Home » Faallo »

Socdaalkii Geerida Soomaaliya ilaa Yurub (8)

W/Q. Muxamad Idris Axmad

((Maaha Riwaayad beena ee waa sheeka dhaba oo dhacday. Qofka ay qisadu ku socoto waa mid ka mida kumanyaal Soomaaliya oo qaarna meelahaas ku dhinteen qaarna ilaahay sabata bixiyey.Waxyaabaha aad ku arki doonto waxaan usoo gudbiyey sida dadkii ay ku dhacday uga warameen..Waxaan ku leeyahay oo keliya waa inaan usoo gudbiyo qaab quruxsan intaan awoodo, laakiin asalkeeda aanan waxba ku kordhin.Waxaan rajaynayaa iney noqoto wax lagu cibra qaato.Laysna weydiiyo: Yaa Masuul ka ah dadkaasu iney dalkoodi ka bara kacaan, oo dariiqa geerida door bidaan?))

1 July iyo Beerta (kafra) Liibiya

Alxamdulilaah Safartii aan kasoo bilawnay 20 May Khartuum, nalookuna sheegay (kafra) Liibiya inaanu ku gaari doono asbuuc ilaa 10 cisho, wexey nagu soo qaadatay 41 cisho, oo aan qayb ka mida wixii aanu soo marnay Socdaalkii Geerida idiinka soo sheekeeyey. Haddaanu manta intayadii aan dhimani (Kafra) Liibiya soo gaarney waa ilaahay mahaddiis.

Waxaanu ahayn 49 Soomaali ah, 12 ayaa wadada nooga dhimatay, 11 wiil iyo gabadh, wiilna jidkaa looga soo kacay, waxaanu halkaan kusoo gaadhney 36 Soomaali ah.

Dadka qaar ayaa baxnaano dheer u baahan, qaarna faleebooyin ayaa la suray, qaar daawooyin ayey soo gadanayaan, qaar cuntada iyo biyaha oo meeshan laga helayo ayey isku baananayaan. 12 maalmood ayaanu goobtaas dadka lagu tahriibiyo ee magaalada duleedkeedaa joogney. Nimanka nala wareegey oo muharibiintaa kuwii hore wey ka duwan yihiin.

DAD SIDII XOOLA LOO KALA GADANAYO! ILEEN ADDONSIGU SIDAAN AYUU KU IMAN JIREY!

Inta aanan wadada tahriibka soo marin ma fahmi kari jirin, side qof xor ahaa, adoon nima u geli karaa. Bani aadamka manta jooga iyo kii quruumihii hore joogey waa isla bani aadamkii. Qofku markii awoodu ka dhamaato, tabar uu waayo, meel uu ciirsi bidayana waayo, sidii qof indhala meel uu aado aanu garanayn, wuu is dhiibayaa. Qoolka adoonsiga si sahlan ayuu u qabatiimayaa. Waxaan la yaabi jirey: Sidee qof xor ahaa, inta dad dhacaan, suuqyada uga gadanayaan. Sida aan arkeynu oo sheekadaan aan ku aragnay ama aan ku arki doono, qofku siyaaba kala duwan ayuu adoonsi toosa ama dadban u gelayaa, una noqonayaa sida badeecada iyo alaabta la kala iibsado.

Ma jiraan Soomaali Ilaa hadda xuduudaha Suudaan iyo Liibiya lagu adoonsado?!

Jawaabta Su’aashaas qadhaadh waa haa! Wey jiraan dad ilaa hadda lagu haysto meelahaas saxaaraha agagaarkeeda, oo ariga la raacsado, ama beera lagu fasho, ama dumar ilma badan lagaga dhalay oo lagu haysto!!haddaad rumaysan karto iyo haddaadan rumaysan karinba!

Yaa dadkaan ugu wacan dhibaatooyinkaas ay marayaan?

Waa arrin falanqayn u baahan si loo xadido sida masuuliyadda dhibaatooyinkaan naxdinta leh look ala qaybsanayo, qofka laftiisa, ehelkiisa iyo Bulshada guud ahaaneed. Waxaanse la inkiri Karin iney noqoneyso masuuliyad la wadaago. Marka ugu horreysana qofku isagaa ficilkiisa iyo go’aamadiisa ka masuul ah, waxaa kaloo la wadaaga ehelada iyo asxaabta u sahasha ama ku dhiiri gelisa, waxaa kaloo qayb ka ah, dadka dalkii ay dadkaanu kasoo bara keceen inuu salka dhigo u diidan oo intey talada ku loolamayeen, ummaddii ka dhigay in dhimatay, in dhaawaca, in qaxday, in badaha iyo berriga ku rafaadday iyagoo nolol raadis ah.

Nolosha Beerta Muharibiinta Kafra!

Nimanka nala wareegey waa kuwo kale, laakiin wey isku xiran yihiin iyaga iyo kuwa suudaan iyo kuwa Daraabulis Libya jooga, iyo wadada u dhexeysa. Heshiiskii hore wuxuu ahaa, lacagtii nala kasoo qaaday in Daraabulis nala ku geynayo. Laakiin lacagtii aan bixinay waxaa noo dheerayd baaddii dhawrka jeer nala ka qaaday ee aan kasoo sheekeeyey.

Meeshani waa meel beer ah, geedaha hoostooda ayaanu ku noolnahay, buulal iyo jiingada yar yar ayey leedahay. Berked yar oo biyaha laga cabo ayaa jirta. Dadka bariis qalalan ayaa loo kariyaa. Qofkii lacagtiisa wax u dirsanaya magaalada wuu heli karaa. Biyuhu cariiri nagagama jiraan.Waa meel dadka lagu soo dejiyo lagana sii raro (Transit Station). Waxaa muuqata kumanaan dada iney soo mareen sanadihii u dambeysey, oo muharibiintu ay Soomaalida shaqa badan ka qabsadeen. Maadaama aan dadka turjumaan u ahaa, qoladan cusubina turjumaan ayey iga dhigteen, sidaa darteed xoogaa micaamil gaara ayaan helaa. Bakhaarkii cuntada qalalan u taaleyna waa la ii dhiibey.

Sawirka: Al-Jawfa oo ah meel biyood u dhaw Kufra, Libya. http://wps.prenhall.com/

Heshiis cusub!addoonsi cusub!

Muharibiintu niman naxa maaha..Soomaaliduna dad wax ku cibra qaata maaha..waxna isuma sheegaan.. qof walbii sanadahaas dhibta uu soo maray meelna kuma qorin, cidna ugama waramin..xaalku dhibaataa lasoo maray ayuu ku dhamaadaa..Waxaa fursad laga helay in Soomaalidu tahay dad is kaalmeeya, oo is xiriiriya qaraaba ahaan. Kumanyaalka wadadaan geerida soo mara waxaa lagu bartay lacago is daba jooga oo uga soo shubma Yurub iyo Amerika.. Kuwa socda wadada geeridana waxaa usoo hillaaceysa iney iyaguna mar Yurub tagaan oo sidaas ay lacag usoo diraan!Sidaa darteed dadkan kala iibsada Soomaalida ee xabsiyada saxaaraha uga furtay maba aaminsana Soomaalidu lacag ma heli karto.. Wuxuu si sahlan u oran: lacagtaas ayaa loo baahan yahay, haddii kale, halkaan ayaad ku xirnaaneysaa! Warku waa dhammaaday!

Nimankii Muharibiinta ahaa wexey yiraahdeen: Qofkii doonaya Bani Qaazi wuxuu bixinayaa $300. Qofkii raba Daraabulis waa $400. Dadkiina la hadla. Talefanka hal daqiiqo ayaa laguu ogolyahay. Lacagta ha idiin ku soo xawilaan saaxiibkaya Suudaan. Markuu noo soo sheego: hebel lacagtiisi waan hayaa, gaari ayaanu saareynaa.. Hadal ma jiro dadka qofkii lacag haysta iyo qofkii dalbanayaba isagey u taalaa.

12 July u xir xirta Daraabulis!

Maalintii bishu 12 July ahayd ayaa lacagihii la wada bixiyey. Qof walba $400 ayaa laga qaaday, aniga lacag igama qaadin maadaama aan bakhaarkii hayey turjumaanna ahaa. Lacagna maba aanan haysan. Waxaa la yiri is diyaariya waxaa laydiin qaadayaa Daraabulis. Wararkoodu marar badan waa been aan waxba ka jirin. In qola kale oo mooryaanta liibiyaanka ah oo weliba saraakiil sheegta in nala ka iibsanayo nalooma sheegin. Laakiin waa wadda Soomaalida tahriibtey soo wada martay, laakiin aan manta ka horow qofna qof kale uga digin, ugana sheekayn si qoraal ah, oo taariikhda u hadha.

Soomaali ka qayb qaadatay dhibka!

Waxaa kaloo jira niman Soomaaliya oo la shaqaysta qolada tahriibka ama ha noqdaan mukhalisiin tahriibka Soomaalida iyo kuwa Liibiyaanka ama Turkiga ama Suuriya ama Suudaan iyo meelaha la mida u dhexeeya ama xawaalada ka shaqeeya oo lacagaha u qabta muharibiinta, qaarkoodna wexeyba u arkaan iney Soomaalida tahriibeysa adeegya u hayaan ooh awl u fududaynayaan, laakiin sida dhabtaa qaarkood wexey wax la wadaagaan nimankaan tahriibka ugu xun ee Soomaalida gadata.

Bahalkii (Ajdabiya) ayaa naloo gacan geliyey!

Waxaa nala soo saaray 4 baabuur oo yar yar, ilaa magaalada bannankeeda, kadibna waxaa nalaku guray gaari iska rogi ah, beerka ayaa naloo wada jiifshey, dushana darbaal weyn ayaa nalaka saaray si naloo qariyo, meelaha askarta oo la marayo. Qofkii u baahda xaaja fudud gudashadeeda waxaa gacanta laga siiyey koombo yar oo uu ku shubo!

Waxaa nala keenay guri ku yaal magaalada (Ajdabiya) oo gudihiisa nalaku soo daadiyey, ka dibna afar afar ayaa baabuur yar yar naloo saaray, waxaanu u haysanaa, in naloo wado Daraabulis. Afartayadii ugu dambaysey intaan gaarigii nala saarin, ayaa nin ka mida qoladii na ilaalineysey afka nagu soo dhoweeyey, wuxuuna yiri: lacag ma haysataan aan hadda idin qaado oo Baniqazi idin geeyo! Waxaanu ku niri: lacag ma haysanno oo waxaan haysaney waa nala kasoo qaatay.. Ninkaasu runtii warka diirka noogama qaadin, laakiin wey ku caddayd warkiisa inaan Banqazi naloo wadin ee meel kale naloo qaadayo, laakiin annagu ma fahmin. Ma aanan ogayn inuu ninkaasu fursad fiican noo soo bandhigay oo aanu bahalka naloo wado kaga baxsan karney, laakiin qeybka iyo wixii dhacaya ma ogayn.

Gurigii Bahalka!

Gaarigii haddii afartayadii u dambaysey nala soo saaray waxaa nala kusoo shubay guri saddex dabaq ah oo ganjeel hore leh, shaqaale ama ilaalo badani joogto. Dabaqa saddexaad ayaa nala geeyey. Qol weyn ayaa nala soo geliyey, mise kooxdii oo dhan rag iyo dumar meesha ayey joogaan, xitaa kuwii shalay naga soo tegey, dhammaan 36 qof ayaan nahay kooxdayadan. Ninkan hadda naloo gacan geliyey waxaa lagu magacaabaa (Cali Baba). Ma garanayo inuu yahay magac beena iyo inuu yahay kiisi runta ahaa. Waxaa la yiri waa sarkaal ka mida ciidamada Liibiya. Soomaalidan yaaceysa ee socotada ah ayuu ka baayac mushtaraa kuna bahaloobey. Waa nin xoog weyn oo dheer, dhudhumada wuxuu ku leeyahay midabyo kala duwan oo ugu xardhan. Shaaruba weyn. Wajigiisa waxaa saran caro. Waxaad is oraneysaa markaad indhaha ka qaado waa kuwa dadka cadaaba, naxariisina agtiisa kama muuqato. Aragtidiisa ayaaba dadka argagax gelineysa. Inuu sii argagax geliyana wuuba ugu tala gelayaa si uu dhaqsi lacagaha uga daadsado kadibna usii daayo oo kuwa kale usoo gashado. Waxaa hareerihiisa taagan ilaa dhawr iyo toban kale oo askartiisa ah.

DHEGAHA IYO INDHAHA FURA!

Wuxuu nagu yiri isagoo nala hadlaya: Qof walba waxaa laga rabaa $400 hadduu doonayo inuu meeshan ka boxo!! Haddaanu bixin, halkan ayuu ku xirnaanayaa, qolkan maaha, meel xabsiya oo guudka guriga ku taal ayaa lagu qufulayaa.. Waxaan qofkii u baahan telefoon inuu dadkiisi la hadlo siinayaa hal daqiiqo lacagtana halugu soo diro xawaaladda hebel ee Banqaazi (wuxuu sheegay xawaalad mageceed iyo nin Soomaaliya oo ay wada shaqaystaan).

2dii inan oo hadashay maxaa ku dhacay? Fuustada qashinka ayaa lagu tuuray!

Dadku indhohooda ayey wax ku arkaan oo juuq ma oran. Wuxuu noo soo saaray waraaqo afsoomaali iyo af carabi ku qoran oo ay qoreen dad soomaaliyeed oo horay meeshan usoo maray, waxaa ku qoran: war ninkaan cali baaba ah, hadaad u timaadaan wuxuu rabo siiya, haddii kale, meydkiina ayaa meesha lagu tuurayaa, ninkaan nin naxa maaha, annagaa idinka horreyney oo meeshaan soo marnay!! Waxaas iyo wax la mida ayaa ku qoran.. Wuxuu leeyahay: haah.. ma aragteen.!!

2 wiil ayaa wexey yiraahdeen: Lacag ma haysanno, waxaan haysanay iyo wixii naloo soo dirayba waa nalaga qaatay!!Maxaa ka yeersiiyey! Mid ka mida labadii inan ayuu qoorta kusoo dhegey.. wiil yar oo dhalinyaraa, oo 2 bilood rafaad iyo gaajo iyo tahriib saxaaraha kusoo jirey oo nafiba aaney ku jirin, ayaa ninkii xoogsadey ee daalimka ahaa dhulka dhigay, haraanti iyo feer, iyo garaacid ayuu isugu daray.. Markaasuu ku dul jog joogsadey sida kasha haruurka loogu tumo ayuu ugu tuntay!! Ilaa meel walba dhiig ka yimi, oo lays yiri waaba dhintay.. markaasuu lugta intuu ka qabtay sida neef ariya wuxuu ku jiidey jaran jaradii saddexda dabaq ilaa dhulka hoose..waxaanu sii maqleynaa madixiisa oo jaran jarooytinka ku garaacmaya marka uu jiidayo.. Innaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun.. Ma hadal baa yaal qof lacagtii soo bixiya iyo qof taleefanka qabsada ayaa la noqday! Wiilkii uu jiidey siduu u jiidayey isagoo miyirku ka tegey ayuu guriga bannaankiisa fuustada qashinka oo taalla ku tuuray!!

Wiilkii kale intaanu bahalku ku soo noqon ayuu balakoonka ka boodey oo dabaqa hoose ku dhacay, mase carari karo waa guriga gudihiisa askartiina waa joogtaa. Feeraha iyo madaxa iyo garabka ayuu ka jajabay, waana miyir belay, isagana qashinka ayuu ku tuuray. Wiilashii meesha waxaa ka qaaday boolis oo cisbitaal geeyey, laakiin meel ay garan karaan, iyo xitaa gurigii lagu diley magaalada iney ka gartaan suurtagal maaha. Muddo ayaa la daaweeyey aakhirkiina ilaahay waa ka kiciyey.. Intayadii kale waxaanu dirnay taleefanno lacag naloo soo diro, qofka markii lacagtiisu banqaazi ninka Soomaaligaa soo gaarto ayuu u soo sheegaa hebel lacagtiisi waan hayaa, markaasuu gaari ku daraa ilaa Daraabulis. Sidaas ayaanu afar beri ugu afduubnayn bahalkaas, kadibna Ilaahay naga soo furtay, markii eheladii lacaga madax furasha ah noo soo direen…

Lacagtii la ii soo diray xoogaa iiga hartayna ninkii soomaaliga ahaa ee Baniqazi ayaa iga lunsaday, wuxuuna yiri: waa cuntadii iyo cabitaankii intii guriga aad joogtey! Daalimiin, ilaahay ka furatay! Waa xarig iyo afduub xisaabtaada ah. …….. waa socotaa…

Qaybaha kale ka akhri https://somalitalk.com/tag/idris/

W/Q. Muxamad Idris Axmad
hayaan@gmail.com

FG. Sawirada: Google Earth & Wikipedia.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " Socdaalkii Geerida Soomaaliya ilaa Yurub (8) "

  1. ina lilaahi wa ina iley hi rajacuun allow umadaan waa u jedaa silaca iyo saxariirta la shekayo somaliyeey yurub intaa soo firinesaan bal firiya dhibka iyo cadaabka hor taala waxaa idin dhaanta dhulkina hoyo oo aad haraad iyo gaajo ugu dhimataan bal u fiirso wiilka lagu jiiday jaranjarada mise wixii uu dhib ah soo marey kuwaas sida u galey welikod ma arkayaan raaxo aduun iyo mid aaqiro allow kuwaas saas u galaya masakinta nolosha ku gub adaa caadil ah

  2. abdijabar says:

    asalamu caleykum salaan
    ilaah halaga baqo qof waliba oo muslim ah
    caloosha ayaa kadoontey walaahi hadii wax kaban karo waan kaqabaan lahaa hadaan maqlo qofbaa tahriib usocdo aan maqlana waan kacelinayaa hadii ey ii suurto gasho insha allah
    somaliyeey waxaan idin oron lahaa iska jogo wadiinkiini waxaa kaxun inaad meel aadan garaneynin sanka laguu galiyo adiga heysta guriga iyo cunta iyo meel aad ilaah kubaridit aslam

  3. ASC, intaa kadib, waxaa xaqiiqa dhinac kasta oo Soomaalida maanta laga eego inay si un wax ka yihiin, beri dhexdaa ah ayaan arkay sawir gacmeed Amin Amir sawiray, laba oday ayuu sawiray mid baa kan kale waydiinaya SOOMALIDA MAXAA KA SII AH?? odaygii kale jawaabta lamaba soo raagin ee WAA SUMAYSAN YIHIIN ayuu ugu jawaabay, wallee haddii aad fiiriso inay wax si ka yihiin, waayo mid baa ayaan dhexdaa ah i soo wacay damacsanaa inuu soo tahriibo, markaabaan uga sheekeeyay waxa laga sheegayo wadada walow aanan soo marin aniga, ninkii jawaabtuuba ii soo gaabshay asagoo igu oranaya ADIGA MAAHANE WAA MARKA AAD RAAXEYSATAY OO AAD QABAWGA KA DHARAGTAY!!!!.

    Allow na samata bixi.

  4. Mursal says:

    Salamu Calaykum,
    Shekh Mohamed Idriis waxaad ogaataa dadkan dhibkaas soo maray markay yimaadaan Yurub iyo Maraykan, iska daa inay dadka ooga sheekeeyaan waxysoo mareen ama ay naftoodaba ku cibra qataan, waxayba u dhaqmaan kuwa aan waligood soo marin dhibaato. Qaar wiilashaas ka mid ah markay waddamada Westernka yimaadaan, waxay markiiba u dhaqmaan sida Wersternka oo kale, sarwaalka oo jilbaha la geeyo, khamriga iyo daroogada oo la iisugu faano iyo waalidkoodi oo aan la xasuusan. Haddi laga waaniyo waxay ku jawaabaan “War uma haysid dhibkaan u soo maray oo kaadidayda ayaan usoo cabay” waaba lagu faanayaa.

  5. hani says:

    asc wr wb walaaloow dhib ayaa so martey adiga iyo walaalaha somalida ahaa ee kula joogey lakiin ilahay waa ka soo badbaadshey alxamdulilaah walaahi indhaheyga ilamo ayaa ka soo daadatey sheekadaan caadi ma ahaan walaahi aduunka ilahey waxaa igu dar dadka sidee u dhimanaayaan iyo wiilasha somaliyeed sidaa loogaley (LAADAR miyaa miyaa bal film maa lamatalaa} ilaahayo somali meel walbo ejogto amuurta u sahal waxaan jeclaalahaa in aad sheekada no soo da dajiso why maba sugi karo meeshey ku dhamaato walaahi it is hurting me very bad i hope adigane meel wanaagsan in aad joogto insha,alaah

  6. ALLOW SAHAL SAYMAHA ADUUN SUBAXBA WAA CAYNE.ileen soomaalidu dhibkan way wada martaa laakiin kaagama sheekaynayaan. mid ayaa hadda jooga sweden oo aanu ehel nahay waxaa laga kari waayey iska joog,markuu tegayna waa lataakuleeyey,mararka qaarna online ayuu xagga msnka kasoo noqdaa laakiin weligii ku odhan maayo dhibaasaan cabdiyow inaadeer soomaray waana ayaan daro in dhibka aad soo martay aadanba xasuusan.bal’e qaarkoow kuwii ay wadanka uga tageen ayaa ay kudigtaan iyagoo isagana dhigaya in ay jannadii badhkamida ay heleen.markaasay kuwaana kudhaqaaqaan fal ah tahriib iyo hebelba kuxumee oo muxuuba kuugu digan,haba arko adigoo jooga agtiisa ee uqalab qaado.markaasuu dhibkaas oo dhan soo marayaa.allow noo sahal xaalka soomaalidu mawacna.waxaanse kamurugooday nin sida layaabka leh udilay inanka soomaaliyeed isagoo doonaya in uu lacaga baad ah kaqaado.allow sahal saymaha aduun subaxba waa cayne.sheekhoow alle haku xafidee fadlan noosii wad ilaa aanu arkaynu halkuu inankan kudanbeeyey iyo qudhiisu bilaabay kudigashada aan kasoo sheekeeyey.

    mahadsanid somalitalk.