Dhulka Soomaaliya loo yaqaan waxa uu 20-kii sano ee ugu dambeysay
ahaa meel cid maamusha aan la aqoon oo kooxo & maamulo dano gaar ah,
qaab qabiil-na ku dhisan ay hor boodayaan.
Systemka Dowladnimo wax u eg waxaa la oran karaa waxaa Soomaaliya ugu
dambeysay bilowgii 80-meeyadii,system-kaas oo weliba madax ka nool ahaa,
wixii waqtigaa ka dambeeyay dowladdo aan wax nidaam dowladeed shuqul ku
laheyn ayaa hawada naga qabsaday. Madax ku sheegga waddankan aan
heyadihii aasaasiga laheyn sida bangiyo, isbitaallo iskuullo IWM, mid
walbaa halkaa uu wasiirka u yahay ama uu ku magacaaban yahay isagaa
xukuma,dadka uu xukumona meel dheer kamuu keenin ee kuwii xag siyaasad,
xag qabiil ugu dhowaa ayuu meesha la yimid, amaba waxaa laga yaabaa meel
uu maamulo iska daaye in uu maqalsoon uu in uu yahay wasiir ama taliye,
wax intaa uga hooseeyana ma jiraan, talo kama qaato mid ka sareeya
lamana tashado mid ka hooseeya.
Dadkaa iyaga ah oo Soomaaliya horboodaya mar mar waxaad is leedahay meel
dowlad ka dhisan tahay weli lama soo tusin miyaa, waxaad arkeysaa
guddoomiyihii Baarlamaanka oo booqashoyin ku kala bixinaya Dowlado kale
, dan dowladeed ma wadee wuxuu mushahar u doonayaa kooxdiisa
baarlamaanka. Waxaad sidoo kale arkeysaa Taliyihii Booliska oo isagana
dhiniciisa mushahar ugu raadinaya kooxda uu booliska ku magacowday,
dhaqaalaha meesha laga doono ma aha meel fog ee waa waddanka Kenya oo
dalaaliin dhaqaalaha Soomaaliya ka baayac mushtara ay xafiisyo ka
furteen. Wixii Soomaaliya la soo siiyo ayay halkaa lagu kala qeybsadaa.
Marka xoogaaga dhaqaalaha ah la siinayo waxaa la socda warqad & qalin
looga dalbado in ay heshiis la soo qortay saxiixaan. Sida qashin badda
lagu shubo, dhulal diyaaradaha Mareykanku duqeeyaan, badda Soomaaliya in
qeyb lala wareego, ama maraakiib waaweyn ay jillaaaftaan, xuduudka
Soomaaliya in sidii la doono laga yeeli karo, qofkii ay iyagu u baahdaan
loo soo gacan geliyo IWM. Shuruudda ku xiran haddii uu saxiixo waayona
waa jagada wasiirnimo oo uu weyn doono dhaqaalna uusan meeshaas kala
tageyn.
Dowladaha dariska Soomaaliya la ah sida Kenya & Ethiopia. ka sokow
dhulalka ay naga heystaan waxay ku darsadeen 5-ta wasaaradood ee ugu
muhiimsan. Wasaaradda Arrimaha Dibedda waxaa laga xukumaa Kenya, Tan
gaashaandhigga waxaa hagta Ethiopia, tan Arrimaha Gudaha Eriteria ayaa
wax u yeerisa, tan dib uheshiisiinta-na Jabuuti ayaa sidii ay doonto ka
yeesha, Tan Maaliyadda waxaa loo daayay dowladaha isku magacaabay in ay
deeqo bixiyaan. Iminkana waxaa u soo carfeysa xeebta dhererka badan ee
Soomaaliya oo la sheego tan 2aad ee Africa ugu dheer hadayanba tan 1-aad
aheyn, uguna kheyraadka badan.
Waxyaabaha aadka cajiibka u ah waxaa ka mid ah dowladahan aan soo
sheegnay oo qaarkood dhulal Soomaali ah heystaan aan maantana ugu darno
Badda. Ethiopia & Kenya waxay intii aan fowdada ku jirnay aad ugu soo
xad gudbeen xuduudka waddankeena waxayna aakhirkii gaareen in ciddii ay
doonaan gudaha Soomaaliya uga daba tagaan iyagoo aan cidna
weydiisan,kalana tashan. Dowladda Kenya waxay xuduuda Soomaaliya gudaha
u soo gashay dhul baaxaddiisu le-gtahay illaa 300-500 Km halka
Ethiopiana ayba dagtay degmooyin Soomaaliyeed oo xuduuda ku yaalla.
Dadka Soomaalida oo aad isula qab weyn, waxay caalamka kaga jiraan
darajada ugu hooseysa, xagga aqoonta, siyaasadda & caqliga. Ducfiga
Soomaalida ku jira-na wuxuu na gaarsiiyay in aan xitaa hantidii
maguuraanka aan wareejinno markaa tii kale aan horey uga takhalusnay
shilimo yarna siisannay. Marka aan Soomaaliya leeyahay kama wado qeyb
gooni ah oo Soomaaliya ah, waxaana Soomaaliya loo yaqaan min
Raas-kaambooni Illaa Raas Caseyr Soommaali-na waa Soomaali mahmaa kaan
wa yakuun.
Dowladda Soomaaliya oo laga sugayo in ay ammaan & kala dambeyn waddanka
ka dhaliso, waxayba ku mashquulsan tahay saxiix heshiisyo dowlado kale
ku daneysanayaan. Waxaa maalmo dhaweyd dhagaheena ka guuxayay heshiis
canshuurta Soomaaliya Dowladda Kenya u qaadeyso, amakaag & yaab ayay
nagu noqotay waxaase inoo xigtay Baddiina ku darsada, keliya xafiis aynu
heshiiska ku saxiixano kursi & miis qurxoonna yaaliin aan arko si aan u
caddeeyo in aan ahay wasiir wax saxiixi kara.
Arrintan fajicisada ah oo dhagaha Soomaalida maalmahan ka guuxeysa,
waxay kuu caddeeneysaa in dad la isku halleyn karo aysan halkaa kaaga
horreyn, qaddiyadda Soomaaliyana waxay sugeysaa qof walba oo Soomaali ah
damiir Soomaalinimo-na uu ku jiro, oo maanta waxaan mareynaa Reer Ba'oow
Yaa Ku Leh.
Farah Warsame
Melbourne, Australia.
bile1971@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan