo lana sheego magacyada ama buugta wax laga wariyey ama laga soo xigtey. Waxaa haboon in lagu dadaalo in la raadiyo qof wax kabadan og inta buugta laga xigtay si loo xaqiijiyo taariikhda, waxaa muhiim ah inaan waxba laqarin taariikhda, waxna laga tagin, sidoo kale waxna lagu taaran (ama lagu lifaaqin wax aan jirin), waxaa reeban in laga been sheego taariikhda, sidoo kale waxaa reebban in taariikhda laga weeciyo ciddii asalka laga wariyey - waa in xuquuqda la siiyo meeshii ama ciddii laga weriyey. Sidoo kale waxaan haboonayn in la jiirajiiraysiiyo taariikhda si loola raadsado meelo ama cid khaasa. Waxaa kale oo reeban in laqariyo taariikhda qaybteeda xun, waa in sida wax u dhaceen loo sheegaa markasta.

Tusaale:

Taariikhda Soomaaliya:::
1894 ayaa heshiiska loo yaqaan "Tripartite Accord" waxaa wada gaarey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya..
ISHA: UNIVERSITY OF PENNSYLVANIA - AFRICAN STUDIES CENTER
Life & Peace Review, Vol.8, No.4, 04/94
http://www.sas.upenn.edu/African_Studies/Newsletters/peace.html  | Tarjumaad

Cilmi Baaris:

Cilmi baaristu ma aha oo qura in buug inta la akhriyo markaas wax la qoro, ee waa in si xeel dheer arrin loo baaro oo loo barto, looga baaraan dego, laga eego dhinacyo badan iyo lagana helo fikrado kaladuwan, markaas kaddib wax laga qoro. Cilmi baaris waa in la raadiyo runta arrinta wax laga qorayo, qoraaguna uu si qoto dheer u fahamsan yahay arrinta uu wax ka qorayo.

Tusaale:

Sunta Ku Duugan Soomaaliya:::
Dhulka koofurta Soomaaliya ee lagu sheegay in ay ku duugan tahay sunta halista ah waxaa kamid ah magaalada Jamaame ee aagga Kismaayo iyo nawaaxiga xeebaha Marka iyo Muqdisho iyo meesha lagu magcaabo Ceel-Baraf . Meelaha kale ee qashimadaas lagu duugay waxaa kamida bay yiraahdeen: Jawhar, agagaarka waddada Boossaasso - Garoowe iyo dhulka u dhexeeya gobolada Bari iyo Sanaag.
ISHA: Cilmi Baaristii Dr. Bashir Sh. Mohamed
http://www.somalitalk.com/sun/

Anshaxa Warbaahinta:

Warbaahinta waxaa loo kala qaybin karaa labo qaybood oo kala ah: Qayb ku hadasha afka dawladda iyo qayb wadaniyiin/muwaadiniin ah. Kuwa ku hadla afka dawladu waxa keliya oo ay soo bandhigaan aragtida dawladda ama waxa ay dawladdu raali ka tahay oo keliya, taas oo mararka qaarkood ka hor iman karta rabitaanka shacabka.

Warbaahinta wadaniga ah waa mid si madax bannaan u waranta, ayadoo maanka ku haysa anshaxa warbaahinta iyo waxa dan u ah mujtamaca ay la hadleyso, waa mid aan ku talax tegayn ama si xad-gudub ah wararka u baahinayn, waa mid miisaan saareysa baahida dadka, kana tarjumeysa mujtamaca iyo rabitaankiisa.

Warbaahinta Damiirka leh waxaa lagu tilmaamaa warbaahinta raadisa xaqiiqada, una soo bandhigta ama uga war bixisada sida ay wax u dheceen oo shacabka ugu adeegta si hagar la'aan ah oo daacad ah, islamar ahaantaasna leh anshax wanaagsan iyo karti.

Warbaahinta, sida Radiye, Joornaal, Website, TV iwm, waa in la ogyahay cidda wax ku leh, waana in warbaahintu caddayso. Tusaale ahaan haddii Radiye ama Website uu qof gooni u lahaan jirey ay sami kamid ah iibsadaan xubno kamid ah dawladda waa in arrintaas shacabka loo caddeeyo, waayo wixii maalinta iibku dhacay ka dambeeya warbaahintaasi looma tixgelin doono mid dhexdhexaad ka noqon karta arrimaha kuwa awoodda xukunka haysta, maadaama ay iyagu wax ku leeyihiin ama xubno ka tirsan kuwa maamulka haysta ay saami ku leeyihiin.

Anshaxa Weriyaha

Weriye waa qof xirfad u leh soo ururinta, qorista, isku dubaridida, tifatirida, soo gudbinta iyo soo bandhigidda wararka iyo warbixinada, kuwaas oo lagu soo saari karo Internetka, Radiya, Telefishanka, Wargeysyada TV-yada, iwm. Waxaana weriyaha looga baahan yahay qodobadan:

  • Weriyaha Xilkiisa koowaad waa sheegidda Runta
  • Weriyaha cidda koowaad ee uu daacadda u yahay waa muwaadiniinta
  • Weriyaha dadaalkiiisa koowaad waa anshax ku salaysan xaqiijin
  • Weriyuhu waa in uu ka madax bannaan yahay kuwa uu warka ka tebinayo
  • Weriyuhu waa in uu ahaado mid si madax bannaan isha ugu haya kuwa awoodda (xukunka) haysta
  • Weriyuhu waa in uu hirgeliyo gole ay dadweynuhu fikirkooda ku cabiri karaan
  • Weriyuhu waa in uu tebiyo war si siman loo sheegay oo caddaalad ah

Weriyaha iyo Raadinta Runta:

Weriyayaasha waa in ay ahaadaan daacad, caadil, iyo geesi marka ay soo ururinayaan xogta iyo warbixinada iyo marka ay dhiibayaan ama faahfaahinayaan akhbaarta.

Weriyaha waxaa laga rabaa:

  • In uu xaqiiqada akhbaarta ka hubiyo dhammaan meelaha/isha akhbaartaas iyo in uu aad uga taxadaro khaladka kama'a ah (khaladka aan loo kasin). Si ula kac ah in akhbaarta loo qaloociyona marna uma bannaana weriye.
  • In uu si xeel dheer u raadiyo dhinacyada uu khuseeyo warku si loo siiyo fursad ay kaga jawaabaan, tusaale ahaan haddii cid eedaymo loo soo jeediyey waa in fursad lasiiyaa si ay eedayntaas uga jawaabaan.
  • In uu caddeeyo isha laga helay warka mar kasta oo ay macquul tahay. Shacabku waxay xaq u leeyihiin in ay ogaadaan isha ama meesha laga soo xigtey warka iyo sida ay isha laga soo xigtey u tahay war-gal lagu kalsoonaan karo. [Arrimo xagga ammaanka la xiriira ama arrimo la xeerinayo oo macquul ah awgeed waa loo qarin karaa isha warka, laakiin waa in taas qudheeda la caddeeyo.]
  • In uu weydiiyo sababta ama ujeedada ka dambaysa haddii isha warku codsato in la qariyo. Caddayn buuxda waa in laga haystaa wax kasta oo lagu bedelanayo akhbaar. Ballantana waa in la xafido - haddii weriyuhu qof ka ballan qaado in uusan magcaabayn, waa in uu xafidaa ballantaas.
  • In uu xaqiijiyo in wararka, sawirada, codka, video, iyo xigashada aan laga leexin macnahoodii asalka ahaa ama inta xog lagala soo dhex-baxo waa in aan loo fasirin hab ka duwan ujeedadii asalka ahayd.
  • In uu hubiyo sawirada iyo video wax-yaabaha ay xambaarsan yihiin macne ka duwan in aan loo yeelin. Sawirada waa la hagaajin karaa si ay hannaan ama qaab wanaagsan ugu soo baxaan, laakiin waa in aan macnihii la rogin ama la bedelin. Summad ama astaan waa in loo sameeyo sawirada.
  • In uu ka fogaado war horay u dhacay oo laga dhigayo wax cusub oo sidii masraxii loo jilayo. Haddii taasi dhacdo waa in la caddeeyo oo la sheego in warkani yahay mid horay u dhacay oo hadda la jilayo.
  • In uusan wararka ku raadin hab khiyaameed ama soo dhuumaalaysi, haddiiba warkaas lagu heli karo nidaamka caadiga ah. Haddii si dhuumasho ah warka lagu helay waa in taas la caddeeyaa oo warka lagu sheegaa in sidaas lagu soo helay.
  • In uusan ku dhaqmin khiyaano ama xadid war qof kale.
  • In uu warka u sheego si caddayneysa inta ay leegtay arrinta meesha ka dhacday - Haddii arrinta meesha ka dhacday ay tahay mid sahalan waa in aan laga badbadin.
  • In uusan warka u adeegsan erayo ka hor imanaya dhaqanka iyo asluubta wanaagsan.
  • In uu codka siiyo dadka aan codka lahayn ama awood u lahayn in ay codkooda ku hadlaan. Warka saraakiisha iyo kan shacabku labaduba waxay noqon karaan kuwo sax ah, sidaas darteed waa in si siman loo sheego warka kuwa xukunka haysta iyo kuwa aan codka lahayn.
  • In uu kala saaro  u ololayn arrin iyo gudbinta warka. Arrin loo ololaynayo waa in aan lagu lammaanin war dhacay. Falanqaynta iyo faallada waa in si cad cinwaan gaar ah loogu sameeyo, waana in aan la majara habaabin xaqiiqda. Fikradaha iyo warku waa in ay si cad u kala baxsanaadaan.
  • In uu si cad u qeexo faraqa u dhexeeya warka iyo xayaysiiska, waana in aysan isku khaldamin.
  • In uu xoogga saaro (ama mas'uuliyad gaar ah iska saaro) xaqiijinta akhbaarta ku saabsan waxyaabaha dadka u dhexeeya ama hantida qaranka, Kadibna uu soo tabiyo, si ay u noqoto mid aan qarsoodi ahayn.

Weriyaha iyo Yaraynta  Dhibaatada

Weriyaha anshaxa leh waa kan u tixgeliya in ay bini'aadam yihiin dadka uu ka helayo warka, dadka uu warku khuseeyo, dadka uu warku gaarayo, iyo dadka la dhigga ah.

Wariyuhu waa:

  • In uu ka taxadaraa raadka uu warkaasi reebi karo, kuna reebi karo mujtamaca uu ka weriyey.
  • In uu si taxadar leh uga fiirsado waraysiyada iyo sawirada dad uu dhib soo gaarey, oo tix geliyo dareenka dadka dhiban.
  • In uu xaqiiqsado in raadinta iyo werinta warku ay dhib u keeni karto qof warkaasi khuseeyo. Dabagalka warku ma ahan isla weyni sidii la doono loola dhaqmayo, balse waa xaqiiqo raadin iyo caddayn la rabo in arrin laga bixiyo si shacabka loogu caddeeyo runta..
  • In uu xaqiiqsado faraqa u dhexeeya qofka shacabka ah iyo madaxda & dadka awooda dawladeed ama ciidan haysta. Qofka shacabka ah isagaa awoodd u leh inta akhbaar uu bixinayo.
  • In weriyuhu uu mar kasta ilaashado sharaftiisa iyo sumcadiisa.
  • Waa inuu ka taxadaraa in uu xogta uu ku helay xirfadiisa wariyonimo uu maqaayadaha kaga kaga sheekeeyo, wariyaha sumcadiisa waxaa kor u qaadi kara in laga helo goobta looga baahan yahay iyo xiliga loo baahan yahay.

Weriyaha iyo Waraysiga:

Weriyuhu marka uu waraysi qaadayo waxaa ugu horeeya waa in uusan su'aalaha uu ku saabsan yahay waraysigu uusan tusin qofka uu waraysiga ka qaadayo. Waayo haddii su'aalaha la tuso waraysi ma noqonayo ee wuxuu noqonayaa wax la soo diyaarsaday sida khudab, waxaana dhici karta (a) in qofkaasi ka sii gaashaanto oo kuu sii diyaariyo jawaab ay qofkaas dani ugu jirto, ayna dhici karto in uu si ka duwan u sheegi lahaa haddii su'aasha oo uusanarag la weydiin lahaa (b) dhegeystayaashu waxay u haystaan in ay dhegeysanayaan waraysi, lakaiin aysan doonayn in ay dhegeystaan war loo soo diyaariyey. (c) waxaa dhici karta in uu waraysigaba diido marka uu arko in su'aalahaasi aysan isaga dhankiisa ahayn

Weriyaha iyo Madax Bannanida

Weriyihu waa in uu ahaadaa mid ka madax bannaan ballan qaadyo, laaluush,  ama dan gaar ah oo kasta, una adeegaa danta shacabka iyo xuquuqda ay u leeyihiin in ay warkaas ogaadaan.

Wariyuhu waa:

  • In uu ka fogaado danta gaarka ah oo ka hor imaneysa danta guud.
  • In uu ahaado mid ka madax bannaan dhammaan dhinacyada arrin u dhexayso, kuwaas oo wiiqaya kartidiisa ama wax u dhimaya sumcadii weriyaha lagu rumaysan lahaa.
  • In uu san qaadan abaal marin, ixsaan gaar ah, lacag, safar bilaash ah iyo si gaar ah oo laguu tixgeliyo, shaqo lagu siiyo, ka qaygal xisbi siyaasadeed, xafiis dawlad ama jaalid u shaqeeya haddii dhaammaan ay ka hor imanayaan kartida weriyenimo.
  • In uu caddeeyo danaha aan laga fursan karin. Tusaale ahaan haddii madaxda dawladu kugu casumaan in aad ula safartid meel oo aad ka aqbashid, marka aad meeshaas ka war bixineysid caddee in safarkaas aadan iskaa u tegin - adigoo caddaynaya ciddii kugu casuntey.
  • In uu had iyo jeer feejignaado, ahaadona geesi marka uu la xisaabtamayo kuwa awoodda ama xukunka haysta. Taas macnaheedu ma'ahan inuu mucaarad noqonayo, ee waa inuu u cadaalad sameeyaa Dowlada iyo shacabka.
  • In aan weriyuhu ixsaan gaar ah warka ugu samayn dadka wax ku xayaysiista ama danaha gaarka ah ka dhexeeyaan oo raba in ay raad ku yeeshaan warka. Taas oo ah in uu ka taxadaro wararka iyo akhbaarta lagu siinayo si meeshii warkaas laga qaatay loogu fuliyo dan gaar ah ama warka loo sheego si meeshaas qancisa oo aan ahayn xaqiiqadii warka.

Weriyaha iyo Mas'uul Noqoshada

Weriyayaasha waxaa xil ka saaran yahay waxay u gudbinayaan akhristayaashooda iyo dhegeystayaasho/daawadayaashooda.

Weriyuhu waa:

  • In uu caddeeyaa, sharraxaana warka, isla mar ahaantaana ku casumaa shacabka in ay dood furan ka yeeshaan dhaqanka weriyayaasha.
  • In uu ku casumo dadku in ay si bareer ah u sheegtaan waxyaabaha ay kaga cabanayaan warbaaahinta.
  • In uu qiro khaladka ka dhaca, isla mar ahaantaasna sida ugu dhaqsaha badan u saxo.
  • In uu si waadax u caddeeyo weriyayaasha iyo warbaahinta ku dhaqmaya wax aan waafaqsanayn anshaxa warbaahinta.

[Xusuusnow: Weriyaha Xilkiisa koowaad waa sheegidda Runta.]

Weriyaha iyo Qoraal Wanaagga

qorWeriyuhu waa in uu yeesho xirfad wanaagsan oo la xiriirta wax qorista. Waa in uu ku dadaalo in uu si wanaagsan oo la fahmi karo u qoro qoraallada. Waa in qoraalku noqdo mid haybad wanaagsan ka muuqato oo ku qoran naxwe iyo higgaad la fahmi karo. Waa in weriyuhu had iyo jeer kororsado aqoontiisa iyo xirfaddiisa.

Weriyaha iyo Dhawridda Xuquuqda Qoraallada

CopyrightHantidu waxay noqon kartaa mid maal ama  mid maskaxeed. Qoraalladuna waxay soo hoos gelayaan hantida maskaxeed. Sidaa daraadeed waxaa lagama maarmaan ah, isla markaana shardi ah, in weriyuhu ilaaliyo xuquuqda qoraalka oo uusan qoraal soo min guurin isagoo aan sheegayn isha uu ka soo xigtey. Maadaama xilka koowaad ee weriyuhu uu yahay "Sheegidda Runta" waxaa muhiim ah in uu qoraallada ka run dheego haddii uu meel ka soo xigtey.


Tixraac:

Drafted: 2006 | Updated: 2008 / 2010


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.Somali
Talk.com