SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BULUUQUL MARAAM

Sharaxa Buluuqul Maraam : Sheekh Shariif Cabdinuur

Hordhac

بسم الله الرحمن الرحيم

الحمد لله رب العالمين والصلاة والسلام على رسول الله وعلى اله وأصحابه أجمعين, أما بعد:

Habeen Isniin ah oo bisha Dul-Qacdah ahayd 24, sannadkii 1415H ayuu Shaykh Shariif Cabdinuur Shariif Xassan bilaabay casharo uu ku sharaxayey kitaabka la yiraaho (بُلُوغُ اَلْمَرَامِ مِنْ أَدِلَّةِ اَلْأَحْكَامِ) Buluuqul Maraam min Adillatil Axkaam (Maqsuudkii oo laga gaaro adillada axkaamta sharciga ah!). Sheekhu kitaabka wuxuu ku akhriyey Makkah al-Mukarramah.

Habka aan casharada u diyaarinay:

Af Soomaaliga la qoro iyo Af Soomaaliga dadka intooda badani ku hadlaan way kala gedisan yihiin, tanina waxay sababtay inaan isku dayno inaan waxoogaa yara hagaajino qoraalkii aan cajaladaha ka qornay anagoo yaranayna isbedel ku yimaada sheekha hadalkiisa. Tusaale ahaan: sheekhu wuxuu adeegsanayaa xadiiskanKADA, masaladanTADA, iwm. Kalamadahan oo kale waxaan ku bedelnay sida caadi ahaan loo qoro Af Soomaaliga: xadiiskan, masaladan, iwm.

Sheekhu wuxuu casharada u akhrinayaa arday xer ah oo uu kitaabo kale usoo akhriyey, sida Riyaadus Saalixiinka, goobta uu casharada ka akhrinayaana waa Makkah. Sidaas darteed waxaa dhacda inta badan in sheekhu aanu turjumin kalmadaha qaarkood ee uu carabi ku maro. Tusaale ahaan:

 قَالَ: قَالَ رَسُولُ اَللَّهِ -rعَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ

Sheekhu ma soomaaliyeynayo intaas ee sideeduu ku dulmarayaa. Taasi waxay keentay inaan sidan u soomaaliyeyno:

Abii Hureyrah- radiyal Laahu canhu- waxaa laga weriyey in uu yiri: Rasuulkii Alle- sallal Laahu calayhi wasallam- wuxuu yiri:

Soomaaliyeyntaasi waa mid caan ah oo culumadoo dhani (intaan maqlay) adeegsadaan xertana la baro.

Haddaan helno sheekha oo kalmadda meel kale ku Soomaaliyeeyey kaasaan adeegsanaynaa, haddii kale micna la wada yaqaano oo aan rajaynayno haddaan sheekha usoo bandhigi lahayn inuu ogolaan lahaa ayaan adeegsanaynaa meesheedii.

Haddii ay dani kallifto inaan hadalkii sheekha wax ku kordhino si aan arrin u caddayno, waxaan adeegsanaynaa [ ]. Taas macnaheedu waxa weeyaan qoraalka [ku dhex jira labadan qaws] kama mid aha hadalkii sheekha.

Waxaa xusid mudan:

Salliga Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam- ma aanaan Soomaaliyeyn ee sidiisa ayaan u deynay. Sidaas ayey culumadu sheegeen inay habboon tahay- sallal Laahu calayhi wasallam- taas ayaana sharci ahaan sugan. Maadaama ay dikri tahayna sideeda in loo adeegsado ayaa fiican.

Taas waxaa kale oo la mid ah, subxaananuhuu wa tacaalaa, radiyal Laahu canhu ama raximahul Laah, oo aan doorbidnay sidooda Muslimiintu ay u adeegsanayeen weligood inaan u deyno ee aanan waxba turjumin, macnahooduna waa iska cadyahay, Soomaalida badankooduna way fahmayaan.

Waxaan casharada u samaynay cinwaano. Tusaale ahaan, xadiis walba waxaan u qaybinay Matni (qoraalka asliga ah) iyo Sharax (Sheekh Shariif Cabdinuur). Hadduu xadiisku dheer yahay, faqra kasta cinwaan-hoosaad baanu u samaynay si akhrintu u fududaato. Cinwaanadan qaarkood waa hadalkii sheekha oo aan soo qaadanay, qaarkoodna waa ku dheeraad hadalka sheekha.

Danta koowaad ee aanu ka leenahay casharadan diyaarintoodu waa in dadku fahmaan xadiiska Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam-, kuna dhaqmaan. Tan labaadna waa inaan culumadeena dedaalkoodi wakhtiga dheer ay ku bixiyeen aan la ilaawin ama uusan ku koobnaanin koox shacabka ka mid ah oo taqaana meesha laga helo iyo sida looga faa’iideystee, aanu umadda oo dhan usoo bandhigno si looga wada faa’iideysto.

Eray bixinta Ibn Xajar:

1) Todobadaa weriyey: Axmed, Bukhaari, Muslim, Abuu Daawuud, Tirmidi, Nasaa’ii, Ibn Maajjah.

2) Lixdaa weriyey: Bukhaari, Muslim, Abuu Daawuud, Tirmidi, Nasaa’ii, Ibn Maajjah.

3) Shantaa weriyey: Axmed, Abuu Daawuud, Tirmidi, Nasaa’ii, Ibn Maajjah.

4) Afartaa weriyey: Abuu Daawuud, Tirmidi, Nasaa’ii, Ibn Maajjah.

5) Saddexdaa weriyey: Abuu Daawuud iyo Tirmidi iyo Nasaa’ii.

6) Muttafaq calayhi: Bukhaari iyo Muslim ayaa weriyey.

HALKAN Ka Akhri Xadiiska 1aad...

Waxaa diyaariyey: Mashruuca qoraal-u-rogista casharadii Shaykh Shariif Cabdinuur
W: www.shariifcabdinuur.org
E: buluuq@shariifcabdinuur.org

Faafin: SomaliTalk.com | November 9, 2012

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

 

 

Copyright © 2012 SomaliTalk.com All rights Reserved.;