Home » Archive Bisha February, 2015

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulan la qaatey Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Feb 28, 2015
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke waxaana kulankaas looga hadlay maamul u sameynta Gobollada Hiiraan, Shabeellada Dhexe iyo Banaadir iyo dagaallada ka socda Guriceel ee Gobolka Galgaduud Kulanka kaddib ayaa waxaa warbaahinta uga warbixiyay wixii Raiisul Wasaaraha Soomaaliya kala hadleen,... 

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Qorshaha dowladda, Qaraxii Hotel Central iyo gurmad loo fidinayo dhaawacyadii.

Feb 28, 2015
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka caadiga ah ee Golaha Wasiirada, waxaana looga hadlay Xaaladda caafimaad ee dadkii ku wax yeeloobay weerarkii waxashnimo ee Nabad diidku ay ku qaadeen Hotel Central, Xaaladda guud amniga dalka iyo qorshaha Xukuumadda ee sanadka 2015 iyo 2016. Ugu horeyntii, golaha Wasiirada... 

Wada hadaladii Magaalada Istanbul ugu furmi lahaa Dowladda Federaalka iyo Maamulka Soomaaliland oo dib u dhac ku yimid.

Feb 26, 2015
Waxaa Dalka Turkiga Caasamadiisa Stanbul oo shaley la filayey in uu ka furmo Shir ay yeelan lahaayeen Dowladda Federaalka iyo Maamulka Soomaaliland , Shirkaas ayaa waxaa uu soo marey heerar kala duwan iyadoo kulankii ugu dambeeyey uu ka dhacay Magaalada Jabuuti halkaa oo isku arkeen Madaxweynaha Dowladda Fedeaalka Xasan Shiikh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Axmed Mxamuud... 

Magaalada Istanbul uu ka furmayo Shirkii Dowladda Federaalka iyo Maamulka Soomaaliland

Feb 25, 2015
Waxaa Dalka Turkiga Caasamadiisa Stanbul maalinta beri oo taariikdu tahay 26-2-2015 uu Shir ugu furmaya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Soomaaliland , Shirkaas ayaa waxaa uu soo marey heerar kala duwan yadoo kulnakii ugu dambeeyey Magaalada Jabuuti isku arkey Madaxweynaha Dowladda Fedeaalka Xasan Shiikh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Axmed Mxamuud Siilaanyo. Waxaa... 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Abdusalam Hadliye oo qaabilay Safiirka Turkiga u qaabilsan Soomaaliya.

Feb 24, 2015
Mogadishu, February 24, 2015 – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Safiirka Jamhuuriyadda Turkey u qaabilsan Soomaaliya ambassador Olgan Bekar oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal ka dhaxeeya iyo iskaashiga dhaqan , dhaqaale iyo milatari . Kulankan oo la isku dhaafsaday... 

R/Wasaare Cumar ayaa saaka booqday dhaawacyadii ku jiray Isbitaal Digfeer

Feb 23, 2015
Muqdisho, Feb 23, 2015…… Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa saaka booqday Isbitaal Digfeer oo ay ku jiraan qaar kamid ah dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay weerarkii 20-kii bisha ay kooxda arxan laawayaasha ee Al-Shabaab ku qaadeen Hotel Central . Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay Maamulka Isbitaal Digfeer,... 

Magaaladda Baled Weyne oo Martigelineysa Madaxweynihii Labaad oo Afrikaan ah 40 Sanno ka dib.

Feb 22, 2015
Waxaan ka mid ahaa Ubaxii Kacaanka ee ku Soo dhaweeyey Magaalada Baled Weyne ee Gobolka Hiiraa Sannadkii 1975 Madaxweynahii Hore ee Dalka Uganda Iidi Amiin Daada oo Waqtigaas si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Baled weyne. Maanta oo ay bishu tahay 22 Febraayo 2015 waxaa Magaalada Beled weyne Booqasho ku tagey Madaxweyanaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyadoo Magaalada Baled weyne lagu... 

RW. Cumar ayaa dalka dib ugu soo noqday, kana hadlay weerarkii shalay lagu qaady Hotel Central

Feb 22, 2015
Mogadishu Feb. 21, 15….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke, ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay, isagoona ka hadlay weerarkii Argagixiso ee shalay kooxaha Nabad diidku ay ku qaadeen hotelka Central, wuxuna tacsi u diray ehelkii, Qaraabadii iyo Qoysaskii ay ka baxeen dadkii shalay ku dhintay weererka, isagoo alle uga baryay kuwii ku dhaawacmay... 

Taariikhdii Marxuum Cabdishakuur Mire Aadam

Feb 21, 2015
Innaa lillaahi wa inaa illayhu raajucuun Illaahay Naxariistii jano haka Waraabiyee Waxaa Qarrixii Feb 20, 2015 gilgiley bartamaha Muqdisho ku geeriyoodey Marxuum Cabdi Shakuur Mire Aadam. Taariikh Nololeedkii  C/shakuur Mire Aadan Ilaahay Naxariistii Janno ha siiyo Marxuum Cabshishakuur Mire Aadan wuxuu ku dashay Degmadda Qandala ee Gobolka Bari, 1963dii.Waxbarshada Dugsiga hoose wuxuu ka bilaabay... 

War degdeg ah: Qarax ka dhacay Muqdisho

Feb 20, 2015
Faahfaahin ku saabsan Qarax lala beegsadey Hotelka Central ee ku dhow Xarunta Madaxtoooyada oo Dhimasho iyo Dhaawac uu ka soo gaarey Masuuliyiin ka tirsan Dowladda… Gaari laga soo buuxiyey Waxyaabaha qarxa ayaa waxaa uu ku hor qaraxay Hotellka Central kuna dhow xarunta Madaxtooyada haddii aan sii tilmaamo waxaa uu ka soo horjeedaa Taaladii Xaawo Taako , sidoo kale waxaa ku dhegen Maktabadii Qaranka... 

Hanaanka Federaalka oo la Dhaliiley

Feb 19, 2015
Ugaas Maxamed Wali “ In Hargeyso loo diido Dr Macow, Rag Ingiriis ahna lagu soo dhaweeye waxaa keeney Federaalka” “ Cabdiweli Cali Gaas waxaa Xabsiyo kala duwan ku Xukumey Rag tagey Cadaado, isaga waxaa uu Xarun ka dhigtey Adis Ababa” Iyadoo Soomaaliya ay kamid tahay Wadamada qaaday Hanaanka Federaalka ayaa Qaadashada iyo sida Dowladda Soomaaliyeed ay ugu dhaqanto Fedaraalka waxaa dhaliil ka... 

Arday Tababar Saxaafadeed Ka Dhammeysatay Machadka Somali Media Academy

Feb 17, 2015
Illaa 120 Saxafiyiin cusub ayaa tababar ugu soo gabagaboobey magaalada Muqdisho, iyaga oo ka aflaxay Machadka Somalia Media Academy oo ku xeeldheer tababarista iyo laylinta xirfadlayaal Saxaafadeed. Xaflad lagu qabtay xarunta Machadka ayaa waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin kala duwan oo ay ka midyihiin xeeldheerayaal saxaafadeed, xildhibaano iyo barayaal jaamacadeed,ururada Shaqaalaha iyo Hey’adaha... 

Dhacdo Xanuun badan wax u Garaabana weysey.

Feb 15, 2015
Magaceeda Saxda ah waa Xaawo Yuusuf Xasan waa 27 jir Soomaali ah ku soo barbaartay Miyiga waxa ay heysataa wiil yar oo ay Miyiga uga soo tagtay hadda , hooyadeed iyo aabaheed waxa ay ku weysay dagaaladii sokooye ee ka dhacay dalka Soomaaliya waxaa la dhalatay sida ay ii sheegay labo gabdhood oo Yamen Iyo Kenya ku kala nool, marka ay magaalada soo maciin biday waxa ay u janjeersatay soo ridashada... 

Dr. Abdisalam Omar Hadlie oo xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda kala wareegay Dr. Abdirahman Beileh.

Feb 14, 2015
Mogadishu, February 02, 2015 – Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda H.E. Dr. Abdisalam Omar Hadlie ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaradaasi Dr. Abdirahman Dualeh Beileh oo hayay xilkaasi muddo sanad ah . Xaflad ka dhacday Xarunta Wasaardda Arrimaha Dibadda ee Magaalada Muqdisho , kana qeybgaleen Kusimaha Ra’iisul wasaaraha ahna Ra’iisul wasaare kuxigeenka... 

Xildhibaan ka tirsan congresska USA oo Dowladda Mareykanka u soo jeediyey in ay ka laabato Go’aankii ay Xayiraada ku saartey Xawaladaha Soomaalida

Feb 14, 2015
Keith Ellison oo ah Xildhibaanka oo ah Xildhibaanka kaliya oo Muslim ah oo ku jira Kongareska Mareykanka lagana soo doorto gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, oo ka hadlayay Congess-ka Mareykanka ayaa u soo jeediyey Xukuumadda Mareykanka inay dib uga laabato go’aankii lagu xiray xawaaladaha Soomaalida Mareykanka , Xildhibaanka ayaa sheegey in Xayiraada lagu soo rogey Xawaalada Somaalida ay... 

Golaha Degaanka Minneapolis Oo Ansixiyey Qaraar Lagu Taageerayo Xawilaadaha Somaalida

Feb 12, 2015
Feb. 11, 2015 (Minneapolis): Mudanayaasha golaha degaanka magaalada Minneapolis oo maanta kulan ku yeeshay xarunta maamulka magaalada Minneapolis ayaa ansixiyey qaraar ku saabsan taageerida xawaaladaha Somaaliyeed ee dalka Mareekanka. Qaraarkaan oo ay si wadajir ah usoo gudbiyeen gudoomiyaha Degmada 6’aad Abdi Warsame iyo Madaxweyne kuxigeenka golaha degaanka Elizabeth Glidden ayaa ugu baaqay... 
Halkudheg:

RW. Ku Xigeenka XFS Maxamed C. Carte ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid Ra’iisul Wasaaaraha Hooyadiis

Feb 12, 2015
Muqdisho, 12, Feb, 2015….Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cumar Carte, xubnaha Golaha Wasiirrada iyo Xoogahayaha Joogtada Xafiiska Ra’iisul W, Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxay tacsi u dirayaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya, Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo hooyadiis Allaha u naxariistee Marxuumad Ruqiyo Macalin... 

Safaarada Ingiriiska Muqdisho: 2015 – Waa Sanad Muhiim u ah Soomaaliya

Feb 11, 2015
Halkani waxaan idinkugu soo gudbinaynaa warqad uu Safiirka Ingiriiska Soomaaliya HMA Neil Wigan uu soo qoray oo uu kaga hadlayo xaalada Soomaaliya iyo sanadka 2015 oo uu la wadaagay saxaafada Soomaaliya ka howlgasha oo uu soo saaray 11 Febraayo 2015 Bilawga Sanadka waa waqti ah in dib loo eego wixii horumar ah oo la gaaray. Horumar badan ayaa la gaaray sanadkii aanu soo dhaafney ee 2014 iyo Soomaaliya... 

Ra’iisul Wasaare Cumar oo shir guddoomiyay kulankii ugu horeeyey ee golaha Wasiirada Cusub.

Feb 10, 2015
Muqdisho, Februari 10, 2015—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa maanta shir guddoomiyay kulankii ugu horeeyey ee ay yeeshaan xubnaha golaha Wasiirada ee shalay la dhaariyay, waxaana kulanka diiradda lagu saaray qaabka ugu haboon ee ay golaha Wasiiradu ula wareegi lahaayeen Xafiisyada Wasaaraddahooda. Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid,... 

Xukuumaddi Tiro badan ee Cumar Cabdirashiid oo Codka Kalsoonida ka heshey Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Feb 9, 2015
Kulankii Baarlamaanka ee maanta oo ku soo beegmey Xili Barqadii Muqdisho lagu diley Xildhibaan ka tirsasn Baarlamaanka … Iyadoo Laba jeer uu Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Cumur Cabdirashiid uu soo magacaabey Gole Wasiiro ayaa waxaa maanta oo ay biishu tahay 9-2-2015 uu kulan isugu yimid Golaha Baarlamaana kaasoo uu shir Gudoominayey Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari , waxaana kulanka maanta uu... 

RW. Cumar oo cambaareeyey dilkii saaka loo gaystay xildhibaan Cabdullahi Qayad Bare

Feb 9, 2015
Muqdisho, 9 Feb, 2015….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke ayaa si kulul u cambaareeyey dilkii naxariis darada ahaa ee saaka loo gaystay Xildhibaan Cabdullahi Qayaad Bare, “Waxaan u dirayaa tacsi tiiraanyo leh Ehelkii, Qaraabadii, Saxiibadii, dhamaan shacabka Soomaaliyeed iyo Xildhibaanada Baarlamaanka, dilkii loo gaystay Xildhibaan... 

RW. Cumar: “Go’aanka Bangiyada Maraykanku waxay horseedi karaan dhibaato kale oo bini’adamnimo oo dalka soo food saarta”

Feb 8, 2015
Warsaxaafadeed Muqdisho, February 8, 2015….Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa ugu baaqay bangiyada dalka Mareykanka in ay ka laabtaan go’aanka ay ku xirayaan xisaabaadka xawaaladaha Soomaalida ee dalka Maraykanka. Waxana uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed intooda badan ay noloshoodu ku tiirsan tahay adeegga Xawaaladaha oo ay lacago usoo marsiiyaan eheladooda... 

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Wadajir Ula Kulmay Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed, Jubbaland, Xildhibaanno Iyo Odayaal Dhaqameed

Feb 7, 2015
Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa si wadajir ah xalay kulan ula qaatay Madaxweynayaasha Maamullada KMGka ah ee Koonfur Galbeed,Jabbaland,Xildhibaannada heer Federaal ee kala metela shacabka labada maamul goboleed,Odayaal Dhaqameedyo iyo dhalinyaro. Kulankan oo ahaa mid wadatashi iyo is xog wareysi ah ayaa ka dhacay xarunta Villa... 

Council Member Warsame urges federal action on money transfer issue that adversely impacts many Somali American residents in Minneapolis

Feb 7, 2015
Office of Sixth Ward City Council Member Abdi Warsame News Release Contact: Abdi Salah, 612-673-3315 Feb. 6, 2015 (MINNEAPOLIS) Minneapolis City Council Member Abdi Warsame is calling on federal agencies to quickly find solutions to a critical, developing issue that affects the local Somali community’s ability to send funds to their families in Somalia. Each year, Somali Americans in Minneapolis... 

Cumar C/rashiid oo soo magacaabay gole ka kooban 66 isugu jira….

Feb 6, 2015
Ra’iisul wasaaraha DfS ayaa soo magacaabay gole wasiiro oo ka kooban 66 isugu jira wasiiro, wasiiru dawlayaal iyo wasiir ku xigeeno. Hoos ka akhri warsaxaafadeedka RW. Cumar oo caawa soo dhamaystiray golaha Xukuumadda. Muqdisho, Feb.5,2015….Xog-hayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Cali Nuur, ayaa saxaafadda u akhriyay digreeto kasoo baxday Ra’iisul... 
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...