MUDANE WASIIR ADAABA DIB U QORSHEYN U BAAHAN!!!! Marka
hore waxaan halkaan bogaadin iyo taageero uga dirayaa idaacadda
BBC-da ee Ingiriiska laga leeyahey qeybteeda afka Soomaaliga ku
hadasha, taasoo aheyd waligeed meel lagu jarribo madaxda
Soomaaliyeed, laguna kala garto kartida iyo waaya-aragnimadooda.
Nin siyaasiya oo saaxibkey ah ayaa igu soo wargaliyey
galabnimadii Jimcaha 10 April 2009, dood ka baxeysa idaacadda
BBC-da, taasoo ku saabsaneyd arin muran weyn iyo shaki ka dhex
dhalisey shacabka Soomaaliyeed meel ay wada joogaanba, waxaana
nasiib wanaag aheyd in barnaamijkaas ay idaacaddu martigalisey
wasiirkii saxiixey heshiiska soohdimaha badda u dhexeysa Kenya
iyo Soomaaliya, ayadoo dhanka kalena fursad la siiyey cid kasta
oo su’aal ama ra’yi qabta. Arinta igu dhalisey inaan qoraalkaan
qoro ayaa aheyd markii sharaxaad is diideysa, qeybteeda horena
ay nasakheyso qeybta danbe uu wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga
caalamiga ah uu damcey in uu ku indha-saarcidiyo
dhageystayaashii u humuun qabey in laga daadejiyo nooca
khilaafka soohdimeed ee u dhaxeeya Somaliya iyo Kenya, sababta
ku soo aadisey waqtigan in la saxiixo, iyo baahida ay Soomaaliya
u qabtey in faraha lala galo arin aan caddeyn oo aan xataa
sharaxaad laga bixin Karin.
C/raxmaan C/shukuur galabnimadaas wuxuu saarnaa maxkamad
umadda Soomaaliyeed ay dhageysaneysey dhamaan waxa ka dhex
dhacaya, marka uu isku dayey in uu sharaxaad macmal ah galiyo
heshiiska ku sheegga uu ku sal fudaadey saxiixiisa wuxuu isku
qaldey heshiiska qaramada midoobey ee la cusbooneysiinayo ee ku
soo saabsan badda ee waqtiga u dhimanaana maalmo kooban uu ka
harsanaa iyo midka hoos seexiska ah ee Kenya ay wadatey,
Norwey-na ay dalaalka ka aheyd oo la garan waayey halka midkaani
uu ka soo galayo kan qaramada midoobey, tanoo keentey in mar
kasta oo su’aal la weydiiyo wasiirka uu caro iyo xanaaq dhiq
isla siiyo asagoo ka tagaya qaabkii xadaariga ahaa ee dadka
xilka wasiirnimo gaarey ay u doodaan, una qanciyaan dadka ay
matalaan heer kasta oo aqoontoodu tahey.wuxuu eedeeyey BBC-da
asagoo ku canaantey sababta ay fursadda u siinayaan
dhageystayaal uusan jecleysan qaabka ay doodda uga qeybgalayaan,
wuxuu aflagaado u geystey dhageystayaasha ra’yiga iyo su’aalaha
soo gudbinayay asagoo xaqirey aqoontooda, wuxuu isku dayey inuu
afqabto rag ka tirsan barlamaanka KMG oo si furcadi leh uga qeyb
qaadanayey doodda kuwaasoo uusan jecleysan afkaartooda aan
garabka siineyn wasiirka iyo heshiiska uu qooshey, ugu danbeyna
wuxuu ku hanjabey inuu doodda jarayo isagoo xakamihii goostey
ayna ku adkaatey wariyihii barnaamijka daadihinayey inuu
aamusiyo wasiirka oo hadal isku mid ah ku celcelinayey.
Waxaa ka sii yaab badneyd isla galabnimadaas doodda saacado
ka dib ayaan gacanta ku dhigey nuqul ka mid heshiiska oo uu
C/raxmaan noogu sheegey in laba dawladood kala saxiixatey,
laakin marka la eego warqadda uu ku saxiixnaa ay aheyd mid ay ku
asteysan tahey calaamadda qaranka Kenya lagu yaqaano, tanoo ka
dhigeysa wasiirkeena sharafta leh C/raxmaan C/shukuur nin laga
saxiixdey warqad Kenya ay muddo gaadeysey cid awood leh oo ay ka
marsato, tanoo ka dhigtey wasiirka nin dabin cid ku dhacda in
muddo ah lala gaadayey uu si fudud oo ka fiirsi la’aan ah ugu
dhacey, meeshii la rabey ugu yaraan inuu sida wax u dhaceen u
sheegana uu caradii kula dhacey shacabkii Soomaaliyeed kuna
tilmaamey dad aan aqoon laheyn, mawduuca hadda taagana aan waxba
ka dhihi Karin.
Mudane wasiir saas ma ahan arinku, waxaan ognahey in adigoon
waligaa xafiis dawladeed ka shaqeyn aad ka bilowdey wasiir, in
talaabooyinka haddii waaya-aragnimaadu yar tahey ay aheyd in
aad si tartiib ah u qaadid, laakin meesha aad ka bilowdey ee ah
inaad Kenya gacanta u galisey dokuminti iyo saxiix muhiim oo ay
abidkeed ku doodi karto, kuna dalban karto dhul badeed
Soomaaliyeed waxey kashifeysaa aqoon yaridaada siyaasadeed,
intaas oo dhan markaad sameysey waxaa kula qumaneyd inaad indha
sharer siyaasadeed xirato oo goobaha looga doodayo waxaad fashey
ay gadaal uga yara degto, haddii aadan sidaa yeelin oo aad
damacdey inaad difaac dhufeys la’aan ah gasho, waxaa kuu
habooneyd inaad si anshax leh u dooddo, taasina ma dhicin oo
afarta dhinacba waxaad u riddey aflagaado, caay iyo dafiraad aan
sal laheyn.
Mudane wasiir dooddii maxkamadda BBC-du ku saartey waxaa ka
soo baxdey jagada aad heyso in ay kugu weyn tahey, ficilka aad
sameyseyna in uu danbi qaran yahey, hadalka aad ku hadasheyna
inuu gef weyn oo aad shacabka ka gashey uu yahey, intaas haddii
ay kuu kulmeen waxaa kuu haboon inaad dib uga sikato jagadaan
aad heyso una banneyso cidda ku haboon oo si sax ah qaranka ugu
shaqeyneysa, iyo inaad cudurdaar iyo cafis ka dalabto shacabka
Soomaaliyeed meel ay joogaanba.
Ugu danbeyn waxaan shacabka Soomaaliyeed uga mahadcelinayaa
sida ay uga dhiidhiyeen, una diideen bixinta qeyb ka mid ah dhul
badeedka Soomaaliyeed, anagoo og in dhiig badan lagu bixiyey ka
hortagga ciidamadii ku soo duuley ee xabashida, aysana suurtagal
noqoneyn in si qabow ah loogu hibeeyo Kenya oo ka tabar yar
xabashida dhul Soomaaliyeed. Dawladda KMG waxaan ugu yeerayaa in
ay dib u eegid ku sameeyaan qaab dhismeedka xukuumadda, haddii
looga dan lahaa markii hore qancinta shakhsiyaad gaar ah, la
arag kartidooda iyo waxqabad xumadooda, waxaana la joogaa
xilligii tallaabooyin sixitaan ah la qaadi lahaa.
Axmed Deeq Maxamed
Qaranimo2009@yahoo.com