Dhul-Badeedka Soomaaliyeed: Been aan gabasho lahayn oo si joogto
ah la idiinku sheego
- SomaliTalk.com | October 11, 2010
Warbixin dheer oo uu qoray ururka ECOTERRA (July-Sept 2010) oo ku saabsan badda
Soomaaliya ayaa cinwaankiisu ahaa “Dhul-badeedka Soomaaliya: Been aan gabasho
lahayn oo si joogto ah la idiinku sheego.” Warbixinta oo ka kooban dhawr qaybood
waxay u qoran tahay qaab ah “beenta la sheego,” iyo “xaqiiqada jirta,” oo jawaab
u ah. Qoraalkaas oo SomaliTalk.com soo tarjumtey hoos ka akhri:
-
FG: Sida ay isku qeexaan “ECOTERRA waa Urur caalami ah oo dhawra bey’adda,
una dooda xuquuqul Insaanka, oo xafiisyo ku leh Soomaaliya, Kenya iyo
Tanzania. Waxa kale oo ururkaasi la socdaa xaaladda waxyaabaha ku jira
bad-weynta Hindiya ee ku dherersan xeebaha Bariga Afrika iyo badda khaliijka
Cadan. ECOTERRA waxay ka hawl geleysey Soomaaliya laga soo bilaabo 1986,
waxayna si xoogley ula socotaa burcad badeedda.”
Warbixinta ECOTERRA
Beenta: Ciidamada Badda
iyo warbaahintooda oo ku andacooda in ay ku guulaysteen yaraynta burcad
badeedda.
Xaqiiqada Jirta: Weligeed
taariikhda ma dhicin mar ay xaaladaha burcad badeeda ee Geeska Afrika ka badan
yihiin sida ay yihiin hadda (2010); ayadoo ay jirto in laga soo bilaabo
dabayaaqadii 2008 halkaas laga bilaabay hawl-gallada maraakiibta ciidamada ee ka
socda dalalka badan; maraakiibtaas iyo ciidamada (shisheeye) oo si joogto ah ugu
sii badanaya Soomaaliya si aan weligeed hore loo arag – ciidamo aan halkaas lagu
arkin xitaa markii uu socdey Dagaalkii 2aad ee Adduunka (WWII). Laakiin isla
xilligaan waxaa burcad badeedu ay meeshii ugu saraysay gaarsiisay kordhinta
rabshadaha iyo iska hor imaadyada.
Beenta: Ciidadamada
badda (ee maraakiibta shisheeye) waxay ku hawl galaan Qaraar/Sharci Golaha
Ammaanka ee Qarammada Midoobay
Xaqiiqada Jirta: Ciidamada
Badda (ee shisheeye) marka la eego xeerka qawaaniinta caalamiga ah iyo sharciga
qaranka Soomaaliya midna kama haystaan ogolaansho ama bataatanba/ habayaraatee
ma haysaan qaanuun xuquuq u siinaya in ay galaan 200 nm (mayl-badeed) ee
dhul-badeedka Soomaaliya. Xeerka Golaha Ammaanka ee ciidamada (maraakiibta
shisheeye) ay had iyo jeer cuskadaan waxa uu si qayaxan u sheegayaa in sida
keliya ee uu ku noqonayo xeer dhaqan gala ay tahay Ogolaanshada Dawladda
Soomaaliya, taas oo ah Baarlamaanka Soomaaliya oo aan xeerkaas la hor keenin,
islamarkaasna warqad aan la hubin jiritaankeeda ee la sheegay in uu saxiixay
madaxweynahii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf weligeed lama arag ama lama
soo bandhigin, dhanka kale warqadda uu Dawladda Soomaaliya u saxiixay Ergaygii
hore ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobey ee Soomaaliya Walad Cabdalla oo
reer Mauritania ah waa warqad sharci darro ah oo waxba kama jiraan ah (Nil &
Void).
Beenta: Ciidamada badda
ee Midowga Yurub (EU NAVFOR) waxay heshiis la galeen Dawladda Soomaaliya,
heshiiskaas oo ku saabsan Dhul-badeedka Soomaaliya iyo la dagaalanka burcd
badeedka
Xaqiiqada Jirta: Warqad
ay wada saxiixeen Safiirka Faransiiska u fadhiya Kenya, Ms Elisabeth Barbier –
oo u saxiixday Midowga Yurub iyo Maxamed Cali Nuur – oo u saxiixay dalka martida
loo yahay ee Soomaaliya – ayadoo arrintaas uusan ogeyn Baarlamaanka Soomaaliya –
saxiixaas oo u dhacay qaab kulan qarsoodi ah, isagoo (safiirku) ku andacoonayey
in uu wakiil ka ahaa Nuur Xasan Xuseen oo xilligaas ahaa Ra’iisul Wasaarahii
xukuumaddii madaxweynahii hore ee DFKMG C/laahi Yuusuf, warqaddaasi waa sharci
darro iyo waxba kama jiraan (Nil & Void) sababtoo ah Baarlamaanka Soomaaliya
markii horena arrintaas uma xilsaarin, markii dambena ma ansixin, sidoo kale
baarlamaanku ma bixin ogolaansho ay siiyeen in ciidamada dalalka Yurub ay ku
galaan dhul-badeedka Soomaaliya.
Labada
saxiix ee Yurub yo dalka martida loo yahay ee Soomaaliya midkoodna ma wato
tastiiqin ama shaabad rasmi ah. Waa arrin aan marna caqliga geli Karin sida ay
ku dhacday in ogolaanshada heshiis reebi kara raad aad u weyn iyo cawaaqib lagu
qeexay heshiiska, oo ay kamid yihiin dilka ciidamo shisheeye ay u geystaan dad
Soomaaliyeed , arrintaas oo loo maareeyey si taxadar la’aan ah oo qeyru–masuul
ah, oo aan la marsiin nidaam sax ah ee sharci ahaan looga baahnaa. Laakiin tani
waxay soo ku soo xasuusinaysaa isku daygi sharci darrada ahaa ee Guddoomiyihii
hore ee Kalluumaysiga Midowga Yurub, Mme. Emma Bonino, ay isku dayday – inkasta
oo aysan arrintaas ku guulaysan waayo waxaa laga eryey xilkii Guddoomiyanamo ee
Midowga Yurub – si ay shati (laysan) kalluumaysi oo sharci darro ah uga hesho
Dagaal-Ooge Soomaaliyeed.
Wax kasta oo khuseeya ama taabanaya xornimada Soomaaliya waxaa xuquuqdeeda leh
Baarlamaanka Soomaaliya – sidoo kale wax kasta oo taabanaya xornimada dhuleed ee
Soomaaliya waa mid lagu go’aamin karo afti guud oo dadweynaha. Qaanuunka iska
cad ee sharciga ah waxaa loo garab maray si toos ah oo sharci darro ah. Nuur
Cadde, waa sida loo yaqaan’e, waxaa waadix ah in uu abaal-marin ku helay
isxaanka uu u sameeyey Midowga Yurub, waxana laga soo qaadayaa in uu khiyaano
qaran iyo mid shacab ka galay dadka iyo dalka Soomaaliya – Markii laga
wareejiyey kursigii Ra’iisul Wasaaraha iyo golahiisii – waxaa loo dhiibay booska
Wakiilka DFKMG u fadhiya Brusseles iyo booska Safiirka Soomaaliya u fadhiya
Talyaaniga – oo ahaa dal kamid ah gumaystayaashii, oo ah dal weli ah mid si
khaldan talooyin latalin (arrimaha Soomaalida) ugu qaabilsan Midowga Yurub.
Sharci-nimada heshiiskaas waa in sidoo kale ay su’al ka keenaan dhanka Yurub.
Talyaanigu waa dalka keliya ee reer Yurub oo isagoo aan ogolaansho ka haysan
Midowga Yurub si toos ah lacag ugu dira saaxiibada Talyaaniga iyo
Dagaal-Oogayaasha ee jaalayaasha is-bed-belaya ee arrimaha cakiran ee
Soomaaliya.
Nidaamka la samaystay (ama macmaalka ah) ee ciidamada EU NAVFOR waxaa si khaldan
u adeegsadey dalalka sida Norway,
taas oo xitaa aan xubin ka ahayn Midowga Yurub, laakiin ku dhiiratey in
ay unug ciidamo tababaran u diraan ayagaoo adeegsanaya hawl-galka Midowga Yurub
ayagoo saq dhexe weerar ku qaaday dekededaha dabiiciga ah ee Woqooyi Bari
Soomaaliya, iyagoo halkaas ka geystey fal-dembiyeed aad u fool xun ay ku
dhinteen kalluumaysato Soomaali iyo Yemen ah.
Waxaa taas dheer: Ciidaamada
EU NAVFOR ee ku hawlgala magaca ATALANTA ama magaca reer Yurub, ma jiro cid
xuquuq u siisay in ay waardiyeeyaan kalluumaysiga ka socda badda Soomaaliya.
Inkasta oo ay ahaan lahayd arrin la soo dhaweeyo haddii ay dawladda Soomaaliya
iyo shacabkaba ka caawin lahaayeen la dagaalanka maraakiibta shisheeye ee sharci
darrada u kalluumaysta, xaqiiqada jirta waxay tahay in aan hal markab oo kamid
ah kuwa sharci darrada u kalluumaysta ee la xaqiijiyey in ay halkaas ku sugan
yihiin, aysan ciidamadaasi ka eryin meesha. (Mar haddii aysan difaacayn
kalluunka) waxaa markaas “kor kala socodkooda kalluumaysiga” ay tahay in loo
arko mid ay ku basaasayaan khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya iyo – sida
Soomaali badani ku aandacoodaan – in ay difaacaan maraakiibta sharci darrada ku
jariifaya oo xaalufinaya kalluunka.
Beenta: ma jirto in si
sharci darro ah oo looga kalluumaysto Badda Soomaaliya.
Xaqiiqada Jirta: Kalluumaysiga
sharci darrada ah waa ka sii socdaa (Soomaaliya), laakiin had iyo jeer waa mid
ku xiran xilliga ama (waqtiga bad-furanka) aad kor ugu kaca, waxaa kale oo sii
socda shatiyada sida sharci darrada ah lagu siinayo maraakiibta shisheeye
inkasta oo laga soo bilaabo April 2009 ay jirtay xannibaad arrintaas ay ka soo
saartay Dawladda FKMG. Sharciga Kalluumaysiga Soomaaliya iyo qawaaniinta
caalamiga ahba waxay dhigayaan in dawladda dhexe ee la aqoonsan yahay oo keliya
ay shatiyada siin karto shirkadaha shisheeye ee ku hawlan kalluumaysiga
ganacsiga ah.
Dhanka kale dadka deegaanka ee noloshoodu ku tiirsan tahay kalluumaysiga waxaa
qaanuunka u dejiya wakaalado ayagoo raacaya xeerka ay dejisey Wasaarada
kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda, wasaaradaas oo awoodda iyo masuuliyadda
arrintaas u xilsaari karta maamullada degaanka (laakiin aan arrintaas weli
samayn). Sidaas daraadeed shirkad kasta oo shisheeye oo doonaysa kalluumaysi
ganacsi, islamarkaasna dhoofineysa kalluun ama khayraadka kale ama noolayaasha
kale ee ku jira badda sida Aar-goosatada iwm, waxay u baahan yihiin shati
(laysan) ay bixiso Dawladda FKMG, taas oo shatigaas bixin karta marka ay dejiso
xeer cusub ee kalluumaysi iyo sidii xeerkaas loo dhaqan gelin lahaa, loona
dhawri lahaa dhaqan gelintaas.
Wakaallada Horumarinta Caalamiga ah ee UK ee loo soo gaabiyo (DFID) warbixin ay
soo saartay 2005 ayaa sheegtay in muddadii u dhaxaysay 2003-2004 ay Soomaaliya
ka luntay $100 million oo doolar oo ah dakhli soo geli lahaa, taas oo ay
sababtay sharci darrada ay maraakiibta wax jariifa ee shisheeye ay Tuunada iyo
Shrimp uga kalluumaystaan badda u gaarka ah Soomaaliya. Celcelis ahaan sannadkii
waxaa shisheeyuhu ay badda Soomaaliya ka dhacaan khayraad badeed lagu qiyaasay
300 million oo doolarka Maraykanka.
Dhibaatada sharci darrada iyo sida xad dhaafka loo kalluumaysto ma aha mid ku
kooban Soomaaliya oo keliya: Guud ahaan sannadkii waxaa kalluunka xad dhaafka ah
ee laga gurto badaha (adduunka) waxa uu gaaraa 50 Billion oo Doolar, sida ay
qiyaaseen bangiga Adduunka (WorldBank) iyo hay’adda cuntada Adduunka (FAO.)
Halka Suuqa Ganacsiga ee Wall Street markii uu khasaaray lacag lagu qiyaasay 1.5
Billion Doolar markiiba bangiyada iyo hay’adaha maaliyada (ee arrintaasi
saamaysay) loo gurmadey oo lagu “badbaadiyey” 700 Billion Dollar ee mashruucii
badbaadinta – ayadoo la adeegsaday lacagta cashuur bixiyaasha-, laakiin MA JIRTO
wax laga qabtay badbaadinta badda (sida xad dhaafka looga gurto kalluunka.)
Beenta: Beesha caalamku
waxay caawinaad siiyaan Soomaaliya iyo Soomaalida …
Xaqiiqada Jirta: Waxaa
dhif iyo naadir ah in la bixiyo lacag ay ku yabooheen kuwo ugu sareey
tun-weynayaasha ololaha lacag bixinta ka muujiya warbaahinta. Arrinta ku saabsan
in aan la bixin lacagta lagu yabooho ma ah mid ku kooban Soomaaliya, waa been
caalami ah oo xitaa ay cambaareeyeen dalalka G20.
Haddii lacag la gaarsiiyey Soomaaliya waa mid la siiyey hawl-gallada
dembiilayaasha WFP (oo ay baaritaan ku waddo UN-tu), hub la gaarsiiyey, tababar
dagaalyahaniinta Soomaaliya, oo ay tababaraan tababarayaashooda ajaaniibta ah.
Xitaa ciidamada reer Yurub ee EU NAVFOR waxa keliya oo ayagoo waardiyaynaya ay
soo galbiyaan maraakiibta sida hubka iyo aalaadaha kale ee militariga ee ku
coda ciidamada AMISOM, waxaana arrintaas loo diiwaan geliyaa in maraakiibta
baddu ay soo gelibiyeen “mucaawino bini-aadamino”. Waxaana la aamusiyay
hay’adaha NGO oo lagu maal-geliyo “daraasad” ay bixiyaan kooxaha sirdoonka,
waxaana caawinaada dhabta ay gaartey meeshii ugu hoosaysay laga soo bilaabo
dagaalkii ahliga ahaa.
Soomaaliya waxaa loo qoondeeyey in lagu hayo ilxumo iyo darxumo (eel) meesha ugu
hoosaysa adduunka oo dhan, taas oo lagu qeexo dhimashada aan loo baahnayn: Waxaa
la qiyaasay in saacad kasta
in guud ahaan adduunka oo dhan ay ku dhintaan1600 qof,
oo badankoodu ah carruur, una dhinta cudurro la xiriira maacaluul iyo
faqiirnimo, waxaana malaayiin kale la halgamayaan sidii ay u badbaadi lahaayeen
ayagoo aan haysan waxyaabaha asaasiga u ah ee nolosha, sida biyo nadiif ah,
cunto, hoy, waxbarasho iyo daryeel caafimaad.
Arrintaas (darxumada iyo macaluusha ay adduunka ugu dhintaan dad qiyaas ahaan
gaaraya38,400 qof
maalin kasta) marka laga hadlayo, kuwa sida xun wax u fiiriya waxay ku
andacoodaan in arrintaas loo baahan yahay, si loo xakameeyo ama loo yareeyo
kororka tirada bini’aadamka ee adduunka ka badanaya. (Marka
la dhuuxo habka is-barbardhigga ah ee qormadu u qoran tahay, waxaa laga fahmi
karaa in sababta silica/darxumada loo badayo Soomaalida ay tahay in la yareeyo
tirada dadka Soomaalida.)
Beenta: Dhammaan
Soomaalida ku dhex jirta baddu waa burcad-badeed!
Xaqiiqada Jirta: Inkasta
oo beesha caalamku si xooggan isugu dayeen in ay ka gudbaan qaanuunka gaboobay
ee burcad-badeedka ayagoo cadayn ka dhiganaya “xaalad ama duruuf muuqata” in ay
taasi ku filan tahay in burcad-badeeda la dilo ama la xakumo, oo la xiro.
Markaas qolyaha habka sharciga ama sida sharciga ka baxsan u ugaarsada
burcad-badeedu waxay doonayaan in haddii ay arkaan mar haddii ay jaranjaro kuu
saran tahay doon in ay taasi ku filan tahay in la maxkamadeeyo qofkii dontaas
watey, laguna oogo dembiga burcad-badeednimo ama in laba khaarijiyo kooxdaas.
Laakiin, “sida nolosha dhabta ah” ama xaqiiqada jirta waxay tahay in xeebta
3,300 km oo ku dherersan Soomaaliya – oo ah dalka ugu xeebta dheer Afrika – wax
kasta ayaad ku arkeysaa – Wanaagga, Xumaanta, iyo Fool-xumada.
Sawirka: Wiil Soomaaliyeed oo ka gudbaayey Isbaaro dhextaal magaalada
Muqdisho, isagoo madaxa ku sita Kalluun.. (Xuquuqda. www.telegraph.co.uk –
28 Agoosto 2009)
Waxaad (xeebta/badda Soomaaliya) ku arkaysaa kalluumaysatada kuwa ugu naxariista
badan oo ugu hawl-karsan, oo wax soo saarkoodu halbowle u yahay hab-nololeedka
boqolaal-kun oo ah bulshada Soomaalida, waxaad ku arkaysaa shirkadaha safriya
ama soo dhoofiya dhammaan alaabta loo baahan yahay laga bilaabo burka ilaa
batroolka, waxaad ku arkaysaa kooxo degaanka oo difaacaya aagga xeebta iyo
baddooda, waxaad ku arkaysaa malasiyo ah tuugo maafiyo ah oo ay kiraysteen
ganacsato cadaawad isu haya si midba kan kale uga weeraro xamuulka ay
safrinayaan, xamuulkaas oo noqon kara alaab macduun ah ama mamnuuc ah ama
daroogada sharci darada ah iyo hub, waxaad kale oo xeebta Soomaaliya ku arkaysaa
kooxaha burcad-badeeda dhabta ah oo weeraraya maraakiibta ganacsiga ee aan wax
dembi ah lahayn – kooxdaas burcad badeeda oo lagu suntay in ay yihihiin silsilad
caalami ah oo isku xiran oo ugaarsanaya alaabta si ay u helaan lacag
madax-fursho farabadan oo degdeg ah, waxaa kale oo xeebaha Soomaaliya lagu
arkayaa arrimo intaas aan soo xusnay u dhexeeya oo aan lakala cadayn karin.
Xaqiiqadu waxay tahay suurtagal ma aha in qof bannaanka ka yimid (oo shisheeye
ah) uu kala saari karo dadka doonyaha saaran ee ku sugan Geeska Afrika.
Arrimahaasi waa kuwo sabab looga dhigan karo in la xoojiyo hab maamulka degaanka
maxalliga ah ee Soomaaliya si ay u dabagalaan kuwo xum, waxna uga qabtaan
fool-xumada, ula macaamilaan wanaagga. Hawshaas hal-bawlaha ah ma ah in loo
dhaafo aragtida ciiradu ku jirto ee maraakiibta badda ee shisheeye iyo kuwooda
wajiga carada leh. Ayadoo la adeegsanayo caawinaadda beesha calamka marka la
kobciyo oo la horumariyo hab-nololeedka bulshada ku dhaqan xeebaha Soomaaliya,
markaas burcad-badeedu waxay markale noqon doontaa arrin meesha ka baxda oo laga
gudbo!
Beenta: Soomaaliya ma
leh 200 mayl oo Dhul-badeed ah…
Xaqiiqada Jirta: Laga
soo bilaabo 1972 beesha caalamku waxay qadarinayeen Xeerka Soomaaliya ee No. 37,
xeerkaas oo xagga sharci ahaan la mid ah xeerarka kale ee la aqoonsan yahay ee
ay leeyihiin dalalka ay kamid yihiin Benin, Republic of Congo, Ecuador, El
Salvador, Liberia iyo Peru, dalakaas oo hore u sheegtay 200nm in uu yahay dhul
badeedkooda (Territorial waters) oo ay leeyihiin xuquuq sharicyeedka.
Laga soo bilaabo 1989, oo ahayd xilligii 40 dal oo Soomaaliya kamid tahay ay
saxiixeen in ay aqbaleen Xeerka Caalamiga ah ee Sharciga Badaha Adduunka (ee loo
yaqaan UNCLOS), waxay Soomaaliya lahayd dhul-badeed ku cabiran 200 mayl-badeed oo ah
Territorial Waters (Waxaana soo hoos gelaya Aagga Ganacsiga Badda ee
Gaarka ah ee loo yaqaan EEZ (Exclusive Economic Zone), aaggaas oo leh dhammaan
xuquuqda iyo xeerarka guud ee badda ee la siiyey dalalka leh xeebaha. Soomaaliya
hore ayey ugu dhawaaqday in ay leedahay xuquuqda iyo difaacidda aagaas,
weligeedna arrintaas kama tanaasulin.
Laakiin Soomaaliya waxaa asiibay dhaqdhaqaaqyo sharci darro ah oo ay aaggaas ka
fulinayaan dalal dano gaar ah ka leh, arrintaas oo ay ka dhiidhiyeen Midowga
Afrikaanka (AU oo xilligaas ahaa Ururka Midowga Afrika OAU) kulankoodii ku
saabsanaa Maaraynta iyo horumarinta Xeebaha (PACSICOM, Maputo, 1998) oo
magaalada Maputo, Mozambique, lagu qabtay 18-25 July 1998. Waxaana kulankaas si
khaas ah walaac weyn looga muujiyey sida joogtada ah ee loogu xad-gudbo xuquuqda
ay Soomaalidu u leedahay dhul-badeedkeeda iyo aagga Ganacsiga baddeeda (EEZ). Waxaana arrintaas si
xooggan uga hadlay Safiirkii Masar mudane Ahmed
Hagag oo markaas ahaa
kaaliyaha xoghayaha guud ee Ururkii Midowga Afrika (OAU) – oo u xuub siibtey
Midowga Afrika (AU) – safiirku waxa uu shirka ka sheegay in ay tahay in la
xushmeeyo 200 nm ee aagga EEZ ee Soomaaliya leedahay.
Laga
soo bilaabo 2009 Soomaaliya waxay leedahay 350
nm oo ah Qalfoofka Qaarada
(aagga loo yaqaan Continental Shelf Zone “CSZ”), taas oo ku salaysan in sharciga
caalamiga iyo in Soomaaliya ay sheegatay aaggaas oo loo diiwaan geliyey
Soomaaliya kaddib markii ay 17 April 2009 u gudbisey Qarammada Midoobay iyo
ururka caalamiga ah ee badaha Adduunka ka hor 13 May 2009 oo ahayd xilligii
dalalka xeebaha leh loo qabtay in ay soo gudbistaan xogta cabbirka baddooda.
Akhbaartaas la gudbiyey waa in loo arko mid ka madax bannaan is-af-garadkii
(MOU) aan laga fiirsan ee dhex maray xubno kamid ah Soomaaliya iyo Kenya oo oo
ah laba dal oo ay ka dhaxyaso xuduud badeed. Is-afgaradkaas (MOU) waxaa diidey
baarlamaanka Soomaaliya, sidaas daraadeed Qaramada Midoobay waxay ka saartay
liiska (dukumiintiyada), mana aha heshiis la cuskan karo.
Sidaas daraadeed hab sharciyeedka ay Soomaaliya ku sheeganayso Qalfoofka
Qaaradda oo fogaanteedu xeebta u jirto 350 nm waa mid tiir adag haysata. In la
caddeeyo cabirka qalfoofka qaarada ee ka baxsan 200 nm waa xuquuq ay leeyihiin
dalalka xeebaha leh ayadoo la raacayo xeerka caalamiga ah.
ECOTERRA Intl. waxay
qeexaysaa: “Arrinta aysan dad badani u muuqanin in ay fahmeen ama aysan
doonaynayn in ay fahmaan waa in degaanka Soomaalida in ka badan kala bar ay ku
yaallaan xeebaa badda Soomaaliya, sidaas daraadeedna ay hal-bowle u tahay hab
nololeedka dadka Soomaaliyeed. Laga soo bilaabo 1972 waxay Soomaaliya lahayd
dhul-badeed, kaas oo isla cabbirkaasi uu laga soo bilaabo 1989 ahaa Aagga
Ganacsiga EEZ - Exclusive Economic Zone (oo ku hoos jira Terrirorial Waters-ka
ee uu dhigayo xeerka Soomaaliya ee Law no. 37) kaas oo bedkiisu yahay 825,052
kiiloomitir laba jibbaaran oo ah badda Soomaaliya, waxaa intaas sii dheer 55,895
kiiloomitir oo laba jibbaaran oo ah Qalfoofka Qaaradda ee loo yaqaan CSZ
(continental shelf zone), oo ah dhul-badeedka Soomaaliya.
Aagga
Dhul-badeedka marka lagu daro baaxadda dhulka beriga ah ee
Soomaaliya ee hadda oo ah 637,657 km² , waxaa isku darkoodu noqonayaa 1,462,709
km², taas marka lagu sii daro aagga Qalfoofka Qaaradda CSZ waxa dhulka iyo badda
Soomaaliyeed noqonayaan 1,518,604
km².Cabbirkaas waxaa ka maqan the 350,102 km² oo ah oo isugu jira:
dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya haysato oo qiyaastii ah 200,000 km², Jabuuti oo
ah 23,200 km², dhulka ay maamusho Kenya ee NEP oo ah 126,902 km² – oo loo yaqaan
NFD. Marka intaas la isku daro waxay baaxadda badda iyo dhulka Soomaaliyeed ka
dhigeysaa 1,868,706
km² oo u dhiganta 0.37 %
bedka adduunka oo dhan –Bedka adduunka oo dhan waa 510,072,000 km².
Xornimada dhulka Soomaaliyeed waxa uu gaarsiisan yahay hawada ka saraysa
dhul-badeedka iyo sidoo kale ubucda badda iyo carrada hoosteeda, taas oo hadda
gaarsiisan meel xeebta u jirta ilaa 350 nm (mayl-badeed). Dhammaan nafleyda ku
dhaqan dhulka iyo badda Soomaaliyeed waxay xaq u leeyihiin in ay noolaadaan,
waxana shardi ah in la xushmeeyo. Dhulkaas iyo Badda Soomaaliyeed (Somali Sphere
) oo hadda ah 1,518,604 km² – ha ahaado 637,657 km² oo berriga ah (42%) ama
880,947 km² oo ah badda iyo ubucdeeda (58%). (Qeexid: Xuduudda Qaranka/Dalka
waxay ku fidsantahay xuduudda Qaaradda, Jasiiradaha, xuduud badeedka,
qayb-dhuleedka, hawada sare iyo gabal Qaaradeedka.)
Muuqaalka qoraalkani xabaarsan yahay iyo warbixintaasi waxaan rajaynaynaa in ay
qof kasta u cadayso (ama wax cad uga dhigto) muhiimadda uu dhul-badeedku u
leeyahay dadka Soomaaliyeed iyo qaranka Soomaaliya iyo sababta ay ajaaniib
badani ay faraha ula soo geliayaan dhulkaas istaraatiijiyada leh iyo
khayraadkiisa dabiiciga ah, sidaaas daraadeedna ay gadaal marinayaan danaha
dadka dhulkaas u dhashay, iyaga oo geyaysiinaya dadka Soomaaliyeed faqiirnimo
laga argagaxo iyo dagaallo lagu wadayo haddii aysan ka tanaasulin ugu yaraan
qayb ka mid ah dhaxalkooda qaranka Soomaalida ee u gaarka ah.
Si
kastaba ha ahaatee, waxaa muhiim ah in la xasuusnaado, inkasta oo kala
duwaanaantu ay keeni karto xasilooni, isku dayga in shisheeyaha weerarka ah ay
doonayaan inay la wareegaan meel kasta oo dunida korkeeda ah waxa ugu dambaynta
cawaaqibkeedu yahay ciribta kuwa weerarka ah,” ayey qortay ECOTERRA Intl.
Waxaan halkaas ku joojinayanaa qaybtii 3aad ee Tarjumadii SomaliTalk.com ee
qormadii ECOTERRA.
-
FG: Sida ay isku qeexaan “ECOTERRA waa Urur caalami ah oo dhawra bey’adda,
una dooda xuquuqul Insaanka, oo xafiisyo ku leh Soomaaliya, Kenya iyo
Tanzania. Waxa kale oo ururkaasi la socdaa xaaladda waxyaabaha ku jira
bad-weynta Hindiya ee ku dherersan xeebaha Bariga Afrika iyo badda khaliijka
Cadan. ECOTERRA waxay ka hawl geleysey Soomaaliya laga soo bilaabo 1986,
waxayna si xoogley ula socotaa burcad badeedda.”
ISHA: ECOTERRA:
http://somalitalk.com/2010/10/21/ecop-marine/
Faafin: SomaliTalk.com | October 11, 2010
|