Isbar bar dhigid Is-Afgaradkii Nairobi April 2009
(Memorandum of Understanding) iyo Is-Afgaradkii Caruusha ee 1967 (Arusha Memorandum of Understanding)
- Warbixin iyo Faallo: SomaliTalk.com | May 13, 2009
Kenya oo Cabbirkii Badda ee ay u Gudbisay Qarammada Midoobay ay kaga
baxday $9 million. Norway oo Tanzania ugu deeqday $4.6 million si ay u gudbisato
Cabbirka badda. Cabbirkii Badda ee Kenya Gudbisatay Go'aan ka gaarideeda lagu
darayo qorshaha kulanka QM ee August 10 - September 11, 2009. Soomaaliya
oo laga sugayo Gudbinta Xogta Rasmiga iyo Talo ku socota Baarlamaanka DFKMG...
Maanta, Arbaca May 13, 2009, waa maalintii ay Qarammada Midoobay (QM)
u qabataya dalalka leh xeebaha in ay soo gudbiyaan xogta (rasmi ama hordhac) ku
saabsan cabbirka baddaha si markaas loogu kordhiyo Aagga Ganacsiga, fogaan
xeebta ka durugsan ilaa 350 mayl badeed. Cabbirkaas in ay dalalku soo gudbiyaan
waxay u baahan yihiin waqti iyo kharash aad u farabadan.
Dawladda Kenya waxay xogta rasmiga ah ee cabbirka badda ay doonayso u
gudbisatey Qarammada Midoobay
6 May 2009. Jariidadda EastAfrican oo ka warbixisay kharashka Kenya
kaga baxay soo ururinta xogtaas waxay sheegtay
"Akhbaarta ay Kenya u gudbisay Qarammada Midoobay waxaa kaga baxday lacag dhan
$9 million oo doolar (Ksh700 million). Dawladda Kenya waxay May 2006
xilsaartay kooxda hawlgalka oo soo diyaarisay akhbaarta ay u gudbiyeen Qarammada
Midoobay ".
Dhanka Tanzania, waxaa warku sheegay in Dawladda Norway ay dawladda Tanzania
u ballan qaaday lacag dhan
$4.6 million oo loogu talo galay in Tanzania u adeegsato soo ururinta
xogta ku saabsan cabbirka baddeeda.
7 May 2009 ayaa Tanzania waxay akhbaar hordhac ah u gudbisatey Qarammada
Midoobay.
Soomaaliya waxay
14 April 2009 akhbaar hordhac ah u gudbisay Qarammada Midoobay, taas
macnaheedu waa in laga sugayo xogta rasmiga ah in ay u gudbiso QM. Waxaa jirta
intii aysan xogta u dirin Qarammada Midoobay waxaa heshiis is-afgarad uu
dhexmaray DFKMG iyo Kenya, heshiiskaas oo loogu yeeray
Memorandum of Understanding (MOU) oo lagu kala saxiixday Nairobi (April
7, 2009).
Madaxwaynaha DFKMG, Sheikh Sahriif Sheikh Axmed oo (May
2, 2009) difaacayay is-Afgaradkii Nairobi ayaa yiri "
cid halkaan dawladda ka tirsan oo u taagan in Soomaaliya TAAKO dhulkeeda
laga tanaasulo ma jirto, kulli waxaa loo socdaa dadaal in aan waxba dhumin.".
Laakiin, Is-afgaradka (MOU) waxa uu muujunayaa in badda Soomaaliya muran ku
jiro. Waxay arrintaasi si cad u soo shaac baxday kaddib markii Kenya ay si
bareer ah u cabiratay gudaha dhul-badeedka Soomaaliya, islamarkaasna Qarammada
Midoobay si rasmi ah ugu gudbisay Khariidad iyo cabbir arrintaas muujinaya.
Cabbirka ay Kenya gudbisay waxay u muuqataa in Qarammada Midoobay ay go'aan
ka gaari doonaan dhowaan, waana kan hadalkii UN-ta: "Akhbaarta ay Kenya soo gudbisay waxaa tixgelinteeda lagu darayaa
qorshaha Kulanka afar-iyo-labaatanaad ee Guddiiga Xadaynta Badaha uu
magaalada New York ku yeelan doono inta u dhaxaysa 10ka August
ilaa 11ka September 2009." (UN.5/6/2009).
Kenya ma aha markii ugu horaysay oo ay Dawlad Soomaaliyeed la gashay heshiis
hal-dhinac keliya ka faa'iidayo oo loogu yeeray Is-afgarad. Kii hore waxa uu ka
dhacay Caruusha. Haddaba qormadan waxaan ku eegi doonaa wixii ku qornaa iyo
is-bar bar dhigid Is-afgaradkii Caruusha ee 1967 iyo kii Nairobi ee 2009 iyo
talooyin ku socda baarlamaanka Soomaaliya waxa la gudboon mar haddii la dhaafay
May 13, 2009.
1967 Caruusha MOU (Xuduudda Dhulka) - 2009 Nairobi MOU (Xuduudda Badda)
- Axdiyadii hore ee Soomaaliya: (Dhulka Qaranka): Dhulka qaranku
waa muqadas, waana laguma xadgudbaan. Gobannimada dhulka waxay koobeysaa
berriga, jasiiradaha, biyaha goboleedka, dhulka uurkiisa hoose, hawada sare
iyo xeebaleyda (Qalfoofka Qaaradda "Continental shelf")...*
Hordhac:
Markii ay xornimada qaadatay Jamhuuriyaddii Soomaaliya waxay dawladdii cusbayd
shaaca ka qaaday sida ay u doonayso in ay midayso dhammaan dadka Soomaaliyeed ee
ku dhaqan Geeska Afrika.
Sida Soomaalidu u arkaan ama aaminsan yihiin, "arrinta ay ka muransan yihiin
ee xuduudaha kuma saabsana oo keliya dhul, balse waxa kale oo ay ku saabsan
tahay dad." (sidaas waxaa buugiisa ku qoray Drysdale, 1964: 7).
March 1963 Boqortooyadii Ingriisku waxay ku dhawaaqday inay xornimo
garsiinayso Kenya, kaddib marka la qabto doorasho lagu soo xulanayo
xildhibaanada baarlamaanka May 18-26, 1963. Inkasta oo shacabka Soomaaliyeed ee
deggan NFD ay dalbadeen in ay ka go'aan Kenya oo ku biiraan Soomaaliya, haddana
waxaa lagu dhawaaqay in NFD ay noqon doonto gobolka toddobaad ee Kenya. March
18, 1963 ayaa Dawladii Soomaaliya waxay xiriirkii u jartay Britain kaddib markii
ay fulin waydey ballanti xornimo gaarsiinta NFD. June 1, 1963 ayaa
Jomo Kenyatta waxa uu noqday ra'iisul wasaarahii ugu horeeyey Kenya.
Doorashadaas waxaa qaadacay Soomaalidii NFD. Kenyatta waxa uu sheegay in
Soomaalidu ay qaadeen weeraro isbada joog ah oo ka dhacay NFD. Dawladdii Kenya
waxay mamnuucday safarada NFD. Kenya waxay sheegtay in aysan bixinayn HAL
TAAKO oo aaggaas NFD ka mid ah. November 28, 1963 Kenya waxay amar kusoo
saartay in nolol ama geeri lagu soo qabqabto Soomaalida weerarka ka geysanaya
NFD. December 12, 1963 ayaa Kenya heshay xorriyadeedi. December 25, 1963 Kenya
waxay xaalad degdeg ah kusoo rogtey aag dhererkiisu yahay 440-mile oo ah NFD.
December 28, 1963 saraakiil Ethiopian ah ayaa yimid Kenya si ay ugala xaajoodaan
cadaadiska kaga yimid xuduudka, waxay ka wada hadleen sidii Kenya iyo Ethiopia u
dhexmari lahaa heshiis xagga difaac is-xulufaysi ah oo ay si midaysan ugaga soo
horjeedaan Soomaaliya.
February 1964 Kenya waxay ururka OAU waydiisatey in arrinta la isku hayey ee
NFD ay dhexdhexaadin ka sameeyaan. Laakiin qorshahaas waxba kama socon
xilligaas.
Ururka Midowga Afrika markii la asaasay kaddib waxa uu bilaabay in la sameeyo
qaraar sheegaya in xuduudahii Afrika loo dhaafo sidii ay uga tageen
Gumaystayaashii. Shirkii Ururka Midowga Afrika (OAU)[1] ee Qaahira July 21, 1964 ayaa mabda' ahaan waxaa
laga soo saaray in dalalka Afrika ay ballan qaadaan "inay tixgalinayaan
xuduudaha sidii ay ahaayeen markii xornimada la qaatay". Arrintaas markii codka
loo qaadayay xubintii Soomaaliya matalaysay goobtaas ma soo xaadirin. Waxayna
Soomaaliya mowqifkeeda si qeexan u cadaysay July 23, 1964 in aan qodobada
qaraarkaasi khusayn oo aysan aqbalayn. Waxaana Soomaaliya sheegtay in ay ka soo horjeedo in
la sii wado khaladaadkii jiray ee ku saabsanaan xuduudaha ee xilligii gumaysiga.
Haddii xuduudahii lagu dhaafo sidii gumaysigu uga tagay ay tahay khalad iyo
xadgudub sii socda, ayaa lagu cadeeyay warsaxaafadeedka Soomaaliya. (Day, 1982, pp. 133).
Saddex sano kaddib ayaa sannadkii 1967 waxa magaalada Caruusha (Tanzania) ka dhacay kulan ay yeesheen
Soomaaliya iyo Kenya, kulankaas oo lagu gaaray Is-afgarad loogu magac daray "Arusha Memorandum of Understanding"
- oo ay Soomaaliya iyo Kenya isku af-garteen qodobo aan tarjumadooda hoos ku
arki doono. Shirkii Caruusha waxaa ka horeeyay diyaar garow ka dhacay magaalada
Kinshasa (Congo).
Shirkii Kinshasa - September 1967
Kulankii Afraad ee Shirkii Madaxda dawladaha Ururka Midowga Afrika (OAU)
ayaa lagu
qabtay magaalada Kinshasa ee dalka Jamhuuriyadda Congo intii u dhaxaysay 11 ilaa
14 September 1967.
Afhayeen u hadlay shirkaas Ururka Midowga Afrika ayaa gabagabadii shirka
September 14, 1967 waxa uu sheegay in Soomaaliya iyo Kenya ay isku raaceen
is-faham hordhac ah oo ku saabsan muranka xadka dhulka ee u dhaxeeya. Waxayna aqbaleen casumaad
uu u fidiyay Madaxweynahii Zambia, Dr. Kenneth Kaunda[2], si
ay kulan kale ugu yeeshaan magaalada Lusaka (Zambia) dabayaaqada bisha October 1967,
si ay isla
meel dhigaan faraqa u dhaxeeya, isla markaasna asaasaan xiriir wada shaqayn.
Waraysi ay (16/9/1967) Jariidadda Zambian Mail la yeelatay Madaxweyne
ku xigeenkii Zambia, Kapwepwe, ayuu ku sheegay in dhexdhaxaadinta Zambia
ee ku saabsan muranka (dhulka) Jamhuuriyadda Soomaaliya ay timid kaddib markii ra'iisul wasaaraha
Soomaaliya Maxamed Ibraahim Cigaal[3] uu arrinta la soo
qaabilay madaxweyne Kauda.
Waxaa gabagabadii kulankii magaalada Kinshasa (ee Jamhuuriyadda Congo)
laga soo saaray soo-jeedin (proposal) hordhac ah oo ay isla gaareen
dawladahii Soomaaliya iyo Kenya, qoraalkaas oo SomaliTalk.com soo tarjumtay waa kan:
= *** =
Soo-jeedintii (proposal) Kinshasa - September 14, 1967
(1) Labada Dawladood waxay muujiyeen rabitaankooda ay mid kasta tan kale
tixgalinayso xornimadeeda iyo wadajirka dhulkeeda ayadoo laga duulayo Qodobka
III, Farqaddiisa 3aad[4] ee Axdiga Ururka Midowga Afrika;
(2) Labada Dawladood waxa kale oo ay qaadeen tallaabooyin dheeraad ah si ay u
xalliyaan wixii khilaaf ah oo ka dhax taagan ayadoo laga duulayo Qodobka III,
Farqaddiisa 4aad[5] ee Axdiga Ururka Midowga Afrika;
(3) Labada Dawladood waxay ballan qaadeen in ay xaqiijinayaan dhawridda
nabadgalyada iyo amniga xuduudda labadeeda dhinac ayadoo la iska ilaalinayo
burburinta naf bini'aadam iyo maal;
(4) Waxaa intaas dheer, Labada Dawladood waxay isku raaceen in ay joojiyaan
dacaayadaha (barabogaandada) colaadda xambaarsan ee ay isu mariyaan warbaahinta sida raadiyaha
iyo wargayska ee midba tan kale kaga soo horjeedo;
(5) Labada Dawladood waxay aqbaleen casumaadda uu u fidiyay Madaxweyne Kaunda
ee Zambia si ay ugu kulmaan magaalada Lusaka, dabayaaqada bisha October 1967, si
ay u sii horumariyaan, oo u xoojiyaan, oo u sii adkeeyaan dhammaan noocyada wada
shaqaynta.
- (Africa Research Bulletin, vol.3-4, 1967, pp.856A)
= *** =
Heshiiskaas hordhaca ah markii la isla gaaray, waxaa hambalyo iyo ammaan shirkii OAU looga soo jeediyay Madaxweyne
Kenneth Kaunda ee Zambia iyo Dawladaha Kenya iyo Soomaaliya oo lagu ammaanay
isku daygooda in ay ka gudbaan faraqa u dhaxaaya, sida ku xusan qodobada sare.
Waxaa markaas kulanka laga soo jeediyay in Dawladaha Kenya iyo Soomaaliya iyo Dawladda
Jamhuuriyada Zambia oo marti galinaysay in ay Xoghaynta-Guud ee OAU u soo
gudbiyaan wixii horumar ah ee la gaaray marka la isugu yimaado kulanka lagu
ballamay ee Lusaka (Zambia).
Sida ay qortay Jariidadda Uganda Argus (cadadkeedii 15/9/1967), boqorkii
Itoobiya, Haile Selassie (Xayle Salaasi) ayaa waxa uu wacay ra'iisul wasaarahii Soomaaliya,
September 14, 1967 oo ahayd markii uu dhacay kulankii Kinshasa. Xayle Salaasi oo
isaguna halkaas ku sugnaa waxaana la sheegay kulankii labaad Kinshasa ku
yeesheen Cigaal iyo Xayle. Afhayeen u hadlay Soomaaliya ayaa sheegay in
kulankaasi qaatay nus-saac (saacad-barkeed) oo ahaa kulan wax ku siyaadiyay
wanaajinta xiriirka Ethiopia iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya. Waxayna ballameen in
ay markale kulmaan marka la dejiyo qorshe lagu xallinayo khilaafka xuduudada
Itoobiya-Soomaaliya oo loo saaray guddi wasiiro ah oo labada dhinac ah.
Ayadoo laga ambaqaadayo kulankii Cigaal iyo Xayle, waxaa September 19, 1967
magaalada Addis Ababa tegey wafti ka socday Dawladda Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayey wasiirkii
Arrimaha gudaha ee
Soomaaliya, mudane Yaasiin Nuur Xasan, waxana uu Ethiopia la soo galay
heshiis ka koobnaa 11 qodob oo ujeedadiisu ahayd hagaajinta xiriirka labada
dhinac.
Diyaar Garowgii Lusaka iyo warbaahinta:
September 21, 1967 Raadiyaha Lusaka waxa uu ku waramay in wafti uu
hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Zambia Mr. Kamanga uu u ambabaxay Nairobi si
uu ugu
gogol dhigo wadahadalka Soomaaliya iyo Kenya ee la xiriiray dhulka.
September 22, 1967 Radiyaha Nairobi ayaa sheegay in waftigii wasiirka
Arrimaha dibadda ee Zambia uu Nairobi ku qaabilay Wasiirka Difaaca Kenya Dr.
Mungai. Markii kulanku dhammaaday labada dhinac waxay muujiyeen in uu ku
dhammaaday niyad wanaag.
East African Standard: Wargayska ka soo baxa Nairobi ee East African Standard (Cadadkii
September 14, 1967) oo faallada wargayska ka qoray soo-jeedintii Zambia ee ku
saabsanaa muranka (dhulka) Soomaaliya iyo Kenya ayaa qortay in: arrinta xaaladda adkaynaysa ay
tahay, inkasta oo maslaxad raadinta muranka dhulku ay sida caadiga ah u baahan
tahay tanaasulaad labada dhinac, haddana "Kenya waxa kaliya oo ay miiska
wadahadalka ku aadi kartaa waa in ay marka hore ogaato in ay shardi ku tahay in
aysan kulankaas ku aqbalin dhulkeeda oo ay ku maslaxdo qadiyadda 'Soomaali wayn'... Aqbalaada xornimada
Kenya ayaa shardi
loo baahan yahay u ah wada xaajood kasta...."
Laakiin, ayay tiri jariidada East African Standard oo faalladeedii sii
wadatey, "Kenya wax aan la aqbali karin ma weydiisanayso Soomaaliya. Waxa keliya
oo ay weydiisanaysaa waa in ay joojiso faragalinta arrimaheeda gudaha ee ku
aadan dhiiri galinta iyo taageerada ay (Soomaaliya) siiso 'shuftada'.
Kenya waxay
taas ugu badalaysaa in ay ugu gacan haadiso soo celinta xiriirka dublomaasiyadeed iyo
xiriirka ganacsi, iyo barnaamijyo la xiriira wada shaqaynta dhaqaalaha iyo
arrimaha bulshada ee labada dhinac ee xuduudka taas oo wanaajinaysa Soomaalida
ku dhaqan Kenya iyo tan ku dhaqan Jamhuuriyada Soomaaliya. In taasi ay hoos u
dhigto xanibaadda waa mid ku xiran horumarka Midowga Afrika... Dhanka kale
Soomaaliya wax badan ayay ka faa'iidaysaa haddii la xalliyo dagaalka ku-dhufo-oo-ka-dhaqaaq
ee dhiigga aan loo baahnayn ku daadanayo oo ay kaga dhumayaan awood, hanti iyo
agab badan."
Jawaabtii "Somali News" oo ah wargays ay Dawladda
Soomaaliyeed gacanta ku haysay: September 22, 1967 ayaa wargayskii "Somali News"
oo u jawaabayay "East African Standard" waxa uu qoray jawaan aan
dadwaynaha Soomaaliyeed qancin. Wargayska 'Somali News' dulucda
hadalkiisu waxa uu ahaa: waa in aan laga hor dhicin waxa la isla gaari doono.
Shirkii lagu qaban lahaa Lusaka waxaa loo badalay Caruusha.
Dalabaad ama waydiisasho ka timid ra'iisul wasaarahii Soomaaliya (Cigaal), uuna aqbalay madaxweyne
Kenyatta in uu kulanka ka qayb galo, ayaa waxaa kulankii laga badalay magaalada
Lusaka, waxaana loo badalay Caruusha.
Kulankii Caruusha - October 1967
Ayadoo laga duulayo qodobka 5aad ee soo-jeedintii "xiriirka Soomaaliya iyo
Kenya" ee September 14, 1967 lagu gaaray Kinshasa (eeg dhanka sare), xilligii uu socday
kulankii Afraad ee caadiga ahaa ee madaxda OAU, ayaa madaxweyne Kaunda (Zambia)
waxa uu shir ku qabtay magaalada Caruusha (Tanzania), shirkaas oo la
qabtay October 28, 1967 waxaa ka soo qayb galay Madaxweyne Jomo Kenyatta[6]
(Kenya) iyo Ra'iisul wasaare Maxamed Ibraahim Cigaal (Soomaaliya).
Kulankaas oo uu shir guddoominayay madaxweyne Kauda, waxa kale oo goob
joogayaal ka ahaa: Madaxweyne Julius Nyerere[7] (Tanzania)
iyo Madaxweyne Apolo Obote[8] (Uganda).
Kulankaas oo socday muddo toddoba saacadood ah (7), waxaa marmar laga
dalbanayay saraakiishii la socotay madaxda dawladaha in ay qolka shirarka ka
baxaan, si ay isugu soo haraan madaxweyne Kaunda, madaxweyne Kenyatta iyo
ra'iisul wasaare Cigaal oo si gaar ah ugu wada hadlaan. Kulankii ugu dambeeyay
oo sidoo kale ay goob joog ka ahaayeen madaxweyne Nyerere iyo madaxweyne Obote,
waxaa ka soo baxay war-rasmi ah (communiqué). Markaas Madaxweyne Kenyatta waxa u ra'iisul
wasaarahii Soomaaliya uga mahad celiyay in uu Cigaal weydiistay in isagu (Kenyatta) uu
hogaamiyo waftiga kulankaan uga qayb galay dalka Kenya.
Is-afgaradkii Caruusha ee 1967 (Arusha Memorandum of Understanding)
Qoraalka soo socda waa Is-afgaradkii "Memorandum of Understanding"
ay saxiixeen Madaxweynahii Kenya iyo Ra'iisul wasaarahii Soomaaliya October
28, 1967 uuna goob-jooge ka ahaa Madaxweynahii Zambia, waxaana Af-Soomaali u
rogay SomaliTalk.com:
= *** =
Si loo xoojiyo soo-jeedintii lagu gaaray Kinshasa ee ku saabsanayd xiriirka
Kenya/Soomaaliya, iyo garwaaqsiga baahida loo qabo in la soo celiyo xiriir
wanaagsan oo nabadgalyo ee dhex mara Kenya iyo Soomaaliya, labada hoggaamiye
waxay isla gaareeen heshiiskan ay ku qoran yihiin qodobbada soo socda:
(1) Labada Dawladood waxay awoodooda oo dhan isu gayn doonaan ayaga oo samayn
doona sida ugu saraysa si loo abuuro xiriir daris-wanaag u dhaxeeya Kenya iyo
Soomaaliya, sida uu dhigayo Axdiga OAU.
(2) Labada Dawladood waxay isku raaceen in sii socodka xaalad kacsan ee
labada dal aysan u adeegayn danta dadka Kenya iyo Soomaaliya.
(3) Sidaas daraadeed waxay xaqiijiyeen sida ay u taageersan yihiin qaraarkii
shirkii OAU ee Kinshasa, kaas oo nuqul ka mid ah lagu lifaaqay Qoraalkan
is-afgaradka ee Memorandum of Understanding.
(4) Si loo fududeeyo xal degdeg ah oo laga gaaro muranka iyo si loo xaqiijiyo
jiritaanka xiririir wanaagsan oo sii socda, labada Dawladood waxay isku raaceen:
(a) In la dhawro nabadgalyada iyo amniga xuduudda labadeeda dhinac ayadoo la
iska ilaalinayo burburinta nafta bini'aadamka iyo maal;
(b) In ay joojiyaan dacaayadaha (barabogaandada) colaadda xambaarsan ee ay
isu mariyaan warbaahinta sida raadiyaha iyo wargayska ee midba tan kale kaga soo
horjeedo, waana in la dhiiri galiyo barabogaandada ku saabsan horumarinta, iyo in
la sii wado xiriir saaxiibtinimo ee u dhaxmara labada dal.
(c) In si tartiib-tartiib ah loo joojiyo xaaladdii degdega ahayd ee hore loogu
soo rogay xuduudda labada dhinac;
(d) In dib loo furo xiriir dublomaasiyadeed ee u dhaxmara labada dal;
(e) In tixgalin la siiyo hab dhiiri galinaya xiriirka horumarinta dhaqaale iyo
ganacsi;
(f) In la sameeyo Guddi Hawlgalaya oo ka kooban Soomaaliya, Kenya iyo Zambia,
kuwaas oo si wareegto ah u kulmaya si ay dib ugu eegaan dhaqan galinta
Soomaaliya iyo Kenya ee qodobada ay ku heshiiyeen ee ku qoran dukumiintigan iyo
sidoo kale in ay qiimeeyaan siyaabaha iyo habka xal ku haboon looga gaari
karo waxyaabaha waaweyn iyo kuwa yaryar ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya.
-
(Africa Research Bulletin, vol.3-4, 1967, pp.880-81)
= *** =
Jariidadda Daily Nation ee Kenya faallo ay ku qortay caddadkeedii October 30, 1967, si
aad iyo aad ah ayey u soo dhawaysay is-afgaradkaas, ayadoo madaxweyne Kenyatta
iyo ra'iisul wasaare Cigaal ku tilmaantay Odayaal Qaran oo aad u heer sareeya
(Oustanding statesmanship).
Cigaal oo Difaacay Heshiiska Is-Afgarad ee Caruusha - "ma aha iibsi"
Africa Research Bulletin, vol.3-4,1967 |
Ra'iisul wasaarahii Soomaaliya ee is-afgaradkaas u saxiixay Soomaaliya,
Maxamed Ibraahin Cigaal, waxa uu October 31, 1967 raadiyahii Soomaaliya
shacabka kala hadlaya isagoo difaacay siyaasaddii dawladiisa iyo is-afgaradkii
uu saxiixday.
Waxaa Muqdisho ka dhacay mudaharaadyo lagaga soo horjeeday heshiiskaas
is-afgarad ee ka dhacay Caruusha. Mudaharaadyadaas oo dhacay xilli uu ra'iisul
wasaare Cigaal kusoo laabanayey Muqdisho. Waxana uu Cigaal arrintaas ka yiri: in
uu la yaabay in dadka qaar "oo uu yiri waxaan ognahay in ay wataan ujeedo raqiis
ah" in ay isku dayayaan in dadwaynaha ka dhaadhiciyaan in hamigii iyo
mabda'ii Soomaalida lagaga soo leexday kulamadii Caruusha iyo Addis Ababa iyo in
dhulka Soomaalida la iibsaday.
Ra'iisul wasaare Cigaal oo halkaas sii sharaxayay waxa uu yiri: "Mar haddii Kenya aqbashay in
ay nabad galinayso dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan NFD, isla markaasna albaabadu
u furanyihiin wada hadal iyo wada xaajood ku saabsan mustaqbalkooda, taas ma
lagu magacaabi karaa iibsi? Ma waxaa iibsi ah marka Kenya ay aqbashay in
ay albaabka u furto guddiga hawlgalka oo ka kooban xubno ka socda Zambia, Kenya
iyo Soomaaliya? Taas waxaan ka dhahayaa ma aha iibsi," ayuu yiri Maxamed
Ibraahim Cigaal (Muqdisho, October 31, 1967).
Cigaal oo sii watay difaaca Is-afgaradii Caruusha waxa uu yiri: "Dadkaas
dantooda khaaska ah ee danaystinada ah wata, waxay isku dayayaan in ay dawladaan
dusha ka saaraan xad gudubyo badan oo aan jirin; laakiin hawsha dawladdu waa mid
waadax ah oo muuqata oo loo fuliyay si masuuliyadi ku jirto oo xil-kas-nimo ah.
Waa arrin macquul ah oo loola jeedo in lagu xalliyo dhibaatooyinka Soomaalida
iyo tan dhulalkooda... Ma jiro dal keligiis ah, sida uu doono ha u weynaado, ama
awoodda uu doono ha lahaadee, ama siduu doono dhaqaalahiisu ha u
horumarsanaadee, oo goonidiisa isu taagi kaara siyaasad ahaan iyo dhaqaale
ahaan."
Ra'iisul wasaare Cigaal oo hadalkiisii sii watay waxa uu dadka heshiiska
is-afgarad Caruusha ka soo horjeeday ku tilmaamay "kuwo tiro yar oo ka
masayrsan wixii ay hore u gaari waayeen in hadda la gaaray". Waxa kale oo uu sheegay in "Dawladiisu ay
jeexday dariiq sax ah" oo uu yiri "Ka laaban mayno dariiqa aan ku socono", isagoo intaas ku daray "Waxaan aad ugu rajo waynahay, oo
aan ku kalsoonahay in waxa aan samaynaynaa ay yihiin kuwo faa'iido u leh dalka
iyo dadka." (Bulletin, vol.3-4,1967, pp.882).
Wafti Kenya oo booqday Ethiopia: October 31, 1967 magaalada Addis
Ababa waxaa tegey madaxweynahii Kenya, Jomo Kenyatta oo hoggaaminayay wafti ay
kamid ahaayeen Wasiirkii Difaaca Dr. Mungai, Wasiiru Dawlaha Mr. Koinange,
Wasiirka Warfaafinta Mr. Osogo iyo kuxigeenka Taliyaha Ciidanka Qalabka sida ee
Kenya Col. Mulinge. Waftigaasi waxay kulan la yeesheen Boqor Xayle Salaasi. Sida
ay xilligaas werisay Daily Nation, waxyaabahii ay ka wada hadleen waxaa
ka mid ahaa arrimo ku saabsan xiriirka ay la yeelanayaan Soomaaliya.
Heshiiskii Caruusha oo sababay Tafaraaruq SYL
November 14, 1967 Raadiyaha Muqdisho waxa uu sheegay
in la xiray Xaruntii Dhexe ee Xisbiga SYL (Somali Youth League)
kaddib markii xoghayahii guud ee xisbiga,
mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, uu jeediyey khudbad,
taas oo Radiyuhu ku tilmaamay in ay ahayd "khudbad abuurtay
arrimo halis gelinaya nabadda iyo amniga dalka,"
waa sida uu warka u dhigay Raadiyaha ay dawladdu gacanta ku haysay.
Raadiyaha Darasalaam waxa uu xilligaas sheegay in sababta loo xiray
Xarunta Xisbiga SYL ay ka dambaysay kaddib markii C/risaaq Xaaji Xuseen uu November 12, 1967 jeediyay hadalka
uu kaga soo horjeeday heshiiskii Caruusha ee Soomaaliya la gashay Kenya.
Amarka lagu xiray xarunta xisbiga waxaa bixiyay Guddoomiyahii Gobolka banaadir ee xilligaas.
Markii la xiray xaruntii xisbiga, waxaa kulan degdeg ah yeeshay Guddiga Dhexe ee SYL, waxayna markaas
xisbiga ka saareen mudane Maxamed Ibraahim Cigaal, waxaana
xisbigu ku eedeeyey in Cigaal iyo
xubno katirsan wasiiradiisu ay xubnaha xisbiga
ka dhex abuurayaan tafaraaruq iyo kala qaybsanaan
sababi karta kala burbur iyo tafaraaruq ku yimaada xisbiga.
Waxaana wareegtada xisbiga soo saaray C/rasaaq Xaaji Xuseen oo ahaa Ra'iisul
Wasaare intii u dhaxaysay June 1964 ilaa July 1967, xilligaas oo madaxweynahii cusbaa ee doorashada
ku guulaystay, C/rashiid Cali Sharmaarke, uu ra'iisul wasaare
u doortay Cigaal.
November 17, 1967 war uu baahiyay Raadiyahii Muqdisho ayaa toos loogu weeraray
Xisbiga SYL, oo warku sheegay in uu kasoo horjeedo siyaasadda Dawladdu ku doonaysay
in ay "xal nabad galyo ku raadiso khilaafka Soomaaliya kala dhexeeya Kenya iyo Itoobya."
Waxaa markaas la saaray guddi kakooban 19 xubnood oo loo xilsaaray in ay xalliyaan khilaafka
soo kala dhexgalay xisbiga SYL oo ahaa xisbiga hayey talada dalka. Kulankii ugu horeeyey ee guddigaasi yeeshay waxay guddoomiye u doorteen
Sheikh Mukhtaar Maxamed Xuseen.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, mudane Aadan Cabdulle Cusmaan, waxa uu ka mid ahaa xubnaha guddigaas.
Xisbiga SYL waxa uu ahaa xisbigii markaas aqlabiyadda ku lahaa baarlamaankii ka
koobnaa 124 xildhibaan, waxaa SYL ka ahaa 105 xildhibaan.
Zambia oo ka Walwashay Is-afgaradkii in uu burburo:
Zambiya waxay Muqdisho September 19, 1967 u dirtay Wasiirka aan wasaaradda lahayn Mr. Mainza Chona, isagoo ka soo ambaxay Lusaka si uu u tago Muqdisho.
Afhayeen u hadlay dawladda
Zambia waxa uu yiri heerka dhexdhexaadineen ee Zambia kaga jirto
muranka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya ayaa Dawladda Zambia muhiim uga dhigaya
in ay hesho akhbaarta ugu horaysa, sababtaas awgeed waxaa Madaxweyne Kauda go'aansaday in uu Mr. Chona u diro Muqdisho
si uu usoo qiimeeyo arrimaha la xiriira wararka ku saabsan xaaladaha soo
siyaaday (ee ku saabsan madax iyo shacabka Soomaaliyeed oo ka horyimid heshiiskii Is-afgarad ee
Caruusha).
Dooddii Baarlamaanka Soomaaliya ee Is-afgaradkii Caruusha
November 1967: Golahii Baarlamaanka Qaranka Soomaaliya waxay ka doodeen laba mooshin
oo la xiriiray heshiiskii Caruusha iyo Is-Afgaradkii Soomaaliya la gashay Kenya iyo Itoobiya. Mooshinka koowaad waxaa soo
gudbiyey
siddeed xildhibaan, mooshinkaasi waxa uu dawladda ugu baaqay in ah heshiiskii is-afgarad ee Caruusha ka dhigto
waxba kama jiraan "Null and Void". Mooshinka kale waxaa soo gudbiyay 35 xildhibaan, oo doonayey in
la dhaqan geliyo qodobadii heshiiskii Caruusha.
Raadiyahii Muqdisho oo arrintaas faallo ka bixinayey ayaa tibaaxday in labadaas mooshin midkii hela aqlabiyadda Golaha Baarlamaanka
uu noqon doono mooshinka dhaqan gali doona.
Sideeda Xildhibaan ee soo bandhigey mooshinka ka dhanka ah heshiiska ee
dhaliilayay Dawladda, waxay ka tirsanaayeen xisbiga talada hayey ee SYL,
waxaana shan ka mid ah ay ahaayeen Wasiiro ka tirsanaa dawladdii ka horaysey.
"Waxayna sheegeen in ay aad uga xunyihiin in dhulka Soomaaliyeed lagu wareejiyo
xukun shisheeye, arrintaas oo si caddaalada ka baxsan ay horseed ugu
noqotay Dawladdi xilligaas jirtay. Waxay dhulka ku wareejiyeen kuwii xakumay."
Xildhibaanada ka koobnaa 35 ee soo jeediyey mooshinka raacsan Dawladda waxaa
kamid ahaa laba xubnood oo ka tirsanaa dawladii ka horaysey. Waxayna yiraahdeen arrinta dhulka waa in lagu xalliyaa
si nabad galyo ah.
Codkii Kalsoonida Baarlamaanka - November 23, 1967
Kulankii Baarlamaanka Qaranka Soomaaliya waxaa la soo gabagabeeyey November 23, 1967 kaddib markii ay toban maalmood ka socotay dood
ku saabsan heshiisyadii Is-Afgarad ee ay Jamhuuriyadda Soomaaliya la gashay dalalka deriskeeda ah,
kii Kinshasa, kii Addis Ababa iyo kii Caruusha.
Dood kaddib xildhibaanadii waxay iskuraaceen Mooshin wax laga badelay, kaas oo Dawladda u ogolaanayey
in ay sii wado arrimihii ay ka soo bilowday Kulankii OAU (Caruusha). Markii cod loo qaaday 89 xildhibaan ayaa ogolaadan, 1 xildhibaana waa diiday, ayadoo ay jireen Afar xidlhibaan oo kale oo qaadacay ama ka
aamusay. Sidaas ayaa qorshihii dawlada lagu gudbiyey (89 HAA iyo 1 MAYA iyo 4 AAMUS).
Waxaana markaas kalfadhigii baarlamaanka laga soo jeediyey qodobadan:
= *** =
Golaha Baarlamaanku:
(i) - waxa uu ansixiyay qorshaha Dawladdu ay ka soo bilowday Kinshasa, Addis Ababa iyo Caruusha, taas oo ay ku doonayso in
ay abuurto xaalad is-faham iyo kalsooni si nabadgalyo looga gaaro xallinta muranka Soomaaliya kala dhexeeya dalalka la leh xuduudaha.
(ii) - waxa uu dawladda ku dhiiri galinayaa in ay sii wado qorshaha ay bilowday iyo in ay sii qaado
tallaabooyin dheeraad ah si ay xal lagu qanci karo uga gaarto muranka taagan, ayadoo ilaalinaysa xuquuqda dadka ay arrintani sida tooska ah u saamaynayso.
(iii) - waxaa uu Dawlada ugu baaqayaa in ay Baarlamaanka u soo gudbiso si uu u aqbalo oo u ansixiyo heshiisyadii ay la gaartey Itoobiya iyo Kenya.
(iv) - waxa uu u mahad celinayaa Dr. Kenneth kauda, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Zambia, isku daygiisii uu sameeyey si uu dhexdhexaadiyo
muranka u dhexeeya Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Kenya.
(v) - waxa uu u mahad celinayaa Dr. Julius Nyerere, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Tanzania iyo Dr. Milton Obote, madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda, ka qaybgalkoodii kulankii dhowaa ee Caruusha.
= *** =
Mooshinkaas, oo wax ka bedelkiisa uu soo jeediyey Wasiirkii hore ee Ganacsiga, mudane
Cabdillaahi Ciise, waxaa aqbalay xubnahii ka socdey xisbigii talada hayey
ee SYL, iyo xisbiyada kale oo uu kamid ahaa xisbigii mucaaradka SNC (Socialist National Congress) iyo SDU (Somali Democratic Union).
Ra'iisul Wasaare Cigaal oo hadal ka jeediyey kalfadhigii Baarlamaanka Soomaaliya ee lagu ansixiyey is-fahamkii Caruusha, waxa uu yiri "Siyaasadda Dawladani waa in ay xaqiijiso xuquuqda ay u leeyihiin
in ay aayahooda ka tashadaan dadka Soomaaliyeed ee ku hoos nool dalal shisheeya."
Zambia oo ka hadashay Go'aankii Baarlamaanka Soomaaliya
Kaddib markii Baarlamaanka Soomaaliya uu Dawladda u ogolaaday in sii wadi karto
is-afgaradkii Caruusha ee murankii dhulka ee Soomaaliya iyo Kenya,
waxa ra'iisulwasaare Cigaal dhambaal u soo diray Madaxweyne Kauda oo yiri: "Hoggaamiyaasha Soomaalida waa in
si aad ah loogu ammaano
arrintan caqligalka ah ee Afrikaanimada ah ee loo wajahay ama loo qaabilsay dhibaatooyinka
curyaamiyay xiriirka Dalalka Afrika ee caqabada ku noqday dariiqa lagu gaari karo is-faham, iyo nidaam wada-shaqayneed iyo midnimo, taas oo ah yoolka aan higsanayno,"
sida uu sheegay Raadiye Lusaka, November 24, 1967.
Maxaa Soomaalida Kaga Maqan Is-Afgaradkii Caruusha?
Jawaabta si aan u helo, aan yare
jalleecno dhulka iyo gobolada Soomaaliyeed ee is-afgaradkaasi khuseeyay.
FG: Sababaha ku kallifay Cigaal iyo Cabdirashiid in ay aqbalaan heshiisyadaas
is-afgarad waxaan u dhaafaynaa dadkii xilligaas siyaasadda ku dhex jiray, balse
halkan waxaan markale kusoo bandhigaynaa waxyaabaha ay buugaagta taariikhdu ka
qoreen halgankii loo soo maray xoraynta NFD iyo waxa Soomaalida kaga maqan
Is-afgaradkii Caruusha.
Dhanka kale, ayadoo laga duulayo xiriirkii ra'iisul wasaare Cigaale iyo
boqor Xayle (Sept 1967), ayaa February 5, 1968 wafti Ethiopian ah oo uu
hoggaaminayey wasiirkii Arrimaha Dibadda, Ato-Ketema Yifru uu Addis Ababa ka soo
dhoofay iyaga oo soo gaaray Muqdisho. Waftigaas iyo dawladii Soomaaliya waxay
warsaxaafadeed ku qabteen Muqdisho February 8, 1968 ay ku muujinayaan in ay isku
raaceen qodobo lagu hagaajinayo xiriirka labada dhinac.
Cigaal oo u Safray Addis Ababa: Ra'iisul wasaare Cigaal waxa uu
booqasho ku joogay Ethiopia intii u dhaxaysan 1 ilaa 5 September 1968 isagoo
casumaad ka helay boqor Xayle Salaasi, si uu rasmi ugula hadlo dawladda
Ethiopia**. Cigaal oo kulankaas kaddib shir jaraa'id ku qabtay Addis Ababa ayaa yiri "Arrin lagu qanco ayaa
ka soo baxday wada hadalkii rasmiga ahaa ee labada dawladood, kaas oo furay
waqti cusub oo u dhaxeeya labada dal." Waxana uu sheegay in si wanaagsan loo soo
dhaweeyey oo walaaltinimo ku dheehnayd..
Cigaal oo u Safray Paris: September 20, 1968 Ra'iisul wasaare Maxamed Cigaal waxa uu tegey
dalka Faransiiska si uu ula kulmo madaxweyne De Gaulle. Wakaaladda
wararka ee AFP waxa ay xilligaas werisay in Cigaal u yimid magaalada Paris "si uu
u gudbiyo soo-jeedin (proposal) ku saabsan Jabuuti" marka ay wada hadalka
yeelanayaan madaxweynaha Faransiiska. Cigaal waxa uu yiri "Dawladda Faransiiska
ayay khusaysaa in ay go'aan ka gaarto dhulkaas. Laakiin Soomaaliya, oo dal ahaan
qaddar saamayn ah ku leh, waxay doonaysaa in ay ka qayb qaadato xasiloonida iyo
nabad ku noolaanta dadka." Waxana uu intaas ku daray "Ujeedada ugu weyn ee aan u
imid Paris waxay ahay in aan soo celiyo xiriir wanaagsan ee aan la yeelano
Faransiiska si la mid xiriirka deriskayaga Kenya iyo Ethiopia." (Bulletin
vol.V 1968, pp. 1196).
NFD (Northern Frontier Distric)
Ka hor Is-afgaradkii Caruusha iyo Taariikh Kooban NFD
NFD (Northern Frontier Distric)[9] waa dhul
Soomaaliyeed oo aad u baaxad wayn. Waxaana la qiyaasaa in magaca loo bixiyey
1902. Xuduudka halkaas waxaa loo sameeyay kaddib
markii heshiis dhexmaray Britain iyo Talyaaniga July 15, 1924. ( Day, 1982: pp. 131).
Qarnigii 20aad badankiisa waxaa NFD xakumay Britain. Laga soo bilaabo 1926
ilaa 1934 waxaa NFD isku ahaa degmooyinka Marsabit, Mooyaale, Isiolo,
Mandheera, Wajeer, Garissa ilaa xeebta Badwaynta Hindiya.
Dagaalkii Muqaawamada NFD - 'Shifta'- (1963-1967)
Bartamahii 1963 arrinta dhulka Soomaaliyeed ee NFD waxa uu gaartay meel adag,
waxaana dawladdii Soomaaliyeed aad isugu taxallujisay sidii ay nidaam
dublomaasiyadeed ugala hortegi lahayd dawladdii Ingriiska si aan NFD loogu darin Kenya marka
ay xornimada qaadato oo xilligaas la qorshaynayay.
March 8, 1963 ayaa Duncan Sandys oo ahaa wakiilka Boqortooyada
Ingiriiska ayaa Nairobi
waxa uu kaga dhawaaqay go'aanka Britain ee ku aadan NFD. Waxana uu sheegay in ay
tahay gobol gooni ah oo hoos imanaya dastuurka Kenya. Waxaana go'aankaas la
horgeeyey Baarlamaankii Britain April 18, 1963 (Ibid, 1982: pp.132).
Shacabka Soomaaliyeed ee degganaa NFD iyo Soomaadii ku dhaqnayd
Jamhuuriyadda Soomaaliya aad ayey arrintaas uga xumaadeen. Madaxdii Kenya waxay caddeeyeen in aysan
ogolaan doonin in NFD raacdo Soomaaliya. Jomo Kenyatta waxa uu March 14, 1963
yiri: "Kenya ma ogolaan doonto in HAL TAAKO (hal inch) oo dhulkeeda ah ay ku wareejiso
Soomaaliya ama dal kale." Kulankii August 25-28, 1963 ee lagu qabtay Rooma ma
noqon mid miro dhal ah. Soomaaliya waxay xiriirka u jartay Britain March 12,
1963. Waxayna arrintaasi keentay in dawladahii reer Galbeedka ee taageerayey
Ethiopia iyo Kenya ay yareeyaan deeqdii dhaqaale iyo militari ee ay siin jireen
Soomaaliya.
Waxaa NFD ka bilowday dagaal iska caabin ay Soomaalidu ku doonayeen xornimo.
Kenya dagaalkaas looga soo horjeedey si ay u magac disho, waxay u bixisay
Dagaalkii "Shifta" oo ah kelmed AfSoomaali ah oo ah "SHUFTO", si loo muujiyo
macag dilid. Dadkaas ay Kenya ugu yeertay Shiftada waxaa buugaagta taarikhdu
qoraan in uu ahaa Muqaawamo (Somali insurgency) u dagaalamasay xornimo.
Raadiyaha Codka Kenya waxaa lagu amray marka ay ka hadlayaan colaadda NFD in
aysan u muujin ama la sheegin waxa la isku hayaa in uu yahay xuduud ama "Muran Xadka"
dhulka.
Dawladii Soomaaliya waxay xilligaas hub ka heshay Midowgii Soviet (Ruushka), oo
hubeeyay ilaa 20,000 oo ciidamadii qalabka siday ee Soomaaliya. Ethiopia markii
ay maqashay arrintaas, si ay uga hor tagto in Soomaaliya dhisato ciidan xoog leh, waxay
bishii November 1963 diyaar garow galisay ciidankeedii. Guutadii saddexaad ee
ciidamada Ethiopia ayaa la soo dhoobay xad-beenaadka aag dhererkiisu yahay
1,600km, waxayna bartamihii bishii Janaayo 1964 weerar cir iyo dhul ah kusoo
ekeeyeen goobo Soomaaliyeed iyo magaalooyin ku dhow xad-beenaadka. Dawladii
Soomaaliyeed ciidankeedii ayay ku dhaqaajisay halkaas, waxayna wadanka kusoo rogtay
xaalad degdeg ah. Saddexdii bilood ee ugu horeeyey 1964 waxaa dagaallo xoog weyn
ka dhaceen goobo ku yaal xad-beenaadka, gaar ahaan Tog-Wajaale oo xigta
dhanka waqooyiga oo 65 km u jirta Jigjiga, iyo Feerfeer iyo Doolow oo xiga dhanka
koonfureed. Waxa diyaaradaha Ethiopia duqeeyaan Hargaysa.
Marka laga soo tago dhanka Soomaali Galbeed, waxa kale oo dawladii
Soomaaliyeed ay hub iyo saanad siinaysay muqaawamadii NFD. Waxaa xilligaas
(1964) hesiis is-xulufaysi dhexmaray madaxweyne Jomo Kenyatta iyo boqor Haile
Selassie, heshiiskaas oo lagu magacaabo "1964 Mutual Defense Treaty", oo
loola jeeday Soomaaliya.
Bishii March 1964 waxay ahayd xilli doorashada madaxtinimada ee Jamhuuriyadda
Soomaaliya. Waxay Soomaalidu markaas halku dheg ka dhigeen "Gacanna waa ku
dagaalamaynaa, gacanna codka ayaan ku bixinaynaa". Taas oo jirtay ayaa March 6, 1964 heshiis
xabbad joojin ah waxa uu dhexmaray Ethiopia iyo dawladdii Cabdirashiid Cali
Sharmaarke.
Markii ra'iisul wasaare loo doortay Maxamed Ibraahim Cigaal, July 1967, waxa isbadal
weyn ku yimid siyaasadii arrimaha dibadda ee Soomaaliya. Cigaal waxa uu
heshiisyo la galay Kenya iyo Ethiopia, oo uu ka mid ahaa is-afgaradkii Caruusha.
Haddii Taariikhda xoogaa dib loo milicsado:
NFD si rasmi ah uguma wareegin gacanta Ingriiska ilaa sannadihii
1920-naadkii, waxana uu u soo maray isku day xooggan oo rabshado watay. Waxana
NFD
la hoos geeyay nidaam militari. Sannadkii 1926 waxaa NFD laga dhigay Degmo
dhinac kasta ka xiran (Closed District), taas waxaa ku xigtay in sannadkii 1934
laga dhigay Degmo khaas ah (Special District).
Xeerarkii Gumaysigu waxay badaleen qaabka ganacsigii dhexmari jiray dadka ku
dhaqan NFD iyo dhulka Jubba oo ay la lahaayeen dekedaha xeebaha Banaadir.
Soomaalida ganacsiga adeegsan jirtay waxaa lagu soo rogay shatiyo aad qaali u ah
oo aysan awood u lahayn taas oo xannibaad ku noqotay ganacsigii dhexmari jiray
dadka Soomaaliyeed. Waxaana gumaystayaashii ay ganacsiga u fududeeyeen ganacsato
Hindi iyo Carab ah si ay ula wareegaan ganacsigii NFD. Waxaa taas ka
darnayd in la curyaamiyay
ganacsigii xoolaha nool ee Soomaalidu u kala gooshin jireen dhulalka
Soomaaliyeed ee lakala xannibay. Sannadkii 1922 waxaa Isiolo laga furay xarun
lagu karantiimo lo'ada la soo gelinayo dhanka Kenya, waxaana taas sabab looga
dhigan in NFD
aysan lahayn
dhakhaatiirta xoolaha, arrintaas oo sii socotay ilaa dagaalkii Labaad ee Adduunka
kaddib - (Dagaalkii 2aad waxa uu dhammaaday September 2, 1945).
NFD waxay ku negaatay meel go'doon ah, oo ka caaggan horumarinta. Dadka
halkaas ku dhaqan oo ah Muslimiin waxaa aduunkoodii badalay ganacsiga beeraha ee reer Yurubkii halkaas soo dagay, oo fidinayay masiixiyadda,
faafinayayna luqaddo qalaad. Gumaystayaashii NFD kama hirgelin dugsiyo hoose
ilaa laga soo gaaray 1946. Degaankaas go'doonkiisii waxaa la sii xoojiyay
xilligii kacdoonkii Mau Mau ee sanadihii 1950-naadkii markii ay Kikuyu iyo Meru
ganacsatadoodii isku dayeen in ay NFD ka soo gataan xoolaha nool, waa laga
mamnuucay taas.
Sannadkii 1948 markii NFD laga mamnuucay Ururkii Dhallinyarada Soomaaliyeed
(SYL) waxay soo afjartay dhaqdhaqaaqii siyaasadeed ee ka jiray NFD. Ilaa 1960
waxaa gumaystayaashii ay Soomaalida aaggaas ku dhaqan ka mamnuuceen inay xitaa
yeeshaan urur dhallinyaro. Waxaana NFD laga dhigay meel xitaa ka xiran inta kale
ee Kenya. Laakiin xubnihii ururkii SYL ee u fakaday Soomaaliya waxay sii
wadeen xiriirka ay la lahaayeen NFD. Waxaa dhacday inay dukaan ka furteen meesha
lagu magacaabo Biskaya oo dhawr kiilomitir u jirta xad-beenaadka oo ku taal
xeebta.
Bahdilkii ay reer NFD ka Dhiidhiyeen
Sannadkii 1957 gumaystahii (haytay Kenya iyo NFD) waxa uu bilaabay in
markii ugu horaysay dad Afrikaan ah lagu daro Guddiga Sharci dejinta.
Ingiriiskii waxa uu ku andacdooday in Soomaalidii NFD uusan ka heli karin qof
matali kara Soomaalida, sidaas daraadeedna waxa uu soo xushay nin ka soo jeeda
Zanzibar oo
ah Carab, magaciisana la oranjiray Sherif Kullatein, oo Iskuul ku
yaal NFD ka ahaa kormeere. Arrintaasi waxay sababtay caro ka timid dadkii ku dhaqnaa NFD.
Taas oo keentay in hal sano kabacdi Khullatein lagu badalay Axmed Farar oo ahaa
Soomaali. Ninka Soomaaliyeed durbadiiba waxa uu cod dheer ku sheegay dhibaatooyinka loo
geystay degaanka NFD, gaar ahaan sida loo go'doomiyay, sida xoolahooda dad khaas
ah oo keliya ay ugu xiran yihiin inay iibsadaan. Bishii August 1960 wafti
Soomaali ah oo ka yimid NFD ayaa booqday Governatoorihii Nairobi, waxayna u
sharaxeen sida ay Suudaanta iyo Ethiopianka ugu sahlan tahay in ay booqdaan
caasumadii gumaysiga, halka ay ku adag tahay dadka deggan NFD (Sida uu qoray
wargayska The Times ee London 20/8/1960.)
Ganacsiga dadka khaaska u xiran (Molonoliga) waxaa NFD lagu soo rogay intii uu socday dagaalkii labaad
ee Adduunka, waana sii soctay dagaalkaas kaddib, waxaana gaar ahaan ganacsiga xooluhu u xirnaayeen African Livestock Marketing Organisation
oo ka siinayey in ka yar 20% qiimaha caadiga ah ee suuqa (Mahassin,
1972:221).
Bishii Janaayo 1960 ayaa markii ugu horaysay Kenya loo ogolaaday in ay wada
xaajood la gali karto Britain ku aadan xornimadooda, sannadkii xigay ayaana lagu
dhawaaqay in ay dhici doonto doorashooyin xornimo. Waxaa bilowday olole ay
ku samaysmayaan xisbiyo ay samaysteen qabaa'ilku. Qabiilooyinkii lagu
tilmaamayey kuwo laga tirada badan yahay waxay ku midoobeen xisbigii KADU
(Kenyan African Democratic Union), halka saddexdii qabiil ee ugu tirada badnaa, oo
ah Kikuyu, Meru iyo Luo, ay samayteen xisbi ay xulufo ku ahaayeen oo ah KANU
(Kenyan African National Union), xisbigaas oo sii jiray gumaysigii ka bacdi.
Dhanka NFD markii ololahaasi bilowday, xisbigii SYL ee hore looga mamnuucay
kuma soo laaban halkaas, laakiin waxaa samaysmay xisbiyo kale sida NPPPP
(Northern Province Peoples Progressive Party) oo ka tarjumayay ama doonayay qadiyadda
qarannimada Soomaalinimada. Xisbigaas markii hore waxaa laga asaasay magaalada
Wajeer, laakiin durbadiiba waxa uu ku fiday magaalooyinkii kale ilaa uu soo gaaray
degmada Gaarisa. Waxa kale oo NPPPP uu laamo ka furtay Mandheera iyo qaybo badan
oo katirsan degmooyinka NFD. Xisbigaas Soomaali keliya ma soo galin ee sidoo
kale waxaa taageero siiyay Boran, Rendile iyo Oroma. Xoghayaga guud ee xisbigaas
waxaa ahaa Dego Stambul Abdi oo Soomaali ah oo ahaa wiil uu dhalay
Suldaan Maalim Stambul. Madaxweyne ku xigeena waxaa xisbigaas u ahaa Alex
Kholkhole oo ahaa macallin ka soo jeeda Rendile. Waxa kale oo hoggaanka ka mid
ahaa Wako Hapi oo ahaa Muslim u dhashay Boran.
Xisbiga kale oo Soomaaliyeed ee aaggaas laga asaasay waxa uu ahaa NFDP
(Northern Frontier Democratic Party), oo uu asaasay nin ganacsade reer
Gaarisa oo magaciisu ahaa Yuusuf Xaji Cabdi.
Soomaalida, Boran Muslimiinta ah, Oroma, iyo Rendile waxay taageersanaayeen
nidaamka qaranimo Soomaaliyeed (Somali nationalism).
Xisbiyada KANU iyo KADU wax wakiilo ah kuma lahayn NFD, aaggaasna wax olole
ah kama samayn. Sidaas daraadeed xisbiyadaasi wax taageero ah kama haysan dadka
ku dhaqan NFD, gaar ahaan Soomaalida.
Si ay u muujiyaan in aysan doonayn ka qayb galka siyaasadda Kenya,
xisbiyadii Soomaaliyeed ee ka jiray NFD waxay qaadaceen doorashadii Kenya ee
1961, doorashadaas waxaa ugu xoog weynaa xisbiga KANU.
Reer NFD oo Diiday Nidaamkii Federaalka ee Kenya
Bishii September 1961 caaqilo Soomaali ah iyo siyaasiyiin ayaa waxay
magaalada Nairobi kula kulmeen xoghayahii dawladda Britain u qaabilsanaa
arrimaha mustacmaradda oo magaciisu ahaa Reginald Maudling, laakiin waxay iskaga
baxeen wada hadalkii ay la lahaayeen kaddib markii uu diiday in ay ka wada
hadlaan arrimaha la xiriira sidii NFD ay uga go'i lahayd Kenya marka ay
xornimada qaadato.
Bishii Febraayo 1962 ayaa xubno ka socday xisbiyada NFD waxaa lagu casumay in
ay ka qayb galaan shirweynahii labaad ee Lancaster House Conference
oo lagu qabtay magaalada
London. Dawladda Ingriisku waxay doonaysay in ay kulankaas uga hadasho aayaha xisbiyada Kenya, sida KANU
oo uu hogaaminayay Jomo Kenyatta iyo KADU (oo Ingiriisku u xaglinayeen) iyo nidaamka
Federaalka ee Kenya. Laakiin, waftigii NFD oo ahaa Soomaali waxay sheegeen in nidaamka
Federaalku uusan ahayn nidaam u cuntamaya, waxayna caddeeyeen in ay doonayaan in
ay ka go'aan Kenya oo la midoobaan Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxayna arrinta
toos ugu bandhigeen dawladda Britain oo weli ka talinaysay Kenya. Soomaalidii
waxay waxba kama jiraan ka soo qaadeen waftigii reer Kenya ee shirka yimid,
waxayna hadalkooda ku jiheeyeen oo keliya dawladda Ingiriiska.
Waftigii
Kenyaatiga ahaa waxay
markaas ku andacoodeen in Soomaalidan kulanka timid aysan wakiil ka ahayn
dadwaynaha reer NFD. Waxaana kulankaas ka soo baxay in Dawladdii Britain ay go'aamisay in
ay Guddi Xaqiiqo raadin ah u dirayso NFD si ay u soo ogaadaan waxa ay doonayaan dadwaynaha halkaas deggani,
waxaana dawladda Britain ay waftigii Soomaalida u ballan qaaday in wixii Guddigu soo ogaado lagu salayn doono go'aanka
kama dambaysta ah ee aayaha NFD, oo markaas go'aanka la gaari doono ka hor inta aan Kenya xornimada
la siin (waa sidii
Britain ballan qaaday). Arrintaasi waxay u muuqatay mid u dhacaysa si caddaalad
ah, waxayna rajo aad u wayn galisay Soomaalida iyo jaalkooda.
Waftigii Kenya arrintaas ma jeclaysan. Xisbigii KANU ee uu hoggaaminayey
Kenyatta waxa uu go'aansaday in ay awooda isku soo koobaan
(centralism) ayagoo ka weecanaya nidaamka Federaalka. Waxyar kaddib kulankii
Lancaster House Conference ee London, waxaa Muqdisho lagu casumay Jomo Kenyatta, halkaas oo uu madaxdii Soomaaliyeed ula hadlay hab lagu macneeyay
"mid xushmad leh laakiin ad-adag", isagoo sheegtay in NFD ay ka mid tahay
Kenya. Markaas waxaa la sugayey warbixinta Guddiga Xaqiiqo raadinta ee
Ingiriisku u diray NFD si loo ogaado waxa ay shacabka reer NFD doonayaan.
Guddigii Xaqiiqo Raadinta NFD (88% waxay doonayeen Soomaaliya)
Axdigii Soomaaliya (1979):
|
Qodobka 16aad (Dalalka Soomaaliyeed ee la gumaysto):
Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya, iyadoo isticmaalaysa dariiq
nabadgalyo iyo qaanuun, waxay taageeraysaa xoreynta Dalalka Soomaaliyeed
ee weli ku jira gacanta gumaysiga, waxayna soo dhaweyneysaa midowga
shacbiga Soomaaliyeed ee ku yimaada dariiq nabadeed iyo rabitaanka dadka
ay khuseyso. |
Guddiga Xaqiiqa raadinta waxaa ka mid ahaa nin Qareen-sare ah oo reer
Nigeria ah
iyo Janaraal ka tirsanaa ciidanka Canada. Waxayna NFD booqasho ku joogeen intii
u dhaxaysay October-November 1962. Si ay u ogaadaan dareenka dadweynaha
waxay qabteen kulamo iyo shirar ay dadku isugu soo baxayaan meelo fagaare ah,
waxay dhegeysteen hadalada dad afhayeeno oo uu hadlay shacabka iyo caaqillo, waxay fiirinayeen
sida ay dadweynuhu u jawaabayaan marka laga hadlayo qadiyadda NFD iyo waxa dadku
doonayaan, waxayna heleen qoraallo muujinaya dareenka dadka.
Warbixintii Guddigii Xaqiiqo raadinta waxaa la daabacay dhammaadkii
sannadkaas 1962 taas oo sheegtay in gebi ahaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan
NFD ay doonayaan in ay la midoobaan Jamhuuriyadda Soomaaliya. Waxaa sidaas oo
kale in ay la midoobaan Soomaaliya doonayey dadka Boran, Oroma Muslimiinta ah iyo Rendile ee dega NFD.
Warbixintu waxay muujisay in tiro aad u xad dhaaf ah oo ah dadka ku dhaqan
NFD ay doonayaan in ay la midoobaan Soomaaliya (tiro gaarsiiyo ilaa 88%), taas oo aad u farxad galisay
dadkii arrintaas u doodayay. "Guddiga Xaqiiqo raadisku waxa uu soo ogaadey in
tiro 400,000 Soomaalida NFD ay boqolkiiba 87% doonayeen in ay la midoobaan
Soomaaliya" sidaas waxaa buuggiisa ku qoray (Sauldie 1987: 25).
Wafti ka socday NFD ayaa booqday Muqdisho waxaana
loogu soo dhaweeyey si aad u heer saraysay. Dawladii Soomaaliya waxay
dalka Britain ku wargalisay in Soomaaliya diyaar u tahay sidii looga wada hadli lahaa
qaabkii NFD loogu soo dari lahaa Jamhuuriyadda Soomaaliya, mar haddii shacabkii halkaas deganaa
ay sidaas doonayaan.
Xildhibaan EARL ee LYTTON ayaa hadal uu 3dii December
1962 ka jeediyey baarlamaanka Britain waxaa ka mid ahaa:: "markii aan
ogaaday in dood (ku saabsan arrimaha NFD) uu yeelan doonaan baarlamaanku
ayaan
November 5, 1962 waraaqo waxaan u diray dad jooga Kenya si aan u ogaado
xaaladda." Waxa dadkii u soo jawaabay kamid ahaa nin weriye ah oo uu ku
tilmaamam nin khibrad sare leh, waxana uu weriyihi xildhibaanka u sheegay
"Waxaa jirta hal arrin oo aan jeclaan lahaa in aan ka hadlo taas oo khusaysa
arrinta N.F.P. - oo loola jeedo Soomaalida. Waxaan aaminsanahay inaad
xiisayn doontid tan. Dhibaatada na haysataa waa tan. Dadka Shirkadda Shell-B.P
waxay lacag dhan £8 million ku kharash gareeyeen
aaggaas sidii ay batrool (oil) uga sahamin lahaayeen. Hadda dhammaan
xisaabtii ay sameeyeen waxay ku soo ururtay meel 20 mile dhanka woqooyi bari
ka xigta Golole (Hola), meeshaas oo lagu magacaabo Walu, taas oo 10
mile bari ka xigta webiga Tana oo ku dhextaal N.F.P. Taas oo hal mayl ama
wax la mid ah bannaanka ka ah degmada xeebta". Waxa uu cabiray barta, waxayna
cabbir is-leeg u jirtaa Mombasa iyo Kismayu oo ah deked Soomaaliyeed. Waxa
uu yiri waxaa caro xoog leh ka imanaysaa haddii batroolkaas safayntiisa aan
la gayn Mombasa, ugu yaraan qayb. Hadda waxaa ceelka hoos loo qoday is
8,000 feet, waxaana dhiman 4,000 ilaa 6,000 feet in hoos loo socdo. Labada
dal midna ma leh aalad wax lagu qaado. Waa ceel carqaladi ku jirto, laakiin
waxaa dhici karta in ay meel hungo ah tahay. (HL
Deb 03 December 1962 vol 245 cc64-132).-- Waxaa taariikhdaasi ku
beegan tahay xilligii guddiga xaqiiqo raadintu ay booqanayeen NFD,
islamarkaasna la sugayey go'aanka Britain. Xildhibaanku muddo kaddib (April
1963) waxa uu yiri: NFD waa meesha ugu faqiirsan haddana ugu ilaaqda (muranka)
badan. Waxaa macquul ah in batrool ku jiro, laakiin ilaaqdu kuma saabsana
batrool, xitaa haddii aan batrool ku jirin weli ilaaqdu waa ka taagnaaneysaa.
Waxay noqotay arrin niyad jab iyo caro xoog leh ka dhalato kaddib markii la
ogaaday in Britain aysan doonayn in ay dhaqan galiso wixii shacabka NFD
doonayeen. 8da Maarso 1963 ayaa Britain ku dhawaaqday in NFD ay tahay gobolka toddobaad ee
Kenya oo loo bixiyay North Eastern Province (NEP) (NFD waxaa hadda loo
yaqaan degmoyinka Wajir, Mandera, Ijara, Garissa, Isiolo, Moyale iyo
Marsabit). Taasi waxay keentay caro aad u xoog badan oo ka timid
dawladdii Soomaaliyeed.
Dood ka dhacday baarlamaanka dalka Britain, 3dii April 1963, ayaa xildhibaan
EARL waxa uu ka jeediyey hadal aad u dheer oo uu kaga hadlay qadiyadda NFD oo uu
ku muujiyey in dhammaan dadka reer NFD ay doonayaan in ay ka go'aan Kenya marka
ay xornimada qaadato, isagoo xusay waxyaabihii ay soo ogaadeen guddigii xaqiiqo
raadinta ee Britain u dirtay NFD waxa uu yiri: Dadka reer NFD waxay doonayaan in
ay ku biiraan jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaan u malaynayaa boqolkiiba 86% ayaa
sidaas doonaya. Xildhibaankaasi waxa uu baalamaanka ka akhriyey warqad uu soo
qoray ra'iisul wasaarahii Soomaaliya oo ku taariikhaysnayd March 17, 1963 taas
oo ay ku qeexnayd in uu Soomaaliya ay xiriirka u jartay Britain. (HL Deb 03
April 1963 vol 248 cc600). Waxaa xilligaas ra'iisul wasaare ahaa Cabdirashiid Cali
Sharmaarke.
Ciqaabtii oo ku bilaabatay NFD..
Markii Ingiriisku ka baxay ballantii uu qaaday, dhammaan caaqiladii
Soomaalida ee NFD waxay iska casileen jogooyinkoodii, waxayna qaadaceen
doorashadii 1963, arrintaasi waxay NFD ka dhigtay meel aan dawladi ka jirin.
Doorashadaas Kenya waxaa ku guulaystay xisbiga KANU oo helay codadkii
saddex-meelood oo laba-meelood (2/3), xisbigaas oo dalka Kenya durbadiiba ka
baabi'ayay nidaamka Federaalka, xukunkana ka dhigay mid ku kooban dawladda
dhexe. Soomaalidii NFD durbadiiba waxay dareemeen cadaadis. Waxaa NFD laga
cayriyey Alex Kholkhole oo ahaa ku xigeenkii xisbigii NPPP, waxaa lagu xejiyay
madaxdii kale ee xisbigaas oo sidoo kale waxaa la cayriyo Dego Stambul Abdi iyo
Wako Hapi. Maalintii doorashadii xornimo gaarsiinta Kenya, 24 May 1963, waxaa
tacshiirad lagu furay oo afar laga dilay dad Soomaaliyeed oo isku dayey in ay is
hortaagaan Turkana iyo Meru oo doonayey in ay cod bixiyaan degmada Isiolo.
Bishii June 1963 waxaa la dilay guddoomiyihii Degmada Isiolo oo markaas loo
magacaabay.
Soomaalidii degganayd NFD waxay u jihaysteen Muqdisho si ay uga soo helaan
taageero hub iyo agab ay kula dagaalamaan Kenya oo xornimadeedii qarka soo
saarnayd. Soomaaliya waxay xilligaas hub ka heli jirtay Talyaaniga. Waxaa
dhacday weerar bartamahii November 1963 lagu soo qaaday Liboi oo ku taal
xad-beenaadka. Durbadiiba markii Kenya xornimada qaadatay 12 December 1963 waxaa
madaxweyne Jomo Kenyatta uu NFD ku soo rogay xaalad degdeg ah (State of
Emergency).
Xaaladda degdeg ah oo NFD lagu soo rogay December 25, 1963 waxa uu u
ogolaanayay in dadka xabsi la dhigi karo muddo dheer ayadoo aan wax dacwad ah la soo taagin, in lala wareego hantida dadka
lagu tuhmo in ay gacan siinayaan 'shiftada' /muqaawamada, iyo dil qofkii lagu helo hub in uu
sito.
Ciidamada Kenya oo markaas lagu qiyaasay 3,000 waxaa khasab ku noqotay in ay
waardiyeeyaan xad-beenaadka oo dherarkiisa lagu qiyaasay 700km. Laakiin waxay
garab ka heleen dawladda Britain oo diyaaradaheedu ay ciidamada iyo sahayda u
geynayeen askarta Kenya ee la geeyay NFD, sidoo kale Injineerada ciidamada
Britain waxay dayac tir ku sameeyeen dariiqyada askartu maraan, sidoo kale
dhakhaatiirta Britain waxay soo daad-gureeyeen wixii ka dhaawacma askarta Kenya.
Dawladda Britain waxay difaacday maxmiyaddii ay gumaysan jirtay ee Kenya. Sida
aan kor kusoo xusnay waxa kale Kenya ay heshiis is-xulufaysi oo xagga militariga
kula jirtay Ethiopia.
MADAXWEYNAYAAL |
Aadan
Cabdullah Cusmaan
1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
10 Jun 1967 - 15 Oct 1969 |
RA'IISULWASAARAYAAL |
Cabdirashiid Cali
Sharmaarke
12 Jul 1960 - 14 Jun 1964
Cabdulrasaaq Xaaji
Xuseen
14 Jun 1964 - 15 Jul 1967 Maxamad Xaaji
Ibrahim Cigaal
15 Jul 1967 - 1 Nov 1969 |
|
Horraantii sannadkii 1964, Soomaalidu waxay weeraro ku-dhufo-oo-ka-dhaqaaq
ah (Guerrillas) oo xiriir ah ka fulinayeen NFD, gaar ahaan degmada
Wajeer, waxayna xarun kadhigteen meesha lagu magacaabo buuraha Buna. Waxaa la
weeraray xarumo booliis oo Kenyaati joogeen, waxaa dillaacday waxa loogu yeero
shufto gawaarida u gali jirtay dariiqa isku xira Wajeer iyo Gaarisa oo
dhererkiisu yahay 250 km. Waxaa weerar lagu ekeeyay Marsabit. Waxa weerarada
geysanayay lama aqoon.
Bishii March 1964, Kenya waxay xirtay "xadka" la dhexdhigay NFD & Soomaaliya,
waxay sidaas oo kale weydiisatay Ethiopia oo xulafo la ahayd inay "xadka" xirto.
Waxaa la siyaadiyay hawl-gallada ay ka qayb qaadanayso Britain, sarkaalka labaad ee hawlgalka hoggaaminayay waxaa laga
dhigay nin Britain ah. Diyaaradaha Britain waxay samaynayeen sahamin, isla
markaasna waxay daadinayeen waraaqo. Ciidamo Britain ah waxay waardiye ka
qabteen jidka isku xira Gaarisa iyo Wajeer. Askartii Kenyatiga ahi waxay dadka
xoola dhaqatada ah u tixgalinayeen dhammaantood inay qayb ka yihiin muqaawamada,
waxayna hub culus ku laayeen xoolahoodii. Hal maalin waxaa NFD lagu dilay shan
kun (5,000) neef oo lo' ah (sida ku cad buugga uu qoray Hjort, 1979: 37).
Cadaadis aad u daran iyo ciqaab ayaa loo gaaystay shacabka iyo xoolahii oo laga laayey,
si hayin looga dhigo dadka, taas oo sababtay in ay waxyar yaraato "Shuftadii". Markaas ayaa October 1964
ciidankii Britain dib uga baxeen NFD.
Soomaaliya waxay sii waday taageeradii dadka NFD. Waxaana laga soo xigtay
Safiirkii Maraykanka u fadhiyay Muqdisho in uu yiri: Maxamed Siyaad Barre oo
noqday taliye ciidamada qalabka-sida ee Soomaaliya 1964 waxa uu agaasimay unug
isaga toos u hoos yimaada oo qaabisal taageridda weerarada ku dhufo oo ka
dhaqaaq ee NFD
(sida ku cad buugga uu qoray Thurston, 1978: 13).
Bartamihii bishii May 1965 waxaa mar kale xoogaystay weerarkii ka dhacayey
NFD. Taas waxay salka ku haysay in ay heleen hub casri ah, maadaama Soomaaliya
ay hub ka heshay dalkii Midowga Soofiyeed (Soviet Union). Waxaana la weerar
goobo ay ka mid ahaayeen
Isiolo.
Reer NFD oo 80% Lagu Xereeyay Xeryo Silig ah
- Dadka waxaa la isugu soo aruuriyay 14 Manyattas oo silig ku xeeran yahay
oo militari waardiyayno. Waa
weerar miltari oo lagu qaaday shacabka...
Sannadkii 1966, Kenya waxay NFD mar kale saartay cadaadis daran. Bishii July
1966 waxaa Kenya amar ku bixisay in dhammaan ragga Soomaalida ah ay iska diiwaan
galiyaan goobaha dawladda muddo bil gudaheed ah. Bishii September 1966 waxaa la
soo rogay in dil lagu xakumo qofkii loo maleeyo in uu la shaqaynayo cid loo arko in ay
halis ku tahay ammaanka Kenya. Dhul ballaciisu yahay 24km oo ku dheraran
"xad" la dhex dhigay NFD iyo Soomaaliya ayaa laga dhigay aag dadka ka caaggan (oo mamnuuc ay tahay in la
maro). Waxaa la sameeyey barnaamij khasab ah oo rarid iyo dejin goobo
cusub, waxaana boqolkiiba 80% dadka reer NFD la isugu geeyay 14 (ama shan iyo toban)
goobood oo lagu wareejiyay silig iyo ood qodax leh. Qof kasta oo siliggaas
bannaankiisa lagu arkona waxaa loo tixgalinayay "Shifto".
Taasi waxay keentay dabar go'id ku dhacday xoolahii noolaa ee reer miyiga NFD
maadaama aagga lagu soo koobay ay durbadiiba ka dhamaatay daaqsimadii,
xoolihahiina ay ku dhaceen cuduro iyo gaajo. Ciidamada Kenyaatiguna waxay dadka ula dhaqmayeen si
bini'aadaminada ka baxsan, xaqiraad, yasid iyo quursi. Arrintaas dadka la
galiyay xerada waxay socotay muddo afar
bilood ah, taas oo dadka reer NFD ku reebtay argaggax iyo riyo naxdin badan.
Dawladda Kenya waxay sheegtay in ay dishay tiro badan oo Shifto ah, laakiin
waxaa la sheegay in dadka la laayay in badan ay ahaayeen xoolo dhaqato caadi
ah. Haddii qof "shifto" ah uu meel NFD ka mid ah wax ka sameeyo waxaa durbadiiba
ay ciidamadu ciqaab guud oo caam ah marinayeen dadka reer NFD. Arrintaasi waxyar ayay soo
yaraatay sannadkii 1967.
July 7, 1966 Wasiirkii Difaaca ee Kenya, mr. Mungai, waxa uu sheegay in
ciidamo kolonyo ah ay dileen 47 qof oo uu ku tilmaamay Shifto. Waxaana wararku
tibaaxeen in laba toddobaad gudahood NFD lagu dilay 91 Soomaali ah.
Dabayaaqadii 1966 waxaa ilo ku dhaw Dawladda Kenya laga soo xigtay in ay
sheegeen in NFD lagu dilay 1,650 Soomaali ah oo lagu sheegay in ay ahaayeen
"Shifta" muqaawamada muddadii saddexda sano ahayd (1963-1966), waqtigaas waxaa
askarta Kenya laga dilay 69, waxaa sidoo kale la sheegay in ay dhinteen 500 qof
oo shacab ah.
Soomaalida deggan NFD iyo Soomaalida ku dhaqnayn Jamhuuriyadda intii
xilligaas xorta ahayd, kama suulin xornimo raadinta NFD.
Sida Soomaalidu u arkaan, "arrinta ay ka muransan yihiin ee xuduudaha kuma
saabsana oo keliya dhul, balse waxa kale oo ay ku saabsan tahay dad." (sidaas waxaa buugiisa ku qoray Drysdale, 1964: 7).
Halgankaasi waxa uu hakad galay kaddib Is-afgaradkii Caruusha
Doorasho ayaa ka dhacday Soomaaliya, waxaana madaxweyne noqday Cabdirashiid Cali Sharmaarke
10-kii June 1967. Waxana uu ra'iisul wasaare u maacaabay Maxamed Ibraahim Cigaal
15-kii July 1967. Laba bilood gudahoos markii xilka loo
magacaabay, ra'iisul wasaare Cigaal waxa uu bishii September 14, 1967 heshiis
hordhac ah magaalada Kinshasa kula gaaray Kenya. Kaas oo ku saabsanaa in la
joojiyo "colaadda" NFD.
Sida aan soo xusnay, waxaa xigay in October 28, 1967 ay Soomaaliya iyo Kenya magaalada Caruusha, Tanzania
ku kala saxiixdeen hesiis is afgarad "Memorandum of Understanding" ay ku
yaboohayaan in ay ka shaqaynayaan nabadda iyo amaanka ee labada dhinac ee xadka
iyo in ay joojinayaan borobagaandada ay isku soo jeedin jireen. Taasi waxay
keentay in markaas
dib loo soo celiyay dublomaasiyadii Britain January 25, 1968 iyo Kenya January
31, 1968. (Africa Year Book and Who's Who, 1977: 773).
Hadalladii madaxdii hore ee
Soomaaliya iyo waxay dawladihii Soomaaliya soo maray ay ka
aaminsanaayeen xuduudaha Dhulka Soomaalida.....
Akhri... |
Buugaagta taariikhdu waxay qoraan in is-afgaradkii Caruusha uu ku maqan
yahay baaxad dhul Soomaaliyeed oo qiyaas ahaan ka badan boqolkiiba 40% bedka
dhulka hadda loo yaqaan Kenya.
Inkasta oo ay u muuqatay in NFD laga khafiifiyay xaaladii degdega ahayd, hadana
aaggaasi waxa uu ku nagaaday aag dhaqaale ahaan iyo waxbarasho ahaanba aad u
dambeeya. Sannadkii 1970 ardayda ka diiwaan gashanayd dugsiyada hoose ee NFD
waxay ahayd tiro aan wax la sheego ahayn (waa 0.3%), taas marka la barbar dhigo
gobolka dhexe (Centeral Kenya) waxay tirada ardayda dugsiyada hoose ahayd 24.9%
(ILO, 1972: 301). Wasaaradda Waxbarashada Kenya waxay soo saartay buugaag
dugsiyada hoose oo ku qoran afar iyo toban luuqadaha Kenya, laakiin luqadahaas
buugaagta lagu qoray kama mid ahayn Soomaali iyo Oromo (Gorman, 1974: 445) - Tira koob laga sameeyey NFD sannadkii 1969 waxaa lagu ogaaday in tirada dadka
Soomaalida ee daggan NFD ay hoos u dhacday boqolkiiba 9%.
March 15, 1969 ayaa Kenya waxay NFD ka qaaday xaaladdii degdegga ahayd ee
saarnayd laga soo bilaabo December 25, 1963. Sida halkaas ka
muuqata waxaa xaaladda degdeg ah NFD laga qaaday
saddex sano kabacdi heshiiskii Caruusha.
Tacadigii oo NFD ka sii socday....
Xadgudbkii xuquuqul insaanku waxa uu ka sii socday NFD. Dhacdooyinka ugu
waaweyn waxaa ka mid ah Xasuuqii
Bulla Kartasi
(Buulo Qardaasi) ee November 1980 iyo Xasuuqii Wagalla ee February 1984. Xasuuqa
hore ee Buulo Qardaasi waxa uu dhacay kaddib markii Gaarisa lagu dilay lix ka
tirsanaa saraakiisha dawladda oo uu dilkaas geystey hal qof sida wararku
sheegeen. Markaas ayaa ciidamada waxay dab qabadsiiyeen Buulo Qardaasi, waxayna
dadkii intii ka hartay magaalada isugu keeneen barxadda Dugsi ku yaal Gaarisa.
Halkaas oo hay'adaha xuquuqul insaanku ay ku qiyaaseen in la diley 3,000 qof,
islamarkaasna aan la aqoon meel ay jaan iyo cirib-dhigeen 3,000 qof oo kale, in
badana la kufsaday.
Xasuuqii Wagalla waxa uu ka dhacay Wajeer kaddib markii ciidamadu ay soo
ururiyeen dadwayne oo isugu keeneen meesha lagu magacaabo garoonka Wagalla,
kaddib xasuuqeen. Waxayna si
arxandarro ah u xasuuqeen dad lagu qiyaasay 5,000 qof.
Xasuuqyada kale ee la
xuso waxaa ka mid ah Malka-Mari (1981) oo ka tirsan degmada Mandheera,
waxaana la qiyaasaa in lagu xasuuqay dad ka badan 300 qof. Waxa kale oo goobaha
xasuuqu ka dhacay ka mid ah Garse, Derakali, Dandu,
iyo Takaba oo dhammaan ka tirsan degmada Mandheera. Qareen
Axmed Isaaq Xasan oo 2008 qoraal dheer ku
faahfaahiyey tacadiyada sii socday ee ku dhacay shacabka NFD waxa uu xusay in
November 1989 lagu soo rogay diiwaan galin waxa loo yaqaan 'screening
card', oo ah in guddi iyo cuqaal ay caddeeyaan qofkaasi in uu deegaanka
ka tirsan yahay kaddib loo sameeyo kaar gooni ah oo la dhinac wado aqoonsigii
caadiga ahaa ee la siiyo dadka kale ee deggan Kenya.
Cigaal iyo Cabdirshiid ma jirin wax looga bedeshey siyaasdii ku dhisnayn "in
si qabow wax lagu raadiyo", waxa kaliya oo ay heleen waxay ahayd ballan qaad
mugdi-kujiray oo ahaa in si nabad galyo ah loo midaynayo Soomaali oo dhan. (Patman; 1990: pp. 97).
Hadda (May 7, 2009) marka la eego qoraalka ay Kenya u gudbisay QM, waxa uu si
qeexan u muujinayaa in ay ku xad gudubtay heshiiskii Is-afgarad ee Kinshasa iyo
Caruusha ee ahaa: (Labada Dawladood waxay muujiyeen rabitaankooda ay mid kasta tan kale
tixgalinayso xornimadeeda iyo wadajirka dhulkeeda).
Isbar bardhig labada Is-Afgarad
Qoraaladan kore oo dhan waxay is dhinacdhig u yihiin taariikh isu dhigma oo
dhacaya maalmo kala duwan ayna matalayaan magacyo kala duwan, laakiin fulinaya hadaf
isku mid ah labada dhinacba. Uma baahna inaan is barbar dhig farabadan, waayo qoraalka
kore ayaa dhamaantiis wuxuu bar bardhig u yahay heshiiskaan horay u galay iyo
natiijadii ka dhalay. Wax yar aan dib u jaleecno hadaladii isu ekaa ee madaxdii
Soomaalida.
Hadalkii Sh. Shariif iyo Cumar C/rashiid
"Waxaan
horta marka ugu horaysa rabaa in aan idiin sheego ummadda Soomaaliyeed shaki ma
qabtee dad raba in ay shaki abuuraan ayaa maalin walba qayliya, iyaga ayaana
shakiga abuura, ee ummadda Soomaaliyeed shaki ay qabto ma jiro, kalsooni waxay
ku qabaan wixii dawladdaan ay soo qabatay, tallaabooyinkii ay soo qaaday,
dalkeena in aan khiyaanana wax naga suura gal ah ma aha, Ilaah ayaana ka magan
galaynaa."
Shariif: Waxaa dhab ah inay arintaas cadayn u tahay kuwa ka soo
horjeeda heshiiskan haba yaraatee ma aysan akhrin, maxaa yeelay ma dhicin wax
heshiis ah oo ku saabsan kala xadaynta badda ee Kenya lala galay, waxaa jira
kaliya heshiis is-afgarad oo oronaya dowlad kasta waxay xaq u leedahay
inay u gudbisato xogteeda la xiriirta xeebaheeda Qaramada midoobay, anaguna nama
hayso wax duruuf ah oo nagu riixaysa inaan saxiixno mucaahado dayacaysa
lahaansha xeebaha Soomaaliyeed .
Shariif: Xaalada waxaan ula soconaa si hoos ah, uma ogolaanayno qofna
inuu qaato qayb kamid ah biyaha Soomaaliya, wax kasta oo xujo laga dhigto,
waxaan aaminsanahay qofkasta inuu xaq u leeyahay inuu walwal kamuujiyo, laakin
Xukuumadu waxay diyaar u tahay inay arinta ka shaqayso iyadoo kaashanaysa
khubaro iyo Soomaali takhasus u leh.
Sheikh Shariif oo si qeexan khilaaf u galiyay badda Soomaaliya waxa uu yiri:
"Annaga iyo Kenya maadaama XUDUUDDA DHULKA AAN LA ISKU WAAFAQSANAYN,
baddana waxaa waaye KHILAAF ayaa ka jira. Marka Khilaafkaasi in uu
jiro in la muujiyo meesha ayay soo gashay, waxaadna ogtihiin in dhulka uu yahay
dhul khayraad uu jiro loona baahan yahay tallaabo in ay qaado dawladdu. Marka
heshiiskaasi waxa uu ahaa heshiis lagama maarmaan ah in la galo."
Cumar C/rashiid Cali Sharmaake
Sharaxaada
Ra'iisul Wasaaraha uu ka bixiyey heshiiskii Kenya, qayb kamida hadlkii oo qoran.
"Waxaa jirtay illaa iyo dowladihii lixdankii , wax la yiraahdo Contenantal
Shelf oo ah hadba wadankasta dhulkiisa inta uu badda hoosteeda gaaro,
waxayna ahayd wax caadi ah oo dowladihii hore oo dhan ay ay gaysteen
sheegteen in dhulkoodu uu gaaro ilaa 200 oo mile, waxaa lasoo ogaaday Soomaaliya
in dhulkeedu ka shisheeyo 200nm waxa la dhaho ee lagu xisaabtamo, sidaas darteed
waqtigii waxaa la gaaray anga aan dib u codsan lahayn, in aan sheegano dhulkaas
baaxada wayn ee biyaha ku fidsan, maadaama sharcigu wuxuu dhigayaa in hadii ay
jiraan wax dowlado ah oo ay xudduud yadoodu isgaaraan, in dowladuhu
ay isu ogalaadaan inay wada sheegtaan dhulkaas 200 iyo wixii ka shisheeya.
Laakiin taasi aysan ahayn in anaga xuduudkeena iyo dhulkeena taako intaas leegba
alla ha ka dhigee, inaan uga baxayno ama usiidayno qofna....
Waa jirtaa anaga iyo Kenya inaan isku hayno Xuduudka en biyaha hoose ee aanu en
gudi usaari doono hadii illaahay yiraahdo laguna kala bixi doono maxkamaddaha
aduunka... Maadaama xuduudaheeenu isa soogaaraana aanu u sheegno aduunku
in waxa naga dhaxeeya anaga an ku kala baxno si sharci ah..."
Maxamed Ibraahim Cigaal
Cigaal oo sii watay difaaca Is-afgaradii Caruusha waxa uu yiri: "Dadkaas
dantooda khaaska ah ee danaystinada ah wata, waxay isku dayayaan in ay dawladaan
dusha ka saaraan xad gudubyo badan oo aan jirin; laakiin hawsha dawladdu waa mid
waadax ah oo muuqata oo loo fuliyay si masuuliyadi ku jirto oo xil-kas-nimo ah.
Waa arrin macquul ah oo loola jeedo in lagu xalliyo dhibaatooyinka Soomaalida
iyo tan dhulalkooda... Ma jiro dal keligiis ah, sida uu doono ha u weynaado, ama
awoodda uu doono ha lahaadee, ama siduu doono dhaqaalahiisu ha u horumarsanaadee, oo goonidiisa isu taagi kaara siyaasad ahaan iyo dhaqaale
ahaan."
Cigaal oo weeraraya dadkii dhigiisii ahaa xiligiisii wuxuu yiri: Ra'iisul wasaare Cigaal oo hadalkiisii sii watay waxa uu dadka heshiiska
is-afgarad Caruusha ka soo horjeeday ku tilmaamay "kuwo tiro yar oo ka
masayrsan wixii ay hore u gaari waayeen in hadda la gaaray". Waxa kale oo uu sheegay in "Dawladiisu ay
jeexday dariiq sax ah" oo uu yiri "Ka laaban mayno dariiqa aan ku socono", isagoo intaas ku daray "Waxaan aad ugu rajo waynahay, oo
aan ku kalsoonahay in waxa aan samaynaynaa ay yihiin kuwo faa'iido u leh dalka
iyo dadka." (Africa Research Bulletin, vol.3-4,1967, pp.882).
Ra'iisul wasaare Cigaal oo halkaas sii sharaxayay waxa uu yiri: "Mar haddii Kenya aqbashay in
ay nabad galinayso dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan NFD, isla markaasna albaabadu
u furanyihiin wada hadal iyo wada xaajood ku saabsan mustaqbalkooda, taas ma
lagu magacaabi karaa iibsi? Ma waxaa iibsi ah marka Kenya ay aqbashay in
ay albaabka u furto guddiga hawlgalka oo ka kooban xubno ka socda Zambia, Kenya
iyo Soomaaliya? Taas waxaan ka dhahayaa ma aha iibsi," ayuu yiri Maxamed
Ibraahim Cigaal (Muqdisho, October 31, 1967).
Shalay iyo Maanta Maxaa isaga eg!
Hadaan isbar bardhig kooban ku samayno, Cigaal xiligiisii wuxuu ku doodayey
in heshiiskii Caruursha ee loogu magacdaray is-Afgarad ay Soomaali dani ugu
jirto ayna tahay horumar uu si nabada kusoo kordhiyey, dadka reer NFD inay nabad
iyo xornimo gaari doonaan, sidoo kale Cigaal wuxuu sheegay dadka arintan kasoo
horjeeda inay dadno khaasa ka leeyihiin ama ay Masayrsan yihiin. Hadalada
Shariif iyo Cumar ayaa aad ugu eg kuwii 1967 ee Cigaal.
Xukuumaddii Cigaal maxaaa looga soo horjeeday markuu saxiixay heshiiskii Caruusha?
Xukuumaddii Cigaal waxay ogolaatay in in aan laga hadlin xuduud beenaadkii Ingiriisku sameeyey,
wuxuu Kenya u ogolaaday sida aan qodobada kore ku aragnay in xuduuda Kenya iyo
Soomaaliya ay tahay meesha ay maanta tahay. Xukuumaddii Cigaal waxay hakad
galisay dhamaan
halgankii Naf iyo Maal lahaa ee NFD soo gashay, waxaayna saxiixeen inaan Dowlada
Soomaaliya aysan si qiime ku dhisan ula xisaabtamin Kenya.
Maxaan Ka Faa'iidnay Heshiiskii Caruusha
- 1- In 30 sano oo danbe markii heshiiska la saxiisay ay cunaqabatayn iyo
go'doomin ku jirtay NFD
- 2- In ay wali laalantahay xornimadii NFD iyo inay kamid noqoto Soomaaliya, halgankii
dheeraana uu hakado.
- 3- In Dowladii xiligaas ay siyaasad ahaan uga waji dadatay Xuduudaha labada dal,
oo NFD-na ilaa xiligan
ay bixinayso dhibaatadii heshiiskii caruusha.
- 4- In Soomaaliya ay kamaqantahay dhulbaaxadiisu leegtahay 40% dhulka Kenya
hadda loo yaqaan.
- 5- waxaan ka faa'iidnay xasuuqii naf iyo xoolo lahaa ee kala danbeeyey
sida aan kor kusoo aragnay ee ku dhacay dadka reer NFD.
Hadalada Sh. Shariif iyo Cumar aad ayey u ugu egyihiin kuwii xukuumaddii Cigaal, waxay
ku celcelinayaan inaysan HAL TAAKO OO DHUL AH AYSAN BIXINAYN laakiin taas waxaa
khilaafsan saxiixa ay bixiyeen. Sidoo kale waxaa xukuumadda hadda (DFKMG) ay aad u weerarayaan dadka kasoo
horjeeda heshiiska ay galeen waxayna ku tilmaamayaan, kuwa aan arinta si hoose
ula socon, kuwo aan heshiiska akhrin, kuwo dano gaara leh, iyo kuwa xaalada kabadbadinaya dadkana khaldaya.
Waa intii xukuumaddii Cigaal ay lahayd 1967.
Sidoo kale waxay ku celcelinayaan inay
heshiiskan dani ugu jirto Ummada Soomaaliyeed hada iyo mustaqbalka, hadaan
lasamayna dhib ka imaanayo, waxay leeyihiin hadaan is Afgarad galay si xogteena
loo aqbalo maxaan bi'inay!? Maxaa isaga eg Shalay iyo maanta.
Haddii (DFKMG ay ku doodi lahaayeen) ama ay
xarriiqda dhanka kale u janjeerin lahaayeen maxaa kaa bi'i lahaa.
Waxaa xusid
mudan qoraal May 11, 2009 ku soo baxay Jariidadda The East African oo ka
hadlayey baaxadda badda ay heleysayso Kenya, qormada oo cinwaanka qayb kamid
ahaa 'degdeg u qabsashada cusub' (new scramble) ayaa
sheegtay in aagga cusub ay ku jiri karaan shidaal petroleum iyo gas iyo
macdano sida iron-manganese (manganese, copper, cobalt iyo nickel), polymetallic
sulphides, iwm - (East
African, May 11, 2009).
Haddii aan milicsano qoraalka heshiiska is-afgarad aad ayuu isugu noqnoqonayaa intiisa badana
waan soo aragnay, Kaliya waxaan iftiiminaynaa kadib markii Kenya gudbisatay
xogteeda rasmiga ah (May 7, 2009) in Soomaaliya Baddeeda ay Kenya ka goosatay
(116,000km2) in Wali Dowladda (FKMG) difaacayso khaladkii ay gashay. Waxaa kaloo muhiima in Ummada
Soomaaliyeed ogaato dhowr arrimood:
1- Dowladu heshiiska waxay gashay iyadoo og in Kenya kusoo xadgudubtay
xornimmadii Soomaaliya baddeediina ay qayb cabiray, heshiiska intaan la saxiixin
Dowlada waxaa xog waafi ah iyo damaca Kenya gaarsiiyey SomaliTalk.com. Sidoo
kale waxaa qiray inay ogaayeen in Kenya badda kusoo xadgudubtay Wasiirka
saxiixay C/shakuur.
2- Dowlada Shariif iyo Cumar waxay aqbaleen inaan xuduuda bada
uusan kala calaamadsayn, waxayna aqbaleen (Muran baddeed) arintaasna waxaa
ka hor imaanaya heshiiskii Caruusha sida aan kor kusoo aragnay, labada wadan
waxay gaareen inay ictiraafaan xuduudahooda wax dagaal ahna aan lasamayn waxaa
kamid ahaa heshiiskii Caruusha (a) In la dhawro nabadgalyada iyo amniga xuduudda labadeeda dhinac ayadoo la
iska ilaalinayo burburinta nafta bini'aadamka iyo maal;
3- Dowladu waxay ku dadaalaysaa inay marsiiso Baarlamaanka sidii 1967 loo
marsiiyey, miyeenay ku aheen ceeb iyo wajigabax iyo khiyaamo qaran Baarlamaankii
xilligaas oo ansixiyey in NFD ay soo marto dhibaatooyinka aan soo aragnay walina
ay sidaas baaqi ku ahaato. Waxaa ammaan mudan hal-ka xildhibaan ee sida qayaxan
codkiisa ugu diiday heshiiskaas 1967.
4- Qodobka kale oo Muhiimka ah waa sida Afrikaanku nooga hiiliyeen, khaasatan
Dowladii Zambia akhri OAU qodobkeeda nalagu fuliyey, iyadoo ay ahayd inuu u
shaqeeyo sidaa cagsideed. (Axdiga
OAU, May 1963): Qodobkiisa Article III, Farqaddiisa 3aad waxa uu
dhigayaa in (Dalalka xubnaha ka ah OAU) ay qadariyaan madaxbannaanida iyo
wada-jirka dhulka dal kasta iyo xaqa uu dal kasta u leeyahay jiritaanka
xornimada: Hadii sax loo dhigi lahaa waxay ahaan lahayd in Kenya qadariso
wadajirka Soomaaliya iyo xornimada Soomaaliya, laakiin Soomaali ayaa horay u
tiri "ruqo ninkii lahaa dabada uga taagan yahay makacdo" Waxaan ula
jeednaa waxay ahayd in qodobkaas Soomaaliya dhulka kamaqan ku hesho.
5- Dowlada Kenya xogta ay u gudbisay Qarammada Midoobay waxaa
diyaarinteeda kaga baxay waqti badan iyo kharash aad u badan. Sida ay muujiyeen warbixinnada
Kenya, $9 million ayay ku bixisay soo ururinta xogta ku saabsan cabbirka badda ay gudbisay, waxay taasi ku tusinaysaa muhiimadda ay arrintu leedahay iyo sida ay ugu baahan tahay kharash iyo
waqti. Tusaale kale, waxaa taas u ah in, sida ay sheegtay EastAfrican, dawladda Tanzania ay mucaawino farabadan ka heshay Dawladda Norway oo ay June 17, 2008 kala saxiixdeen heshiis laba sano ah oo ku saabsan sidii ay Tanzania u calaamadsan lahayd baddeeda. Norway waxay Tanzania u ballan qaaday lacag dhan
$4.6 million oo ay hawshaas loogu talo galay. Tanzania waxay macluumaad hordhac ah u gudbisatey Qarammada Midoobay 7 May 2009.
sidoo kale waxaa Kenya ka caawiyey Khuburo
caalami ah oo Qarammada Midoobaxay u qaabilsan xadaynta baddaha. Intaasoo
dhan waxaa ka xoogbadan waxaa aad xil isaga saaray Dowlada hada kajirta Kenya
Wasaaradaha ugu xoog badan, waa kuwan wasaaradihii ka qayb qaatay: Xafiiska
Madaxeynaha Kenya, Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Xafiiska Sharciga, Wasaaradda
Deegaanka iyo Khayraadka Macdanta, Wasaaradda Waxbarashada, Sayniska iyo
farsamada Casriga ah, Wasaaradda Dhulka, Hay'adda Kenya u qaabisan Batroolka,
Wasaaradda Tamarta iyo Jaamacadda Nairobi. Sidoo kale waxaa caawiyey: Xoghaynta Guud ee dalalka Barwaaqasooranka reer Yurub (Commonwealth) warbixin ay soo saareen May 7, 2009 waxay ku cadeeyeen in ay Kenya gacan weyn ka siiyeen intii ay ku gudajirtey diyaarinta akhbaarta la xiriirta cabbirka badda iyo u gudbinta Qarammada Midoobay.
6- Dhanka kale Soomaaliya aan eegno cida u matalaysa gudbinta xogta,
heshiiska iyo mudada ay haysteen, Wasaarada Qorshaynta Qaranka iyo Xiriirka
Caalamiga ah, Wasiir C/Shakuur Kaligiis ayaa Madasha heshiiska
Soomaaliya u fadhiyey, halka dhinca Kenya shan xubnood oo sar sare u fadhiyeen
goobta heshiiska, waxaa xogta hordhaca ah ee Soomaaliya gudbisay la socda
warqad uu saxiixay Raysul Waasare Cumar C/Rashiid. Waqtiga Dowlada Soomaaliya kabaxday illaa hada si cad waxay u
sheegeen 3-maalmood, xiliga ay heshiiska DFKM saxiixeen April 7, 2009
waxay dowlada Cumar C/Rashiid gabigeeduba waxay jirtay wax ka yar laba bilood. Cumar C/Rashiid waxaa ladoortay Feb 13, 2009 waxaana la dhaariyey
Feb 14, 2009. Golihiisa Wasaaradaha wuxuu ku dhawaaqay Feb 20, 2009 waxaana la
dhaariyey Feb 21, 2009 ilaa hada Dowladu mashaacin dhaqaalaha kaga baxay
gudbinta xogtooda. Hadaba akhristow is barbar dhir dhaqaalaha, Waqtiga iyo
Maskaxda Kenya galisay aruurinta xogta baddeeda iyo dhaca badda Soomaaliya iyo
Soomaaliya Waqtiga, Maskaxda iyo dhaqaalaha kaga baxay.
Maxaan Ka Faa'iidi karnaa Is Af-garadka Nairobi
- 1- In badda Soomaaliyeed la qaato inagoo soo taagan qarniga 21aad
- 2- In dhulka ku beegan badda oo Kenya loo xukumo, haday ku guulaysato
damaceeda ay garbinayaan Shariif iyo Cumar. (FG: Sharciga badaha waxa uu
dhigayaa in dalku leeyahay badda tooska ugu beegan...)
- 3- In Yoolkii Midnimada Soomaaliyeed sii fogaato...
- 4- In Dowlada Itoobiya oo waligeed dakad raadinaysay baddeenaas dakad
looga dhiso, Saldhig Milatary oo difaacanna halkaas laga siiyo.
- 5- In Khayraad dabiiciga ee dhulkaasi caanka ku ahaa ay Kenya iyo Itoobiya Qaataan.
Waxaa laga yaabaa in akhristuhu layaabayo xusida Itoobiya, xiligii Cigaal
heshiiska ku jiray wuxuu la kulmay oo heshiis kale la saxiixday Haile
Selassie, Cumar C/rashiidna wuxuu lakul may Zanawi kana codsaday waxyaabo badan
oo aan horay usoo daabacnay. (Kulankii Cumar & Zenawi: Addis
4/20/2009).
Sharci ahaan, Sidee u adeegsan karnaa Af-garadka Nairobi
Faa'iidada ugu weyn ee sharci ahaan laga dhaxli karo heshiiskii Is-afgarad ee
Nairobi (2009) waa in: Maadaama ay Kenya jebisay heshiiskii is-afgarad ee
Caruusha, ay halkaas ka soo ifbaxayso nidaam qaanuuni ah oo dib loogu heli karo
NFD Taas oo macnaheedu yahay inuu buray/jabay/burburay heshiiskii Caruusha.
Maxaa la gudboon Ummmada Soomaaliyeed
Waxaa la gudboon inaan dhamaan Soomaalida oo dhan awoodooda isugu geeyaan
sidii Baarlamaanka looga dhaadhicin lahaa siday waxba kama jiraan uga soo qaadi
lahaayeen heshiiskaas, waxaa la gudboon Baarlamaanka Soomaaliya inay
taariikhda madow ee aan soo aragnay wax ka badalaan oo Kenya maanta u sheegaan
waan fahanay (Heshiiska Is-Afgarad MOU).
Is Afgarad Caruursha ee C/rashiid Cali Sharmmaake iyo Maxamed Ibraahim Cigaal
1967 waxaa ku maqan dhuldhan baaxad ka badan 40% bedka dhulka hadda loo yaqaan
Kenya. FG: Bedka NFD waxaa buugga (Vavocoressi, 2001.
pp. 666) uu ku qiyaasay 260,000km2, Halka buugga (Alan J. Day, 1982,
pp. 131) uu sheegay in bedka NFD uu yahay 388,000km2. Xildhibaan
EARL oo ka tirsanaa baarlamaanka Britain waxa uu April 3, 1963
baarlamaanka u sheegay "Waxaan idin tusayaa khariidad, NFD waa kala bar oo bar
Kenya. Laba jeer ayay ka weyn tahay England (HL
Deb 03 April 1963 vol 248 cc600-36).
Is Af-garad Nairobi ee Shiikh Shariif iyo Cumar C/rashiid waxaa ku maqnaan
doona hadaan la diidin dhulbaddeed dhan 116,000km2 haddii aan
Soomaalida oo dhan oo isku duuban aysan arrinta u wajahin si deggan oo
cilmiyaysan oo xeeldheer.
Heshiiska Caruusha October 28, 1967 |
Heshiiska Nairobi April 07, 2009 |
Maxamed Cigaal - Jomo Keyatta |
Cumar C/rashiid -Mwai Kibaki |
C/rashiid Cali Sharmarke -Max'd I. Cigaal |
Sh. Shariif Sh. Axmed -Cumar C/rashiid Cali
Sharmaake |
Dowladda: Difaacid- Fulin |
Dowladda: Difaacid- Fulin |
Shacabka: Diidmo |
Shacabka: Diidmo |
Maxaa noga maqan? Dhul Berriyeed: 260,000km2 (ugu
yaraan) |
Maxaa nooga maqan Dhulbadeed (116,000km2) |
Barlamaan: Ansixin |
Baarlamaan: lama hubo |
Waxaa mahad iska leh illaahay oo shalay maanta ka duway, heshiiskii Caruusha
looma ogaan sida maanta loo ogaaday heshiiska Nairobi, sababtana waxaa jiray hal
saxaafad oo kaliya, taasina waxay ku hadli jirtay afka Dowlada. Maanta
waxaa jira saxaafad badan oo ku hadashada af xor ah ama aan Dowladu maamulin.
Saxaafada maanta jirta waxay sahashay in heshiiskii Nairobi af Soomaali loo
rogay si looga wada dhargo, laakiin heshiiskii Caruusha fursadaas degdega ah ma helin, in
kastoo markasta aysan ummada ka harayn barta maddow ee ay uga tageen Dowladii
xiligaas iyo Baarlammaankeedii, hadana Baarlamaankaas wuxuu ahaa kii
xornimadu korkiisa ku dhalatay yaqaanana gumaysiga iyo hagar daamooyinkiisa,
hadana taasi uma saamixin inay cadaalad falaan oo badbaadiyaan NFD. Su'aashu
waxay tahay Baarlammaanka hadda jira intaas oo xog iyo cadayn kadib wadadee ayuu
qaadi doonaa, waxaa laga rajaynayaa inuu taakhriikh fiican katago dhulka, badda iyo
Qaranimmada Soomaaliyana badbaadiyo.
Waxa Baarlamaanka la gudboon kaddib May 13, 2009
"The
consideration of the submission made by Kenya will be included in the
provisional agenda of the twenty-fourth session of the Commission to be
held in New York from 10 August to 11 September 2009."
http://www.un.org/ |
Waxaan baarlamaanka DFKMG xasuusinaynaa in marka la dhaafo May 13, 2009 ay
weli furantahay fursado lagaga daba tegi karo badbaadinta badda Soomaaliyeed ee
Kenya cabiratay.
Waxaa aad muhiim u ah in ficilka la qabanayo uu aad uga hormaro inta aan la
gaarin 10ka Agoosto 2009. Sababtoo ah sida ku qoran qoraal ay
faafisay Qarammada Midoobay waxaa ku cad sidan:
- "Akhbaarta ay Kenya soo gudbisay waxaa tixgelinteeda lagu darayaa
qorshaha Kulanka afar-iyo-labaatanaad ee Guddiiga Xadaynta Badaha uu
magaalada New York ku yeelan doono inta u dhaxaysa 10ka August
ilaa 11ka September 2009." (UN.5/6/2009).
Sidaa daraadeed; waxaa baarlamaanka DFKMG horyaal masuuliyad weyn sidii ay
arrintaas go'aan rasmi ah uga gaari lahaayeen waqti aad uga durugsan
taariikhdaas inta aan la gaarin, isla mar ahaataasna guddi madax bannaan oo aan
hoos iman xukuumadda ay baarlamaanku u saaraan sidii xogta Rasmiga ah ee Soomaalida loogu
gudbin lahaa Qarammada Midoobay inta aan la gaarin taariikhdaas. Waxaase ugu
horayn Baarlamaanka lagudboon inuu heshiiska Nairobi tuuro iyo in lagu lifaaqo
dhamaan xeerarka ay Kenya jabisay kadib markay cabiratay badd Soomaaliyeed oo
xor ah (116,000km2).
Gabagabadii, May 13, 2009 mar haddii la dhaafay, oo Kenya gudbisay xogteeda
rasmiga ah, oo garab ka dhiganayso in baddeena ay cabiratay ay xukuumadda FKMG
ug markhaanti furtay kaddib markii ay MOU la saxiixatay; Sharci ahaan sidii arrintaas loo difaaci lahaa waa mid sugaysa dhammaan
Soomaalida: Baarlamaan, xukuumada (haddii ay fahamto masuuliyadeeda), aqoonyahan
iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed: Dowladu waxay ku andocoon kartaa hadii
wadaniyad jirto markaan saxiixaynay is-afgaradka "badda muranku ku jiro
waxaan u dan lahayn BADDA ku beegan NFD", waayo muran weligeed ma galin
baddeena.
_____________________
TIXRAAC:
[1] OAU
(Organization of African Unity): Soomaaliya waxay ka mid ahayd 33 dal oo
asaasay Ururkii Midowga Africa 25kii May 1963, markaas ayayna xubin
ka noqotay ururkaas OAU. Ururkaas waxaa 9kii July 2002 loo bedeley
Midowga Africa (AU) waxana uu ka kooban yahay 53 dal.
[2] Dr. Kaunda: waxa uu Zambia madaxweyne ka ahaa intii u dhaxaysay:
24 October 1964 – 2 November 1991.
[3] Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal: Waxa
uu ahaa ra'iisul wasaaraha Soomaaliya intii u dhaxaysay 15 July 1967 - 1
November 1969. Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal, Allah ha u naxariistee, waxa uu
May 3, 2002 ku geeriyooodey Cisbitaal kuyaal magaalada Pritoria ee dalka
Koonfur Afrika.
[4] Axdiga OAU: Qodobkiisa Article III, Farqaddiisa 3aad waxa uu
dhigayaa in (Dalalka xubnaha ka ah OAU) ay qadariyaan madaxbannaanida iyo
wada-jirka dhulka dal kasta iyo xaqa uu dal kasta u leeyahay jiritaanka
xornimada:
http://www.africa-union.org/
[5] Axdiga OAU: Qodobkiisa Article III, Farqaddiisa 4aad waxa uu
dhigayaa in (Dalalka xubnaha ka ah OAU) ay khilaafkooda ku xalliyaan si
nabad galyo ah ayadoo la adeegsanayo wada xaajood, dhexdhexaadin, heshiis-sulux
ama u kala gar-qaadid.
[6] Jomo Kenyatta: waxa uu ahaa madaxweynahii
Kenya intii u dhaxaysay 12 December 1964 oo ah markii Kenya xornimada qaadatay
ilaa 22 August 1978, markaas oo uu dhintay waxaa xukunka la wareegay madaxweyne
ku xigeenkii Daniel Arap Moi (oo xilka hayay August 22, 1978 – December
30, 2002), kaddibna uu kala wareegay madaxweynaha Kenya ee hadda Mwai Kibaki
(oo xilka qabtay December 30, 2002).
[7] Julius Nyerere: waxa uu
ahaa madaxweynahii Tanzania intii u dhaxaysay October 29, 1964 – November 5,
1985.
[8] Apolo Milton Obote: waxa uu ahaa madaxweynaha Uganda intii u
dhaxaysay April 15, 1966 – January 25, 1971 iyo mar labaad intii u dhaxaysay
December 17, 1980 – July 27, 1985
[9] NFD (Northern Frontier Districts):
Waxaa colaad ka
aloosanayd NFD intii u dhaxaysan 1960-1964. Waxaa xilligaas 1964 heshiis is gaashaan-buuraysi dhexmaray Kenya iyo Itoobiya,
heshiiskaas oo ku saabsnaa iska difaacidda Soomaaliya (oo ay labadoodaba
gumaystayaashii siiyeen dhul Soomaaliyeed). Heshiiskaas isgaashaan-buuryasiga
waxay Kenya iyo Itoobiya cusboonaysiiyeen 1980. Waxa kale oo ay markale sii
cusboonaysiiyeen August 28, 1987.
http://www.globalsecurity.org/military/world/war/somalia1.htm
- Africa Research Bulletin, vol. 3-4, vol. 5-6 (1967/1968, pp.
837, 856, 859, 880, 881, 859, 907, 910, 973, 1195-1196)
- Border and territorial disputes; by Alan J. Day; (1982: pp. 131-134)
- World Politics 1945 - 2000, Peter Valvocoressi, (2001: pp. 666)
- Africa year book and who's who,
Published by Africa Journal Ltd., (1977, pp. 773)
- Super Powers in the Horn of Africa, By Madan M. Sauldie, Published by
Sterling Publishers, 1987
- National and Class Conflict in the Horn of Africa, Jhon Markakis,
(1987, p.
181 & 185)
- The
Soviet Union in the Horn of Africa, Robert G. Patman; (1990: pp. 97)
- Superpower
diplomacy in the Horn of Africa -
by Samuel M. Makinda , Published by Routledge – (1987, pp.20)
- Middle East
Record By Daniel Dishon, Published by The Moshe Dayan Center, 1961
- Disaster and development in the Horn of Africa
By John Sorenson, (1995; pp.61)
- Kenya: Legal Impediments to Development
in North, Ahmed Issack Hassan, 22 October 2008
- Dastuurkii Soomaaliya 1960/1963:
http://somalitalk.com/dastuur/1960.html
- Dastuurkii Soomaaliya 1979:
http://somalitalk.com/dastuur/dastuurkii_1979.pdf
- Axdigii DFKMG (Nairobi) -
http://somalitalk.com/dastuur/tfg.pdf
**(Ethiopia iyo Soomaaliya waxaa dagaal aad u xoog badan oo xornima-doon ah uu
dhexmaray
1977-1978, dagaalkaas oo ay Ethiopianku hiilo ka heleen Cuba iyo Ruushka.
December 2006 ayaa ciidamada Itoobiya waxay duulaan ku galeen Soomaaliya oo ay
ku jireen ilaa January 2009, iyagoo xasuuq ba'an ka gaysat Soomaaliya, gaar
ahaan Muqdisho.)
* 1960 Somalia Constitution: (Territory of the State: The national territory is
sacred and inviolable. The territorial sovereignty shall extend to the
continental territory, the islands, the territorial sea, the subsoil, the air
space above and the continental shelf.).
______________________
Jawaab celin, Talo soojeedin iyo Faah faahin intaa dheer, fadlan lasoo xiriir:
www.Somalitalk.com | Eng. Maxamed Cali | iyo | Xasan Dhooye | webmaster@somalitalk.com
ama somalitalk@gmail.com | Waqooyiga
Ameerika.
Faafin: SomaliTalk.com | May 13, 2009