W.Q. Faarax Axmed Muuse,
colow30@hotmail.com
M.Sc Clinical Microbiology, University of Karachi
CUDURKA KOLEERAHA
Waxa uu yahay,
xakameyntiisa iyo ka hortagiisa.
Cudurka koleeraha ayaa ka dilaaca sanad
walba wadamada saboolka intooda badan, sababana dhimasha aan yareyn . Dalka
somaliya ayaa ka mid ah wadamada uu sida joogtada ah ugu dilaaco cudarkani,
dhowrkii sano ee la soo dhaafay dad badan ayaa u le’day cudurkan sababtii
gobolo badan oo somaliya ka mid ah, bishii maarso sanadkii 2000 oo keliya
dad gaaraya 1191 qof ayuu cudurka koleerahu ku dhacay 63 qof oo dadkaa ka
mid ahi waxay u dhinteen cudurkan sababtii ka dib markii uu cudurkani ka
dilaacay shan gobol oo somaliya ka mid ah ( Banadir,Bari, hiraan,shabeelada
dhexe iyo shabeelada hoose ). Hadaba in wax laga sheego cudurkan waxa uu
yahay siyaabaha looga hortigi karo loona xakameyn karo faa’fidiisa ayaa ah
mid lama huraan ah si uu mushtamacu uga qaado aragti guud.
Inta aanan u gada gelin wax uu yahay
cudurka kuleeraha ayaan waxaan door biday inaan kala saarno farqiga u
dhexeeya cudurka koleeraha iyo cudurka daacuunka cudurka daacuunka oo ay dad
badani isku qaldaan. Soomaalida ayaa in badan ku magacawda koleeraha daacuun
calooleed. Balse marka loo noqdo cilmiga sayniska koleeraha iy daacunka ayaa
ah laba cudur oo kala duwan oo ay sababaan laba nooc oo bakteeriyada ka mid
ahi.
Cudurka daacuunka ( plague) waxaa keenta
bakteeriyada loo yaqaan Yersinia pestis. Cudurkan ayaa ah mid dilaa
ah kana khatarsan koleeraha in badan calaamadaha uu cudurkani leeyahay ayaa
waxaa kamid ah nabara waaweeyn oo maqaarka kasoo yaaca iyo qanjirada difaaca
oo barara (bubonic plague). Dhiiga oo sumoobba (Septicenic plague) inta
badanna sababa dhimasha deg deg ah. Somobada oo dhiiga (pneumonic plague) .
Hadii aan u soo noqono cudurka koleerah ama
daacuun calooleedba dheh waa sida ay soomaalidu u taqaane ayaa waxaa keenta
bakteeriyada looyaqaan Vibrio cholerae . inta badan cudurkan waxa uu
ka dhashaa cabitaan lacabbay biyowasakhaysan ama cunid lacunnay cunta aan
siwanaagsan loo bislayn amaba wasakhaysan. Jeermiska ama bakteeriyada
cudurkan keenta ayaa ah mid u nugloon aysiidhka iyo gaasaska ay caloosha
aadamuhu soodayso hadiise xaddiga bakteeriyadan ah ee biyaha ama cuntada uu
qofku cunnay ama cabbay lasocotay ay ahayd mid badan waxaa dhacda inay
qaybka mid ah bakteeriyadani katalaabto aysidhyada ay calooshu soodayso una
talaabto dhinaca xiidmaha oo isagu inta badan leh aysidh aan badnayn waxna u
gaysan karin kororka iyo taranka bakteeriyadan.
Sikastaba xaaladu ha ahaatee mar hadii
bakteeriyada Vibrio cholerae ku guulaysato inay si fiican ugu taranto
xiidmaha aadanaha wexey bilowdaa inay soo dayso sunta loo yaqaan sunta
koleeraha. Suntan oo sababta inay unugyada jirka gaar ahaan kuwa xiidmuhu ay
soo daayaan dheecaano iyo macdanno aasaasi u ah nolosha unugyada jirka,
suntani wexey kaloo jirka ka hor istaagtaa nafaqooyinkii, biyihii, iyo
macdanihii uu jirku ka nuugi jiray ama ka qaadan jiray xiidmaha. Sidaas
darteed ayaa waxaa dhacda inay macdano iyo biya badani ay jirka uga lumaan
shuban ahaan iyo matag ahaan. Mar hadii uu bukuhu gaaro heerkan oo kale
uusanna helin daawayntii ku haboonayd waxaa dhacda inuu bukuhu u dhinto
nafaqo iyo macdan la’aan (fuqbax)
Calaamadaha uu leeyahay cudurka
koleerahu
Calaamadaha bukaha cudurkani ku dhaco lagu
arko ayaa waxaa kamid ah
- Ø Shuban biyo ah oo badan, aan
lahayn wax midab ah watana dhibca dhibca axalo ah (Flecks of
mucus) inta badana u eg bariis lakariyay biyihii
- Ø Matag (Vomating)
- Ø Kaadi la’aan (Unuria)
- Ø Dhiiga oo hoos u dhaca (
hypotension)
Siyaabaha looga hortigi karo cudurka
koleeraha
1)- In la cabbo biyo Nadiif ah:-
In uu qofku cabbo biyo Nadiif ah oo aan laheyn wax jeermis ah waa mid ka
mid ah qaababka ugu muhiimsan ee cudurkan loooga hortigo karo, biyo
nadiif ah oo jeermis laheyn waxaa lagu heli karaa iyada oo la raaco
qodobadan
a) Biyaha oo lagu daro maadada
koloriinta:- maadadani waxay biyaha ka dishaa jeermiska, waxaana lama
huraan ah in biyaha lagu daro xadi goan oo dhex dhexaad waayo hadii xadi
badan oo maadadan ah biyaha lagu daro waxaa dhici karta in ay
caamifimaad qofka wax u dhinto, hadaba xadiga ugu haboon ayaa ah 2mg (miligaran)litirkiiba
biyaha baraagaha ( berkadaha).
b) Biyaha oo la karkariyo
2)-Nadaafada iyo fayodhowr-ka deeganka oola
ilaaliyo.
3)- Isticmaalka cunto Nadiif ah oo
dhab loo bislayay:- cuntada ayaa ah waxyaabaha ugu badan ee ka qeyb
qaata faafida cudurkan, marka in uu qofku cunno cunto kulul amaba uu dib
u kululeyo hadii ay qabowdahay ayaa ah arin lama huraan ah si looga
hortago faafida cudurkan, weelasha iyo qalabka wax lagu karsado oo si
wanaagsan loo dhaqo..
4)- Gacmaha oo lagu dhaqdo saabuun markasta
oo aad suuliga gasho ama ay gacmahaagu taabtaan wax saxaro ah.
DAAWEYNTA IYO XANAANEYTA BUKAHA CUDURKA
KOLEERAHA:-
dhibanaha uu cudurkani kuu dhacaa waxaa uu
u baahan yahay in lala gaaro daaweyn deg-deg ah, daaweynta ugu haboona wa
1)- Fuuqcelin :- fuuqcelin waa
bukaha oo si deg deg loo siiyo cabitaano cusbo iyo sonkor isugu jira
(oral rehydration salts (ORS)) ama lagu xiro faleebooyin cusbo iyo
sonkor isku jir ah si loogu soo celiyo macadanihii iyo cusbooyinkii kaga
lumay shubanka iyo mataga.
2- Quudinta bukaha:- sadex
ilaa afar sacadood fuuqcelinta ka dib waa I n bukaha la siiyaa
cuntooyinka fud-fudud , hadii uu bukuhu yahay ilma yar oo naaska
nuugayay waa in naaska la siisaa .
3- Qaadashada antibiyootiga
(antibiotic treatment):- qaadashada antibiyootigu waxay hoos u
dhigtaa xadiga iyo muddada uu shubanku socon lahaa , inta badana waxaa
haboon in bukaha la siiyo antibiyootiga sadex ilaa afar sacaadood
fuuqcelinta la ka dib oo ah marka uu matagu istaago,
antibiyootiga ugu haboon ee ay in la
siiyaa bukuha cudurka koleraha qabaa hadii yahay qof weyn waa
DOXYCYCLINE waxaana ku filan hal kuuro oo keliya, hadiise uu yahay ilmo
yar waxaa haboon in la siiyo TRIMETHOPRIM-SULFAMETHOXAZOLE daawadan oo
inta badan u diyaarsan kiniini ahaan ama dareere ahaan oo loogu
talagalay caruurta.
Si kastaba xaalku ha ahaadee cudurka
koleeraha faafidiisa waxaa ugu haboon oo lagu xamakameyn karaa waa wacyi
gelin mushtamaca lagu wacyi geliyo in ay dhooraan Nadaafada iyo fayadhorka
deegaanka, caruurtana lagu tababaro in aysan cunnin cunto feydan oo suuq
talaal, sida cuntooyinka lagu iibiyo iskoolada iridahooda hadii aysan aheyn
mid nadiif ah oo daboolan, arinta labaad ee xusida mudan meela badan oo
soomaaliya ka mid ah aan ku arkay waa ceelasha biyaha laga cabo ama
berkadaha biya lagu shubto oo laga ag qodo ama laga ag dhiso
boosaneerooyinka (bulaacadaha) ayaa ah mid iyana qatarteeda leh waayo
siimowga (diffusion) bulaacadha iyo biyaha la cabaa waxa ay keeni karaan in
jeermis badani ku dhasho biyihii la cabi lahaa (contamination) kaas oo
sababa cuduro badan oo khatar ah.
Qoraalkan ayaa ah qoraalkii labaad oo ka
mid ah qoraalo aan ugu talagalay wacyi gelinta mushtacama soomaaliyeed, kii
hore ayaa ku saabsanaa cudurka
Aids-ka.
W.Q. Faarax Axmed Muuse,
colow30@hotmail.com
Master of Clinical Microbiology, University of Karachi
June 3, 2003
LIFAAQ:
Bahda SomaliTalk waxay gacmo furan kusoo
dhoweynayaan dhammaan aqoonyahanka Soomaaliyeed ee bartay qaybaha kala duwan
ee cilmiga anfacaya bulshada in ay cilmigaas la qaybsadaan bulshada,
SomaliTalk.com diyaar ayey u yihiin in ay soo bandhigaan cilmiga
manaafacaadka leh ee aqoonyahayka Soomaaliyeed. Cilmi waxaa ugu wanaagsan
kan laga sii faa'iido.
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|