Heshiiskii Xadeynta Badda ee Kenya iyo Soomaaliya: Hagardaamo
Halisteeda leh
Hordhac
Maalmahan waxaa socotay dood ku saabsan badda Soomaaliya iyo
heshiis ay Dowladda Kumeelgaarka ah (DKMG) la gashay dalka Kenya.
Cilmi baaris qotodheer oo ay sameeyeen bahda
SomaliTalk ayaa waxaa ka soo baxday in dowladda Kenya hunguri ka
galay dhulbadeed Soomaaliya leedahay. Bahda SomaliTalk-na waxa ay umadda
Soomaaliyeed ku baraarujiyeen arrin baaxad weyn oo u baahan in wax laga
qabto. Doodda dhinacyo badan ayaa laga fiiriyey. Maqaalkan gaaban waxaan
ku lafagurayaa waxyaabaha ka dhalan kara heshiiskaas, xadaynta qalfoofka
qaaradda badda Soomaaliya (outer limits of the continental shelf)
dhinaca qawaaniinta caalamiga ah.
Macnaha Heshiiska Isfahamka
Marka la raaco qawaaniinta caalamiga ah muhiim ma aha magaca loo
isticmaalo heshiiska ay kala saxiixdaan laba dowladood. Tusaale ahaan
DKMG waxa ay ku doodaysaa waxa aan galnay heshiis (agreement, treaty) ma
ahayn ee waxa uu ahaa Isfaham (Memorandum of Understanding). Halkaas
waxaa laga dhadhansankaraa in ay aaminsan yihiin in ay khalad ahayd in
heshiis lala galo Kenya oo bad Soomaaliya leedahay ku sheegtay mid lagu
muransanyahay.Su'aashu waxa ay tahay haddii la caddeeyo in waxa la kala
saxiixday ay heshiis ahaayeen oo magaca loogu hoos geliyey, maxay
samaynayaan? Ma ka noqonayaan heshiiskaas? Doodda meesha ay u dhacayso
ma ahan in ay dowladdu heshiis gashay iyo in kale ee waxaa weeye
heshiiskaasi ma yahay mid sharci ahaan qabanaya labada dal oo laysku
isticlaami haro mustaqbalka?
Marka la tixgalinayo qawaaniinta caalamiga ah, magaca heshiiska loo
bixiyo ma sugo in heshiisku yahay mid qabanaya sharci ahaan waddamada
kala saxiixday heshiiska (binding) iyo in kale ee waxaa la fiirinayaa
waxa ku qoran heshiiska iyo masuuliyiinta saxiixday. Marka la fiiriyo
kalmadaha loo adeegsaday heshiiskan iyo saxiixa ay saxiixeen wasiirrada
arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah waxaa muuqata in uu yahay
mid loogu talo galay heshiis labada dalba qabanaya. In heshiiskan
Soomaaliya loo isticmaali karo iyo in kale waxa ay ku xirnaan doontaa in
heshiiskaan laga diiwaan geliyo xoghaynta qaramada midoobay waaxda
aruurinta heshiisyada. Waxaa jira heshiisyo badan oo cinwaankoodu yahay
isfaham oo loo diiwaangeliyey xeer ahaan iyo kuwo kale oo isfaham ahaan
loo qaatay. Xiriir aan la sameeyey waaxdaas waxaa ay ii sheegeen in
aanay illaa maanta oo taariikhdu tahay 15ka April ayna soo gaarin
heshiiskaas, arinkanna waan lasocon doonnaa.
....Haddii heshiiskan laga qoro Qaramada Madoobay oo Kenya
ama Soomaaliya midkood diinwaangeliyo waxa uu noqonayaa mid
qabanaya labada dal oo Soomaaliya loo isticmaali karo haddii
mustaqbalka dacwo arinkan ku saabsan timaaddo....
|
Haddii heshiiskan laga qoro Qaramada Madoobay oo Kenya ama Soomaaliya
midkood diinwaangeliyo waxa uu noqonayaa mid qabanaya labada dal oo
Soomaaliya loo isticmaali karo haddii mustaqbalka dacwo arinkan ku
saabsan timaaddo. Maxkamadda adduunka ayaa arinkan caddaysay sida
ku cad dacwad ay maxkamadda gaysteen dalaka Qatar iyo Bahrain oo dhul
badeed iyo jasiirado isku haystay. Waxa ay u egtahay in Kenya magaca
isfahamka u bixisay heshiiskan si Soomaalida loogu qaldo. Bogga
internetka ee Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Kenya waxa ay heshiiskan ugu
yeertay 'Heshiis Xadka Badda' sida ku qoran boggooda internetka. In ayna
jirin sinnaan labada dal waxa ay ka muuqataa, marka heshiiska la
saxiixayey waxa dhinaca Kenya goobjoog ahaa dad badan oo ay kamid
ahaayeen Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arimaha Dibadda,
Madaxa Qaybta Sharciga. Halka Soomaaliya uu socday hal wasiir oo
keligiis ah. Waxa kale oo muuqata in Kenya heshiiska soo qoratay oo ayna
jirin wadahadal lagala galay waxa lagu qorayo heshiiska. Tan kale,
maadaama nuqul heshiiskan ah ay Soomaaliya u gudbisay Guddiga
Xadaynta Qalfoofka Qaaradda Badaha, wey adkaanaysaa in aan ku
doodno waxa uu ahaa isfaham oo keli ah.
Kala caddaynta doodad
Waxaa aad mooddaa in ay laba doodood isku dhinac socoto. Waxaana
habboon in labada doodood lakala saaro oo mid walba gooni loo galo. Tan
koowaad waa in loo baahnaa in aan guddiga xadaynta qalfoofka badda ee
QM u gudubsanno macluumaadka ku aadan sheegashada Soomaaliya ay rabto in
ay kororsato xadka qalfoofka baddeeda sida xeerka baduhu farayo. Doodda
labaadna waxa ay tahay heshiiska aan lagalnay Kenya iyo in aan ku
qasbanayn iyo in kale iyo in aan waxa heshiiska ku qoran iska fiirinay.
Haddii doodda sidaa lookala qaado waxaa sahlan in si fiican loo fahmo.
Qoraalkan doodda waxa uu u wajihi doonaa qaabkaas.
Nuxurka Heshiiska
Marka aad fiiriso qodobbada heshiisku daboolayo waxaa kuu soo baxaysa
in qaar layskaga daray kuwana muhiim yihiin. Marka hadda waxaan u
falanqaynayaa heshiiska qodob qodob.
- Tan koowaad, heshiisku waxa uu leeyahay labada dal waxba kama
qabaan in mid walba gudubsato codsigeeda ku aaddan kororsiga
qalfoofka baddeeda. Marka la raaco xeerka baddaha adduunka iyo
lifaaqyadiisa iyo weliba xeer hoosaadka guddiga arinkan u xilsaaran
dalna uma baahna in uu helo ogolaashaha mid kale si uu u sameeyo
codsigiisa. Dalwalbana waaba ku qasbanyahay in uu soo gudbin
sameeyo. Marka qodobkaan looma baahnayn in laba dal heshiis ku
xusaan.Waxaa kali ah oo dhib ah in aan ogolaanay inaan waxba ka
qabin in Kenya wax gudubsato anaga oo aan ogayn waxa ay gudubsanayso. Waxa uu heshiiskaanu ishaarayaa in aan ognahay oo aan aragnay waxa
Kenya gudubsanayso- taas oo aan sax ahayn.
- Heshiisku waxa uu qirayaa in ay jirto bad laysku haysto oo u
dhaxaysa labada dal. Somaaliya waxa ay adduunka u gudbisay xadka
badeeda oo qayaxan xilligii dowladdii milatariga dalka ka talinaysay
mana jirin dowlad muran ka keentay. Kenya waa la socotay xadka
Soomaaliya doodna kama qabin.Waxaa khalad aan laga soo waaqsan ah in
Soomaaliya hadda qirto in uu jiro bad laysku haysto. Waxaa ka sii
daran ma aanan arag maabka Kenya wadato oo maba ogin dhulka ay
leedahay waa lasyku haystaa. Marka la eego macluumaadka dowladda
Kenya (hordhac ahaan u) gudbisay, waxa ay sheeganaysaa bad aad u weyn oo Soomaaliya
lahayd oo baaxaddeeda lagu qiyaasay 38,000 km2.
- Heshiiska waxaa kale oo ku qoran in xadaynta qalfoofka badda
uuna shaqo ku lahayn muranka labada dal u dhexeeya. Tan looma baahna
in lagu qoro heshiis sababtoo ah xeerka badda iyo lifaaqa la socda
ayaa qoresya in muran wadamada deriska ah u dhexeeya ayna wax shaqo
ah ku lahayn xadaynta. Guddiga xadayntuna shaqo kuma laha muranka
dowladaha u dhexeeya. Waxaad moodaa Kenya in ay rabtay in ay
caddayso in bad laysku haysto ay jirto.
- Heshiisku waxa uu qirayaa in Somalia iyo Kenya ay gudubsanayaan
sheegashadooda ka hor 13 May 2009. Arinkanna looma baahna in laga
heshiiyo sababtoo ah waxaa amraya xeerka badda.
- Waxaa kale oo heshiiska ku jira in labada dal ay guddiga
siiyeen ogolaasho in uu talo bixintiisa tixgalin siiyo dhulka laysku
haysto. Arinkan ayaa dhibkeeda leh. Kenya waxaa ay samaysay diyaar
garow weyn oo waxa ay soo bandhigaysaa macluumaad badan oo ay ku
taageerayso sheegashadeeda. Soomaaliya awood uma laha in ay markaan
is difaacdo, marka waa khalad weyn in ogolaashahaas la bixiyo,
sababtoo ah haddii aan ogolaashaha la bixin waxa ay ahaanaysaa arin
taagan oo markii aan awood u yeelanno aan u soo jeesan karno.
- Qodobka kale oo xasaasiga ah oo ku jira heshiiska uguna dambeeya
waxaa weeye in aan qirnay in aan annaga iyo Kenya marka gudigu talo
soo jeedinta bixiyo ka heshiinayno 'badda laysku hayo'.Hadda oo
aanan tabar lahayn oo aanan haysan khubaro iyo aqoon aan isku
difaacno wax heshiis ah lama gaari karno Kenya oo diyaar garow badan
samaysay. Sida muuqata ujeedada Kenya waxa ay tahay marka guddiga
xadayntu talo bixinta bixiyo in ay heshiis la gaarto xubno matalaya
Soomaaliya. Haddii qaabkaas lagu xadeeyo badda waxa ay noqonaysaa
mid kama dambays ah oo aan laga noqon Karin. Marka waxaa muhiim ah
in aan wax heshiis ah aanan Kenya la galin inta aan tabarteeda ka
yeelanayno oo aan awoodayno in aan xaqayaga soo dhacsanno.
Wareegto Rasmi ah (GAZETTE NOTICE NO. 3929) oo soo
baxday 24kii May, 2006 ayaa Kenya ku magacawday Guddi
Hawlgal (Task Force) oo ka kooban 14 xubnood iyo 3
xoghayn, waxaana loogu talo galay in ay ka shaqeeyaan iskuna soo
dubbaridaan arimaha ilaalinta iyo sheegashada xadka Qalfoofka
Qaaradda illaa 350 mile badeed...
"TASK FORCE ON THE DELINEATION OF KENYA'S
OUTER CONTINENTAL SHELF"
.. Dhanka DFKMG: Sida ay sheegeen qaar ka mid ah golaha
wasiirada waxaa ay go'aanka qaateen ka bacdi markii SADDEX
SAACADOOD oo kaliya warbixin laga siisay arinkan....
|
Haddii aan nuxurka heshiiska soo falanqaynay, bal aan fiirinno
diyaargarowga ay labada dal sameeyeen si ay arinkan sheegashada xadka
qalfoofka badda u sheegtaan. Dowladda Kenya waxa ay gashay diyaar garow
dheer. Sanadkii 2006dii waxa ay shaqo la bilowday
Xoghaynta Ururka Barwaaqo sooranka qaybtiisa Talooyinka khaaska ah
si ay uga caawiyaan isku diyaarintooda. Kenya waxa kale oo ay
isticmaashay shirkado kale oo ay ka mid tahay shirkad Faransiis ah oo
iyana ka caawisay aruurinta macluumaadka loo baahanyahay iyo samaynta
maababka laga rabo oo taageeraya sheegashadeeda. Dowladda Kenya waxa
kale oo isla sanadka 2006da ay samaysay
guddi heer qaran oo isku keenay xeeldheerayaal loo diray in ay ka
shaqeeyaan iskuna soo dubbaridaan arimaha ilaalinta iyo sheegashada
xadka Qalfoofka Qaaradda illaa 350 mile badeed.
Dowladdii Kumeelgaarka ahayd oo Soomaaliya xilligaas ka jirtay waxba
kama qaban arrinkan oo kumaba baraarugsanayn ama ma doonayn in ay wax ka
qabato. Dhowr usbuuc ka hor ayaa dowladda Kenya oo diyaarsan waxa ay
heshiis la gashay dowladda kumeel gaarka ah oo hadda jirta oo aan wax
macluumaad ah ka hayn arimaha laga hadlayo. Sida ay sheegeen qaar ka mid
ah golaha wasiirada waxaa ay go'aanka qaateen ka bacdi markii saddex
saacadood oo kaliya warbixin laga siisay arinkan. Waa arrin la dareemi
karo oo iska cad in aan shaqsiyaad iska socda oo aan wax diyaargarow ah
samayn ayna marna si sax ah wax ula qaybsan karin dowlad
diyaargarowgaas dheer gashay oo ay hay'adeheedii dowliga ahaa u
shaqaynayaan, kaalmana ka heshay hay'ado caalami ah.
Su'aashu marka waxay tahay, maxaa nagu kalifay in aan ku degdegno
saxiixa heshiiskan? Ma waxay nagu ahayd qasab in aan la galno Kenya
heshiiska noocaan ah?
Ma ku qasbanayn in aan Kenya heshiiskan la galno?
Marka la eego xeerka badda qodobkiisa 76aad, lifaaqa labaad (Annex
II) oo xeerka badda la socda iyo weliba ficilladda wadamada adduunka oo
gudbiyey sheegashada xadkooda qalfoofka badda midna kuma cadda in ay
qasab nagu ahayd in aan heshiiskaan la galno dowladda Kenya oo iyada
diyaargarowga dheer gashay. Taasna waxaa kuu muujinaya dalka kale oo
dariska nala ah eeYemen wax heshiis caynkaan ah nalama gelin. Yemen
weliba waxa ay guddiga xadaynta qalfoofka qaaradda u gudbisay
sheegashadeeda ku aaddan xadka qalfoofka qaaradda ee jasiiradda Socatra
iyada oo aan wax heshiis ah nalaga galin. Marka waxaa muuqata in
heshiiskani yahay mid ay Kenya soo karisay annagana aan ku
baraarugsanayna iska saxiixnay. Dowladda Kenya ayaa ku doodaysa in
xeerka baddu qabo in wadamadu ka heshiiyaan xadka baddooda. Laakiin sida
aan kor kusoo sheegnay guddiga xadaynta qalfoofka badda shaqo kuma laha
xadka wadamada u dhaxeeya. Xeerka badda ma ahan wax qarsoon ee meesha ay
uga taallo hasoo bandhigeen. Tan kale, xataa haddii heshiis lagalayo
waxaa qasab ah in layska fiiriyo oo wixii aan dan kuugu jirin laga
saaro, taasna ma dhicin.
Haddii aan heshiiskan la galin maxaa dhici lahaa?
Waxaan maqlay xubno ka mid ah golaha wasiirada DKMG ah oo ku
andacoonaya waxaan cusboonaysiinaynay sharciga badda Soomaaliya oo
dhacay oo haddii aan la cusboonaysiin waa la qaadan lahaa. Hadalkaas waa
mid aan sax ahayn xaqiiqadana ka fog. Xeerka badaha adduunka oo
Soomaaliya saxiixday 1989 hirgalayna 1994 (waxa uu hirgalayey marka ay
xubin ka noqdaan lixdan dowladood) waxaa uu Soomaaliya u ogolaanayey in
ay sheegato illaa 200 mile badeed oo ah dhul ay kuleedahay xaq ganacsi
oo khaas ah. Dhulkii Soomaaliya sheegatay iyo dhamaan xuduudihii badda
Soomaaliya sidoodii ayey u jiraan umana baahna in la cusboonaysiiyo.
Arinka uu qodobka 76 ee xeerka badaha uu ka hadlayo waxaa weeye in
waddamada badaha leh loo ogolyahay in ay calaamadaysataan xadka u
dambeeya ee qalfoofkooda qaaradda inta ka dambaysa 200 mile badeed oo
horay loo sheegtay ayada oo dowlad walba loo ogolaaday in ay
gaarsiisankarto ilaa 350 mile badeed. Arinkan waxaa Qaramada Midoobay u
saartay guddi shaqadiisu tahay in uu talo soo jeedin sameeyo sida ku cad
xeerka. Talo soo jeedintaas kabacdi ayaa dal kasta waxaa laga rabaa in
ay calaamadaystaan xadka qalfoofkooda qaaradda badda.
Haddaba, haddii aan annaga oo wax heshiis ah la galin dowladda Kenya
aan gudbin lahayn sheegashadayada ku aadan kororsiga xadka qalfoofka
badda waxa guddigu tixgalin lahaa codsigayaga ayada oo aan loo eegayn
dal kale. Haddii Kenya ay sheegato dhul aan leenahay waxaan iska difaaci
lahayn annaga oo aan u qirin in dhulkaasi muran ku jiro. Waxaa nagu
filnaan lahayd gudbinta macluumaadka kumeel gaarka ah oo haddaba la
gudniyey. Waxaa kale oo noo furnaa oo qawaaniinta caalamiga ah noo
fasaxi lahayd in aan guddiga weydiisanno in dib naloogu dhigo waqtiga
layska rabo in macluumaadka la gudbiyo.
Qodobka 61aad ee heshiiska
Vienna ee xeerarka caalamiga ah ayaa waxa uu ogolyahay in waddan qayb ka
ahaa heshiis haddii ayna suurtogal ahayn in uu kasoo baxo waajibaadka ka
dhashay heshiiskaas uu weydiisan karo in loo dib loogu dhigo.
Maxaa nala gudboon hadda?
....Waxaa (Heshiiskaas/isafgaradka) looga noqon karaa in
baarlamaanku yiraahdo heshiiskaasi ma ahan mid ansax ah sababtoo
ah lama soo marsiin golaha sharci dajinta sida sharcigeennu
qabo. ...... Arinkaan waa mid deg deg ah waxaana dhamaanteen
nalaga rabaa in aan u howl galno....
|
Hadda, dowladda kumeel gaarka ah waxa ay gudbisay macluumaad kumeel
gaar ah oo ku aaddan sheegashada xadka ugu dambeeya ee qalfoofka
qaaradda badda Soomaaliyeed. Waxaa gudbintaas lagu lifaaqay laguna
dhexdaray qoraalka la gudbiyey heshiiskii aan Kenya la galnay. Hadda
waan buuxinnay shuruuddii nalaga rabay, laakiin waxaa qodax isha nooga
taagan ah heshiiska ay Kenya na hoos galisay oo dhibaato badan noo
keenaya. Waxaa muhiim ah in aan heshiiskaas ka noqonno.Waxaa looga noqon
karaa in baarlamaanku yiraahdo heshiiskaasi ma ahan mid ansax ah
sababtoo ah lama soo marsiin golaha sharci dajinta sida sharcigeennu
qabo. Qoraal arinkaas ku aadanna loo gudbiyo Kenya iyo guddiga xadaynta
badda, loona sheego in laga soo qaado mid aan jirin. Arinkaan waa mid
deg deg ah waxaana dhamaanteen nalaga rabaa in aan u howl galno.
Arinka kale oo la rabo in aan aad uga digtoonaanno waxaa weeye in,
sida ku cad heshiiska aan Kenya la galnay, marka guddigu talo soo
jeedinta sameeyo aan Kenya kala heshiinayno xadka badda. Arinkan waa in
lagu baraarugsanaadaa. Waqtigaan Soomaaliya malaha dowlad tabar leh
awoodna u leh dhinac walba in ay wadahadal si siman ula gasho Kenya.
Sidaas daraadeed waa in aanan wax heshiis ah haba yaraatee la gelin
Kenya ama dowlad kalaba inta aan awooddeeda yeelanayno. Waa khalad in
shaqsiyaad ay iska saxiixaan arrin saameyn ku leh masiirka ummadda
Soomaaliyeed iyo jiilasha soo socda. Sharciga waxa uu noo ogolyahay
haddii aanan ku qancin talo soo jeedinta guddiga xadaynta badda aan
macluumaadka aan gudbinnay dib-uhanayno oo mar kale ku celinno. Haddii
sidaas la yeelayo waa in aan isticmaalnaa khubaro arinkaan ku xeel dheer
oo Soomaali iyo ajnabiba noqon karta.
Ahmed Ali M. Khayre
Waa garyaqaan ku takhasusay qawaaniinta caalamiga ah, horeyna uga mid
ahaa macalimiintii Jaamacadda Ummadda Soomaliyeed, Kuliyaddii
Waxbarashada Lafoole.
Waxaa lagala xiriiri karaa:
aakhayre@yahoo.com