SOMALITALK.COM Dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALIA FOR SALE

Somalia for Sale

Soomaaliya waa iib (9)

Kaalintii Wadaaddada ee Dagaallada Soomaaliya

Qore: Axmed sadiiq
Sadiiq120@gmail.com

Waa barnaamij taxane ah...



Hordhac:

Qormadaan waxaan ku eegi doonaa dagaallo badan oo dhacay labaatankii sano ee lasoo dhaafay ayna ku lug lahaayeen wadaado ama dad magaca wadaado ku dagaal galaya, oo islaamiyiin ay saxaafaddu ku naanaysto, dagaaladaas waa kala duwanaayeen wixii keenay iyo taariikh ahaanba, islaamiyiinta aan ka hadlaynaana waa raga aaminsan Jihaad ama qori caaradiis dawlad islaami ah in lagu dhaliyo, waxaana u kala qaadayaa sida ay iskugu xigeen taariikh ahaan,waxayna kala ahaayeen sida tan.

Halgankii ugu horeeyay 1991-1992 Araare, Bari, dagaalkii Gedo 1996 – 1999, dagaalkii aamusnaa ( bastooladaha) ee Muqdisho 1995-2005, kala tagii macalimiinta iyo ardaydoodii maxaa sabab u ahaa? maxaa keenay fashilka in la hanan waayo dawladnimo ay hogaaminayaan islaamiyiinta? intaas iyo in ka badan ayaan ooga hadli doonaa qoraalkan.

Bilawgii wilaayaadka islaamiga .

Waxaa xusid mudan ururkii la oranjiray  Al-Ahli ee markii danbe u xuubsiibtay Al-Itaxaad Al-Islaami, kadib midawgii ay la midoobeen Wuxdatu Shabaab ee ka jiray waqooyiga Soomaaliya ,markii laga soo laabatay dagalkii 1977 kii ee dawlada Itoobiya lala galay waxaa ay ku fakareen inay ciidamada ku biiraan si dalka ay oola wareegaan, laakiin dawladii kacaanka ayaa ahayd mid aan la mari karin si walba ha,ahaatee hamiga ah la wareegida xukunka wadanka oo dhan waxaa ay bilaabatay markaas, hamigaaas asagoo jira ayay dawladii dhexe bur burtay, kadib bilooyin yar kadib ciidamo ayay aruursadeen oo ay iskugu geeyeen Kismaayo,ciidankaas waxaa lagu sheegaa 500-1000 askari inta u dhaxeysa.

1991-1992: markii lagu kala tagay magaalada Muqdisho Janaayo 1991 raggii islaamiyiinta ahaa nin walba meel ayuu aaday, u qaxay ama si kale hadii loo dhigo meeshii uu is lahaa amaan ayaad ku heli kartaa ayuu u wareegay, markaas majirin anagoo wadaado ah aan is aruursano, waa bilawgiiye, meelihii aadka loogu soo qaxay waxaa kamid ahaa magaalada Kismaayo, maalintaas raggii islaamiyiinta (wadaadada) ahaa waxay ku fakareen  inay ayaguna is aruursadaan, dagaalladii arin ayaa soo wajahday, magaalada waxaa soo weeraray ciidamo uu hor kacayay Gen. Caydiid, raggii daliil iyo ogolaanshahaha ururka Itixaad ayay raadsadeen, sababtana waxaa keentay shirkii shuurada ee ururkii Al-Itaaxd 1988 dii ayaa lagu go’aamiyay inaan dagaalada laga qayb qaadan, markaas dhalinyaro reer Hargaysa aha oo ururka ahaa ayaa waxa ay soo weydiiyeen culimadii ururka dagaalka lagula jiro dawlada ee SNM  maka qayb qaadan karnaa?, jawaabtii lasoo saaray waxa ay ahayd MAYA, marka kan oo ah qabiil see qiil loogu raadiyaa si walba ha’ahaatee waxaa la,isku qanciyay qofkii maalkiisa, cirdigiisa iyo naftiisa difaacanayo inuu yahay shahiid, sidaas darteed dagaalkii (Kismaayo) ayaa sidii lagu galay ayadoo aysan jirin is aruursi badan, maalintaas raggii dagaalkaas galay way joogaan qaarkood, ilaa manta 2010 ka waa wadaan dagaalka  rag badan ayaa meeshii ku dhintay rag badana wabigay ku daateen.

Dagaalkaas wadaadadu waxay ku ogaadeen in jabhadaha Soomaalida ay kawada adkaan karaan oo ciidamadii Gen Caydiid meel ayay saareen markii danbe dagaalkii waxaa ooga baxay ciidankii qabaa’isha sidaas ayay ku jabeen wadaadadii.

Dagaalkaas ay Kismaayo ku difaacayeen waxaa loogu magac daray dagaalkii Araare oo ahayd meesha uu ka bilawday dagaalka, golaha shuurada dagaalkaas khilaaf ayuu ka dhex abuuray, rag ay kamid ahaayeen Sh. Maxamuud Ciise (Abuu Muxsin) iyo CabdulaahiRaabi, ayaa la canaantay waxaa dhalatay fikradii mucaskarada (xerooyin ciidan) in la abuuro.

Intaa kadib waxaa bilawday kacaankii is aruursiga, ururkii la oran jiray Al-Itaxaad Al-Islaami ayaana hawshaas dhabarka u ritay, dhallinyaro aad u badan ayaa la’isku keenay kuwaasoo kawada yimi koofurta iyo waqooyiga Soomaaliya oo dhan ujeedada markaas la shaaciyay waxay ahayd in aan lagu milmin (la dhaxgalin) dagaalada sokeeye ee meel gaar ah loo baxo, laakiin ujeedada qarsoon waxay ahayd dawlad islaami ah in laga dhiso Bari (Puntland), xerooyinka ciidamada waxaa ugu waa weynaa markaas xeyaha Dhooblay, Beled xaawo iyo Marka, intaa kadib waxaa dhalatay fikrad ah in ciidamada la,iskugu keeno xeradii laga sameeyay Beled-xaawo kadib in loo sii ruqaansado dhankaas iyo gobolada Bari ee Puntland.

Safarkii waa uu gaaray meeshii uu rabay ee ahayd Boosaaso, waxuuna sii maray gobolka Soomaali galbeed ee Itoobiya haysato,waxaana uu saldhig ka dhigtay duleedka Boosaaso, si nabad galya ah ayay u maamulayeen gobaladda puntland,  Juun 1992dii ,waxaa shir weyn iskugu yimi odayaasha gobolada Puntland si ay ooga shiraan ciidamadaan gobolada yimid oo ay markaas u arkeen dad qabsaday meela kalana kayimid, ayagoo shiraya ayaa la hareereeyey ama isku-weer laga qabtay oo dhamaantood lawada xiray, maalintaas qof magac lahaa oo oday ahaa ama siyaasi fakaday majirin ama waa yaraa.

Raggii la qabtay waxaa ku jiray Col.Cabdulaahi Yuusuf, maalmo kadib waa lasii daayay, sii dayntaasna dhallin yardii waa ka xanaaqeen mar danbe oo maalintaas in la laayaa raga qaar rabay,  odayaasha Itixaadka waxaa u muuqatay inay ka dhigtaan fursad dagaalka lagu joojiyo sii daynta odayaasha, iyo maslaxad u muuqatay maalintaas oo gadaal laga ogaaday,maalintaas waxaa ciidanka watay nin layiraahdo Xuseen Cismaan oo asaga dagaaladaas ku geeriyoon doona, waxaa qarxay dagaalkii weynaa ee sanadka kaban socday, 1992-1993, wadaadadii waa laga saaray gobolka oo dhan waxaa ay galeen Buuraha Saliid ee ku dhaw Laasqoray markii danbana Laasqoray ayay qabsadeen, kadib waxaa dhacay heshiis loogu ogolaanayay wadaada in ay soo galaan magaalooyin ayagoo shacab ah, hubkana dhigaan, sababtana waxaa keentay wadanka waxaa soo galay ciidamo uu hogaaminayo Mareykanka waxaa soo baxday ururuku in uu ahaa ujeedada ugu weyn ee maanta Mareekanka raadinayo sidaas darteed ciidamadii lakala diro Mareekankana dadka dhexdiisa in lagula dagalamo, waxii hub ahaana lagu wareejiyo dagaalyahano ka dagaalamayay Soomaali galbeed ahaana garab kamid ah ururka Al-itaxaad waxii markaas jihaad raba siina wadi karana ay halkaas aadaan, laakiin aysan jirin wax ciidan la dhaho oo meel inta lagu aruuriyo la biilayo, sidii ayaa ciidamadii labada sano kabadan la,aruurinayay firimbi loo yeeriyay nin walba sahay inta lasiiyay ayay guryahoodii kala aadeen, arinkaasna dhalinyaradu raali kama ahayn laakiin odayaasha waxay u arkayeen in dagaalka Mareykanka laga bad baadiyo dhalinta oo aan hal mar hal gantaal lagu laynin, dagaalkii Bari raggii hogaamiyaasha ahaa waa kuwada dhinteen badankood, sida sh Maxamuud Ciise (Abuu-Muxsin) iyo sh faarax, sh Cabdicasiis.

Sh. Cali Warsame : wuxuu ahaa dagaaladii Bari markay dhacayeen madaxa ururka al-Itaxaad,waxaana ku xigeen u aha Sh. Xasan Daahir Aweys isla markaana ahaa madax xafiiska jahaadka go'aankii Bacaadweyn lagu gaaray ee ciidamada Xasan Daahir lagu wareejinayay sheekha waa uu joogay  , waxaa laakiin xusid mudan go’aankii dagaalka markii la qaatay ee ciidamada loo dhiibay hogaanka sare Col. Sh Xasan Daahir Aweys wuu joogay goobta, kadibna wuxuu ku noqday Burco, marka ma waxa socda ayuusan raali ka’ahayn mise sheekha waligii maba aaminsanayn qoriga waa su,aal aanan fursad u helin inaan weydiiyo sheekha.

  • F.G: Akhwaanka Soomaaliya marka laga hadlayo qori caaradiisa iskuma fiicna haba yaraatee inkastoo 2006 ay is tijaabiyeen aala sheekha, waa waayadii maxaakiimta intaas waxaan ahayn xukunka si nabad galyo ah bay rabaan in ay kula wareegaan. Badanaa akhwaanka Soomaaliya waxaa hada matala Al-islaax oo hada u muuqda laba garab waxaana si hoose loogu yeeraa Dammu jadiid oo macnaheedu yahay dhiiga cusub waana qaybta hada dawlada FKMG ku biirtay, qolooyinka kalana waa raggii aan soo raacin dawlada, hada waxaa ka dhaxeeya loolan adag qoloba qolada kale ayay leedahay anagaa ah islaaxa dhabta ah iyo matihiin ,sida dad badan wada ogyihiina waxaa taageerada ugu badan ay ka helaan dawlada Suudaan oo aan waxba ka hakran akhwaanka Soomaaliya oo ay matalaan al-islaax siiba bilihii ugu danbeeyay Suudaanta waxaa ay u janjeertaa raggii raacay dawlada FKMG oo waxaa ay u aragtaa fursad akhwaanka ka faa'iidaysan karo dhanka dawlada iyo lawareegida Soomaaliya.

Gala dagaalka kadib aamusa

1994 tii, ururkii lakala diray qabtii joogtay gobolka Gedo amarkaasi ma saamayn oo ayagu Gedo degmooyin kamid ah ayay sii maamulayeen dagaalo badana way galeen oo ay ku difaacayeen gobolka sida dagaalkii Gen. Caydiid 1992 dii dagaalkaas waxaa ku dhintay rag badan waxaana kamid ahaa sh Yuusuf, ururka qaybta amar diidada sameysay waxaa madax u ahaa Sh Maxamed Xaaji Yuusuf, oo asagu maamulkii sii waday waxayna haysteen degmada Balad-xaawo iyo Luuq ,ayaguna sidii wadaadadii Bari lagula dagaalamay baa ayaguna ay isku dhaceen ururkii la oran jiray SNF qabtii Cumar Xaaji Xasale ,waxaa intaas bar bar socoday xerooyin ciidan oo laga furay gobolka waxaana ku taba baran jiray qayb kaloo ururka al-Itaax kamid ah oo ayaguna aysan ba saamayn ku yeelan go’aankii ahaa kala dirka, arinkaas itoobiya aad bay oga carootay waxay ku soo qaaday dagaalkii 9 August 1996, Luuq, Doolow iyo B/xaawo ayay maalintaas qabsadeen ciidamada Itoobiya, raggii meesha joogayna lugta ayay marisay, waxaa ka dhacay meeshaas musiibo aad u weyn, macalimiin, imaamyo, aqoonyahano, looma kala roonaan waxii ay aragtay maalintaas way laysay, dadka deegaanka waxay sheegaan maalintaas in la dilay ilaa 200 oo qof dad ka badan, waxaa halkaas ka dhacay xasuuq aan tillaabadii ku haboonayd laga qaadin.

Intaas waxaa ka daran khibrad lagama kororsan si ayadoo kale la isaga ilaaliyo,  waxaa marka kuu cad inaanaan waligeen hal hogaan helin, oo maalinba qolo wax iska wadatay oo maalin ba meel la joogay, qolo qolada ka horeysay wixii ay soo martay ee ahaa aqoon iyo khibrad midna daraasad kuma sameeyaan xataa waxii lasoo maray dadka qaar baaba shaki ka keena in ayba dhaceen oo u arka in xataa laga sheekeeyo inaysanba banaanayn, dagaalkii Araare 1991 looma dhameyn, kii Boosaaso 1992 looma dhameyn, dagaalkii Gedo 1996-1999 looma dhameyn, waxaanan u dhamayn ururkii Al-Itixaad ee hormuudka ka’ahaa cid kalana talo lama weydiinayn, mar walba islaamiyiintii kutlaa hogaaminaysay la dhaho gala dagaalka kadibna hadii lagu guulaystana ku dhibco badsada hadii lagu jabana aamusa , waa mid laga soo bilaabo 1991 dii Araare ilaa hada raga dagaalka waday qaabka fikirka waxba iskama badalin ee dhalinyarta hadda jirta  waa arday waana natiijo caadi iska ah waxii loo soo dhigay qur quriyay oo markii hore war kab-kabada hadii la dhihi lahaa maanta wax bay yeeli lahaayeen, ama soo duubta ayaa la dhihi lahaa, waana loo maaro heli lahaa,  marar badan macalinkiina ul mahaysto uu ku qaraaco, hadii maalintaas raggii amar diida sameeyeen maantana kuwa jooga yay amar ka qaadanayaan? waa wax ah dhaqan ee maaha maamul xumo jirta, hadii maalintaas culumadii warkooda la diiday maantana waa la diiday.

Dagaalkii aamusnaa ee Muqdisho (Bistooladaha)

1997-2005: Sida aan kor ku soo xusay wadaadadii waa taba barteen cadaw badana waa yeesheen, markaas ayada ah dagaalo waa weyn bay galeen waxay dagaal la galeen Mareykan, Itoobiya, iyo kuwa aan muuqanba oo waxaad maqashay ee diyaarado lasoo riday, baabuur lagubay soomaali kale masamayn ee waxaa sameeyay wadaado raggii dagaalada Mareykanka hogaaminayay waxaa kamid ahaa sh Cabdulaahi Axmed Sahal Allaha u naxariistee iyo Cumar-Dheere (Abuu Jabal) Allaha u naxariistee, arinkaas raga is haya kaliya ayaa la socday, Soomaalida badankeed ma dareensanayn,dabcan dad aan muuqana waa dagaalamayeen .

1996 -1999  dii dagaalkii Itoobiya, ee Gedo markii lasoo afjaray ee ciidamadii markii labaad firimbi loo yeeriyay kala taga ah, kutladii dagaalka gala hadana aamusa ma’aysan quusan ,waxay ahaayeen jabhad aan ku tiirsanayn dawalado sida hada loo ilbaxay ee dawladaha loogu tiirsanyahay majirin, dagaal markii la galaba ciidanka waa lakala diraa, waxay ahayd siyaasad caado noqotay rag badan oo dagaalada xamaasad u qabayna ku kaliftay in ururka laga tashado oo aan la’isku halayn mar danbe, waa fikradii iyo isku dhicii odayaasha Al-ictisaam iyo dhalin yarada, sanadkii 2000,kadib waa kii ay bilaabeen rag uu kamid ahaa Aadan Xaashi Cayroow iyo Axmed Cabdi Godane  ibraahim afgaan oo ayagu gadaal kayimi kadib markii waqooyiga Soomaaliya  ay saamayn ku yeesheen nin la dhacay oo ahaa Itoobiyaan Tigree ah , iyo dagaalkii bistooladaha oo baahay dartii bay kasoo carareen, kadib bay bilaabayn inay rag si hoose beeca ama heshiisyo ooga qaadaan.

Kutladii ahayd gala dagaalka hadana aamusa fikradoodii ayay banaanka soo dhigeen, dagaalkii dheeraa kadib waxaa bilawday dagaal aan markan shanqartiisa la maqlayn oo raggii soo dagaalamay ayaa dagaalkii si kale u bilaabay markan dagaalka uma baahnayn ciidamo aad u badan waxaa fulin karay kooxo yar yar waxaa bilawday ugaarsi aamusan, rag baa guryahoodii laga waayay hal subax oo cir iyo dhul meel ay galeen la waayay, waxii markaas dhiiranaa ama dareemayay in ayaga loo danleeyahay waa is aruuriyeen socodkiina waa yareeyeen waxay go’aan ku gaareen waxii itoobiyaan ah ee la arko in madaxa la jabiyo (madaxa laga tookto) Bakaarihii ayaa ugaarsigii soo galay waxaa la,arkay nin istaaga ka dhacay asagoo mayd ah siduu u socday wixii dilayna aan lagaranayn, waa markii iigu horeysay ee aan maqlo bistoolad aan la maqlayn dhawaaqeeda ayaa lagu dilay, xataa kan dilaya hadaad isla simantihiin magaran kartid,dagaalkii bistooladaha waa sii xogeystay, hadii aad tahay qof  fiirsada filimaanta Hollywood ka ee Mareykanku sameeyaan badanaa qofka dadka laaya lama arko laakiin waxaa macquul ah in la,arko filimka dhamaadkiisa, tani waxay ku yara dhawayd sidaas waayo dagaalka bistooladaha badanaa waxa dadka dilayay lama garanayn laakiin dadka is dilaya waa is garanayeen.

  • FG: salafiyada maanta isma taqaano waxaa ay noqdeen dad badan noqdayna tusbax fakaday, nin baa igu lahaa g/xigeenka baarlamaanka TFG da, waxaa uu ahaan jiray al-itaxaad, marka salifiyada laamaheeda waa bateen lama joogo waayadii la,ahaa hal laan oo kaliya , Al-shabaab, Xisbul-islaam,waa qaybta hormuudka ka ah dhaq dhaqaaqa hubaysan.waxaa kaloo jira salafiyiin kale oo waxaas kasoo horjeeda laakiin kasoo horjeedkooda lama mid ahan kan dadka aan ahayn salafiyada oo waxaa ay aaminsanyihiin dad la dulmiyay oo la cayrsanayo xukunkana aan loo ogolayn haba yaraatee ,tusaale ahaan al-shabaab iyo xisbul islaam wax u dhaxeeya malahan xaga manhajka kutubo gaar ah bay wada akhristaan, kaliya waxaa la dhihi karaa wax hor taagan malahan midawgooda aan ka,ahayn shaq shaq waa sida dhalin yarada al-shabaab ay kuu sheegayaan macnahuna yahay dad baa ku dhex jira kuwaas baan ka shaq shaqaynaa haduu shaq shaqaas dhamaado waa suura gal midowga labada urur.

Kala tagi meyno

waxaa xusid mudan in dagaalka bistooladaha lagu khaarijin rabay Sh. Xasan Daahir Aweys, iyo Allaha u naxariistee Aadan Xaashi Cayroow, dagaalkaas rag badan waa lagu dilay oo uu kamid ahaa Sh. Cabdulaahi Iraad kana tirsanaa hogaankii Al-Itaxaad ee Soomaali galbeed waxaana lagu dilay xaafada xamar jadiid, Sh. Maxamed Saciid oo ahaa wadaad cilmiga akhriya kana soo jeeday qawmiyadda  Oromo waxaa lagu dilaya xaafada madiina, sidoo kale raga aan islaamiyiinta ahayn ee dagaalkii bostooladaha aakhirkiisii ladilay  waxaa kamid ahaa Cabdulqaadir Yaxye oo dhintay 11- july 2005, dagaalkaas waxaa lagu laayay saraakiil ciidamada Soomaaliya oo aad u badan, raga dagaalkaas ku jiray bistooladaha habeenkii waa ku seexan jireen, xataa musqusha marka ay galayaan waa ay la gali jireen, waa ayadii uu is dhaawacay Aadan Xaashi asaga bistoolad uu watay inta uu la galay musqusha bay ka dhacday salkana dhulka ku dhufatay oo dhaawac halista ah soo gaaray oo Nairobi lagu soo daaweeyay, dagaalka ahaa noocaas waxaa lagu tilmaami karaa mid cabsi badnaa aana la sawiri Karin qaabka uu ahaa, dagaalkaas waxaa la dhihi karaa aabaha dagaalka maanta jira waa kaas , raggii dagaalkaas ka qayb qaatay ayaa dagaaladii 2004 ta hogaaminyay inta ay dhex galeen ama ku milmeen maxkamadaha ayay shaqadoodii meesha kasii wateen, ilaa ay xamar ka qabsadeen, ayagana laga qabsaday, kadib lasoo gaaray markii ay isa soo caan bixin lahaayeen waxaa ay noqdeen ciidan xoog badan, ragaas waxaa ay xanbaarsanyihiin fikradii ahayd la wareegida hogaanka dalka oo dhan waana kutladii gala dagaalka hadana aamusa firkradeedii, fikradii 1977 ururkii Al-Ahli uu ku fikiray hada waxaa fulinaya islaamiyiinta maanta jooga,kuna abtirsada salifiyah waana raqaam xoogan aanan la dhalayal san karin  una baahan in lala xaaltamo.

Su’aashu waxay tahay mala gaari doonaa firim-bigii sedexaad (3aad) iyo kala tagii ugu danbeeyay ama fashilkii afaraad malagu tilmaami karaa.,iyo hada xagee gaariga istaagi doonaa

Arrintaas waxaan ka jawaabi doonaa marka aan gaaro qaybta 10 aad ee taxanahaan oo ku saabsan sida Hadda xaalku yahay iyo meesha wax u socdaan .

Xigasho:

Kulan Sh Cabdiraxiim 2010 qaahira

Shirkii Sweden ee muslimiinta soomaalida 2010

alshahid centre for research and media studies,cadadkii kowaad janaayo 2010 ,alislaamyoun somaaliyuun

Kulan uu qoraagu kula kulmay 14-06-2001 Aadan Xaashi Cayroow shirkadii diyaaradaha Air Somalia hoosteeda oogana waramay wax badan iyo safarkiisii ahaa afgaanistaan iyo xanaaqa uu ka xanaaqsanaa kala dirka badan ee ciidamada ururka Al-itaxaad markaasna madax ka ahaa qaybta amniga ee shirkadaas

F.G shirkada Air Soomaaliya masii shaqeyn mudo badan, sidoo kale waxaa Dubai ooga shaqeyn jiray Axmed Cabdi Godane.

(1) http://www.arabtimes.com/portal/article_display.cfm

(2) http://www.ikhwan.net/wiki/index.php?

(3) http://www.islaax.org/arabic/history.htm

(4) http://www.somalitalk.com/maqaallo/abdishakur/mire11.html

(5) http://en.wikipedia.org/wiki/Al-Itihaad_al-Islamiya

La soco Qaybta 10aad

Qore: Axmed sadiiq
Sadiiq120@gmail.com

Qoraaga warbixintan waxa uu muddo ku dhawaad ah sanad ka shaqeenayay xarunta Villa Soomaaliya (Madaxtooyada) ee xukuumadda hadda ka jirta Soomaaliya. Qoraagga ujeedadiisu ma aha in qof si khaas ah u falan qeeyo, laakiin marka la fiiriyo xaalada dalka uu marayo iyo asagoo mararka qaar is dhaha Wax yaalaha qaar hadaad ka aamustid armaad danbi ka gashaa ummadda Soomaaliyeed awgeed ayuu u qoray qoraaladan xiriirka ah oo ku saabsan Somalia for sale (Soomaaliya waa iib) safaaradaha iyo badda iyo dhulka. Qoraagu waxa uu aaminsan yahay in waxa Soomaaliya ka socda ay yihiin boob qarameed oo meel walba ah, oo ay waajib tahay in la galo dagaal lagu bad-baadinayo hantida guurta ah iyo midda maguurtaba ahba.

Faafin: SomaliTalk.com | August 30, 2010

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya

YAA UMAQAN TAARIIKHDA SoomaaliDA


Taariikh Kooban: Geeska Afrika

1,500 BC Fircoonkii laoranjirey  Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."

7-900 AD Carab  iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.

1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese musketeers].

1889 Kadib markii ay heshiis  galeen Suldaano iyo Ingiriiska  ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab saddex-geesoole "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.

1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo  Ethiopia.

May 5, 1936 Talyaaniga ayaa qabsaday magaalada Addis Ababa, kaddib markii halkaas uu ka cararay Xayle Selasi. Waxaana markaas Talyaanigu gumaysatey Itoobiya intii u dhaxaysay 1936-1941.

1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.

1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.

1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo.

1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area (Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.

1960 bishii  June 26keedii ayaa Somaliland kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii   July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu siihayey xorowdey oo ay labadaas qaybood midoobeen.

Somalia-Ethiopia-Kenya 
1960: Kahor xoriyadii Soomaaliya, July 1960, Fransiiska iyo Talyaanigu oo ahaa kukii siihayey dhulka Soomaaliya waxa ay ku guul-daraysteen in ay xad sugan oo Soomaaliya leedahay suntaan

1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Aadan Cabdullah Cusmaan
ayaa noqday madaxweynihii u horeeyey ee Soomaalida xorta ah

7/1960: Rabshado kadhacay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa labada dhinacba adkeeyeen ammaanka. Soomaaliya waxa ay dhiirigelisey NFD xoriyad gaarsiinteeda, Ingiriiskana xiriirkii ayey u goysey kadib markii Ingiriisku go'aansaday in uu NFD kudaro Kenya. Madaxdii Afrikaankuna Soomaaliya gacankuma siin Qadiyada NFD. 13beri kadib markii Kenya Xoriyada qaadatay, December 1963, waxa ay NFD kusoo rogtey xaalad degdega.

1/1964: Waxaa dagaal ka dhexqarxay Soomaaliya iyo Itoobiya, dagaal la xiriira dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya gumeysato .

4/1/1964: Waxaa hirgalay xabadjoojin dhexmartay Soomaaliya iyo Itoobiya

10/15/1959: Waxaa la diley Cabdirashiid cali Sharmaarke, oo ahaa Madaxweynihii Soomaaliya, oo safar kumaraya Gobolada dalka.

21 Oct 1969: Waxaa wadanka inqilaab ku qabsaday ciidan militari oo uu hogaaminayey Maxamed Siyaad Barre. 1/1977: Waxaa kor u kacay xiisada dhulka ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

July 23 1977: ciidanka Soomaaliya ayaa galay dhulka Soomaaliyeed ee gobolka Ogaden. Ethiopia waxa ay taageero militari ka heshay dalalka USSR, Cuba iyo Libya. Dagaal khasaare badan geysey ayaa dhexmaray Somali iyo Itoobiya. November 1977 Soomaalidu waxa ay eryeen ruuskii ku sugnaa cariga Soomaaliya. Waxana ay Soomaaliya markaas mucaaniwo weydiisatey USA iyo UK. USA waxa ay ogolaadeen oo qura taageerida aadaminimo, halka UK ay Soomaaliya siisay mucaawino aadamino iyo hub intaba. OAU ayaa isku deyey in ay wadahal soo qabanqaabiyaan laakiin waftigii Soomaaliya ayaa kabaxay wadahadalkii. Itoobiya waxa ay bilowdey habkii lamagbaxay "scorched earth" oo afsoomaali ahaan u dhiganta "u cadayn dhulka sidii laf hilibka laga xaquuqay" kan oo ahaa in lasumeeyo biyaha, la laayo xoolaha, dhulka ladeganyahay lagabarakiciyo, taas oo dhanka ahayd  (SALF). Taageero ay Itoobiya ka heshay Ruuska awgeed waxa ay dib u qababsatay  Somali galbeed (ogaden) markey taariikhu ahayd March 15 1978. Reference: Somalia History


Wararkii 2004: BOOSAASO | HARGEYSA | Muqdisho | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO