"Bal garwaaqso Warankaad gantiyo golaha aad joogto"
Asalaamu Calaykum? salaan kadib, ilaahay ayaa mahad leh.
C/qaadir Warsame Yuusuf | Gaalkacyo Soomaaliya
Email. abdiqadir72@hotmail.com
| Mobile:+25290680441
Waxaa Mahad Leh Allaah Subxaanu Watacalaa i solin siiyay inaan ka hadlo
dhibka wadankayga ka jira ama hadda ugubka u ah, yacni horay aan uga dhici jirin
taas oo ah arinta Badda Soomaaliyeed ee dhererkiidu dhan yahay, 3330km .
Waxaan ahay nin dhalinyaro ah oo sano 20-aad ku jira, waxaana maskaxdayda ka
guuxaya arinta badda oo runtii dadbadan oo Soomaaliyeedna sidoo kale ay ila
guuxayaan, waxaan ka xumahay in dadka Soomaaliyeed ee dhibku haystay 20-ka sano
in haddana dhibkii mid ka daran la galiyo kaas oo ah jaahawareer dhulkoodii la
galinayo.
Wali aduunka kama dhicin, Madaxwayne dal xukuma oo wadankii u xukumay baddiisii
bixinaya kuna doodaya khilaaf ayaa ku jira badeena, marka waxaan iswaydiiyay
Madaxwaynugu maxuu hadalkaas ka wadaa , maka aqoon daro baa mise wax uusan ahayn
wadani, Dugsiga sare ayaan ku soo dhigtay qodobada "National Integratinka " oo
qodobkan ka mid yahay, wadanku waa inuu leeyahay Madaxwayne wadani ah kaas oo
wadanka wakiil uga ah caalamka, marka wakiilnimadiisii maxay noqotay meeshuu
wadanka difaaci lahaa inuu ka loogo, waa arin la yaab leh oo maskaxdayda ku
waynaatay.
Mida kale, xagee ayuu ku yaal heshiiska la yiraahdo Isfaham, waa mid igu cusub
runtii , marka anaga iyo kenya Isfaham badeed ayaa na dhexmaray maxay tahay
micnadeedu waa Su'aale?
Madxwaynaha Cusub waxaa uu dhihi jiray markuu mucaaradka ahaa, waxaan ku jirnaa
jihaad, waxaan la dagaalamaynaa gaalada wadanka ku soo duushay, waxaan la
dagalamaynaa dawlada Ethiopia keentay, Maanta wax uu keenay markuu madaxwayne
noqdey inuu baddii Soomaaliya dal heshiis kula galo,marka Shariifow shalay
dhulkaad lahayd waan xoreyn miyaad Maanta saxiixday?
Wadanka Soomaaliya hadda waxa jira dhib badan, oo runtii qof walba oo Soomaali
ah uu la socdo, dawladan cusub waxa looga fadhiyey inay dib u heshiisiin ka
shaqeyso , oo ay dadka iyo dalka isku keento dhibkana ka saadho ee loogama
fadhin inay badeena khalkhal galiso.
Waxaan kaloo dadweynaha Soomaaliyeed waydiin, ma iswaydiiseen dawladihii ka
horeeyay tan waxay heshiisyo noocaan oo kale u gali wayday, maxase loo
burburiyay oo loo taageeri waayay miyaysan ahyn , waxaa laga waayay dantii laga
lahaa oo ahayd inay bada iyo dhulka saxiixaan inta xuduudaha xigta, markii laga
wayay waxaa laga goostay dhaqaalihii loogu deeqi jiray, dawladan Shiikh
Shariifna markay Saxiixday oo la arkay inay tahay dawlad wixii la doono laga
gaarayo ayaa Reer yurub waxay u aruusheen lacagta aad maqasheen ee 250 malyuun
ee doolar, dawladii hore miyay fashilmi lahayd haday lacagtaas heli lahayd,
su'aashu waa maya. laakiin dawladaas way diiday in ay heshiisyo gasho waxayna
cududaar ka dhigan jirtay heshiis ma gaari karno ilaa dalku xasilo oo dawladan
kmg ah laga baxo oo dawlad caadi ah , dastuur sax ah la qoro.
"Balgarwaaqso
Warankaad Gantiyo Golaha aad joogto".
Waxan ula jeedaa Shiikh Shariif Shiikh Axmed, waxaad wadataa Magca ah
Madaxwaynihii Soomaaliya sida Caalamku kuu yaqaano, marka adoo magacaas wata oo
golahaas joogaa ayaad waxay dawladaasu gashay heshiis aad ugu yeerteen Isfaham,
oo aan Soomaali waxba ugu jirin laakiin Kenya uu u yahay muhiim ama guul ay
idinka gaadhay oo ay badbalaarsi wado inleen awal ayy dhul naga haysayay.
Qoraal aan ka aqriyay Somalitalk oo Waraysi Shiikh Shariif Radio Danan laga sii
daayay, ayaa ahaa si aan uga hortagno in dhul naga dhumo ayaan heshiiskan
isfamka ah u galnay, marka madaxwaynuhu wuxuu yiri si aan hadhow dhulka ugala
hadalno ayaan kenya ula galnay, marka Sheeko Soomaaliyeed ayaan ku maqli jiray
caruur nimadaydii, waxayna ahayd sidan.
Islaan ayaa xaabo doonatay , waxay aruursatay xaabo badan, waxay damacday inay
qaado xaabadii badnayd ee ay soo aruursatay, markaas ayay qaadi waysay oo ay ku
cuslaatay, markaas ayay xaabadii xaabo kale ku darsatay, meeshii laga rabay
haday xaabada qaadi waysay inay iska dhinto oo ay lasoo harto in ay qaadi karto.
marka Shariifow meeshaad Kenya dhulka maqan kala hadli lahayd miyaad badiina ugu
dartay?
C/qaadir Warsame Yuusuf
Gaalkacyo Soomaaliya
Email. abdiqadir72@hotmail.com
Mobile:+25290680441
Faafin: SomaliTalk.com | May 4, 2009 |