SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYEED

RA'ISUL WASAARAH & WASIIRKIISU INDHA ADAKAA!!! 

idiris

  • Soomaali waxaa la gudboon iney waxaan ka hor tagaan. Culimada waxaa la gudboon iney Fataawi arrinkan kasoo saaraan. Aqoon yahanka waxaa la gudboon iney caddeeyaan dhagarta Soomaaliya lala maagay.... DFKM waxaa la gudboon iney heshiiskan ceebta ah ka noqdaan....

Muxamad Idris Axmed
dalyaqaan@yahoo.com


Mahad oo dhan Ilaahay baa leh Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha Ahaato. 

Axaadiista Nebigeenna Ka sugnaatay ee Tiirarka Nolosha iyo Tusaalaha Noqotay waxaa ka mida, Xadiiska oranaya (( Haddaadan Xishoon Waxaad Doonto Fal)).  

Sidaas darteed ayey Soomaalidu tidhaahdaa Xishood waa Diin.  

Xaddiiskan wuxuu igu soo dhacay, markaan maqlay (Is Afgarad) ay DKM G ahi la saxiixatay Dawladda Kenya, uuna xagga Soomaalida u qalinka u hayey Cabdiraxman Cabdishakur. 

Soomali badan ayaa qaylisay, Culimo, Aqoon yahan, iyo Waxgaradba isugu jira. Waxaa lala yaabay sida Qoladan ku meelgaarka ahi, ugu dhiirranayaan, oo misana ugu indha adagyihiin, arrimo saamayn weyn kuleh Soomaaliya Aaayeheeda (Dal & Dadba). Markii lagu baraarujiyey waxa ay saxiixeen iney ku gafeena, weyba is caraysiiyeen, xusul duubna wexey u galeen iney (indha adayg) ugu doodaan inaaney dhulna taako ka tanaasulin, dalna ayan dayicin. Raisul wasaaruhuna wuxuu dadka Soomaaliyeed usoo jeediyey (Muxaadaro) (Idaacadda VOA) ama (Lecture) uu ku kala barayo farqiga u dhexeeya (Agreement) (Heshiis) iyo (Memorrandum of Understanding) (Warqad is Afgarasho). Wuxuuna ku canaantay (Dadka Soomaaliyeed) ee Cuimada leh, Professorada leh, Garyaqaanada Leh, Aqoon yahanka Kala duwan leh, Khubarada Badaha iyo Dawladnimada leh, (Dhamaantood isagoon kala saarin) iney yihiin dad aan waxba garanayn, (Af ingiriisigana) aan aqoon, iyagoon waxba akhrinna iska qaylinaya!! Cabdishakuurna wuxuu yiri, waxaanba la yaabbanahay Soomaaliya iyo Keenya Xadba looma xarriiqin!! 

War Illeyn Dad la aragba dhib la arag! Haddaa Cilmi Adduun iyo mid Aakhiraba ma Cumar & Cabdishakur buu ku idlaaday, haddii Soomaalida kale dhamaantood aqoon la,aan la ciirsantahay! Soomaaliyana Xuduudeedu ma wexey sugeysey, Cumar iyo Cabdishakur oo aan weli meel ay salka dhigaan lahayn?  Maxaa ugu wacan nimanka xishood la'aanta, oo haddeey qalad galeen ama wax loo hoos geliyey u qiran waayeen, si wax loola daba qabto. Waa wax lala yaabo, laakiin bal aan (Is afgaradkan) wixii iiga bidhaamay ka sheego: 

    1. Ugu horrayn Dawladdan Kumeelgaarka sida mageceeda ka muuqda, ama xaalkeeduba yahay, maaha Dawlad Joogta ah, mana aha, mid awood dalkii Jamhuuriyadda Soomaaliya la oran jirey ku hanatay ama loogu aqoonsaday, Sidaa darteed waxaa ku habboon, mar walba iney xaqiiqdaas ogaato, ummuuraha wixii qaranka Soomaaliyeed Saamayn ku lehna, la sugto inta ay Dawlad Dalkii Jamhuuriyadda Hanata noqoneyso, lugtii jeeni dhaaftaa wey jabtaaye, haddey Dawlad dhaba noqotana waa sidii la rabayoo waa khayr, haddey noqon weydana, inaaney Jamhuuriyaddii Soomaaliya dhib u kordhin. Laakiin waxaa muuqata nimanku ineyba deg degsanyihiin, taasina wax badan ayey ka bi'ineysaa.
       
    2. Midda labaad: Dawladdan Ku meel gaarka ah, waxaa ku habboonaa iney horta ka shaqayso sidii Badda Soomaaliya khayraadkeeda wixii haray loo daba qaban lahaa, ee maahayn, hawla aan (awoodeedu) weli gaarin iney gasho. Waxaa la sugayey iney isku dayaan iney wax ka qabtaan, Burcadda Adduunka ee yurub leh, ee Asia leh, ee Carb leh, ee Afrikaan leh, ee Badaha Soomaaliya 19 sano boobayey khayraadkeeda. EU da keliya waxaa lagu qiyaasay iney sanad walba in ka badan (300,000,000) oo EURO, oo kalluuna baddeena ka gurtaan, halka sanadkii 2007 ay Hay'adda FAO sheegtay sanadkii (2007) oo qudha in ka badan (700) oo markab oo si sharci darra ah uga kalluumaysanaya xeebaha Soomaliya hal mar ku kulmeen! Burcad nimada heerkaas gaartay ee waxa loo yaqaan (Beesha Caalamka) ay ka aamusanatahy, waxaa lagu daboolaa in la buun buuniyo (Burcad Badeedda) wiilal Soomaaliyeed oo yar yare e gaajo ama dhib u geeyey iney xeebohooda waxa laga guranayo qayb ka helaan, inagoo aan difaacayn qalaadaadkooda. Sow kuma habboonayn Cumar Cabdirashiid iyo Cabdishakur iney arrintaan Deg  Dega ah, ugu yaraan, ka qayliyaan, ka shaqeeyaan, sidii loo daba qaban lahaa, inta ay, ku hadaaqi lahaayeen, ku cel celinta (riwaayadda) burcad badeedda, ee lagu daboolayo (Burcad Badeedka) waaweyn ee dal dhan dhacaya, dadna xaalufinaya!
       
    3. Heshiiska Is afgaradka Keenya lala saxiixay marka la akhriyo Nuqulkiisa Afka Ingiriisiga Ku qoran ee la shaaciyey, wuxuu garan karaa qof kasta oo wuxuun Maamul ama Dawladnimo wax kasoo arkay inuu yahay, Is afgarad, lafaha looga jebiyey Soomaaliya,mindina dhuunta loogaga dhuftay. Qofka Saxiixay ama ansixiyeyna waa laba kala daran midkood:
    1. Inusan qiimayn Karin ama garan Karin Masuuliyadda hadalada uu saxiixayo iyo culayskooda iyo caaqibadooda berrito iyo saamaynta ay ku yeelan karaan Qaranka Soomaaliyeed, iyo in waqtigeedi la joogo, ama looba baahanyahay iyo in kale, taasina waa dhib dhib dhaafay.
    1. Inuu intaasoo dhan ogyahay, si bareerana ugu dhiiradey inuu saxiixo waxa meesha ku qoran, Soomaaliyoo dhan oo indhiheedu shan yihiinna u babac dhigo oo ku indha adaygo, wixii ku bixiyaaba haku bixiyeen, taasina waa dhib dhib dhaafay dhib ka daran.
      Aragtida Kenya ee "Heshiis Xuduudda Badda" ee ay la Gashay "Jamhuuriyadda Soomaaliya"
    1. Maqsuudka ugu weyn ee Is afgaradku qeexayo waa: in labada dhinac isla garteen oo isla qireen in: Xuduuda Badda aan Horay loo Xaallin!! Ayna tahay mandiqad lagu muransanyahay!! Arrinkaas oo ah Ujeedka Keenya sida muuqata, Is afgaradka waa lagu soo cel celiyey, warqad laba boga, ayaa 14 jeer lagusoo cel celiyey, qoraalada qaanuuniga ahna macneheedu waa (14 xarig oo mas'aladaas lagu guntey) si aaney marnaba u fakan!! Ninka Soomaaligaa ee heshiiskan saxiixay hadduusan ogayn waa hoog!! Hadduu ogyahayna waa hoog iyo ba'.!!
       
    2. Sida la ogsoon yahayna: Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Keenya, waxaa ka dhexeeya arrima badan, jilaafooyin badan, wax badanna bad iyo berri ilaa iyo qarnigan lasoo dhaafay wey isku hayeen, welina xaajadu ma dhammaan. Xuduudda Badda ee Soomaaliyana Jamhuuriyaddii Soomaaliya Dawlddii ugu dambeysey (Dawladnimo & Qaranimo) adduunku wuu u aqoonsanaa, Muranna kama jirin, Keenyana masoo hawaysan marna iney tiraahdo (Mandiqa muran ka jiro) ama sida heshiiska loogu cel celiyey (area under dispute) – cibaaradaas sagaal goor ayey ku timi heshiiskan – Maxaa ku kalifey Dawladdan weli aan salkaba dhigin, dalkiina weli aan gacan ku hayn, iney hawsha (baaxaddaas iyo khatartaas leh) gasho!
       
    3. Heshiisku wuxuu dhex maray Jamhuuriyadda Keenya iyo Dawladda kumeel Gaarka ah, laakiin wuxuu khuseeyaa: Xadka u dhexeeya Jamhuuriyadda Kenya iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya.. Su'aasha qof kasta oo miyirkiisu joogo is weydiin karaa wexey tahay: Dawladda Kumeel Gaarka ah ee dhinac ka ah heshiiskan, Awood iyo Gacan maku leedahay oo wax ma u saxiixi kartaa – Jamhuuriyaddii Soomaaliya? Wexey Ila tahay Jawaabtu iney iska caddahay. Dawladaan Ku Meel Gaarka ahi Jamhuuriyaddii Soomaaliya mexey ka haysaa? Wexey ka haysaa ilaa hadda Muqdisha qayba ka mida, Jawhar iyo Qayb Beledweyne!! Waan u rajayneynaa iney inta kale hanato, laakiin hadda intaas ayey joogtaa, haddeey intaa wax ka saxiixdo, waa la garaysan kari lahaa, laakiin Jamhuuriyaddii Soomaaliya – Sida ku qoran Heshiiska – waa xad gudub! Midda kale, Haddii heshiiska ay ku qorantahay Kenya iyo DFKG, maxaa dhulka ay khuseysana loo oran waayey – Dhulka ay haysato – DFKM – si cadaalad arrinku u noqdo, Soomaalida kalena aan dhib loogu soo jiidin, DKMG ay u hesho qiil, ineyan saxiixin heshiiskan oo tiraahdo, (War Dee Dhulkii Jamhuuriyadaba Weli Ma hayee Bal Isuga intaan Qabsanayo ama Inta aan Hadda ka taliyo Waxaad Rabtaan aan idiin ka saxiixo), Tan kale, Haddii (Wasiirka) Heshiiska Saxiixay, iyo Ra'isul Wasaaraha u Ansixiyey, ay doonaanba (kaba soo qaad) iney soo kormeeraan, dhulka ama Badda Heshiisku ka hadlaayo, masoo kormeeri karaan Tolow? Waxaan ka codsan lahaa (Wasiir Cabdishakur) isagoo raalliya, bal inuu soo eego meesha heshiiska uu saxiixay ka hadlaayo!
       
    4. Waxaan la yaabay heshiisku inuu (Jamhuuriyaddii Soomaaliya) u garbaduubo keliya kama shaqayn, wuxuu xitaa (fara gelin) aan xishood lahayn ku samaynayaa qoladan la saxiixaneysa (waxa ay u qadimi doonto) UN ka (Submission) tasoo loo qoray si (yeerin) oo kale ah, oo la yiri, qoraalka ay qadimi doonto DKMG 13 May kahor (Submission): Marka hore waa (macluumaad hordhaca) (Preliminary Information) – yacni maaha wax gundhig ah oo ku tacalluqa arrimahan laf dhabartooda ee waa (warbixin hordhaca keliya) tan labaad, arrinkaasu wax saamayn ah kuma yeelanayo meesha muranku ka taaganyahay- macnaha faham waa haddii keenya loo xukumayo wax dooda ama caqabada ku keeni mayo waxa ay nimankaanu qadimaan -.Tan saddexaad wexey soomaalidu qaddimeyso – ufiirso- waxaa loola jeedaa OO KELIYA waa iney waqtiga 13 May haleelaan oo qudha ee wax kale, qadimaadooda loolamaba jeedo (Yaab) (It will Solely aim at complying with the the time period referred to) Waxaa la yaab leh, keenya waxaa ku fillaan weydey, iney (14 xarig oo adag ku xirto Soomaalida) laakiin wexey (Gacmaha kasii xireysaa) wexey UN ka geyn doonaan, si aaney wadada ay sii xaadhaneyso uga hor imaan, tasoo ah xukunka ama Tawsiyada ay ridaan Guddiga Badaha UN ka.
       
    5. Heshiiska waxaa kaloo ku cad in Soomaalidu (Oggolaansho) haddaba sii bixineyso wixii xukun ka soo baxa (dhulka la leeyahay ma xallisna oo muran ayaa ka taagan) taasna gar yaqaanada Kenya ee sida (halista) ah usoo diyaarshey heshiiskan (si ay dhuunta u gooyaan Soomaaliya) wexey uga gol leeyihiin gogol xaadhka qaanuuniga ah ee ay ugu sii gogol xaadhayaan sidii loo siin lahaa dhulka ay calaamadsadeen ee Soomaaliya. Waa meesha ay leeyihiin (give prior consent) (Wexey hadaba sii bixinayaan ogolaanshohooda in guddiga UNka ee wax xukumayaa tix geliyo waxa loo qaddimey) waana laguu sheegay Soomaalidu wexey qaddimeyso, keenyana (calaamada cad ayey qadimatey) waxaanoo dhamina waa wixii markhaati iyo taageero looga dhigi lahaa waxa Kenya dalbatay.
       
    6. Waxaa kasoo Yeedhay Wasiirkii arrinkaan saxiixay: Waxaan ogaanney in Somaliya Xadkeedu aanuba caddayn oo jirin!! Maashallaah..Maashallaah.. Soomaliya Dawlad ma lahayn, Bad yaqaano, iyo Heshiisyo, iyo Garyaqaanana ma lahayn, Dawladna maba ahayn Dawladdii Maxamad Siyaad, Ilaa uu ka yimaado Cabdishakur oo Xuduudi Soomaaliya soo xaqiijiyo!! Maashallaah.. Warkaasu wuxuu ku tusinayaa, xaddiiskii aan ku bilaabay qormadaan oo ahaa: Haddaadan Xishoonayn waxaad doonto Fal!
       
    7. Waxaa isna Idaacadda Khudbad noogu jeediyey Raisul Wasaaraha oo sheegay: Wax heshiis ah lama saxiixin, markii hawshan la gaarana guddi ayaanu u saarnay khubara ah oo ka shaqeeya!! Macnihiisa waxaan u fahamney, Markii Kenya doodeeda loo xukumo, sida hadda laysla gaaray, ee Faasku Soomaalida Madaxa kaga dhoco, baddoodana qaanuun ahaan loo aqoonsado bad keenya leedahay, markaa kadib ayaanu ashtako samayn doonaa, garyaqaanana raadin doonaa. Horta Ini Cabdirashiid inuu waqtigaa gaarayo lama hubo, Dawladdiisuna waaba tag darantahay, sidey ku istaagi lahaydna wadadeedi ma hayso, oo goorey tegi doonto manaqaan. Intaasoo dhan waxaaba nooga sokeeya: Maandhow Ashtakana hanoo gelin, Guddina ha qaban, Garyaqaanana hanoo raadin, Laakiin Dhulkayaga iyo Baddayada sideey ahaayeen noogu daa oo keliya!
       
    8. Soomaali waxaa la gudboon iney waxaan ka hor tagaan. Culimada waxaa la gudboon iney Fataawi arrinkan kasoo saaraan. Aqoon yahanka waxaa la gudboon iney caddeeyaan dhagarta Soomaaliya lala maagay, iyadoo tabar darada iyo Dawlad La'aanta lagu arkay. Khubaradii hore ee Soomaaliya waxaa la gudboon iney dhawaqa sara u qaadaan, waagii carrigu Dawlad ahaana wixii jirey wexey ka hayaan soo saaraan.
       
    9. DFKM waxaa la gudboon iney heshiiskan ceebta ah ka noqdaan si Ummadda Soomaaliyeed ugu garawdo, oo loogala shaqeeyo sidii Kenya damaceeda looga hortegi lahaa. Madaxweynaha oo sheekooyinka hoose sheegayaan inuu yiri: Waxaan kama war hayn, Wasiirka Arrimaha Dibadda oo sidoo kale sheegay inaanu ka war hayn, Barlamaanka oo aan ka war hayn, waxaa iyagana la gudboon, warqadda C/shakuur iney waxba kama jiraan kasoo qaadaan. Waxaan hal mar ka codsaneynaa DKMG iney isku daydo iney Shacabka Soomaaliyeed isku hallayso Ilaahay ka sokow, Aqqonsi iyo Taageerana isaga ka raadiso, in ka badan intey ka raadiso, Beesha Caalamka! Ilaahow Dawladda Sh. Shariif Arrinka ku hanuuni.

War hooy yaan Innagoo aamusan oo aan wax ogayn Layna Meherin!!! 

Muxamad Idris Axmed
dalyaqaan@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 15, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: