Barnaamij Taariikhi ah oo Radio Codka Beesha ka Diyaariyay Xuduudaha Badda
Soomaaliya ee Muranka La Galiyay
Barnaamijka Raadiyaha waxaa lagu waraystay Ra'iisul wasaaraha DFKMG Cumar
C/rashiid, Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka DFKMG Prof. Dalxa iyo Xildhibaan
Ismaaciil Buubaa. Waxaa kale oo lagu soo qaatay hadalladii madaxdii hore ee
Soomaaliya iyo wixii dawladihii Soomaaliya soo maray ay ka aaminsanaayeen
xuduudaha DHULKA Soomaalida.....
- Xildhibaan Ismaaciil Buubaa: Waxaa loo baahan yahay in uu amro
madaxweynuhu si degdeg ah in looga noqdo heshiiskan ama is-afgaradkaas
- Prof. Dalxa: Fasiraadda xukuumadda oo heshiiskan ay ku tilmaantay mid is
faham, ayaa su'aasha ka iman kartaa ay tahay horta marka hore maxaa la isku
fahmay...
- Cumar C/rashiid: Annaga iyo Dawladda Kenya waxa aan galay horta heshiis ma
ahayn ee waxay ahayd Is-afgarad
- Buubaa: is-afgaradku waa mid xukuumadda Soomaaliya ay ugu markhaanti
furayso xukuumadda Kenya in ay dhul Soomaaliyeed uu yahay dhul la isku haysto
- C/risaaq Xaaji Xuseen (1966): "Dastuurka Soomaalida waxaa la galiyay
in dawlad kasta oo Soomaaliya in ay khasab ku tahay in ay raadiso wadannada
maqan, in la isku soo daro, oo ay uga shaqayso si nabad ah."
Waxaa codka qoraal u rogay SomaliTalk.com | Isha: Radio Codka Beesha
Idaacadda
Codka Beesha Soomaalida Waqooyiga Ameerika oo Axadii (April 26, 2009)
baahisay barnaamij dheer oo ku saabsan Xuduudaha Xeebaha Soomaalida iyo Heshiiskii
is-afgarad ee dhexmaray DFKMG & Kenya, oo aan soo koobnay hoos ka akhri, ama:
Raadiyaha Codka Beesha waxa uu tibaaxay in heshiiskaas is-afgarad uu
dhaliyey dareen ballaaran, gaar ahaan sida loo maamulay iyo sida DFKMG ay ugu degdegtay
saxiixa. Waxaana Idaacaddu tibaaxday in heshiiskaas ay walaac ka muujiyeen guud
ahaan Soomaalida, gaar ahaan aqoon yahanka ku xeeldheer xuduudaha badaha iyo
is-kaashiyada caalamiga ah. Heshiiskaas oo muran galinaya badda Soomaaliyeed.
Barnaamijkaas waxa ay idaacaddu ku soo qaadatay waxyaabihii ay xuduudaha ka
aaminsanaayeen madaxwaynayaashii hore ee Soomaaliya, sida Aadan Cabdulle Cusmaan
(Aadan Cadde) iyo C/rashiid Cali Sharmaarke iyo Maxamed Siyaad Barre, iyo sidoo kale
hadalladii Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ee sanadahii
1966-kii iyo Axmed Cabdi Oogle oo ka warbixiyay NFD sannadkii 1962/1963 iyo kaddib.
Waxa Raadiyuhu magaalada Nairobi waraysiyo kala duwan kula yeelatay
Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka DFKMG Maxamed Dalxa iyo Xildhibaan Ismaaciil Buubaa
oo ganafka ku dhuftay heshiiskaas iyo ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cumar
C/rashiid oo heshiiska difaacay.
Waxa
kale oo Codka Beeshu tilmaamay in muranka ay dawladda Cusub ee FKMG galisay
badaha Soomaaliyeed hadda ay tahay arrin aan socon doonin sida ay tilmaameen aqoonyahanno
Soomaaliyeed iyo kuwo caalami ah oo gaashaan hordhigay heshiiskaas. Sida mudane Muuse Nuur Amiin oo ahaan
jiray Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG oo ku takhasusay cilmiga xagga badaha, oo
tilmaamay in meesha hadda laga hadlayo aysan gacanta ugu jirin DFKMG oo
aysan tegi karin khubara Soomaaliyeed.
