SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

WAR MEXEY NA MOODEEN?!!

Sheikh Maxamed Idris oo Digniin ku saabsan Badda Soomaaliyeed u jeediyey DFKMG, Baaqna u diray shacabka Soomaaliyeed

  • Baarlamaanka Ku meelgaarka ah muxuu u aamusan yahay? Maye wadaniyiintii ku jirey? Maye dadkii damiirka lahaa ee markii horaba hawshan is hortaagey?
  • DKMG waxaan uga digayaa carada dadka Soomaaliyeed, maalinta ay kacdo iney la xisaabtami doonto cid kasta oo qaran nimadeeda iyo hantideeda qaran ku xad gudubtey.

Mahad oo dhan Ilaah baa Leh Nabad iyo Naxariisina Nebigeenakorkiisa ha ahaato.

Waxaanu jecelnahay oo nafta ku maaweelinaa beri ayaa waagu dillaacayaa, Dawladnimadiina Soo noqoneysaa. Dawlada daciifkaa halagu mintido waxaa dhici karta mar uun iney xoogsato oo Dawlad Dhabihii ka dhalato. Waxaan nafta ku sabir siinaa mar kasta oo aan aragno dhacdooyin iyo saan saamo aan Dawladnimo u ekayn, dad iyo dalna wax ugu oolayn, inaan isku guubaabino war bal u kaadiya, waa intaasoo wuxuun Dawladihii meeshaas ka timaadaa. Laakiin, kumeel gaaryada qaarkood iyagaan fursadba kuu siinayn inaad ka aamusto, ama ka war wareegto.

Waxaan filayaa arrimaha beryahan kasoo cusboonaadey xuduudaha badda iyo beriga Soomaaliya ee ay wado DKMG iyo Qaramada Midoobey iyo Dawlada Kale oo Gobolka iyo Adduunka ka tirsan oo Maslaxadi ka gashay Dhulka iyo Badda dalkan Baylahda ah ee Soomaliyeed, iney aad u xanuujineyso qof kasta oo Soomaaliya.

Waxaa wax lala yaabo oo lala fajoco ah waxa DKMG ahi ugu maman tahay iney saxiixdo ama faraha la gasho ummuura ka waaweyn ku meel gaar nimadooda oo khuseeya Qaranka, Jiritaanka, aayaha Ummadda Soomaaliyeed ee dhibaataysan iyo Facyaalkeeda soo socda.

Dadkan Siyaasadda Soomaliya faraha kula jira 20kii sano ee u dambeysey Mexey Moodeen Ummadda Soomaaliyeed? Ma wexey la tahay in dadka Soomaaliyeed uu ka dhamaaday wax damiir iyo dadnimo ku hadhay? Mise wexey moodayaan inaan ummaddu dhega lahayn oo indha lahayn oo garaad ku hadhin oo wax aqoon diineed ama adduunyo lihi ku jirin, amase wixii la doono inta lagu sameeyo aan ka dhiidhiyi Karin, ama (YAC) oran karin?

Sheikh Maxamed IdrisSoomaaliyi wexey u dulqaadatay iyadoo darxumo iyo dulli meel walba u daadsan in magaceeda xoola lagu cuno, ama jeebab iyo jawaanna loo tosho, wax kastoo mageceeda ku yimaadana aan waxba kasoo gaarin.

Wexey u dul qaadatay iyadoo Gaajo iyo Harraad u le'aneysa, Abaaro iyo Colaado ku habsadeen, cirroole iyo caruur naftu ka bexeyso, xoolihii ka dhamaadeen, beerihii ka qallaleen, berrigii la xaalufiyey, badihiina sun lagu aasay, khayrkiina la boobayo, intaas iyo ka badani iyagoo ay ku dheceyso, ayey u dulqaadatay in magaceeda diyaarada lagu raac raaco, Hoteelana lagu seexdo, Daarana lagu dhisto.

