SOMALITALK.COM Dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK.COM |  UWSLF & ADDIS ABABA

"Itoobiya waxay doonaysaa Shacab Soomaaliyeed, balse ma doonayso Dawlad Soomaaliyeed"

Warbixin/Faallo: Heshiiskii Lagu soo af-jaray Xaaladdii Iskacaabinta oo dhexmaray Jabhadda Soomaali Galbeed (UWSLF) iyo Itoobiya...

  • SomaliTalk.com | August 11, 2010 | Taariikh Sixid: Aug 13, 2010

نحن نريد الشعب الصومالي ، ولا نريد الحكومة الصومالية : زيناوي 1993 -- الشيخ إبراهيم 2004

  • "Annagu waxaan rabnaa SHACAB Soomaaliyeed, oo meelahan xawaaladaha aan u furno, meelahaas hadday rabaan guryo ka dhista Addis Ababa, oo baasaboor kanaga qaata, oo ganacsigooda meelahaas la socda. Laakiin DAWLAD Soomaaliyeed ma rabno," kaasi waa hadalkii Zenawi 1993 mar uu sir ku qarsaday qabqable-dagaal oo ka qaybgalayey shirkii Soodare, sidaas waxaa yiri Sheikh Ibraahim Maxamed mar uu muxaadaro ka jeediyey Minneapolis (ka hor 2005).

نحن الشعب والشعب لنا : الشيخ إبراهيم محمد حسين 2010

  • "Annagu waxaan nahay Shacab, Shacabkuna waa annaga" sidaas waxaa yiri Sheikh Ibraahim, 2010 isagoo waraysi lagula yeeshay Addis Ababa.

Guddoomiyaha Jabhadda UWSLF iyo Wasiirka Arrimaha Federaalka Itoobiya ayaa 29-kii July 2010 waxay kala saxiixdeen heshiis lagu soo af-jaray Xaaladdii iska-caabinta (muqaawamada) ee Jabhadda Soomaali Galbeed ay muddo 18 sano ah kula jireen Itoobiya si ay uga xoreeyaan dhulka Soomaaliyeed. Heshiiskaas markii ay maqleen dadweynaha Soomaaliyeed: Qaar ayaa hambalyo u diray, in badan oo kalena waa ka soo horjeestey ayagoo ku tilmaamay in Jabhaddii UWSLF ay isu dhiibtey Itoobiya.

Haddaba qormadan oo ah hoga tusaalayn, waxaan ku falanqayn doonaa heshiiskaas, oo aan  soo bandhigi doona tarjumada dhammaan qodobada uu ka kooban yahay heshiiskaas UWSLF iyo Itoobiya iyo caqabadaha ay Itoobiya hordhigtay Jabhadda marka ay aqbashay in ay Shacab noqotay. Waxa kale oo qormadu jawaab u raadinaysaa: Maxay jabhaddu ku bedelatay heshiiska oo ay ka faa'iidaysaa?

Taariikh Kooban ee UWSLF (1992/2005)

Midowga Jabhadda Xoreynta Soomaali Galbeed (UWSLF) (United Western Somali Liberation Front) waxay dagaalka hubaysan ee ay kaga soo horjeedey gumaysiga Itoobiya bilowday 1992, xilligaas oo loo aqoon jirey magaca Al-Itixaad.

Waxaana ka horeysey jabhad lagu magacaabi jirey WSLF (Western Somali Liberation Front) Jabhaddii Xoreynta Soomaali galbeed oo bishii Jannaayo sannadkii 1976kii lagu asaasay shirweyne lagu qabtay tuulada Yaaqbadhiweyn ee Afgooye ka xigta dhinaca Wallaweyn ee Koonfurta Soomaaliya. Waxaa kale oo jirta taariikh dhigeysa in fikirka asaaska uu sidoo kale sanadahii 1970-naadkii ka dhacay magaalada Hargeysa.

Ururkaas WSLF waxa uu qayb libaax ka qaatay halgankii  iyo dagaalkii 1977-78 ee xoraynta dhulka Soomaaliyeed ee dhexmaray gumaysiga Itoobiya iyo Soomaaliya. Dagaalkaas oo markii Itoobiya ay u soo gurmadeen Ruushka, Liibiya iyo Cuba ay ciidamadii Soomaaliya dib uga soo baxeen dhulkii ay xoreeyeen oo lagu qiyaasay boqolkiiba 90% dhulka ay xabashidu gumaysato. Dagaalkaas oo la qiyaaso in ay ku dhinteen Ciidankii Soomaaliya (15,000) iyo Jabhadaha (5,000), Cuban (2,000) iyo Itoobiyaan (15,000).

Halgankii xoraynta waa sii socdey. Ururkii Dhallinyarada Gobanimodoonka Soomali galbeed (U.DH.G.S.G) oo ka dhashay baahida halganka shacabka ayaa magaalada Muqdisho lagu aasaasay 13-kii June 1979. Markii dagaalkii laga soo noqday Jabhadda WSLF waxay sii waday dagaalka nooca loo yaqaan Guerrilla ama ku dhufo oo ka dhaqaaq ilaa 1989, ayadoo taageero ka heleysay dawladdii Soomaaliyeed - Balse taageeradaasi istaagtay markii uu wiiqantay xukuumaddii Siyaad Barre. Xilligaas wax yar ka hor waxaa WSLF ka farcamay jabhadda ONLF (Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya, JWXO) oo la asaasay 15-kii August 1984. Ururrada bulshada Soomaaliyeed halkanka muddo dheer ayey kusoo jireen, waxaana kamid ahaa: Ururradii Nasrullaahi, Jabhaddii xoreynta ogaden (OLF) iyo xisbigii xoreynta Soomaali galbeed, oo soo jirey intii u dhaxeysay 1948kii ilaa 1964kii.

Sannadkii 2005 ayaa ururka UWSLF ay magacaas u badasheen, waxaana la oranjiray magac kale (Al-Itixaad Al-Islaami) oo ay katanaasuleen. Waxaana la xusaa in xubno kamid ah ururkii WSLF ama qaar taageerayaashoodi ahaa ay ku biireen ururka la baxay magaca cusub ee UWSLF kuwaas oo ONLF ku dhaliilay in magaacaas ONLF uu ka muuqdo magac beel (Ogaden), halkii, sida ay sheegeen, ay ka qaadan lahaayeen magaca Soomaaliyeed, sida (Jabhadda Waddaniga Xoreynta Soomaaliyeed, JWXS).

Sidaas ayaa ururka la baxay magaca cusub uu kusoo shaac baxay UWSLF (2005).

UWSLF Maxay u dagaallamaysay (1992-2010)

Ummaadda Soomaaliyeed oo ah midda ugu xadaarad dheer Geeska Afrika, islamarkaasna lahayd imaarado lahaa xadaarad dheer sida imaaradihii Saylac (Awdal) iyo Harar (oo ahayd xadaaraddii Islaamku ka faafi jirey) ayaa gumaystayaashii reer Yurub bilaabeen in ay kala dhantaalaan quwaddaas xoogga lahayd ee ka jirtey geeska Afrika. Markii ay gumaystayaashii reer Yurub soo gaareen geeska Afrika (si Afrika loo qaybiyo 1884) ayay Soomaaliya u kala qaybsadeen saddex (Talyaani, Ingiriis iyo Faransiis).

Muddo markii la joogey oo ay gumaystayaashii u caddaatay in aysan sii haysan karin ummadda Soomaaliyeed ayey u dejiyeen khidad lagu kala qoqobayo si aysan weligeed ugabixin kala qaybasanaanta. Gumaystayaashii oo taas ku mashquulsan ayaa waxay dib u xasuusteen warqad uu April 10, 1891 Boqorkii Itoobiya Menelik u qoray quwadihii reer Yurub oo isagoo ku beer laxawsaneyey qoray erayadan "waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo ay wax isaga caabbido, xoogagga kiristaanka ahina ay wax kaalmo ah taari waayeen ayay soohdimahayagii badda gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado Muslimiin ah". (Eeg khariidadda dhanka bidix oo muujinaysa xaqiiqo ahaan dhulka Itoobiya sidii uu u koobnaa Menelik ka hor.)

Warqaddaas markii uu diray 3 sano kaddib ayaa 1894 Boqortooyadii Ingiriiska iyo Talyaanigu waxay qaybintii dhulka Soomaaliyeed ka qayb geliyeen Itoobiya in dacal loo gooyo, laakiin arrintaas horay kama dhaqan gelin. Waxaa ku xigey heshiis kale oo Boqortooyadii Ingriisku ay May 14, 1897 la gashay Itoobiya oo ku saabsanaa dhul daaqsimeedka Soomaaliyeed. Waxaase si rasmi ah dhulka Soomaali Galbeed ay Boqortooyadii Ingiriisku ugu wareejisey Itoobiya markay taariikhdu ahayd November 29, 1954. Sidoo kale dhulka Soomaaliyeed ee NFD waxaa 1963 la hoos geeyey Kenya, ayadoo weliba SHACABKA ku dhaqan NFD markii codkooda la weydiiyey ay si qeexan u sheegeen in ay doonayaana in ay dib ugu biiraan Soomaaliya oo markii hore laga soo gooyey, laakiin Boqortooyadii Ingiriisku arrintaas dheg uma jalaq-siin.

Soomaalida intii xornimadooda heshay (1960) waxay bilaabeen sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen, marka hore, dhulka ballaaran ee Borotooyadii Ingiriisku hoos geysey Itoobiya. Waxaana sidaas ku dhacay dagaalkii saddexda bilood socdey ee bilowday Febraury 1964 ee dhexmaray dawladdii Soomaaliyeed iyo Itoobiya. Dhexdhexaadin markii ay gashay xukuumaddii Suudaan ayaa dagaalkaas la qaboojiyey. Laakiin Soomaalidu marna kama tanaasulin dhulkooda la hoos geeyey gumaystayaasha la jaarka ah, waana sababta dhalisay dagaalkii xoogga lahaa ee aan kor kusoo xusnay ee dhacay 1977.

Jabhadda UWSLF waxay qayb ka ahayd xooggaga ku hanweynaa in maalin uun ay helaan dhulkaas oo ka xorooba Itoobiya, sidaasna hubka u qaatay.

Halgankaas UWSLF waxaa cadeeyey Sheekh Ibraahim oo waraaysi (Maarso 2010) siiyey TV Aljazeera ayuu yiri "Hadaan u Qeexo qofkii aan aqoon Gobolka Soomaaligalbeed, waxa weeye 8 Milyan oo ka mid ah Muslimiinta oo ku nool Dhul dhan 650 kun oo laba jibaaran oo ku yaala Bariga Afrika, Inta ay Gumeysiga ku jirtana waa mid la mid ah inta ay Falastiiniyiintu ku jiraan Gumeysiga, laga soo bilaabo Sanadkii 1948 waxay ku hoos Noolyihiin Gumeysiga Itoobiya, illaa iyo maantana Hal Maalin isma dhiibin Shacabkaasi, Kacdoonka ka dhanka ah Gumeysiga itoobiyana wuxuu ahaa mid kolba dib u laba kacleeya".

UWSLF oo Noqotay Shacab (2010)

Sida kor ku xusan, waxaa Hotel ku yaal magaalada Addis Ababa uu heshiis ku dhexmaray Guddoomiyaha UWSLF, Sheikh Ibraahim Maxamed Xuseen iyo Wasiirka Itoobiya u qaabilsan Arrimaha Federaalka. Heshiiskaas (oo tarjuman hoos ku arki doono), waxaa qodobkiisa 1-aad uu qeexayaa Soo Afjarid Xaaladdii Iskacaabinta (muqaawamada) - qodobkaas oo farqaddiisa 1-aad ay ku qoran tahay: "Xaaladdii iska caabinta ee UWSLF ay ka wadeen gobolka Soomaalida ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya ayaa si xaqiiqo ahaan halkan loogu soo af-jaray, waxaana la unkay nabad." Qodobadda kale ee heshiiska gadaal ayaa ka arki doonaa.

Arrintaas waxaa sii cadaynaya waraysi uu C/risaaq Xaaji Catoosh oo ka tirsan Idaacadda Boqortooyada Ingiriiska ee British Broadcasting Corporation (BBC) la yeeshay Guddoomiyaha Jabhadda UWSLF oo uu weydiiyey: "Jabhaddii Soomaali Galbeed xaggee ku dambayn doontaa, maxayse noqon doontaa?.

Sheikh Ibraahim waxa uu ku jawaabay: "Waxaan jeclaan lahaa su'aasha in loo dhigo dhinac kale, oo la yiraahdo SHACABKII muxuu noqon doonaa, annagu waxaan nahay wiilashii waddankan u dhashay, dagaal galay 'Annagu Shacabka ayaan nahay, Shacabkuna waa annaga'. Laakiin haddaan u soo noqdo ururkii magaca loo yaqaanay muxuu noqonayaa - heshiiska ayey ku qorantahay ururku in uu xaq u leeyahay in uu noqdo urur siyaasi ah oo shacabkiisa matala, oo doorasho gala. Laakiin annaga ayaa waxaan rabnaa in aan niraahno 'annaga iyo shacabkayaga ayaa ka tashan doona waxa aan noqon doono,' ee urur gooni u tashanaya ama afar gooni u shireysa ma noqonayno, mustaqbalkayaga iyo habka aan u shaqaynayno waa aragtida ugaaska iyo hooyada iyo culimaa'udiinka iyo siyaasiga iyo aqoonyahanka iyo ardayga, iyo shaqaalaha iyo kii jabhadka ahaa ee duurka ka yimid. Sida aan hawshanada u maamulanayno waa wax aan annaga iyo shacabku wada leenahay."

Sidaas ayaa Sheikh Ibraahim u caddeeyey in ururkaasi uusan hadda xitaa magac ahaan u jirin marka uu yiri "ururkii magaca loo yaqaanay" (oo ah tagto), isla markaasna uu ku xoojiyey "Annagu Shacabka ayaan nahay". Gadaal ayaan ka arki doonaa micnaha oraahdaas.

UWSLF Maxay ku bedelatay Heshiiska

Ummadda Soomaaliyeed waxay xaq u leeyihiin in ay nabad barwaaqo ugu noolaadaan geeska Afrika, ayagoo ah dad xor, waxay xaq u leeyihiin xorriyad buuxda in ay helaan, una helaan nabad iyo degannaansho, dalkooda oo aan taako ka mid ah la gumaysan. Waxay Soomaalidu u galeen halgan dheer sidii ay arrintaas u xaqiijin lahaayeen. Sida halgankii Axmed Gurey, halgankii gumaysi diidka ahaa ee Seyid Maxamed Cabdulle Xasan (oo qaar gabayadiisii aad hoos ku arki doontid), Iska caabintii Sheikh Xasan Barsane, Iska caabintii Cumar Samatar, Iska caabintii Sheikh Bashiir, Qalin ku difaacii Xaaji Faarax Oomaar, Baraarujintii Xaaji Aaden Axmed Afqallooc, halgankii SYL 1943, halgankii xornima doonka Dhulka Soomaali Galbeed ee 1964, halgankii xoraynta dhulka Soomaaliyeed ee 1977-1978, halgankii Jabhadaha Soomaaliyeed ee ka dagaalamayey Dhulka Soomaali Galbeed oo ay ka mid ahaayeen JWXO iyo UWSLF.

Sidaas daraadeed marka heshiis lagu galo magaca qowmiyadda Soomaaliyeed waa in uu jiro wax cad oo la taaban karo oo ay faa'iidayaan ummadda Soomaaliyeed.

Haddii aanu soo laabano su'aasha UWSLF ma xaqiijiyeen halgankii dheeraa ee ummadda Soomaaliyeed? Jawaabta aan ka dhegeysano weriye Soomaaliyeed oo la kulmay guddoomiyaha UWSLF oo ku sugan goobtii heshiisku ka dhacay:

Cabdi Nuur Sh. Maxamed Isxaaq ayaa C/risaaq Xaaji Catoosh waxa uu weydiiyey: UWSLF maxay ayadu ka faa'iideysaa heshiiska maxaabiis loo siidaayo ma ahane? Ma xisbi ayey noqonaysaa, ma xukunka Soomaalida ayaa wax laga siinayaa, wax kale oo ballan qaadyo ah ma jiraan. Catoosh oo laga dareemayo qiiro Soomaaliyeed, oo laga dareemayo in uu la yaaban yahay, waxa uu ku jawaabay: "MAYA, lamana sheegin, keliya waxa ay ku bedesheen waxa weeye in ay nabad qaataan, dadkoodana ka mid noqdaan. Sidaas waa sida uu ii sheegay Guddoomiyaha, oo horayna loo sheegay, maantana la sheegay, xukunna kuma aysan bedelanin, xilalna kuma aysan bedelanin, in dagaalkii la joojiyo, Itoobiyana ay Jabhadda u ballan qaado in ay maxaabiista u siidaynayso, nabadna ay kula noolaanayso, isla markaasna wixii xuquuq ah oo Jabhadda ama SHACABKA deegaankaasi ay lahaayeen ay dawladda Itoobiya ka raali noqonayso".

  • Catoosh oo xanaaq laga dareemayo Dhegeyso

Muxaadaradii Sheikh Ibraahim (Minneapolis ka hor 2005)

Inta ayaan u gudbin heshiiskii ururkii magaca loo yaqaanay (UWSLF) iyo Itoobiya, waxaan is-dul taagi doonaa qoraal ku saabsan muxaadaro dheer oo Sheikh Ibraahim ka jeediyey magaalada Minneapolis oo xilligaas uu Soomaalida reer Minnesota ku guubaabiyey in aysan illaawin taariikhdii magaalada Harar ay ku dhacday gacanta Gumeysiga, oo ahayd 1887. Iskaba daa inay ilaawaan soo celinta iyo xoraynta Soomaali Galbeed oo ka danbaysay.

*****

Sheikh Ibraahim hadalkii uu ka jeediyey Minneapolis:

FG: Hoos waxaa ku qoran Muxaadaradii Sheikh Ibraahim oo qoraal ah iyo tixraacyo taariikheed iyo sawirro xoojinaya qormada.

Sheikh Ibraahim waxa uu yiri: Islaamka soo gaaristiisii iyo faafidiisii Geeska Afrika waa kala duwanayd. Soo gaaristiisii diinta Islaamku soo gaartey Geeska Afrika waxay ahayd markii saxaabadii ka soo hijroodeen Quraysh taas oo ahayd markii koox saxaabadii kamid ah lagu dhibay Makka ayaa Nebigu NNKH waxa uu yiri u hijrooda Xabasha waayo waxaa jira Boqor aan agtiisa waxba lagu dulmin. Markaas ayaa waxaa soo haajirey koox uu madax ka yahay saxaabiga Jacfar Bin Abuu Daalib (radiyallahu canhu) oo Nebiga ina adeerkiis ah, kooxadaas ayaa timid Geeska Afrika oo laga soo dhaweeyey. Taasi waxay ahayd soo gaaristii Islaamka. Waxaana Islaamay boqor Najaasha.

Imaaradda Saylac (Awdal)

Gaar ahaan Xeebaha Soomaaliya waxaa la dhehi karaa in Diinta Islaamku faafid rasmi ah u qaadatay waqtigii dawladdii la dhahi jirey Dawladdii Umawiyiinta (Islamic dynasty 661750) oo ahayd dawlad Islaam ah oo magaala madaxdeedu ahayd Dimishiq. Gaar ahaan markii dawladdaasi sii dhacaysay ayaa waxaa soo qaxay qoysaskii boqortooyada ahaa ee ka talin jirey Dimishiq. Waxaana la tilmaamaa meelihii dhulka Soomaaliya ee ay aad u soo degeen waxaa ka mid ahaa dekedda Saylac oo markaas isu bedeshay in ay noqoto caasimadda Diiniga ah ee Geeska Afrika oo ay dacwadu ka fiddo, ahaydna meel lagu baran jirey Qur'aanka, xadiiska iyo fiqiga.

Kaddib waxaa Soomaaliya ka aasaasmay dawlado yaryar oo lagu magacaabo imaaradihii Islaamka oo ay ugu weynayd imaarada Saylac, iimaradahaas oo ahaa boqortooyooyin Islaami ah oo aad xoog  u leh oo diinta Islaamka wax ku dhaqa, luqadda rasmiga ah ee dawladda lagu maamulona waxay ahayd luqadda Carabiga.

Imaaradahaas Soomaaliya ka hano qaaday waxay markii dambe gaareen ilaa 7 boqortooyo oo Islaam ah. Markaas Soomaaliya siday u dhantahay waxay isu bedeshay wadan Islaam ah oo ay ka taliyaan dawladdo Islaam ah. Muddo waxaa ugu xoog badnayd imaaradii Saylac oo ay ka soo baxeen culimo badan, sida iimaam Saylaci oo aad loogu xuso taariikhda, ahaana Sheikh Soomaaliyeed oo ka soo baxay magaalada Saylac.

Saylac siday u ekayd qarnigii 19aad

Dad badan oo wax ka qoray taariikhda Soomaaliya waxay sheegaan haddii la baari lahaa, oo la qodi lahaa dhismayaashii hore ee magaalada Saylac waxaa laga heli lahaa taariikh aad u badan oo ummadda Soomaaliyeed. Dawladahii Soomaaliya soo marayna si ula kac ah ayey u diideen magaaladaas in la qodo ama wax laga baaro. Nin Suudaani ah oo magaciisa la yiraado Makki buug oo qoray oo la yiraahdo Soomaali wayn waxa uu dhahay: Haddii la heli lahaa dawlad Soomaaliyeed oo magaaladaas Saylac waqti ku bixisa, waxaa laga heli lahaa kutubtii taariikhda Soomaaliya oo gacan ku qoran oo aad u farabadan. Ilaa hadda dadka magalaada tegey waxay sheegaan in aad ku kor soconaysid dhismayaal ama guryo hoos ku jira oo marka aad ku kor socotid sanqaraya. Masjid dhan oo aasmay oo bacaadkii dusha ka maray oo lagu dul soconayo.

Imaaraddii Harar

Saylac waxay ahaan jirtey meesha dacwada Islaamka looga fidiyo Geeska Afrika. Kaddib waxay boqortooyadii u wareegtey magaalada Harar (imaaraddii Harar).

Imaaraddii Islaamiga ahayd ee Harar ayaa markii u dambaysay waxaa ku soo urursamay xukunkii ugu dambeeyey ee islaami ah oo Soomaaliyeed ee ay yeeshaan Muslimiinta Geeska Afrika u ahayd Dawladda. Boqortooyadii ka jirtey Harar waxaa lagu qiyaasaa in ay jirtey ilaa 300 sano oo xiriir ah oo ay kala dhaxleen ilaa 35 amiir ama boqor. Imaaradaas iyada ah waxay dhacday sannadkii 1887.

Waxaan jeclahay in aad taariikhdaas xafidaadaan oo qof kasta xafido (waa 1887), wax kasta taariikhdaas ayaa ka muhiimsan, maxaa yeelay taariikhaas maalintii ay inaga go'aday ayaa waxaa go'day dawlad Islaam ah oo aan ku hoos noolayn oo soo jirtey wax ka badan dhawr boqol oo sano.

Imaaraddii Harar oo ahayd dawladdii u dambaysay ee Muslimiinta Soomaaliya iyo Muslimiinta kale ee Geeska Afrika ay ku hoos noolaayeen ayaa mudan in aan is dul istaagno oo ka sheekayno waxyaabaha ay qabatay.

Imaaraddaas Harar waxay ahayd tii uu ka soo baxay Axmed Ibnu Ibraahim (Axmed Gurey oo noolaa intii u dhaxaysay 1507 - February 21, 1543) oo ahaa iimaam Soomaaliyeed oo mar ka talin jirey Geeska Afrika badankiisa, laga bilaabo Soomaaliya ilaa Itoobiya ilaa Musawac (Eritreya). Sidaas daraadeed ayaa caalamka ama Masiixyadda oo dhammi isu kaashadeen sidii looga takhalusi lahaa imaaradaas Soomaaliyeed ee Islaamka ah. 1887-dii ayaa Itoobiya oo uu hoggaaminayo nin la yiraahdo Minelik iyo Bortoqiiska oo markaas matalayey Masiixiyadda kuwooda ugu sareeya ayaa isu kaashaday si meesha looga tuuro boqortooyadii Harar, taas oo dhalisay in la rido boqortooyadaas.

Harar oo la qabsaday

  • (Sida ka muuqata taariikhda, si sahal ah gacanta Soomaalida ugama bixin magaalada Harar dhimashadii, waayo maalintii uu dhintay Axmed Gurey kaddib 344 sano ayaa Itoobiya oo garab ka heleysay dawlado ay ka mid yihiin Bortoqiis waxaa u suurta gashay in ay tuuraan iimaaradii Harar).

Waxaan idin xasuusinayaa, ayuu yiri Sheikh Ibaraahim Maxamed: maalintii Harar la ridey, bayaankii laga akhriyey Harar. Ninkii la dhehi jirey Minelik markii uu qabsaday Harar waxa uu ku fasaxay ciidamadiisii in ay wixii Muslimiin ah ay arkaan ay dilaan kana bililiqaystaan ama dhacaan wixii ay haystaan, wixii la arkona la faraxumeeyo. Muddo markii uu sidaas ku wadey , ayaa maalintii dambe waxa Menilik uu korka ka fuulay masjidkii Jaamica ahaa ee Harar ee iimaamkii Cabdalla Cabdishakuur dadka ku tujin jirey ayuu dhalada inta uu ka fuulay oo weliba ku kaadshey oo Kitaabka Masxafka Quraankana ku istaagey ayuu isagoo halkaas joogey waxa uu warqad u qoray boqoraddii haystey wadanka Bortoqiiska.

Warqaddu waa dheerayd, laakiin macnaheedu waxa uu ahaa: Ka socota Minelik boqorka Geeska Afrika. Ku socota Boqorada Bortoqiiska. Waxaan kuu sheegayaa maanta laga bilaabo in aan Geeska Afrika ka ridey maamulkii Islaamka ahaa. Harar oo magaalo madaxdoodii ahna ay noqotay qayb ka tirsan dawladdayda oo aan dibna ugu noqon doonin gacan Islaam.

Masjidka Jaamica ee Harar siduu u ekaa qarnigii 19aad

Xigasho Buugga:  Richard Pankhurst

  • FG: Cabdalla Cabdishakuur waxa uu ahaa amiirkii ugu dambeeyey imaaradii Soomaaliyeed ee Harar, waxana uu xilka hayey 1884-1887. Maalintii Harar uu u bilowday gumeysiga Itoobiya waxaa lagu asteeyaa January 26, 1887, welina waa ka maqan tahay gacanta Soomaalida.


Sawirka Harar oo derbi ku wareegsan yahay: Eeg Sawirka oo weyn (Wikipedia)

  • FG: Harar xilligii imaaradahii Soomaaliyeed ayaa lagu wareejiyey derbi aad u xoog weyn, waxaa lagu qiyaasay in  ka badan 100 masaajid in ay ka dhisan yihiin gudaha derbigaaas ku wareegsan Harar, waxaana loo sameeyey 5 albaab oo laga soo galo magaalada, albaabadaas oo ay jooji jireen waardiyaal hubaysan, habeenkiina looma ogolaan jirin in cidi soo gasho magaalada gudaheeda ilaa waagu beryo.

Waxaan idin xasuusinayaa, ayuu yiri Sheikh Ibraahim: in Masjidkii Jaamica ahaa ee Harar ilaa maanta waa Kaniisad, ayada oo aan minaaradihii laga bedelin sidii ay ahaayeen. Halkaas ayaa waxaa lagu gabagabeeyey ama ku dhammaaday nidaamkii Islaamiga ahaa ee Geeska Afrika ee halkaas ka jirey ilaa maalintii Islaamku soo galay, waxayna ku dhacday gacanta Itoobiya iyo nimankii kale ee reer Yurub ee u kaalmaynayey.

Waxaana bilowday waqdi xusub oo ah markii gumaystayaashii soo galeen Geeska Afrika. Soomaaliya markii la soo galay waa la qaybsaday. Waxaa loo qaybiyey 5 qaybood: Qayb Talyaaniga, Qayb Ingriiska,  Qayb Faransiiska, Qayb Itoobiya iyo Qayb Kenya ah. Qaybtaasi waxay ku timid xanaaqa loo xanaaqsanaa dadka Soomaaliyeed oo welidood Geeska Afrika u ahaa saldhiga Diinta Islaamka.

Mowqifka Itoobiya ee ku aadan Soomaaliya

Ka hor intii aan Soomaaliya xorriyaddaa qaadan, markii la isugu tegey Qaramada Midoobay waxaa jira erayo cajiib ah - waxan rabaa in aan isugu kiin xiro wadanka deriskeena ee Itoobiya qaddiyaddena mowqifyadii uu ka istaagi jirey - saddex madaxweyne oo Itoobiya soo maray erayadii ay ku hadleen ayaan idin xasuusinayaa, ayuu yiri Sheikh Ibraahim:

Qarammada Midoobay ayaa looga dooday in Soomaaliya xornimo la siiyo. Waxaa hadlay Xaile Selaasi, waxana uu yiri dal xorriyad la siiyo ma aha, ee waxaa jira ayuu yiri dad xoolaha raacda oo noo dhexeeya annaga iyo Afrikaanka madow oo marba meesha roobku ka da'o u guura, oo dawladna lahaan jirin dad jirana ahaan jirin dawladna aan qabsan karin. Ingriiska ayaa hadalkaas diidey oo yiri: War nimankii waa kuwii ila dagaalamay ee aan dayuuradaha u isticmaalay, ee lahaa imaaraddii Harar miyaad hadda i leedahay lama siin karo xorriyad, waxba kama jiraan warkaaga.

Mingiste markii uu dhacay ee uu u qaxay ayaa la weydiiyey: Ma ka xuntahay in xukunkii Itoobiya lagaa qaaday. Waxa uu ku jawaabay: MAYA, waayo waxaan dhaliyey gool uusan dhalin madaxweyne iga horeeyey oo uusan dhalina doonin mid iga dambeeyana. Maxaa jira ayaa la weydiiyey? Wuxuu yiri waxaan ridey cadawgii Itoobiya ka hor intii anigu aanan dhicin - cadawgaas oo uu ku tilmaamay dawladdii Soomaaliya. ALLAAHU AKBAR, ayuu yiri Sheikh Ibraahim.

  • Mingiste Xayle Maryaam (1991):  "Waxaan Itoobiya u qabtay wax aanu u qaban madaxweyne iga horreeyey. Waxaan burburiyey cadowgii 1aad ee Itoobiya, waa dawladdii Soomaaliyeed".

Meles Zenawi ayaa 1993 mar uu Soomaalida ku shiriyey meesha la yiraahdo Soodare, ayuu mid kamid ah Qabqablayaashii dagaalka inta uu la fariistay waxa uu ku qarsaday sir: Waxa uu ku jiri:

نحن نريد الشعب الصومالي ، ولا نريد الحكومة الصومالية : زيناوي 1993 -- الشيخ إبراهيم

"Annagu waxaan rabnaa, ayuu yiri, SHACAB Soomaaliyeed, oo meelahan xawaaladaha iyo aan u furno, meelahaas hadday rabaan guryo ka dhista Addis Ababa oo baasaboor kayaga qaata oo ganacsigooda meelahaas la socda. Laakiin DAWLAD Soomaaliyeed ma rabno." Sidaas waxaa yiri Zenawi 1993 mar uu sir ku qarsaday qabqable dagaal oo Soomaali ah oo joogey shirkii Soodare.

Waa saddex nin oo ay u dhaxaysan 20 sano iyo ka badan marka ay eraytaas dhehayaan. Sidaas daraadeed waa muhiim in aad baraarugtaan in xorriyada xitaa marka la qaadanayo cidii keliya ee ina hor istaagta nimankaas ayey ahaayeen (Itoobiyaanka), ayuu hadalkiisa ku xoojiyey Sheikh Ibraahim muxaadaro ka jeedinayey Mutamarka Minneapolis ka hor 2005.

*****

Halkaas haddii aan kaga gudubno qoraalkii muxaadarada, waxaa halkaas ku cad in Sheikh Ibraahim uu xilligaas Soomaalida ku guubaabiyey in ay xusuusnaadaan in Itoobiya aysan doonayn dawlad Soomaaliyeed, balse ay doonayso in Soomaalidu ahaadaan shacab. Haddii aan dib u jalleecno waraysiyadii uu bixiyey Sheikh Ibraahim, kaddib markii uu heshiiska la saxiixday Itoobiya, waxa uu ku caddeeyey in ururkii uu guddoomiyaha ka ahaa ee 18-ka sano u halgamayey xornimo doonka uu hadda aqbalay in ay noqdeen SHACAB.

Waxa kale oo hore uu Sheikh Ibraahim Soomaalida u xasuusiyey in aysan illaawin taariikhdii HARAR ay ka baxday gacanta muslimiinta Soomaaliyeed, 1887. Maanta magaaladii xadaaradda Soomaaliyeed waxay xitaa bannaanka ka tahay xaydaanka khariidadda lagu asteeyey dhulka Soomaaliyeed ee ku hoos jira Gumaysiga ee Itoobiya u bixisay Kililka-5aad (Eeg sawirka hoose).

Sheikh Ibraahim Maxamed, guddoomiyaha ururka UWSLF, heshiiskii uu 29 July 2010 magaalada Addis Ababa kula saxiixday Itoobiya, kuma qorna in Itoobiya ay hadda ogoshahay in magaalada Harar dib ugu soo celiso xorriyadeedii laga xayuubiyey 1887 oo loo soo celiyo Soomaalida, kaddib markii ay ka maqnayd 123 sano. Haddaba maxaa ku qoran heshiiskaas?

Heshiiskii UWSLF ku aqbashay soo afjaridda Xaaladdii Iska-caabinta

Hoos waxaa ku qoran turjumada heshiiskii Addis Ababa ku dhexmaray UWSLF iyo xukuumadda Itoobiya, qoraalkaas oo ka kooban 6 qodob oo kala ah (1) Soo Afjarid Xaaladdii Iskacaabinta, (2) Xuquuqda Dastuuriga ah, (3) Dib-u-dejin & Baxnaanin (rehabilitation), (4) Xuquuqda dib-u-soo laabashada, (5) Dar-dar gelinta horumarinta, (6) Dhaqan Gelin.

Haddaba inta aynaan u gudbin qodobada xeeladaysan ee heshiiskaas caqabadda ku ah, aan marka hore ka boganno heshiiskaasi sidii uu u qornaa oo Af-Soomaali ku tarjuman, waa kan heshiiska oo dhan:

*****

Heshiis

Dhexmaray

Dawladda Federaalka Jamuuriyadda Dimoqraadiga Itoobiya

iyo

Midowga Jabhadda Xoreynta SoomaaliGalbeed (UWSLF) ee ku saabsan Soo-Afjaridda (Joojinta) Xaaladda Iskacaabinta (Muqaawamaada)

  • FG. Qoraalkan waxaa Tarjumey SomaliTalk.com, nuqulka asalka ahaa oo ku qoran English ka eeg halkan.

Dawladda Federaalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Itoobiya iyo Midowga Jabhadda Xoreynta SoomaaliGalbeed (UWSLF) oo qoraalkan wixii halkan ka dambaya loogu yeeri doono "Qaybaha" (heshiisku dhexmaray):

Markay si xooggan ugu qanceen habka istaarijiyadeed iyo nabad sal-ballaaran ee gudaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya;

Markay marlabaad xaqiijiyeen qaybaha (heshiiskani dhexmaray) taageeradooda heshiiskii nabadda ee kulankii koowaad lagu gaaray Jabuuti iyo wada-xaajooyaadii ku xigey iyo kulamadii la qabtay wixii ka dambeeyey baqii xabbad-joojinta ee dhexmaray qaybaha markay taariikhdu ahayd March 2010;

Markay garwaaqsadeen in baaqii xabbad-joojinta uu ahaa taariikhi asaaska u dhigay nabad iyo xasilooni waarta, waxana uu u gogol-dhigayaa koboca iyo horumar dhammaan qaybaha kala duwan ee nolosha.

Markay sidoo kale ku qanceen xaqiiqada ah in xuquuqda bini-aadamka iyo midda dimoqraadiyaddu in ay ku lakaban yihiin (ama ku lammaansan yihiin) dhexda dastuurta Federaalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Itoobiya oo si xoog weyn ugu ballan qaadaya dadka Jamhuuriyaadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya in ay yeeshaan xuquuqda dastuuriga ah si nabad gelyo;

Markay garawsadeen in qodobka 39-aad ee Dastuurka Federaalka Jamhuuriyaadda Dimoqraadiga Itoobiya uu xuquuq buuxda siinayo in ay danahooda ka tashadaan oo ay ku jirto in ay go'i karaan dhammaan (الأمم والقوميات والشعوب) ummadaha, Qowmiyadaha, Shacabka Itoobita iyo in ay helaan is-maamul goboleed oo dhamaystiran oo laga hirgeliyo gobolka Soomaalida taas oo loo gogol dhigayo nidaam sharci iyo siyaasadeed oo kor loogu qaadayo si siman u horumarinta si nabad gelyo ah.

Markay muujinayeen in heshiiskan uu yahay fursad dahabi ah oo keenaya heshiis taariikhi ah oo dhex mara qaybaha (heshiiskani dhexmaray) kaas oo bud-dhigaya horumar mustqabalka oo ay gaaraan dadka aadka ugu baahan;

Waxay ku casumayaan qaybaha kale ee arrintu khusayso in ay ku soo biiraan geedi socodka nabadda ee bilaabatay oo ay sida xad-dhaafka ah u taageereen dadka jooga dalka iyo jaaliyadaha ku nool dibadda (qurbaha).

Waxay gaareen heshiiska soo socota:

Qodobka 1aad

Soo Afjarid Xaaladdii Iskacaabinta (muqaawamada)

1. Xaaladdii iska caabinta ee UWSLF ay ka wadeen gobolka Soomaalida ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya ayaa si xaqiiqo ahaan halkan loogu soo af-jaray, waxaana la unkay nabad.

2. Dawladda Federaalka Dimoqraadiga Itoobiya waxay aqbashay siidaynta xubnaha UWSLF ee ku jira xabsiyada.

3. Qaybaha heshiiskani dhexmaray waxay isku raaceen in Dastuurka Federaalka ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Itoobiya uu asaas u yahay dhammaan xuquuqda ay dalbadeen UWSLF.

4. Qaybaha heshiiskani dhexmaray waxay isku raaceen in labada dhinacba ay fuliyaan ballan-qaadkooda ee waafaqsan xabbad joojintii lagu heshiiyey kulankii lagu qabtay Jabuuti.

5. UWSLF waxay aqbashay in ay u hoggaansamayso Dastuurka Federaalka ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Itoobiya iyo qawaaniinta kale ee dalka.

Qodobka 2aad

Xuquuqda Dastuuriga ah

Qaybaha (heshiiskani dhexmaaray) waxay isku raaceen in hoggaanka iyo xubnaha UWSLF ay helayaan xuquuqda dastuuriga ah ee ku qeexan Dastuurka Federaalka  Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Itoobiya, xuquuqdaas oo aay ka mid yihiin:

  • A. Xorriyada Diinta, wax qofku rumaysan yahay, iyo ra'yiga

  • B. Xuquuqda horumarinta

  • C. Xuquuda hab fikirka

  • D. Xuquuqda lahaanshada

  • F. Xuquuqda qowmiyadaha (الأمم والقوميات والشعوب), gaar ahaan xuquuqda ay u leeyihiin aayaa ka tashidoogda ilaa ay ka go'i karaan ayadoo la raacayo qorobka 39aad ee Dastuurka Itoobiya.

Qodobka 3aad

Dib-u-dejin & Baxnaanin

1. Dawladda Federaalka Jamhuuriayada Dimoqraadiga Itoobiya waxay ogolaatay in ay qaado tallaabooyin ku haboon oo lagu agaasimayo soo dhaweynta xubnaha UWSLF ayadoo loo qoondeeyey imkaaniyaad (hanti) si loo siiyo dib-u-dejin iyo kaalmo iyo weliba in la dhaqan geliyo tallaabooyinka ku haboon ee xubnahaas ay uga mid noqonayaan bulshada.

2. Dhammaan xubnaha UWSLF waxay xuquuq u yeelanayaan inay ka qaybgalaan geeddi socodka horumarka ayagoo ku biiraya hay'adaha kala duwan ee heer goboleed ama heer federaal.

Qodobka 4aad

Xuquuqda dib-u-soo laabashada

Qaybaha (heshiiskani dhexmaray) waxay isku raaceen, isla markaasna uu dhigayo qodobka 32aad ee dastuurka Federaalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Itoobiya, in heshiiskani uu u baaqayo dhammaan dadkii ka baxay dalka, sabab la xiriirta dagaal hore ee ka dhexeeyey qaybaha heshiiskani dhexmaray, in ay ku soo laabtaan Jamhuuriayada Dimoqraadiga Federalka Itoobiya oo ay ka qayb qaataan horumarinta geedi socodkan socda.

Qodobka 5aad

Dar-dar gelinta horumarinta

Ayadoo la garwaaqsaday horumar la'aanta muddada jirtey oo ay qayb ka ahayd bururkii ka dhashay iskacaabinta iyo degganaansho la'aanta ee Gobolka Soomaalida, waxay qaybaha heshiiskani dhexmaray isku raaceen in ay si buuxda uga wada shaqeeyaan kobcinta dhammaan horumarinta gobolka Soomaalida.

Qodobka 6aad

Dhaqan Gelin

Heshiiskani waxa uu dhaqan geliyaa maalinta la saxiixo, islamarkaasna waxa uu jirayaa weligiis.

GOOB JOOGAYAAL; anagoo leh saxiixyada hoose; oo ay noo xil saarteen qaybaha ay kusheyso; waa saxiixnay heshiiskan.

Waxaa lagu saxiixay Addis Ababa, 29-kii bisha July ee sannadka 2010, waxaana la saxiixay laba nuqul oo ku qoran Luqadda Ingiriisiga oo labada qoraalka ku qorani isku mid yihiin.

(Waxaa saxiixay Sheikh Ibraahim Maxamed Xuseen oo ah Guddoomiyaha UWSLF iyo Dr.Shiferaw Teklemariam oo ah wasiirka arrimaha Federaalka Itoobiya).

*****

Laba qodob oo ka mid ah Dastuurka Itoobiya ayaa ku xusan heshiiska sare, waa Qodobka 32aad (oo ku saabsan Xorriyada Socdaalka) iyo 39aad (oo ku saabsan xuquuqda Shucuubta iyo Qowmiyadaha) - Tarjumadoodana hoos ayaan ku arki doonaa. Guddoomiyaha UWSLF Sheikh Ibraahim markii uu heshiiska saxiixay kaddib waxa uu xooggan uga hadlay Qodobka 39aad mar uu waraysi siiyey Idaacadda Codka Maraykanka (Dhegeyso ama soo rogo).

Qodobka 32aad waxa uu ku saabsan yahay Xorriyada Socdaalka, waan aqodob khuseeyo dadka shacabka ah iyo safaradooda, waxana uu qodobkaasi dhigayaa sidan:

  • Qof kasta oo Itoobiyaan ama ajnabi ah oo si sharci u jooga Itoobiya; waxa uu inta uu ku jiro dalka gudihiisa uu xuquuq u leeyahay in uu si xor ah u socon karo oo si xor ah u degi karo meesha uu doono, waxa sidoo kale uu xaq u leeyahay in uu ka bixi karo dalka markii uu doono.
  • Qof kasta oo Itoobiyaan ah waxa uu xaq u leehay in uu dalkiisa ku soo laabto.

Qodobka 39aad ee Dastuurka Itoobiya iyo Shuruudaha ku xiran

Guddoomiyaha ururka UWSLF oo waraysiyo bixiyey kaddib heshiiska sare ee uu la saxiixday Itoobiya, waxa uu dadweynaha xusuusiyey in heshiiskaas uu ku jiro qodobka 39-aad ee dastuurka Itoobiya. Haddaba aan eegno qodobkaas.

Qodobkaas 39-aad waxa uu qeexayaa xuquuqda ay leeyihin Shucuubka iyo Qowmiyadaha ku dhaqan Itoobiya oo dastuurka Itoobiya ku macneeyo"Nations, Nationalities, and Peoples"  (الأمم والقوميات والشعوب). Qodobkaas oo aan tarjumadiisa hoos ku arki doono waxaa ka mid ah in uu qeexayo in "Shucuubta iyo Qowmiyadaha ku nool Itoobiya ay xuquuq u leeyihiin in ay aayahooda ka tashadaan, oo uu ka mid yahay in ay xuquuq u leeyihiin ay goostaan." Laakiin waxa uu qodobkaas qaybihiisa kale qeexayaan shuruuddaha ku xiran in arrintaasi dhaqan gasho, waxaana shuruudahaas ka mid ah:

  • Markii ay ansixiyaan saddex-meelood-oo-labo (2/3) xubnaha Golaha Sharci dejinta
  • Markii ay xukuumadda Itoobiya ay qaban qaabiso cod bixin
  • Markii lagu ansixyo aqlabiyadda codbixin la qaado
  • Markii ay xukuumadda Itoobiya ay awoodda ku wareejiyo guddiga Qowmiyadda
  • Markii qaybinta hantida loo maareeyo sida uu dhigayo sharcigu.

Ugu horayn waxaa xusid mudan Dastuurka ay ku dhaqanto Itoobiya waxaa la ansixiyey 8 December 1994 (oo si rasmi ah loo dhaqan geliyey August 22, 1995). Halkaas waxaa ka cad in dastuurkaas la dhaqan geliyey 2 sano kaddib markii ay jabhadda UWSLF hubka qaaday (1992) si ay u xorayso Soomaali Galbeed. Jabhaddu xilligaas ma aqbalin qodobkaas, waayo waxay dagaalka sii wadey 16 sano oo kale.

Halkaas waxaa kaaga soo bixi kara in caqligu ku siiyo sababta ay madaxdii ururku muddadaas dheer u aqbali waayeen qodobkaas (39aad) oo ay u arki karaan in uu yahay qodob caqabdo xoogweyn la hordhigay. Waa marka lagaba soo tago in markii horeba ee gumaysiga la hoos geynayey aan cidna dadka afti weydiin, sidaas daraadeedna aysan u baahnayn in la yiraahdo xornimo in aad rabtaan ayaan codbixin idin weydiinaynaa - taas oo qadaf ku ah Qowmiyadda Soomaaliyeed.

Su'uaasha la is waydiinayaa waxay tahay miyuu jiraa wadan Geeska Afrika kuyaal oo Dastuur ama waxay qortaan ku dhaqma, ama raaca marka laga reebo dowladihii rayidka ahaa oo Soomaaliya soo maray oo lagu tilmaamo kuwii ugu roonaa abid. Hadaan si kale u dhigno Itoobiya cusub miyaa dhalatay, goormaa Itoobiya Dastuur tix galin jirtay? goormayse dadka ay gumaysato wax xuquuqa u ogolayd?. Qodabkan 39-aad waxaa la dhaqan galiyey 1995 xilgaas ilaa hadana ma shaqayn, maxaa iska  badalay Itoobiya oo soo kordhay iyana waa su'aal kale. Marka laga yimaado dadka Soomaalida ee la gumaysto, miyeysan xabsiyada Itoobiya ku jirin kuwa Itoobiyaan ah, oo kaliya lagu haysto, kala duwanaanshaha fikirka ama mucaaridnimo afka ah?

Arimaha kale oo la is waydiinayaa waxay yihiin Jabhadaan Soomaaliya ayaa lagu aas aasay ilaa hadana jiritaankeeda waxaa sabab u ah ummadda Soomaaliyeed ee magaceeda ay wadato, hada Su'aashu waxay tahay; Itoobiyana xilligan hadda ah oo heshiisku dhacayo waxa ay Soomaaliyadii xorta ahayd ka samaynayso waa laga wada dharag sanyahay, gobola ay soo marayaan ama kasoo duulayaana waa gobolkii maqnaa ee loo baaba'ay dartiis, hadaba jabhadda muxuu noqonayaa dowr koodu? Ma shacab dowladooda iyo ciidan kooda  taageersan ayey noqon doonaan?, mise waa go'i doonaan oo Dowlad aan dowlad kale loosii marin ayey noqon doonaan?.

Guddoomiyaha UWSLF Sheikh Ibraahim Maxamed oo ka hadlayey mowqifka ay qaateen waxa uu yiri "Qiimayntaasi waxay ku salaysan tahay: nin haddii uu 200 doolar kaa dhaco, oo aad 100 ka heleyso, oo 100 kaa maqantahay, ma waxaad leedahay 100-kaas ma qaadanayo ilaa 200-dii boqol aan helo, mase inta 100-ka qaadatid, ayaad 100-ka kale oo weliba loo jidbixiyey sidii aad ku raadsan lahayd ayaad ku raadsanaysaa, annaga jawaabtadu taas ayey ku salaysan tahay. Wixii naga maqnaa waxbaan helay, waxa kalena iyagoo weliba loo jidbixiyey oo si qaanuuni ah oo dastuuri ah loogu jidbixiyey in aan ummaddaas qoratay kamid noqonno taas ayaan annagu ku qanacnay. (Dhegeyso ama Soo rogo).

Qodobka qiilbixinta ee laga hadlayaa waa qodobka 39aad ee Dastuurka Itoobiya.

Waakan qodobka 39-aad oo tarjuman:

*****

Qodobka 39aad (Article 39) ee Dastuurka Ethiopia .

Shucuubta iyo Qowmiyadaha

1. Shucuubta iyo Qowmiyadaha ku nool Itoobiya ayadoo aan wax shuruud ah ku xirnayn waxay xuquuq u leeyihiin in ay aayahooda ka tashadaan, oo uu ka mid yahay in ay xuquuq u leeyihiin ay goostaan.

2. Shucuubta iyo Qowmiyadaha ku dhaqan Itoobiya waxay xuquuq u leeyihiin in ay ku hadlaan oo qoraan oo horumariyaan luqadda ay leeyihiin; si ay u muujiyaan, oo u kobciyaan, una horumariyaan dhaqankooda; isla markaasna ay xafitaan taariikhdooda.

3. Shucuubta iyo Qowmiyadaha ee ku dhaqan Itoobiya waxay xuquuq u leeyihiin in ay si buuxda isu maamulaan, taas oo ay ku jirto xuquuqda ay u leeyihiin maamulidda dhulka ay deggan yihiin, iyo in ay wakiilo matala gobolkaas ku yeeshaan dawladda federaalka.

4. Shucuubta iyo Qowmiyadaha Xuquuqda ay u leeyihiin in ay aayahooda ka tashadaan, oo ay ku jirto in ay go'aan (ama ka go'ayaan itoobiya), waxay dhaqan geleysaa:

(a) Markii ay arrintaas ansixiyaan saddex-meelood-oo-labo (2/3) ee xubnaha Golaha Sharci dejinta (Legislative Council) ee ay khusayso.

(b) Markii ay Dawladda Federaalku qaban qaabiso cod bixin taas oo ay shardi tahay in ay dhacdo saddex sano gudahood marka ay soo gaarto in guddiga ay khusayso ay gudbiyaan go'aanka (secession).

(c) Markii ay go'itaanka la dalbaday lagu ansixyo aqlabiyadda codbixin la qaado

(d) Markii ay dawladda Federaalku ay awoodda ku wareejiyo guddiga Shacabka iyo Qowmiyadda dalbatay in ay go'aan, iyo

(e) Markii qaybinta hantida loo maareeyo sida uu dhigayo sharcigu.

5. "Qowmiyadda ama Shacabka" uu dastuurku xusayaa waa dad ay si xoog leh uga dhaxayso dhaqan, isku mid ahaansho xagga luqadda, waxa ay rumaysan yihiin, oo ay ka dhaxayso qaab isku mi dah oo cilmi nafsi, oo deggan aag cayiman oo ay u badan yihiin oo dhul ah.

*****

Halkaas waxaa markale kaaga cad caqabadaha aan la mari karin ee Itoobiya hordhigtay waxa ay ugu yeertay Qowmiyadaha iyo Shucuubtu in ay xaq u leeyihiin in ay aayahdooda ka tashadaan oo haddii ay doonayaan Itoobiya ka go'aan. Waxaa caqliga fekerayaa ku siinayaa in haddii qodobka 39-aad ay Qowmiyad ku dhaqan Itoobiya adeegsan karto si ay u go'do, waxaan looga dheerayn lahayn Qowmiyadda Oromada oo laga soo bilaabo 1973 dagaal hubaysan kula jirtey xukuumadda Itoobiya si ay madax bannaani ugu helaan dhulkooda OROMIA.

Qowmiyadda Oromada ee ku dhaqan Itoobiya waxaa lagu qiyaasaa 27 million - waxay boqolkiiba 34.49% ka yihiin dadweynaha ku dhaqa dhulka hadda loogu yeero Itoobiya oo ay ku nool yihiin 79 million qiyaas la sameeyey 2008.

Tan kale qodobka 39-aad, sida aan soo aragnay, waxaa ku xusan in: Markii ay arrintaas ansixiyaan saddex-meelood-oo-labo (2/3) ee xubnaha Golaha Sharci dejinta (Legislative Council) ee ay khusayso." Qowmiyadda Oromadu sababta ay taas ugu hirgeli la'dahay ayaa waxaa ka mid ah in golayaasha laga hadlayo ay yihiin kuwo fikir ahaan marka horeba raacsan xisbiga talada haya si ayba u soo galaan golaha.

Halkaas waxaa ka cad in marka aad SHACAB noqotid in lagu talo galay, caqabadaha qodobkaas la socda awgood, in aad ku jirtid gumaysi waligaa adigoo fahamsan ama is diidsiinaya.

Arrintaas waxa kale oo durbadii laga dheehan karaa qaabka ay u hadleen madaxda Itoobiya kaddib markii ay hubsadeen heshiiska lagu soo afjarayo Iskacaabintii ay wadey jabhaddii UWSLF oo aqbashay in ay Shacab noqotay.

Jees Jeeska Zenawi iyo xukuumaddiisa ee ku aadan cidda la heshiisay

Wasiirka warfaafinta Itoobiya Bereket Simon ayaa April 9, 2010 sheegay in UWSLF ay aqbashay in gebi ahaan ay u hoggaan samaan dastuurka Itoobiya, isagoo arrintaas ka hadlayey waxa uu yiri "Jabhadda UWSLF waxay aqbaleen gebi ahaanba in ay u hoggaansamaan dastuurka Itoobiya oo si sharci ah u hawl galaan ayagoo ka tanaasulaya halgankii hubaysnaa," Waxana uu intaas ku daray "Waxaan rajaynaynaa in madaxdoodu halkan (Addis Ababa) yimaadaan si ay u sharxaan qaabka ay ugu hawl geliyaan nidaam sharciyeedka Itoobiya.

Sidoo kale Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in UWSLF iyo Itoobiya ay heshiis isla galeen kaddib markii UWSLF ay ka daashey dagaalkii. Hadalkaas waxa Zenawi yiri wax yar ka hor intii aan heshiiska la saxiixin. Sheikh Ibraahim markii taas la weydiiyey waxa uu kaga jawaabey "waxba hadaladaas warbaahinta laga sheegay macno nooma samaynayaan". (Dhegeyso | soo rogo).

Zenawi oo hadalkaas mar labaad ku celiyey, oo sii xoojiyey:

Zenawi waxa uu markale si qeexan u sheegay, shir jaraa'id oo uu August 11, 2010 ku qabtay Addis Ababa, in kooxaha heshiiska la gala gashay ay yihiin "hadda kuwa ugu taagta daran" oo ay heshiiska ogolaadeen kaddib markii "kooxahaasi ay ku badbaadi waayeen degaanka."

C/Risaaq Xaaji Xuseen (2002): "Shantii ilaa lixdii sano ee aynu soo dhaafnay,taliska Meles Zenaawi ee Itoobiya marnaba ma qarsan sida uu ugu raad-joogo meel-marinta himilada haliilka joogtada ahi weheliyo ee muddada qarniyada ah uu dalkaasi ku soo taamaayey; taas oo ah isballaarinta iyo dhul-ka-gogashada dalalka deriska la ah sida soomaaliya...
Warqaddii C/risaaq Xaaji Xuseen..

Zenawi oo arrintaas ka hadlayey waxa uu yiri: "Gobolka Soomaalida isbedelka ugu weyn waxa uu yimid markii dadka rabitaankooda nabadda ay difaacdeen, taas oo ah furaha, waxay dadweynahu isu diyaariyeen in ay difaacdaan nabadooda oo u dhintaan, taas ayaa waxay bedeshey miisaankii gobolka oo dhan, waxayna ka dhigtay mid aad ugu adag kooxahaasi in ay ku badbaadaan gobolka, taas weeye sababta ay hadda u yihiin markii ay ugu taagta daraayeen. Dadweynaha ayaa dawladdu awoodeeda ku xoojisay si ay ula dagaalanto ONLF iyo (U)WSLF, arrimahaas awgeed nabad gobolka ayaa soo ifaysa, waxaan filayaa dhawr bilood gudahood waxaan ku gaari doonaa nabad gelyo raaxo leh ee gobolka. In aan heshiis la gallo kooxda ugu taagat adaran su'aal aniga iitaal ma aha.

Zenawi waxa uu UWSLF ku eedeeyey in ay ahaan jireen Argagaxiso oo hadda nabadda qaateen, isagoo arrintaas ka hadlaya waxa uu yiri: "Sidaad ogtihiin (U)WSLF waxaa markii hore loogu yeeri jirey Al-Itixaad, waadna ogtihiin wixii Al-tixaad ka samaynayeen halkan Addis Ababa, waxay ahaayeen argagaxiso wax xasuuqa, xilli dhexaad ah ayey waxay go'aansadeen in ay ka baxaan Al-Itixaadka Soomaaliya, markaas ayey bedeleen magacoodii. Hadda waxay raadinayaan nabbad, waxaana ku faraxsanahay taas mar haddii ay u soo gudbeen dhanka nabadda." Eedaymahaas waxa uu soo jeediyey Agoosto 11, 2010 oo ah kaddib heshiiskii xukuumaddiisa iyo UWSLF ee July 29, 2010.

Zenawi oo adeegsanaya xirfadii gumaystayaashii reer Yurub ee "Qaybi oo Xukun" ayuu isku deyey in uu sharaxaad qabiil ka bixiyo laba garab oo uu sheegay in ay ka tirsan yihiin ONLF oo garab kamid ah uu heshiis kula jiro, garabna uusan kula jirin. Waxana uu yiri: "Waxa kale oo wada hadal nagala dhexeeyaa garab ONLF, oo ah garabka ugu muhiimsan. Sidaad ogtihiin ONLF sida bulshada Soomaaliyeed oo dhan waa kuwo ku salaysan qabiil. Kooxda wada hadalku noo socdo waa jilibka labaad ee ugu weyn beesha Ogaadeen. Jilibka ugu weyn Ogaadeen weligood kama qayb qaadan ONLF. Garabka aan wada hadalku noosocon waxay ka tirsan yihiin jilib kale oo yar oo ah Ogaadeen. Kooxda wada hadalku noosocdo waa jilibka Reer Cabdille, kooxda aan wada hadalku noo socon waa jilibka Reer Isaaq."

Culimada Soomaaliyeed hore ayey uga digeen in aan la aamini karin Itoobiya iyo qiyaamooyinkeeda, waxayna si kulul uga hadleen cidda raacda Itoobiya. Culimadaas hore uga hadlay waxaa ka mid ah: Sh. Maxamed Sh. Cusmaan oo Swden 1997 muxaadaro uu ka jeediyey yiri: "Waxaad ahaan jirtey ma rabno ee hadda maxaad tahay, hadda amxaar keene ayaad tahay iyo amxaaro soo hoggaamiye, ka soodare. Sheikh Aadam Maxamed Ciise (Sweden 1999) waxa uu yiri: "Jabhadaha aad arkeysaan waa mindidii xabashida iyo cadawga." Sheikh Maxamed Rashaad (Swden 1997) Allah ha u naxariistee waxa uu yiri: "Dalka Soomaaliya la yiraahdo in marka hore loo qaybiyo gobollo, oo gobol kasta loo sameeyo nin governatoore ah, oo ra'iisul qabiilo ah in loo sameeyo, goboladaas nimanka jooga ee qabqablayaasha dagaala ah waxaa laga saxiixay in aanu waxba ka qabinin ku hoos noolaadka dawladda Itoobiya. Tallaabada xigtaana waa in Soomaaliya la hoos keeno Itoobiya. Qaddiyadaas waxaa diidan ninkii mutacallim ah ee toosan, ninka wadaadka ah ee toosan iyo shacbiga toosan. Sh. C/laahi Cali Xaashi (Sweden 1997) ayaa sidoo kale ka hadlay dadka soo raaca Itoobiyaanka iyo xukunkooda. Sh. Cumar Faaruuq (Swden 1997) ayaa yiri "waxaa muuqda Amxaaradii dad ayaa la socda. Ninkii gaalada raaca ee hiil iyo hoo ku darsada, wixii qof muslim ahi lahaa qofkii gaalo siiyaa waa gaaloobayaa. Sheikh Maxamed Umal (Sweden 1995) waxa uu yiri "ninkii gaalo awliyo ka dhigta Ilaahay agtiisa waxa uu ka yahay ma jirto."

Muxaadarooyinkaasi waxay ku beegnaayeen xilli uu Zenawi oo garabsanaya rag Soomaaliyeed oo uu soo hubeeyey ay weerarro ku soo ekeeyeen goobo ay joogeen ururkii Al-Itixaad, gaar ahaan gobolka Gedo, sida Luuq, Beled Xaawo iyo Doolow, waxayna culimadu ka hadlayeen dadka garabka soo siiyey oo la saftay Zenawi oo goobahaas ka geystey xasuuq ba'an.

  • Hadalkii Culimada Dhegeyso ama soo rogo (ama Daawo Video)
  • (FG. Codku waxa uu ku bilaabanayaa Sheikh Shariif xilli uu ka soo hor jeedey Itoobiya oo isagoo dhehaya: "Waxaa xaqiiqo ah oo aan su'aal la iska weydiinayn in dalkaan aan madax looga noqonayn dabaabadaha Itoobiya. ALLAHU AKHBAR.. Hadday is leeyihiin Itoobiya ayaa idin gaarsiinaysa madaxnimo oo dabaabadeeda ayaa idiin qabanaya waxaan idin leenahay naftiinu been ayey idiin sheegtay. Soomaaliya waa xor, insha Allahana xor ayey ahaan doontaa, mana laga adkaan doono insha Allah.. Waxa jaba waa ciidamada ee SHACAB ma jabo, shacab ku talo galay in uu is digaaco ma jabo. Waxa jabi doona ciidanka Tigreega insha Allah).

Sheikh Ibraahim oo lagu fariisiyey Kursigii...

  • Guddoomiyaha UWSLF Sheikh Ibraahim oo la kulmay Ra'iisul Wasaaraha Gumaysiga Itoobiya

Inta aynaan u gudbin hadallada laga soo weriyey kulan Addis Ababa ku dhexmaray Sheikh Ibraahim iyo Zenawi waxaan akhristayaasha xasuusninaynaa erayadii Sheikh Ibraahim hore uga yiri qorshaha uu wato Zenawi ee ku aadanaa shacabka Soomaalida:

  •  "Annagu waxaan rabnaa SHACAB Soomaaliyeed, oo meelahan xawaaladaha aan u furno, meelahaas hadday rabaan guryo ka dhista Addis Ababa, oo baasaboor kanaga qaata, oo ganacsigooda meelahaas la socda. Laakiin DAWLAD Soomaaliyeed ma rabno," Zenawi 1993 mar uu sir ku qarsaday qabqable-dagaal oo ka qaybgalayey shirkii Soodare, sidaas waxaa yiri Sheikh Ibraahim (Minneapolis ka hor 2005).
  • "Annagu wadankayagii ayaan ku soo noqonay, dad wadanka u dhashay ayaan nahay, haddii aan siyaasad geleyno iyo haddii aan ganacsi geleyno iyo haddii aan waxbarsho geleyno waa noo furantahay, ma jiro wax qaanuun ah oo naga mancinayaa ama noo diidaya...." Sidaas waxaa yiri Sheikh Ibraahim (Addis Ababa 2010)

نحن نريد الشعب الصومالي ، ولا نريد الحكومة الصومالية : زيناوي 1993 -- الشيخ إبراهيم 

Kulan ay Khamiis August 12, 2010 yeesheen Meles Zenawi iyo Guddoomiyaha Ururka UWSLF Sheikh Ibraahim Maxamed Xuseen ayaa Zenawi waxa uu si jees-jees ah ku yiri "Dawladda Federaalka Itoobiya waxaa ka go'an in ay horumariso nolosha SHACABKA Soomaaliyeed," maalin ka horna (Aug 11, 2010) waxaa Zenawi sheegay in uu ciidamadiisa markale u dirayo Muqdisho "haddii laga fursan waayo."

Kulankaas waxaa ka hadlay Sheikh Ibraahim oo waraysi siiyey Idaacadda Boqortooyada Ingiriiska ee British Broadcasting Corporation (BBC), waxana uu yiri: "Geeddi socokii nabadda ee aan soo bilownay 2-dii Febraayo 2010 ilaa hadda oo ah 12-kii Agoosto 2010 waxay ahayd muddo aan wax ku daraasayn karno oo aan ku qiimayn karo dhinaca Itoobiya isbedelka ka jiro. Runtii waxaa noo soo baxay Itoobiya gobolka siyaasadihii hadda ka hor ku wajahnaan jirey iyo kuwa maanta 18sano kaddib in ay kala duwan yihiin. Tusaale ahaan ilaa 7-jeer oo hore ayaan wada hadalay, wadahadaladaas waxaa kow ka ahaanjirey qoriga soo dhiiba, sidaan yeel, waan ka raayey, waan diley, waan xiray, waan qabtay, laakiin maanta runtii arrimo taas ka duwanayaa nooga muuqda, oo ku salaysan horumar, dhaqaale, Interest ayaa nooga dhex muuqda, ilaa maanta oo aan heshiiskii kala saxiixanay oo aan nala weydiin hubkii jabhadda, taas waxay ku tusaysaa in Itoobiya ay ka go'an tahay in ay dadka la heshiiso."

"Intii aan la fadhinay ra'iisul wasaaraha waxaan ka dareenay wax la yiraaho ITOOBIYADA CUSUB oo uu aad ugu soo celceliyey oo uu xusay Itoobiyadii hore iyo siyaabaha ay ahayd, dhinacna waxaad moodaa in uu jiro dareen ah ah waxaa la joogaa waqtigii la is fahmi lahaa oo wax la dhisi lahaa, oo aan wax la burburiyeen."

Sheikh Ibraahim isagoo ku sugnaa Addis Ababa oo ka jawaabay su'aal la wydiiyey ayaa yiri "Annagu wadankayagii ayaan ku soo noqonay, dad wadanka u dhashay ayaan nahay, haddii aan siyaasad geleyno iyo haddii aan ganacsi geleyno iyo haddii aan waxbarsho geleyno waa noo furantahay, ma jiro wax qaanuun ah oo naga mancinayaa ama noo diidaya in aan dhan kasta ka qayb qaadano, aadna waa naloola jecel yahay in aan ka qayb qaadano, waana uga mahad celinaynaa ismaamulka Soomaalida sida ay diyaarka ugu yihiin in aan wax walba uga qayb qaadano."

Sida aan kor kusoo xusnay Zenawi waxa uu si qeexan u sheegay, shir jaraa'id oo uu qabtay August 11, 2010 ku qabtay Addis Ababa (oo ahayd maalin ka hor kulankii uu la yeeshay Sheikh Ibraahim), in kooxaha heshiiska la gala gashay ay yihiin "hadda kuwa ugu taagta daran" oo ay heshiiska ogolaadeen kaddib markii "kooxahaasi ay ku badbaadi waayeen degaanka."

Taas oo kuu muujinaysa Itoobiyada cusub in aan qorshaheeddii ku wajahnaa Soomaalida aan waxba iska bedelin - markel tixraac khaariidada aan kor kusoo aragnay ee ka hor Menelik intii uu leekaa dhulka Itoobiya. Xusuusnow in waxa ay Itoobiya doonayso uu yahay in shacab loo noqdo oo aan laga xoroobin oo ay dhulka Soomaaliyeed beenbeen ku gumaysato. Eeg hoos sida xitaa ay shacabkaas taariikhdaada qaab khidadaysan ugala dagaalamayso.

Inta aynaan u gudbin nidaamka khidadaysan oo dhulka Soomaaliyeed ee ay Itoobiya gumaysato ay xitaa kuwa ay ula baxday "Kililka 5aad" aysan u ogolayn calankoodu in ay ka muuqato xiddigtii ku dhexjirey buluugga, waxaan is xusuusinaynaa markale in culimada Soomaaliyeed ay marar badan ka hadleen khiyaamooyinka "Xabashida Cusub".

Culimaada kale ee ka hadlay qadiyadda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya (2008 oo ahaa xilli Itoobiya ciidankeeda u dirtay Muqdisho) waxaa ka mid ahaa Sh. C/raxmaan Abyad oo yiri: "Taariikhda geeska Afrika lama sheegin Itoobiya oo wax u tartay dad Muslimiin ah oo halkaas ku dhaqan, in ay wax yeesho mooyee, Itoobiya damaceedu waxaa weeye in ummadda Soomaaliyeed laga dhigo dad raacato ah oo looga taliyo Addis Ababa." Sheikh Mustafa Xaaji Ismaaciil waxa uu yiri:"Itoobiya ayadaa jiritaankeedu liitaa, waayo Itoobiya taariikhdeeda la garanayo ee dambe ee CUSUB waxay kamid tahay wadama ay u taliyaan kooxo diin ahaan iyo dad ahaanba laga tiro badan yahay, Itoobiya hadday noqoto diin, dad iyo qowmiyad dawladii Menelik, tii Xayle, tii Mingiste iyo tan Meles intuba waxaa u talinayey kooxo laga tiro badan yahay diin ahaan iyo dad ahaanba." Sheikh Maxamed Idris waxa uu yiri: "Waxaa loo baahan yahay in aragtida hadda socota mid ka dheer aan wax ku fiirino, oo cadowga meeshan dhoow wax laga fiirinayo in ay ka ballaarnaato, waayo cadawga waa mid is bahaysanaya, inaguna intaas mid ka ballaaran oo Soomaalinimo iyo muslimimo soo hoos geleysa ayeynu u baahanahay in aan kaga hor tagno." Waxaa kale oo arrintaas ka ahadlay culimo kale sida aad ka dhegeysan karitid codka.

Waxa kale oo qaddiyada u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya ka hadlay aqoonyahanno iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed oo farabadan, sida ra'iisul Wasaarahii hore ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo kulan April 2007 ka dhacay Minneapolis (xilli ay Itoobiya ciidamadeedu ka joogeen Banaadir) ka yiri "Taariikhda weligeed waa la ogyahay in Itoobiya ay u hanqal taageysey in ay qabsato Soomaaliya iyo Ereteriya, waxay sheeganaysaa waddan weyn ayaan nahay oo ah 70 million, badna ma haysano" Waxana uu si xooggan u sheegay in Itoobiya ku hamiyeysey in Soomaalida ay hoos keento calanka Itoobiya.

Taariikhda iyo Astaanta Soomaaliyeed oo la suulinayo

Marlabaad: dad dhulkooda la gumayso wax xaq ah looguma laha in la yiraado "nasoo weydiista in aad xornimo doonaysaan". Haddiibase UWSLF loo mala wanaajiyo, waxaa muuqata in aan meesha wax fursad ahi uga furnayn sababtoo ah golayaasha uu ka hadlayo qodobka 39-aad waa kuwa suurta geliyey maalmo ka hor intii aan heshiiska wada saxiixan UWSLF iyo Itoobiya in si bareer ah loo bedelay calankii degaanka ay Itoobiya gumaysato ee ay ugu yeerto "Dawlad Degaanka Soomaalida ee Itoobiya" ama Kilinka 5-aad.

Bishii July 2010 oo ah maalmo ka hor intii aan heshiiska UWSLF iyo Itoobiya lagu kala saxiixay Addis Ababa ayaa XIDDIGTII CADDAANKA ahayd iyo MIDBAKII BULUUGGA ahaa laga saaray calankii qaybta ay Itoobiya ku magacawdo "Kililka 5-aad". Calankaas waxaa bartii buluugga ahayd lagu bedeley  HURUUD, xiddigtiina waxaa loo bedeley TULUD/RATI/HAL.

calanka SoomaaliyaWaxaa aad u cajaa'ib badan, oo Itoobiyaanku u haystaan in aan lagu fahmayn, waa in midabka BULUUGGA iyo xiddigta shanta gees leh ay calankooda ku darsadeen. Waxay ahayd 1996 (oo ah intii ay Soomaaliya ku jirtey burburka) markii Itoobiya ay bedeshey Calankeedii hore oo sida kamuuqata sawirka sare waxay calanka cusub dhexda kaga dhejisay xidig shan-gees ah oo kudhexjirta qayb buluug ah.

Marka sow jees-jees ma ah in maanta ururka UWSLF laga saxiixdo qodob dhigaya sidan: "Shucuubta iyo Qowmiyadaha ku dhaqan Itoobiya waxay xuquuq u leeyihiin in ay ku hadlaan oo qoraan oo horumariyaan luqadda ay leeyihiin; si ay u muujiyaan, oo u kobciyaan, una horumariyaan dhaqankooda; isla markaasna ay xafitaan taariikhdooda." Waa qodobka 39-aad, farqaddiisa 2-aad.

Waxaa laga yaabaa in aad isweydiisid: Waa maxay taariikhda la qaraniyaa? Waa taarikhda calanka buluugga ah ee leh xiddigta shanta gees. Wixii ka horeeyey July 2010 wiilka iyo gabadha ku shashay dhulka ay Itoobiya gumaysato waxay ahaan jireen kuwo ku garaadsada calan ay ka dhex muuqato calaamadda Soomaaliya, calankaas oo xambaarsan taariikh ay ummadda Soomaaliyeed ku hanweyn yihiin in ay maalin uun midoobaan dhammaan Soomaali. Taas ayaa lagala dagaalamayaa, waayo maxaa kale oo lagu galay in waqti iyo lacag ay Itoobiya ku bixiso in ay bedesho calanka, kana saarto midabka lagu yaqaan calanka Soomaalida.

Yaa Difaacaya Shacabka Soomaaliyeed ee ku hoos jira Gumaysiga

Waxaa muhiim ah in la fahmo in heshiiska joojinta Iskacaabinta waxa Itoobiya la saxiixday ay tahay hal garab oo keliya (UWSLF) oo kamid ah garabyadii wadey iskacaabinta. Caqliga saliimka ah waxa uu ku siinayaa in Itoobiya aysan dan ka lahayn heshiiska ay la gashay Jabhadda maadaama ay aqbashay in ay noqoto shacab, waayo waxaan soo dhiraan dhirinay in Itoobiya aysan rabin dawlad Soomaaliyeed, sida Zenawi iyo kuwii ka horeeyeyba isaga markhaati fureen.

Iyadoo taariikhda madow ee Itoobiya iyo Soomaaliya uu wadani kasta xafdisan yahay ama ay u qorantahay, iyadoo masuuliyiinta iyo waxgaradka kale ee heshiiskan hogaaminaya aan iyaga iyo Diintooda, Wadaniyadooda iyo shaqsiyadooda midna la tuhun sanayn, iyadoo la og yahay xaalada adag ee dhinac walba taabanaysa ee shacabka Soomaaliyeed ee dagan gobolka Itoobiya gumaysato ee Soomaali Galbeed ay kujiraan, iyadoo la qiimaynayo xaaladda wadankii Soomaaliya hadda ku sugan yahay, iyadoo taariikha la baal rogayo, waaqicana isha lagu hayo, timaadana lasaadaalinayo, ayaa waxaa soo baxaysa jawaabta ama natiijada marka intaas oo dhan la isu geeyo, inaan waxba is badalin marka laga reebo in Jabhadii aqbashay 20-sano kadib inay shacabka Itoobiya ka midnoqoto, dastuurkeeda aqbasho. 

Markaad xogaha iyo falanqaynta kooban ee kore dhuuxdo, miyaynan soo baxayn 20-sano wixii Jabhada Soomaaliyeed diidanayd oo u halgamaysay in lasoo afjaray. Fikrad kalaa waxay leedahay, heshiiskan waa hor dhac, waa xabad joojin oo kaliya ee heshiiskii mustaqbalka looga arrin san lahaa waa soo socdaa, faaladaana xiligeedii ayey ka hor dhacaysaa?. Fikrad kalaa waxay ugu jawaabay saa "Looge, Looba Jooge".

Ummadda Soomaaliyeed waa fahaamsan tahay in aysan shacab u noqonayn Itoobiya.

Faafin: SomaliTalk.com | August 11, 2010 | Updated: Aug 18, 2010


Taariikh Kooban ee Geeska Afrika:

May 5, 1936 maalintii Talyaanigu qabsaday Addis Ababa.

Talyaaniga ayaa duulaan ku qaaday Itoobiya, waxaana duulaankaasi sababay in May 2, 1936 uu boqorkii Itoobiya ee Haile Selassie uu ka cararay dalka Itoobiya. Saddex maalmood kabacdi ayaa May 5, 1936 waxaa Addis Ababa qabsaday ciidankii Talyaaniga. May 7, 1936 ayaa talyaanigu waxa uu Itoobiya si rasmi ah ugu darsaday dalkiisa, laba maalmood kabacdi ayaa May 9, 1936 boqor Victor Emmanuel III oo Talyaani ah waxa uu ku dhawaaqay in uu isagu boqor u yahay Itoobiya. Talyaanigu Gumeysi ku haystay Itoobiya muddo Shan sano (1936-1941).

Qaybintii Soomaaliya

Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dhulka geeska Afrika waxay ahaan jireen dad xadaarad iyo ilbaxnimo leh oo ka taariikh dheer shucuubta kale ee ku dhaqan Geeska Afrika, sida uu  Dr. Saadiq Eenow ku sheegay warbixin taariikh uu ka jeediyey Minneapolis (July 2010). Shacabka oo sidaas ayaa waxaa isu soo bahaystay gumaystayaashii reer Yurub, waxayna ku kala qaybiyeen shan qaybood oo laba qaybood ay weli ku hoos nool yihiin Gumeysiga - waa SoomaaliGalbeed iyo NFD. (waxay ahayd sannadkii 1954 markii ay gumaystayaashii Itoobiya u gacan geliyeen SoomaaliGalbeed.)

Dagaalkii 1977:

Dagaalkii 1977 waxa uu ahaa dagaal ay Soomaalidu ku doonayeen in ay ku xoreeyaan dhulka Soomaalida Galbeed. Laakiin waxaa Itoobiya markii laga xoreeyey badanaa dhulka Soomaaliyeed ayaa waxaa u soo hiiliyey ciidamo uu soo diray Fidel Castro ee dalka Cuba oo gaarayey ilaa 17,000 iyo taangiyada iyo hubka casriga oo Ruushka oo taageeray Itoobiya. Waxaa la weriyey in ilaa 2000 oo askari oo Cuban ah ay ku dhinteen dagaalkaas. March 9, 1978 ayaa Siyaad barre ku dhawaaqay in ciidamadii militariga uu dib ula soo baxayo.

"Saaxiibkii Itoobiya, cadowgii Somalia Fidel Castro taariikhda Soomaaliya baal madow ayuu ka galay ka dib markii uu si cadaalad darro ah dagaal ugala saftay Ethiopia ayadoo aanay jirin shacabka Soomaaliyeed wax ay u dhimeen. Waxaa uu sabab ka ahaa jabkii ku dhacay xooga dalka Soomaaliyeed qorshahii la rabay in lagu xoreeyo Soomaali Galbeed asagoo xulafo la ahaa xukuumadii koofurta Yemen iyo Jarmalka Bari iyo Soviet Union iyo WARSOW weliba isticmaalaya lacagtii Qadafi." Wardheere (2006).

- Dagaalkii 2006-2008

Ciidamadii Itoobiya ee galay Muqdisho shacabkii Soomaaliyeed ayaa xoog kaga saaray, waxaana soo gaaray khasaaro weyn. Zenawi waxa uu waraysi uu siiyey Aljazeera ku qiray in dhawr-boqol oo askari laga diley (Waa inta uu qirsan yahay in ay yihiin dhawr boqol oo askari in lagaga diley dagaalkii Soomaaliya). Dagaalkaas oo Muqdisho ka socdey 749 maalmood (waa intii u dhexeysey Dec 28, 2006 Jan 15, 2009).

- Cilmi baaris ay dhawaan wada sameeyeen Jaamacadda Oxford University iyo UN ayey ku sheegeen in Itoobiya ay tahay wadanka labaad ee adduunka ugu fiqiirsan, halka Soomaaliya oo 20 sano aysan dawladi ka jirin ay tahay waddanka 6aad.Marka la eego 10 dal ee adduunka ugu saboolsan sida ay u kala horeeyaan waxaa cilmi baaristu ku sheegtay sidan:1. Niger, 2. Ethiopia, 3. Mali, 4. Burkina Faso, 5. Burundi, 6. Somalia, 7. Central African Republic, 8. Liberia, 9. Guinea, 10. Sierra Leone.  (Akhri Halkan).

Bedka Dhulka Soomaalida:

Sida ku qoran buugga uu qoray Khaalid Cali-Guul Warsame (2003 Denmark) oo cinwaankiisu yahay Taxanihii Taariikhda Soomaaliya, guud ahaan bedka dhulka Soomaaliyeed waa:

  • Jamhuuriyadda Soomaaliya: 640,000 km2
  • Jamhuuriyadda Jabuuti: 23,000 km2
  • NFD (dhulka ku maqan Kenya): 384,000 km2
  • Soomaali galbeed (ku maqan Itoobiya): 416,000 km2
  • Jasiirada Suqadara (oo ay sheegato Yemen): 2,655 km2
  • December (1962) waxaa NFD oo ah dhul Soomaaliyeed loo kala qaybiyey laba qaybood, labadii qayboodna waxaa la hoos geeyay xukunka Kenya. Bedka NFD waxaa buugga (Alan J. Day, 1982, pp. 131) uu sheegay in bedka NFD uu yahay 388,000km2 (150,000 square miles).

Gabaygii Idinkaa dalkaba lehee, Dawlad maa u noqotaaan ee Seyid Maxamed

Taariikh-yahannada ayaan u dhaafaynyaa in ay ka hadlaan waxyaabihii ay gumaysiga ka yiraahdeen aqoonyahankii hore ee Soomaaliyeed ee Af-maalka iyo Aftahanka ahaa sida Xaaji Aaden Afqallooc (oo qiyaaskii sannadkii 1940-kii qeexay arrin uu ku macneeyey saddexdii dhardhaar ee Gumeysiga oo uu sheegay haddii saddexda dhardhaar laga hoos saaro in ay gumaystuhu dhulka kusoo dhacayo).

Balse waxaa xusid mudan  Gabay uu tiriyey halgamaagii Soomaaliyeed, Sayid Maxamed Cabdullaah Xasan oo mirihiisa ay ka mid ahaayeen:

  • Doodna waxaan u leeyahay ...... Culima dafaarka ah
  • War ani idinma doocine ............ Idinkaygu diimayee
  • Dalkaad iibiseen baa ................ Dacarta igu kiciyayee
  • Shan haloo idiin daran .............. Dannigiin ka fiirsada
  • Mar waa inaad dayoowdeen .....Diirad haydin qabatee
  • Dadka aydin raacdeen .............. Isna wuu idin diga gubi
  • Dillaalkii la siiyana .................... Dunna kama helaysaan
  • Ninkii idin darraabana .............. Ajri iyo ducuu heli
  • Dibna deeqda Eebahay ............ Dibinta saari maysaan
  • Diin nimaan lahayni .................. Dameer caynsan weeyee
  • War maxaa dufulayahoow ........Cadaawaha ugu daranteen
  • Wanka doosha wayn iyo........... Ma dagadaad u xilateen
  •  Qandiga mayska duubtaan ....... Dawarsigu ma fiicnee
  • Awyaaloow ma diiddeen ........... Jahaad maw dareertaan
  • Warma danana iyo seef ............ Darta maad ku qaaddaan
  • Darmaan haad la qooqdiyo ....... Doolaab maa u fuushaan
  • ......
  • Idinkaa dalkaba lehee .............. Dawlad maa u noqotaaan
  • Illeen doqni calaf maleh ............ Dulbaax** maxaa ka baylahay.

Tixdaas Gabayga ah uu akhrinayo Axmed Faarac Cali Idaajaa Dhegeyso ama soo rogo (mp3) (Idaajaa waxa uu tixdaas iyo taariikh Sayid Cabdulle Xasan ka akhriyey Idaacadda Codka Maraykanka ee VOA, barnaamijka Suugaantii Gobanimo-doonka Soomaaliya, 16 June 2010)

** DULBAAX: Baruurta xalleefsan ee haragga xigta. Waxaa kale oo lagu macneeyaa: Meel sare oo babac ama taag ah (Eeg eray bixinta C/salaam Cismaan X. Cige: http://www.somalitalk.com/maanso/26.html)

LINK: http://somalitalk.com/2010/uwslf/

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 

YAA UMAQAN TAARIIKHDA SoomaaliDA


Taariikh Kooban: Geeska Afrika

1,500 BC Fircoonkii laoranjirey  Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."

7-900 AD Carab  iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.

1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese musketeers].

1889 Kadib markii ay heshiis  galeen Suldaano iyo Ingiriiska  ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab saddex-geesoole "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.

1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo  Ethiopia.

May 5, 1936 Talyaaniga ayaa qabsaday magaalada Addis Ababa, kaddib markii halkaas uu ka cararay Xayle Selasi. Waxaana markaas Talyaanigu gumaysatey Itoobiya intii u dhaxaysay 1936-1941.

1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.

1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.

1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo.

1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area (Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.

1960 bishii  June 26keedii ayaa Somaliland kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii   July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu siihayey xorowdey oo ay labadaas qaybood midoobeen.

Somalia-Ethiopia-Kenya 
1960: Kahor xoriyadii Soomaaliya, July 1960, Fransiiska iyo Talyaanigu oo ahaa kukii siihayey dhulka Soomaaliya waxa ay ku guul-daraysteen in ay xad sugan oo Soomaaliya leedahay suntaan

1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Aadan Cabdullah Cusmaan
ayaa noqday madaxweynihii u horeeyey ee Soomaalida xorta ah

7/1960: Rabshado kadhacay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa labada dhinacba adkeeyeen ammaanka. Soomaaliya waxa ay dhiirigelisey NFD xoriyad gaarsiinteeda, Ingiriiskana xiriirkii ayey u goysey kadib markii Ingiriisku go'aansaday in uu NFD kudaro Kenya. Madaxdii Afrikaankuna Soomaaliya gacankuma siin Qadiyada NFD. 13beri kadib markii Kenya Xoriyada qaadatay, December 1963, waxa ay NFD kusoo rogtey xaalad degdega.

1/1964: Waxaa dagaal ka dhexqarxay Soomaaliya iyo Itoobiya, dagaal la xiriira dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya gumeysato .

4/1/1964: Waxaa hirgalay xabadjoojin dhexmartay Soomaaliya iyo Itoobiya

10/15/1959: Waxaa la diley Cabdirashiid cali Sharmaarke, oo ahaa Madaxweynihii Soomaaliya, oo safar kumaraya Gobolada dalka.

21 Oct 1969: Waxaa wadanka inqilaab ku qabsaday ciidan militari oo uu hogaaminayey Maxamed Siyaad Barre. 1/1977: Waxaa kor u kacay xiisada dhulka ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

July 23 1977: ciidanka Soomaaliya ayaa galay dhulka Soomaaliyeed ee gobolka Ogaden. Ethiopia waxa ay taageero militari ka heshay dalalka USSR, Cuba iyo Libya. Dagaal khasaare badan geysey ayaa dhexmaray Somali iyo Itoobiya. November 1977 Soomaalidu waxa ay eryeen ruuskii ku sugnaa cariga Soomaaliya. Waxana ay Soomaaliya markaas mucaaniwo weydiisatey USA iyo UK. USA waxa ay ogolaadeen oo qura taageerida aadaminimo, halka UK ay Soomaaliya siisay mucaawino aadamino iyo hub intaba. OAU ayaa isku deyey in ay wadahal soo qabanqaabiyaan laakiin waftigii Soomaaliya ayaa kabaxay wadahadalkii. Itoobiya waxa ay bilowdey habkii lamagbaxay "scorched earth" oo afsoomaali ahaan u dhiganta "u cadayn dhulka sidii laf hilibka laga xaquuqay" kan oo ahaa in lasumeeyo biyaha, la laayo xoolaha, dhulka ladeganyahay lagabarakiciyo, taas oo dhanka ahayd  (SALF). Taageero ay Itoobiya ka heshay Ruuska awgeed waxa ay dib u qababsatay  Somali galbeed (ogaden) markey taariikhu ahayd March 15 1978. Reference: Somalia History


Wararkii 2004: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO