Wareegga Labaad ee Difaaca Badda Soomaaliya ee la doonayo in la
boobo
Xukuumadda Farmaajo maka badbaadi doontaa shirqoolka la doonayo
in lagu maja-xaabiyo xeerka Dhul-badeedka Soomaaliya ee soo jirey 39 sannadood.
- SomaliTalk.com | November 27, 2010
Hordhac:
Sannadkii 2009, waxyar kaddib markii Jabuuti lagu soo dhisay Dawladda
Federaalka Kumeel Gaarka ah (DFKMG) waxay heshiis loogu magac daray Is-Afgarad
la gashay dawladda Kenya. Heshiiskaas oo la damacsanaa in Soomaalida laga
duudsiiyo dhul-badeed baaxaddiisu tahay 116,000km2, arrintaas oo ay u ololaynayeen
qaar kamid ah dalalka reer Yurub, saraakiil sare ee Qarammada Midoobay (QM) iyo
xubno sare oo ka tirsan xukuumadda FKMG. Waxaa arrintaas si xoog leh difaac adag uga hor
geeyey shacabka Soomaaliyeed oo kaashanayey Baarlamaanka DFKMG, taas oo sababtay
in March 12, 2010 ay QM shaaca ka qaaday in Heshiiskii
Is-fahamka (MOU) uu yahay waxba kama jiraan kaddib markii "Baarlamaanka Federaalka
kumeelgaarka ay diideen is-afgaradkaas, sidaas daraadeedna waa in loo tixgeliyo
mid aan lagu hawl geli karin ama la cuskan karin".
Xukuumadda FKMG qorsheheedii ay ku xagal daacinaysay badda Soomaaliya markii
uu fashilmay, waxaa durbadiiba hareeyey khilaaf dhexdeeda ah, waxaa la bilaabay
in booska laga saaro wasiiradii u ololayn jirey heshiiska. Waxaa is casiley
ra'iisul Wasaarahii heshiiskaas saxiixiisa ugu gudbiyey QM. Waxaa la soo dhisay
xukuumad cusub oo aysan ku jirin wasiirada intii harsanayd ee u olalayn jirey
heshiiskii Is-fahamka.
Waxaa halkaas ka soo muuqday ifafaale ah in heshiiskii Is-fahamka ay
Soomaalidu guushii heshay, isla markaasna ay Soomaaliya ka mid noqon doonto
dalalka leh dhul-badeed ka baaxad weyn intii hore ee ahayd 200 mayl-badeed (nm), kaas
oo noqonaya 350nm (648 km), oo ah cabbirka cusub ee QM u qoondaysay
dalalka xeebaha leh.
Sawirka Cusub:
Sawirkaas marka kor laga daalacdo waxaa uu u muuqanayaa in damacii iyo
baylahdii badda Soomaaliya ay dhammaatay. Laakiin waxaa soo shaac baxay in
arrintu intaas ka qoto dheer tahay. Waxaa soo shaac baxaya qorshe kii hore ka
xeel dheer kana khatarsan.
Waa qorshe la doonayo in marka hore Soomaalida laga
xayuubiyo Xeerkii Badda ee Soomaaliya u degsanaa laga soo bilaabo 1972 ee loo
yaqaan Xeerka LAW No. 37. Marka xeerkaas gees loo leexiyo in badda
Soomaaliya la yiraahdo cabbirkeedu waa meel fogaan ahaan xeebta ka durugsan 12
mayl badeed oo qura. Markaasna la yiraahdo heshiis cusub oo lagu xadaynayo badda
waa in aad la gashaan Kenya.
Dukumiinti cusub:
Qorshahan
cusub waxaa si weyn u soo shaac bixiyey warbixin ay ECOTERRA/ECOP
faafisay 20kii October 2010 oo ay ku sheegtay in uu jiro qorshe la doonayo in
xuduudda badda ee Soomaaliya lagu soo koobo 12 mayl badeed oo qura, isla markaasna uu
jiro dukumiinti cusub oo "loogu magac daray bud-dhigidda ama
dib-u-agaasimida aagga Ganacsiga EEZ", kaas oo la doonayo in laga saxiixdo DFKG iyo/ama Maamuladda Dawlad Goboleedyada.
Waxaana warbixintaasi sheegtay in dukumiintigaas ay ku jiraan weero sheegaya in Soomaaliya iyo/ama Dawlad Goboleedyadu ay tahay in ay ka tanaasulaan xuquuqda ay u leeyihiin
baaxadda badda ee ah 200 mayl-badeed, isla markaasna xuquuqdooda lagu xaddido ama lagu soo koobo 12
nm."
Xagal Daacinta Safiirka Soomaalida ee UN:
Qorshaha cusub ayaa ah in xukuumadda FKMG ay marka hore ku dooddo laba qodob
- (1) in badda Soomaaliya aysan hore u lahayn wax cabbir ah. (2) in
dhul-badeedka Soomaaliyeed cabbirkiisu uu ku kooban yahay 12 mayl badeed.
Arrintaasi waxay kooxdii damacu kaga jirey badda Soomaaliya u sahlaysaa
in ay yiraahdaan badda Soomaaliya hadda kaddib cabbir haloo sameeyo.
Taas
waxaa daliil cad u ah hadalkii Safiirka DFKMG u fadhiya Qarammada Midoobay, Dr. Cilmi
Axmed Ducaale, uu 24kii October 2010 ka sheegay Idaacadda Codka
Maraykanka (VOA), isagoo ka jawaabayey dhegeyste soo weydiiyey su'aal ahayd
"(maraakiibta shisheeye) yaa u siiyey xuquuq in ay usoo dhaafaan biyaha Soomaaliya in ka badan 200 mayl-badeed."
Waxa safiirku ku jawaabay "Horta mid ayaan rabaa in aan u saxo, 200 mayl ma aha Xuduudka Badda Soomaaliya,
waxa weeye taasi Economic Zone, Zone-kii Dhaqaalaha (EEZ) weeye kaasi horta. Kan
kale wuu ka sokeeyaa." - oo uu la jeedo xadka Territorial Water-ku waa ka sokeeyaa
200 mayl.
Hadalkaas safiirka waxa laga dheehan karaa in xukuumadda uu matalo (TFG) ay
doonayso sharciyaynta in
xeerkii Soomaalida u deganaa (LAW #37) aan waxba ka jirin, waayo xeerkaas
ayaa dhigayey in Dhul-badeedka Soomaaliya (Territorial Waters ama XUDUUDKA
Badda) uu yahay 200 mayl badeed. Taas oo safiirku inkirsan yahay, sida
hadalkiisa ku cad. Waxaana xusid mudan in safiirku uu
yahay codkii Soomaalida u matali lahaa meesha arrintaas lagaga xaajoonayo,
haddii isagii dhulkiisa inkirayo maxaad ka fili kartaa kuwa kale ee damaca
watey.
FG: Hadalka safiirka iyo khaladaadka ku jira waxaan ku faahfaahinay email ay
SomaliTalk.com si toos ah ugu dirtay Safiirka iyo madaxda sare ee DFKMG (25kii
October 2010) - qoraalkaas oo dhamaystiran waxaan ku arki doonaa hoos.
Reer Yurub oo Kenya ka caawinaya wada xaajoodka cusub ee badda Soomaaliya
27kii October 2010
waxaa magaalada Nairobi lagu qabtay kulan ay Khubarada Dalalka
Barwaaqa-sooranka Yurub ay Kenya kaga caawinayaan diyaarinta wada-xaajood ay
Soomaaliya kala yeelato xuduudda badda.
Isla maalintaas waxay warbixin ku soo baxday website-ka Barwaaaqa sooranka Yurub
waa ka mid ahaa: "Hoggaanka sare ee isku xira dalalka ka tirsan
Barwaaqa-sooranka Yurub (Commonwealth Secretariat) ayaa Jamhuuriyadda Kenya
waxay ka caawinayaan diyaarinta wada-xaajood ku saabsan xuduudda badda oo ay la
yeelato Soomaaliya. Si cad in asaaska loogu dhigo xuduudaha badaha
ay (Kenya) la leedahay Soomaliya waxay raad muhiim ah ku yeelan doontaa ammaanka
badda, xamuulka maraakiibta, difaaca degaanka, kalluumaysiga iyo sahaminta
khayraadka ku jira gobolka. (Warbixinta oo dhamaystiran hoos ayaan ku arki
doonaa.)
Arrintaasi waxay caddayn dheeraad ah u tahay qaabka la doonayo in markale loo
soo cusboonaysiiyo sidii badda Soomaaliya qayb loo goosan lahaa. Gaar ahaan
dhanka Kenya, ayadoo la ogyahay in xuduudda badda ee Soomaaliya iyo Kenya (ee
xagga badda) ay qeexan tahay - Waxaase cajiib badan in aan reer Yurub qormadooda
ku darin Dhulka Soomaaliyeed ee reer Yurub gacanta u geliyeen Kenya (NFD) in
arrintaas wada xaajoodka laga reebay.
Sarkaal Sare oo Xukuumadda FKMG u xilsaartay Qorshaha cusub
Dublomaasi sare ayaa SomaliTalk.com waxa uu u sheegay in DFKMG ay qorshahan
cusub u xil saartay sarkaal sare oo safiir hore Soomaaliya uga ahaan jirey
Geneva iyo New York, sarkaal kaas oo Qarammada Midoobey u fadhiyey Soomaaliya
intii u dhaxaysay 1984 ilaa 1990, xilli garab socda muddadii uu safaaradda
Soomaalida ee Maraykanka uu ka tirsnaa ra'iisul Wasaaraha cusub ee DFKMG, Maxamed Maxamed
Farmaajo oo ahayd 1985 ilaa 1990. Warbixintan ayaa shaac baxday maalmo kaddib
markii ra'iisul wasaaraha loo magacaabay Farmaajo.
Sarkaalka ay xukuumadda FKMG u xilsaartay in uu qayb ka noqdo heshiiska cusub
ee Badda Soomaaliya ayaa waxa uu sannadkii 1967 ka mid ahaa waftigii Soomaaliya
uga qayb galay Shirkii
Caruusha ee
lagu baylahiyey dhulka Soomaaliyeed ee NFD.
Qorshaha Cusub ma ku soo bood baa, mase waa mid soo taxnaa?
Markii ay burburtay xukuumaddii Soomaaliya, 1991 kaddib, ayaa waxaa warbixinno
sheegeen in qab-qable dagaal oo xilligaas ku sugnaa magaalada Kismaayo ay Kenya
xiriir la samaysay si ay wada xaajood ugala gasho xudduudda badda. Waxaana la
sheegay in qabqablahaas dagaalku uu arrintaas diidey.
Waxa kale oo la xaqiijiyey in xukuumaddii DFKMG ee lagu soo dhisay
Eldoret/Nairobi (2004) in ay saraakiisha Kenya ay xiriir la sameeyeen si wada
xaajood ay ugala yeeshaan xuduudda badda. Xukuumaddaas oo la sheegay inay
diideen arrintaas in ay heshiis ka galaan.
Warbixin (report) ay faafisay Wasaaradda Tamarta iyo Horumarinta Caalamiga ah
ee Norway ayaa shaaca ka qaaday in Sept. 2005 ay Kenya caawimaad la xiriirta
batroolka weydiisatay Norway, taasoo ay Norway aqbashay Dec. 2005. Waxaana
warbixintu sheegtay in dhaqdhaqaaq la sameeyey sannadkii 2009 kaas oo la xiriira
mashruuca maaraynta xogta (data management programme) oo ay ka qayb qaateen
Hay'adda Baatroolka u qaabilsan Kenya ee NOCK iyo Norway, mashruucaas oo loo
qoondeeyey 2 million oo koroon ee lacagta Norway.
Sannadkaas 2009 waxaa Jabuuti lagu soo dhisay xukuumadda hadda jirta ee KMG.
January 31, 2009 ayaa Hotel Kampisi waxaa lagu dhaariyey Sheikh Shariif Sh.
Axmed. February 13, 2009 waxa ra'iisul Wasaarahii DFKMG loo magacaabay Cumar
C/rashiid Cali Sharmaarke. February 21, 2009 ayaa la ansixiyey golahii wasiirada
ee uu soo magacaabay Cumar C/rashiid.
Xukuumaddaas oo curdin ah ayaa durbadiiba aqbashay heshiiskii Kenya dooneysey
muddada dheer. Waxaana April 7, 2009 lala galay heshiis loogu magac daray
Isfaham oo DFKMG uu u saxiixay C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ahaa
wasiirkii iskaashiga iyo xiriirka caalamiga. Maalin kaddib April
8, 2009 ayaa ra'iisul Wasaarahii DFKMG waxa uu Ban-ki Moon u diray xogta badda
oo ay DFKMG u gudbisanaysay UN-ka, oo uu ku lifaaqan yahay heshiiskii ay la
galeen Kenya. April 14, 2009 ayaa website-ka UN-ta lagu
daabacay qoraalkii Cumar C/rashiid iyo heshiiskii is-fahamka - Waxaa dhinac
socdey Kenya oo xogteeda u gudbisay UN-ka iyagoo cuskanayey Heshiiskaas
is-fahamka.
Shacabka Soomaaliyeed iyo Baarlamaanka DFKMG ayaa heshiiskaas si xoog leh uga
hor yimid. Baarlamaanka ayaa Agoosto 1,
2009 si aqlabiyad ah heshiiskaas uga dhigay WAXBA KAMA JIRAAN. Go'aankaas
baarlamaanka muddo 8 bilood ah kaddib, ayaa March 12, 2010 Qarammada Midoobey
waxay shaaca ka qaaday in heshiiskaas Is-fahamka aan la cuskan karin.
Arrintaasi markii ay u caddaatay madaxda xukuumadda FKMG iyo dalalkii damaca
watey oo is garabsanaya, ayaa waxaa la hindisey qorshe cusub. Qorshahaas oo lagu
soo barbaariyey shirkii Soomaalida loo qabtay ee 21-23 May 2010 ka dhacay
Istanbuul Turkiga. Wasiirkii Xannaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa ee DFKMG
Abuukar Cabdi Cusmaan ayaa May 22, 2010 waxa uu Shirkaas Istanbul ka yiri "Aagga Ganacsiga EEZ ee
badda Soomaaliya looma cabirin si rasmi ah oo waafaqsan xeerka badaha Adduunka
ee Qarammada Midoobey."
Hadalkaasi waxa uu hordhac u noqday fikrad cusub oo oranaysa "mar haddii
wasiirkii difaaci lahaa uu xagal daacinayo, waxaa halkaas kuwii damaca watey uga
furan il cusub." Waxaana markale shacabka u caddaatay doorka ay xukuumadda FKMG ku leedahay
xagal daacinta dhul-badeedka Soomaaliyeed, sidaas daraadeedna aan laga filayn in ay wax ka qabato ama ay
arrinta uga hadasho qaab dani ugu jirto shacabka Soomaaliyeed.
Markaas ayaa Norway waxa ay (June 11, 2010) sheegtay in ay Soomaaliya u samaynayso CABBIRKA
aagga ganacsiga EEZ oo ah 200-mayl badeed, taas oo loo qaatay hirgelin arrintii
ay DFKMG u ololaynaysey ee ahayd in badda Soomaaliyeed la yiraahdo malaha cabbir
la yaqaan oo hadda ayaa loo samaynayaa.
Isku daygaas cusub waxaa dadkii ka dhiidhiyey ka mid ahaa Bashiir Shekh Maxamuud
oo qoraal u
diray safaaradaha Norway ku leedahay DEN HAAG (July 20) iyo ROMA (July 23, 2010),
waxaana July 26, 2010 uu jawaab ka helay safaarada Norway ee Holland oo xustay
inay heleen labada waraaqood, isla markaasna ay u gudbiyeen wasaaradda Arrimaha
Dibadda Norway.
Bashiir
Sheikh waxa uu Boqortooyada Norwey xusuusiyey in ay heshiis caalami ah la
gashay Dowladdii Soomaaliya sanadku markuu ahaa 1980, heshiiskaas oo ahaa in
Shirkadda Batroolka baarta ee Norwey (WESTERN GECO) ay xeebta Soomaaliya ka
baarto batrool, mashruuc loo qoondeeyey xilligaas in ay ku baxdo $10 milyan oo
doollar. Haddaba, ayuu yiri Bashiir Sheikh "in heshiiskaasi aan la galeen haddii
aysan jirin bad Soomaaliya u cabiran." - Bashiir Sheikh Maxamuud waxa uu
sannadkii 1979 uu noqday sii hayahii (Charge D'affaires) safaaradihii xilligaas
Soomaaliya uga furnaa waddamada Sweden, Denmark iyo Norway.
Qorshahaas soo taxnaa markii ay shacabka Soomaaliyeed ka horyimaadeen, oo Xukuumaddii
FKMG ee heshiiska la gashay Kenya ay socodsiin weydey, waxaa
xukuumadda soo kala dhexgalay khilaaf dhexdooda ah, waxaa meesha laga saaray
wasiiradii markii hore u doodayey in heshiiskaasi dhaqan galo, laakiin ay u
socon weydey. Waxaana khilaafkaas isku casilay Cumar C/rashiid.
October 14, 2010 ayaa ra'iisul wasaaraha cusub ee DFKMG waxaa loo magacaabay
Maxamed C/laahi Farmaajo. Waxaana durbadiiba soo baxay in dib loo soo celinayo
qorshahii badda Soomaaliya lagu doonayey in lagu dhaxal wareejiyo. Dabayaaqadii
October waxaa soo ifbaxay dublomaasiga cusub ee xukuumaddu u xilsaartay qorshaha
cusub.
October 24, 2010 Safiirka DFKMG u fadhiya UN, Dr. Cilmi Axmed Ducaale, ayaa
sida aan kor ku soo xusnay, waxa uu sheegay in badda Soomaaliya cabbirkeedu
ka yar tahay fogaanta 200 mayl badeed. Saddex beri kaddib markii uu hadalkaas
yiri ayaa 27kii October 2010 warbixin ay soo saaray Barwaaqa sooranka
Yurub waxa ay ku sheegeen inay Kenya ka caawinayaan sidii ay Soomaaliya ugala xaajoon
lahayd xuduudda badda.
Wasiirada cusub ee DFKMG oo kitaabka ku dhaaranaya Nov 27, 2010
November 27, 2010 ayaa golaha Baarlamaanka DFKMG waxa ay ansixiyeen golaha
wasiirada ee xukuumadda uu soo magacaabay Ra'iisul Wasaaraha DFKMG Maxamed
Farmaajo (codbixin gacan taag ah 251 ogalaaday, 92 diidey). Waxaana golaha
wasiirada ee cusub lagu dhaariyey madaxtooyada magaalada Muqdisho, Sabti Nov 27,
2010, dhaartan: "Waxaan ku dhaaranayaa magaca Ilaah in aan u guto xilkayga si
daacad ah oo ay ku jirta danta dadka iyo dalka iyo diinta, dhawrana axdiga
qaranka iyo shuruucda kale ee Jamhuuriyadda Soomaaliya."
Qorshaha Cusub
Arrimahaas xiriirka ah ee kor ku xusan waxay gogol dhig u yihiin qorshaha cusub ee
la doonayo in lagu xalaalaysto qayb kamid ah badda Soomaaliya, ayada oo markale
laga faa'iidaysanayo xukuumadda cusub, isla markaasna la
adeegsanayo erayada ay ku hadleen madaxda DFKMG ee Soomaaliyeed sida: "Badda
Soomaaliya ma laha cabbir sugan, iyo erayo la micne ah." Kaddibna lagu
xejiyo in laga saxiixo dukumiinti muujinaya in DFKMG ay ka tanaasushey xeerkii
badda Soomaaliya ee soo jirey 39 sano (LAW #37 ee Jamhuuriyadda Soomaaliya). Taasi haddii ay u hirgashona markaas la
yiraahdo xuduudka badda Soomaaliya waxa uu xeebta ka durugsan yahay 12
mayl. Markaas kaddib wada xaajood cusub laga furo xuduudda badda Soomaaliya si qayb
baaxad weyn loo goosto.
Arrimahaas marka la isku soo duubo, oo loo dhaba galo, sababaha keenaya in hadda
la yiraahdo "waxaa dib u habayn" lagu samaynayaa dhul-badeedka Soomaaliya, waxay
salka ku haysaa:
- In dib loo furo wareeg cusub oo wada xaajood oo markaas 200nm
territorial waters lagu soo koobo 12nm.
- In "dib loo agaasimo aagga ganacsiga ee EEZ" macnaha kale oo ka
dambeeya waa in la yiraahdo markii hore Soomaalidu ma lahayn aag ganacsi ee
EEZ. Taasi waxay keeneysa in aan wax dembi ah ama qaan loo raacan
shirkadihii iyo dalalkii ku xadgubdey badda Soomaaliya 20-kii sano ee dawlad
la'aanta, oo ay ku doodaaan badda ay sharci darrada uga kalluumaysteen ama
sunta ku duugeen in ay ahayd badda caalamiga ah, oo ay dhahaan ma ahayn ma ahayn dhul-badeedka
Soomaaliya.
- In markaas "dib u habayn cusub lagu sameeyo aaggaas EEZ" oo markaas lagu
bixiyo shatiyo cusub iyo kiro hor leh.
- In Soomaalida laga jaah wareeriyo in aysan sheegan xuduudka cusub ee loo
kordhinayo dalalka xeebaha leh, xadka xusub oo ah oo gaaraya 350nm
Waa in la saxo xukuumadda
Haddaba, si arrimahaas looga hortago, waxaa shardi ah in la saxo madaxda sare
ee xukuumadda FKMG, maadaama ay hareer marayaan xeerka Soomaaliyeed Law No.
37 ee 1972, arrintaas oo ah khalad weyn oo ay galayaan madaxda ugu saraysa
xukuumadda iyo dublomaasiyiinta hoos taga. Sharciga badda Soomaaliya waa mid jira, oo aan la
bedelin, oo laga heli karo kaydka Qarammada Midoobey iyo daabacaado farabadan.
Waxa sharcigaasi si qayaxan u sheegayaa xuduudda badda Soomaaliyeed ama
TERRITORIAL waters uu yahay 200 mayl-badeed meel ka durugsan xeebta
Soomaaliya - waa 200nm oo ah TERRITORIAL ee ma aha EEZ (Exclusive
Economic Zone).
Waxaa xusid mudan in xilligii uu socdey in QM ay xeer u samayaan badaha
adduunka ay dalalka badan cabbirteen 12 mayl-badeed oo ah Territorial waters
, islamarkaasna sheegteen 200 mayl-badeed oo ah aagga Ganacsiga ee EEZ. Waxaana
xilligaas jirey 7 dal oo ay Soomaaliya kamid tahay oo cabbritay in xuduudda
badda (Territorial waters) uu yahay 200 mayl-badeed, sidaasna loo aqoonsaday.
- Somalia, Peru, Liberia, Benin, Congo-Republic, Ecuador, El-Salvador, waa
dalalka leh xuduud badeed gaaraysa 200 nautical miles (370 km ama u dhiganta
230 mayl-ka dhulka): Waxaana xusid mudan in dalka Peru uu sannadkii 1993
Dastuurkiisa, qodobka 54aad, ku qoray in 200 mayl-badeed uu ka mid yahay
dhulka Peru ee xorta ah. (EEG
Dastuurka Peru).
Sida aan qormadan meelo badan kaga soo xusnay - xuduudka badda Soomaaliya -
maadaama uu yahay qodobka la doonayo in la suuliyo, Dawladdii hore ee Soomaaliya si aan arrintaas muran uga iman waxay ka soo saartay xeer
faahfaahsan, xeerkaas oo hadda u dhigma sharciga dalka Peru ka dejiyey
dhul-badeedkiisa ee ku qoray dastuurka qaran ee dalkaas. Sidaas daraadeed xeerka
Law No. 37 ee 1972 ma aha mid la loodin karo, waa xeer ay ku baraarugsan yihiin
shacabka Soomaaliyeed.
Arrinta kale oo meesha taal waxay tahay: Maba ahayn in hadda laga hadlo
200nm, waxay ahayd sidii loo xaqiijin lahaa cabbirka cusub ee QM ay dalalka
xeebaha leh u qoondaysay sannadkii 2009, cabbirkaas oo ah 350 mayl-badeed (648
km). Xuduudkan dambe ee gaaraya 350nm weeye in Soomaalidu ku qortaan dastuurkooda ugu horeeya ee
ay si xor ah u qortaan.
Wasiirrada Xukuumadda cusub ee Farmaajo
Golaha Wasiirada ee Xukuumadda cusub ee ra'iisul Wasaaraha DFKMG Maxamed
Farmaajo, waxaa la gudboon in ay sida ugu dhaqsaha
badan shacabka Soomaaliyeed si caam ah ugu caddeeyaan mowqifka ay ka taagan
yihiin xududda badda Soomaaliya iyo waxa ay arrimahaas ka og
yihiin. Waa in ay kala caddeeyaan in ay yihiin kuwo u ololaynaya in badda
Soomaaliya la dhaxal wareejiyo ama in ay yihiin kuwo la jira shacabka
Soomaaliyeed oo difaacaya xuduud badeedka Soomaaliya. Haddii jawaab laga waayona ay aamusnaantu tahay aqbalaad in ay qayb ka
yihiin qorshaha cusub ee lagu doonayo in markale lagu soo laba kacleeyo si badda
Soomaaliya loo bililiqaysto. Waxaadna ku xisaabtantaan in shacabka Soomaaliyeed
is weydiinayo "Xukuumadda Farmaajo maka badbaadi doontaa shirqoolka la doonayo
in lagu maja-xaabiyo xeerka Dhul-badeedka Soomaaliya ee soo jirey 39 sannadood."
Shacabka iyo Baarlamaanka DFKMG
Difaaca Badda Soomaaliya, wareeggii hore, waxa uu ahaa arrin ay Shacabka Soomaaliyeed ka
midaysan yihiin, qorshihii horena in uu fashilmo waxay shacabka Soomaaliyeed ka
qaateen qayb weyn. Hadda waa in ay markale u diyaar
garoobaan Wareegga Labaad ee Difaaca Badda Soomaaliyeed ee la doonayo in markale
si xeeladaysan loo
boobo.
Sidoo kale, inkasta oo dad badani dhaliilaan Baarlamaanka FKMG, haddana waxa
keliya oo lagu ammaano waa go'aankii ay qaateen Agoosto 1, 2009 ee ay sida
geesinimada ah isu hortaageen qorshe la doonayey in lagu dhaco qayb kamid ah badda
Soomaaliya - go'aankaas oo taariikhi u ah shacabka Soomaaliyeed. Go'aankii mid
ka xoog badan ayaa shacabku ka filayaa baarlamaanka in ay xukuumadda kula
xisaabtamaan qorshahan cusub, ayagoo is hortaagaya qorshe kasta oo lagu kala
dhantaalayo dhulka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra'iisul Wasaaraha DFKG
Saddexda madaaxda ah ee ugu sareeya xukuumadda FKMG ayaga u sheegi meyno masuuliyadda arrintaan ka
saaran, balse waxaan xusuusinaynaa in ay shacabka Soomaaliyeed uga jawaabaan
waxa ku kallifaya in xukuumadani ay qayb ka noqdaan qorshahan cusub.
SomaliTalk.com waxay shacabka u caddaynaysaa in aan email kula xiriirnay
madaxweynaha, Ra'iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG iyo
safiirkii waraysiga bixiyey. Emailkaas oo aan u dirnay October 25, 2010 oo ahayd
maalin kaddib markii uu waraysiga bixiyey, waxay ku bilaabatay sidan:
- FG: Qormadan waa mid SomaliTalk.com ugu talo gashay akhristayaasheeda, balse
kahor inta aanaan daabicin ayaan xaqiijin weydiinaynaa safiirka Soomaalida u
fadhiya UN-ka oo warbixintu ku socoto. Madaxda kale ee aan qormadan ogeysiinayn waxaa u furan xaqiijin ama kala cadyn arrimaha ay qormadu xambaarsan tahay. Dhammaan jawaabaha aan helo waa kuwo aan ku dari doono qormadan aan daabacayno:
(Qormadan hoose waa sidii aan ugu qornay Safiirka, madaxweynaha, ra'iisul
wasaaraha, guddoomiyaha baarlamaanka iyo xildhibaano...)
______
Qoraalkaan waxaan u dirnay: Isniin OCT 25, 2010
KU: Safiirka Soomaaliya u fadhiya UN,
Ambassador Dr. Elmi Ahmed Duale, Email: somalia@un.int, ******@yahoo.com
OG: Madaxweynaha DFKMG
Sheikh Shariif Sheikh Axmed, Emial: media@sompresidency.org
OG: Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKG
Shariif Xasan Sheikh Aaden, Email: shariif.speaker@gmail.com
OG: Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Magacaaban
Maxamed Cabdullaahi Maxamed Email: pmcommunicationoffice@gmail.com ,
opmtfg@gmail.com
OG: Xildhibaan Prof. Maxamed Cumar Dalxa Email: *****@yahoo.com
OG: Safaaradda Soomaalida ee Nairobi
_____
Asalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu; Ambassador Cilmi Axmed Ducaale, marka hore naga guddoon salaanta Islaamka ee kor ku xusan, bacda salaan: Waxaan si xushmad leh kuugu soo gudbinaynaa su'aalo u baahan kala cadayn ama caddayn dheeraad ah, kuwaas oo ka kooban dhawr qaybood: 1. Su'aasha koowaad waxay daba socotaa waraysi Axadii 24 October 2010 ay kula yeelatay Idaacadda Codka Maraykanka (VOA), barnaamijka "Wicitaanka Dhagaystaha", oo dadweynuhu su'aalo toos kuu soo weydiinayeen. Waxaa su'aalahaas ka mid ahaa:
Su'aal (Dhegeyste VOA): "Waxaan ka soo hadlayaa wadanka Masar, waan salaamayaa danjire
Cilmi, su'aashayduna waxay tahay: su'aal ku saabsan arrimaha burcad badeeda iyo badda Soomaaliya. Waxaan la soconaa in badda Soomaaliya ay ku hareeraysan yihiin ciidamo ajnabi ah, ama ciidamo shisheeye oo sheeganaya in ay ilaaliyaan badda Soomaaliya, sidoo kale waxaan la soconaa in Qarammada Midoobay qaanuunka ay u cuskatay
in la leeyahay keliya waxa uu ku dhaqan geli karaa in Soomaaliya Baarlamaankeeda iyo dadkeeda ay u codeeyaan si loogu ilaaliyo badda, kaasna aan la dhaqan gelin ilaa iyo hadda. Marka waxaan rabey in aan ogaado waxay tahay:
yaa u siiyey xuquuq in ay usoo dhaafaan biyaha Soomaaliya in ka badan 200 mayl-badeed. Waxaan u baahnahay Danjiraha in uu aad arrintaas noogu ifiyo oo nafahamsiiyo waxa ka jira meesha iyo doorka ay ku leedahay Dawladda Soomaaliya in ay wax ka qabato ama ay ka hadasho?.
Jawaab (Dr. Cilmi Ducaale): Horta mid ayaan rabaa in aan u saxo, 200 mayl ma aha Xuduudka Badda Soomaaliya, waxa weeye taasi Economic Zone, Zone-kii Dhaqaalaha weeye kaasi horta. Kan kale wuu ka sokeeyaa oo waa meesha aan kalluumaysiga loo iman karin, waa meesha aan waxba lagu.. lagu... sida hadda socota aan lagu.. lagu daadiyo belaayada iyo wasakhda lagu daadiyo aan lagu daadin karin, laga kalluumaysan karin, kaa weeye midka annaga aan doonayno oo lagu tala jiro in laga badbaadiyo burcad badeeda keliya maahee in laga badbaadiyo xataa kalluumaysatada beenta ah oo wadamo kale ka imanaysa, taas xataa waa la isku soo qaaday in sababta weyn oo keentay in dhallinyaro Soomaali ah ay badda ku tacabiraan marka kalluunkii la waayey oo markay kalluumaysan lahaayeen la soo eryadey oo dooman kawaaweyn ay eryayayaan oo, taas waa jirtey, laakiinse mushkiladdii waxay noqotay yaa xaqiijinaya haddee annaga ma haysano, dawladda Soomaaliyeed ma haysato wax kuu xaqiijin kara oo dhehi kara oo markab saas iyo saas iyo saas iyo saas ah ayaa halkan jooga oo yimid oo ka kalluumaystay. Marka calaa kulli xaal, mushkiladda u weyn waxaa weeyey annaga gudaha waddanka Soomaaliya haddii uu toosnaan lahaa, wadciga ka jira iyo nabaddu ay toosnaan lahayd, hagaagsanaan lahayd waxaan oo dhanba ma dheceen. ... ... ... Midda kale anigu waxaan jeclaan lahaa Soomaalida dibadda joogta sida hadda su'aalihii la i weydiiyey waa su'aalo wanaagsan ... ... ... iyaguna ha is weydiiyaano, ha is weydiiyaan oo ha yiraahdaan annaga maxaan ka qaban karnaa marka, inta dibadda joogta oo i su'aalaysa aniga waa in ay yiraahdaan war annagu maxaan qaban karnaa, ma dhehi karo keliya Soomaaliya inta ku jirta oo masaakiinta ah oo tacbaansan oo la leeyahay
ayagu wax ha qabtaan. Jaaliyad walba oo dibadda ku nool waa in ay yiraahdaan annagu maxaan qaban karnaa, oo markaa waxay qaban kareen ay qabtaan.
Sacaadatul Safiir, dhawr su'aalood ayaan hadalkas kaa weydiineynaa: 2. Ma waxaa jira qorshe ay Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ama safaaradda Soomaalida ee Qarammada Midoobay ay ku dooneyso inay bedelaan xeerkii Soomaaliya ee Badda ee
1972 (Law No. 37) - sababta aan taas kuu weydiinay gadaal ayaan ka arki doonaa, balse su'aal kale:
3. Waxaan qiyaaseynaa in aad kala fahamsan tahay qeexid ahaan, iyo qotada dheer ee macnaha iyo farqa weyn ee ay xaambaarsan yihiin erayada: Territorial Sea (TS) iyo Exclusive Economic Zone (EEZ).. (oo Marka AfSoomaali loo dhigo noqonaya Dhul-badeed (TS) iyo Aagga Ganacsiga ee Gaarka ah (EEZ)) - Waxaad fahamsan tahay in dalal badan oo adduunka ah ay sheegteen in EEZ ay u tahay 200 mayl-badeed, halka TS ay u tahay 12-mayl-badeed. Waxaad kale oo aad ogtay dalal kale oo Soomaaliya ka mid tahay ay TS u tahay 200 mayl-badeed, sidaas daraadeed ay TS, taas oo macnaheedu yahay in Dhul-badeedka (TS) Soomaaliya in xadkeedu uu ahaa
200 mayl-badeed (laga soo bilaabo 10kii September 1972 iyo 13kii May 2009) - Wixii ka dambeeyey May 2009 waxaa dhul-badeedka Soomaaliya noqonayaa
350nm. HADDABA su'aashu waxay tahay, sacaadatul safiir, maxaa kugu kallifaya in aad ku doodid in xuduudeena baddu ay tahay 12-mayl-badeed, halkii aad ku doodi lahayd in dhul-badeedkeenu hadda yahay 350 nm - Waxaad ogaataa in 350nm in ay noqoto TS ama EEZ, labaad oo aad u kala duwan, in ay ku xiran tahay adiga oo wakiil shacabka Soomaaliyeed uga ah xaruntii xeerarkaas la hor dhigayey ee UN, masuuliyad weyna ay kaa saaran tahay, ee dib ha inoogu celin 12 mayl ee u dood 350 mayl-badeed oo dhaqan geli taas dambe. 4. Waxaa jawaabahagii waraysiga ka mid ahaa: hadal macnahiisu ahaa "Soomaalida dibada joogtaa ha is weydiiyaan maxaan qaban karnaa?" Haddaba, annagoo ah bahda SomaliTalk.com, inkasta oo aanaan qurbaha wada joogin, waxaan qaban karno waxaa ka mid ah sidii loo sixi lahaa taariikh iyo xeer saamayn weyn ku yeelan kara shacabka Soomaaliyeed, jiilasha jooga iyo mustaqbalkaba, xeerkaas oo ah in ummadda Soomaaliyeed ay lahayd xeer
LAW NO: 37, oo u qeexayey in XUDUUDDA BADDA SOOMAALIYA (Somali Territorial Sea) ay ahayd 200 mayl-badeed. Taasi waxay ahayd wixii ka horeeyey May 2009. Wixii ka dambeeyey taariikhdaas
13 May 2009 Soomaalidu waxay xuquuq u yeelanaysaa 350 mayl-badeed. Taasi in ay noqoto EEZ oo ah AAGGA GANACSIGA ama inay noqoto TS oo ah XUDUUDDA BADDA SOOMAALIYA (oo kamid ah Sovereign Territory of Somalia), waa mid shacabka Soomaaliyeed la gudboon in ay xukuumadda iyo safiirka UN (oo hadda adiga ah) ay weydiistaan in taas 350nm TS loo sharciyeeyo, oo markaas xuduudeena aan sharci darro la inoogu soo dhaafi karin xagga baddana ay noqoto 350 mayl-badeed. Adigana, maadaama aad ka mid tahay Soomaalida qurbaha, oo ay kuu dheer tahayna safiir hadalkiisu diiwaanka gelayo in aadan u ololayn Soomaaliya xadkeedu in uu yahay 12 mayl, balse aad ku dadaashid in aad ka qayb qaadatid hirgelinta xuduud badeedka Soomaaliya oo gaaraya 350 mayl-badeed.
5. Dhanka kale sababta aan kuu weydiinay in uu jiro: isku day ay DFKMG ama/iyo safaarada Soomaalida ee UN ay ku doonayeen in ay bedelaan xeerkii badda Soomaaliya ee 1972" waxay tahay, waxaa jirtey warbixin ay 20 October 2010 faafisay hay'adda ECOTERRA/ecop-marine oo ay cinwaankeedu ahaa "RENEWED ATTEMPT TO STRIP SOMALIA OF ITS MARINE TERRITORY"
(oo marka la Soomaaliyeeyo noqonaysa: SOO CUSBOONAYSIINTA ISKUDAYGA IN
SOOMAALIYA LAGA XAYUUBIYO DHUL-BADEEDKEEDA) - waxaa qormadaas kamid ahaa in
uu jiro dukumiinti cusub oo looga golleeyahay "agaasimid cusub ee aagga
ganacsiga badda EEZ" ee Soomaaliya. Waxaa kale oo qormadaas kamid ahaa, in dukumiintigaas "loogu magac daray bud-dhigidda ama
dib-u-agaasimida aagga Ganacsiga EEZ", haddii ay saxiixaan DFKG iyo/ama Maamuladda Dawlad Goboleedyada, waxaa dukumiintigaas ku jira weero sheegaya in Soomaaliya iyo/ama Dawlad Goboleedyadu ay tahay in ay ka tanaasulaan xuquuqda ay u leeyihiin
baaxadda badda ee ah 200 mayl-badeed, isla markaasna xuquuqdooda lagu xadido ama lagu soo koobo 12 mayl-badeed." Taas oo jirtey, shaki weyna ay shacabka Soomaaliyeed ka qabeen cidda dukumiintigaas wadda iyo sida ay taasi ku dhici karto, ayaa waxaa soo baxay waraysigaaga, Dr. Cilmi Ducaale, waxaana erayada cajiibka badani ahaayeen in aad tiri "200 mayl ma aha Xuduudka Badda Soomaaliya, waxa weeye taas Economic Zone, Zone-kii Dhaqaalaha weeye kaasi horta. Kan kale wuu ka sokeeyaa oo waa meesha aan kalluumaysiga loo iman karin ama qashinka lagu daadin karin..." EEG HADALKAAS:
200 mayl badeed ayaad u diidey xuduudda Soomaaliya, taas oo toos uga hor imanaysa xeerka Soomaalidu degsatey 1972. Waxaad taas ku qeexday EEZ. Waxaadna sheegtay in xuduudda kale (ee TS) in ay tahay mid taas ka yar ama ka sokeysa (waxa la isla yaqaan ee taas ka sokeeyana waa 12 mayl). Hadalkaas waa mid u baahan in aad si degdeg ah uga laabatid, waayo waa mid halis ku ah mujtama Soomaaliyeed xeerkii ay degsadeen, halis ku ah xornimada qaranka, khasaare weyn ku ah dhaqaalaha Soomaaliyeed, waa hadal aan u cuntamin Soomaalida.
6. Tan kale, waxaa jira in xitaa hay'ado aan Soomaali ahayn qirsan yihiin in baddeenu lahayd xuduud gaareysa 200 mayl. Waxaa hay'adahaas ugu dambeeyey qormo kale oo ay qortay ECOTERRA maalmo ka hor
oo cinwaankeedu ahaa "YOU ARE PERSISTENTLY BEING LIED TO WITH IMPUNITY"
(Been aan gabasho lahayn oo la idiin sheegayo) waxay ku qortay "Laga soo bilaabo 1972 beesha caalamku waxay qadarinayeen Xeerka Soomaaliya ee No. 37, xeerkaas oo xagga sharci ahaan la mid ah xeerarka kale ee la aqoonsan yahay ee ay leeyihiin dalalka ay kamid yihiin Benin, Republic of Congo, Ecuador, El Salvador, Liberia iyo Peru, dalakaas oo hore u sheegtay 200nm in uu yahay dhul badeedkooda oo ay leeyihiin xuquuq sharicyeedka..... Laga soo bilaabo 2009 Soomaaliya waxay leedahay 350 nm oo ah Qalfoofka Qaarada (aagga loo yaqaan Continental Shelf Zone
"CSZ"), taas oo ku salaysan in sharciga caalamiga iyo in Soomaaliya ay sheegatay aaggaas oo loo diiwaan geliyey Soomaaliya" -
Marka safiir maxaa madaxdeena ka hor taagan sidaas xornimada ah in ay u hadlaan? Sacaatadatul Safiir, marna ha u qaadan in aan erayada sare kugu weeraneyno, arrintu shakhsi ma ah ee waa qaran Soomaaliyeed, waxaana emailkaan kuugu soo dirnay in aan fursad kuu siino in aad hadalkaaga bayaamisid ama qeexdid si markaas jawaabtaada ugu darno qoraalkan oo sidaan kor kusoo xusnay ah mid aan ugu talo galay shacabka Soomaaliyeed. Jawaab haddii aadan soo dirin sidaas ayaan ku siideynaynaa qormadan.
(Law No. 37 on the Territorial Sea and Ports, of 10 September 1972) Waxaana ku soo gabagabaynayaa hadalkii uu kusoo weydiiyey dhegeystaha deggan Masar ee ahaa "Marka waxaan rabey in aan ogaado waxay tahay yaa u siiyey xuquuq in ay usoo dhaafaan biyaha Soomaaliya in ka badan 200 mayl-badeed. Waxaan u baahnahay Danjiraha in uu aad arrintaas noogu ifiyo oo nafahamsiiyo waxa ka jira meesha iyo doorka ay ku leedahay Dawladda Soomaaliya in ay wax ka qabato ama ay ka hadasho?". Waxana markaas muhiim ah in la saxo in 200 mayl ay ahayd Xuduudka Badda Soomaaliya leedahay oo ah Territorial Waters, balse aysan ahayn Economic Zone (EEZ), wax ka yarna aysan ahayn xuduudda baddeenu, sidoo kale waa in la caddeeyo in Soomaaliya ay hadda leedahay cabbirkaas hore mid ka badan oo ah 350 mayl badeed.
Mahadsanid.
Bahda SomaliTalk.com
- FG: SomaliTalk.com waxay akhristayaasha u cadaynaysaa in aanaan (ilaa
hadda November 27, 2010) wax jawaab ah ka helin madaaxdii aan emailkaas u
dirnay, sidaan ballan qaadnayna aan qormada sidaas ku daabacnay si dadweynaha
Soomaaliyeed ay markale u bilaabaan Wareegga labaad ee Difaaca badda Soomaaliya
maadaama ay u muuqato in madaxda Soomaaliyeed ay qayb ka yihiin xagal daacinta
xeerkii u deganaa Soomaaliya 39 sano.
***
Waraysiga Safiirka waxaa xigey kulan ka dhacay magaalada Nairobi (October 27,
2010) oo ay ka qayb galeen Barwaaqa Sooranka Yurub iyo Kenya, waxaana ka soo
baxay warbixinta hoose:
Khubarada Dalalka
Barwaaqa-sooranka Yurub oo Kenya ka caawinaya diyaarinta wada-xaajood ay
Soomaaliya kala yeelato xuduudda badda
Xuduudaha oo si cad loo muujiyo waxay muhiimad
weyn u leeyihiin ammaanka badaha, maraakiibta, difaaca degaanka, kalluumaysiga
iyo sahaminta khayraadka badda ku jira.
Hoggaanka sare ee isku xira dalalka ka tirsan
Barwaaqa-sooranka Yurub (Commonwealth Secretariat) ayaa Jamhuuriyadda Kenya
waxay ka caawinayaan diyaarinta wada-xaajood ku saabsan xuduudda badda oo ay la
yeelato Soomaaliya.
Si cad in asaaska loogu dhigo xuduudaha badaha
ay (Kenya) la leedahay Soomaliya waxay raad muhiim ah ku yeelan doontaa ammaanka
badda, xamuulka maraakiibta, difaaca degaanka, kalluumaysiga iyo sahaminta
khayraadka ku jira gobolka.
Caawinaadaasi waxay daba socotaa guushii ay
Kenya ka gaartey gudbinteedii akhbaarta la xiriirta kordhinta qalfoonka qaarada
badda ee 2009, waxaana caawinaadu xoojinaysaa bud-dhigga aqoonta iyo khibaradda
la xiriirta xad u samaynta xuduudaha badaha.
Waxaa mashruucan qayb ka ahaa tababar
saraakiisha dawladda (Kenya) oo ay bixinayeen khubaro ka tirsan barwaaqa
sooranka Yurub oo takhasus khaas ah u leh xuduudaha badda.
Tababarka waxaa furay Wasiir dawlaha arrimaha
maamulka iyo ammaanka gudaha, Prof. George Saitoti MP, waxaana marti geliyey
qareenka guud ee dawladda Wanjuki Muchemi. Waxaa kale oo tababarkaas ka soo qayb
galay madaxda dhawr waaxood/wakaaladood iyo saraakiil sarsare, aqoonyahanno iyo
ganacsato, waxaana uu soo jiitey saxaafad badan.
Paul Hibberd, oo hoggaaminayey mashruuca lagu
caawinayo Kenya, ayaa dawladda ku ammaanay sida ay uga go'an tahay taageerada
tabarkanka. "Heshiis ku saabsan xuduudda badda in lala gaaro Soomaaliya waxay
hal-bawle u tahay xaqiijinta is-haysashada dhulka Kenya. Waxa kale oo ay
albaabada u fureysaa fursado mustaqbalka oo ku saabsan horumarin joogto ah ee
dalka (Kenya)," ayuu yiri Mr. Hibberd.
Waxana uu intaas raaciyey: "Tageerada la siinayo
dhammaan hay'adaha dawladda si ay ugu diyaar garoobaan, islamarkaasna
wadaxaajood galaan waxay lagama maarmaan u tahay kor u qaadida iyo xoojinta
derejada wadaxaajoodka ee Kenya."
Kaqayb qaadashada ay xoghaynta Barwaaqasooranka
ee tababarkan waxaa ammaanay Dawladda Kenya, taas oo ay kamid ah ahayd kulan
saraakiil sarsare ee xagga shaarcgu ay ku yeesheen guriga Marlborough House, ee
London, halkaas oo xoghaynta Barwaaqsooranku ay kusoo bandhigeen hurmarkii
dhawaanta laga gaarey mashruuca xuduudaha badaha.
Waa maxay xuduud badeedyadu?
Xuduud badeedyada waxaa lagu agaasimaa heshiis
dhexmara dalalka. Arrintani waxay muhiimad u leedahay si loo xalliyo sheegashada
badda iskumid ah ay (oo labada dhinacba wada sheeganayaan), markaasna la qeexo
baaxadda badda ee dalalku u yeelanayaan xuquuqda xorriyadda. Sidaas waxaa qoray
warbixinta Barwaaqa sooranka Yurub.
Dalalka ku jira Barwaaqa sooranka waxay ka
kooban yihiin 54 dal. Dhammaantood marka laga reebo labo (Mozambique iyo Rwanda)
waxay hoos iman jireen boqortooyadii Ingriiska. Kenya waxay ka mid tahay
dalalkaas soo hoor geli jirey Ingriiska, waxaana aakhirkii Boqortooyada Igriisku
ay qayb kamid ah dhulka Soomaaliya (NFD) ay gacanta u gelisey Kenya kaddib
markii ay xornimada siisay dalkaas.
***
- Aragtida Dadweynaha: Fadlan ra'yigaaga toos ugu qor
HALKAN (FG. Fadlan
aragtidaada oo kooban ku qor dhanka hoose ee bogga soo baxa marka aad
RIIXID HALKAN.)
TIXRAAC: Waraysigii VOA: Oct 24, 2010:
Ka dhegeyso
Halkan:
http://somalitalkradio.com/cod/ ambasador__ducaale_2010.mp3 ama Halkan http://www.voanews.com/somali/news/Wicitaanka- Dhagaystaha-iyo- Ambassador--105630598.html
Warbixinnada ECOTERRA/ecop-marine:
" RENEWED ATTEMPT TO STRIP SOMALIA OF ITS MARINE TERRITORY: A new document for the so-called
"establishment of the EEZ", if signed by the TFG and/or regional state authorities, contains the sentences that Somalia and/or the respective regional state would have to give up its rights to the 200 nm territorial waters and restrict that right to only 12nm." READ AT:
http://somalitalk.com/2010/10/21/ecop-marine/ YOU ARE PERSISTENTLY BEING LIED TO WITH IMPUNITY:
The Lie: Somalia has no 200nm Somali Waters The Reality: Since 1972 the international community had respected Somali Law No. 37, which similar to the legal provisions of other recognized nation states like Benin, Republic of the Congo, Ecuador, El Salvador, Liberia and Peru, declared 200nm as the territorial waters with all the respective rights and duties.... Since 2009 Somalia has also a Continental Shelf Zone of 350 nm, based on international law and Somalia's claim documented..
http://somalitalk.com/2011/badda/somalia.html ama
http://somalitalk.com/2010/10/11/badda-soomaaliya/
Xeer Lambar #37/1972 - Xeerka Badaha Dhulka Soomaalida
Dawladdii Soomaaliya si ay xaqiijiso ilaalinta xadka baddeeda, waxay soo saartay Sharci Lambarkiisu ahaa Xeerka 37aad oo ka soo baxay Mogadishu, 10kii September 1972: Sharcigaas oo loo yaqaan Xeerka Badaha iyo Dekedaha Soomaalida waxaa ka mid ahaa qodobadan: Qodobka 1aad: Badda dhulka Soomaalida (Somali Territorial Sea) waxaa soo hoos gelaya qayb badda ah oo gaareysa 200 nautical miles oo ka mid ah xeebta Qalfoofka Qaaradda. Badda dhulka Soomaalida waxay hoos imanaysaa Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaliya ee xorta ah. Dembiyada lagu galo xadka badda dhulka Soomaaliya oo ay galaan kuwa saaran maraakiibta ee la xiriirta caafimaadka iyo ammaanka shacabka waxaa lagu qaadayaa sharciga Soomaaliya. Qodobka 2aad: Meesha cabbirka laga bilaabayo waa meesha ugu hoosaysa xeebaha Soomaaliya (xigmad weyn ayaa halkaas ku jirta). Qodobka 6aad: Kalluumaysiga Badda Dhulka Soomaalida iyo u kala gooshinta xamuulka iyo dadka ee dekedaha Soomaaliya waxay khaas u tahay maraakiibta sita Calanka Soomaalida iyo markiibta u haysta fasax/sharci. Haddii taas lagu xad gudbo marka hore waxaa markabka la ganaaxayaa 5,000 ilaa 10,000 Sh.So. (oo xilligaas u dhigantey $700 ilaa $1,500 - waa xilligii Shillinka Soomaaligu qiimaha lahaa oo ahaa US$1 = 7Sh.So.). Haddii xad gudubku soo noqdo mar labaad waxaa markaas ganaaxa laga dhigayaa laba-laab, waxaana kabtanka markabka lagu qaadayaa sharciga xeer dembiyeedka Soomaaliya, waxaana lala wareegi karaa markabka. Qodobka 9aad: Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya dalalka aysan aqoonsanayn maraakiibtooda looma ogola in ay maraan Biyaha Soomaaliya. Ciddii ku xad gudubta arrintaas, Soomaaliya waxay ka qaadeysaa tallaabadii ku haboon. Qodobka 10aad: Maraakiibta dagaalku ma soo mari karaan badda ku xeeran dhulka Soomaalida haddii aysan ogolaansho ka haysan Dawladda Soomaaliyeed.
Warbixintii Tababarka Barwaaqa Sooranka Yurub
Commonwealth experts help Kenya prepare for maritime boundary negotiations
with Somalia
http://www.thecommonwealth.org/news/34580/231326/271010kenyasomaliamaritimeboundaries.htm
Websiteka Safaaradda Soomaalida ee UN:
http://www.un.int/wcm/content/site/somalia/
Sidoo kale tixraac:Caawinaaddii Norway ee Batroolku ma Fashilantay?
http://somalitalk.com/2010/10/17/norway/
- Aragtida Dadweynaha: Fadlan ra'yigaaga toos ugu qor
HALKAN (FG. Fadlan
aragtidaada oo kooban ku qor dhanka hoose ee bogga soo baxa marka aad
RIIXID HALKAN.)
Faafin: SomaliTalk.com | November 27, 2010
|