Home » Faallo »

Socdaalkii Geerida Soomaaliya ilaa Yurub (5)

W/Q. Muxamad Idris Axmad

((Maaha Riwaayad beena ee waa sheeka dhaba oo dhacday. Qofka ay qisadu ku socoto waa mid ka mida kumanyaal Soomaaliya oo qaarna meelahaas ku dhinteen qaarna ilaahay sabata bixiyey.Waxyaabaha aad ku arki doonto waxaan usoo gudbiyey sida dadkii ay ku dhacday uga warameen..Waxaan ku leeyahay oo keliya waa inaan usoo gudbiyo qaab quruxsan intaan awoodo, laakiin asalkeeda aanan waxba ku kordhin.Waxaan rajaynayaa iney noqoto wax lagu cibra qaato.Laysna weydiiyo: Yaa Masuul ka ah dadkaasu iney dalkoodi ka bara kacaan, oo dariiqa geerida door bidaan?))

Baabuurkii la xir xir!

Waqti badan oo xarga lagu dhuu dhuujiyey ka dib, gaarigii waa dhaqaaqay, maalintii oo dhan ayaan soconey, habeenkii markuu dumey ayey meel joojiyeen, ilaa dayaxu soo boxo, waayo nalka iney shidaan ma rabaan baqdin darteed. Mar kasta waa in la sugaa dayaxa markaas ayaa la dhaqaajinayaa iyadoo lagu soconayo iftiinka dayaxa. Maalintaas oo dhan iyo habeen kaas waxba nagama degin cunto iyo biyo midna. Waxaa oon noogu dambaysey biyihii ay jabhaddu shalay na waraabisay. Saxaaradu waa dhinac walba cirkaa kusoo celinaya. Wax dhaq dhaqaaqa ama nolola haba yaraatee ma arkeysid. Nimankanu biyo iyo cuntaba wey wataan, laakiin kuma soo eegayaan. Waa 21 June, maalintii waa kulayl aad u daran habeenkii ayaa xoogaa neecaw, mar mar qabow soo dhacdaa. Awalna 17 cisho ayaanu xabad timira iyo kabasho biyaa kusoo joogney, dadka nololi kama muuqato, waa iska socdaan, qaarna waaba socod gabeen, waa in la saaro gaariga. Habeen badhkii ayey wexey yidhaahdeen: Qof kasta carrabka ayaa loo qooynayaa!! In kabbasho ka yar, cantuuga warkeeda daa, ayey noo qaybiyeen.

22 June

Markii dayaxu soo baxay ayaanu dhaqaaqnay, gaarigu xitaa markuu socdo waa luudayaa, culayska, gabowga, iyo duruufta wadada darteed. Waagu markuu dillaacay ayaa xoogaa la joojiyey. Afar qof ayaanu ku tukaney, dadkii sideetanka ahaa. Nimanka Eriteriyiinta badankoodu waa nasaaro, waxaan ka arkeyney saliibka iyo baryadiisa mar marka qaarkood. Kadibna waa la dhaqaajiyey. Qorraxdii ayaa soo kululaatay, dadkiina waa isdul saaranyahay.

Suuxitaankii oo bilawday!!

Dadka qaar ayaa bilaabay iney miyir beelaan. Qaar badanna maba is dhaqaajin karaan, hadalna waa gabeen, gaariga kamana degi karaan, mana fuuli karaan. Gaarigii ayaa intii qaylinkartey garaacday, waa qayliyeen. Abbaaraha 3 galabnimo ayuu joojiyey gaariga. Wixii dhaqaaqi karey ayuu yiri saf soo gala, xoogaa biyaa oo uu hayey ayuu banziin ku walaaqay, wuxuu yiri: Qof walba kabbasho ayaa la siinayaa. Dadka qaar wey diideen banziinka, anigaa ka mid ahaa. Dadna wey cabbeen, weyna ku dhibaatoodeen, wexey ku waasheen hunqaaco iyo miyir beel iyo xanuun.

Gabbalku markuu dhacay ayey meel istaageen dadkiina wey is daadiyeen wixii dhaqaaqi karey, 39 qof ayaa gaarigayaga saarnaa 17 keliya ayaa miyir qabey. 22 qof oo giddigood rag ahna waa xanuun iyo miyir beel. Qaarkood dadku wexey dhahayeen: war kanu waa dhintaye aan gaariga ka tuurno culayskiisa haynaga yaraadee!!Habeenkii meeshaas ayaa la degey, waxna dhuunta lama marin, biyo iyo cunno midna.

Wax Bani aadam u eg, oo haddana aan ahayn!!

Meesha dadka xaalkoodu sidaa yahay, kuwan muharibiinta ah ee liibiyaankaa waxbey karsanayaan, hilib iyo maraq, biyey cabbayaan, qofna soo eegi maayaan, qofkii dhinta meeshaas ayaa lagu tuurayaa.

23 June & 24 June

Labada maalinba sidii oo kale ayaa lagu socdey, waxna dadka dhuunta uma marin, heer dareewalada naftooda ay biyihii ka dhamaadeen, oo uu dadka tusay jerigaankii oo ebera, isagoo leh, wexeynu gaareynaa berri (kafra) xuduudka Liibiya, maaweeladaas oo kolba markey arkaan dadkii oo baa ba’san ay lasoo baxaan, weli dad ma dhiman laakiin dad badani waxba kuma noola.

GALABTII 24 JUNE..GALAB  NAXDIN BADAN!!

Markey saacadu ahayd abbaaraha 5.30 galabnimo, inta aaney qorraxdu dhicin wax yar ka hor ayaa gaarigii markale jabay oo biri baf tiri.. Halkii ayuu yiri dareewalku kasoo dega, halkanaan cabbaar joogeynaa inta aan gaariga hagaajineyno caawaba (kafra) Liibiya ayaan geleynaa, meel kale lama seexanayo, waase hadal uu doonayo dadka inuu mooralka ugu dhiso oo aan waxba ka jirin.

Dadka qaar waa miyir beeleen..Qaarna waa soo jeedaan laakiin ma hadli karaan, qaarna hadal goos goos ah ayey ku dardaarmayaan.

Waqtigii maqribka ayaa soo galay.. xitaa ninkii xoogaada naxariistaa lahaa ee tukan jirey (Adam) markii xaalku xumaaday kabashadii biyaha oo uu mar mar isiin jirey waa go’day..ducfi aad u badan ayaan dareemayaa.. Maqribkii ayaan fadhi ku tukadey, waa markii u horreysey oo aan fadhi salaad faradh ah aan ku tukado..ma istaagi karo, mana socon karo, dareewalkii gaariga ayuu hoosta kaga jiraa, ninkii kalena hilib ayuu meel halkaas ah ku karinayaa.!! Waa Bani aadam aynaan ka sheekayn karin ineynu aragno mooyaane!! Xagoodii ayaan u gurguurtey, anigoo salka iyo gacmaha ku gur guuranaya. Ninkii xoogaada naxariistaa lahaa ayaan gaarey, dadka kale maba gurguuran karaan..

Ninkii (Adam) ahaa ayaan ku soo dhowaadey, anigoo ku eegaya indha meel fog kasoo jeeda..Mar mar ayey indhuhu afka hadalka uga dheereeyaan..Intuu ninkii kale ee saaxiibkiis ahaa oo gaariga ku hoos jira iska jalleecay, ayuu koomba yar wuxuu ii daray maraqii uu karinayey! Waa koombada nuskeed.. Alxamdulilah..Waan cabbay, oo kulaylkeeda xitaa ma dareemin. Markaan koombadii fuuqsaday, ayaan xoogaa naf ahi iney igu soo noqotay dareemay..Balse xoog aan igu jirin ayaaba I galay..

IFTIIN YAR OO MEEL FOG KA MUUQDA!

Xaaladda aanu ku sugnayn markaas waa geeri..oo qofku aanu waxba arkayn, laakiin meeshuu Ilaahay wax ka wado waa wax kale.. meel fog ayaan waxaan ka arkay iftiin ka bilig leh, tabartayada marka la eego meel fog ayuu u muuqdey laakiin xaqiiqa ahaan kama fogayn 1 km. Anoo dadka ugu roon ayaaba sidaa u arka, dadka kale maba arki karaan, mana socon karaan. Waan is tiilay anoo isku deyaya inaan iftiinkaas naf ka dayo..ku dhowaad saacad ayaan daalaa dhacayey masaafadaas yar, wexey igala dheerayd 100 km..

Markaan soo gaadhay waxaan u imi 2 gaadi oo dad tahriiba wada oo meel isku dhow fadhiya. Sidey isku jicsinka u ahaayeenna koox koox u fadhiya, waxaan u gartay iney af ka mida kuwa itoobiya ku hadlayaan, waxaanse kula hadlay af ingiriisi, waxaanan u sheegay inaanu aad u dhibaataysanahay. Kooxdii koowaad ima soo dhowayn, kooxdii labaadna sidoo kale, kooxdii saddexaad ee gaarigii koowaad ayaa isoo dhoweysey, wey I fariisiyeen, dhala yar oo biyaa ayaa laysiiyey oo lagu qooshay buskut ama boorish, si aaney caloosha iigaga dhicin, waxaan ku iri dad ayaa meeshan ku dhammaanaya, haddad wax aan u geeyo I siin kartaan,  waxaa lay siiyey gasac furuto ah oo aan nus ka cunay, dhala kale oo biya ah oo litar ahna waa lay siiyey, iyo gasac xiran oo furuto ah, dhaladii biyaha oo xirnayd iyo gasicii xirnaa iyo kii aan wax yar ka cunay ayaan lasoo orday, waxaan u imi dadkii oo dhulka wada yaalla oo geeri iyo halaag intooda badani ku sugantahay, biyihii ayaan kuwooda ugu daran afka uga shushubay midba wax yar, biyihii furutadana sidoo kale, wixii ku jireyna waan u jar jaray, sidaa ayaa qaarkood naftu ugu soo noqotay laakiin sakaraad weyn ayaa dadka ka muuqda. Laakiin Soomaalidii waan wada gaarsiiyey.

Waxaa igu soo dhacday fikrad ah maadaama aan xoogaa nashaada helay inaan gaarigii kale ku noqdo oo dadkii saarnaa iyagana wax soo weydiiyo, waan ku noqday intii hore in la eg ayaan kasoo helay, sidii oo kale ayaan dadkii ugu qaybshey, alxamdulilaah, dadkii xoogaa miyir ayaa ku soo noqday, aniguna si fiican ayaan u seexday.

Habeenku markuu kala badhmay oo dayuxu soo baxay ayaa nala toosiyey gawaaridhii ayaa dadkii la saaray, waana la dhaqaaqay sidii caadada ahayd inkastoo uu yahay dhaqaaq aan xoog badnayn.

25 June Bilawgii Geerida!

Maanta waa 25kii bisha waxaanu saxaaraha dhex meereynaa bil iyo 5 cisho, abaaraha markii ay ahayd 10 am ayaa gaarigii na wadey wuxuu galay buur ciid ah, si looga saarana la garanwaa. Dadka meesha saarani waa meyd aan waxba qaadi karin waxna riixi karin. Gaarigii ayaa laga degtey, qoraxdiina wey kululaatay, gaajadii iyo harraadkiina dadka meel kasta ayuu ka gaaray. Gaariga matoorkii waa damey.. gaarigii kale oo eiteryaanka wadeyna agtayada ayuu soo istaagey. Dadkii wexey hoosta kaga aruureen baabuurtii iyagoo hadhkeeda naf ka deyaya.

Xaalad aan la sawiri karin!

Xaaladda dadku ku sugnaa meeshaas ma sifayn karo si kasta oo aan luqadda ugu xeel dheeraado. Dadka qaar wey taahayaan, qaar dardaaran daciifa ayey dardaarmayaan, qaar waa miyir daboolmeen, qaar mana hadli karaan mana dhaqaaqi karaan. Dareewaladu wexey belaabeen iney taleefanka thurayada kula xiriiraan baabuur kale…. waa socotaa…

Qaybta 6aad ka akhri https://somalitalk.com/tag/idris/

W/Q. Muxamad Idris Axmad
hayaan@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.