SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACADA BADDA SOOMAALIYA

Minneapolis: Dood ku saabsan safarkii Madaxweynaha DFKMG ku yimid Minnesota

  • "waxa xuduudda badda inta cidkaleba loo diidey Kenya loogu dhegan yahay waa su'aal dawladda Shariif la weydiinayo," Yaasiin Garaad
  • "Arrintaan badda iyo iibsashadeeda waa arrin aad u ballaaran oo u baahan baaritaan badan iyo raadis badan.." C/fataax
  • Wasiir ka tirsanaa Xukuumaddii C/laahi Yuusuf ayaa Wardheere waxa uu sheegay "in heshiiska badda loo keenay, laakiin ay diideen..."
  • " arrintan badda ku saabsan waa arrin ma fiicna, qofna ma jecla baddiisa dhulka in laga gato no matter what " Liibaan Somali Mai TV
  • "we are in America right now, dad waxbartay ayaan nahay niman yahow, dad Muqdisho jooga ma nihin oo wadankii gudaha ku jira" Libaan.
dood1VIDEO (Hoos ka daawo) Dood furan oo Jimcadii October 9, 2009 laga baahiyey telefishanka Somali Media ee Minneapolis ayaa looga hadlay safarkii uu Sh. Shariif Sh. Axmed ku yimid magaalooyinka mataanaha ee St. Paul iyo Minneapolis. Waxyaabahii laga dooday waxaa ka mid ahaa badda Soomaaliya, carruurta/dhallinyarada aadey Soomaaliya iyo hadalkii madaxweynaha DFKMG ee ku saabsanaa masaajidda. Dooda waxaa kale oo ka mid ah Sheikh Shariif intee in leeg ayuu ka ogaa carruurta ka noqotay Maraykanka xilligii uu ka tirsanaa maxkamadihii islaamiga. Hadalkii Sheikh Shariif ee Masaajidda Su'aal lagu dheeraaday waxaa ka mid ahaa su'aal ku saabsan hadal uu Sheikh Shariif ka yiri masaajidda, jawaabihii laga bixiyeyna waxaa ka mid ahaa: Yaasiin Garaad: "Waxaa wax laga muraara dillaaco ah qof sheeganaya masuul Soomaaliyeed in wax uusan ka baaran degin oo uusan u fiirsan ama uusan xogteeda rasmiga ah haynin, in uu gaaro xadka intaas leeg waa masalo aan ku haboonayn qof dawlad matala". Cabdifataax: "Sheikh Shariif wuxuu ahaan jiren nin aftahan ah oo aan hadalku u dhuuban, laakiin waxaad moodaa markan in ay ka hoos baxday, wax aad iyo aad loola yaabo oo ummadda Soomaaliyeed dhegaha u taagtey in uu sheegay, odayga waa ka hoos baxdaye waxba yaan lagu sii adkayn, laakiin waa khalad loo wada jeedo," Cabdifataax. Maxamed Wardheere: "In arrintu khalad ahayd, waa mid aan laga wada hadlayn, khalad ayey ahayd, khalad bareer ah ayey ahayd, Waxaan ka codsanaynaa in Madaxweynaha (DFKMG) in uu cudurdaar siiyo masaajida iyo culimadeena, waayo Masaajid ayu sheegay, daroogona waa sheegay, masaajidka iyo daroogona la isuma keeno (ama meel ma wada galaan)." Liibaan (Somali Mai TV): "Waxaan isweydiin dhehi lahaa, ma waxaan halkaan u fadhinaa in madax walba oo noo timaada aan wax ka sheegno oo aan qod-qodno oo aan dhahno waxaas ayaad ku khaldan tahay, waxaas ayaad ku khaldan tahay. Waqti xun ayaan ku jirnaa, we are in America right now, dad waxbartay ayaan nahay niman yahow, dad Muqdisho jooga ma nihin oo wadankii gudaha ku jira."

