SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYEED

Aragtida Kenya ee "Heshiis Xuduudda Badda" ee ay la Gashay "Jamhuuriyadda Soomaaliya"

  • Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya: "Kenya and Somalia sign Maritime boundary agreement" = "Kenya iyo Soomaaliya waxay wada saxiixdeen HESHIIS XUDUUDDA BADDA."
  • Ra'iisul wasaaraha DFKMG:  horta heshiis ma aha, marka heshiis la gaaro waxaa la dhahaa AGREEMENT, annaga iyo Kenya waxaan wada gaarnay Agreement ma ahayn ee waa Memorandum of Understanding, waa is faham.

    SomaliTalk.com | April 14, 2009

Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ee Soomaaliya ayaa si weyn ugu dooday in April 7, 2009 ay Kenya la saxiixatay Is-Afgarad ama is-faham aan shaqo ku lahayn xuduudaha badda ee ka dhaxaysa Kenya iyo Soomaaliya.

Haddaba, waxaa muhiim ah in dadweynaha Soomaaliyeed loo bayaamiyo sida ay Kenya u aragto waxa ay la saxiixatay Soomaaliya. Waxaa arrintaas si aan shaki ku jirin u caddeeyay war ay faafisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya, April 7, 2009, oo ay cinwaan uga dhigtay "Kenya and Somalia sign Maritime boundary agreement" - oo haddii Af-Soomaali lagu macneeyo ah "Kenya iyo Soomaaliya waxay wada saxiixdeen HESHIIS XUDUUDDA BADDA."

Warkaaas oo ay Dawladda Kenya ku faafisay website-ka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, waxa kale oo ay ku baahisay warbaahinta Rasmiga ah ee Dawladda (KBC), (sida ka muuqata sawirada hoose). Warkaas waxaa ka mid ahaa:

Kenya iyo Soomaaliya oo Kala saxiixday Heshiis Xuduudda Badda: Kenya iyo Soomaaliya waxay maanta 7dii April 2009 saxiixdeen Qoraal Is-faham oo ku saabsan Xuduudka Badda ay wadaagaan. Heshiiska waxaa Kenya u saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Moses Wetang’ula halka Soomaaliya uu heshiiska u saxiixay Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya oo ka warbixinayay cidda markhaantiga ka ah heshiiskaas waxa ay qortay sidan:

Xafladda saxiixa oo ka dhacday xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda (Kenya ee Nairobi) waxaa dadkii goob joogga ka ahaa ka mid ahaa Amb. Longve Hans Wilhelm oo ah lataliyaha gaarka ah ee Norway wasaaradeeda Arrimaha Dibadda iyo Ms. Rina Kristmoen oo ka socotay Safaaradda Norway ee Nairobi.  Sidoo kale waxaa goobta joogay Mr. Thuita Mwangi oo ah Xoghaynta Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya, Amb. Ben Ogutu oo ah Agaasimaha arrimaha siyaasadda iyo Mr. James Kihwaga oo ah Madaxa Qaybta Sharciga (Qaanuunka) Kenya.

Warka Kenya ma sheegin cid ka socotay Soomaaliya oo goobta joogtay oo aan ka ahayn Wasiirka saxiixay.

  • Sawirka Hoose: Website Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya oo uu ka muuqdo warka ay sida cad CINWAANKA uga muuqato "Maritime boundary agreement" ama Heshiis ku saabsan xuduudda Badda.


Isha: http://www.mfa.go.ke/mfacms/index.php

DFKMG:  Marka Heshiis la Gaaro waxaa la dhahaa "AGREEMENT"

somaliaDhanka DFKMG, April 11, 2009 waraysi ay Idaacadda Codka Maraykanaka (VOA) ay la yeelatay Ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cumar C/ashiid Cali Sharmaarke ayaa la waydiiyey Heshiiska dhex maray Soomaaliya iyo Kenya ee ku saabsan Xuduudaha Badaha, waxa uu kaga jawaabay:

"Horta su'aasha xoogaa sidaad u dhigtay aan wax ka saxo. Anaga iyo Kenya heshiiska hadda, horta heshiis ma aha. Marka heshiis la gaaro waxaa la dhahaa AGREEMENT, annaga iyo Kenya waxaan wada gaarnay Agreement ma ahayne waa MoU ama Memorandum of Understanding, waa is faham. Is-fahamkana kuma salaysna xuduud-yada. Horta waxaa fiican sida ay tahay waxa in aan u dhigno, anagga iyo Kenya wax aan ka gaarnay xuduudaha ma jiraan. Keliya anaga iyo iyaga waxaan isku afgaranay waxay tahay in iyaga dhulka uu hoos ka gaaro badda dhinaceeda, waxaa la soo ogaadey in dhulkayagu uu 200 mayl sii dhaafsiisan yahay badda dhinaceeda. Maadaama anaaga iyo Kenya aan xuduud badeed leenahay waxaa laga fursan waayey si anagu 200 mayl ka shishe aanu uga dalbano UN-ta sharciyada badaha ay qabaan waxaa weeyey haddii laba waddan xuduud bad ay leeyihiin oo xuduudooda biyuhu ay is ag maraan in wixii ay ka codsanayaan ay isku ogolaadaan UN-ka in uu qof kasta codsado. Marka sida loo dhigay iyo sida loo fasiray bahashatani ma aha. Dabcan Kenya xuduuda sida ay rabtey in ay u aragto iyo sida aan u aragno waa kala duwan tahay, taasna guddi ayaan u saaraynaa aqoon yahanno ah, sharci yaqaanno ah, joolojiga yaqaan, khayraadka badda ku takhasusay, intaas oo qofood ayaa marka guddigaas la sameeyo la xaajoon doonta dawladda Kenya iyo hay'adaha caalamiga ah ee ku shuqul leh. Marka anaga iyo Kenya heshiis aan ka gaaray xuduud badeed ma jiro.

Markii VOA ay Cumar Cabdirashiid waydiisay "Miyaan la oran karayn dad dawladiina markii hore yare taabaacsanaa in ay heshiisaas ka sii qaadaan in ay idinka fogaadaan oo ay idinku eedeeyaan in heshiiskan aad ku dagdagyeen", waxa uu Ra'iisul wasaaraha DFKMG ku jawaabay "Qofka marka uu heshiiska akhriyo oo fahmo markaas waa wada hadli karraa qofkii. Laakiin dhibaatadu waxaa weeyey qof aanan arkin oo qof u sheegay, su'aasha ma aha anaga iyo Kenya in aan wada gaaraay heshiis xuduudaha badaha. Wax xuduud bad ku saabsan oo aanaga iyo Kenya aan wada gallay ma jirto. Waxaan fiirinaynana wax badso ayay ahayd.

Haddii loo raaco hadalka Ra'iisul wasaaraha DFKMG in ay Kenya la saxiixdeen Is-Afgarad ama is-faham, isla markaasna la eego Qoraalka loo bixiyey Is-Afgaradka, waxaa si qeexan uga muuqda in badda u dhaxaysa labada dal la geliyey "muran". Taas oo loo fahmi karo in Dawladda Soomaaliyeed ay Kenya la afgararay in Badda Soomaaliya "Muran" la geliyo. Waana kelmedda ay Kenya raadinaysay inay u gudbisato Qaramada Midoobay.Haddii aan soo qaadano tuduc ka mid ah Heshiiska (Is afgaradka): Weli lama xallin calaamadinta qalfoofka qaaradda (badda) u dhaxaysa Jamhuuriyadda Kenya iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya. Arrinta calaamadintaas (Xadka Badda) ee aan la xallin ee u dhaxaysa labada dal ee xeebta waxaa loo tixgalinayaa "MURAN BADEED".

Dhanka kale Ra'iisul wasaaraha DFKMG waxa uu qiray in ay raadinayaan "WAX BADSI" iyo in loo baahan yahay in arrinta loo sameeyo guddi. Haddaba su'aashu waxay tahay maxaa guddi loo samayn waayey ka hor inta aan heshiiska (is-afgaradka) lala gelin Kenya, si ay ula xaajoodaan.

Mar haddii xaalku halkaas gaaray, maxaa hor tagaan DFKMG in ay ka laabato is-afgaradkaas? oo ku buriso xeer madaxweyne ama fadhi-baarlamaan? ama warqad leh calaamadda Soomaaliya illaa waa "is-faham'e", maadaama tii hore ay saaxiixeen ay lahayd calaamdda Kenya oo qura.?

cumar cabdirashiid cali sharmaarke
Xafladii magacaabista Cumar C/rashiid: Sh. Shariif oo salaamaya, Adan madoobo oo eegaya iyo Prof. Ibbi oo sacabinaya

  • Sawirka hoose: Website-ka Wakaaladda Wararka ee Dawladda Kenya ee KBC oo uu ka muuqdo warka ay sida cad CINWAANKA uga muuqato "Maritime boundary agreement" ama Heshiis ku saabsan xuduudda Badda.


Isha: http://www.kbc.co.ke/story.asp?ID=56666

Qoraalka ay Faafisay shabakadda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya oo Af-Ingriisi hoos ka akhri.


Kenya and Somalia sign Maritime boundary agreement

Hon. Moses Wetang'ula and Hon. Abdirahman Abdishakur Warsame at the signing ceremony

Kenya and Somalia have today the 7th April 2009 signed a Memorandum of Understanding on their common Maritime Boundary.

The agreement was signed by Foreign Affairs Minister Hon.  Moses Wetang’ula on behalf of Kenya while the Minister for National Planning and International Cooperation of the Republic of Somalia, Hon. Abdirahman Abdishakur Warsame signed the accord on behalf of Somalia.

The Memorandum is pursuant to a United Nations requirement that all countries with naval boundaries sign delineation agreements and lodge them with the United Nations by 13th May 2009 and it allows each of the signatories to lodge their documents separately to the relevant body.  

 The signing ceremony which took place at the Ministry of Foreign Affairs was witnessed amongst others by Amb. Longve Hans Wilhelm, Special Advisor in the Norwegian Ministry of Foreign Affairs, and Ms. Rina Kristmoen from the Embassy of Norway in Nairobi.  Also present were the Ministry of Foreign Affairs’ Permanent Secretary Mr. Thuita Mwangi, Director for Political Affairs Amb. Ben Ogutu and the Head of Legal Division Mr. James Kihwaga.


Faafin: SomaliTalk.com | April 14, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: