SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SHIFO

W.Q. Faarax Axmed Muuse, colow30@hotmail.com
M.Sc Clinical Microbiology, University of Karachi



 Cudurka Sonkorowga (diabetes)

Cudurka sonkorowga ayay dad badan oo dunida guudkeeda ku nooli ka sheeganayaan, waayadan danbena tirada soomaalida sonkorta qabta ayaa sii kordheysa sanadba sanadka ka danbeya.

Fikrada ay dad badani ka heystaan waxa uu yahay cudurka sonkorowga ayaad moodaa in ay wax badani ka qaldan yihiin,hadaba qoraalkeygan ayaan doonayaa in aan wax kaga iraahdo waxa uu yahay cudurka sonkorowgu, waxa keena, inta qeybood oo uu qeybsamo,Calaamdaha uu caanka ku yahay iyo waxyaabo kale oo badan, waxaana isku dayi doonaa in aan usoo bandhigo si fudud oo qof walbi u fahmi karo.

Cudurka sonkorowga ayaa ka dhasha khalal ku yimaada qaabka uu jirku u burburiyo ama u sameysto nafaqooyinka uu u baahan yahay ( Metabolic disorder) taas oo ugu danbeyntii sababta in xadiga sonkorta ee dhiiga la socdaa kor u kaco (hyperglycemia) ama hoos u dhaco (hypoglycemia) kor u kacaas ama hoos u dhacaas oo ku xiran hadba nooca khalalka ah ee jirka ku dhaca,waxaana uga hadli doonaa si faahfaahsan.

Sonkorta ayaa ah isha ugu wanaagsan ee uu jirka aadanuhu tamarta ka sameysto, waxaa jira noocyo fara badan oo sonkor ah balse mida ugu badan oo uu jirku isticmaalaa waa mida loo yaqaan kuluukoos (glucose), xubnaha isticmaala sonkorta ugu badan ayaa waxa ka mid ah 1) Maskaxda 2) Murugyada 3) Habdhiska lafaha (skeleton system) iyo xubna kale oo muhiin ah, xadiga caadiga ah ee sonkor ah oo dhiiga qofka caafimaadka qaba la socda ayaa ah 80 ilaa 110 milligram oo sonkor ah 100-kii mililitir oo dhiig ahba (80-110mg/dl).

Maalin walba waxaan isticmaalnaa xadi sonkor ah oo badan, hadaba suaasha meesha taal ayaa ah xagee ayay aaday sonkortii badneyd ee aan isticmaanay? maxaase maamula in aysan sonkorta qofka aan cudurka sonkorowga qabani xadigeedii caadiga ahaa aysan ka badan ?. waxaynu wada ognahay in falgal kasta iyo shaqo kasta oo jirka aadanaha ka dhaca uu RABI ugu talagalay qaab loo maamulo, hadaba isticmaalka, keydinta, iyo sameysiga sonkorta ee jirka waxaa maamula laba hormoon oo laga soo daayo unugyada ganaca (pancreas cells) kuwaas oo kala ah 1) Insulin oo laga soo daayo unugyada ganaca ee loo yaqaan Beta cells. 2) Kuluukagon (glucagon) oo isna laga soo daayo Unugyada loo yaqaan Alpha cells ee Ganaca.

Shaqooyinka ay qabtaan labadan hormoon ayaa ah kuwa liddi isku ah waayo hormoonka insulin waxa uu hoos u dhigaa xadiga sonkorta ee dhiiga la socota marka ay dhaafto xadigeedii caadiga ahaa, su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah sidee buu hormoonkani hoos u dhigaa xadiga sonkorta ee dhiiga? Mar alaale iyo markii ay sonkorta dhiigu (blood glucose level) dhaafto xadigii caadiga ahaa ayaa waxaa la carriyaa unugyada ganaca ee loo yaqaan Beta cells in ay soo daayaan hormoonka insulin kaas oo durbadiiba qabta ama fududeya shaqooyinkan soo socda. 1)- In ay unugyo badan (cells), nudayaal (tissues), xubna badan (organs) oo jirka ka mid ahi sonkorta ka nuugaan dhiiga . 2)- In sonkor badan (glucose) si deg-deg ah loogu bedelo tamar geydsan (glycogen), taas oo uu jirku dib u isticmaalo xiliyada gaajada amaba xiliyada ay sonkorta dhiigu ay hoos u kacdo. 3- In hoos loo dhigo burburinta Kaarboonhaydarayada (cuntooyinka sonkorta leh sida Macmacaanada,Bariiska, Baastada iyo IWM) si aan sonkor badan oo kale jirka loogu soo darin. Intaas oo shaqo ah marka uu hormoonka insuliinku qabto ayaa waxaa dhacda in sonkortii dhiiga la socotay ay ku soo noqoto xadigeedii caadiga ahaa, unugyada ganacuna hakiyaan soodeyntii hormoonka Insuliinka.

Hadaba khalal ku yimaada soo deynta hormoonka insuliinka amaba carqaladeyn ku timaada hanaanka shaqadiisa ayaa waxay sababtaa sonkorta dhiiga oo kor u kacda (hyperglycemia) ama hoos u dhacda (Hypoglycemia) taas oo inta badan aasaas u ah waxa loo yaqaan cudurka sonkorowga (Diabetes mellitus).

Mar hadii ay shaqada insuliinku sidaa tahay waa maxay shaqada hormoonka kuluukagon (glucugon)? Xiliga uu qofku gaajeysan yahay amaba uusan qaadan wax cunto ah oo sonkor leh ayaa waxaa hoos u dhaca sonkorta dhiiga, marka si sonkorta loogu soo celiyo xadigeedii caadiga ahaa ayaa waxaa la cariyaa unugyada ganaca ee loo yaqaan Alpha cells kuwaas oo bilaaba in ay soo daayaan hormoonka kuulukagon, islamarkiiba hormoonkani waxa uu qabtaa howlahan. 1)- sonkortii keydsaneyd (glycogen) ee jirka ayuu u bedelaa sonkorta loo yaqaan kuluukoos (glucose) taas oo keenta in sonkortii dhiiga la socotay kor u kacdo ilaa ay ka gaadho xadigii caadiga ahaa. 2)- Waxa uu cariyaa in Duxda (lipids) iyo borotiinkii (proteins) loo bedelo sonkor (glucose) taasina waxa ay dhacdaa xiliga macaluusha ama gaajada siyaadada ah waqtigaas oo sonkortii keydsaneyd ee jirka loo isticmaalay tamar ahaan, u bedelida duxda iyo borotiinka loo bedelaa sonkor (Glucose) waxa ay kor u qaadaa sonkortii dhiiga ee hoos u dhacday. Mar hadii ay sonkortii dhiigu (blood Glucose level) ay ku soo noqoto xadigeedii caadiga ahaa unugyada Alpha cells ee ganacu waxay ay hakiyaan soo deyntii hormoonka kuulukogon (glucugon).

Intaas hadii aan ku dhaafno qaabka loo xakameyosonkorta jirka qofka caafimaad qaba, aan u soo noqono maxaa keena in sonkorta qofka cudurka sonkorta qabaa ay inta badan ka sareyso xadigeedii caadiga ahaa ee loo baahnaa in uu dhiiga la socdo.

Maxaa sababa cudurka sonkorowga (diabetes mellitus).

Sidii aan hore u soo sheegnay sonkorta jirka ayaa waxaa xakameya oo ku ilaaliya inaysan dhaafin ama hoos uga dhicin xadigeedii caadiga ahaa hormoonada kala ah Insuliin iyo kulukogon (glucogon), hadaba khalal ku yimaada sameynta, soodeynta, iyo hanaanka shaqada ee hormoonadan ayaa aasaasi u ah cudurka sonkorowga, khalaalkaasi waxa uu ahaan karaa.

1. howl gab ku yimaada unugyada ganaca ee loo yaqaan beta cells kuwaas oo soo daaya hormoonka insuliinka, howl gabkaas oo sababa in aan wax insulin ah aan la soo deyn ka dibna sonkortii jirka ay kor u kacdo maadama uusan jirin hormoonkii xakameyn lahaa, sonkorowga noocan oo kale ah ayaa waxaa loo yaqaan Nooca kowaad ee cudurka sonkorowga ( Type I diabetes) bukaha sonkorta noocan oo kale ah qabaa waxaa u baahan in si joogta ah loogu turqo hormoonka Insuliinka. 2. unugyada jirka ee u qeybsan in ay qaabilaan (receptor cells) hormoonka insuliinka oo howshoodii qaabilitaanku hoos u dhacdo, sababana carqaladeyn ku timaado howshii hormoonka insuliinka , taas oo keenta xadigii sonkorta dhiiga oo kor u kacda , sonkorowga noocan oo kale ah ayaa waxaa loo yaqaan Nooca labaad ee cudurka sonkorowga (Type II diabetes), sonkorowga noocan oo kale ah ayaa inta badan ka sahlan midkii aan hore u soo sheegnay inta badana ku dhaca dadka da’doodu ka weyn tahay Afartan jir iyo dadka aadka u buurbuuran (Obesity), bukaha qaba nooca labaad ee sonkorowgu uma baahna in lagu turqo hormoonka insuliinka, hanaanka loo maamulo bukaha sonkorowa noocan oo kale ah qabana dib ayaan uga hadli doonaa . ogow in cudurka sonkorowgu uu ka mid yahay cudarada la is dhacal siiyo oo lagu qaado hidaha.

Calaamadaha uu caanka ku yahay cudurka sonkorowgu.

Calaamadaha in badan lagu arko bukaha sonkorowga qaba ayaa waxaa ka mid ah. · Kaadi macaan (glucosuria) · Kaadi badan oo xadhaaf, qofka oo labadii saacba mar kaadsha (Polyuria) · Haraad fara badan (Polydipsia) · Gaajo fara badan (ployphagia) · Miisaanka qofka oo hoos u dhaca ( weight loss) · Hamiga galmada ee raga oo hoos u dhaca (impotence) · Daal (fatigue) · Qaleyl ama cuncun jirka ah ( dry or itchy skin) · Aragtida oo shucaac ama ciiro gasho (blurry vision) · Afka oo qalala (dry mounth).

Xakameynta sonkorta bukaha cudurka sonkorowga qaba.

Sidii aan horeba u soo sheegnay cudurka sonkorowga (diabetes mellitus) waxaa uu u qeysamaa laba qeybood oo Kala ah 1) Nooca kowaad ee sonkorowga ( type I diabetes mellitus) 2) Nooca labaad ee sonkorowga ( type II diabetes mellitus). Xakameynta sonkorta bukaha sonkorowga qabaana waxa ay ku xiran tahay hadba nooca sonkorowga ee uu qabo tusaale ahaan bukaha qaba nooca kowaad ee sonkorowgu waxaa uu u baahan in si joogta ah loogu turqo hormoonka insuliinka si loo xakamey sonkorta jirkiisa, ku turqida hormoonkan ayaana iyana u baahan in la isticmaalo xadi go’an oo uu dakhtar qeexay sidoo kale bukuhu sonkorowga noocan oo kale qabaa waa in uu ka fogaadaa isticmaalka sonkorta iyo cuntooyinka sonkorta leh.

Waxaa iyadu in badan fudud xakameynta sonkorta bukaha nooca labaad ee sonkorowga qaba maxaa yeelay bukaha Sonkorowga noocan oo kale ah qabaa uma baahna in lagu turqo hormoonka insuliinka ee waxaa sonkortiisa lagu ilaalin karaa iyada oo la xakameyo cuntooyinka uu isticmaalayo, in uu sameyo orod iyo socod (fiyaato), in uu si joogta ah ula socdo xadiga sonkortiisu mareyso maalin walba waxaa jira dawooyin ka qeyb qaata hoos u dhigata sonkorta bukaha Sonkorowga noocan oo kale ah qaba , daawooyinkaasna waxaa lama huraan ah in uu takhtar qoraa oo xadidaa xadigu uu bukuhu isticmaali karo.

Mowduucan oo runtii ah mowduuc aad u balaaran aana lagu soo koobi Karin hal qoraal iyo wax la mid ah waayo waxaa jira noocyo kale oo cudurka sonkorowga ka mid ah oo aanan qoraalkan uga hadlin sababa jira owgood, si kastaba xaaladu ha ahaatee waxaan rajaynayaa in qofkii aqriyaa qoraalkan uu ka heli doono fikrad kooban oo ku saabasan waxa uu yahay cudurka sonkorowgu.

W.Q. Faarax Axmed Muuse, colow30@hotmail.com
Master of Clinical Microbiology, University of Karachi

June 22, 2003

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
CAAFIMAADKA:

 



HTML CD