SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Mutamarkii 9aad oo Minnapolis oo Habsami ku Dhammaaday

  • SomaliTalk.com | June 26-28, 2009


Sawiradii Mutamarka ee halkan ka Daawo


Maalintii koowaad ee Mutamarka (Jimce June 26, 2009):

Magaalada Minneapolis waxaa Jimcadii June 26, 2009 ka bilowday mutamarkii sagaalaad oo ah mutamar sannad kasta lagu qabto Minnesota, kaas oo socon doona saddex maalmood June 26, 27 iyo 28. Mutamarka sannadkan maalintiisii koowaad waxaa ka soo qayb galay dadweyne aad uga tiro badan intii la qiyaasayay maadaama ay ahayd Jimce oo Maraykanka ka ah maalin shaqo, sidaas oo ay tahay haddana waxaa gelinkii dambe ee Jimcadii ay dadweyne aad u farabadan soo camireen Xarunta Minneapolis Conversion Center oo ku taal faras magaalaha oo ah meesha mutamarku ka socdo. Labadii maalmood ee xigayna (Sabti iyo Axad) waxaa ka soo qayb galay dadweyne ka sii farabadan.


Sawiradii Mutamarka ee halkan ka Daawo

Mutamarka waxaa muxaadarooyinka iyo duruusta cilmiga ah lagu soo jeedinayey luqadaha Soomaali, Carabi iyo Ingiriisi oo qayb kasta meelo gaar ah loo qoondeeyay.

Mutamarku intii uusan bilaaban waxaa salaadii Jimcada lagu tukaday xarunta  mutamarku ka dhacayay. Waxaana khudbadii Jimcada akhriyay Sh. C/raxmaan Sh. Cumar oo ah iimaamka Masjirka Abuubakar Sadiiq oo ah oo ah Masaajidka isku soo dubariday Mutamarka.

  • Khudbadii Jimcada oo ku baxday luqadaha Carabiga, Ingiriisi iyo Soomaali,  qaybta AfSoomaaliga halkan Dhegeyso ama soo rogo (mp3).

Culimada ka soo qayb gashay Mutamarka

Salaaddii Jimcada kaddib waxaa bilowday mutamarkii, waakan Sh. Maxamuud Faarax Cali oo akhrinaya magacyada culimada ka soo qayb galaysa mutamarka..


Xiriirye Sh. Maxamuud Faarax Cali

Waxaana markaas mutamarka si rasmi ah u furay Sh. C/raxmaan Sh. Cumar oo soo dhaweeyey muslimiintii isugu timid goobta uu mutamarku kadhacayay. Kaddibna waxa muxaadaro cinwaankeedu ahaa "Islaamku waa naxariista Caalamka" soo jeediyay Sh. C/raxmaan Sh. Cumar, iimaamka masjidka Abuubakar Sadiiq ee magaalada Minneapolis, USA.

"Islaamku waa naxariista Caalamka"


Sh. C/raxmaan Sh. Cumar

Sheikh C/raxmaan waxa uu ku xeel dheeraaday sida Islaamku horumarka iyo guusha u gaarsiiyo mujtamaca marka ay ku dhaqmaan ammarrada Allah, oo Allah oo keliya caabudaan.

Sh. C/raxmaan waxa uu dadweynihii soo xaadiray mutamarka xusuusiyay in aysan ku xad gudbin waxyaabaha Allah xarrimay. Waxana uu ka digay arrinta ay dadku yiraahdaan ee ah "Waxaa laga xoroobaa xakaha Allah", taas oo macnaheedu yahay in ay raacayaan xarkaha shaydaanka. Allah dariiqiisa marka la raaco wanaag ayay kugu xiraysaa, taas ayaana xornimo ah waayo qofka Allah ku xirnaada waxa uu ka xoroobayaa wixii dadku ku addoonsan layaanee, waxana uu raacayaa wixii Allah amray, ayuu yiri, Qofka qabsada xarkaha Allah, waxa uu ka xoroobayaa dulliga iyo waxa makhluuqu ku addoonsan lahaayeen...

