Home » Archive Bisha February, 2016
Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay dhacdadii garoonka Jomo Kenyatta
Warsaxaafadeed
February 22 2016
Istanbul, Turkey
..
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aad uga xuntahay dhacdadii ka dhacday garoonka Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi, halkaas oo ay Transit ku ahaayeen wafdi uu hogaaminayay Ra¨´iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke oo ku wajahnaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga si ay uga qeyb galaan shirka heerka sare ee...
Ku-simaha R.Wasaaraha oo ka qeyb galay Munaasabad lagu xusayey Maalinta Afka Hooyo.
Muqdisho, February 21, 2016…..Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Caddaaladda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdullahi Axmed Jamac “Ilka Jiir”, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagu xusayey Maalinta caalamiga ah ee Afka hooyo oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Waxbarashada...
Masjid jaamicii ugu horreeyey degmaada Shibis (Bilaaja carab) oo dib loo dhisayo
Masjid jaamica Ibbi ee degmada Shibis markii ugu horeysay waxaa la dhisay sanadkii 1933kii, waxaana dib loo dhisay 1971kii.
Masjidku wuxuu ku fadhiyaa 900 m2, waxaana markiiba ku tukan kara 1000 qof, wuxuuna leeyahay qayb dumarka loogu talogalay iyo qayb kale oo isugu jirta maktabad, guriga mu’adinka, madaraso, hool muxaadarooyin, xamaamyo iyo meeshii weesada.
Masjidkaan oo ah mid taariikhi...
Xasuustaydii Nabad Sugiddii (N.S.S 1976 – 1991)
Markay Ruushka, Kuubaanka, Yement , Liibiyaanka iyo Jarmal jabiyeen Xooggii Dalka Soomaaliyeed ee sida geesinimada ah uga adkaaday Xoogaggii Xabashida , waxaa nagu habsaday ceeryaamo ciil iyo caro , waxaa jiray Cabsi xoog ah oo ay saraakiisha Ammaanku ka qabeen inay Ruushanku Xuduud beenaadka soo dhaafiyaan Xabashida markaasna aan gumoowno , xaalad adag ayay xafiisyada nabad galyadu ku jireen .
Waxaa...
Xasuustaydii Nabad Sugiddii (N.S.S 1976 – 1991)
Maarso 1978 Dii ayaa waxaan Taliyahagii isu raacnay Xafiiska Maxadwayne Siyaad , Sheeko iyo shah ka dib waxaa la iisheegay inaan aaadayo Jazaa’ir subaxa , warsan iyo guddoon , markaas oo kale la isma waydiiyo maxaa ka jira iyo maxaan ka doonayaa , hawl dhamaad ah ayaa la doonayaa inaad dhamayso , waxaan habaynkii seexday Aqalkii Hooyaday , Aabahay wuxuu ku maqnaa dhulka Barakaysan Xijaas ( Sucuudi...
Maansadii Gocasho – Dr. Khadar Jaamac
Maansaday waxa layidhaa gocasho wayna ka awaalo waramaysaa xaalada ay marayso ummada Soomaaliyeen. Qayb ka mid ah hore ayaan u faafiyey haddana waa iyadii oo dhamaystiran.
1:Aduunyadu waa giraan
2:Guyaal badan soo jirtoo
3:Walina waa geedi socod
4:Guntiyo baarkiyo salkaba
5:Dadbaa gaadiidsadoo
6:Intay guudka u bexeen
7:Dusheeda gurboodka dhigay
8: Bad waynta kuwaa galoo
9: Gunteeda u dhaadhacoo
10:...
Kacaanka, Toosinta. Federaalka, Toosinta.
1985 ayaa Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Somaliyeed XHKS ee kaligi wadanka Xisbi ahaan uga jiray xiligaas,Isku soo qaaday in Siyaasadda Kacaanka wax si ka yihiin, waxaa laga falanqooday in wax la saxo oo aan loo fadhin sidaana ayna ku sii socon, Waxaa la yiri Barnaamij iyo qorshe haloo sameeyo Arintaas, waxaa la isku soo qaaday Magacii loo bixinlahaa Barnaamijka, waxaa Afka la soo marin waayay...
Khudbaddii R.Wasaare K/Xigeenka ee Kulanka Horu-marka iyo Dib u Dhiska Kaabayaasha Dhaqaale ee Dalka (SDRF)
Muqdisho, February 15, 2016——Ra’iisal Wasaare ku-Xigeenka XFS Mudane Maxamed Cumar Carte oo maanta shir gudoominayay shirkii Horu-marinta iyo dib-dhiska kaabayaasha dhaqaale ee dalka (SDRF Meeting) ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan qorshayaasha horu-marineed ee ka socda guud ahaan dalka Somaliya.
Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka socda dawlad goboleedyada sida Puntland, Galmudug,...