SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Warbixin iyo Baaq ku socda Soomaalida oo Idil

Difaaca Badda Soomaaliya

Bashiir Shiikh Maxamed waa dublomaasi Soomaaliyeed, waxaana May 07, 1979 markii uu Mudane Cabdulaahi Ciise (AHN) aaday waddanka Norway si uu u soo qalqaaliyo shirkaddii batrool baarista ee WESTERN GECO, loo magacaabay inuu noqdo sii hayaha (Charge D'affaires) ee safaaradihii nooga furnaa waddamada Sweden, Denmark iyo Norway - Waxana uu qormadan cusub kula hadlayaa shacabka Soomaaliyeed si looga hortago boobka cusub ee la doonayo in lagu bililiqaysto badda Soomaaliya...

  • SomaliTalk.com | November 22, 2010

Walaalayaal,

Bacdamaa aay soo ifbaxayaan qorsho horleh oo aay wadaan Dowlado Reer Yurub ah oo  aay leeyihiin waxaan  Keenya ka caawimeynaa cabiridda badda , ayaa waxaan dareemayaa in aay daba  socoto arrimahaan aan hoos ku xusay oo aan dadaal ugu jiray si aaysan u  hirgalin.

Waan hubaa shaqsi kasta oo Soomaali ah in uu ka danqanayo hal taako oo  dhulkiisa  ama baddiisa in  Dowlad kale aay boob ku qaadato.  Haddii si cad naloo dhaco oo boobka la sharciyeesto, CALAACAL iyo QEYLO iyo  MUDAHARAAD waxba nooma tarayaan ee hadda inta goori goor tahay aan ka hortagno oo aan  muujinno in aanaan  yeelayn boobka nalala damacsanyahay. 

Waxaan Soomaalida oo idil ka codsanayaa anigoon kala saarsaareynin (kuwa dibadda iyo kuwa gudaha ku nool) in aan wada muujinno in aan kasoo horjeedno boobka lala damacsanyahay in BADDA SOOMAALIYA  oo la doonayo in lala wareego.

Soomaali goor aay heshiisaba waa heshiin doontaa, dhibkuna waa dhammaan doonaa ee waqtigaan xaadirka ah yaan nalaga faaiideysanin oo nala dhicin ee kulligayo aan muujinno HAL MAALIN oo  (BANAANBAX NABAD AH) si ay u ogaadaan REER YURUB in mowqifkaan aan kawada mideysannahay, waloow ay MID-NIMADII SOOMAALIYEED iyo siyaasaddii iyo  nabadgalyadii iyo dhaqaalihiiba aan fara lugu haynin. Haddii tani inoo hirgasho waxaa hubaal ah in aan dib dambe loo haweysandoonin  isku dayga ay hadda damacsanyihiin oo kale.

Halkan hoose waxaan rabaa in aan idiinku sharraxo dadaalkii aan qabtay intii  karaankeyga ah,  anigoo idinku war galinaya in uusan igu jirin damac siyaasadeed iyo mid darajo doon ahba. Walaalayaal, waxaan rabaa in aan idiinla socodsiiyo arrintii ay Dowladda Norwey wadday ee CABIRIDDA BADDA SOOMAALIYA in laga aamusay oo aan dareemay in  aaysan jirinnin cid  daba socota. 

Waxaannu la wada soconnaa in Carl Peter Salicath oo ka tirsan Wasaaradda  Arrimaha Dibadda ee Norway, isla markaasna hoggaaminayey waftiga Norway uga qayb  galay shirka New York, ayaa jariidadda Aftenposten waxa uu (July 11,2010) u sheegay in hawsha (u samaynta  aagga ganacsiga ee Soomaaliya) aysan qaadan doonin waqti dheer. Waxaana  jariidaddu intaas ku dartay "Soomaaliya malahan aagga Ganacsi badeed".  Waxaannu la wada soconnaa haddii ay arrintaasi hirgaliyaan, in ay Keenya doodeedii badda ay billaabeyso ayagoo ku andacoonaya in ay qeybtooda cabiridda wax ka helaan.

Bacdamaa ay caddeesteen in hawshaasi si deg deg ah loo sameeyo ayaa waxaan billaabay sidii aan kahortag ugu samayn lahaa.

Walaalayaal, taariikhdu markii aay ahayd 20 Luulyo 2010 ayaa waxaan la xiriiray Safaaradda Norwey uga furan Den Haag, markii aan isku sheegay in aan ahaa  DIPLOMAT SOOMAALIYEED ee kasoo shaqeeyay wadankooda ayaa waxaan u raaciyay  muraadka aan lahaa. Waxaan la socodsiiyay in Boqortooyada Norwey ay heshiis caalami ah la gashay  Dowladda Soomaaliya sanadku markuu ahaa 1980, heshiiskaas oo ahaa in Shirkadda  Batroolka baarta  ee Norwey (WESTERN GECO) ay xeebta Soomaaliya ka baarto batrool.

Waxaan kaloo u raacshay in heshiiskaasi aan la galeen haddii aysan jirin bad  Soomaaliya u cabiran. Intaas kuma ekaanine waxaan u gudbiyay warbixintii aan ka qoray in dhul-badeedka Soomaaliya uu leeyahay soohdin cabbiran oo af-Soomaali ku qoran si aay  u turjuntaan.

Waxaan kaloo u raaciyay qoraalladii ay Somalitalk ka qortay ee ahaa DIFAACA  BADDA SOOMAALIYA. Ugu dambeentii waxaan u sheegay in qurbajooga Soomaaliyeed ay aad iyo aad u feejiganyihiin.

Sidaas oo kale taariikhdu markeey ahayd  23 Luulyo 2010 ayaa waxaan la xiriiray  Safaaradda Norwey uga furan ROMA, Intaas aan kor kusoo sheegay ayaan ayagana la  socodsiiyay una gudbiyay.

Taariikhdu markay ahaayd 26 Luulyo 2010 ayaa jawaabtan hoos ku qoran  waxaa iisoo diray Safaaradda Norwey ee DEN HAAG.  

Fiiri halkan  E-mailkii aay iisoo direen

Quote  

On Mon, 7/26/10, Høyland Irvin <********@mfa.no> wrote:
From: Høyland Irvin <********@mfa.no>
Subject: Regarding "Somalia has an economic zone water"
To: "bashirmohamud@yahoo.com" <bashirmohamud@yahoo.com>
Date: Monday, July 26, 2010, 3:50

 Dear Mr.Bashir,

Please be informed that your e-mails received by the  Embassy 20 July and 23 July 2010 have been forwarded to the  Norwegian Ministry of Foreign Affairs, as this Embassy is  not the competent Norwegian Authority to comment on the  subject.   

Yours sincerely,

Irvin Høyland  
Minister (Legal Affairs)  
The Royal Norwegian Embassy  
The Hague

Unquote.

Inkastoo dadaal uusan igu yareen, wax xaq ahna aan u sheegay ayaa waxaan  dareemayaa  in wali arrimihii aysan kaamil ahayn oo ay meesha ka maqantahay cududdii  DOWLADNIMO oo wax lagu soo dhacsanlahaa, waxaana dhici karta qoraalladii iyo warbixinnadii  aan u gudbiyay in aayan tixgalin siinin bacdamaa aysan arrin dowladeed ahayn,  sidaasna qorshihii ay ku tala galeen meesheeda kasii wataan.

Gabogabo:-

Waxaan Soomaalida oo idil ka codsanayaa ( Dowladda, Mucaaradka, Shicibka iyo  Dowlad Goboleedyada) in aay sameeyaan hal maalin BANAANBAX NABAD AH oo ula geedadeedu tahay in aan ka  badbaadno qorshaha gurracan oo cusub oo lagu boobayo badda Soomaaliya.

Bashir Shekh Moxamed  bashirmohamud@yahoo.com

  • FG: Arrinta cusub ee dublomaasiga Soomaaliyeed ka hadlayo, waa qorshe cusub oo dhowaan soo ifbaxay oo la doonayo in lagu maja xaabiyo cabbirka badda Soomaaliyeed lahayd ee ahaa 200 mayl badeed in cabbirkaas lagu soo koobo 12 mayl - qorshahaas faahfaahintiisa kala soco SomaliTalk.com, insha Allah.

ARAGTIDA DADWEYNAHA: Fadlan aragtdaada ku qor HALKAN (FG. Fadlan fikradaada ku qor dhanka hoose ee bogga soo baxa marka aad RIIXDID HALKAN)


Wareegtadii safaarada Soomaaliya ee Stockholm (Sweden) 1979 ee lagu magacaabay Bashiir

AKHRI: Dhul-Badeedka Soomaaliyeed: Been aan gabasho lahayn oo si joogto ah la idiinku sheego

Su’aalo u baahan in la weydiiyo Wasiiradii Xukuumaddii Cumar C/rashiid, gaar ahaan wasiiradii u ololayn jirey heshiiskii Is-afgarad

Faafin: SomaliTalk.com | November 22, 2010


Qoraalladii Wareeggii hore ee Ddifaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


warbixin Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: