Waa Su’aal Da’weynee Dalka yaa iska leh?
- A. Yabarow
ayabarow@yahoo.com
Su’aashaashu waxay halku dhig
u tahay murti wadani ah oo ka mid ah murtiyihii ka bixijiray Idaacaddii Radio
Mogadishu soona baxday kadib markii lagu jabay dagaalkii xoreynta
Soomaali Galbeed, ayna bilaabatay inay sameysmaan jabhado qaranka
Soomaaliyeed la dagaalama oo saldhig ka dhigtay cadawga jiritaanka
Soomaaliya ee Itobiya; hub iyo taakuleynna ka heli jirey. Jabhadahaasi
iyo cadawgii garabka siinayeyba waxay ku guuleysteen inay afgambiyan
dawladdii dalka ka talineysay kana difaaceysay inuusan cadaw gacanta u
gelin. Hadaba maxaa ka dambeeyey burburkii ay hormoodka ka ahayd
Itoobiya iyo xulafadeedu ay garwadeenkana u ahaayeen jabhadahii?
Soomaaliya oo noqotay xabaasha qashinka warshadaha iyo sunta
nuyuukilaarka ah
1991dii waxaa jabhaddii USC dooratey Cali Mahdi Maxamed inuu noqdo
madaxweyne. Halkii madaxweynaha cusubi uu ujeesan lahaa sidii uu
ummaddiisa isula baadi goobi lahaa wuxuu ku dhaqaaqay inuu dirsado
dulaaley mafiyada caalami kula heshiisa in Soomaaliya lagu aaso ilaa 8
milyan oo tan oo sunta khatarta ah. Waxaa weliba yaab leh inay heshiika
ku jirtey in laga dhiso xeebaha gobolka shabeelaha dhexe qiyaastii
degmada cadale keyd sunta lagu soo aruuriyo intaan la aasin oo qaadi
kara ilaa 500 kun oo tan. Waxaa kale oo xusid mudan in Cali Mahdi iyo
saaxiibadiis ay ku gateen tirtirida jiritaanka dalkoodka lacag ah 10
milyan oo doollarka mareykanka ah. Waxaa iigu yaab badnaa waxyaabihii an
ka aqriyey ama ka maqlay arintaas wareysi lala yeeshay ninkii sunta aasi
jirey oo talyaani dhalashadiisu tahay oo ku tilmaamay nimanka Soomalida
oo heshiiska la galay inaysan kala jecleyn wax ku dhaca dadkooda iyo
dalkood, waxa keliyah oo daneynayeenna inay ahayd lacag. Bilo yar mar
laga joogo hadda, markii barnaamij dheer oo arintaas ku saabsan ay Al
Jazeera soo deysay ayadoo Cali Mahad magaalada Dubai ku sugan yahay ayaa
waxaa wax laga weydiiyey arinta, jawaabtii duqu waxay noqotay ´´hada
yaa aniga gacanta isoo qabaaya´´.
Macdantii iyo Shidaalkii Dalka oo Gacanta loo geliyo Shirkado an
jirin
Arinta shidaalka waxaan si faahfaahsan uga hadlay article magaciisa
la yiraahdo The dangerous smell of crude oil that may ignite a new civil
war in Somalia oo qeybtii 1aadna soo baxday bishii 8aad ee 2007da, tii
2aadna soo baxday bishii 9aad 2007 lagu dabacay shabakado ay ka mid
yihiin Alldalka.com, SomaliTalk.com, IWM. Waxaan kelya oo ku darayaa in
dadaalkii aan sameynay oo bulshada soomaaliyeed aan ku baraarujinay
hagardaamada ay masuuliyiintii DKMG ay maleegayeen waqtigaas ay wax weyn
ka tartay inaysan fulin heshiisyadii ay shirkadaha dalaanhabaabista ah
la galeen. Si kastaba ha ahaatee weli wey socota hagardaamadii arimaha
macdanta iyo shidaalka, gaar ahaan waxay si xoogeysan uga socotaa
Puntland waxaanna aad hambalyo iyo boqaadin ugu soo jeedinayaa
SomaliTalk.com sida ay bulshada ugu soo bandhigaan hadba meesha ay
xaaladdu mareyso. Ayaduna weli waa socotaa arintii Kuwait/Medeco oo
waxaanna ku hawlan raggii aan ku xusnay maqaaladda kor ku xusan
magacyadooda oo aan weli quusan, qaarkoodna ay Dubai ku sugan yihiin.
U gacan gelintii Soomaaliya oo dhan Itoobiya loo gacan geliyey
Nasiib darada Soomaai ku dhacday waxay noqotay in raggii qaran
dumiska waday 1978 ilaa 1991 ay abaalmarin u helaan hoggaankii sare ee
dalka. Raggaasi waxay dhammaantood u qabeen in Itoobiya ay u qabaneyso
dalka ayaga. Runtuse waxay ahayd in Itoobiya ay weligeedba ku
hammiyeysay inay Soomaaliya laqdo si ay badweynta Hindya iyo Badda Cas
inta u dhaxeysa ay u yeelato. Dawladda Itoobiya waxay ku guuleysatay
inay raggeedii xukunka u dhiibato, kadibna waxay u fududeeyeen inay
wadanka oo dhan wada qabsato. Waxaa iigu yaab badnaa inay madaxweyne dal
iyo ra’iisul wasaarihii goobjoog ka ahaadaan safaarad dal kale
furitaankeeda. Waxaa ka sii daran in ra’iisul wasaarihii calanka
Itoobiya gacantiisa ku saaro, kuna tiraabo ´´colaadda anaga iyo Itoobiya
naga dhaxeysaa waxay ahayd gacan ku rimis´´. Tiraabtaas wuxuu Cali Geedi
ku ogolaaday inuu xaqdaro ahaa halgankii ummadda Soomaaliyeed ay
gumeysiga Itoobiya kula jirtey ilaa iyo in ka badan 500 oo sano.
Dhiiggii shuhadadii Soomaaliyeedna uu hudur yahay. Waxaase nasiib wanaag
ah in ummadda Soomaaliyeed ka dhiidhiday iskana rogtay reeryadii
gumeysiga ayna ku guuleysatay inay jabiyaan ciidamada Itoobiya ayna ku
khasbaan inay dalka ka baxdo ayadoo duleysan.
Dhul Badeed dhan 38,000 sq km oo Kiinya Maamulka Shiikh Shariif u
Hibeeyey
Markii la dhammeystay dhulka sun ku aaski, u fududeyn boob kheyraadka
hoostiisa ku jira, ayaa hada waxaa la marayaa in dhulka naftiisii la
gato. Waxaan la yaabaneyn heshiiska canshuur aruurinta oo maamulkaani la
galay dawladda Kiinya, waxaase soo baxay in ra’iisul wasaare Cumar
Cabdirashiid oo dhawaan la sixiixay dawladda Kiinya heshiis u hibeynaya
Dhulbadeed Badeed gaaraya ilaa 38 kun oo sq km. Waxaa xusidda mudani
waxaa weeye in Sh. Shariif Ahmed uu dabayaaqadii sannadkii hore markuu
DKMG heshiiska kula saxiixday magaalada Jabuti uu xafladdii ka yiri
´´colaada anaga iyo dalalka deriska ka dhexeysa waxaa weeye mid gacan
lagu abuuray´´. Waxaan u maleynayaa in heshiiskaan uu fasirayo hadalkaas
u jeediyey Sh. Shariif asagoon madaxweyne noqon, mar haddii asagoon
madaxweynenimadiisu aysan gaarin 3 bilood uu hibeeyey dhulka baaxaddaas
leh. Waxaa ka sii daran in xadka cusubi hadda uu mari doono jasiisard ka
mid ah jasiiradaha shanta ah ee Gobolka Jubbada Hoose hoos yimaada sida
ku cad khariidadda aysoo bandhigtay SomaliTalk.com.
Maxaa dawladda Kiinya u rabtaa inay dhul baddeedkeeda ballaariso?
Ujeedooyin badan ayaa Kiinya ka leedahay arinta oo ay ka mid yihiin:
- Baaritaaan shidaal
- Mustaqbalka inay ku doodo inay Jubbaland ama gobolada jubooyinka
lagu daro dalkeeda
Sida la wada ogsoonyahay Kiinya waxay ilaa 2005tii baaritaan shidaal
ka waday xuduud badeedka ayada iyo Soomaaliya u dhexeeya. Waxaanna
tuhun laga qabaa inay dhul badeedka hadda loo hibeynayaa u ka mid yahay
meelaha horay baaritaanka loogu bilaabay. Soomaalidu waxay tiraahdaa
timir lafbaa ku jirta, oo aan uga golleeyahay maxay Kiinya hadda u
rabtaa inay marinkii xuuduud baddeedkii laba dal weligi udhexeeyey u
baddesho haddaan ujeedo guracani ku jirin? Maxaa xuduudka khadka u maro
aduunkuna wada ogaa kor loogu soo durjinayaa? Maxaa Kiinya u boobeysaa
dhulkayaga?
Tan kale, waxaa la wada ogyahay in 1954 Jubbaland Gumeystihii
Ingriiskuu uu ku wareejiyey Gumeystihii Talyaaniga. Dabadeena in
dawladdii marxuum Cabdirashiid Cali Sharmaake uuna Ra’iisul Wasaaraha ka
ahaa marxuum Maxamed Ibrahim Cigaal ay goosatay inay ka harto
sheegashada NFD. Hadaba markii ay meesha ka baxday dawladdii
Soomaaliyeed oo difaacaysay xuduudii qaranka ee aduunku citiraafsanaa
ayaa sida uu qoray weriye caan ah oo Kiinyaati ah waxay ku heshiiyeen
Itiibiya iyo Kiinya inay dalka Soomaaliya kala goostaan. Arinta xuduud
badeed ballarsiga ahina waxaa laga yaabaa ina hordhac u tahay
mu’aamaraddaas weyn oo Kiinya ku dooneyso inay goosato Juubaland
mustaqbalka haddii aan la helin ummad ka dhiidhida iyo dawlad dad
wadaniyiin ihi hoggaamiyaan.
Haddaba Soomaaliyey toos oo fadhiga ka kac inta goori goor tahay.
Waxaa la gudboon qofkasta oo Soomali ah inuu difaaco dhulka, badda iyo
cirka Soomaaliyeed. Waxaa gaar ahaan masuuliyaddu saarantahay aqoon
yahanada iyo war baahiyeyaasha iyo masuuliyiinta Soomaliyeed inay u
istaagaan sidii looga hortagi lahaa boobka cad ee dawladda Kiinya ay ku
boobeyso dhulbadeedka Soomaaliyeed. Waxaan ku talinayaa in la qaado
talaabooyinka soo socda:
- In khubaradii soomaaliyeed ee amuurtaan ku xeelka dheerayd
xogtana ka heysay heshiisyaddii badaha la raadiyo wixii ka nool,
lana hawlgeliyo.
- In hay’ada UN-ka oo arintaan ku shuqulka leh xiriiro iyo
qeyldhaamo dibad iyo gudaha ka imanaya loo diro oo looga soo
horjeedo heshiiska guracan ee DKMG ay Kiinya lagashay, dacwad
arintaas ku saabanna Security Council-ka la gaarsiiyo.
- In qalabka warbaahinta Soomaaliyeed; maqal, muuqaal iyo mid
qoranba diiradda saaraan sidii loo difaaci lahaa dhulbadeedka
Soomaaliyeed.
- In dawladda Kiinya looga digo cawaaqib xumada ka dhalan karta
falka burcadnimada ah ee ay sameynayso.
A Yabarow
ayabarow@yahoo.com