Wexey u dulqaadatay dalkeeda in belaaya lagu soo hoggaansho, in dusheeda dabaabada qafilan lagu kor socdo, inaan dadka madaxnimadeeda sheeganayaa diriishadda dabaabadda mooyee meel kale ka arag.

Wexey Somaaliyi u dul qaadatay 20 sano iney Dalkeeda iyo dadkeeda iyo aayeheeda ay afduubtaan Day day iyo  Dullaaley, Qaad walayaal iyo Qab qablayaal, Qaw qawlayaal iyo Qawlal Weynayaal, aan dad iyo duunyo midna ka naxayn oo hirdid soo duxa lahayn.

Wexey u dulqaadatay iyadoo Jidadka Muqdisha iyo Hareereheeda  ku le'anaysa, oo darxumo u daadsan, in lagu dul dhaanteeyo,oo lagu dul daac daacsado, diyaarada ingeeyra iyo dabaabaad qafilan oo shisheeye lagu dul maro.

Waxaasoo xumaana oo ummadaan lagula kacayo waxaa uga sii daran in laga dhigto Ummad magaceeda inta la adeegsado aan waxba la weydiin. Waxyaabaha ugu yaabka badan, waxaa ka mida haddii Ummaddu maalin damacdo iney wax weydiiso, jawaabtu waa: Jees Jees, Jaa'ifayn, iyo Caga juglayn.

SHEEKADA BADDU WAA TUSAALE!

Maalintii heshiiska is afgarad lala saxiixday Kenya ee Ummaddu la yaabtay, ninkii saxiixay BBC ayuu wuxuu lasoo istaagey: Dadka arrintan ka hadlayaa waa juhalo aan waxba ka garanayn!! Ra'isul wasaaruhuna berigaas wuxuu yidhi: Dadku Heshiis (Agreement) iyo is afgarad (MOU) makala yaqaanaan!! Wasiirkii Baduhuna wuxuu ka bixi waayey: qaylo iyo hab hab iyo huhu!! Madax weynihii Buuga dhan oo arrintan ka hadlaya loo dhiibeyna wuxuu yiri: Hawshaan Badda waa dicaayad dana gaara laga leeyahay!!

Waayahay..Waxaa Caddaatay iney dhamaantood qaldanaayeen, oo omos jibaaxayeen. Soomaalidu wey kacday, Barlamaankuna wuu kacay, ilaa UN tu hawshii kasoo qaaday (waxba kama jiraan) maadaama aan Ummadda Soomaaliyeed iyo Barlamaankeedu Raali ka ahayn.

Dadkii Masuuliyad Magaca Soomaaliyeed hayey oo arrintaasu ka dhacday ma cudur daarteen? Maya!! Maku baraarugeen arrintaa gar darada ah si aaney mar kale usoo noqon? Maya!! Kuwii iyaga ka dambeeyey ma ka digtoonaadeen arrintaan maadaama ay buuq badan dhalisay (Controversial) inaaney faraha mar dambe la gelin ama ku kedsoomin, ama cidii waraaqa ugu soo qorata ay yidhaahdaan ka saara midaan ma geli karno? Maya!!Dadweynihii Soomaaliyeed ee arrinta la socdey ma loo cudur daartey, hal masuul oo damiirku inta damqaday yiri: Shaqada waan iska casiley ma jiraa? Waa maya!!

Admiral Faarax QareWaxaan is weydiiyey: War ma SomaliTalk iyo dadka Soomaaliyeed ee Khubarada arrimahaan ku ah ayaa qaldan, oo wax buun buuninaya?Ma Hay'adaha Adduunka ee aqoonsan xuduuda Badda Soomaaliyeed ayaa khaldan?  Shaki ayaaba ku gelaya markaad aragto indha adayga nimanka Kumeel gaarada ah! Mise waaba kan Taliyihii Ciidamada Badda, Admiral Farah Qare, oo si geesinima leh u yuraynaya dhankiisa dhurwaayada soo weeraraya badda Soomaaliya ee 20 Sano la xaalufiyey.. Raisul wasaaruhuna wuxuu ku jawaabayaa isagoo ka caraysan sidee loo weydiin karaa su'aal: Xuduudeenu Jiddey Geleysaa? Miyaanu Raisulwasaaruhu ogayn dagaalkan uu Admiralku kaga jirey Seycelles? Maxaa u diidey Madaxda Dawladan gaar ahaan: Madax weynaha iyo Raisul wasaaraha iney ixtiraamaan oo qadariyaan garaadka Ummaddooda, iney tix geliyaan Ra'yigooda iyo Taladooda, iney ka jawaabaan ama ka gar baxaan wixii dadka dhex yaal ama warbaahintu ka hadasho?

Waxaan ogahay tifaftirayaalka Somalitalk, gaar ahaan raga Qoraallada Badda Horay iyo Haddaba iska xil saaray habeen iyo maalinna usoo jeedey iney cilmi baaris xeel dheer iyo daba gal iyo xiriiro ku sameeyaan, Sida Eng. Maxamed Cali iyo Xasan Dhooye, dan gaara ka lahayn, baayac mushtarna ahayn, xoolana aaney ku qaadan, balse kharashka xiriirada iyo daabacaadda ay la liicaan. Waxa dhaqaajinayaana ay tahay Islaan nimo iyo Soomaalinimo iyo Xilkasnimo. Wexey ahayd Maalintii ay Buugga Dhan u Qadimeen Madaxweyne Shariif Sh Axmed inuu Billad Sharaf ku siiyo. Wexey Ahayd Maanta haddeey wel wel kale soo bandhigeen, ama Dawladda ku Baraarujiyeen, in Dr Abdiweli Gaas uu la xiriiro, haddeey si qalada wax u fahmeen u caddeeyo, hadduu weli ku qanacsan yahay waxa uu saxiixay ka gar boxo ama warbixin kasoo saaro caddayneysa daliilka ay Dawladiisu cuskaneyso.

Waxaan ogahay Somalitalk iney Cilmi baaris dheer arrintaan u gashay, war keeduna u kala caddaaday. Waxaa u markhaati furaya sida ay dareenkaas iyo fahamkaas ugala simanyihiin, dhammaan aqoon yahannada Soomaaliyeed, iyo Khubaradii Badaha iyo Ciidamada, iyo Masuulintii Hore. Intaasu haddey ku bixin weydo Masuuliinta Dawlada Ku meel gaarka ah iney arrintan ka garaabaan, cudur daarna ka bixiyaan , sow in la yiraahdo maaha: Maxaad Na Moodeen? Ummadda Soomaaliyeed wey iska kiin celineysaa idinka iyo waxa arrimahaan dabada ka riixayaba.

BAAQ… IYO …DIGNIIN!!

Waxaan Leeyahay Shacabka Soomaaliyeed: Xaq qofkii lahaa daba joogaa ma lumo.. Miyaan la gaarin waqtigii dadka Soomaaliyeed intooda damiirka lihi is raaci lahayd oo qabyaaladda iyo qurunkeeda dhinac iska dhigi lahayd.. Miyaan la gaarin waqtigii aynu garwaaqsan lahayn waxa inagu dhacaya ineynu sababteeda ugu weyn innagu leenahay loona baahan yahay ineynu Ilaahay uga toobad keenno, jid toosan oo saxana qaadno. Miyaan la gaarin waqtigii aynu hebel iyo hebel iyo group hebel iyo hebel taageeradooda iyo ficiladooda ka weynaan lahayn oo Soomaaliya dad iyo dal u hiilin lahayn oo iyada taageeri lahayn. Miyaan la gaarin waqtigii aynu oran lahayn: Waa bes!! Intaasu duruus iyo cibraqaadasho noogu filan. Miyaan la gaarin waqtigii aynu xoogeenna iyo tabarteenna isu geeyn lahayn si aynu isaga qabanno waxa magaca Soomaaliyeed habeen iyo maalin ku adeeganaya, una dhihi lahayn, magacayaga ha sheeganina, qadiyadanadana haku qaraabanina.

Soomaaliyey Miyaan la gaarin waqtigii aynu is abaabuli lahayn meel kastoo aan joogno, oo waxakan wadankii looga qaxay, ee 20 sano iska daba wareeganaya, ee dad iyo duunyo midna aan ka nixi hayn, ka tashan lahayn. Miyeynaan ogayn Xorriyadda iyo Sharafta inaan laysu hibayn ee lasoo dhacsado? Miyeynaan ogayn Ummad aan iyadu doonayn iney noolaato, inaan cidina nolol u ogolayn?

Baar lamaanka Ku meelgaarka ah muxuu u aamusan yahay? Maye wadaniyiintii ku jirey? Maye dadkii damiirka lahaa ee markii horaba hawshan is hortaagey? Maanta mexey u aamusan yihiin? Mexey u hadli la'yihiin?

Waan hubaa iney Maalintaasu imaneyso Ilaahay idankii goor aan dheerayn. Ummadda Soomaaliyeedna Damiir iyo Dadnimo kama Dhammaan. Dalkeeda iyo Daneheeda akhiro iyo adduunna wey difaacan Ilahay idankii. Arrintaan Badduna waa ka mid oo ma soconeyso Ilaahay idankiis. Laakiin shaqo iyo isku duubnaan ayey u baahantahay. Waa marka ay saaxada soo galaan dadka ay Ummadda Soomaaliyeed wadato, asxaabtii “ waa lay wataa”na ay meesha ka baxdo.

DKMG waxaan uga digayaa carada dadka Soomaaliyeed, maalinta ay kacdo iney la xisaabtami doonto cid kasta oo qaran nimadeeda iyo hantideeda qaran ku xad gudubtey. Waa caddahay inaaney hadda Shacabka Soomaaliyeed waxba iska saarayn, waayo isagu ma dooran, masruufkana uma hayo, wexeyna aad u dhegeystaan cidda soo dooratay masruufkana u haysa, laakiin adduunku sidan ma ahaanayo. Ha xasuusato DKMG, iyo Ugandha iyo Burundi,  iney ka tabar darantahay oo ka hawl yartahay Mubaarak iyo Qaddaafi iyo Zainu Tuunis, markii ummaddu xaqeeda u kacdo iney soo dhacsato. Dadka Soomaali har iyo hoyaan u diidey ha ogaadaan, in Maalin shacabka Soomaaliyeed la xisaabtami doono, xisaab kulul.

Ilaahayna waxaan ka baryayaa mid Kasta oo Soomaali Dulligeeda iyo saxariirkeeda ka qayb qaatay inuu Ilaahay qabto, oo Ilaahay Dulligiisa iyo Saxariirkiisa na tuso. Nacam waa habaareyna, oo waa habaareynaa, oo waa habaareynaa: Kuwa Soomaali Silica iyo Saxariirka baday, Kuwa Maatada Muslimiinta cadawga u loogay, Kuwa Magaca Muslinka Soomaaliyeed diley oo dulleeyey, inuu Ilaahay Dulleeyo, Ilaahay Dabar gooyo, Ilaahay Ummadda Ka qabto, Dhiigga Ilaahay idinku Qallaji, oo Wadnaha Ilaahay idinku Dhufey, oo Dhuuxiina dhareer ilaahay ka dhig. I laahow Ummaddaan Muslimkaa, Hoggaan wanaagsan, oo Diintaada ku hoggaansha, oo Danaha Guud ka shaqeeya,Aqoon iyo Ammana leh,  oo dadkeeda iyo dalkeedaba daryeela, usoo saar.  Aamiin. Aamiin..

Qarmada Labaad (Akhri halkan)

W/Q. Muxamad Idris Axmad
hayaan@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | September 24, 2011


 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: