Somalia for Sale
Soomaaliya waa iib (2)
QAYLO-QUUTE (BAARLAMAANKA)
Qore: Axmed sadiiq Sadiiq120@gmail.com
Waa barnaamij toddobaadle, taxane ah...
Hordhac Sidaan ognahay waxaa kamid ah boobka ka jira Soomaaliya; boobka dawladnimada, oo
ah xukuumado ku wada meel gaar ah oo isku cudur ah, oo aan daawo loo helin,
meesha lagu gaarayo iyo cidda ku gaaraysana inta badan ayan qayaxnayn. Qoraalkan waxaan ku eegi doonaa wixii ka dhex dhacay asbuucii lasoo dhaafay
baarlamaanka KMG ah, iyo mala filayay wixii dhacay?, laaluushida xildhibaanada
ma runbaa?, waa kuma gudoomiyaha baarlamaanka ee soo socda?, malaga joogsan
doonaa mashruucii gaajeysiinta xildhibaanada?. Dhacdo(Event)
Aadan Madoobe oo dhaarinaya sh shariif Djabuti 2009 Inta aan waday
qoraalkan waxaa dhacay is badalo iyo khilaaf weyn oo soo kala dhex galay madaxda
sare ee dawladda oo dad badan ka yaabisay qaabka iyo deg dega ah ee Aadan-Madoobe lagu casilay ama isku casilay labaduba waa la sheegay, hadana
wax yar kadib ayaa r/wasaarihii la casilay, hadana wax yar kadib lasoo celiyay
(raajactu) mana loo baahan Sheikh iyo marqaatiyo midnaba, waxaa ku filnaaday
afhayeen in uu waraaq ka akhriyo. Taas haday wax na tusayso waxay natusaysaa
dhibka qotada dheer ee jira iyo in arinta Soomaaliya ay ku jirto ceel dheer,
inta badana laga hago meel aan xataa madaxda u muuqan.
Madaxtooyada Djabuti 2009 kadib markuu dhaartay cumar c/rashiid
Sidoo kale Aadan madoobe meel aad u dheer ma,aadayo ee goloha wasiirada ayuu
dhex fariisanayaa waxayna is badalayaan saaxiibkiisii hore ee uu asagu horay u
badalay, dib u xasuuso taariikhdu markay ahayd 2005 tii markuu diiday
Guddoomiyaha baarlaamkii hore mudane shariif Xasan Sh Aadan in caasimad badal ah ay noqoto
Jawhar
oo uu madaxweynihii hore ee C/laahi Yuusufna uu rabay. Intaas kadib dhex dhexaad ayaa
Baydhabo laga dhigay caasimad ku meel gaar ah bal
si loo dhameeyo khilaafka, 17kii Janaayo 2007, baarlamaanka waxaa u codeeyay in
laga qaado Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan sh. Aadan 183 ayaa u codaysay in laga
qaado, 8 na waa ka aamustay, halka midna uu diiday. Waxaa booska ku fariistay
mudane Aadan Madoobe oo ahaa wasiirkii cadaaladda waqtigaas, (31dii Janaayo
2007 waxaa loo doortay Guddoomiyaha baarlamaanka 3da febraayana waa loo dhaariyay).
Labada Guddoomiye haddana ma is baddali doonaan?.
Shariif Xassan oo dhaarinaya C/laahi Yuusuf 2004 Nairobi
16 May 2010, waxaa ka dhacay buuq gudaha baarlamaanka oo uu gudoominayay markaas
mudane Aadan-madoobe intaa kadib waxaa uu sheegay in xukuumadii dhacday, asagana
waxaa layiri baarlamaankii ayaa ku riday, arintaas oo u eg kala tirsasho eedo
hore iyo kala aar-gudasho hoose, Is beddelkii dhacay 2007 midaan ka fogayn ayaa
la filayaa 2010. Guddoomiyaha baarlamaanka ilaa hada waxaa isku soo sharaxay dhanka saxaafadana u
sheegay Sh. Fanax oo ahaan jiray maxkamadaha ahna sheikh kutubta akhrin jiray
hadana wada kutubtii, iyo mudane Shariif Xassan Sh. Aadan oo asagu iska soo
sharxay OLD TFG ama rug cadaayadii uu ka dhex baxay mudane C/laahi Yuusuf
madaxweynihii hore , asxaabtiisii hore oo si rasmi ugu sheegay in loo baahan
yahay in asaga ay doortaan maadaama uu markii hore asagu kala diray –
baarlamaankii OLD TFG - si’uu isugu soo celiyo, qaabka wax u socdaana arintu
meel fiican ayay u maraysaa, laakiin ogolaasho badan kama haysto saaxiibkiis
(mudane shariif sh axmed ). Guddoonka Baarlamaanka waxaa qaban kara qofkii laga helo sadex shuruudood:
- Inuu yahay in la keensaday ama la wato, oo ay wadato jiha kale oo kamid ah kuwa
Soomaaliya danaha kaleh, ama sida loo yaqaan beesha caalamka ama jifo kamid
ah!!.
- Inuu keeni karo mushaaraadka xildhibaanada mustaqbalka, taasoo u dhiganta
xildhibaankiiba inuu sannadkii u baahanyahay $14,400, waxay isku noqonaysaa
$7,920,000 (toddobo milyan, sagaal boqol iyo labaatan kun) (14,400 x 550 =
7,920,000).
- Inuu yahay nin dhaqaale fiican haysta oo awooda inuu 550-ka xildhibaan mid walba
jeebka wax u geliyo ama ballan-qaad muuqda siiyo.
Adiguba is weydii yaa shuruudahaas laga heli karaa?, waxaan is leeyahay jawaabtu
waa caddahay, xildhibaanada waxaa lagula kacay waxa loo yaqaan siyaasada
gaajeysiinta, carabtuna waxay ku maah maahdaa ninkii quudkaaga hayaa
go,aankaagana haya. Dabin maku dhacay Aadan-Madoobe? Mudane Aadan-madoobe waxa ku dhacay sedex cudur oo aan isleeyahay kaligiis
kuma’aha ee waa lala qabaa waana la,eedi doonaa, dad badan oo hada joogana waa
lagu weyn doonaa cuduradaas, dawladihii hore ee ku meel gaarka ahaa ayaa u
dhamaday ilaa hadana masoo bixin daawadii fahmi lahayd. Mida koowaad waa siyaasada loo yaqaan gaajeysiinta.
Tusaale ahaan dawlada
Soomaaliya 100% waxa ay ku socotaa deeqaha caalamka, carabtuna waxay tiraahdaa
QOF AAN QUUDKIISA HAYSANI GO’AANKIISA MALAHA, sababaha Dawladaha kumeel gaarka
ah ee Soomaaliya go’aan u yeelan waayeena taas ayaa ka mid ah. Shirka deeq
ururinta dalka Somalia oo ka dhacay caasimada dalka Belgium ee Brussels April
23, 2009 ayay dowladaha deeq bixiyaashu dowladda Somalia ugu deeqeen aduun
lacageed oo sida saxaafadda caalamku sheegtay gaarayaa in ka badan 250 Million
oo Dollar. Lacagahan loogu deeqay dowladda Somalia ayay dowladdaha reer
galbeedka oo kaashana Hey’adaha Qaramadda Midoobay ugu tala galeen in dowlada
Somalia laga caawiyo dhanka amniga iyo ka hortagida kooxaha Burcad badeedka.
(Inkasta oo warsaxaafadeedka UN-ta Xafiiskeeda siyaasadda qaabilsan Soomaaliya
uu sheegay in lacagta Soomaaliya loogu yaboohay ay gaareyso
$213 million oo
loogu talo galay hay'adaha ammaanka Soomaaliya iyo AMISOM) qormooyin ku saabsan
AMISOM waa ay soo socdaan iyo lacagaha ay isticmaalaan. Lacagtaas mayara laakiin xogta aan hayo dawlada soomaaliya lacagtaas wax badan
kama soo gaarin, marka laga reebo lacago Nairobi hay’adaha reer galbeedka iyo kuwa kale ee UN-ku ku cunaan, iyo qaybo kale oo ku dhacda mas’uuliyiinta
dawladda qaarkood, jeebkoodana ma dhaafto. Baaris kadib waxaan ogaaday inay sababtu tahay balan qaadkaas oo aan markii
horeba dhab ahayn iyo qaabka dawladdu wax u raadsato oo aan hufnayn, labadaas
sababood oo is kaashaday, wasiiradu inta badan waxay wax ku raadsadaan inay
gabdho UN-ka u sheqeeya Hotelada iyo makhaayadaha Nairobi ku qaabilaan kadibna
xoogaa laga saxiixdo ama loo sharxo wax uusan fahmayn wasiirku, kadibna lacagtii
halkaas ay ku cunaan dad Soomaali ah iyo kuwa kalaba ayadoo ku baxday magaca
dawladda nalaguna sheegan doono mar ay noqotaba. Taas waxaa dheer musuq maasuqa gudaha iyo xisaab-xumada wax yaalaha lala yaabo
aan maqlay inta aan Xamar joogay waxaa kamid ahaa bilihii koobnaa ee wasaaradaha
xisaabaadka go’an lasiinayay ama (budget) ka ayaa wasiirada wasiir kamid ah
waxaa lasiiyay lacagtii ahayd qarash bileedkii, kadib markay dhamaatay bishii ee
laga rabay xisaab xirka waxaa uu soo qoray warqad A4 ah kuna qoran tahay :
lacagtii wasaarada lasiiyay waan isticmaalnay, waana dhamaatay. Asagoon wax faah
faahin ah wasiirku keenin wax talaabo ahna lagama qaadin oo weli carrada ayuu
joogaa!!. Qodobka labaad: wuxuu eeday Aadan-madoobe asagoo isku taab taabtay rag aan la
taaban, galayna aag lama galaay ah kaasoo ah aaga la xisaabtanka wasaaradaha
qaar ama xukuumadda iyo wasaaradda Maaliyadda taas oo soo deg dejisay cimrigii
guddoonka Aadan madoobe, sida ku cad warqadaan waxaa lagu codsanayaa xisaabtan
si loo sameeyo waa in lasoo qiimeeyaa wax qabadka xukuumada waraaqda ku asteysan
calaamadaas TFP/378/010 DATE 21-03-2010 , maxaa la xisaabtamaa waaba lagu kala
tagay, ragguu u dan lahaana waxayba tiigsanayaan meel ka saraysa halkay markii
hore joogeen.
Warqadda oo weyn halkan ka eeg Qodobka saddexaad: waxaa si hoose loogu adeegsaday qodobkaas gaajaysiinta
xildhibaanada oo wasiirku maaliyaddu u xanibay mushaaraadkii iyo waxay heli
jireen xil dhibaanadu si’uu ugu muuqdo Aadan-Madoobe nin aan usoo qaraabi karin
!!, inta badana waxay ka simanyihiin xubnaha baarlamaanadii kumeel gaarka ahaa
ee Soo maray Somaliya inay markii dhaqaalo xumo dhacdo adeegsadaan buuq iyo
mooshin, iyo bolo-xooftayn (Qaylo-quute), qayladhaan
Iyo heshiis hoosaadyada oo ayaan lagu moodo waxa kasoo xarooda ayaa markaan la
dagtay Aadan-madoobe.
Nairobi 2005 iyo May 2010
Muqdisho
Taas waxaa dheer xeeladdii ahayd adiguna is casil dawladdana waa lakala dirayaa,
taasoo ahayd debin bannaan-yaal ahaa. Jidka lagu socdo. Hadii lasameeyo shuruudo lagu ilaalinayo danaha Soomaaliya, oo layiraahdo ninka
isku soo sharxaya jagadaas waa in uu ahaadaa ugu yaraan nin wata darajo
aqooneed, ahna khabiir ku xeel dheer arrimaha Soomaaliya, shareecada Islaamka
iyo qawaaniinta aduunka, Soomaali nadiifana ah 20 kii sano ee lasoo dhaafay aan
aad ooga fogaan dalka hooyo kana soo shaqeeyay isku gaynta iyo aruurinta
shacabka maskiinka ah ee kala dhumay oo hadii xataa la ilaalinayo waxa loogu
magac daray 4.5 ka ma umad dhan baa laga waayay qof noocaas ah umalayn mayo. Marka waxaa cadaanaysa umad iyo mas,uuliyiin aan rabin xal oo 2004-2009 in lagu
wareegto hal wareeg macquul maaha, waxaa loo baahanyahay inta laga baxo
heshiisyadaan hoose ee mugdiga lagu galayo oo qofku calaameysanayo meeshuu rabo,
waxa laga hadlayo waa qaran ee ma’ahan boos banaan oo la’iibsanayo, hadii aan
shuruudaha laga dhigin kuwo aqoon iyo amaano ku saleysan waxaa dhici doona
shirarka aduunka in lagu qoro boor weyn oo ay ku qorantahay Somalia for sale,
kadib la dhihi doono cod haloo qaado cidda gadanaysa. Ma dhicin hada laakiin
qofkii nooloow maxaa aragti kuu laaban. 20kii sano waxaa nooga haray 8 bilood
iyo 12 maalmood. Waxaa naxdin leh maalinta baarlamaanku murmayay waxaa ku socday xaafadaha
Muqdisho duqeyn aan loo meel dayin, waxaa ku dhintay (20) waxaana ku dhaawacmay(50), madaafiicdana qaarkood waxaa
laga tuurayay halka ay ku shirayeen xildhibaanadu. Halkaas maxaad ka fahamtay?.
Akhri qaybta saddexaad somalia for sale
Qore: Axmed sadiiq
Sadiiq120@gmail.com
Qoraaga warbixintan waxa uu muddo ku dhawaad ah sanad ka
shaqeenayay xarunta Villa Soomaaliya (Madaxtooyada) ee xukuumadda hadda ka jirta
Soomaaliya. Qoraagga ujeedadiisu ma aha in qof si khaas ah u falan qeeyo,
laakiin marka la fiiriyo xaalada dalka uu marayo iyo asagoo mararka qaar is
dhaha Wax yaalaha qaar hadaad ka aamustid armaad danbi ka gashaa ummadda
Soomaaliyeed awgeed ayuu u qoray qoraaladan xiriirka ah oo ku saabsan Somalia
for sale (soomaaliya waa iib) safaaradaha iyo badda iyo dhulka. Qoraagu waxa uu
aaminsan yahay in waxa Soomaaliya ka socda ay yihiin boob qarameed oo meel walba
ah, oo ay waajib tahay in la galo dagaal lagu bad-baadinayo hantida guurta ah
iyo midda maguurtaba ahba.
Faafin: SomaliTalk.com | May 23, 2010
|