Iftiimin: Heshiiska is-afgaradka Badeed ee Kenya iyo Soomaaliya, iyo
Kaalinta Norway.
Tan iyo intii heshiiskii isafgarad badeedku dhexmaray Soomaaliya iyo
Kenya waxaa soo baxaya xogo badan oo ku aadan arintaasi. Sidoo kale
waxaa dhashay wareer badan oo ku saabsan arintaan iyada ah taas oo ka
dhalatay kadib markii maqaalo badan oo ku saabsan arinta ay soo
bandhigeen afraad muwaadiniin Soomaaliyeed ah kuwaas oo ka dhiidhiyay
arintan iyada ah balse qoraalada qaar aan oran karno waxaad moodaa inay
abuureen wareer wax ay saxaan iskaba daaye.
Waxaa intaas ka sii daran aamuska khubarada Soomaaliyeed gaar ahaan
qolyaha ku takhasusay xeerarka caalamiga ah, joolajiyada iyo
joqoraafigaba, ragaas oo ahaan lahaa marjac iftiimiya xaqiiqada dhabta
ah ee ka dahsoon inta aan khibrada iyo aqoonta u lahayn ulajeedaha
heshiiska is afgarad, cida ka faa’iidaysanaysa, iyo atoorayaasha soo
huwaday shaatiga khubaro ee arintaan doorka ka cayaaraya.
Hadii maanta Soomaaliya ahaan lahaa dal xor ah oo shacabku awood
leeyahay, dowladuna ahaan lahayd mid ku timid rabitaanka shacabka waxaa
hubaal ah in dowlada maanta ka jirta Soomaaliya ay dhici lahayd, maxaa
yeelay waxay ku dhicisowday ama ku fashilmatay doorkeedii ahaa difaaca
dal, bad, bari iyo dan Soomaaliyeedba.
Waxaa intaa ka sii daran oo aan nasiib daro ku tilmaami karnaa in
cida heshiiskaan u matalaysay Soomaaliya ay ahaayeen kuwo aan khibrad
iyo aqoon midna u lahayd waxa ay qalinka ku duugeen.
Hadaba si aan u fahamno xaqiida arinta iyada ah waxaa haboon aan
iftiimino waxa socda. waxa socda waa labo arimood oo mid tahay heshiiska
if afgarad ee dhexmaray Kenya iyo Soomaaliya , iyo arinka kale oo ah
codsiga iyo sheegashada ay Dowlada Soomaaliya u gudbisay UN kaas oo ah
sheegashada dhulka fadhiga iyo qalfoofka qaaradeed ee xeebaha
Soomaaliyeed. (codsi kaas la mid ahna waxaa gudbisatay Kenya)
Waxaa jira codsi UN xafiiskeeda u qaabilsan xeeradka badeed uu u
gudbiyay caalamka kaas oo ah in dalkasta uu soo gudbisto codisigiisa ku
aadan sheegashada khayraadka ku duugan fadhiga qaaradeed ee badeeda gaar
ahaan inta ka baxshan 200 oo mayl oo dowlad kasta ay xaqa u leedahay.
Hadii codsigaasi lagu soo gudbin waayo mudada loogu talagalayna waxaa
dhici doonta in fursan danbe aan la siin doonin dowladii aan soo gudbin
codsiga. Walow ay jiraan dowlada wakhtiga loo kortiyay sida Canada,
Ruushka , USA iyo Denmark oo ka mid ah dalalka isku haysta sheegashada
North POLE, meesha Norway mar hore loo xukmiyay ayna heshay dhul aad u
baaxad wayn.
Hadaba waxaa la yaab ah doorka ay Norway ku leedahay labada arimood
ee kor ku xusan, waxaa la yaab leh awooda buuxda ee kama dambaysta ah ee
la siiyay Norway waa marka laga hadlayo qorista codsiga sheegasha badeed
ee Soomaaliyee. Waxaa iswaydiin mudan waxa liiska khubarada arintaan
looga waayay khabiir Soomaaliyeed, waxaa kaloo iswaydiin mudan kaalinta
ay arinkan ka qaadatay STATOIL oo ah shariikada bartoorka qaranka ee
Norway.
Sidoo kale waxaa iswaydiin mudan waxa sababay in labo dowladood oo
xuduud badeed isku haysto ay Norway labada dhinacba tiraahdo waan la
talinaynaa, waxaa hubaal ah in taasi ay cadaalada ka fogtaya, balse ay
xaqiiqdu noqon karto in dal ka mid ah labadaasi ay hoosta kala
shaqaynayso meesha ay dalka kalena majaro habaabinayso.
Fadlan eeg maqaalkan ka hadlaya ulajeedaha Norway iyo dhagarta iyo
dhaca lala rabo Soomaliya.
http://www.innercitypress.com/los1somalia041909.html
Sidaa awgeed dalka aan maal, aqoon iyo caqli midna maanta hayn waa
Soomaliya sidaa darteen way iska cadahay cida la hoodanaynayo ama
mindidii lagu qali lahaa u dhiibtay cid aan arxan u galayn.
Dowlada Kenya waxay arintaan u saar tay gudi “Task Force” isugu jira
khubaro iyo badax, kuwaas oo mudo aad u dheer arintaan soo gorfaynayay
maantana codsi lagu taagtaagsaday u gubdiyay UN. Markaad dhinaca kale
eegto waxaa arki dowlad taag daran oo awoodi la inay hesho goob aamin ah
oo ay ku shiraan xubnaha Baarlamaanku inay ku dhiiratay howl aysan aqoon
iyo karti u lahayn, inay shacbiga ka qarisay arinkan isaga ah, inaysan
kala tashan baarlamaan iyo inaysan ka faa’iidaysan khubarada
Soomaaliyeed ee howshaan kartida, aqoonta iyo khibrada u leh, kuwaas oo
jaamacadaha caalamka ka dhiga cilmiga Joolajiyada, joqoraafiga iyo
xeerarka caalamiga ahba.
Hadaba akhristow, si aan hadalka u soo gaabiyo waxaan halkaan maanta
idiinku soo bandhigayaa xaqiiqo dhab ah oo ku aadan doorka Norway.
Norway oo ugu yaboohday Kenya inay ka caawin doonto soo barista
Batroolka.
Maqaalkaani wuxuu xusayaa sida Dowlada Norway ay diyaar ula tahay
caawimaad iyo gacan qabasho ku aadan soo saarista iyo baarista shidaalka
Kenya, sida ku cad qoraankaan waxa yaboohu ka imanayo waa wasiir ku
xigeenka Tamarta iyo Shidaalka Ms. Brit Skjelbred, taas oo masuulka
wasaarada Shariikada Batroolka Norway Statoil.
Hadaba Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa maxaa iyo weedha Kulmiyay,
Maxaa sababay in codsiga Dowlada Soomaaliyeed ay qoraan Dowlada Norway
iyo Shariikada Statoil, hadiiba ay sida ku cad qoraalkan 2003
Shariikadan oo dowli ah iyo wasiir ku xigeenkii shidaalka ee Kenya u
gudbiyeen codsiga qodista iyo baarista Shidaalka.
Miyaysan taasi ahayd khiyaano iyo hoodadayn la rabo in Continantal
Shelf ku lifaaqan dhul badeedka Soomaaliyeed ee kaas oo lagu qiyaasay
116,000 KM2 in loo qalinta loogu xado oo xalaaleeyo Kenya, iyadoo laga
faa’iidaysanayo dowlad aan khibrad, dhaqaale, iyo aqoonba u lahayd waxa
ay saxiixayaan iyo cida ay u wakiilanayaan intaba. Sidoo kale maxaa
sababay in ay dowlada Norway isku xirto saxiixa warqada isafgaradka
xadaynta badeed ee Somaaliya iyo Kenya , iyo codsiga Fadhiga Qaaradeed
ee Bada Soomaaliya.
Intaa waxaa ka sii daran in Wasaarada arimaha Dibada ee Norway qoraal
saxaafadeed oo ay kaga hadlayso kaalinta ay ka cayaartay arintaan iyada
ah ku xustay in aysan wax uladeedo hoose oo qarsoon ka lahayn gacan
qabashada iyo kharajka ay ku bixisay arintaan daraasada Soomaaliya
hordhigtay UN ee ay ku cadaynayso inay leedahay Contenintal Shelf
Afrikada Bari. Taas miyaan laga dhadhansan Karin in Dowlada Norway ka
sii jawaabayso tusmada iman karta, Maxaase keenay is difaaca qadimaada
ah, waa hadii aysan wax isku ogayne???
Hadaba waxaad akhristow hoos ku arki doontaa inta ay le’egtahay
calaaqada Norway iyo Kenya, wakhtiga ay soo bilaabantay, iyo howshii
baarista iyo qodista Batroolkaan in ay u xanibnayd oo qudha warqada loo
saxiisay iyo hadaba wixii ka soo baxa shirka June ka dhici xadaynta
xeerarka badaha ee dhici doona June, 2009.
Hadalka uu wasiirka arimaha dibada ee Norway sheegayna wuxuu u
dhigmaa sida: “Neither the Norwegian Government nor Norweg an companies
would have have interests of their own in the area, said the Norwegian
minister» taas oo marka Soomaali loo badalo noqonaysa sidan :
« Dowlada Norway ama Shariikadaha Norway midna wax dano ah kama laha
aagaan.
Marka in Wasiirku been sheegayo la iskuma haystee , waxaa keliya ee
su’aashu tahay ma waxaan rumaysanaa hadalka wasiirka mise waxaan
rumaysanaa ficilka Dowlada Norway iyo Shariikadaheeda Shidaalka kuwaas
oo durba ka howl galay Kenya.
Fadlan Fiiri Qoraalka Wasaarada Arimaha Dibada ee Norway oo ay kaga
hadlayso arintaan:
http://www.regjeringen.no/en/dep/ud/press/News/2009/shelf_assistance.html?id=555771
Norway offers Kenya to help with oil exploration
19-09-03 The Norwegian government is ready to help Kenya explore its
oil potential, if requested. The State Secretary (deputy minister) for
Oil and Energy, Ms Brit Skjelbred, told that her country was willing to
assist Kenya explore, excavate and even manage its potential oil
deposits if it was comfortable with the arrangement.
She said that oil exploration was a tricky and costly affair, and Kenya
must ensure that it was not cheated out of its natural wealth by
unscrupulous countries or companies. The minister said Norway, a leading
exporter of crude oil, had assisted many countries to produce and manage
their oil without any problems.
To read more please visit here: (hadii aad doonaysid inaad sii
akhrisato maqaalka fadlan akhri halkan:
http://www.gasandoil.com/goc/news/nta34233.htm
Kenya: Mashruuca Qodista Shidaalka oo Bilaabmi doona
Kenya: Oil Drilling Project Set to Commence
Qormadan waxay ku bilaabmatay sidan, Qalabtii loo isticmaali lahaa
qodista Shidaalka laga filayo (xeebta ka baxsan) Lamu oo yimid dekada
Mombaasa.
Taariikhada arintaani dhacdayna waa goorma Octoobar 28, 2006.
Wadamada ku xusan qormadaanina waxaa hormuud u ah Norway, Dhulka
batroolka laga qodayaana waa badda ay dad badan aaminsan yihiin inay
tahay mida lagu dhacay waxa loogu yeeray heshiishka isfaham.
Hadaad doonaysid inaan qormadaan sii akhriso fadlan booqo:
http://www.miningtopnews.com/kenya-oil-drilling-project-set-to-commence.html
Kaalinta Harald Brekke
Harald Brekke waa khabiirka talada ka siiyay Dowlada Kenya sidii ay
ugu guulaysan lahayd dacwadeeda ku aadan sheegashada qalfoofka ama
fadhiga qaaradeed. Waxaa hadaba iswaydiin mudan waxa sababay in xaakim
ka mid ah gudiga xeerka badaha ee qalfoofka qaaradeed uu talo iyo
khibrad ugu yabooho Kenya.
Sida ku cad xeerka u degsan xubnaha gudiga xeerka badaha wuxuu
dhigayaa sidan:
“Requests for advice and assistance should be addressed to the
Secretary of the Commission. It would be helpful to the Scientific
and Technical Advice Committee in fulfilling its functions if States
could specify details of the nature of the assistance required to enable
the Committee to prepare a list of the “proposed members who may provide
advice taking into consideration the technical and scientific nature of
each request”.
Fadlan eeg:
http://www.un.org/Depts/los/clcs_new/commission_advice.htm
Taas oo ah in dalkii raba in laga caawiyo dhinac talo xirfadeed uu u
soo gudbiyo gudiga codsi ay ku cadaha nooca talo khibaradeed iyo
cilmiyeed ee ay rabaan iyo liiska xubnaha ay doonayaan inay ka caawiyaan
arintaan iyada ah.
Sidaa awgeed, waxaan oran karnaa Kenya xaq ayay u lahayd inay
taageero ka hesho gudiga xubin ka mid ah, laakiin waxaa doodu ka taagan
tahay waxa sababay in Kenya codsato khabiir ku takhasusay cilmiga
Joolajiga, u dhashay Norway, ahaan jirayna khabiir ka shaqeeya Wasaarada
Shidaalka ee Norway.
Isku suu duuboo waxaan oran karnaa shaki kuma jiro in Norway ay
cayaarayso kaalin ku salaysan istaraatiijiyo ganacsi. Waxaa kaloo
hubaal ah Kenya ay tahay Dowlad wakhti iyo dhaqaaleba galisay inay ku
guulaysato arintaan. Guushii ugu horaysayna waxay gaartay kadib markay
heshiis if afgarad oo u saamaxaya sheegashada dhulka lagu muran san
yahay ka sixiixatay Dowlada Somalia.
Hadaba maxaa talo ah ee la gudboon Dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed.
Talo:
- In baarlamaanka qabsado shir degdeg ah oo ku aadan diidmada
heshiiska is afgarad, hadii rag dood ka dhigtaanaa goob aamin ah oo
shirku ka dhaco ma jirta maxaa diiday in Villa Somalia lagu shiro
maadaama arintaani tahay mid saamayn ku yeelan doonta aayaha iyo
jiritaanka Soomaliyeed.
- In dowladu qirato inay faraha la gashay wax aysan diyaar u
ahayd, aqoon u lahayn, sidaa awgeed si ay kalsoonida shacabka u
hanato waa inay shaqada ka eridaa cid kasta oo gacan ku lahayd
fulinta iyo saxiixa arintaan
- Waa in Dowladu samaysaa gudi isugu jira Khubaro Soomaaliyeed iyo
xubno ka socda dowlada laakiin aqoon u leh arintaan iyada (waaba
hadii ay jiraane) , khubaradaas waxaa ka mid noqon kara Dr. Osman
Salad oo ah khabiir ku takhasusay cilmiga Joolajiyada maantana wax
ka dhiga jaamacada Masqad ee Oman, Prof. Samantar oo ah macalin ku
takhasusay cilmiga Juquraafiga, iyo Qareenka caalamiga ah Mr.
Abdulqawi oo xaakim ka ah Maxkamada Aduunka ninkaas oo ku takhasusay
cilmiga Qaanuunka Caalamiga ah.
- Waa in qofkasta oo Soomali ah oo aqoon u lehn arintaan iyada ah
uu af iyo qalinba ku saxaa , sameeyaa cilmi baaris ,dabadeedna ku
soo bandhigaa bogaga internetka ee Soomaliyeed.
- Waa in ururada ku hadlan magaca Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa
qurba joogu warqad dacwad ah u gudbiyaan gudiga Xeerka Badaha ee UN,
warqadas ama patition kaas oo ay ku xusayaan qodaba ah in:
- Dowada Soomaliyeed aysan awood, dhaqaale, nabadgelyo,
iyo kalsooni shacab ee ku aadan arintaan haysan sidaa awgeed
maadaama dowladaani tahay mid jaabo jaabo iyo isku dhoob
transition ah waa in Shacabka Soomaliyeed la siiyaa fursan
dheer oo ay ku soo bandhigo doonto dacwadeeda waa marka la
helo dowlad Aqoon leh, Kalsooni iyo rabitaan shacab ku
timid, hogaankana ay u hayaan rag Difaaci karan danaha iyo
Istaraatiijiyada Soomaliyeed.
- In Shaki way jiro oo ah doorka Norway sidaa awgeed
maadaan codsiga la soo gudbiyay aysan soo diyaarin ama ka
midba ahayd khubaro Soomaaliyeed waa in Soomaliya la siiyaa
dhaqaale, fursad lagana tashadaa arintaan dowladado aan daro
ganacsi oo dhow ama dheer ka lahayn gobolka geeska Afrika.
- In Heshiiska Is afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya aan
waxba laga Soo qaadin maadaama Dowlada Soomaaliya tahay
transition , aysan samayn la tashi, heshiiskaana uusan
ogolaan ama kalsooni siin baalramaanka Soomaliya sidaa
awgeed, iyadoo la ilaalinayo xuduudaha badeed, iyadoo loo
turayo dalalka aan awooda dhaaale,khibradeed lahayn waa in
UN-tu aysan ogolaan in Soomaliya oo kala daadsan aan
dalkeeda iyo badeeda la dhicin.
- Sidoo kale waa in xubnaha gudiga xeerka badaha loo
gudbiyaa warqadadaan iyadoo si cad loo muujinayo doorka
khiyaano ee Norway ee ku aadan arintaan iyada ah, sidaa
awgeed waa in xubinta Norway Mr. Harald Brekke aan loo
xaamixin coday iyo talo ka gaysashada arintaan maadaama ay
arintu tahay mid ku salaysan Conflict of Interest. Sidaa
ageedna aan Codsiga Kenya iyo Somalia midna la aqbalin labad
dalba dib loo siiyo fursan.
Farah Aw-Osman
Ottawa, Canada
awosman@gmail.com