SOMALITALK.COM Dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALIA FOR SALE

Somalia for Sale

Soomaaliya waa iib (5)

Badda Soomaaliya Afgarasho mise isafgarad

Qore: Axmed sadiiq
Sadiiq120@gmail.com

Waa barnaamij toddobaadle, taxane ah...



Hordhac

Qoraalka ku saabsan badda oogama jeedo inaan dadka ku soo kiciyo murugadii ku saabsanayd badda, ee la magac baxay heshiiskii is afgaradka badda Soomaaliya ama loo yaqaan Memorandum of Understanding (MOU), Decoment cusubna masoo bandhigayo, kaliya waxaan sheegayaa waxii markaas kasocoday Villa Somalia iyo fahamkii ka jiray, waxaana ka jawaabayaa; yaa bilaabay arrinka badda ee markii danbe baarlamaanku diiday? Madaxda ugu sareysa dawladda shucuurkoodda sidee ahaa? Boobka khayraadka badda Soomaaliya lagu hayo maxaad kala socotaa?, Ciidamada loo bixiyay Task Force 150 iyo kuwii ka danbeeyay 151 Compined Task Force maxay qabtaan?, Lacagaha ay maalintii isticmaalaan ma'ogtahay?

Badda Ha Nusqaamin

Qof walba oo Soomaali ah waxaa uu ka dharagsanyahay Soomaaliya inay leedahay xeebta ugu dheer Afrika oo gaaraysa 3333Km, sidoo kale Soomaaliya uma baahna dhaqaale kale hadday maalgashi ku sameysato xeebaha oo kaliya, waxay noqon kartaa janadii Afrika. Waxaa jira baaritaano la sameeyay oo oranay Soomaaliya waxaa kabadan haddii ay maal gashi ku sameysato mid kamid ah badda, xoolaha, ama beeraha, hadii Soomaaliya maalin maalmaha kamid ah loo siiyo fursad aysanba u baahnayn cid, ayada in loo baahdo mooyee. Waxaa intaa dheer dhulka waxa ku jira shidaalkii iyo macdantii oo dhan oo aanba la taaban. Baddii saas ahayd ayaa bil gudaheed layiri badda Soomaaliya maba cabirna amaba layiraahdo khilaaf baa ka jira, taas waxay ku tusaysaa inuu jiro jahli ama ogaal xumo ama wadaniyad la'aan ama danayste-nimo iyo iimaan la'aan iyo waliba khiyaamo qaran.

Afgarashadii fashilantay (MOU)

Is afgaradka heshiiska la dhaho wuxuu kamid yahay qaybaha heshiisyada dawladaha, wuxuuna ka fududyahay heshiisyada caadiga ah (convention), sababtoo ah kaas hore waxaa lagu tilmaamaa badanaa inuu yahay mid qarsoon oon larabin in lamariyo ha'adaha dawladda, sida baarlamaanka ama xukuumada. Waana sida loogu tala galay heshiiska badda inuu sii ahaado sir, ilaa laga gaaro heshiis dhab ah, waa sida laga dhaadhiciyay xukuumadda oo ay gadaal ka ogaatay in la siray sida uu afkiisa ka sheegay mudane Cumar C/rashiid markuu tagay London 28 Octobar 2009 oo yiri Kenya khiyaamo ayay wadatay.

Is afgaraad wixii loogu magac daray markii iigu horeesay ee aan maqlo waxay ahayd inta aan la saxiin ka hor laba maalin kuna aadanayd 5-April 2009, qisadaan ku maqlayna waxa ay ahayd anoo kasoo dagay xafiis kamid ah xafiisyada madaxtooyada ayaan soo maray meesha laga xariiriyo taleefanada, ragii meesha ka shaqeynayay ayaan salaamay, kadib waxay ii sheegeen khadka taleefanka waxaa soo galay wasiirkii hore ee qorshayta qaranka C/raxmaan C/shakuur oo raba madaxweynaha, waxay ii sii raaciyeen madaxweynaha waa uu mashquulsanaa sidaas darteed uma suura galin in uu lahadlo, waxay ii sii raaciyeen waxaa uu noo sheegay inay jirto arrin deg deg ah, waxuu nagu yiri: Heshiis baa saxiix lay yiri, oo ay dawladda Kenya iyo Soomaaliya kala saxiixanayaan.

Waxaa layaab ah wasiirka lama socon miyaa waxa uu saxiixayo?, Hadii uusan horay oola socon ama wada hadallo hore hadayba jireen uusan ku jirin asagu see ugu dhiiran karaa saxiixa? Wasiirka habeenkaas uma suura galin inuu madaxweynaha lahadlo, laakiin waxaa kadib aan ogaaday inuu habeenkii danbe soo hadlay, laguna yiri saxiix heshiiska.

28 Oct 2009 markii London lagu qabsaday C/raxmaan C/shakuur wuxuu yiri: Madaxda ayaa i amartay inaan saxiixo, R/wasaaruhuna waa fadhiyay, taasna waa macquul, laakiin kama leexinayso mas'uuliyada ah inuu asagu gacantiisa badda Soomaaliya bixinteeda ku saxiixay, waana dhaawac xun oo aan ka baabi'i karin mustaqbalkiisa siyaasadeed, marka la'eego difaaca heshiiska ee madaxweynaha uu difaacay ee ahaa heshiis ma'ahan muxuu baarlamaanku diidaa, iyo kii uu ku hadlay markii danbe wasiirka saxiixay heshiiska iyo hadalkii ka horeeyay ee ahaa inaysan ahayn sida wax loo fasiranayo ee ay tahay cabir qaramada midoobay ay rabto in loo gudbiyo. 

Laba Bil Majirsan Dawladdu

Heshiiska dawladda markay galaysay gabi ahaanteed waxaa uu cimrigeedu ahaa in kayar laba bilood, wasiirka saxiixayana xafiis uu fariisto mahaysanba, heshiiskaan markii lasaxiixayay waxaa ku sugnaa Nairobi wasiirkii hore ee maaliyadda oo ahaa maskaxdii ka danbeysay saxiixa, waxaa uu ku adkeystay in uu mashquulsanyahay oo uusan iman karin madasha lagu saxiixayo, laakiin uu soo dhameystiray wax walba oo loo baahanaa. Waxaa xusid mudan qorshe laga baaraan dagay horta majirin, sida in loo saaro guddi qaanuunka badaha ku takhasusay ama soo ogaada ama soo qora hadiiba uu dhici karo is afgarad ku saabsan xuduudaha badda, iyo ayadoo aanba laga tashan, khubarana waxba laga weydiin, oo ay sheekadu ahayd qalinka mari oo kaliya iyo ayadoo dawladda fursad qaali ah u arkaysay waayo waxaa uu ahaa heshiiskii ugu horeeyay ee dhacay markay afartan maalmood jirsatay kadib, mana jirin guddi wada hadal lagalay Kenya, ee waxaa jiray dullaaliin kaliya iyo balan qaadyo loo sameeyay dawladda Soomaaliya oo ahaa in la caawinayo siiba dawlada Norway iyo Axmed Walad Cabdalla oo arinkaas aad u danaynayay.

Madaxdii Dullaaliinta Badda

Sidaad ogtihiin badda Soomaaliya waxaa ay dayacantay sida dhulkeeda oo kale, bilawgii heshiiskii dhicisooway waxaa loo celiyaa Djabuti Janaayo 2009 markaas oo Walad Cabdalla ku soo hadal qaaday mas'uuliyiintii Soomaalida rag kamid ah, intaa kadib wasiirkii maaliyadda Shariif Xasan ayaa Nairobi mar uu tagay March isla sanadkaas ayaa dawlada Kenya u sharaxday arrintaas, asagana balan qaad buu u sameeyay in uu mas'uuliyiinta u sheegi doono, kadib Shariif Xasan iyo wasiirka Kalluumeesiga C/raxmaan Ibbi, ayaa is arkay, waxaana lagu heshiiyay in heshiiska ay ku jirto dawladda Norway. Waxaa lagu heshiiyay in mas'uuliyiinta Norway ay tagaan Muqdisho inta aan la saxiixin heshiiska, 5 April 2009 waxaa Muqdisho yimi Ambassador Hans Wilhelm Longva oo kasocday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway, isla maalintii danahoodii waa ay sharxeen, madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha waa ay la kulmeen, waxaana wafdigaas hor boodayay Ibbi.

Is-afgaradka waxaa shaxdeeda watay xukuumadda oo ay horboodayeen Shariif Xassan, Juurille iyo Ibbi, iyo saxiixaha heshiiska C/raxmaan C/shakuur oo markii danbe gadaal kasoo galay, oo asagoon hubsan qalin iskala booday sidii asagoo saxiixaya jeeg lacag uu ku qaadanayo, taasna ma'ahan micnaheedu in ay ka dhacayso mas'uuliyada ee waa in uu qaadanayo qaybta ugu weyn maadaama uu asaga saxiixay xataa waraaqdii habeenkii hore la saxiixay logo (summadda) Jamhuuriyadda Soomaaliya malahayn, kadib baa meel mugdi ah lagu celiyay saxiixii, taasna waxay ku tusinaysaa in meesha awalba khiyaano jirtay oo aysan sax ahayn waxii dhacay, meeshana dullaaliin waaweyn ay ku jireen. Dadka qaar waxaa laga yaabaa maxaa soo galiyay meesha shariif xasan iyo jurile?, amaba dhahaan waligoodba lama arkin mana ay ka hadlin arinkaas?, Jawaabtu waxaa weeye adiga ma maqashay in Aadan-Madoobe la afganbiyay, mala socotaa in Cumar C/rashiid sidoo kale lala rabo, ma'ogtahay in xataa madaxweynuhu caga badan ku taagnayn, yaa ka danbeeya? ma'aragtaase dadka qabta shaqadaas qaarna ku guulaystay qaarna faraha kula jira? Ma hadlaan wareysiyo ma bixiyaan, habeen ma seexdaan, farsama yaqaanadda badanaa lama arko ee ficilkooda ayaa la arkaa ee lasoco waxa socda.

Saxiixii ugu deg dega badnaa Soomaaliya

Heshiisyada aduunka ka dhaca waa laba qaybood marka lasoo koobo: mid waa midka ku saabsan heshiiska loo yaqaan mid khaaska ah (Private) waxaana lagu magacaabaa (agreement) waa kan aad la galaysid qof kale ama shirkad heshiiskaas waxaa uu ahaan karaa mid shaqo ama mid iibsi dhul ama hanti kale, heshiiska noocan ah qofka ama kooxda galaysa lacagta horay kama shubaan, waxay sameeyaan talaabooyin ay kamid tahay ayagoo qabsada abukaati(lawyer) soona cadeeya sharci ahaan waxa lakala iibsanayo iyo lahaansha qofka laga iibsanayo iyo cadaymo, haday shaqo tahay waxaa uu qofka iska akhriyaa - hadii wax akhrinta uu yaqaano - qodobo ay dajisatay shirkadda uu u shaqo tagayo oo heshiis aan kaaga baahnayn lawyer ama abuukaate kaliya lagaa rabo saxiixa waa hadii aad ku qanacdid waxa meesha ku qoran, intaas waxaa dheer talooyin buu galiyaa qofka raba inuu wax iibsado ama sii iibiyo, si aysan hantidiisu meel cidlaa ugu lumin.

Heshiiska kale waa kan badanaa dawladaha dhex mara waxaana uu noqon karaa mucaahada (treaty) ama itifaaqiyah (convention) ama alitifaaqiya (agreement) ama protocol (oo ah heshiisyo la'isku geeyay ama go'aamo la'isku geeyay), waxaa kaloo jira xeer /miithaaq(charter) oo badanaa isticmaalaan dawlado isku tagay oo dhistay urur sida kan islaamka oo kale iyo in kaloo badan, kan loogu magac daray is afgaradka waxaa uu ka mid yahay heshiisyada, waayo waxaan ugu cel celinayaa waxaa kamid ah wararka  madaxda dawlada in badan waxaad ka maqasheen ayagoo leh ma'ahan heshiis ee waa is-afgarad, is afgaradkuna waa nooc kamid ah heshiisyada waana ka ugu khatarta badan oo badanaa la qariyo ama aanba lasoo marsiin baarlamaanka, heshiis oo dhan noocuu rabo ha ahaadee waxaa lagama maarmaan ah inuu ahaadaa mid ay kawada hadlaan labada dhinac oo loo saaro wakiilo soo dhiraan dhiriya, wax laga hadlayana aqoon u leh, waligaa ma maqashay wada hadalkaas ama heshiiskaas dad baa loo saaray, mise waxaad ogaateen waa la saxiixay, waxaa wax lala yaabay noqotay see baa wasiir iska joogay Nairobi loogu sheegi karaa in uu saxiixo waraaq ama heshiis uunan markii horeba u imaan Nairobi oo loo sheegay inta uusan saxiixin ka hor 72 saacadood saxiixa heshiiska waxaa uu dhacay 7dii April 2009, Waxaa uu baarlamaanka Soomaaliya diiday heshiiska 1dii Agoosto 2009

Dareenkii Villa Soomaaliya

Waxaa wax laga xumaada ah dareenkii ka jiray xafiisyada dawladda wuu ka duwanaa kii ka jiray shacabka dhexdiisa, ee ahaa war baddii ma qaraxsateen? iyo meeqaad ku hesheen?, su'aashaas waxaa aad la'iigu weydiiyay isla bishii heshiiska badda la saxiixay Nairobi oo aan ku tagay safar, dadkii su'aasha i weydiinayayna jawaab uma hayn, aan ka ahayn isku dareen ayaan nahay, markaas ayada ah waxaan ka qayb galay siminaar ay soo qabanqaabisay UNPOS oo uu madaxda u ahaa Walad Cabdalla, waxaa siminaarka lagu qabtay machadka (KIA), profisooro  kasoo qayb galay iyo kuwo wax ka jeedinayay siminaarkaas ayaa waxaa marar badan la isweydiinayay arrinka Badda, oo badanaa aqoonyahana Kenyaatiga heshiiskaas waa ay difaacayeen, waxay aad ooga cabanayeen in lagu timaamo iibsi badda. Madaxda dawlada ilaa hada ma aaminsana in ay ku khaldanaayeen heshiiskaas, marka laga reebo qaarkood oo sheegay in la khiyaanay, guud ahaan shaqaalaha xafiisyada waxaa ay isticmaalayeen waxa loogu yaqaan afka carabiga ruux riyaadhiya (oo ah niyad wanaag muujin).

Qabsashada badda (Occupation of the sea)

Horay waxaan u soo xusay waxii dhacay ee ahaa  qayb kamid ah baddii markii lala wareegi rabay waxii dhacay ee ahaa in shacabkii kaceen oo baarlamaankii diiday, waxaas oo dhana ma dhici lahayn hadaysan warbaahinta soo bandhigi lahayn siiba somalitalk.com oo dadaal aad u weyn ku bixisay, maxaad u maleenaysaa haddii laguu sheego in baddii Soomaaliya oo dhan  in lala wareegay ayadoo loogu soo dhuumanayo afar wiil oo masaakiin ah doomahoodiina laga bur buriyay mar hore kalluunkoodiina laga xaabsaday baa aduunkoo dhan u soo guuray baddii Soomaaliya intii la dhihi lahaa dhulka hala xaliyo, kadib baddu xal umaba baahna. Waxaa wax lala yaaba ah in badda Soomaaliya ay maanta ku suganyihiin in badan 30 dawladood oo ay ugu horeeyaan reer Yurub ka. Yurub waxaa maanta ay hogaaminaysaa hawlgal ay u bixisay ka hortaga burcad badeeda (European Union Naval Operation Against Piracy) ama ciidamada  loo yaqaano task force 150 iyo 151 compined task force waa magaca lagu xalaal sanayo badda Soomaaliya, waxay ku leeyihiin go'aamo kasoo baxay golaha  amniga ee tirsigiisu ahaa 1814, 1816, 1838 ,1846,2008, ayaan dhaqan galinaynaa  waxayna qayb ka tahay siyaasada difaaca yurub. Fiiri shaqadooda iyo waxa ay qabtaanwaa sida ay ayagu sheeganayaan ee ma,ahan sida Soomaalidda ka aaminsantahay  www.eunavfor.eu waxaa kuu cad dhamaan reer yurub badda inay joogaan oo aysanjirin dawlad kamaqan. Waxaa intaas dheer ururka NATO waa ay joogaan, sidoo kale ASIA waxaa la dhihi karaa kama maqna boobkaan cidna, waxaa intaa dheer lacagta ku baxdo ciidamadaas Soomaaliya hadii loogu deeqo wax soo toosaya malahan subaxaas , sanadkii ugu horeeyay waxaa ku baxay reer yurub kaliyalacag dhan 8.3 Milyan Euro (sideed milyan iyo sedex boqol oo kun oo ah lacagta yurub) docmentigaas akhri inta boobka la'egyahay Soomaliya.

Waxaa intaa dheer dawladaha kale ee ku sugan badda kharashka ku baxa, su'aashu waxay tahay ayagu waxay noo sheegeen kharashka uga baxa la dagaalanka burcad badeeda ee ayagu maxay naga helaan?.

Marka hore badda ay joogaan tirada rasmiga ah iyo inta maraakiib ee joogta badda Soomaaliya majirto dawlad Soomaaliyeed oo og oo kula xisaabtanta ama tira koob ka haysa, cida kaliya ee tira koobka haysa waa nimanka loo yaqaano burcad badeeda ayaguna waxaa ay sheegeen in baddii buuxsantay oo maraakiibta waaweyn iyo kuwa yar yar intaba joogaan, inay haystaan kaamarooyin waaweyn iyo shabaqyo ay kalluunka iyo boob ah ugu daldashaan, qaarkoodna ciidan ka buuxo, hadii reer yurubka maalintii ay ku kharash gareeyaan Badda Soomaaliya 1milyan oo Dollar, halka Soomaalidii waxay cunaan la'yihiin, waxaa intaas aad uga badan waxa ay ka helayaan kalluunka, dhagxaanta iyo khayraadka faraha badan ee ay aruursanayaan.

Arintaas waxaa u xalaaleeyey oo mas'uuliyaddeeda koowaad leh heshiiskii xukuumadda Nuur-Cadde la saxiixatay dawladahaas oo uu baddii awelba baylahda ahayd kusii baneeyey, marka heshiiskaas sida kan Badda waa in la baabi'iyo (eeg heshiiskaas).

Waxay ka shaqeeyaan in aysan Soomaaliya xasilooni ka dhalan, waayo maalin walba lacagaha Soomaaliya lasiin lahaa ayaa lagu cunayaa badda, ama waxaaba lagu naas nuujinayaa ciidamo shisheeye sida kuwa hada jooga ee AMISOM, kadib lacagahaas ayaa lagu soo dalacayaa dawladda Soomaliya marka yaa fahmi kara dhibka soo socda oo ah in Soomaaliya badda laga qabsado lana xaalufiyo, dalalkuna kala qaybsadaan, sida ayadoo la dhaho dawlad hebel inta ku aadan Muqdisho la wareeg adna inta ku aadan Boosaaso, adna inta ku aaday Barbera, maskiinka Soomaaliga ahna lagu yiraahdo intaa kadib adigu shaqo ma rabtaa? Badda markii lasoo dhameeyo sheekadu waa dhulka su'aashu waxay tahay jiifka lagu jiro goormaa laga toosayaa? ma marka buunka la yeeriyo waaguna uu kuu baryo tuuladii aad ku dhalatay oo nin indha yar guryo ka dhisanayo aad soo toostid? taas maaha khiyaali waa wax dhici kara hadaan wax laga badalin qaabka ay wax u socdaan, dhulka iyo Badda heshiisyada lagu bixinayana lajoojin, bad baadadoodana aan loo wada istaagin.

Akhri qaybta 6aad

| Q.1aad | Q.2aad | 3aad |  4aad | 5aad

Qore: Axmed sadiiq
Sadiiq120@gmail.com

Qoraaga warbixintan waxa uu muddo ku dhawaad ah sanad ka shaqeenayay xarunta Villa Soomaaliya (Madaxtooyada) ee xukuumadda hadda ka jirta Soomaaliya. Qoraagga ujeedadiisu ma aha in qof si khaas ah u falan qeeyo, laakiin marka la fiiriyo xaalada dalka uu marayo iyo asagoo mararka qaar is dhaha Wax yaalaha qaar hadaad ka aamustid armaad danbi ka gashaa ummadda Soomaaliyeed awgeed ayuu u qoray qoraaladan xiriirka ah oo ku saabsan Somalia for sale (Soomaaliya waa iib) safaaradaha iyo badda iyo dhulka. Qoraagu waxa uu aaminsan yahay in waxa Soomaaliya ka socda ay yihiin boob qarameed oo meel walba ah, oo ay waajib tahay in la galo dagaal lagu bad-baadinayo hantida guurta ah iyo midda maguurtaba ahba.

Faafin: SomaliTalk.com | June 13, 2010

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: