SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYEED

Waawarey! Waawarey! Kenya oo la siiyey tan iyo xeebta Muqdisho

Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Singub baa laga hayaa, dalkan aynu leennahay, dembiyadii ka dhici jirey, dad aqoon leh baa yiri, soddon gu’ iyo doogaad, daalacan tanaa dheer!, abwaanku wuxuu u jeedey xilligii dagaalka sokeeye waxana uu barbar dhigayey maamulladii dalka ka jiri jirey tan iyo xilligii xornimada ilaa iyo 1990-kii, waxan uu leeyahay madaxdii iyo maamulladii dalka soo maray waxaa ka xun wixii dhacay xilligii burburka, (soddon gu’ iyo doogaad daalacan tanaa dheer).

Waxan uga dan leeyahay, dawladdii Cali Mahdi ee horraantii sagaashameeyadii waxay oggolaatay in badda sun lagu duugo, tii Cabdiqaasim wax ma tarto ayey u bixiyeen, middii Cabdullaahi Yuusuf gaalo ayuu dalkii ku soo hoggaanshey ayey meel walba ka yiraahdeen, haddaba isku soo xoori oo waxaas oo dhan waxaa isku fuuqsaday waxa ay fashay dawladda wadaadku (Sheekh Shariif Sheekh Axmed) sheekadaas oo qof dhiig Soomaaliyeed ku jiro oo maqlaa uusan ka nixin ma miro.

Cali Mahdi wuxuu yiri wax ku daadiya oo keli ah laakiin shisheeye uma hibeyn baddiisa, waxaa suura gal ah inuu u jeedey arrimo dhaqaale oo uu ka helo dalalka suntan duugaya, Ilaahayse dadka iyo duunyada midna wax kuma yeelin, Sheekhuse wuxuu yiri dhul badeed masaafadiisu gaareyso 38000 km laba jibaaran qaata, dhulkaas oo ku siman meel ku beegan xeebta magaalada Muqdisho, taas oo macnaheedu yahay ama waxa ku xigaa uu yahay in Kenya halkaas gaaska dabiiciga ah ka baaran karto kalana soo bixi karto goor dhowna ay sheegan doonto gobolada koonfurta ka xiga Muqdisho, (Shabeellaha Hoose laa iyo Kismaayo).
Hadda iyo waxa ummadda Soomaaliyeed ee waddaniyiinta ah la gudboon ayaa wuxuu yahay in ay si adag uga dhiidhiyaan foolxumadaas iyo indho xumadaas, bannaanbaxyo iyo af iyo addinba ku cambaareeyaan saxiix beenaadka ka dhacay Nairobi ee uu saxiixay nin aan wax aqoon ah u lahayn xeerarka badaha caalamiga ah iyo tan baddiisa midna.

Baarlamanka Somalia waxan ka codsanayaa iney arrintaas fadhi degdeg ah ka yeeshaan ayna diidaan maaddama ay sharci darro tahay oo aanay xukuumaddu xaq u lahayn bixinta dhul Soomaaliyeed iyo go’aan heerkaas ah toonna.

Nafiso Jaamac Nuur <nafisonalka@hotmail.com>

Faafin: SomaliTalk.com | April 18, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: