SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SHIFO

W.Q. Faarax Axmed Muuse, colow30@hotmail.com
M.Sc Clinical Microbiology, University of Karachi



FAA’IIDOOYINKA AY CAANAHA HOOYADU U LEEYIHIIN ILMAHA

Tignoolojiyada casriga ah ee aduunku maanta gaaray waxa ay awood u waayeen ama ka caajiseen in ay sameyaan amaba ay soo saaraan caano la mid ah kuwa hooyada xaga walxaha ay ka kooban yihiin, dhadhanka iyo waliba midabka iyo uduga.

Caanaha hooyada ayaa ah nafaqo dhameystiran oo buuxin kara rabitaanka iyo koriinka cunuga, intaas waxaa dheer in ay caanaha hooyadu ka kooban yihiin walxo badan oo kordhiya difaaca cunuga, kuwaas oo inta badan dib u dhiga ama ka hortaga cudarada ay ka mid ka yihiin
1) cudurka dabeysha (polio)
2) Hargab (flu)
3) Dhega xanuun (otitis)
4) Cudurada ku dhaca habdhiska Neefsashada ( Respiratory tract Infections)
5) iyo cudurada caloosha, Xiidmaha iyo marinka cuntada (Gastrointestinal tract infections)

Waxaa waayadan danbe soo soo kordhayay in hooyooyinku aysan nuujin ilmahooda hadii ay nuujiyaana aysan nuujin mudadii iyo waqtigii ku haboonaa oo ay durbaba Mujuruc iyo masaasad ku quudin ku bilaabaan.

Run ahaantii waxtarka caanaha hooyadu ma ahan mid ku kooban intaas aan soo sheegnay balse waxay kale oo leeyihiin caanaha hooyadu faa’iidoyinka soo socda.

1) Caanaha hooyada waxaa ku jira qaar ka mid unugyada difaaca jirka oo uusan cunugu sameysan Karin bilaha u horeya noloshiisa sida IgA, IgM iyo IgG , sidoo kale caanaha hooyadu waxaa laga helaa borotiino la falgala birta jirka (iron binding proteins) loona yaqaan Lactoferins, isugeyoo unugyadan iyo borotiinadan waxa ay hakiyaan taranka iyo koritaanka noocyo ka mid ah bagteeriyada laga helo xiidmaha bani’aadmiga, bagteeriyadan ayaa inta badan u keenta cuduro uu shubanku ugu horeeyo caruurta la siiyo caanaha dadsameyga (Formula Milk).


TUUR MASAASADA OO NUUJI CUNUGAAGA

2) Saxarada ilmaha naaska la siiyo ayaa ah mid Aysiidh ah kana kooban maado loo yaqaan Acetate buffer, maadada Acetate buffer ee laga helo saxarada Ilmaha naaska la siiyo ayaa waxa ay ka hortagaa koritaanka iyo waxyeelada Noocyo badan oo Bagateeriyada ka mid ah oo la isku yiraahdo Gram negative Bacteria taas oo inta badan Qatar ba’an iyo cudura halis ah u keenta Ilmaha aan naaska la niijin.

3) Caanaha hooyadu waxay kaloo ka kooban yihiin macdano miisan oo aan qashin saarka ilmaha dhib weyn u geysan Karin siiba kelyaha, meesha ay caanaha dad sameyga ahi ka kooban yihiin macdano fara badan oo halis gelin kara kelyaha ilmaha, maxaa yeelay kelyaha ayaa ah xubinta jirka u qaabilsan qashin saarka macdanaha iyada oo raacineysa kaadida wax alaale iyo wixii macaadin ah ee jirka siyaada ku ah.

4) Sidoo kale caanaha hooyada ayaa qani ku ah dux aan dheregdhaafsaneyn (Unsaturated Fatty acid) taas oo ka qeyb qaatada koritaanka maskaxda iyo garaadka cunuga halka ay caanaha dad sameyga ah aad ugu yartay dux-dani amaba aan lagu ogeyn qaarkood.

Ilamaha lagu quudiyo masaasada (Mujuruca) ayaa inta badan aad u cayila una nugul cuduro badan oo faafa marka loo barbar dhigo Ilmaha naaska hooyadii la siiyo.

Shaxdan hoose ayaan waxaan ku muujineynaa sida ay ugu kala nugul yihiin cudarada inta badan ilmaha ku dhaca Cunuga naaska la siiyo iyo midka masaasada lagu quudiyo.

Cudurka Ama Jirada Ilmaha Naaska la siiyo Ilmaha Masaasada la siiyo
Dhega xanuun 3.7% 9.1%
Cudurada Ku dhaca sanbadada iyo feeraha 1.1% 5.6%
Shubanka iyo mataga 3.5% 6.9%
Inta Goor ee cusbitaal ama takhtar loo geeyo 1.1% 5.6%
Wadarta guud 8.2% 21.1%

Faa’iidooyinka kale ee naasnuujintu leedahay ayaa waxaa ka mid ah nadaaminta iyo kala fogeynta ilmaha, maxaa yeelay jiqida ama nuugista cunugu uu naaska nuugayaa waxa ay carisaa unugyada maskaxda kuwaas oo sii daaya hormoonka loo yaqaan Prolactin, hormoonkan ayaa inta badan hakiya in hooyadu hesho dhiiga billaha ah (caadada) teedana in aysan hooyadu qaadin uur inta uu ilmuhu nuugayo (waa hadii si joogta ah ilmaha loo nuujiyo).

Hooyooyin badan baa laga yaabaa in ay ku andacoodaan in ay naasahoodu laheyn caano ku filan cunugooda, hadaba si aysan taasi u dhicin hooyadu waa in ay isticmaashaa cabitaan badan cunugana naaska ugu dhigtaa si joogta ah si uu naasku ula qabsado nuugista cunuga una dhiiqo caana badan.

Hooyada Ilmaha nuujineysaa ma haboona in ay isticmaashaa cabitaanka Kafeyga, sigaarka, iyo daawooyin aan takhtar u qorin, maxaa yeelay kafeyga iyo daawooyinka qaarkood ayaa ka kooban maadada daroogada ah ee loo yaqaan caffeine, maadadan oo maskaxda cunugu wax yeeli karta.

Sidoo kale Nuujinta ilmahu waxay abuurtaa jaceyl, farxad iyo reyeyn dhexmarta ilmaha iyo hooyadii taas oo laga yaabo in ay ka duwanaado mida dhex marta ilmaha masaasada la siiyo iyo hooyadii..

ISLAAMKA IYO NUUJINTA ILMAHA.

HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!!!!  Guji....

Diinta islaamka ee sharafta badan ayaa ah nidaam nololeed oo kaamil ah oo uu ALLAAH ugu tala galay in ay ahaato dastuurka dhabta ah ee ay tahay qof kasta oo muslim ahi in uu ka dhinbila qaato, balse nasiib daro muslimiinta maanta joogta ayaa noqday dad maskaxda laga gumeystay aadna moodaa in aysanba ku fekereyn sidii ay duliga saaran uga bixi lahaayeen, qaar badan oo dadyowga muslimka ahi waxayba u arkaan Kitaabka Qur’aanku in uu yahay mid aan la jaanqaadi Karin casriga tignoolojiga, mase oga in uu quraanku yahay masdarka (source) habab nololeed casri walba iyo xili kasta la socon kara .

Hadaba ALLAAH waxaa uu Quraanka Kariimka ah noogu tilmaamay inta ugu haboon oo ay tahay hooyadu in ay nuujiso cunugeeda, ogowna ALLAHA sameeyey caanaha hooyada ayaa uga aqoon badan cidwalba inta ugu haboon ee ay tahay in ilmaha la nuujiyaa, Rabi waxaa noogu sheegay suuratul baqara ayaada 233aad ( WAALIDIINTU HA NUUJIYAAN ILMAHOODA LABA SANDOOD, HADII DOONAYAAN IN AY NUUJINTA U DHAMEYSTIRAAN ILMAHOODA) sidoo kale waxaa uu ALLAAH noogu tilmaamay suuratul Luqmaan aayada 14aad iyo suuratul Al-axqaaf ayaada 15aad in ay nuujinta ilamahu tahay Laba sanadood.

Ugu danbeyntii waxaan aad ugula talinayaa hooyooyinka soomaaliyeed iyo dhamaan hooyooyin muslimiinta ah in ay caruurtooda nuujiyaan labasanood si loo helo jiil caafimaad qaba, nuujintan ayaa ah mid wax badan ka tareysa nadaaminta caruurta oran maayo xakameynta taranka sida ay gaaladu aaminsan yihiin, waayo muslimiintu waxay u baahan yahay taran fiyow oo joogta ah.

Gabagabadu waa: TUUR MASAASADA OO NUUJI CUNUGAAGA

W.Q. Faarax Axmed Muuse, colow30@hotmail.com
Master of Clinical Microbiology, University of Karachi

July 8, 2003

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
CAAFIMAADKA:

 



HTML CD