Waxaa
sidoo kale warku tibaaxay in heshiiska is-afgarad ee dhexmaray Kenya
iyo Soomaaliya uu gaashaanka u daruuray oo aad iska fogeeyey Wasiirka Wasaarada
Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Oomaar oo
heshiiskaas ku tilmaamay heshiis aan xataa wadatashi laga samaynin, ayey tiri
idaacaddu, ayadoo intaas raacisay in qareeno caalami ah ay ku tilmaameen in
heshiiskan uusan dhaqan gal noqon karin.
Radio Codka Beesha oo waraysi magaalada Nairobi
kula yeelatay Xildhibaan Ismaaciil Maxmuud Hurre Buubaa, oo ahaan jiray
Wasiirkii Arrimaha dibadda ee dowlada KMG ee Soomaaliya, ayaa wax ka weydiiyey
heshiiska Kenya iyo Soomaaliya?
Xildhibaan
Buubaa waxa uu ku jawaabay: "Heshiiskan xukuumaddu ay la saxiixatay Dawladda Kenya waa masiibo cirka kaga
soo dhacday xukuumadda Sheikh Shariif, waxaana loo baahan yahay in uu amro
madaxweynuhu si degdeg ah in looga noqdo heshiiskan ama is-afgaradkaas, waayo
is-afgaradku waxaa weeyaan mid xukuumadda Soomaaliya ay ugu markhaanti furayso
xukuumadda Kenya in ay dhul Soomaaliyeed uu yahay dhul la isku haysto, dawladina
uma markhaanti furto dawlad kale, sidaas oo kale uguma markhaanti furto. Kolkaas
waxaa loo baahan yahay in ay xukuumaddu kol labaad arrintaas cudurdaarna ummadda
Soomaaliyeed ka siiso, madaxweynuhu amro ciddii saxiixday in ay dib uga
noqoto."
Waxaa Xildhibaan Ismaaciil Buubaa la weydiiyey in arrinta la xiriirta badda
ee ay wadatay Kenya
in xukuumadda Soomaaliyeed ay ku fududaatay in ay saxiixdo, waxa uu ku
jawaabay:
"Ma aha fudayd ee waa khalad, sideedaba dhul la isku hayo oo laba qof isku
hayaan, qof inta loo yeedho lama yidhaahdo kaalay oo is-afgarad noo saxiix in
aan dacwad ka leenahay dhulkaas idinku aad sheeganaysaan. Cidda sidaas samaysana
laba midkood weeyaan: cid aan waxba kala garanayn oo wax fahamsanayn, (ama) cid u
bareeraysa in ay saamayso waddankeeda - siday tahay weeyaane waxaa loo baahan
yahay si degdeg ah in xukuumaddu arrintaas ay ku saxdo."
Sidoo kale Codka Beesha waxay
Nairobi waraysi kula yeelatay Guddoomiye ku xigeenka koowaad Baarlamaanka DFKMG,
Maxamed Cumar Dalxa, oo la waydiiyey sida baarlamaanku u arko arrinta la
xiriirta badda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya?
Xildhibaan Dalxa waxa uu ku jawaabay: "Horta doodda haatan abuurantay marka
la qiimeeyo, wararka la isla dhexmarayo iyo qoraalka aad isku fiirisid,
jawaabaha ay bixiyeen masuuliyiinta ay khusayso heshiiskan, gaar ahaan
xukuumadda iyo wasiirkii soo saxiixay, waxaad moodaa inay arrinta madmadow loo
baahan yahay shacbiga loo iftiimiyo oo laga qanciyo in loo baahan yahay.
Sababaha madmadowga keenay horta waxay tahay fasiraadda xukuumadda oo heshiiskan
ay ku tilmaantay mid is faham, ayaa su'aasha ka iman kartaa ay tahay horta marka
hore maxaa la isku fahmay. Midda kale "No-Objection" eray la yiraahdo oo
laatiin ah ama af-qalaad ah ayay isticmaalayeen wasiirada aan dareemayay.
Tuhunkan waa taagnaanayaa, dadka haddee dawladana waxay iyadana leedahay
"Weak-Point"-geeda dad iyagana aad iyo aad uga faa'iidaysanayaa iyagana way ku
shidayaan arrinta."
Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka waxa kale oo la waydiiyey: in khubarada xagga
badaha ay aaminsan yihiin heshiiska ay Dawladda Soomaaliyeed la gashay Kenya in
lagu fududaaday, ee sidee arrintaas dawladdu u aragtaa?
Waxa uu ku jawaabay: "Waa wax caqli gal ah ama "Logic" ah sababtoo ah
xaaladda Soomaaliya ku sugan tahay ma aha mid caadi ah, Soomaaliya baddeeda
dhibaato ayaa ka taagan, waad ogtahay Burcad-badeeda ayaa waxaa loogu soo
dugaalayaa si aan qiyaas lahayn intaas oo maraakiib ah oo haba yaraatee aan wax
sharci ah cid naga haysata oo inta baarlamaan la keenay lagu ogolaaday in ay
NATO iyo ciddii kale oo la hal maasha ay badda noo ilaaliso aysan jirin ayaa
maanta baddeenii ka hawl gala. Inkasta oo xukuumadda sidaan oo kale hadda ka hor
mar ay sheegatay xilligii Nuur Cadde oo ay yiraahdeen anagaa la og oo aan niri
haddii aad la ogtihiin ma suuq madowbaa (black market) maa bannaanka la keeno."
Raadiyaha waxaa kale oo
uu waraystay Ra'iisul Wasaaraha DFKMG, Cumar
Cabdirashiid Cali Sharmaarke xilli uu booqasho ku tagay magaalada Nairobi ee
dalka Kenya, oo wax laga weydiiyey arrinta muranka badan dhalisay ee xuduudda
badda Soomaaliya iyo Kenya, waxana uu ku jawaabay: "Arrintan horta
xasaasiyadda kicisay... horta sida loo dhigay ma ahayn bahasha sida loo
sheegay... Annaga iyo Dawladda Kenya waxaa galay horta heshiis ma ahayn ee
waxay ahayd Is-afgarad waxa kaliya oo aan Kenya ku heshiinay waa uu ahaa taas...
.... ..."
Waraysiyadaas waxay idaacaddu kuxejisay barnaamij dib loogu jalleecayo
taariikhda xuduudaha dhulka Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah iyo masuuliyiintii hore ee Soomaaliyeed
waxyaalahii ay ka yiraahdeen ama ka qabteen. Waxaana
Idaacaddu xustay gaar ahaan wadanka Kenya oo arrintani ku saabsan tahay in ay
Soomaalida isku haystaan Gobolka loo yaqaan NFD.
Shirkii Rooma - Agoosto 1963
Xilligii ay Dawladda Ingiriiisku go'aaminaysay aayo ka talinta gobolka NFD
ayaa sannadahii 1960-naadkii waxaa la qabtay shirar uu ka mid shirkii Rome[1] ee dalka Talyaaniga
waxaa ka qayb galay wafti heer sare ah oo ka socday Soomaaliya iyo Ingriiska iyo
wakiilo ka socday gobolkaas NFD iyo mustacmaradii Kenya.
Axmed
Cabdi Oogle[2] oo ka mid ahaa waftigii wakiilka ka ahaa dadka reer NFD oo ka
warbixinayay wixii halkaas ka dhacay ayaa yiri: "Shirkaas waxa uu u dhacay:
waxay ahayd dawladdii Soomaalida iyo Ingriiska in ay wada hadlaan. Danta
(Interest) ay Soomaalida u leedahay NFD wax qarsoon markaas ma uusan ahayn
ee waa ku doodayeen. Marka dawladdii Ingiriiska oo go'aankeedii halkaa laga
sugayay iyo dawladda Soomaalidu halkaa in ay ku shiraan ayey ahayd. Waftiga
Soomaalida markaa Dr. Sharmaarke[3] oo ra'iisul wasaare ahaa ayaa madax u
ahaa, Cabdullaahi Ciise wuu joogay, nin Cali Maxamed Hiraabe la
yiraahdo wuu joogay, Maxamuud Cabdi Carraale nin la yiraahdo oo markii
cilaaqaadka la kala goostay London ka yimid wuu joogay iyo dhawr nin oo kale
badidooda waa dhinteen Allah ha u naxariistee."
Axmed Oogle oo hadalkiisii sii watay waxa uu yiri:
"Dawladdii Ingiriiska markaa sida la filayay waftigeedii hoos bay u
dhigtay oo nin Peter Thomas layiraahdo oo wasiiru-dawli ka ah wasaaradda khaarijka
ayey soo dirtay, meshii Lord in uu yimaado laga filayay ama wasiirka Arrimaha
dibadda. Taas walwal ayay galisay Soomaalidii iyo dadkii meesha joogay. Qudhaydu
markaas waa joogay Rooma. Waxaa markaa dhibaato ka dhacday wafti Kenya oo
markaas daakhili heshay ayaa wasaarad ka socotay oo Kenya ah oo dhehayay
Soomaalida ayaanu la hadlaynaa. Waxaa ka mid ahaa nin laga dhigay wasiirkii lacagta,
markaas waa daakhili iyo Tom Mboya."
Waftigii Soomaaliyeed arrintaas waa ku gacan sayreen, waxayna diideen in ay la
hadlaan waftiga lagu sheegay in ay ka socdeen Kenya oo aan markaas weli xorriyad
qaadan. Waa kan Ahmed Abdi Ogle oo arrintaas ka hadlayay:
"Markaas dawladdii Soomaalidu way diiday oo
waxay yiraahdeen wax dood ah oo naga dhexeeya anaga iyo dawlad Kenya ka dhalan
doonta ma laha, waxaan waa arrin isticmaar, Ingiriiska ayaa waddankan
addoonsanayey ama gumaysanayey, Kenya siday xorriyadda u gaarisiinayaan xorriyad
la mid ah waa in ay u gaarsiiyaan dadka NFD, marka Kenya ma wada hadlayno. Markaa
waxaa dhacay waftigii Kenya in lagu biiriyay waftigii waddanka Ingiriiska oo ay
xubin ka noqdaan si ay doodda uga qayb galaan."
Oogle waxa uu yiri: "Anaga oo dhawr ah oo markaas
NFD ka soconay waa diidnay in Soomaalida nalagu dhex googooyo oo qaarkeen ay
sidaas kaga qayb galaan. Markaas go'aan Ingiriis ayay ahayd, go'aankana wuxuu ku
dhammaaday si aad u fool xun. Ingiriisku waxay yiraahdeen wax go'aan ah oo aan
gaari karaynaa ma laha, Kenya marka ay xorriyadda qaadato in aad ka wada
hadashaan weeyaan. Waftigii Kenya ninkii madaxda u ahaa Tom Mboya ninka la
yiraahdo oo u hadlayey wuxuu yiri markaa waa nasoo mari karaysaan oo ra'iisul
wasaaraheen oo markaas ahaa Kenyatta waan idinku casumaynaa Nairobi in aad ka
wada hadashaan. Shirkaas saddex maalmood ayuu socday aad ayaan u saxuuxnahay
Dr. Sharmaarke naxariis Allah ha siiyaa aad ayuu ugu dadaalay shirkaas in
uusan ku dhammaanin in sidaas lagu kala tago, isagoo Kenya tusaya in cilaaqaad
(xiriir) qumman oo walaalnimo iyaga dawladda Kenya iyo Soomaali dhex maraynin
inta NFD xaaleeda caynkaas uu yahay. Sidaan u joognay saddex maalmood markii la
joogo ayuun baan ka war helnay in waftigii Ingiriiska galabtaas dambe in uu tegayo
oo London ku noqonayo."
Dawladahii hore ee Soomaalida
Waxaa markaas idaacadda Codka Beesha ay ka warbixisay: In dawladihii soo
maray Soomaaliya ay markasta ku taamayeen sidii ay u midayn lahaayeen Soomaaliya
oo dhan, ugana saari lahaayeen gacanta gumaysiga mid cad iyo mid madow.
Madaxweyne
Aaden Cabdulle Cusmaan (Aaden Cadde)[4] oo ahaa madaxwaynihii ugu horeeyay
ee ay Soomaali yeelato ayaa ka caddayay shirkii Ururka Midowga Afrika ay ku
yeesheen magaalada Qaahira sannadkii 1964, isaga oo sheegay Soomaali marnaba in
aanay ogolaanayn XUDUUD-BEENAADKA la dhex dhigay dadka Soomaaliyeed.
Sidoo
kale ra'iisul Wasaarihii Soomaaliya mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen[5] ayaa
sannadkii 1966 sheegay in dastuurka Soomaaliya dhigayo raadinta iyo u dagaalanka
xorriya dadka Soomaaliyeed ee aan loo ogolayn in ay ka tashadaan aayahooda,
hadaladiisiina waa ka mid ahaa: "Dastuurka Soomaalida waxaa la galiyay in
dawlad kasta oo Soomaaliya in ay khasab ku tahay in ay raadiso wadannada maqan,
in la isku soo daro, oo ay uga shaqayso si nabad ah. Siyaasadda dibadda ee
dawladda Soomaalida tiirkeeda koowaad wuxuu ahaa sidii lagu heli lahaa wadanada
Soomaalida oo maqan sidii xuquuqdooda loo heli lahaa, ayuu ahaa.
Markaa waxa alla iyo wixii meel la isugu yimid, oo ururo ah oo dibad ah, ilaa
waqtigaa OAU ma jirin, meel Qarammada Midoobay (UN) haddii la ogolaan karay iyo
meelahii kale oo la isugu tegey, xukuumadda Soomaalidu marna dib ugama dhicin in
ay ku dhawaaqdo xaqa ay leeyihiin wadannadaas maqan in loo ogolaado codkooda in
ay dhiibtaan. Hadal meel kasta oo Forum ah, oo la isugu yimaado, oo suuragal ay
noqon kartay xukuumadda Soomaalidu aad bay ugu dadaashay, taasi waa dibaddii.
Gudahana ummadda Soomaalidu sidaas ayay rumaysnayd, xukuumadda Soomaaliduna aad
iyo aad bay marwalba ugu dadaalaysay in dadwaynaha Soomaalidu ay ku
baraarugsanaadaan fikraddaas iyada ah ayaa lagu dadaalayay."
Janaraal
Maxamed Siyaad Barre[6] oo madaxweyne ka ahaa Soomaaliya muddo 21 sano ah
waxa uu yiri: "Adduunka qoomkii kasta oo joogaa madax ayay leeyihiin, haddii
madaxdaasu wax daran ay ugu guddoomiso markii madaxdaasu ay tagto oo ay dhimato
magac xumo ayay ka tagaan, habaar ayaa laga daba diraa, cay ayaa laga daba
diraa, kuwii inkaarta qabay oo joogay maxay waxaa xun noogu guddoomiyeen ayaa
qoomkaasi yiraahdaa ama shacbigaasi yiraahdaa. Haddii ay wanaagooda ka taliyeen
oo ka shaqeeyeena magac wanaagsan ayay ka tagaan, dadku waa ku mahadiyaan,
wanaag bayna ku xusuustaan. Waxaan anigu taas ka leeyahay Ilaahay ayaa xukmay
annaga iyo Itoobiya iyo Kenya in aynu ku noolaano Geeska Afrika, inaguna hadda
waa ku nool nahay, shaki kuma jiro qoomka inaga dambeeyana meesha ayay ku
noolaan doonaan. Marka wax tirtiri karaa ma jiraan. Haddaba maxaa nala gudboon
madaxda saddexdaa dawladood, ma inaan wax daran u guddoomino dadkanagii oo isku
laynaa mase waa inaanu garano oo wixii dhex yaal ay si fiican inta ay uga
tashadaan ay markaas si xaq ah oo saaxiib ah oo walaalnimo ah oo deris ah oo
caddaalad ah wixii iskaga qasan in ay ku qabsadaan miyaa?
Gabagabadii barnaamijka
Idaacadda Codka Beesha waxay ku soo qaadatay gabay uu tiriyay abwaan
Cabdillaahi Suldaan Maxamed "Timacadde"[7], gabaygaas oo ahaa:
Nin qalbi la' Quraan kaw akhriyey, qaaf dheh ku harraadye.
Kutubaa sidii lagu qarridhay, qiil la' aakhiro'e.
Qayrkii ka hadhe waa ninkii qalay walaalkiiye.
Qod la riday Qudhaanjada gashaa, qoob dad waw halise.
Hadduu geed qallalo roobku, waw qamac kaliileede.
Dirxiga qudhunku uma soo uro, waabuu quudsadaye.
Qasaaraha dhexdeenna ah haddaan, layska qabanaynin.
Qabaa'il iyo jeeroo la naco, qaadkan lagu waashay.
Qasdi jeerooy wada yeelatooy, qawlka ku heshiiso.
Qabyo weeye Soomaalidaay qiiradaadaniye.
Barnaamijka Raadiyaha Codka Beesha oo uu soo diyaariyey Maxamed Cabdullaahi
Xasan, islamarkaasna ay idaacadda ka tebinayeen Khadra Caydiid iyo
Axmed Cali Yuusuf Dhabaryare, farsamadana waxaa ka qayb qaatay Maxamed Daahir
Xasan: Halkan ka Dhagayso
ama Halkan ama
Soo Rogo.
Halkaas haddaan kaga gudubno barnaamijkii Raadiyaha Codka Beesha, oo
jalleecno arrinta hadda taagan ee badda Soomaalida ee muranka la geliyay:
Xildhibaan Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ka tirsan Baarlamaanka DFKMG oo
la hadlay Radio Danan ayaa sheegay in arrintani ay horay u diidday
dowladdii madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, arrintaas oo Kenya ay wax
badan raadineysay, balse ugu dambeyntii ay fursad u heshay in la siiyo wixii ay
raadineysay waqti dheer, waa sida warku u dhigay'e.
Qaar kamid ah saraakiil ka tirsan DFKMG ee hadda ayaa rumaysan in qadiyadan
ay shacabka Soomaaliyeed si fudud ku ilaawi doonaan. Sarkaal u ku dhow xafiiska wasiirka DFKMG u saxiixay heshiiska Is-afgarad ayaa
laga soo xigtay April 9, 2009 oo ahayad laba maalmood kadib markii heshiiska la
saxiixay in uu yiri: "Waxaana aaminsanahay in xataa hadii Bada Soomaaliya oo
dhan la gato labo beri kadib la iska aamusi doono, waxana kuu cadayn ah suntii
lagu shubay badan iyo dhulka Soomaaliya amaba hada lagu shubayo iyo tacadiyada
kale ee loo geeysanayo dhulkeena waa lala qabsaday." Warbixinta sare ayaa
burinaysa hadalka sarkaalkaas, maadaama aan dhacdooyinka taariikhda la illaawin.
Baarlamaanka DFKMG ayaa laga dhur sugayaa ka hor MAY 13, 2009 wixii ay
shacabka Soomaaliyeed ugu go'aamiyaan. Xeel dheerayaal Soomaaliyeed waxay
baarlamaanka FKMG ee JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA ugu baaqeen in uu qalin ku
difaacaan dalka, taas oo ah in ay heshiiskaas Is-afgarad ee muranka galiyey
badda Soomaaliya ay ka dhigaan WAXBA KAMA JIRAAN (Null and Void),
maadaama aan markii hore la soo marin baarlamaanka.
_____________________________
TIXRAAC:
[1] August 1963: ayaa la qabtay shirkii Rome ee dhex maray Soomaaliya
iyo Britain. Waftigii Soomaalida oo uu hoggaaminayey Dr. Cabdirashiid Cali
Sharmaarke waxay shirkaas ku tilmaameen majara habaabin uu Ingriisku ku doonayey
oo keliya in uu ku ogaado mowqifka Soomaaliya ka taagan tahay qadiyadda NFD. Wax
yar kaddib Soomaaliya waxay u yeeratay safiirkii u fadhiyay London,
islamarkaasna xiriirkii dublomaasiyadeed u jartay Britain. [Tixraac:
Buugga John Drysdale: The Somali Dispute. New York: Praeger, 1964.]
[2] Axmed
Cabdi Oogle: waa siyaasi caan ka noqday NFD.
[3] Cabdirashiid Cali Sharmaarke: Waxa uu ahaa ra'iisul wasaaraha
Soomaaliya intii u dhaxaysay 12 July 1960 - 14 June 1964. Waxana uu noqday
Madaxweynaha Soomaaliya intii u dhaxaysay 10 June 1967 - 15 October 1969.
[4] Aadan Cabdullah Cusmaan: waxa uu ahaa madaxweynaha Soomaaliya
intii u dhaxaysay 1 July 1960 - 10 June 1967.
[5] Cabdulrasaaq Xaji Xuseen: Waxa uu ahaa Ra'iisul wasaarahii
Soomaaliya intii u dhaxaysay 14 June 1964 - 15 July 1967. Waxa uu hadda deggan
yahay dalka Maraykanka.
[6] Maxamad Siyaad Barre: Waxa uu ahaa madaxweynaha Soomaaliya intii u
dhaxaysay 21 October 1969 - 27 January 1991.
[7] Cabdilaahi Suldaan Timacadde: Waxa uu ahaa suugaan yahan iyo
gabayaa caan ka ahaa dhulka Soomaalidu degto xilliyadii halgankii gumaysi la
dirirka iyo sanooyinkii ka dambeeyay. Waxa uu noolaa intii u dhaxaysay (1920-1973).
Faafin: SomaliTalk.com | May 3, 2009
|