Kenya oo Baasaboorkeedii kala Noqotay Wasiirka Maaliyadda DFKMG, Shariif
Xasan Sheikh Aaden
Laanta
socdaalka dawladda Kenya ayaa sheegtay in ay Baasaboorkii Kenyaatiga ahaa kala
laabatay Raysalwasaare ku
xigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda DFKMG Shariif Xasan Sheikh
Aaden.
"Baasaboorka Kenya oo la siiyey Mr Hassan Sheikh Aden Issak ayaa lagala
laabtay," sidaas waxaa yiri Otieno Kajwang oo ah wasiirka Kenya u qaabilsan
arrimaha socdaalka, sida ay
werisay jariidadda Daily Nation caddadkii May 20, 2009. Waxaana warku
intaas ku daray in markii Baasaboorka la siiyey uu noqday muwaadin Kenyaan ah.
Laakiin, Sheikh Aaden waxa laga dhigay dublomaasi markii la sameeyey Dawladda
Soomaaliya, "Waxaa ogaanay in haysto baasaboor Kenyaati ah markii uu kusoo
laabtay Kenya oo magaciisa computer-ka la geliyay, markaas ayaa lagala noqday
baasaboorka. Xitaa kama uusan laaban dhalashadii Kenyaatiga," ayuu yiri Kajwang.
Waxana uu intaas ku daray maadaama Kenya aysan ogolayn labada dhalasho,
sidaas daraadeed ayaa looga qaaday Baasaboorka Kenya.
March 18, 2009 ayey ahayd markii Wasiirka Maaliyadda
DFKMG, Shariif Xasan Sheikh Aaden iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ay kala
saxiixdeen heshiis Is-Afgarad ee Memorandum of Understanding (MoU) oo ku
saabsan in Kenya ay cashuurta u qaado DFKMG, gaar ahaan waxyaabaha Kenya laga
dhoofiyo ee u socda Soomaaliya.
KALABAYR: waxay Itoobiyaanku G/Hiiraan soo galeen (May 19, 2009).
- IGAD oo Qarammada Midoobay ugu Baaqday in Soomaaliya laga Go'doomiyo
Cirka
iyo Badda
- Cumar C/rashiid oo Waraysi siiyey Reuters: "Waxa keliya oo iyaga
lagula xaaltami karo oo ay fahmayaan waa
dagaalka, waxaana u diyaarsanahay in aan cirib tiro iyaga,"
- Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya oo sheegay in aan ciidankoodu
gelin Soomaaliya!
- Odayaasha Beelaha oo DFKMG ku eedeeyey in ay lug ku leedahay
Soo gelitaanka Itoobiya
- Website sheegata in ay ku hadasho codka DFKMG oo shaaca ka qaaday in
Itoobiyaan soo galeen Soomaaliya: "Dowladda Soomaaliya ayaa u fasaxday
inay soo galaan ciidamada Dowladda Itoobiya kuwaasoo baabi'in doona burcada
qalqalka ku haysa Dowladda Soomaaliya iyo amniga Dowladdaha deriska la ah
Soomaaliya...."
- Baarlamaanka DFKMG oo aan weli go'aan ka soo saarin xilliga ay ka
shiri doonaan Go'aan ka gaarista badda ay cabiratay Kenya
Kulan aan caadi ahayn oo Arbacadii May 20, 2009 ay magaalada Addis Ababa ku yeesheen
dalalka ku jira IGAD ayay ka soo saareen baaq ku wajahan UN-ta oo ay ugu yeereen
in Soomaaliya laga cunaqabateeyo dhanka cirka iyo badda, iyaga oo taas sababa uga
dhiga waxa ay ugu yeereen in "islaamiyiintu ay halis ku yihiin gobolka", waa
sida AFP warka u dhigtay'e.
KHASAARAHA DHAQAN-DHAQAALE EE QAADKU KU HAYO
SOOMAALIYA:
Waxaa lagu qiyaasay in garoonka Deyniile oo keliya laga dejiyo qaadka
nooca Miirowga loo yaqaan oo qiimihiisu dhan yahay $170,000/bishiiba,
taas oo sannadkii ka dhigeysa $2,040,000. Qiyaas akhristow inta ardayga
Soomaaliyeed uu ku dhigan karo Jaamacad kutaal Soomaaliya..
Guji..
BOSASO: Kasoo horjeedka Cisbitaalka Boosaaso waxaa kuyaal suuqa
daroogada Qaadka oo ay kasoo baxdo miisaaniyad lagu qiyaasay $US50,000
maalintiiba, laakiin lacagta halkaas ka soo baxda iyo cashuurteedu toona
ma gaaraan cisbitaalka, sidaas waxaa qoray... ABC
Australia...
|
Waxaa warku qeexay in IGAD ay Qarammada Midoobay waydiisatay in Soomaaliya
laga dhigo meel aan diyaaraduhu geli karin marka laga reebo kuwa sida gargaarka
bini'aadamiinimo oo ay "dawaladdu" ogolaato, iyo in laga xanibo dekedaha gaar
ahaan magaalooyinka Kismaayo iyo Merka, si "looga hor tago in hub dheeraad ah
iyo dagaalyahano ajaanib ah ay soo galaan", waa sida warku u dhigay'e.
- Lama oga in diyaaradaha Qaadku ay ka mid yihiin kuwa la saarayo xannibaada.
Waxaana shirka Addis Ababa ee baaqa laga soo saaray joogey Wasiirka Lacagta
ee DFKMG, ahna ra'iisul wasaare xigeen, Shariif Xasan Sh. Aaden. Shariif
Xasan waxa uu March 18, 2009 heshiis
Is-Afgarad (MoU) la saxiixday Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya, Moses
Wetang'ula, heshiiskaas oo ku saabsan in Dawladda Kenya ay waxyaabaha laga
dhoofiyo Kenya oo u socda Soomaaliya ay ka qaado CASHUUR ay u qaadayso
DFKMG. Waxyaabaha ugu badan ee Kenya laga dhoofiyona waxaa ka mid ah QAADKA
oo ah mid dhaqan-dhaqaale iyo anshaxba u halakeeyey Soomaalida. Iyada oo
weliba dhakhaatiirta Soomaaliyeed ay sheegeen in Qaadku uu qayb ka yahay
faafidda cudurka dilaaga ah ee AIDS oo ku batay Soomaalida intii ka
dambaysay burburkii dalka. Qaadku waxa uu Soomaaliya uga yimaadaa Kenya iyo
Itoobiya.
Waxa kale oo IGAD waxay ku baaqeen in cunaqabatayn lagu soo rogo Eritrea si
degdeg ah, taas oo sabab looga dhigay in ay taageerto waxa loogu yeeray
"Islaamiyiinta magalka adag."
Eritrea waxay ururka IGAD iskaga baxday April 2007 markaas oo ay urur-goboleedka
IGAD ku eedaysay in ay ku guul daraysteen in ay nabad ku soo celiyaan
gobolka.
Wasiirka Arrimaha dibadda Ethiopia, Seyoum Mesfin, oo shirka baaqa laga
soo saaray guddoominayey ayaa yiri "Kuma aanaan laaban Soomaaliya. Qorshahayagu
ma aha in aan go'aan aan la gooni nahay ugu laabano Soomaaliya (We don't intend
to go to Somalia unilaterally)! Waxana uu yiri "Xagjirayaashu wax dan ah kama
laha nabadgalyada. Qorshahoodu wax shaqo ah kuma laha xasilinta Soomaaliya.
Qorshahoodu waa in ay gaaraan meelo ka durugsan Soomaaliya, hogaamiyahoodu waxa
uu cadeeyey in ujeedadooda aysan ku xadidnayn Soomaaliya."
Ciidamada Itoobiya ayaa Talaadadii (May 19, 2009) waxa soo galeen
aagga Kalabayr oo katirsan degaanka Jawiil ee Gobolka Hiiraan, waxaana lagu soo
waramay in ciidamada gumaysiga Itoobiya ay baaritaan ku sameeynayaan gawaarida
maraysa daqiiqa laamiga ah ee isku xira Koonfurta iyo woqooyiga Soomaaliya.
DHEGEYSO
ama Soo rogo
(Danan).
- Weriye Scott Baldauf oo waraysi siiyey CSMonitor ayaa si qeexan uga
waramay taariikhda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya iyo arrimaha hadda taagan
xiriirka ka dhexeeya.. DHEGEYSO
(mp3)
Garaad Fiidow Gaabow ayaa DFKMG ku eedeeyey in ay ka dambayso in Itoobiyaanku
kusoo laabtaan ciidda Soomaaliya, ciidamadaas oo faragalin qaawan ku haysa
Soomaaliya, waxana uu sheegay in DFKMG ay arrinta ka dambayso maadaama ay
sheegaan in ajaanin ka dagaalamaan Soomaaliya..
DHEGEYSO
ama Soo rogo
(Danan).
Cumar C/rashiid oo ku Hanjabay in ay Cirib tirayaan kooxaha ka soo
horjeeda
Ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke
oo Arbacadii May 20, 2009 waraysi siiyay hay'adda wararka ee Reuters ayaa
sheegay in uusan rajo badan ka qabin wadahadal ay la yeeshaan muqaawada. Waxana
uu sheegay in ay ku jiraan 300 oo ajaanib ah dagaal yahannoo ah.
Cumar C/rashiid oo ka hadlaayey kooxaha ka dagaalada Soomaaliya ee ka soo
horjeeda xukuumadiisa waxa uu yiri:
"u
malayn maayo in ay leeyihiin qorsha siyaasadeed. Waxaan aaminsanahay
dagaalyahaniintaas ajaanibta ah in ay doonayaan in ay dalka ka dhigaan mid ku
sii jira qalalaase si ay u helaan meel ay ku dhuuman karaan," ayuu yiri Cumar
Cabdirashiid.
"U malayn maayo in ay jirto fursad dadkaas lagula fariisto oo lagala xaajoodo
arrimaha. Waxa keliya oo iyaga lagula xaaltami karo oo ay fahmayaan waa
dagaalka, waxaana u diyaarsanahay in aan cirib tiro iyaga," ayuu ra'iisul
wasaaraha DFKMG ku yiri waraysiga Reuters.
"Alshabaab iyo dagaalyahaniintooda ajaanibta ah weligood ma awoodi doonaan in
ay wax xakumaan. Waa awoodaan in ay magaalo tagaan, ku dhufo oo ka dhaqaaq, oo
burburiyaan, argagaxna galiyaan dadka, laakiin kuwaasi malaha hanaan, awood,
karti, iyo anshax adag oo ay wax ku xakumaan," ayuu yiri.
"Waxaan weli la yaabanahay sida ay dad dagaalka u sii wadaan iyagoo aan wax
ujeedo ah lahayn. Waxaa taas dheer waxay ku guul daraysteen in ay diinta u
adeegsan sidii aalad. Nimankaasi waxay ku xad gudbeen qayb kasta oo ah asaaska
islaamka, waxayna weli ku andacoonayaan in ay yihiin Islaamiyiin." ayuu yiri
Cumar C/rashiid.
Cumar C/rashiid waxa uu sheegay in uu cadaymo ku filan hayo in Eriteria ay
hub siisay kooxaha ka soo horjeeda.
Warkii Reuters oo AfSoomaali ay ku akhrinayso Sahro Sh. Maxamuud Cali oo ka
tirsan Shabelle
Dhegeyso.
Laakiin ra'iisul wasaaraha DFKMG ee
Soomaaliya kama hadlin ciidamada militariga Itoobiya ee la sheegay in ay
soo galeen carrada Soomaaliya, in kasta oo website-ka sheegata in uu ku hadlo
afka xukuumaddiisa ay qortay sidan:
- Ciidamadii Itoobiya ee Maanta Soogaaray G/hiiraan Oo Dhaqdhaqaaqyo
Bilaabay
Talaado 19 May, 2009 (Wararka Dowladda ee Maanata)
Ciidamadan Itoobiyaanka ah ayaa shacabka ka codsadeen inay ka qabtaan
tuugada isku sheegaysa urur Diimmeedka kuwaasoo u shaqaynaya dano shisheeye
iyo ragga ay Dowladda Maraykanka si aad iyo aad ah u raadinaysa. Dowladda
Soomaaliya ayaa waxay ka codsatay Dowladda Itoobiya inay gurmad deg deg ah
ay u soo dirto Dowladda Soomaaliya sidaas awgeed Dowladda Soomaaliya ayaa u
fasaxday inay soo galaan ciidamada Dowladda Itoobiya kuwaasoo baabi'in doona
burcada qalqalka ku haysa Dowladda Soomaaliya iyo amniga Dowladdaha deriska
la ah Soomaaliya. Culimaa'udiinka Soomaaliyeed waxay bayaan ka soo saareen
in la shaqeeyo Madaxweyne Sheekh Sharif Sheekh Axmed oo ah shaqsi horey
guddoomiye u soo ahaa maxkamadaha Islaamiga ee Moqdisho iyo meelo badan
Aslixiyey. Shalay wixii dhaafa la yiri ayey waddan maanta marka waxaan u
sheegaynaa Shacabka Soomaaliyeed in laga qaban doono Al-qadea iyo wuixii u
shaqeeya sida kuwa raba inay afgambiyaan Dowladda Soomaaliya ee ay
taageersan yihiin bulshada caalamka.
Dowladda Soomaaliya waxay hirgelisay sghareecada Islaamka marka haddii ay
culimo yihiin maxay ku dagaalamayaan? Waxay dad iyo amniga u baabi'inayaa
waa xukun balse hadda iyo wixii ka dembeeya waa laga diiday wax dembe oo la
burburiyo.
DFKMG ilaa hadda iskama fogayn warka shabakaddaas sheegata in ay afkooda ku
hadasho oo qortay in "Ciidamadii Itoobiya ee Maanta (May 19, 2009)
Soogaaray G/hiiraan Oo Dhaqdhaqaaqyo Bilaabay", waxaana hadda ka soo
wareegtey saddex maalmood inta ay Itoobiyaanku ku jiraan ciidda Soomaaliya.
Waxaa jirta in Wasiirka Saxaafadda DFKMG, Farxaan Cali Maxamuud oo u
waramayey Idaacadda Codka Maraykanka uu sheegay in dawladdu maqashay
warar saxaafadu ku sheegtay in Itoobiyaan soo galeen Soomaaliya laakiin warkaasi
uusan "sax ahayn" ayuu yiri
Dhegeyso
ama
Soo rogo (May 20, 2009). Laakiin kama uusan hadlin saxaafadda sheegata in ay
ku hadasho Afka xukuumada ee warkaas faafisay.
Waxaa kale oo xusid mudan hadalka wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya uu Addis
Ababa ka sheegay May 20, 2009 oo ahaa "Qorshahayagu ma aha in aan go'aan aan la
gooni nahay ugu laabano Soomaaliya (We don't intend
to go to Somalia unilaterally)!. Hadalkaas kelmedda in la dhuuxo ay tahayna
waa "unilaterally"....
Garoomada
diyaaradaha ee xanibaada gaarka ah in la saaro laga codsaday UN-ta waxaa ka mid
ah No.50, Ballidoogle, Xudur, Waajid, Baydhabo, Kismaayo, Cisaley, sida uu
Idaacadda Codka Maraykanka Laanta Afka Soomaaliga u sheegay Danjiraha DFKMG u joogay Addis Ababa,
Siciid Yusuf Nur
Dhegayso
ama
Soo rogo (mp3).
Warsaaxafadeedka IGAD waxaa ku cad in ay codsadeen in xanibaad xagga
diyaaradaha la saaro garoomada diyaaradaha ee kala ah Kismayo, Baydhabo, KM 50,
Balidoogle, Waajid, Xudur, dhammaan garoomada Gobolka Gedo, Cisaley iyo Johwar.
DFKMG ayaa soo dhaweysey baaqa go'doomin ay IGAD ka dalbatay UN-ta, sida uu
May 21, 2009 Idacada Codka Maraykanka u sheegay afhayeen u hadlay DFKMG, Abdi
Kadir Walayo:
Dhegeyso
ama
Soo rogo
(mp3).
Jawaabtii Eriteria ku beenisay in ay hubayso Alshabaab
ka akhri Halkan (pdf).
May 21, 2009 afhayeenkii AlShabaab Sheikh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu-Mansuur)
ayaa sheegay in uu iska casilay xilkaasi uu u hayayAl shabaab, waxana uu ku
wareejiyay Sheikh Cali Maxamuud Raarge (Sheikh Cali Dheere).
Baarlamaanka FKMG iyo Baylahda Badda Soomaaliya
Dhanka kale, ilaa hadda baarlamaanka DFKMG war sugan kama soo saarin xilliga
ay ka shiri doonaan go'aan ka gaarista heshiiskii Is-Afgarad ee badda Soomaaliy
amuranka geliyey iyo sheegashada Kenya ay cabiratay baaxad weyn oo ah
dhul-badeedka Soomaaliya. Horraanta bisha Agoosto 2009 ayaa la qiyaasayaa in
Kenya ay xogtii ay Qarammada Midoobay (QM) u gudbisay ay ka hor akhrido Guddiga
Xadaynta badaha, taas oo haddii aan diidmo laga horgeyn inta ka horaysa ay
suurtagal noqon doonto in loo sharciyeeyo dhul badeed aad u baaxad weyn oo ah
badda Soomaaliya.
Kenya akhbaarta ay ku sheeganayso badda Soomaalida qayb ka mid ah waxay
gudbisatey May 6, 2009, ilaa haddana waxaa shacabka Soomaaliyeed isweydiinayaan
sababta ay DFKMG ay arrintaas dhegaha uga furaysanayso, oo aysan uga hadlayn,
su'aalona looga weydiin karayn.
1964 ayaa heshiis is gaashaan-buuraysi dhexmaray Kenya iyo Itoobiya,
heshiiskaas oo ku saabsnaa iska difaacidda Soomaaliya (oo ay labadoodaba
gumaystayaashii siiyeen dhul Soomaaliyeed). Heshiiskaas isgaashaan-buuryasiga
waxay Kenya iyo Itoobiya cusboonaysiiyeen 1980. Waxa kale oo ay markale sii
cusboonaysiiyeen August 28, 1987. Kenya waxay May 6, 2009 QM u gudbisay cabbir
badda Soomaaliya qayb ka mid ah. May 19, 2009 waxaa Soomaaliya goobo ka mid ah
soo galay Ciidamo Itoobiyaan ah. (Akhri warbixintii NFD)
Cumar C/rashiid oo waraysi siinayey Reuters, Muqdisho May 20, 2009
Somali PM says little hope of talks with insurgents
Qoysas dhowaan ka barakacay Muqdisho oo May 15, 2009 gaaray xerada
barakacayaasha ee 17km u jirta Muqdisho, iyagoo sugayey in la diiwaan galiyo.
Axmed Walad Cabdalla oo ka qaybgalay Kulan ka dhacay Addis Ababa oo Afrikaanku
uga hadleen Soomaaliya, May 20, 2009
Dhexda: Shariif Xasan oo ka qayb galay kulanka Addis Ababa ee May 20, 2009.
Bidix: Wasiirka Arrimaha dibada Itoobiya
Hooyo wiilkeeda oo dhaawac ah u wada Cisbitaal Madiina, Muqdisho, May 13, 2009
oo ku dhaawacmay dagaalka Muqdosho.
Sept 8, 2005:
Prof.
Axmed Warfaa ayaa sheegay in la ogyahay meelaha Qaadka laga keeno oo ah dhulka la
tilmaamay in Cudurka HIV/AIDS uu halakeeyey, waxana uu xusay in ay dhici karto
in dadka Qaadka guraya oo adeegsada qalab ay kamid yihiin mishaaro (ama godimo
iyo faasas) ay dhici karto in ay birahaasi saraan oo dhiig ka yimid uu gaaro ama
ku daato caleentii Qaadka, mar haddii dhiiga qofka HIV/AIDS qabaana uu caleenta
gaaro intii Qaadkaas cuntana uu cudurkaasi ku dhici karo. Arintan oo ah halista
ugu weyn ee Qaadku hadda u leeyahay Mujtaamaca Soomaaliyeed, marka laga soo tago
xaggii dhaqaalaha, qoyska oo uu burburinayo, waxaa ka daran in uu qayb weyn ka
yahay faafida cudurka HIV/AIDS.
Isha sawirada: Google Images
Faafin: SomaliTalk.com | May 21, 2009
QISADII SHIMBRAALE...
Akhri |