C/fataax, Wardheere iyo Liibaan Heshiiskii Badda: Isfahamka Dhexmaray DFKMG iyo Kenya Su'aasha ku saabsanayd arrinta badda Soomaaliya iyo heshiiskii ay DFKMG la gashay Kenya ee xuduuda badda, jawaabahii laga yiri waxaa ka mid ahaa: Yaasiin Garaad: "Madaxweynuhu wuu nagu eedeeyey oo waxa uu yiri dacaayadaha nalaka fidinayo waxaa ka mid ah Soomaalidu bad ayey gadatay, in badan ayaan sheegnay oo xitaa waxaan iri Soomaalidu waxay tiraahdaa haddaan sacab ujeedo ku jirin maxaa habeenkii loo garaacaa, dawladda Soomaaliyeed xuduud bad Kenya oo keliya lama laha, waddamo kale ayey la leedahay, sida Yemen iyo Jabuuti iyo Sycelles oo aan cidna noo dhexayn marka laga fiiriyo xagga badda, Kenyana waa la leedahay." "Horta waxa xuduudda badda inta cidkaleba loo diidey Kenya loogu dhegan yahay waa su'aal dawladda Shariif la weydiinayo." ayuu yiri garaad oo hadalkiisii sii watey: "Su'aasha labaad oo meesha taal waxaa weeye Yemen-ba muran badeed ayaa jira, Jasiirada Suqadara la dhaho Yemen waxay aaminsan tahay in ay ayadu leedahay, Taariikh ahaana waxaa la ogyahay in Soomaalidu lahayd oo boqorro Soomaaliyeed deganaan jireen, waa muran, dawladda Shariif uma doodin umana hadlin." "Waxaa taas ka sii daran waxaa la yiri dawladdu waa dimoqraadi waa dawlad la soo doortay oo ma aha dawlad dictatoor ah oo wadanka qabsatay, baarlamaankeedii ayey shalay heshiiska hor keentay, baarlamaankii waa diidey. Haddaan meesha xisaabi ku jirin maxaa Shariif ugu dheggan yahay maadaama baarlamaankii diidey," ayuu yiri Yaasiin Garaad.

Yaasiin Garaad iyo Sakariye Xaayow "Su'aasha meesha taal waxaa weeye, waxay ku gabanayaan oo wasiirka badda iyo ku doodayaan qodobka ah haddaanaan yeeli lahayn UN-ta ayaa bixin lahayd badda Soomaaliyeed, Charter-ka ay daliilsanayaan qodobkiisa 60aad waxaa ku qoran waddan kasta haddii aanu diyaar u ahayn in uu xuduuda baddiisa soo gudbiyo ama sabab dhaqaale ama sabab farsamo xumo ama sabab nabad gelyo waddanku wuxuu xaq u leeyahay in uu arrintaas rafcaan ka qaato oo uusan gudbin, dawladda Shariif oo Baar Bulsho iyo 15-May iyo taaladdii Seyidka iyo Kaydka shidaalka Soomaaliyeed dhaafi la' dhulkii aan anigoo arday ah isaga lugayn jirey hal maalin, in ay raas kambooni iyo raas casayr xuduud bad ka saxiixdo haddaan xisaabi ku jirey dawladda Shariif ayaan weydiinaynaa," ayuu yiri Yaasiin Garaad

Cabdifataax Cabdifataax "Arrintaan badda iyo iibsashadeeda waa arrin aad u ballaaran oo u baahan baaritaan badan iyo raadis badan iyo wax badan ilaa aad akhbaar dheeraad heshidna aadan go'aan ka gaari karaynin, SomaliTalk ayaa aad ugu dhuun daloosha oo aan dhawr jeer ka akhriyey oo ka fiirfiiriyey iyada laftigeedu enough ma aha aad qofna ku dhaleecayn kareysid aad oran kareysid waxbaa la waxaystay iyo waxbaa la iibsadey, marka anigu ma rabo in aan afkaygu ku wasakheeyo wax aan ma aragtay."

Wardheere Maxamed Wardheere "Anigu laba qodob ayaan ka dhehayaa arrinta badda, mid waxaa weeyey waxaan la kulmay wasiir ka mid ah wasiiradii Cabdullaahi Yuusuf oo Minneapolis jooga, oo aan la kulmay oo aan weydiiyey maadaama beesha caalamku idiin taageersanaayeen sida ay u taageersan yihiin Shariifka, horta waxani wax la idiin keenay ma ahaayeen, bal waxaan is iri waxani in uu ahaa qorshe hore u sii socdey oo kala badh marayey oo ay dhamaystirayeen in uu ahaa iyo in kale ayaan ka tijaabinayey, marka waxaan ku iri ma la idiin keenay heshiiskan intii dawladdii Cabdullaahi joogtey, wax la diin keenay ma tahay, mase waa mid markii Shariifku yimid loo geeyey, wuxuu yiri "waa naloo keenay laakiin annagu waa diidney," ayuu yiri.

Liibaan Liibaan, Somali Mai TV, waxa uu yiri "Horta arrintan badda ku saabsan waa arrin ma fiicna, qofna ma jecla baddiisa dhulka in laga gato no matter what in uu ka soo horjeedo dawladda ama uu raacsan yahayba, taasi aad ayey u dhib badan tahay, laakiin madaxweynaha aniga shakhsi ahaan waa weydiiyey, dad badanna wey weydiiyeen, runtii wuxuu sheegay in bad la gatay aanay jirin, laakiin waxyaalo wax laga bedeley (amendment) la sameeyey oo xuduuda meesha annaga aan leenahay si aan ku ogaano, sida hadalkiisu ahaa. Laakiin aniga mana ogi mana ogoli in baddeena la gato, no body likes in bad la gato qof raba ma jiro." Yaasiin Garaad ayaa markaas la weydiiyey waxa uu intaas ku darayo. Waxa uu markaas Yaasiin yiri "waxaan ku daraayaa, waxaa cajiib ah run ahaantii hadalkiisa (Sh. Shariif) qofkii dhegeytay waxa uu yiri 'arrinta warqadda aan u qoray UN-ta macnaheedu waxa uu ahaa war cid walboy dhulkiina idinka maqan cid walboy raadso. Su'aal ayaan ku weydiinayaa waaba garanay Soomaaliya dood ayey qabtaa oo waxay leedahay xuduudeenii badda waa khaldan tahay, laakiin Kenya dhulka ka maqan oo ay raadsanaysaa muxuu yahay, haddaan runta isu sheegno waxa uu (shariif) yiri Kenya dhulkaaga doono anaguna aan dhulkayaga doonano. Waayahay waaba garanay oo Soomaaliya keeda ha doonato waayo waa ka maqan yahay, laakiin kan Kenya doonaneyso sidee u egyahay. Dawladda Shariif waxaan weydiinaynaa dhulkaad dhehdeen Kenya kaaga raadso anaguna keena ayaan raadsanaynaa horta sidee u egyahay. Tan labaad Ibbi wasiirka badda ayaa yiri Kenya waa soo leexatay oo cabirkii hore waa ka soo leexataay oo waa soo qalloocatay oo Soomaaliya ayey soo gashay isaga ayaa yiri, hadday soo qalloocatay muxuu weli ugu dheggan yahay muu fasaxo haddaan timir laf ku jirin."

Dood: Safarkii Sheikh Shariif ee Minnesota

Video-ga oo isku xiriirsan (Dhamaystiran) ka daawo hoos..

Likiyada ka eeg Youtube: http://www.youtube.com/user/somalitalk Ama Video oo qayb qayb ah kana kooban 7-qaybood hoos ka daawo

Qaybta 1aad

Qaybta 2aad

Qaybta 3aad

Qaybta 4aad

Qaybta 5aad

Qaybta 6aad

Qaybta 7aad

FG: Video farsamada waxaa u qaabilsanaa Cabdimaalik Askar.
Q.1aad:
http://www.youtube.com/watch?v=6HsQA_dSWbk
Q.2aad: http://www.youtube.com/watch?v=fRAHJw4DU6Y
Q.3aad: http://www.youtube.com/watch?v=4BwJT93Sed8
Q.4aad: http://www.youtube.com/watch?v=GloAJsWIOBc
Q.5aad: http://www.youtube.com/watch?v=py3Vn6Pl_ko
Q.6aad: http://www.youtube.com/watch?v=qNDvmLE7DoI
Q.7aad: http://www.youtube.com/watch?v=kjZtCMEzcjA

... SHIIKH SHARIIF OO KU XANAAQAY ARDAYDA OHIO STATE MAR AY WEYDIIYEEN SUAAL - Daawo video hoose:

... “Dadka siyaasiyiinta waxaa la yiri ishooday wax ku qaataan, raali iga ahaada kaftan ayaan gashanayaa meeshaas, haddaad u aamustiin sheekada waa sii wadayaan, laakiin haddaad wada qaylisiin waa ka istaagayaan sheekadaas.” Sh. Shariif Sh. Axmed, Oct 6, 2009, Ohio… (DHEGEYSO HALKAN).

Faafin: SomaliTalk.com | Monday, October 10, 2009


Minneaplis: Ururka United Somali Diaspora oo Sheegay in aysan Taageersanayn , kuna soo dhaweynayn Minneapolis....

wardhe3Ururka Qurba Joogga Soomaaliyeed ee United Somali Diaspora (USD) oo ka jira Minneapolis, kana mid ahaa ururadii sida weyn uga soo horjeedey ciidamadii Ethiopia ee xadgudubyada ka geystey Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho, isla markaana xubno ururkaas ka mid ah ay u safreen Casmara xilli adduunku geeska ku riixayey kooxdii Shariifku ka mid ahaa, isla markaasna shir aad u ballaaran kooxdii Casmara ugu Qabtay Xarunta Minneapolis Convension Center, ayaa hadda waxay caddeeyeen mowqifkooda ku aadan Sheikh Shariif, oo ay sheegeen in aysan taageersanayn, oo aysan hadda jirin sabab ay kusoo dhaweeyaan Sh. Shariif.

United Somali Diaspora waxay sheegeen in aysan taageersanayn shakhsi, "waxaan taageersanahay waa mabda' iyo nidaam". Waxayna si cad shaaca uga qaadeen "Waxaan u sheegeynaa waxa ay wadaan isaga (Sheikh Shariif) iyo team-kiisa in aan wax dan Soomaaliyeed ay ku jirin." Maxamed Wardheere oo ka mid ah USD oo October 2, 2009 waraysi siiyey Telefishanka Somali Media ayaa sheegay xukuumadda Shariif in aysan waxba soo kordhin, sidii kuwii ka horeeyey, waxa keliya oo ay sameeyeen ay yihiin safarada ay adduunka ku aadaan. Wardheere waxa uu sheegay Mowqifka hadda ee United Somali Diaspora oo dawladii hore mucaaradka ku ahaa, kuna diidanaa waxbadan "Dawladii hore iyo tan anaga waxba isuma kaaya dhaamaan." Waxana uu xusay dawladdan in aysan keenin nabad oo ay Xamar kasii dartay, waxyaabaha dawladdani keentay oo aan hore loo aqoonin waxaa ka mid ah dadka inta la laayo in aan la sheegin, waagii hore idaacadaha ayaa laga qaylin jirey, hadda maalintii intaas qof ayaa ku dhimanaya oo ay laayaan African Union iyo wax la mid ah, lagamana hadlo. Wardheere oo hadalkiisii sii watey wax uu yiri "Waxaa intaas sii dheer in dawladdani kusii indha adagtahay in ay baddii saxiixdeen oo Kenya heshiis waad nagu qabsateen (badda) ay tahay." Kuwii hore Itoobiya ayey keeni jireen, marka kuwani malaha barnaamij cusub ayey la yimaadeen oo ah "bal baddana markan ha lagu dayo." Isagoo ka hadlaayey xukuumadan cusub waxa uu yiri "Ma taageersanin". "Dadkii taageerayaasheena ahaa, ee United Somali Diaspora wax ka soo dhisay, waxaan u sheegeynaa wax is bedeley oo aan idiin sheegno oo Shariif sheegayo ma jirto," ayuu yiri. "Sheikh Shariif wixii lagu aaminay waxay ahaayeen hadalkiisii wanaagsanaa iyo wixii wanaagsanaa ee uu noo sheegi jirey" ayuu yiri, isagoo intaas raaciyey "Waxaan rabnaa in aan u sheegno annagu shakhsi ma taageersanin, waxaan taageersanahay waa mabda' iyo nidaam. Waxaan u sheegeynaa waxa ay wadaan isaga iyo nimanka team-kiisa ah runtii ma aha wax dan Soomaaliyeed ay ku jirto."

wardhe3

Mar la weydiiyey talada ay u hayaan Soomaalida, Maxamed Wardheere waxa uu yiri "C/laahi waa tegey, dad ayaa u ololayn jirey oo cirka geyn jirey, Shariifna wuu tegayaa, ee dadkiina dhallinyarada ah ee Soomaaliyeed mabda' yeesha, qofku haddii uusan mabda' lahayn nin walba oo yimaada in uu ku adeegsado ayuu rabaa... waxaa muhiim ah qofka Soomaaliga ah in aad mabda' ku raacdid." "Shariif iyo kooxdiisa cid naga jeclaa ma jirin, ilaa Casmara ayaan soconay, waqtigeena ayaan u hurnay, derbiyada ayaan u istaagnay, sawiradiida isagoo koofiyad qaba ayaan masawirnay, cidi nagama jeclayn, annagii jeclayn ayaan waxaan hadda idiin sheegeynaa war Shariif wixii aan ka rabnay kama hayno, wanaagii shalay uu noo sheegayeyna camalkeedii kama hayno, marka walaalayaalow dadka Soomaaliyeedow, mabda' yeeshaa, qofka aad taageereysaan mabda' iyo sharaf ku taageera, waxa uu qabtay ha lagu qiimeeyo qofka, waxa uu xumeeyeyna ha lagu naco, " ayuu yiri. Wardheere oo ka hadlayey imaanshaha Sheikh Shariif ee Minneapolis waxa uu yiri "Anagu kuna mudaharaadi meyno, soona dhaweyn meyno." Cabdimaalik Askar oo waraysanayey ayaa su'aal ka weydiinayey bannaanbaxyada iyo waxa uu ku talinayo. Wardheere waxa uu ku jawaabay "Meel dimoqraadiyad ah ayaan joognaa, ninkii energy haya waxaan dhehi lahaa haddaad ku bannan bixi karto ku bannaan bax, kii gurigiisa ka joogi kara gurigiisa haka joogo." Waxana uu intaas raaciyey "Haddaan nahay United Somali Diaspora waxaan ka bannaan baxaynaa idaacadaha."

wardhe4

Halkan ka daawo Video oo dhamaystiran ama Hoos ka daawo Youtube Video-ga oo saddex qaybood ah:

Qaybta 1aad

Qaybta 2aad

Qaybta 3aad

Farsamada TV waxaa u qaabilsanaa Sakariye Xaayow. Shirkii USD u qabatay Kooxdii Casmara ka eeg halkan http://somalitalk.com/usd/

Faafin: SomaliTalk.com | Friday, October 2, 2009


Dhallinyaro reer Kenya ah oo loo qoray Dagaalada Soomaaliya oo waraysi siiyey Telefishanka Citizen TV

300 oo Dhallinyaro reer Kenya oo loo qoray in ay ka dagaalamaan Soomaaliya, labo kamid ah oo waramay Telefishan...

"Dhallinyarada la bartilmaameedsanayo waa dhallinyaro ka saaqiday iskoolada oo aan shaqo haysan" sidaas waxaa sheegay Xildhibaan reer Kenya ah...

Telefishanka Citizen-TV (Kenya) ayaa sheegay in dhalliyaro reer Gaarisa ah loo diiwaan gelinayo in ay ku biiraan ciidamo aan la aqoon ayadoo saraakiisha qoraysa loo malaynayo in ay yihiin Saraakiil Soomaaliyeed, dhallinyaradaas oo loo sheegay in la siinayo lacag.

Waxaana warku sheegay in ilaa 300 oo dhallinyaro ah oo ah Soomaalida haysata dhallashada Kenya in loo qoray dagaalada Soomaaliya, oo lasheegay in la doonayo in ay ka garab dagaalamaan ciidamada DFKMG.

Telefishnka Citizen-TV waxa uu la kulmay labo ka mid ah dhallinyaradaas, kuwaas oo sheegay in aan weli loo sheegin halka ay tegayaan, laakiin aysan kala jeclayn sababtoo ah waxay sheegeen in lacag la siiyay.


Yuusuf C/raxmaan Cabdi | waxaa loo qortay in uu ka dagaalamo Somalia

Mid kamid ah dhallinyaradaas oo magaciisa ku sheegay Yuusuf Cabdiraxmaan Cabdi ayaa yiri waxa keliya ee ay na weydiiyeen magacayaga iyo in aan Soomaali nahay. Ninka labaad ee dhallinyarada ah oo uu la kulmay Telefishanka ayaa sheegay in ay lacag u gaajaysan yihiin. Telefishanku waxa uu sheegay in labadaas dhalinyarada ah in ay baxayeen xalay (October 8, 2009)


Waxaa loo qoray in uu ka dagaalamo Soomaaliya


Dr. Alfred Mutua

Telefishanku waxa uu sheegay in Afhayeenka dawladda Kenya, Dr. Alfred Mutua, uu beeniyey warbixinta sheegeysa in dhallinyaro Soomaalida Kenya ah loo diiwaan gelinayo in ay ka dagaalamaan gudaha Soomaaliya. Waxana Afhayeenku sheegay in Kenya waxa keliya oo ay tababartaa ay yihiin booliska Kenya. Afhayeenku waxa uu yiri wararka sheegaya in dad reer Kenya ah loo qorayo in ay ka garab dagaalamaan dawladda Soomaaliya waa warar aan sal lahayn.


Adan Keynan, Afhayeenka xukuumadda Kenya

Xildhibaan Aadan Keynan oo madax u ah guddiga difaaca ee baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in uu maqlay warbixintaas, isla markaana aan eedaymahaas weli la xaqiijin, isagoo qiray in eedaymahaasi ay yihiin kuwo aan la dhayalsana karin oo ay baaritaan ku samaynayaan, waxana uu sheegay in Kenya dawlad ahaan aan wax dan ahi ugu jirin in ay wax ka samayso meel ka baxsan xuduudaheeda.


Ismaaciil Maxamed, ku xigeenka duqa magaalada Gaarisa

Ismaaciil Maxamed, ku xigeenka duqa magaalada Gaarisa, waxa uu telefishanka u sheegay in dhallinyada loo kaxaysanayo in ay u dagaalamaan Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ee Soomaaliya. Kuxigeenka duqa magaalada Gaarisa waxa uu walaac ka muujiyey in kooxaha ka dagaalamaya Soomaaliya ay maqlaan warkaas.


Mohammed Robbow, duqa magaalada Gaarisa

Duqa magaalada Gaarisa, Maxamed Roobow waxa uu rumaysan yahay in dawladda Kenya ay arrintan lug ku leedahay, waxana uu yiri "Waxaan dareemeynaa in dawladda Kenya ay arrintan qayb ka tahay, isla dawladaas oo arrinta beeninaysa, nala tashanmeyso, oo na qadarinmayso, anagoo ah haggaankii degaanka maxalliga ee halkan."


Adan Duale, MP, Dujis

Adan Ducaale oo ah xildhibaan laga soo doorto aagga la sheegay in dhallinyarada laga qoranayo, ayaa walaac ka muujiyey in dagaalka Soomaaliya uu u soo tallaabo. Waxa uu yiri "Madoonayo in dagaalku kusoo fido Waqooyi-Bari iyo Gaarisa, waayo marka aad bilowdid inaad dhallinyaro ka qoratid Gaarisa, waxaad dagaalka keenysaa Gaarisa."

Xildhibaanku waxa uu sheegay in dhallinyarada la bartilmaameedsanayo ay u badan yihiin kuwa Iskuulka ka tegey ama ka saaqidey iyo kuwa aan wax shaqo ah haysanin.


Gaarisa

Waxaa Telefishanku sheegay in dadweynaha degaanku ay walwal weyn ka muujiyeen dhallinyarada laga waayey aaggaas, kuwaas oo ay sheegeen haddii aan dawladda FKMG ee Soomaaliya aysan qoran xaggee kale oo ay aadeen. Waalidiinta ayaa sidoo kale ka walaacsan dhallinyarada la bar tilmaameedsanayo si ay uga qayb galaan dagaalka Soomaaliya.


Eric Kiraithe

Eric Kiraithe, Afhayeenka Booliska Kenya, waxa uu sheegay eedaymahaasi ay yihiin kuwa aan la dhayalsan karin. Isagoo intaas ku daray in Booliska Kenya aysan ka warhayn arrin noocaas ah oo halkaas ka socota.

Sida ay werisay wakaaladda wararka ee AP (Oct 11, 2009), kooxaha ka dagaalama Soomaaliya ayaa u hanjabay Kenya in ay weerari doonaan, kaddib markii ay soo baxeen warbixinada sheegaya in dhallinyaro reer Kenya ay loo qoranayo in ay ka dhinac dagaalamaan DFKMG. Sheik Daa'ud Maxamed Garane ee Gobolka Gedo ayaa hanjabaada bixiyey isagoo ku hadlayey magaca Al-shabaab, ayey tiri AP.

Warku waxa uu intaas ku daray in Wasiirka saxaafada Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle waxa uu beeniyey in militariga Kenya ay aagga xadka laba dal ka qorayaan dhallinyaro ka dagaalanta Soomaaliya.

Daawo Video-ga hoose:

Sidoo kale daawo

  • DFKMG waxay bishii April 2009 heshiis is-faham oo ku saabsan xagga xuduudda badda la gashay Kenya, heshiiskaas oo shacabka Soomaaliyeed ka hor yimaadeen... Akhri qoraaladda laga qoray.

Sheikh Shariif sidee ugu jawaabey Ardaydii kula kulantay Ohio

Itoobiyaanka soo tallaabay Xadka Soomaaliya

Dhanka kale, wakaalada wararka ee AFP waxay sheegtay in ciidamo Itoobiyaan ay ay Sabtidii (Oct 10, 2009) soo galeen tuulooyin ka tirsan degmada Bedledweyne, halkaas oo ay dad ku xirxireen.

"Waxaan arkay dersin gawaarida militariga Itoobiya oo ay la socdaan malaysiyo Soomaaliyeed oo soo galay tuulada Wagada, halkaas oo ay dad ku xirxireen ka hor intii aysan ka bixin tuulada", sidaas waxaa AFP telefoon ugu sheegay Husein Farah Gomey oo ah caaqil joogey meel Beledweyne u dhaw.

Dhalinyaro Soomaali ah oo kusugan Kenya oo loo tababarayo ciidanimo si ay uga dagaalamaan Soomaaliya.

Golaha imaamyada iyo ducaada Kenya ayaa walaac ka muujiyey dhalin yaro Kenyan ah oo asal ahaan Soomaali ah in loo qorey iney ka garab dagaalamaan dowlada FKMG Soomaaliya.

Golaha imaamyada iyo ducaada ayaa ka dalbadey dowlada Kenya iney sharaxaad ka bixiso wararka sheegaya in dhalin yaro asalkooda Soomali yahay ay shaqo milatary u qoraneyso, si ay ugu biiraan milatary-ga dowlada FKMG Soomaaliya.

300 dhalinyaro gaareysa oo dadooda ay u dhaxeyso 18 ilaa iyo 30 sano ayaa lagu tababarayaa Manyani field school magaalada Voi oo ka tirsan gobolka xeebta inta aan loo qaadin Soomaaliya.

Wararkan sheegaya in dhalinyaro Kenyan ah loo qarayo ciidamo loo diro Soomaaliya ayaa waxey abuureen dhibaato, waxaana dalbaneynaa dowlada in arrintan ay war cad kasoo saarto, sidaas waxaa yiri xoghayaha guud ee golaha imaamyada iyo ducaada Sh. Maxamed Dhoor.

Xoghayaha isagoo ka hadlayey Mombasa ayaa wuxuu ka dalbadey wasaarada gaashaandhiga dalka Kenya iyo wasaarada amniga guddaha iney arrintani cadeeyaan oo ay daaha ka qaadaan.

Dhanka kale waxa uu ka codsadey dhalin yarada Muslimiinta Kenyanka ah in aan lagu marin habaabin iney shaqo u doontaan wadanka Soomaaliya, iyadoo uu ka dalbadey xoghayaha in la adkeeyo xuduudaha dalka, si aysan dagaal yahanka Soomaalida dalka ugu soo talaabin.

Boqolaal dhalinyara ah oo kasoo jeeda gobolka waqooyi bari Kenya ayaa dowlada lagu eedeeynayaa iney shaqaaley siisay, si ay uga barbar dagaalamaan dowlada FKMG Soomaaliya.

Hoggaamiyayaal oo uu hor kacayo duqa magaalada Gaarisa ee gobolka waqooyi bari Kenya Muxammed Gaaboow ayaa sheegay in waalidiin fara badan ay cabasho usoo gudbiyeen, kadib markii caruurta si qasab ah shaqo milatary loogu qorey.

Wabilaahi Towfiiq
Said Hassan Anteno
Nairobi, Kenya.

Dowladda Kenya oo si Qarsoodi ah u qoraysa Ciidamo ay doonayso inay u dirto dalka Soomaaliya.

Xukuumadda Kenya ayaa la sheegayaa inay bilowday inay si hoose u qorto ciidamo ay doonayso inay u dirto gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo la doonayo inay qayb ka noqdaan ciidamada AMISOM  iyo kuwa Dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Ciidamadaan la qorayo ayaa la sheegay inay dhamaantood yihiin Soomaali, loona diiday inay ka mid noqdaan dadka aan Soomaalida ahayn ee ku nool dalka Kenya, waxaana la sheegay in loo furayo dhalinyaradaas la askareynayo tababar socon doona Muddo lix bilood ah.

Maxamuud Gaboobe Guddoomiyaha degmada Gaarisa ee Gobolka waqooyi bari ee Kenya oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in wiilasha la qorayo uu la kulmay ayna qaarkood u sheegeen in loo qoray askar.

“Waxay ii sheegeen wiilashii aan la kulmay in loo ballanqaaday in mushaar ahaan loo siin doono 600-Dollar bil walba, ayna galeen askarta iyagoo ka faa’iidsanaya fursaddaasi” ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Gaarisa.
Dhanka kale magaalooyinka ku yaala dhulka Somalida-Kenya ayaa la sheegay inay ka taagan tahay shaqo la’aan haysata dhallinyarada waxbartay iyo kuwa aan waxbaran, taasna ay keentay in looga faa’iideysto in loo qoro ciidamo la geynayo Somalia.

Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Qaxootiyada Kenya oo Askar laqoroyo

Waxaa jira in maalmahan laga qoranaayo xeryaha qaxootiga ee Kenya dhalinyaro soomaaliyeed oo la doonayo in ay ka qeyb qaataan dagaalada ka socda Soomaaliya. Dhalinyaradaas waxaa duhurka cad laga qortaa xerayaha qaxootiga waxaana lagu daabulaa baabuur sidii arigii la dhoofin jiray kadibna waxaa lagu uruuriyaa xeryo ku meel gaar ah oo looga sameeyey xadka soomaaliya iyo Kenya. Dhalin yaradaas oo ah keydka kaliya ee ka soo fakaday nabaad guurka ku dhacay dhallintii soomaaliyeed waxaa looga daba yimid xeryaha qaxootiga arrintaasna waxaa wada dowlada Kenya iyo Dowlada soomaaliyeed oo leh ujeedooyin siyaasadeed , waxaana u jeedadeedu tahay in laga hor geeyo kooxaha hubeysan ee ka jira koonfurta soomaaliya.

Waxaa jira dhallin yaro badan oo dhigata dugsiyada sare ee xeryaha qaxootiga oo inta la raafay baabuur lagu gurtay oo lagu daadiyey xerayahaas. Dhalinyarada qaar waxaa loo sheegayaa in kiiba bishii la siin doono $200 doollar oo been ah sidaas ayaan lagu qaldayaa oo lagu kaxeysanaa.

Dowlada Kenya iyo dadka arrimahaas wataa waxay ogaadeen in meesha kaliya ee dhalin yaradii soomaaliyeed ku hartay ay tahay xeryaha qaxootiga markii intii kale dhamaadeen oo la waayey meel kale ciidan laga qorto ayaa maanta laga daba yimid FIIGGII yaraa ee qoysaskoodu la soo carareen si dabka loogu shito.

Arrintaasi waa nabaad guurintii u dembeysay sidaas darteed, waxaan u soo jeedinayaa in cid kasta oo wax qortaa ay qeylo dhaan dheer ka bixiso sidii looga hortagi lahaa jarriimadaas ay wadaan dad aan ka naxeyn ubadka iyo ummadda soomaaliyeed midna. Sidaas darteed, bahda warbaahinta Somali talk waxaan u soo jeedianayaa inaad noqotaan kuwo u horeeya ee tooshka u qaada fashilinta arrintaas. Waxaan kaloo muhiim ah in isha lagu hayo xaalada habda ay ku suganyihiin dadka ku dhaqan xeryahaas, waayo xeryaha qaxootiga waxa ku nool dad maato ah oo soomaalaiyeed oo aan hadli karin isna difaaci karin.

Naaleeye nuur
naaleeye111@hotmail.com

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version



Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri