SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SHIFO

W.Q. Faarax Axmed Muuse, colow30@hotmail.com
M.Sc Clinical Microbiology, University of Karachi



 CUDURKA JABTADDA (Gonorrhea)
Waxa uu yahay, siyaabaha lagu kala qaado, xakmeyntiisa iyo ka hortagiisa.

Cudurka jabtadda ayaa safka hore kaga jira cudarada galmada lagu qaado (sexually transmitted disease) kaas oo khatar ba’an ku haya dadyow badan oo dunida ku nool haba ugu badnaadeen kuwa ku nool waddamada soboolka ah ee aan helin xanaaneyn iyo daryeel caafimaad oo ku filan .

Sanadkii 2000 oo keliya wadanka Mareykanka dad gaaraya 358,995 qof ayaa qaaday cudurka jabtadda , 75% oo dadkaa ka mid ahi waxa ay ahaayeen dad ay da’aadoodu u dhexayso 15 jir ilaa 29 jir, sidoo kale dhaqaalaha dowladu mareyku ku bixiso sanad walba xal u helida iyo xakameynta cudurka ayaa lagu qiyaasaa 1.1 bilyan oo doolar ($ 1.1 billion), mar hadii dowlada mareykanka oo aad moodo in ay ugu tug tug roontahay xanaaneynta , wacyigelinta,iyo ku dadaalida daryeelka caafimaad ee dadkeeda ay ku guul dareysatay in ay u hesho xakameyn rasmi ah faafida cudurka jabtadda maxaad ka filinaysaa wadamada saboolka ah ee Afrika ee walafka ku qaba (ku waalan) Galmada aan sharciga aheyn (Gogoldhaaf ama Sinno).

Si aynu u ogaano ugana qaadano fikrad guud bal aynu eegno waxa uu yahay cudurka Jabtaddu, waxa sababa, calamaadaha lagu garto bukaha qaba cudurka jabtadda iyo waliba wadooyinka ku haboon ee looga hortegi karo Faafida cudurkan.

Cudurka jabtaddu waxa uu ka mid yahay cudarada la daaweyn karo ee Galmada lagu kala qaado (Curable sexually transmitted disease), cudurkan waxaa sababa bakteeritada loo yaqaabn Neisseria gonorrhoeae, bakteeriyadan ayaa awood u leh in ay qabsato kuna taranto xuubka gudaha kaga dahaaran habdhiska taranka ee labka iyo dhediga (mucasal surface of genital tract) gaar ahaan dakarka (guska) iyo farjiga (siilka) ka dib marka uu qofku la sameyo galmo buke qaba cudurka jabtadda, qabsashada iyo taranka bakteeriyadan ee gudaha habdhiska taranka ee labka iyo dhediga ayaa sababa caabuq (Inflammation) iyo hurgun (Infection) ku yimaada gudaha dakarka raga iyo farjiga dumarka. Caabuqan iyo hurgunka ayaan hadii aan durbaba lala gaadhin daaweynta ku haboon ku faafa xubnaha kale ee habdhiska taranka sida Rixinka (uterus), ugxansidayaasha (fallopian tubes), iyo gudaha saabka (endocervix) ee dumarka, sababana jirada loo yaqaan Pelvic inflammatory disease (PID) oo ah caabuq ku dhaca hubnahaa aan soo sheegnay ee habdhiska taranka haweenka, kaasoo inta badana u keena dhalmo la’aan (madhaleysnimo) boqolkiiba toban ( 10%) dumarka caabuqan oo kale qaba.

Inta badan caabuqa (inflammation) iyo hurgunka (Infection) raga ku dhaca ayaa ah mid ku eg kaadi mareenka ( gudaha dakarka).

Mararka qaar ayaa waxaa dhacda in ay bakteeriyada Neisseria gonorrhoeae ka talaabto xuubka ku dahaaran habdhiska taranka oo ay raacdo dhiiga (bacteremia), calaamadaha lagu arko bukaha xalaadan oo kale gaara ayaa waxaa ka mid ah 1)- Qandho (fever) 2)- xanuun badan oo guurguura lagana dareemo kala goysyada (migratory polyarthalgia) 3)- dhibco cas-cas (petechal) iyo nabaro yar yar oo makhaarka ka soo yaaca ( Mucula papular or pustular rash), hurgunka noocan oo kale ee bakteeriyadu raacdo dhiiga ayaa waxaa loo yaqaan Disseminated Gonoccal Infection (DGI).

Waxaa la arkaa in aad is weydiiso cudurka jabtaddu dhibaato ma u keeni karaa ilmaha ay dhasho hooyo cudurkan qabtaa? Jawaabtu waa HAA!, maxaa yeelay hooyada cudurka jabtada qabtaa waxa ay u gudbin kartaa ilmaheeda bakteeriyada Neisseria gonorrhoeae xiliga dhalmada taas oo u keeni karta ilmaha indho la’aan (ophthalmia neonatorium), hurgun kalagoysyada ilmaha kaga dhaca ( joint infection), iyo bacteeriyadan oo dhiiga ilmaha raacda sababtana inta badan dhimasho ( life-threating blood infection).

Inta badan faafida cudurka jabtada waxaa ka qeyb qaata dumarka marka la barbar dhigo raga , maxaa yeelay konton boqolkiiba (50%) oo dumarka cudurkan qabaayi ma muujiyaan wax calaamado cudur ah (Asymptomatic patient) balse si fiican ayay ugu gudbin karaan qofkii galmo la sameya, meesha ay 95% ragu ay muujiyaan calaamado cudur.

Sidoo kale waxaa cudurkani ku badan yahay dadka isugu galmooda qabaabka sharciga iyo dhaqanka wanaagsan ka fog (oral and rectal intercourse).

Su’aasha kale ee is weydiinta mudan ayaa waxay tahay hurgunka (infection) ay keento bakteeriyada Neisseria gonorrhoeae ma mid ku eg baa habdhiska taranka iyo meelaha kale ee dadka falfalka xumi isaga tagaan oo keliyaa ? jawaabtu waa MAYA!, maxaa yeelay bakteeriyadan ayaa caabuq iyo hurgunba ku keeni karta xubna badan oo jirka ka mid ah hadii ay taabato, qabsato kuna taranto, tusaale ahaan hadii bukaha cudurka jabtadda qabaaye uu caado ka dhigto in uu gacmaha ku taabtaabto hubanaha habdhiska taranka jirkiisa ee hurgunka la il daran oo uusan isticmaalin wax dheterjenti ah (saabuun, alkohool ama dhitool) waxaa dhacda in bakteeriyada Neisseria gonorrhoeae ay hurgun ku keento gacmihiisa iyo waliba xubnaha kale ee jirkiisa e uu gacantiisa wasakheysan ku taabtay sida indhaha, afka IWM. Sidoo kale waxaa la mid ah qofka u isticmaala farahiisa (fareya) haweenay qafta cudurka Jabtadda.

CALAAMADAHA CUDURKA JABTADDA:-

Calaamadaha u horeya ee lagu arko bukaha cudurka jabtadda qaba ayaa ah kuwa dhexdhexaad ah , inta badana calaamadahaasi waxa ay soo muuqdaan labo ilaa toban casho gudahood ka dib marka uu qofku galmo la sameyo buke cudurka qaba.

Calaamadaha Dumarka iyo kuwa raga lagu arko ayaa dhab ahaantii kala duwan.

Calaamadaha Dumarka:-

  • 1)- xanuun ama gubasho la dareemo xiliyada kaadida (pain or burning when urinating)
  • 2)- dheecaan ka yimaado farjiga kaas oo ah cagaar marmarna u eg dhiig-dhiig.
  • 3) dhiig yimaada xiliyada caadada dhexdooda ( bleeding between menstrual period)
  • 4)- xanuun la dareemo xiliyada Galmada
  • 5)- qaarka danbe oo xanuuna ( lower abdominal pain)

Calaamadaha Raga:-

  • 1)- cuncun iyo xanuun laga dareemo gudaha dekarka.
  • 2)- kaadida oo lagu dhibtoodo (difficult Urinnation)
  • 3)- malax leh xanuun oo ka timaada dekarka.
  • 4)- madax xanuun iyo qandho la dareemo marmar.

KA HORTAGA FAAFIDA CUDURKA JABTADDA:-

Cudurkan waxaa looga hortigi karaa oo keliya qofka oo ku ekaadaa gogoshiisa (xaaskiisa) aana sameyn wax gogol dhaaf ah (sino), halkaas waxaad ka garan kartaa macanaha balaaran ee ay xanbaarsantahay xaaraantimeynta ay diinta Islaama ee sharafta badani xaaraantimeysay sinada, waxyaabo badan oo waxaa jira ay gaaladu sheegaan in looga hortigi karo cudurka jabtadda balse waa wax ay iyaguba ka caalwaayeen oo in aan sheegnaa aysan waxba nagala maqneyn, isku soo duuduuboo xalka keliya ee looga hortegi karo faafida cudurkan waa KU EKOW GOGOSHAADA KANA FOGOW SINADA.

BAARISTA CUDURKA JABTADDA:-

Si loo xaqiijiyo cudurka bukaha hayaa in uu yahay cudurka jabtadda iyo in kale ayay xarumaha baarista cuduradu u adeegsadaan sadex dariiqo midood baarista cudurka jabtadda.

1)- In si toos ah loo adgeesado sheybaare (microscopy) iyada oo la adeegsanayo dheecaan aan badneyn oo bukaha laga soo qaaday, slides (quraarado yar yar oo loo adeegsado sheybaaraha), ranjiyo iyo midabo (stain and dyes) ku haboon , taas oo fududeynaysa in si fudud loo arko muqaalka iyo qaabka bakteeriyada Neisseria gonorrhoeae .

2)- In laga baaro hiddaha (DNA) bakteeriyada Neisseria gonorrhoeae kaadida bukaha, taas oo u baahan in la isticmaalo qalab casri ah sida midka loo yaqaan polymerase chain reaction (PCR).

3)- In la abuuro (culture) bakteeriyada Neisseria gonorrhoeae iyada oo la isticmaalayo dheecaan laga soo qaaday bukaga cudurka qaba si loo helo xadi bakteeriyadan ah oo si fudud loo baari karo, abuuristan oo u baahan in loo dhameystiro nafaqooyinka iyo macdanaha (nutrients and minerals) ku haboon koritaanka bakteeriyada Neisseria gonorrhoeae.

DAAWEYTA CUDURKA JABTADDA;-

Inta badan takhaatiirtu waxa ay u qoraan bukaha cudurka jabtada qaba mid ka mid ah daawooyinkan (antibiotics).

  • 1- Cefriaxone
  • 2- Ciprofloxacin
  • 3- Cefixine
  • 4- Ofloxacin
  • 5- Levofloxacin
  • Hadii uu bukaha cudurka qabaa uu yahay haweeney uur leh ama qof da’diisu ka yar tahay 18 sano looma ogola in uu isticmaalo daawooyinka Ciprofloxacin iyo Ofloxacin.

    GABAGABO:-

    Inta badan cudarada lagu kala qaado galmado oo aan jeclahay in aan qaar badan oo ka mid ah aan ku soo qaado qoraaladeyda soo socda INSHA ALLAAH ayaa ah ku ay aasaas u tahay gogol dhaafku (sinadu), marka qof kasta oo muslim ah waa la gudboon in uu ahaado mid ku socda tilmaamaha wanaagsan iyo amarada ay diinta islaamku na fareyso, tusaale ahaan waxa kuugu filan kharash kaga baxa reer galbeedka (gaalada) iyo kadeedka ka heysta xal u helida cudurada Galmada lagu kala qaado iyada oo ay diinta Islaamku ku xakameysay hal Aayad oo keliya (HA U DHOWAANINA SINADA ) suuratu Israa aayada 32.

    W.Q. Faarax Axmed Muuse, colow30@hotmail.com
    Master of Clinical Microbiology, University of Karachi

    July 8, 2003

    Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

    © www.SomaliTalk.com
    >> Usheeg Asxaabtaada
    Allah Is Great
    CAAFIMAADKA:

     



    HTML CD