Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya oo Sheegay in Arrimaha Soomaaliya aysan
Gacanta ka Laaban doonin.....
".... mana daawan doono danahayaga istaatiijiyadeed oo wiiqmaya sharci
darrada ka jirta Soomaaliya awgeed...." Moses Wetangula,
Tarjumadii: SomaliTalk.com | June 7, 2009
Moses Wetangula oo ah wasiirka Kenya u saxiixay heshiiskii Is-afgarad ee ay
la galeen Soomaaliya ayaa sheegay in aysan daawan doonin danahooda
istaatiijiyadeed ee wiiqmaya, sababtoo ah ayuu yiri sharci darrada ka jirta
Soomaaliya awgeed. Hadalkaas waxa uu ku sheegay waraysi uu June 5, 2009 siiyay
Telefishanka NTV oo ay leedahay Nation Media ee Kenya.
Warbixintii TV-ga, cod iyo Video hoos akhri, dhegesyo ama daawo.
Moses Wetangula, Wasiirka Arimaha Dibadda Kenya. Isha: NTV
"Kenya hadda gacanta kama laaban doonto, mana daawan doono danahayaga
istaatiijiyadeed oo wiiqmaya sharci darrada ka jirta Soomaaliya awgeed. Haddii
aan ogolaano in sharci darradu ka sii socota Soomaaliya, halkaas oo derejada
sharci darradu ay gaar meel aad u daran, bal eeg qiimaha ku kacaya burcad
badeeda, waxaa jirtay waqti in qiimaha caymiska maraakiibta imanaya dekeda
Mombasa Kenya waxay kor u kaceen ilaa boqolkiiba 40%, qiimahaas kor u kacay waxa
uu saameeyey qof kasta oo adeegsanaya badeecada. Waxaan raad ku yeelanay
deriskayaga," ayuu yiri wasiirka Arrimaha dibadda Kenya.
NTV oo warysiga qaaday waxa uu
sheegay in Kenya ka qayb qaadanayso wafti ka socda Midowga Afrika iyo IGAD oo
arrimaha Soomaaliya u tegeya Xarunta Qarammada Midoobay ee New York si ay ula
kulmaan Xoghayaha Guud ee QM Ban Ki-moon si cunaqabatayn loo saaro
xooggaga ka soo horjeeda xukuumadda uu hogaamiyo Sh. Shariif Sh. Axmed.
Mr. Wetangula oo waftiga ay dirayaan ka hadlayey waxa uu yiri: "Waxaan
abaabulay oo diyaarinay in aan ballan la dhiganay xoghayaha guud ee QM, waxaan
sidoo kale la kulmi doonaa Golaha Ammaanka, waxaana kala hadlaynaa
suurtagalnimada in cunaqabataynta la saaro dekedaha iyo garoomada diyaaradaha ee
Soomaaliya ee ay ka taliyaan qabqablayaasha dagaalka iyo dembiilayaasha
Alshabaab."
NTV oo warbixintiisii sii watay waxa uu sheegay: Soomaaliya waxaa ku sugan
ciidamada Midowga Afrikaanka oo aan aad u hubaysnayn, Watangula waxa uu doonayaa
in halkaas loo diro ciidan badan, waxana uu ku baaqayaa in cudud militari la
adeegsado si loo taageero dawladda Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya oo arrintaas ka hadlayay waxa uu yiri:
"Waxaan rajaynayaa in hurdada laga kaco oo la sameeyo sidii ay Tanzania ka
samaysay Uganda, wixii Sudan iyo Tanzania ay dhawaan ka sameeyeen Comoros -
kaxay ciidamadaada oo u dir gudaha si aad u xallisid dhibaatada. Comoros hadda
waa nabad, waad aragtay sida Uganda ay uga gudubtey maalmihii Iidi Amiin, waxay
ila tahay in ay shardi ku tahay Afrika in ay hurdada ka kacdo oo ka qaadato
kaalinteeda saxda ah oo taageeraan xubnahooda".
Sidaas waxaa qoray buugga "Rescuing nationals abroad through military
coercion and intervention on grounds of humanity" qore: Natalino
Ronzitti 1985,
bogga 104.
FG: Xooggii Militari ee Tanzania ku gashay Uganda waxa uu bilowday
January 20, 1979. Ciidamada Tanzania waxay garab siiyeen jabhad ka soo
horjeedey madaxweynahii Uganda ee xilligaas Iidi Amiin. Bishii March 27,
1979 ayaa madaxweynahii Tanzania Nyerere waxa uu ku dhawaaqay in ay in
dagaal laba furin ah lagu furay Uganda. April 11, 1979 ayaa jahbadii oo
garabsanaysay militariga Tanzania waxay gaareen caasumada Uganda ee Kampala,
sidaasna uu xukunkii kaga dhacay iidi Amiin Dada. Waxaa taariikhdu xustaa in
madaxweynahii Tanzania uu ciidankiisa u geliyay Uganda si uu uga aar goosto
Iidi Amin oo hore (September 1978) u weeraray Tanzania. Waxaa aad u cajaa'ib
badan in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya (ee hadda June 2009) uu tusaale
u soo qaatay in la sameeeyo ficilkii ay Tanzania ku weerartay Uganda.
Laakiin xaqiiqadu ay taha in xilligaas (1978-1979) in Kenya iyo Lybia oo
keliya ay ahaayeen dalalka sida khaaska ah uga soo hor jeedey in Tanzania
weerarto Uganda. Sidaas oo kalena ka soo horjeedey markii Uganda weerartay
Tanzania. (Iidi Amin waxay uu 16 August 2003 ku geeriyooday Sacuudi
Careebiya).
Waraysigii NTV waxa kale oo uu Wetangula kaga hadlay xaaladda Jasiiradda
Migingo ee ay
isku haystaan Kenya iyo Uganda.
"Xasilooni
ayaa halkaas ka jirta, calankii Uganda halkaas waa laga dejiyay, waxaa halkaas
ku sugan lix askari oo boolis ah, saddex Kenyan ah iyo saddex Uganda ah, kuwaas
oo ku hawlan arrimaha kala dambaynta. Wax shaki ah haba yaraatee igagama jiro
marka la eego akhbaarta la hayo ee taariikhiga ah in Migingo ay soo xigto dhanka
Kenya ee xadka," ayuu yiri.
Kenya iyo Uganda waxaa muranka ka dhex dhaliyey dhul ballaciisu yahay 240
mitir (waa fogaan ka yar rubuc kiiloomitir) oo ah haro-biyood. Haddii
aan jalleecno dhanka Soomaaliya waxaa Kenya ay markii hore dhul-badeedka
Soomaaliya ka cabiratay 38,000 km2, markii ay aragtay madaxda
DFKMG in aysan taas ka hadlayna ay la saxiixatay "is-afgarad" muran gelinaya
dhul-badeedka Soomaaliyeed, kaddibna Qarammada Midoobay u gudbsatay cabir
muujinaya in ay badda Soomaaliya ka calaamadsatay ugu yaraan 116,000 km2.
Taas markii ay samaysanaya ay madaxda Soomaaliyeed bilaabeen in ay
is-afgaradkaas difaacaan.
Waxaa muhiim ah in si gaar ah loo dhuuxo arrinta ay Kenya cuskanayso marka ay
la xaajooneyso Uganda,
waxay tiri
waxaa "Jira akhbaar iyo khariidado ku simaan sannadkii 1926" oo Kenya ku
doodeyso in ay muujinayaan in jasiiradda Migingo aysan lahayn Uganda ee ay
leedahay Kenya. Haddaba maxaa madaxda Soomaaliyeed u diiday in ay Kenya
xusuusiyaan Heshiiskii Talyaaniga-Ingriiska ee 1924 oo si qeexan u kala
calaamadiyay badda Kenya iyo Soomaaliya, sidaa daraadeedna in muranka jiraa uu
yahay dhulka Soomaaliyeed ee loo yaqaan NFD oo ay
gumaystaan ee taariikhdu sida qeexan u qorto.
June 4, 2009 ayay ahayd markii Jariidadda East African Standard ay
qortay war cinwaankiisu ahaa "Kenya
iyo Somalia oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka" waxayna ku xustay in
Heshiiska xuduudda badda u dhaxaysa labada dal (Somalia-kenya) in ay ku qoran
tahay: "Xadaynta qalfoofka qaaradda ee u dhaxaysa Jamhuuriyada Kenya iyo
Jamhuuriyadda Soomaaliya weli lama xallin. Arrintaas aan la xallin waxaa loo
tixgalinayaa muran badeed."
Laakiin, ayey tiri jariidaddu, Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya Moses
Wetangula waxa uu diiday in muran u dhaxeeyo labada dal. "Ma jiro wax muran ah
haba yaraatee oo u dhaxeeya annaga iyo Soomaaliya. Is-afgaradka MoU waxaa la
saxiixay ayadoo laga duulayo niyad wanaag ku salaysan danaha labada dal," ayuu
yiri (Wetangula) June 3, 2009 kaddib markii uu la kulmay ra'iisul wasaaraha
Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke (oo booqasho ku joogay
Kenya).
Shirkii Jaraa'id ee June 3 waxa kale oo wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya uu ka
sheegay in "Waftiga u ambabaxaya Qarammada Midoobay waxaa hogaaminaya
Ethiopia, waxaana la socda Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo xubin
ka ah waftiga, xubin ka socda Kenya oo ah isku dubaridaha IGAD u qaabilsan
Soomaaliya iyo IGAD agaasimaha guud ee Eng. Mahbuub. Waxaan iyaga u diraynaa New
York si ay ula kulmaan xoghayaha guud (ee QM) iyo sida aan u malaynayo golaha
ammaanka si ay ugala hadlaan su'aasha ku saabsan waxa ay IGAD iyo AU ay soo
agaasimeen oo ku saabsan Soomaaliya."
Ethiopia waa dalka labaad ee gumaysta dhul Soomaaliyeed, isla mar ahaantaasna
xasuuq ba'an u geytay shacabka Soomaaliyeed, ayna colaad soo jireen ah u
dhaxayso oo ku saabsan dhul iyo dad. Waxaa jirta in 1964 heshiis is
gaashaan-buuraysi dhexmaray Kenya iyo Itoobiya, heshiiskaas oo ku saabsnaa iska
difaacidda Soomaaliya (oo ay labadoodaba gumaystayaashii siiyeen dhul
Soomaaliyeed). Heshiiskaas isgaashaan-buuraysiga waxay Kenya iyo Itoobiya
cusboonaysiiyeen 1980. Waxa kale oo ay markale sii cusboonaysiiyeen August 28,
1987.
DFKMG iyo Kenya waxay April 2009 kala saxiixdeen heshiis ay DFKMG ugu yeerto
Is-afgarad, laakiin Kenya ku tilmaantay Heshiis, kaas oo ku saabsanaa badaha.
Qoraal ay Kenya
faafisay April 7, 2009 ayay ku sheegtay in xafladdii saxiixa heshiiska ay ka
dhacday xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda (Kenya ee Nairobi) waxaa dadkii goob
joogga ka ahaa ka mid ahaa Amb. Longve Hans Wilhelm oo ah lataliyaha
gaarka ah ee Norway wasaaradeeda Arrimaha Dibadda iyo Ms. Rina
Kristmoen oo ka socotay Safaaradda Norway ee Nairobi. Sidoo kale
waxaa goobta joogay Mr. Thuita Mwangi oo ah Xoghaynta Guud ee
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya, Amb. Ben Ogutu oo ah
Agaasimaha arrimaha siyaasadda iyo Mr. James Kihwaga oo ah Madaxa
Qaybta Sharciga (Qaanuunka) Kenya. Warka Kenya ma sheegin cid ka socotay
Soomaaliya oo goobta joogtay oo aan ka ahayn Cabdiraxmaan Cabdishakuur
Warsame oo ah wasiirka Soomaaliya saxiixay.
Laakiin, May 27, 2009 ayaa Prof. Ibbi oo ah ra'iisuwal wasaare xigeenka
DFKMG, waxa uu sheegay in goobta saxiixu ka dhacay uu joogay Shariif Xasan
Sheikh Aaden oo ah wasiirka maaliyadda DFKMG ahna ra'iisul wasaare xigeen.
Kenya oo Noqotay Dalka
Saddexaad ee ugu Musuqmaasuqa Badan Dalalka Afrika ee Saxaraha ka Hooseeya (Sub-Saharan Africa)
Cilmi baaris ka kooban 40 bog oo ay samaysay
Transparency International (TI) oo ay su'aalo ku waydiisay dad tiradoodu
kor u dhaaftay 73,000 qof oo u dhashay 69 dal oo adduunka ah ayay ku sheegtay in
sannadka 2009 marka laga hadlayo Qaaradda Afrika inta ka hoosaysa Saxaraha in
Kenya ay noqotay dalka saddexaad ee ugu musuqmaasuqa badan. (Labada dal ee
Afrika ee musuqmaasuqa kaga horeeya Kenya waxaa warbixintu ku sheegtay Cameroon iyo
Ghana) .. Cilmi baarista oo la faafiyay June 3, 2009
Ka Eeg
Halkan.
March 18, 2009
ayey ahayd markii Wasiirka Maaliyadda DFKMG, Shariif Xasan Sheikh Aaden iyo
Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ay kala saxiixdeen heshiis Is-Afgarad ee
Memorandum of Understanding (MoU) oo ku saabsan in Kenya ay cashuurta u
qaado DFKMG, gaar ahaan waxyaabaha Kenya laga dhoofiyo ee u socda Soomaaliya.
Waxaa warku xilligaas sheegay in dakhliga cashuurta loo qaadayo Dawladda
Federaalka ee laga qaadayo alaabada ama badeecadda laga dhoofinayo Kenya ay
gudaha Kenya ku qaadayso laanta Dakhliga Kenya ee loo yaqaan KRA (Kenya
Revenue Authority).
Wetangula calls for deployment of troops to Somalia
AU pushes for sanctions on Somali and Eritrea
7,000 Somali refugees fleeing to Kenya monthly
Faafin: SomaliTalk.com | June 7, 2009
Madaxweynaha (DFKMG) Sheikh Sharif Ahmed (Midig) oo la fadhiya wasiirkiisa
Maaliyadda Sharif Hasan Sheik Adan, (Bidix) xilli ay shir jaraa'id ku qabteen
xarunta madaxtooyada Villa Somalia ee Muqdisho June 4, 2009, markaas oo uu wacad
ku maray in uu sii wadayo la dagaalanka muqaawamada Islaamiyiinta ilaa nabad
lagu soo celinayo dalka Geeska Afrika. Addis Ababa waxay Arbacadii June 3, 2009
qiratay in xubno ka tirsan milatarigeeda in ay "baaritaan sahan" ka fuliyeen
gudaha dalka deriska la ah ee Soomaaliya. Sidaas waxaa qortay Reuters.
Khudbadii
Sh. Shariif u jeediyey Ahlu Suna ama
soo rogo.