Home » Faallo »

Socdaalkii Geerida Soomaaliya ilaa Yurub (3) | W/Q. Muxamad Idris Axmad

((Maaha Riwaayad beena ee waa sheeka dhaba oo dhacday. Qofka ay qisadu ku socoto waa mid ka mida kumanyaal Soomaaliya oo qaarna meelahaas ku dhinteen qaarna ilaahay sabata bixiyey.Waxyaabaha aad ku arki doonto waxaan usoo gudbiyey sida dadkii ay ku dhacday uga warameen..Waxaan ku leeyahay oo keliya waa inaan usoo gudbiyo qaab quruxsan intaan awoodo, laakiin asalkeeda aanan waxba ku kordhin.Waxaan rajaynayaa iney noqoto wax lagu cibra qaato.Laysna weydiiyo: Yaa Masuul ka ah dadkaasu iney dalkoodi ka bara kacaan, oo dariiqa geerida door bidaan?))

Qormadii hore: https://somalitalk.com/tag/idris/

Waxaan soo gaarney anagoo banaanka nala tubay oo askartii suudaanta meesha nagu qabatay. Anigaa la ii yeeray oo layiri ka tarjum. Dadku waa 76 qof oo Soomaaliya oo hal gaari lagu guray. Askartii ayaan waxaan ku iri: Nimanyohow anaga Soomaali masaakiina oo tahriibeysa, oo adduunkaa Ilaahay calaf ka doon ah ayaanu nahay, dhib idiin ma wadno, waxna ma haysanno. Askarta ninkii u madaxda ahaa: Waan ognahay inaad tahriib tihiin, dhibna idin lama rabo, laakiin qofkiiba $100 ha bixiyo waa idin sii deyneynaa, haddii kale, dib ayaanu Khartuum idiinku celineynaa. Waxaan ku iri: Ikhwaanii dadku muddo ayey hadda safar kusoo jireen, duurka rafanayeen, sahaydiina waa ka dhamaatay, waxba haystaan waa dad masaakiin ah. Wuxuu yiri: Idinkey idiin taallaa.. Qofkiiba $100 ha bixiyo, dumarka ayaanu idiin dhaafeynaa. Sidaan nimankii u gor gortameyney, waxaan isla gaarney, $20 qofkii iney ka qaataan, dumarkana iska dhaafaan. Lacagtii ayaan u ururinay, markaas ayey yiraahdeen: Fuula gaariga.

ALLAHAYOW MAXAA NOO QORAN!

Qofna waxa looxa loogu qoray ma oga. Markaanu is niraahno dhibkii wuu dhamaaday oo waa la soconayaaba waxaa noo bilawday bog cusub oo kii hore ka daran. Dad badan oo tahriibka soo marayaa ma oga waxa la marayo si maalin maalin ah, waxaa looga dulmaraa uun dhib ayaa jira. Sidan xitaa annagu marna uma suuraysan, laakiin maalinba maalinta ka dambaysa wey kasii adagtahay.

80 KM maalintii oo dhan!

Maalintii oo dhan waxaan soconey wax aan ka badnayn 80 km. Ka dibna gabbalku markuu noo dumey ayaa la yiri halkan ayaa la baryayaa, caawa, oo baabuurtii Liibyaanka ayaa halkan innoogu imaaneysa. 3 Gaari ayaa la keenayaaoo laydinku kala qaybinayaa. Laakiin subixii waxaa la helay hal gaari oo Landcruiserka (Cabdi Bile) Soomaalidu u taqaan, Annaguna waxaanu nahay 76 qof. Waxaa la yiri, labadii gaari oo kale goor dhow ayey imaanayaan ilaa galabta, gaarigan haddana qaybi hasii raacdo. Koox 27 qof ah oo wada socotey oo isku jicsin ahayd ayaa gaarigaas raacday. Mar dambe ayaan ogaaneynaa iney naga nasiib wanaagsanaayeen. Qofna waxa u qoran ma dhaafi karo.

16 MAALIN IYO GAARIGA HOOSTIISA!

Gawaaridii kale galabta ama berri ayey imaaneysaa wexey noqotay 16 maalmood inaanu meeshaas fadhino! Maalinba maalin nalooku dhiibo. Meesha aanu joogno, geed kuma yaal. Waa saxaara cidla ah dhul kaa dheer cir kaa dheer! Haddaad dhinac kasta u socoto, qoray qalalan inaad hesho lagama yaabo. Maalin walba qofka waxaa la siiyaa: 4 xabo oo balaxa (timir busura)iyo hal kabbasho oo biya ah, 24 saac qof walbaa intaas ayuu leeyahay. Maalinta oo dhanna wax kale indha saari mayo. Dadku maalma ka dib tabar darro iyo xanuun ayey la daateen. Qaar ayaa suuxsan, qaar ayaa taahaya, qaar ayaa xanuunsan, gaar ahaan dadkii sigaarka cabbi jirey oo dhibaata weyni qabsatay. 16ka maalmood, hal habeen ayey bariis qalalan dadka u kariyeen, hal maalinna qorya raadsada ayey dheheen shaah aan idiin karinee? Saxaaraha ayaa intayadii socon kartey ku yaacday, hal qorina waa lasoo waayey dab lagu shito.

BANI AADAM BAHAL ISU BEDELEY!

Waxaa la yaab leh, Bani aadamku marka diinta iyo dareenku ka dhamaado inuu isu bedelayo bahal aan haba yaraatee wax naxdina iyo naxariisa midna lahayn.

Nimanka dareewalada iyo shaqaalohooda iyo ninka safarta tahriibka hoggaaminaya ee Suudaantaa wexey wataan (neef weyn oo lo’a hilibkiis) oo la qallajiyey, oo baabuurka korkiisa u suran. Hadba xoogaa ayey goostaan oo karsadaan, maraqiisana cabbaan, hilibkiisana cunaan. Hal Kabbasho qofna uma taagaan. Dadkii oo meesha daadsan oo indhaha kusoo eegaya oo dhimanaya ayey halkaas kore dabkooda ku shidanayaan, waxna ku karsanayaan. Meel aad u cararto ma taqaan, gabdhihii ayaa yiri waan soconeynaa, markey cabbaar socdeen oo haddeey 100 km socdaan aaney geedna arkayn ayey soo noqdeen! Habeenkii dadka intiisa badan gaariga hoostiisa ayey jiiftaan, maalintiina meesha ayaa lawada harsadaa. Dadka intiisa badan maba dhaqaaqi karaan oo naftii ayaaba kalxamaha u taagan. Qof qof ayaa weli dhaq dhaqaaq ku sii yar yahay.

Maalintii 17aad

Subixii 17aad ee aanu goobtaas fadhiney ayaa la yiri, baabuurtii Liibiya ka imaaneysey waa diyaar, soo fuula meel dhow ayeynu ugu tegeynaa. Waa soo luudnay, gawaarida dadka qaar maba fuuli karaan, waa in la qaado, qaarna naf weyn maba hayaan. Waxaanu nimi 2 buurood oo yar yar dhexdood, halkaas oo aanu ugu nimi 2 gaari oo kuwa soomaalidu u taqaan (cabdi bile) ah. Waa nimankii Liibiyiinta ahaa ee nagala wareegi lahaa Suudaanta.

Wajiya Cabsi leh!Gadasha cusub!

Nimanka Liibiyiinta ee 2da gaari wadaa waa 5 nin. Waa niman dalka Chad iyo Liibiya u dhexeeya, oo mad madow. Waa niman wajigooda laga boqo oo naxariisi aaney ka muuqan. Guul guulka iyo canaanta iyo hadalka ayaad durba ka garaneysaa waxa ka dambeeya. 2da gaari ee cabdi bile, xagga liibiya ayey u jeedaan. Gaarigii looriga ahaa ee Suudaantu wadateyna wuxuu u jeedaa xagga Suudaan. Waxaa u dhexeysa masaafo aan ku qaddari karno 25 ilaa 30 mitir. Gaarigii Suudaanta haddii aan kasoo deganney ee dhulka nala tubay, waxaa nala hadlay ninkii Suudaanta u weynaa, wuxuu yiri: Nimanka Liibiyaanka Lacag cusub ayey rabaan! Waayo kharash cusub ayaa lasoo galay. Waana arrin ay isla ogyihiin kooxahaan wax tahriibiya, mid kastaa markuu kan kale gacanta kuu gelinayo ayuu kaa iibsanayaa!! Maxaa yeelay wax damaana ah ma jiraan, wax lagaaga baqayana ma leh. Haddaad meesha ku dhimato, iyo haddii lagugu hilmaamo, cid iskaa weydiineysa malaha. Xagga ehelkaagi iyo Soomaalidana waxaad tahay nin tahriibka ku dhintay, haddiiba lagu ogaado oo lagu soo sheego. Cid aad u qorantahay, cid la xisaabtameysa nimankaan, cid ka dambaysa oo ay ka baqayaan, midna ma jiro. Waxaa la yiri, 2 kooxood ayaa laydiin qaybinayaa, qayb kastaa gaari ayey fuuleysaa. Qola kastaa $1000 ayey bixineysaa.

Ka jab:

Anagii ayaa is qabanay. Qolo wexey tiri, lacagtii weynu soo bixinay ilaa liibiya, mexey tahay lacagta cusub ee aan bixineynaa. Qolona wexey tiri, war meeshaan waa saxaara cidla ah, wax aynu qaban karnaana ma jiraan, aan lacagta iska bixino. Qoladaasu maba daahin, koox wada socota ooh al qoys u badan ayey ahaayeen, lacagtiina kaash ayey u bixiyeen. Annaga kooxdayada qaarkood lacagba ma haystaan. Anaaba ka mid ahaa oo 20 doolar ayaaba aan lacag markaa ka haystaa.

SURWAALKA LAABKIISA HOOSE:

Lacagaha meela adag oo hoose oo doqon ma garata ah ayaa la gashadaa. Sidaa surweelka laabkiisa hoose oo lagu tolo, iwm. Ninkii Suudaanta Watey ee (Sammaani) ayaan la gor gortamay, waxaanu is jiid jiidnaba waxaan la gaarey kooxdayada inuu ka qaado $400. Ka dibna markaan u dhiibey wuxuu iisoo celiyey $50 maadaama aan turjumaan u ahaa, oo igu yiri, adigu jidka ku mar.

Gaarigii Eritreanka:

Xaaladdu markey halkaa mareyso nimankiina aanu kala baxnay qoladii Suudaantu ay kuwii kale nagu wareejiyeen, laakiin aan weli gawaarida la fuulin, Suudaantiina ay weli taagantahay, waxaa qolada Liibiyaanka u yimi gaari kale oo cabdi bile ah, oo dad Eritrea ah wadey oo meel dhow intuu kusoo daadiyey, kuwan u yimi si ay isula jaan helaan. Dhinacooda ayuu gaarigii soo istaajiyey xagga Liibiya isagoo u jeeda, oo matoorku u shidan yahay ayuu kasoo degey, albaabkuna waa u furnaa. Kuwa annaga na qaadi lahaana wexey ku foororeen shag baabuurta mid ka mida ka halaysan oo ay hagaajinayeen. Wuu soo dul istaagey, isagoo leh miyeydaan dhaqsanayn? Suudaantiina xaggaas meel ah ayey weli taagan yihiin, oo iney dhaqaaqaan ayey isu diyaarinayaan, annaguna dhexda ayaan tubannahay.

JABHADDA CADLI WAl MUSAAWAAT WAATAN MUDH SOO TIRI!

Iyadoo sidaa loo yaallo, waqtiguna galab yahay, casarkii galay, ayaa halkaa waxaa kasoo mudh yidhi gaari cabdi bile ah, oo ay saarantahay koox askar ah oo tobaneeya ah, oo hubaysan, oo Jabhadda Cadli Wal Musaawaat ee Suudaanta Mucaaradka ku ah. Daqiiqado yar kadib wexey kasoo daateen gaarigii iyagoo meesha isku hareereeyey. Qaar wexey markiiba qabteen Gaarigii Suudaanta gacanta ayeyna ku dhigeen. Kuwa kalena dhinaca kuwii liibiyaanka ayey soo aadeen. Ninkii watey gaariga Eritreanka ah, gaarigiisu wuu shidnaaye, markiiba shirka ayuu ku boodey, marshuuna geliyey oo luguhuu wax ka deyey! Waxaa ka daba boodey oo gaariga dushiisa haleelay laba nin oo kale oo kuwii na wadi lahaa ah. Gaari xoogaa cusaybana wuu ahaaye, caguhuu wax ka deyey. Gaarigii Jabhadda oo dhawr nin saarantahay ayaa ka daba tegey xabadana ku ridey. Gaariga Jabhadda Qori weyn ayaa saaran, sida kuwa Soomaalidu ku dagaalantu oo teknikada loo yaqaan.

Wax yar ka dib, qadar 20 daqiiqadood ah, ayaa Gaarigii Jabhadda oo Gaarigii cararay soo qabtay soo noqday . Durawalkii Eritreanta wadey furihii gaariga ayaa laga qaaday, nin Jabhadda ka mid ah ayaa loo dhiibey oo lagu yiri: Gaarigan kexee oo saldhigii geey..Sidaas ayaa Gaarigii cararka damcay lagu qaniimaystey.

Suudaantii Maxaa ku dhacay?

Jabhadduu wexey markiiba hawsha waraysiga ka bilaabeen kooxdii Suudaanta ahayd, Waxaa lagu yiri: yaa madax ka ah kooxdaan? Ninkii (Sammaani) ahaa ayaa yiri: Waa aniga. Ninkii Jabhadda watey ayaa ku yidhi: Waan ognahay inaad dadkaan masaakiinta ah 16 cisho aad meeshan dhow ku haysey, oo ku rafaadisay. Mid mid ayey u waraysteen, magacyadooda, qabiilooyinkooda, waxaa soo baxay nin ay caddaatay inuu reerka Madaxweynaha Cumar Al Bashiir yahay, kaas dhinac ayaa loola baxay, markiina garaac ayaa lagu bilaabay, waxaa lagu yiri: adigu marti qaad gaara ayaad leedahay! Waxaanu u qaadanay ineyba dhici karto iney ama dilaan ama xirtaan! Kuwii kalena meel ayaa lagu ururshey. Annagu meesha ayaanu tubanahay cidi wax nama yeelin. Maxaa tihiin? Anigaa la hadlay: Soomaali tahriibeysa oo masaakiina ayaanu nahay. Kooxdii Eritreanta ahayd ee meesha uu ku daadshey gaariguna waa la soo qaaday oo dhinacayaga ayaa lasoo tubay.

Gawaarida ku fasaxa:

Waa taan idiin sheegay inaanu 16 cisho waxba naga deign aan ka ahayn 4 xabo oo busura iyo kabbasha biyaa maalinka oo dhan. Jabhaddii wexey na yiraahdeen: Gawaarida fuula dadyohow oo wax walba oo aad ka cuni kartaan ama ka cabbi kartaan xor ayaad u tihiin ee cuna. Iyaga laftoodu wexey wateen buskud ay xoogaa noo daadiyeen.

Nimankii Muharibiinta ee Cadawga ahaa Ilaah waa nooga aaray:

Gacan ka xoog badan ayaa heshay. Baabuurtii ayaa lagu yaacay, nin biya hela nin, cunta hela, nin gasacad garaacda, nin xabbad kibisa oo qalalan meel ka hela, rag iyo dumar qof walbaa wixii kusoo hagaaga ayuu cunay! Kuwiina iyagoo dullaysan ayey na daawanayaan annagoo baabuurtii faganeyna. Kuwa soodaantaa, 16kii maalmood raashinkii ay iyaga keligood cunayeen ayaanu hadda hortooda, Ilaahay amarkiis, ku cuneynaa. Ilaahow adigaa qaadira!Waxaanse la yaabay dadka Soomaaliyeed qaar ayaa ka dhawrsaday nimanka xoogga lagu haysto woxooda iney boobaan, sidaa darteed dadkii ku yaacay kama ay qayb gelin!

Xoogaa biya ah oo Jabhaddu wadatey ayey na siiyeen, oo markii u horrayseyba dadka naftii ayaa kusoo noqotay. Kooxdan Jabhaddaa waxaa hoggaaminaya nin da’diisa aan is idhi waa dhawr iyo sodon jir. Aadna uma dheera mana gaabna. Waa nin dhuuban, cimaamad shaal yar ah ayaa duub ahaan ugu xiran, gar yar oo dhuuban ayuu leeyahay, surweel dheer iyo shaati aad moodu kuwa paakistaanta oo kale oo sii deysan ayuu gashan yahay. Buug iyo qalin ayuu gacanta ku sitaa. Ragga la socdaa isku wada lebbis maaha. Qaar ayaa dharka askarta lebbisan. Qaarna cimaamad weyn oo cad oo tan suudaanta ayey xidhanyihiin. Qaarna marada sariirta la goglo ayey hoos gunti u xidhan yihiin. Midba wuxuu arkay ayuu sitaa.

Wuxuu amray gaari iyo 2 askari iyo 2 Soomaali ah iney baxaan iyo biya soo dhaamiyaan. Intayadii kalena anagoo baabuurtii faganay oo buskud iyo cuntaba wax dhadhminay ayaa meeshayadii nala tubay. Dhinac waa Soomaalidii. Dhinac kale oo nagu dhowna waa Eritreantii 27 qof oo caruur iyo dumar u badan, sidaa waxaanu klu noqonay mar kale 76. Annaga awal waxaa naga tegey 27 qof. Haddana 27 Eritrean ah ayaa nagu soo biiray marka 49 Soomaali ah iyo 27 Eritrean ah ayaanu nahay.

Askartii Jabhadda oo Gabdhihii Damac ka galay!!

Waa markii noogu darrayd intaanu soo soconey. Gaajo aragnay, harraad aragnay, askar iyo xabsi ku sigannay. Hadba baad nala ka qaad. :Laakiin caawa waa imtixaankii ugu horreeyey uguna dhib badnaa oo ah nimankii Jabhadda qaar ka mida oo gabdhahayagii Soomaaliyeed hunguriyaynaya!

Waqtigu waa fiid..Nimankii biyaha doonay oo ninkii madaxda ahaa ku jiro wey maqanyihiin. Nimankii Tahriibka dhammaantood waxaa lagu kuusay hal meel. Jabhaddii wexey baarteen marka hore qolada Eritreanka ahaa, rag yar ilaa 8 ayaa ku jirey oo gaala u badan. Ka dibna anaga ayey noo yimaadeen. Qof walba xabbad sigaara ayey u taageen, xitaa dumarka. Kuwii cabbi jirey ayaa ka qaatay, intayadii kalena waa diidney. Ka dibna wey na baarteen, waxba noogama tegin wixii ay heli kareen, oo meelaha hoose aan lagu qarin.

Qormadii hore: https://somalitalk.com/tag/idris/

qaybta 4aad ka akhri https://somalitalk.com/tag/idris/

W/Q. Muxamad Idris Axmad
hayaan@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Socdaalkii Geerida Soomaaliya ilaa Yurub (3) | W/Q. Muxamad Idris Axmad "

  1. ASALAAMU CALAYKUM..

    ALLE hakaa abaal mariyo,sheekhunaa muxamed idris axmed,runtii waa sheeko kucibra qaadasho leh,.allow kuwii kukalifay ummadan soomaaliyeed dhibkan ka abaal mari.soomaalidana unaxariiso,dowladnimadii iyo rajadii dadnimo usoo celi bal si ay uga baaqsadaan dhibkan yaa allah!!!
    dhacdadan waa mid ku cibra qaadasho leh,kii tahriib kutala jiroow haddaba kanoqo,sheekhu runta ayuu farta idiin saaray,anigu kolay wadanka soomaaliya ayaan kunoolahay,ee allow xaalka noo hagaaji.

    waxaan kasii naxay markaan arkay cinwaanka”Askartii Jabhadda oo Gabdhihii Damac ka galay!!”waa cinwaanka ugu danbeeya,laakiin weli jawaabtii maan helin,markasta sheekhu iyadoo meel macaan maraysa ayuu jarayaa,sheekhow bal maqaalka kale soo dedeji.alle haku xafidee,aduun iyo aakhiro.

  2. Axmad says:

    waa mahadsantahay walal/sheekh so gudbinta iyo fariinta waxan rajaynayaa in lagu waano qaato haday waano wax tarayso balse somali ban aqaanaa dad baa wali galaya xita haday arkan sheeko ama film laga sameyay waxa ka horeya hadana si galaya taana waxad modaa in qof waliba uu rabo asaga inuu so arko ama soo maro waxa la sheegayo walina aan rumeysan ilaa uu dhibta maro ama ku dhinto. towfiiqda Allaha na waafajiyo. mahadsanid walal

  3. sc jasaka lah fadilatu sheekh maxamed idiris lakiin shiikh waxan u darsanat maqaaladaadii isugu jiray waanada iyio wacyiga siyaasidgaa fadalana noo soo gali somalitalk alah khayr badan haku siiyo malaa igtuna hakaa xishooto

  4. Abu Xudayfah says:

    Innaa Lillaahi Wa innaa Illayhi Raajicuun!!! Alla maxa anoo laaban hadii Adoonsigii 100 sano ka hor lasoo dhaafay aan ku noqonay mar kale Allaha Soomaaliya Nabad ka dhigo wax Kalo aan sheego garan maayee Somalaay adinkna Tahriibka iska daaya