Minneapolis: Sheikh Shariif oo Khudbadiisii ku Weeraray
Masaajidda Allah, badda Soomaaliyana muran weyn geliyay
Minneapolis: Sheikh Shariif oo Khudbadiisii ku
Weeraray Masaajidda Allah
Sheikh Shariif : Waxa laga hadlayey waa
Dhulka naga wada maqan aan wada doonano..
Madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa
makhribnimadii Axada (Oct 4, 2009) waxa u Soomaalida
Minnesota kula hadlay xarunta Jaamacadda Minnesota,
halkaas oo ay isugu yimaadeen dadweyne aad u tiro badan.
Khudbaddii Sheikh Shariif uu halkaas ka jeediyey waxa
uu kaga hadlay waxaa ka mid ahaa: “Dadka yaryar oo
caqligooda la xadayo” oo uu sheegay in ‘masuuliyad inaga
wada saaran tahay’, waxana uu yiri “waxaan idinka
codsanaynaa idinkana carruurtiina in aad dib ugu
laabatiin. Haddaad masjidka geyseen oo wanaagga aad la
doonateen waa fiicantahay, laakiin masaajidkii waa la
soo dhex galay. Waxaa waajib ah in aan la socono
carruurteenu masjidka marka ay tagaan maxay qabtaan,
maxaa yeelay berrito waxaa imaanaya inay ku dhehaan
hooyo adiga naftarkaaga in lagu dilo ayaa waajib ah. Wax
kalena ma aha ee caqligooda ayaa la bedelay.”
“Wararka sida aan ku heleyno, maskaxdooda in la
bedelo looguma simin ee in la daroogeeyo ayaa socota,
marka wiilasha daroogada aad kala cararteen oo tacliinta
aad geyseen in masaajidka lagala baxo oo daroogo la
siiyo waa arrin aad iyo aad khatar u ah. Ficilkaasi waa
ficil xun waana cambaaraynaynaa. Dawladda Soomaaliyeed
waxay u aragtaa dadkii mustabalka Soomaaliya hoggaamin
lahaa oo jid khalad ah lagu baabi’inaayo.”
Dadweynihii isugu yimid kulankii Shariifka, Oct 4, 2009,
MPLS
Shariif Xasan, Sh. Shariif iyo Jangali
Sheikh Shariif waxa kale oo uu ka hadlay arrimaha
badda Soomaaliya iyo heshiiskii ay DFKMG la gashay
Kenya.
Waxana uu yiri: “Dacayadaha waxaa ka mid ah, dhul
ayaa la gatay, bad ayaa la gatay, annagu waxaan u nimid
oo dawladdani u timidey in ay wax hagaajiso, in ay
horumar samayso, laakiin uma imaanin in ay bad iibsato,
haddii nin walba intuu idaacad qabsado wuxuu rabo ka
sheego asagoo aan xaqiiqada haynin waa dhibaato, qofkii
xitaa wax la xunyihiin waxaa fiican
in uu dawladda la soo xiriiro, macluumaad qaato,
talo bixiyo, laakiin dadka in la jaah wareeriyo waa
arrin aad iyo aad aan uga xunahay. Waxaad la socotiin
warqadda la qoray waxay ku socotey UN-ka, ujeedaduna
waxay ahayd dhul maqan in la sheegto, dawladda Kenya iyo
dawladda Soomaaliyeed weligood xuduud kama heshiin
weligood oo waad la socotiin mid bad iyo mid barri, waxa
laga hadlay waxay ahaayeen aan ka wada hadallo xuduudda
badda, dhinaca kalena waxay ahayd dhulka naga maqan aan
wada doonano oo wada sheegano, ma garan karo intaas wax
khiyaano ah oo ku jira.”
Hadalkii Sheikh Shariif ka jeediyey Minneapolis (Oct
4, 2009)
Sheikh Shariif waxa uu xusay in warqadda ay u direen
Qarammada Midoobay ay ku raadinayaan dhul maqan.
Soomaaliya dhulka ka maqan waa NFD oo ay haysato Kenya
iyo Soomaali Galbeed oo ay haysato Ethiopia. Laakiin
warqadda ay direen kuma qorra NFD iyo Somali Galbeed.
Balse waxaa ku cad in Badda Soomaaliya muran la geliyey.
Dhanka kale Sheikh Shariif kama uusan hadlin in
heshiiska ay la galeen Kenya uu baarlamaanka DFKMG ka
dhigay waxba kama jiraan. Balse hadalkiisu wuxuu u
muuqdaa mid ka hor imanaya go’aankaas baarlamaanka FKMG.
Qofkii aan weli akhrin qoraalka uu Sheikh Shariif ka
hadlay markale halkan ka akhri. Xukuumadda Shariif ayaa
caddaynta arrintaas laga sugayaa.
Markii shirkii dhammaaday ayaa Idaacadda British
Broadcasting Corporation (BBC) waxay qaar ka mid ah reer
Minnesota ay ra’yigooda ka weydiineyso khudbadii Sheikh
Shariif. Nin magaciisa yahay Cali oo sheegay in uu
deggan yahay magaalada St. Paul ayaa si kulul u
dhaliilay hadalka Sheikh Shariif ee ku aadanaa
masaajidda. Cali waxa uu yiri “waxyaabaha uu ka hadlay
Madaxweynaha Soomaaliya waa wax yaabo kala qaybinaya
ummadda Soomaaliyeed, wuxuu farta ku fiiqay masaajidda
oo ah meesha keliya oo ummadda Soomaaliyeed carruurteena
aan geyno ee wax noogu bartaan, oo salaadda aan ku
tukano oo diinta lagu barto.”
Dhegeyso Hadalkii Cali (bbc).
Dhegeyso 72:18
Baset -
Hussari -
Minshawi
Dhegeyso aayadda 2: 114
Baset -
Hussari -
Minshawi
Warbaahinta duubanaysay khudbadda
Fariintii C/risaaq Xaaji Xuseen
halkan ka dhegeyso
Hadalkii Shariif Xasan
Halkan ka dhegeyso ama
soo
rogo
Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta DFKMG oo
reer Minneapolis su’aalo ka weydiiyeen Heshiiskii Badda
Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta DFKMG C/risaaq
Cismaan Xasan Juurile oo booqasho ku yimid magaaladda
Minneapolis ayaa kulamo uu la yeeshay qaybo ka mid ah
jaaliyadda waxaa su’aashii ugu badnayd eee la weydiiyey
ee ku saabsanayd badda Soomaaliyeed ee ay Dawladda
Federaalka KMG ay u loogeyso Kenya.
Markii uu ka jawaabayey su’aalaha ku saabsan badda
waxa uu sheegay in warbahintu ay isku lifaaqday laba
khariidadood oo uu ku sheegay mid in ay samaysay shirkad
batrool ka sahamisay aagga badda ee u dhexeeya
Soomaaliya iyo Kenya, taas oo uu sheegay in shirkaddaasi
muujisay in batroolku ku jiro dhanka Soomaaliya. Waxa uu
sheegay in warbaahintu ay khariidaddaas madaxa u
geliyeen khariidad kale. Laakiin Juurile dadkii uu la
hadlayey ma tusin khariidadda uu ka hadlayey.
Juurile waxa uu kulamadaas lagu weydiiyay in
dawladdiisu ay bixineyso qaar ka mid ah badda
Soomaaliyeed, ku weeraray warbaahinta wax ka qortay
arrimaha badda, isagoo gaar ahaan ku eedeeyey in ay
labada khariidadood ee uusan soo bandhigin ku sheegay in
la is dhex geliyey.
Haddaba, SomaliTalk si ay arrimahaas wax uga weydiiso
ayey October 4, 2009 waxay Juurile kula kulantay
Minneapolis.
C/risaaq Juurile iyo C/weli Dalboon
Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta C/risaaq Cismaan
Xasan Juurile, markii SomaliTalk arrimaha badda iyo
heshiiskii Is-faham ee Kenya/Soomaaliya wax ka
weydiisay, waxa uu ka gaabsaday in uu arrintaas si toos
ah uga hadlo, ON RECORD. Waxuuna uu yiri wasiirku:
waraysi ku saabsna badda ma bixin karo hadda, sababtoo
ah waxaa magaalada jooga Madaxweynihii iyo Ra’iisal
wasaare-xigeenkii.
Markii aan wax ka weydiinay Labada MAP (Khariidadood)
ee uu sheegay in isku lifaaqay waxa uu yiri: arrintaas
hadalka ayaa ila galay laakiin go’aanka aan maantay
qaadanayo waxaa weeye in aanan badda wax ku saabsna ka
hadlin inta ay maadaama ay joogaan Madaxda Dowladda ugu
saraysa, sababtoo ah, ayuu yiri, arrimaha badda ayey
ahayd su’aashii iigu badnayn ee la i weydiiyay, waana
su’aal na wareerisay oo buuq badan wadata, laakiin
waxaan balan qaadayaa maadaama aan ahay Masuul dowladda
ka tirsan in aan Su,aalaha aad qabtaan aan dowladda u
gudbiyo gaar ahaan wasiirada Heshiiskaan saxiixay.
SomaliTalk si ay u hesho xaqiiqada hadalkii Juurile,
waxay raadisey dad goob joog ah kulamadaas.
C/laahi Cali Farah
Hadaba Waxaan Waraysi la yeelanay C/laahi Cali Farah
oo loo yaqaan C/laahi Dheere oo aan kula Kulanay Hotelka
ay Minneapolis ka deganaayeen waftiga DFKMG. C/laahi
Dheere waxa uu u shaqeeya State-ka Minnesota , gaar
ahaan Maxkamada.Waxuuna ka mid yahay Xubnaha u doooda
Xuquuqda Aadamaha ee Magaalada St Paul. Dhinaca kale
C/laahi waxuu markhaati ka yahay Hadalkii uu Wasiirku ku
weeraray Shabakadaha wax ka qoray badda iyo heshiiskii
is-faham, taas oo wasiirku xusay in madaxa la isu
geliyey laba Map. C/laahi Dheere waxa sawir Cellphone
kaga qaaday Wasiirka Boostada DFKMG oo sharaxaya
khariidadaha uu sheegay in la is dhexgeliyey.
Waraysigii SomaliTalk ee C/laahi Dheere
Halkan ka dhagayso.
Juurile oo sharaxay wax uu ku sheegay khariidado la is
dhexgeliyey (cellphone photo/ Oct 3)
Su’aasha la xiriirta badda waxay noqotay wixii ugu
badnay ee reer Minneapolis weydiiyaan qofkii ay ka
arkaan waftigii DFKMG. Dadkii hoteelka uu deggan yahay
kula kulmay madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif ayaa sidoo
kale isaga toos u weydiiyey su’aashaas. Dadka su’aasha
weydiiyey waxaa ka mid ah mar uu la kulmay xubno ka
socda masaajidda Minnesota ayaa su’aashaas toos loo
weydiiyey.
Haddaba Sheikh Cabdi Nuur oo ka mid ah maamulka
masjidka Rowda ee Minneapolis oo goobta su’aasha lagu
weydiiyey joogey ayaa SomaliTalk wax ka weydiisay sidii
uu su’aashaas uga jawaabay Sheikh Shariif. Waxaana la
sheegay in su’aasha badda markii uu ka jawaabayey
madaxweynaha DFKMG in Shariif Xasan uu tacliiqiyey.
Waraysiga Cabdi Nuur
halkan ka dhegeyso ama
soo rogo (mp3)
Shariif Xasan oo warbaahinta laga ilaalinayo, Minnesota,
Oct 4, 09
Warbaahinta Soomaaliyeed ayaa isku deyey in ay
arrimaha badda si toos ah wax uga weydiiso Ra’iisul
wasaare xigeenka DFKMG, maadaama uu ahaa kii
tacliiqinayey ama ku kabayey jawaabaha ku saabsan badda
Soomaaliya marka uu madaxweynaha DFKMG u jawaabayey
dadkii ku booqday hoteelka ay deggan yihiin.
Ibraahim Abuukar oo horjooga St Paul Hotel , Oct 4, 2009
Isku soo duub oo, su’aasha ku saabsan heshiiska ay
DFKMG la gashay Kenya ee ku saabsan xadka badda
Soomaaliya ayaa ahaa su’aasha ugu badan ee ay reer
Minnesota weydiiyeen. Laakiin ma helin jawaab lagu qanci
karta. Khudbada Sheikh Shariif meesha uu arrinta badda
kaga hadlay ayaana daliil u ah sida xukuumaddiisu ay
isugu deyeyso in ay arrimaha badda ku jaah wareeriso
shacabka Soomaaliyeed.
Baaxad bad oo dhan 116,000km2 ahaa Soomaaliya ku
waayi kartaa heshiiska is afgarad ee DFKMG la saxiixatay
Kenya. Taas oo aan la garanayn sababta ay xukuumadda
Federaalka kumeelgaarka ugu adkaysaneyso heshiis aan wax
dan ahi ugu jirin shacabka Soomaaliyeed.
Faafin: SomaliTalk.com | Monday, October 5, 2009
Sheikh Shariif oo wax laga weydiiyey Carruurta ka laabtay Maraykanka
xilliguu uu Xakumay Maxaakiimtii Islaamiga ahaa
Madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif oo ka hadlay Carruurta ka
laabatay Maraykanka xilligii uu Isagu Xukumay Maxkamadihii Islaamiga
Waraysi ay idaacadda BBC la yeelatay Sheikh Shariif ayaa wax laga
weydiiyey in carruurta Soomaaliyeed ka laabtay Maraykanka xilligii
uu madaxda ka ahaa Maxakamadihii ayaa sheegay in arrintaasi dhici
karto.
Maxamed Xaaji Xuseen (Shiino) oo Idaacadda British Broadcasting
Corporation (BBC-da) uga soo warama Maraykanka ayaa marka hore waxa
uu madaxweynaha DFKMG weydiiyey ciddii madaxda adduunka ay iska
arkeen arrimaha Soomaaliya?
Sheikh Shariif waxa uu ku jawaabey “dadkii aan la kulan
dhammaantood waxay ahaayeen dad wadaaga dareen ay qabaan oo ku aadan
in Soomaaliya xaaladdeedu ay adagtahay loona baahan yahay in gacan
la siiyo, anagana waxay noo ahayd fursad runtii aan ugu sharxi karno
qaddiyada Soomaaliya iyo baahida loo qabo adduunka in uu garab
istaago Soomaaliya, xaaladda adag ay ku jirto darteed.”
Markii la weydiiyey in uu arkay dad fursaddaas qaaliga ah wax uga
faa’iidaynaya oo wax la qabanaya, waxa uu ku jawaabey “dadka oo dhan
runtii waxay isku waafaqsanaayeen in lagama maarmaan ay tahay in wax
lala qabto Soomaaliya.”
Markii la xasuusiyey ay shirkii ka soo daaheen oo aysan iman
markii ay joogeen madaxdii badnayd, waxa uu Sheikh Shariif ku
jawaabey “Shirka waqtigii la furaayey ma joogin laakiin haddana
madax badan ayaan la kulanay.”
Markii la weydiiyey “waxaa la sheegay in aad tegeysid
magaalooyinka Minneapolis iyo Columbus, maxaad ka dooneysaa? Waxa uu
ku jawaabey “dadka Soomaalida in aan aragno, oo warbixin aan siino
iyagana aan dhegeysano intaas ayaa ugu muhiimsan.”
Weriyaha idaacadda British Broadcasting Corporation waxa uu
weydiiyey “waxaa jirta carruur farabadan oo ka baxday Maraykanka,
carruurtaas miyaad ka war haysaa.”
Sheikh Shariif waxa uu ku jawaabay “waxaan u malaynayaa arrin
hadda lawada ogyahay in ay tahay in carruur farabadan ay ka tagtay
dalkaan Maraykanka, arrintaasuna waxay u dhacaysaa xaaladda dalka ka
jirta oo dadku aysan ka warqabin iyo waalidiinta oo laga
yaabo in ay aad u mashquulaan marka halkaan ay joogaan iyo
carruurtoo laga yaabo in marwalba ay u fududaato yacni in si khalad
ah wax looga dhaadhiciyo.”
Markii la weydiiyey in la sheegay in carruurtaasi ay meesha ka
bexeen markii uu isagu maxkamadaha xakumayey, waxa uu ku jawaabay
“WAA DHICI KARTAA, laakiin haddee qadiyadda maanta annaga cadow na
hortaagan oo aan la dirirnaa ma jiro, waxaa nalooga baahan yahay in
aan dawladnimadeena iyo nabaddeena iyo midnimadeena ka shaqayno,
marka nasiib darro waaye in qof waalidkiis ama asagu nabad darro ka
soo cararay in uu Soomaaliya ku laabto asagoo nabaddii ka soo
horjeeda.”
Shiino ayaa weydiiyey “Laakiin waxay leeyhiin carruurta jihaad
ayaa loogu yeeray xilligii maxkamadahu ay yiraahdeen dadka
muslimiintu meel ay joogaanba hana soo gaaraan, sidaa daraadeed ayey
uga jawaabeen call-ka.” Waxa uu Sheikh Shariif ku jawaabay
“maxkamadaha waxaad ogtahay haddee hoggaan ayey lahaayeen,
Islaamkuna fowdo ma aha marka jihaadkuna wuxuu leeyahay shuruud, iyo
wuxuu leeyahay dawaaqid xadidan marka cid lagu jihaado hadda
Soomaaliya ma joogto.”
Su’aalaha oo intaas ka badnaa:
Mar haddii Sheikh Shariif uu sheegay in ujeedada uu ula kulmayo
jaaliyadaaha Soomaaliyeed ee Maraykanka ay tahay in uu “warbixin
siiyo oo iyagana dhegeysto” ayaa la is weydiin
karaa in warbixintaas uu kaga hadli doono sababta xukuumaddiisa ku
kallifaysa in ay difaacaan heshiiska ay ugu yeeraan Is-fahamka ee ay
Soomaaliya ku waayi karto 116,000 km2
Akhristuhu si uu u fahmo sidii degdegga ahayd ee xukuumadda
Sheikh Shariif ay ku fulisay heshiiska is-faham: Febraayo
22, 2009 ayaa la dhaariyey xukuumadda FKMG. March
10 waxaa Nairobi ka dhacay kulan dhex maray xubno
xukuumadda ah, UN iyo Norway, kulankaas ayaa xukuumadda loogu soo
bandhigay qorshaha heshiiska. March 12 ayaa la
sheegay in xubno ka tirsan golaha wasiiradda DFKMG ay ansixiyeen
heshiiskaas. March 18 waxaa Nairobi heshiis ku kala
saxiixday Wasiirka Maaliyadda DFKMG Shariif Xasan iyo wasiirka
arrimaha dibadda ee Kenya, heshiiskaas oo kusaabsan in cashuurta
alaabta aadeysa Soomaaliya in ay Kenya cashuurta uga qaado DFKMG. April
5-6 ayaa wafti reer Norway ay yimaadeen Muqdisho
safarkooduna uu la xiriirey arrinta badda. April 7
ayaa Nairobi lagu saxiixay heshiiska Is-fahamka. April 8
ayaa ra’iisul wasaaraha DFKMG waxa uu warqad lifaaq ah ku daray
heshiiska una diray UN-ta. April 14 ayaa si rasmi
ah heshiiskaas lagu daabacay shabakada Qarammada Midoobay.
Baarlamaanka DFKMG ayaa diidey heshiiskaas August 1,
2009. Markaas ka bacdi ayaa guddoomiyaha baarlamaanku waxa
uu diidmadii baarlamaanka u gudbiyey madaxweynaha DFKMG Sheikh
Shariif si uu ugu gudbiyo Qarammada Midoobay. Halkii laga filayey
xeerkaas oo madaxweynaha DFKMG ku saxiixan yahay oo loo gudbiyo QM
ayaa August 19, 2009 waxaa taas bedelkeedii QM loo
gudbiyey warqad loo saxiixay Cumar C/rashiid, ra’iisulwasaaraha
DFKMG.
Waa jawaabaha ay Jaaliyadda Minneapolis, Columbus iyo Washington
DC ka sugayaan Sheikh Shariif.
Faafin: SomaliTalk.com | Wednesday, September 30, 2009
…………………………………………..
Madaxweynaha DFKMG Shariif oo Xilku kaga egyahay October 14, 2009,
sida uu dhigayo Axdiga DFKMG?
Akhri Halkan…
Sh.
Shariif oo ka gows qabsaday go’aankii Baarlamaanka” Baarlamaanka
sida aad lasocotid waxa uu xaqa u leeyahay waxa ay tahay heshiis
inuu buriyo,laakiin kani heshiis ma’ahayn wuxuu ahaa
IS-AFGARAD”…”heshiis rasmi ah in hada ladiyaariyo ayaa loo baahan
yahay”. Akhr…
|