Sh. C/raxmaan waxa uu xusay in markii laga fogaaday cibaadada Allah in ay dunida ku bateen dhibaatooyinka.

Habka lagu Helo Nolol Qoys oo Wanaagsan (Qaybta Koowaad)


Sh. Aaden Sh. Cabdulle

Mutamarka waxaa wacdi ka soo jeediyay Sh. Adan Sh. Abdulle (Ibnu Taymiyah Islamic Center, Columbus, Ohio) oo ku xeel dheeraaday muhiimadda qoyska iyo sida islaamku u qiimeeyo. Waxana uu si gaar ah dadkweynaha ugu booriyay in aysan is dulmin, oo ninku uusan xaaskiisa dulmin, xaaskuna aysan ninkeeda dulmin.

Qoysku in uu burburo waxaa sabab waxaa ka mid ah:

  • Qoyska oo fududaysta wixii Allah soo dejiyey... ama aan ilaalin amarada Allah... Waxaa ugu horeeya salaadda.. salaaddu waxay reebtaa xumaan oo dhan...
  • Owlaadda/carruurta oo aan la siin tarbiyad wanaagsan.. iwm

Waxa uu aad ugula dardaarmay in carruurta tarbiyadda loo dhiso, akhlaaqdooda la dhiso, la dhiso fikirkooda maskaxiyan iyo caqligooda.. iyo. tarbiyad ijtimaaci ah...

Nadiifinta Qalbiga


Sh. C/rashiid Xasan Weli

Sh. C/rashiid Xasan Weli waxa uu bilowgii mutamarka ka soo jeediyay hadal kooban oo uu kaga hadlay nadiifinta qalbiga iyo muhiimadda ay leedahay.

Ismaalku sida uu ugu naxariistay Masaakiinta


Sh. Mustafe Sh. C/raxmaan

Sh. Mustafe Sh. C/raxmaan waxa uu muslimiinta ku booriyay in  ay gacan qabtaan masaakiinta.

Dhibaatada Sigaarka iyo Tubaakada


Prof. Maxamed Maxamuud

Prof Maxamed Maxamuud waxa uu ku xeel dheeraaday sida sigaarka digniinta loogu qoro dhulalkan, laakiin Soomaaliya marka la geeyo lagu qoro erayo soo jiiasho leh, asagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yiri: dhulkan waxaa sigaarka ku qoran digniin, cancer ayaa laga qaadayaa, laakiin marka dalkii la geeyo waxaa ku qoran "Sigaarku waa macaan yahay" oo AfSoomaali ku qoran.

Xagga dhaqaalaha waxa uu sheegay in uu curyaamiyo, isagoo xusay in baakadii sigaarka la gado 4 doolar, waxaan kula taliyay qofka sigaarka cabba in uu sigaarka joojiyo oo inta uu maalintii sigaarka ku cabi jiray uu meel dhigo oo fiiriyo inta uu sannadkii kaydinayo, oo markaas reerkiisa wax ugu qabto ama naftiisa wax anfacaya ugu qabsado.

Cudurada laga qaado isagoo tirinaya waxa uu sheegay in laga qaado kansarka gala : Ilkaha, afka, dhuunta, sambabada, kelyaha, ilmo galeenka iyo faraha iwm. Waxana uu tiriyey maahmaaho loogu maahmaaho qofka sigaarka caba, sida:

 

Khaatumada Xun iyo Khaatumada Wanaagsan


Sh. C/risaaq Xaashi

Mutamarka oo soconaya saddex maalmood (Jimce, sabti iyo Axad), maalintii koowaad waxa ay ku dhammaatay guul iyo dadweynaha oo aad ugu faraxsanaa sida wanaagsan oo loo soo agaasimay iyo sida loo soo camiray goobta mutamarku ka dhacayay oo lagu tukaday salaadii Jimcada, Casar iyo Makhrib. Mutamarka waxaa dadkii ka soo qayb galay isugu jireen rag, dumar, carruur iyo da'weyn.

Dadkii mutamarka ka hadlay waxaa kale oo ka mid ahaa gabayaa Cusmaan Ducaale oo halkaas gabay ka tiriyay.


Gabayaa Cusmaan Ducaale

Waxa khadka Video-ga lagu soo xiriiriyay Sh. Maxamed Sh. C/raxmaan Kaariye oo ka hadlay Kaalinta culimadu ku leeyihiin ilaalinta Tawxiidka.

Maalintii koowaad ee mutamarka waxaa lagu gaba gabeeyay tartan Qur'aan oo dhex maray da'yarta.

Waxyaabihii aadka loogu amaanay qabanqaabiyaashii Mutararka waxaa ka mid ahaa sida loo ilaaliyay waqtiga oo muxaadaro kasta waqtiga loogu qararay aan la dhaafin.

Gabagabadii maalintii koowaad ee mutamarka oo SomaliTalk waraysi la yeelatay Sh. C/raxmaan Sh. Cumar Dhagayso ama soo rogo


Sawiradii Mutamarka ee halkan ka Daawo

Mustaqbalka Dadka ku nool Qurbaha

Maalintii labaad mutamarka culimadii ka hadashay waxaa ka mid ahaa Sh. Maxamed Aden oo soo jeediyey muxaadaro cinwaankeedu ahaa


Sh. Maxamed Aaden

Xiriiriyahii Mutamarka


C/rashiid Barre Muuse oo ka mid ah xiriirayaasha mutamarka

Maalintii Labaad ee Mutamarka (Sabti June 27, 2009)

Islaaxa iyo Raadka uu ku leeyahay Bulshada


Sh. Cabdikhaaliq J. Ismaaciil Mire

Muxaadaro cinwaankeedu ahaa "Islaaxa iyo Raadka uu ku leeyahay Bulshada" oo soo jeediyay Sh. Cabdikhaaliq J. Ismaaciil Mire.

Xanuunada ku dhaca Qalbiga


Sh. C/raxmaan Sh. Cumar

Muxaadarooyin cinwaankodu ahaa "Xanuunada ku dhaca qalbiga" iyo oo Maqaasidu Shareeca uu jeediyay Sh. C/raxmaan Sh. Cumar

Fahamka Cibaabada


Sh. Waleed Idrees

Muxaadaro cinwaankeeduahaa "Fahamka Cibaadada" waxaa jeediyay Sh. Waleed Idrees

Sh. Mustafa oo ka Hadlay Safarkiisii


Sh. Mustafa Xaaji Ismaaciil

Sh. Mustafa oo ka hadlaya sidii looga celiyey Maraykanka oo uu mutamarka kaga qayb geli lahaa, waxana uu dadweynahii mutamarka ka soo qayb galay kula soo hadlay khadka telefoonka.

La Dhaqanka Dadka aan Muslimiinta ahayd


SH. C/laahi Ibraahim

Muxaadaro cinwaankeedu ahaa "La dhaqanka dadka aan muslimiinta ahayn" oo uu soo jeediyay SH. C/laahi Ibraahim

Maqaasidda Shareecada


Sh. C/risaaq Xaashi

Muxaadaro cinwaankeedu ahaa "maqaasida shareecada" waxaa soo jeediyay Sh. C/risaaq Xaashi

Aman Obsiye oo isu sharaxay Dawladda Hoose ee Minneapolis


Aman Obsiye

Aman Obsiye oo ah Soomaali ku dhashay Maraykanka oo isu sharaxay Dawladda Hoose Minneapolis oo ka hadlay Mutamarka

Maalintii 3aad ee Mutamarka (Axad June 28, 2009)

Sawiradii Mutamarka ee halkan ka Daawo

Sawiradii Mutamarka ee halkan ka Daawo

Habka lagu helo Nolo Qoys oo Wanaagsan


Sh. Aaden Sh. Cabdulle

Muxaadaro cinwaankeedu ahaa "Habka lagu helo Nolo Qoys oo Wanaagsan" oo uu soo jeediyay Sh. Aaden Cabdulle.

Islaamka iyo Xuquuqda Insaanka


Sh. Cabdiraxmaan Haguf

Muxaadaro cinwaankeedu ahaa "Islaamka iyo Xuquuqda Insaanka" oo uu soo jeediyay Sh. Cabdiraxmaan Haguf..

Ujeeddada Nolosha


Sh. Faruq Assamirae

Muxaadaro cinwaankeedu ahaa "Ujeeddada Nolosha" oo uu soo jeediyay Sh. Faruq Assamirae..

Iska Ilaalinta Xaaraamta


Sh. C/risaaq Abshir (Sancaani)

Muxaadaro cinwaankeedu ahaa "Iska Ilaalinta Xaaraamta" oo uu soo jeediyay Sh. C/risaaq Sancaani. ..

Senator Amy Klobuchar oo Farriin u soo dirtay Soomaalida Minnesota


Senator Amy Klobuchar

Senator Amy Klobuchar oo laga soo doorto Minnesota ayaa farriin Video ah waxay u soo dirtay mutamarka, halkaas oo dadweynahii laga tusay Video-gan fariinta ahaa. Waxaana Video-ga soo gaarsiiyey Siyaad Cali oo ka tirsan Xafiiska Sen. Klobuchar. (Video HALKAN KA DAAWO).


Siyaad Cali oo ka tirsan xafiiska Sen. Amy Klobuchar

Waxa kale oo mutamarka yimid Kerry oo ah nin reer Minnesota ah oo u tartamaya Governor-ka Minnesota.


Musharaxa Governatooraha Kerry

Hadalkii Kerry ka jeediyey Mutamarka Halkan ka dhegeyso ama soo rogo

Islaamka iyo Dhaqaalaha


Sh. C/raxmaan Sh. Cumar

Muxaadaro cinwaankeedu ahaa "Islaamka iyo Dhaqaalaha" oo uu soo jeediyay Sh. C/raxmaan Sh. Cumar ..

Dhallinyarada iyo Dhibaatooyinka haysta


Sh. C/risaaq Xaashi

Muxaadaro cinwaankeedu ahaa "Dhallinyarada iyo Dhibaatooyinka haysta" oo uu soo jeediyay  C/risaaq Xaashi.. Muxadaradan sheikhu waxa uu uga hadlay dhibaatada Internetka.

Barnaamijk  loogu talagalay Ardaydayda Qurbaha ku Kortay ama ku dhalatay


Sh. Maxamed Carab iyo Sh. Abshir C/laahi

Sh. Mohamed Carab iyo Sh. Abshir C/laahi ayaa soo bandhigay Cajal ka waramaya Taariikhda Soomaaliya iyo Nolasha Qurba jooga Maraykanka.

Taariikhda Soomaaliya ee la xusay waxaa ka mid ahaa Axmed Guray iyo Sayid Mohamed Cabdille Xassan iyo madaxdii Soomaaliyeed ka hor 1991. Dhalinta Barnaamijkaan ka qayb gashay oo xiisaynayay Maadaama lagu qaadaa dhigayey Barnaamijka luqad ay aad u fahmayaan badan kood oo ah tan wadan kaan looga hadlo oo ah  English. Waxaa ka mid ahaa Barnaamijka Dhalin yarada ka hadashay Maryan Siciid Warsame oo ka hadashay Mowduuc ay ugu magac dartay Wadankayga oo ay ula jeedo Soomaliya.


Waxaa kaloo Dhalinta ka hadashay ka mid ahaa Sahra Cumar Mohamuud oo ka Hadashay Dhibaadada Haysata Gabdhaha Soomaaliyeed Haddii ay Qurbaha joogaan iyo haddii ay ku nool yihiin Gudaha Soomaliya. Sahra ayaa mar ay ka hadlaysay Kufsiga iyo Dhibaatada loo gaysto Gabdhaha Oohin iyo ilma Qubasho ku gabagabaysay ayada oo damcan siiwadi weyday. Waxaa kaloo ka hadlay Mohamuud Cawil Mohamed oo ka Hadlay Taariikhda Saxaabiga la Yiraahdo ilaahay ha ka raali noqdee Salmaan Faarisi. Mohamuud yare waxuu dhalinta ama dhalin yarada qurba joogaa ku dhiira galiyey in ay bartaan Taariikhda Saxaabada iyo Taabiciinta iyo Dadka Islaamka wax ugu fadhiya waxuuna Xusay dhalin yarao in ay aad iskugu howlaan Taariikhda dadyoga kale taas oo aanan Macno badan ku fadhiyin barnaamijkaan oo aad u xiisa badnaa  waxaa kaloo looga hadlay  Wax Barasha da iyo in waaridiintu ka warqabnaa ilmahooda kana qayb galaan Shiirar ka looga hadlayo Mustaqbalka ilmahooda

Macalimiinta Qur,aan ka ilmaha Barta ee Abubakar sadiiq oo Qiraa ooyin kala Gadisan ka Akhriyey Mutamarka

Macaliimiinta ayaa soo bandhigay aqoontooda asaga oo macalin katsa soo akhriyey Qiraa'o gooniya ama gaara Sawirada hoose kan ugu horeeya dhanka bidix waa Sh C/naasir Mohamuud Faarax.. Kisaa'i, Waxaa ku xiga Sh Saadiq Ahmed Khaliif oo Marti noo ahaa kana yimid Canada Waxuu akhriyey Xafso waxaa ku xigay Sh C/xakiim Gaadley oo asna marti noo ahaa waxuu ka yimid Gobalka Ohio. Sh Hassan Mohamuud waxuu akhriyey Qiraa'ada Khalaf Alcaashir. waxaa barnaamijka Macaliinta isku soo duba riday Abubakar Sh C/naasir Yuusuf Cali/

Qiraa'adii Quraanka ee Macallimiinta:




 Sh C/naasir Yuusuf Cali

Waxaa abaalmarin la siiyay dhallinyaradii ku guulaysatay tartanka quraanka kariimka, ayadoo kii galay kaalinta koowaad la siiyey lacag gaaraysay 4500 doolar.

Dhinacaha caafimaad ka iyo Xuquuqda Qofka Muslimka ah leeyahay

Sidoo kale Dhinaca Caafimaad iyo Xuquuqda Qofku leeyahay ayaa looga hadlay Mutamarka maalintii 3aad, waxaa Cafaimaadka ka hadlay gaa ahaan AUTISM, Abdiwahab Cumar Khaliif ayaa ka hadlay oo sheegay in uu ka qayb galay Shirar badan oo ka dhacay Magaalada Chicago asaga oo xusay in Cudur kaan Daawo uu leeyahay.


Abdiwahab Cumar Khaliif  iyo Abukar Carmaan

Waxaa kaloo ka hadlay Xuuquuqda Qofka Muslimka ah ee Maraykan ka ku nool  Abukar Carmaan oo ka Socday CAIR ahna Soomali waxuu sheegay in looga baahan yahay qofka Muslimkaa in uu barto Xaquuqda uu leeyahay.

Cabdiwahaab Cusmar Khaliif oo ka hadlaya Caafimaadka/ AUTISM:

Abukar Carmaan oo ka hadlaya xuquuqda qofka muslimka ah ee ku nool maraykanka


Tartankii Quraanka oo Live ahaa...


Sh. Maxamed Cabbaas

Gabagabadii waxaa hadal koobansoo jeediyay guddoomiyaha mutamarka Sh. Maxamed Cabbaasi oo u mahad celiyey dhammaan ka soo qayb galayaashii, culamadii iyo dhammaan dadkii ka qayb qaatay hirgelinta iyo qabsoomida iyo hawl socodka mutamarka. Waxa kale oo uu u mahad celiyay SomaliTV, Halgan iyo SomaliTalk oo si toos ah u tebinayey mutamarka.


Sh. Cumaar Cabdiraxiim

Waxaa kale oo gabagabadii mutamarka dardaaran kooban soo jeediyay Sh. Cumar C/raxiim oo aah Director-ka masjidka Abuubakar.

Mutamarkan oo si weyn looga soo qayb galay ayaa guul iyo nabad galyo ku dhammaaday.

Farsamadii Eng. Maxamed Cali

iyo

Sawirada iyo codad duubista

Ustaad C/wali Bashiir dalboon, Minneapolis, MN
 

Faafin : SomaliTalk.com | June 28, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version