SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACADA BADDA SOOMAALIYA

Heshiiska Badda ee Soomaaliya iyo Kenya “waxaanu si rasmi ah war uga soo saaraynaa marka uu dhanka dawladda Federaalka ka soo dhammaado”: Wasiiru-Dawlaha Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka u qaabilsan Puntland

SomaliTalk ayaa October 12, 2009 magaalada Minneapolis waraysi kula yeelatay wasiiru-dawladaha Dastuurka iyo arrimaha Federaalka ee Puntland, Dr. Cabdi Xasan Jimcaale, waxana uu sheegay in  Puntland ka soo horjeedaan Heshiiskii isfaham ee dhexmaray Soomaaliya iyo Kenya, ayna mowqif rasmi ah ka soo saari doonaan, ayna u danaynayneyaan halka ay jirto danta ummadda Soomaaliyeed.

“Waxa uu ka mid yahay waxyaalaha aan is leenahay dawladda Federaalka in ay saxdo ayaa looga baahan yahay, oo ah wasiiradaan oo ay dhici karto mararka qaarkood wax Mandate ayagoo aan haysan si kale u fekera oo u saxiixa heshiisyo caalami ah ayagoo aan wadan khubaradii loogu talo galay kiiskaas in ay ka kaalmeeyaan, oo dhankii farsamada ka arradan, ayuu ka mid yahay heshiiskaas xagga lagu galay, naftarkiisana anagu waa ka soo horjeednaa, sida shacabka Soomaaliyeed uu u diidayba,” ayuu yiri Dr. Cabdi Xasan Jimcaale.

d114Arrimaha heshiiskaas xukuumadda Puntland makala hadashay dawladda Federaalka ama Kenya qudheeda ama UN-ta, haddaad la hadasheen maxaad kala kulanteen, waxa uu ku jawaabay:

“Waxaan sugaynaa in uu ka soo dhammaystirmo dhinaca dawladda Federaalka ah, oo ka soo dhammaado dhinacooda, ilayn sidaad ula socotid dawladda Federaalka waxay ka kooban tahay hay’ado kala duwan, hay’adahooda marka hore iyagaa isku mashquulsan, bal iyaga haka soo dhammaato, markaas ayaa Puntland go’aan keeda qaadanaysaa.”

Maxaad u malaynaysaa inay ku kallifayso Dawladda Federaalka in ay ku adkaysato heshiiskaas, maadaama aqoonyahanno iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed ay muujiyeen in uusan faa’iido u ahayn Soomaaliya oo lagu waayi karo 116,000 kiiloomitir oo laba jibbaaran, baarlamaankuna uu diiday, Dr. Cabdi Xasan Jimcaale waxa uu ku jawaabay:

“Anagu waxaan markasta eegaynaa danaha shacabka Soomaaliyeed guud ahaan, Puntland waxay ka mid tahay gobolka ugu weyn marka loo eego xagga xeebta, ama marka loo eego masaafada dhuleed ee ay ku fadhido Soomaaliya oo dhan, xeebtayadu waa 1400 ilaa 1600km, waa xeebta ugu weyn, marka walwal weyn waa nooga jiraa dhaqanka noocaas ah oo lala galayo dawlado shisheeye, waana ka xunahay, waana ka soo hor jeednaa, laakiin waxaanu si rasmi ah war uga soo saaraynaa marka uu dhanka dawladda Federaalka si rasmi ah uga soo dhammaado.”

Heshiiskii DFKMG iyo Jabuuti  waxay Puntland iska taagtey mowqif cad, haddaba maxaa Puntland mowqif cad isaga taagi weydey heshiiska DFKMG iyo Kenya, waxa uu ku jawaabay:

“Dabcan dawladu xaashaa lillahi ee waa laga hadlay, wasiiradu waa ka hadleen, in aan la socotid iyo in kale ma aqaan, laakiin arrinta aan ka hadlayno waxay tahay oo keliya in marka hore iyagaa isku diidan dhexdooda baarlamaankoodii, dawladdii ayaa isku diidan, madaxweynahii waxa uu weli saxiixay ma jirto, marka dawladda Puntland xaq ayey u leedahay in ay ka fiirsato, laakiin macnahii ma aha in dawladda Puntland ay raali ka tahay heshiiskaas saxiixiisii, idaacadahana way ka sheegtay, wayna ka hadashay, Puntland-na markasta waxay u danaynayneysaa halka ay jirto danta ummadda Soomaaliyeed, xaashaa lillahi”

d112

Markii SomaliTalk wax ka weydiisay in heshiiskan la barbar dhigi karo kii caruusha ee 1967, Dr.Cabdi Xasan Jimacaale waxa uu yiri: Anagu is-barbardhig ma samaynayno, laakiin mowqifka Puntland waa cadyahay, mowqif waxaa weeye ka soo horjeeda in cad yar oo hal-mitir ha noqotee ee geyiga Soomaaliya ah in aan la bixin, oo isku xirnaantii iyo midnimadii dhulka Soomaaliya in uu muqadas yahay.

Wasiiru-dawladaha Dastuurka iyo arrimaha Federaalka ee Puntland, Dr. Cabdi Xasan Jimcaale, waxa booqasho ku yimid magaalada Minneapolis halkaas oo uu kaga qayb galay shirka qurba-joogta Puntland.

Waxaa waraysiga qaaday
Cabdiwali Dalboon
SomaliTalk.com Minneapolis

Faafin: SomaliTalk.com | Monday, October 12, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version



Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri