Dowlada Walad Cabdullaah maba ay dareemin dareenka kacsan iyo cadhada
shacabka Soomaaliyeed inta ay le’egtay!!!
Mahad iyo amaan Allaah ayaa mudan oo iska leh, Rabiga Caalamiinka,
amaan iyo nabad gelyona ha ahaato korkiisa Rasuulka Allaah iyo
Ahalkiisii iyo Asxaabtiisii iyo mid kasta oo maray Jidkiisii oo ku
hadaysma Hanuunkiisii ilaa iyo Maalinta Qiyaamaha
Intaas ka dib:
Aqristayaal badan baa laga yaabaa in ay is waydiinayaan waa tee
dowlada Walad Cabdullaah, dabcan waxan uga jeedaa waxa weeye dowlad ku
sheega khiyaana qaran ee dusha laynagaga keenay, iyada ayaa ah dowlada
Walad Cabdullaah, runtii isaga ayaa ah madaxwaynaha dhabta ah ee dowlad
ku sheegaa khiyaana qaran, ee hada Muqdisho xaafadaha ka mid ah ka hawl
gasha, wax aanu isagu amrin oo tartiibteeda soo maaraynin kuma ay kici
karto, oo ma dhaqan gelin karto haba yaraatee.
Hawlaha iyo danaha balaadhan ee laga leeyahay wadakeena iyo
shirqoolada lala maagan yahay isaga ayaa loo soo igmaday, oo ay u xil
saarteen kuwa isku magcaaba beesha caalamku, ee ka leh wadankan danaha
gurcan, waxaynu odhan karnaa ama ayba runtii tahay, golihiisa
wasaaraduna waa haya’adaha samadiidka ah, ee isku magcaaba haya’adaha
samafalka, golaha baarlamaanka dhabta ahina waa dabcan kuwa isku
magcaaba beesha caalamka iyo wadamada deriska ah, dowlad ku sheegan
khiyaano qaran ee ummada shisheeyuhu dusha kaga keenay, xubneheedu iyagu
waa
Magac u yaal ummada lagu marin habaabinaayo, oo lagaga qarinaayo
xaqiiqada danaha gurcan ee wadankan laga leeyahay iyo shirqoolada lagu
hayo, hadaba hadaynu taas garanay, waxaa fiican bal inaynu isku dayno in
aynu wax ka ogaano, yuu yahay ninkan la yidhaahdo Walad Cabdullaah,
runtii anigu waxba kama sheegi karo ninkan taariikhdiisa, taariikhdiisa
Allaah ha tirtiree, iyo siduu mansabkan ku gaadhay toona, inshaa Allaahu
tacaalaa waxaynu heli doonaa walaala kale oo baadhitaano ku samayay oo
inoo soo bandhiga taariikhdiisa, anigu se waxaan jecelahay in aan
Aqristayaasha ku baraarujiyo arin ninkan Walad Cabdullaah la
xidhiidha, waana in ninkan Axmed Walad Cabdullaah uu ka yimid wadanka la
yidhaahdo Mauritania, oo ku yaala woqooyiga Afrika, wuxuuna ka mid yahay
wadamada shanta ah ee laysku yidhaahdo galbeedka Carabta, waana wadamada
Libya, Tunisia, Algeria, Morocco iyo Mauritania. Wadamadaas Carbeed
sidaynu wada ognahay, waa wadamo Islaam jacaylkooda, Carbnimadooda iyo
wadan jacaylkoodu uu aad iyo aad u sarayo, shucuubta wadamadaasu waxay
la soo galeen gumaystihii haysan jiray
Halgan aad u dheer oo qadhaadh, ilaa ay ugu dambayn ka xoreeyeen
wadamadoodii, Algeria oo keli ah waxaa kaga shihiiday halgankii
gobanimadoonka malyuun qof, sida iyaga loo gumaysanaayay way ka duwanayd
aduunka intiisa kale, oo gumaystuhu wuu isa siiyay wadamadaas, oo marka
laga reebo Libya, uu gumaysan jiray Faransiisku, Faransiisku xoog buu
wadamadaas u degay, waxayna u arkaayeen qayb ka mid ah dhul waynaha
Faransiiska, hase yeeshee halgan dheer oo qaadhaadh ka dib Faransiisku
waa iskaga huleelay wadamadaas,
In kasta oo ay tahay taariikhda shucuubtaasu mid sidaas u wanaagsan,
baa hadana waxaa ku jira dad yar oo raacsanaa oo midiidin u ahaa
gumaystihii oo daacad u ahaa, ilaa iyo maantana u ah, waxaa kale oo
wadamadaas ku noolaa ilaa maantana qaarkood ku nool yihiin Yuhuud,
iyaguna halkaas waxay ku leeyihiin dad raacsan, oo daacad u ah, weliba
Yuhuuda wadamadaas ku noolaan jirtay markii Yuhuudu isugu tageen
Falastiin, waxay noqdeen kuwa ugu cadaawada iyo cunsurinmada badan intii
Yuhuud halkaa isugu timid, halka kuwii Yamen ka yimid ay noqodeen kuwa
ugu
Cadaawada iyo dhibta yar, marka waxan hadalkan uga jeedaa waxa weeye,
in gumaystihii iyo Yuhuuduba ay wadamadaas ku leeyihiin dad ay weli
halkaas ku ilaaliyaan, oo ah kuwii raacsanaa, danona ay weli uga haya
wadamadaas iyo caalamka Islaamka oo dhanba, madaama ay dadkan iyagu
ilaaliyaana waxay u fidiyaan taageerooyin fara badan sida dhaqaalaha,
waxbarashada iwm, inta badan waa kuwa hela mansabada caalamiga ah ee
waawayn, sida ninkan oo kale, waayo waxay ku xidhan yihiin dowladaha
reer galbeedka iyo Yuhuuda oo aduunka maanta ka taliya, bal eega intii
Aynu burburka ku jiray Walad Cabdullaah waa ninkii saddexaad ee
wadamadaas ka yimaada oo ay UN tu ugu soo magcowday ergaygeeda gaarka ah
ee Soomaaliya, shakina kuma jiro in UN ta la soo mariyo shirqoolada iyo
dhagarta wadankan lala maagan yahay, labadii nin ee ka horeeyay waxay
labaduba ka yimaadeen Algeria, waynuna wada xusuusanahay
hagardaamooyinkii ay wadankeena ka gaysteen, kanu se waa kii ugu daraa
ee ugu khaayinsanaa, ninka la soo diyaariyay Norway iyo Kenya heshiiskan
khiyaanada qaran ah, ee badeenii Kenya lagu siiyay waa isaga, iyo
Weliba xogta badeena ee ay dowlad ku sheega khiyaana qaran u gudbisay
UN ta, yaanayna idin hodon marka la waydiiyay ee uu dafiray in uu wax ka
og yahay heshiiskan, wuxuuna ku riixay dowlada ku sheega khiyaana qaran,
dabcan maaha wax la qiran karo oo waa in uu dafiraa, maaha arin uu
samayn karo nin muslim ah oo Allaah ka cabsanaya oo damiir nool lehi, in
uu u xalaalayo dhul Islaam ah gaalo, bal eega hada shalay Budrus Qaali
xoghayihii guud ee hore ee UN ta isaga oo milad ahaan aan Muslim ahayn,
ayuu hadana diiday oo is hortaagay shirqooladii Soomaaliya lala
Maaganaa, waayo waa dhul carbeed buu ku daafacaayay, ilaa uu ku
waayay shaqadiisii, markii ay dowladaha reer galbeedku is hortaageen
gaar ahaan Mareekanku, in uu dib mar labaad isu soo sharaxo mansabka
xoghayaha guud ee UN ta, waxa kale oo tusaale wanaagsan ah dowladii hore
ee Soomaaliya, markii laga gown rabay Pakistan Bangladesh, oo ay taas
uga ololaynayeen UN ta Ruushka iyo India, dowladii Kacaanku iyadoo ka
mid ahayd dowladihii la jaalka ahaa Ruushka oo dhamaantood wada
taageeray in ay ka go’do Bangladesh Pakistan, dowladii kacaanku taas way
Ka soo horjeesatay, oo way diiday in la kala gooyo Pakistan, halkaas
ayuuna ka bilaabmay xiidhiidhkii xumaaday ee Ruushka iyo Soomaalia.
Markaa Axmed Walad Cabdullaah iyada oo aanay qarsoonayn in uu yahay kan
la soo diyaariyay dowladahaa heshiiskan ee dabada ka riixaaya ayuu
hadana wuxuu dembiga kan wayn, ee laga galay ummada Soomaaliyeed ku soo
riixay dowlad ku sheegan khiyaana qaran, oo iyagu aad aragtaan in ay
weli ku sii indha adag yihiin, oo ay ku adkaysanayaan khiyaanadan qaran
ee ay samayeen, oo weliba ku andacoonaya in ay heshiis muhiim ah oo
Cumar Cabdi Rashiid wuxuuba Soomaalida u qabaa wada jaahil
Taariikhi ah la galeen Kenya, oo wax wayn ugu soo kordhinayaan
wadanka!!! Xaqiiqada inoo muuqataa se ay tahay mid taa ka gedisan, bal
ay tahay in ay ku takri faleen badeenii oo uga tanaasuleen dowlad
shisheeye ah, oo markeedii horeba dhul inaga haysatay iyo badba, uu
inooga qaaday gumaystihii dhulka xukumi jiray, Cumar Cabdi Rashiid isaga
oo isku kalsoon oo degan, oo aan haba yaraatee dareemin dareenka kacsan
iyo cadhada shacabka, bal laba yaaban dadka arintan ka hadlaaya, buu
yidhi horta waxaan saxeexnay maaha heshiis ee waa is faham, isaga oo
isku deyaaya in uu dadka
Marin habaabiyo, unaba qaatay sida ka muuqata in aanay ummadatanu wax
wax garanayaba lahayn, oo ay wada jaahil iyo dad wareersan yihiin. Waxay
taasu I xusuusisay sheekada nin dhalinyaro ah, oo wadanka ka tegay intii
aanu burburku dhicin, wuxuuna ku barbaaray oo wax ku bartay wadan debeda
ah, markii dambena ka shaqaystay, waxa uu si wayn ula socday dhibaatada
dhulkiisii hooyo ka taagan iyo burburka ay ummadii Soomaaliyeed
dhulkoodii u gaysteen, aad buu uga xumaan jiray markuu maqlo wararka
caynkaas ah, wuxuuna qabay in wadanka dadka
Joogaa yihiin dad jaahiliin ah oo wareersan, wax caqli lihina aanayba
meesha joogin, beri dambe ayuu wadankii booqasho ku yimi si uu u soo
arko ahalkiisii iyo qaraabadiisii iyo dhamaan wadanka oo dhanba, markii
uu habeenkii u horaysay gurigoodii u hoyday, ayaa aroortii waxaa u yimid
odayo qowskooda ah, markii lays nabdeeyo oo cabaar lays waraystay ka
dib, bay odayadii ku yidhaahdeen: war hebel waxaanu saaka kuugu soo
jarmaadnay waxay tahay, waxaa beryahan colaadi ka dhex taagnayd reer
hebel iyo reer hebel, colaaduna meel xun ayay ka gaadhay, oo
Xabadaa isugu jirta, markaa bal waxaanu rabnaa inaad noo timaado oo
aynu dhexdhexaadno labadan reer, ninkii cabaar buu aamusay, dabadeedna
wuxuu yidhi: waa yahay ee beritoo haynoo ahaato, odayadiina waa yahay
bay yidhaahdeen oo waa ka tageen, hadaba ninkanu markii uu cabaarka
aamusay, intaanu jawaabta odayada siin, wuu isla sheekaystay, oo wuxuu
isku yidhi: alaylehe waa sidaan garanaayay oo meeshan wax caqli iyo
xikmad toona hayaa ma joogaan, ma anay maanta xikmad iyo maskax I soo
bideen, markii odayadii ka tageen buu wuxuu goostay in uu
Xoogaa is qaali garayo, si baahida loo qabaa u sii waynaato, oo ay
hadhowtoo ugu fududaato in fekrediisa iyo xalka uu keeno si yar loo
qaato, markaa wuxuu goostay in aanu u tegin waqtigii uu la balamay
odayada, waana samayay, maalintii xigtay bay ku soo noqdeen odayadii, oo
yidhaahdeen war hebel maxaad noogu iman wayday, waanu ku sugaynay ee?
Wuxuu yidhi: raali iga ahaada waan yara mashquulay ee, waxaana idiin
iman doonaa beritoo, waa yahay bay yidhaahdeen odayadii, wayna ka
tageen, maalintii dambena sidii oo kale uma uu tegin, hadana
Maalintii xigtay bay ku soo noqdeen, oo yidhaahdeen: war hebel maxaad
noogu iman wayday waanu ku sugaynay ee? Wuxuu markaasna yidhi: raali iga
ahaada waan idiin soo bixi kari waayay oo waan mashquulay ee, ee waxaan
idiin iman doonaa beritoo, odayaashii baa waxay ku yidhaahdeen: horta
hebelow raali waanu kaa nahay, inaad mashquul tahayna waanu la soconaa,
tan kale inaad adigu timaado madasha garta horta muhiim ma aha, oo
halkan dadkii oo dhan baa wada jooga, waxaa jooga kuwo kaa cilmi badan,
kuwo kaa xikmad badan, kuwo kaa
Garyaqaansan, kuwo kaa aftahansan, intaas oo dhami way joogaan oo waa
la buuxaa, laakiin waxa keli ah ee adiga lagaa soo martiyay, ee lagaaga
baahday waxaa weeye dhaqaalihii garta lagu maamuli lahaa, ee laysugu
iman lahaa, kaana dee waad bixin kartaa adiga oo aan isba soo lugown oo
shaqadaada iska wata!!! Markaas ayuu intuu madaxa ruxay yidhi: haa
hadaan wax fahmay, oo ogaaday in fikirkiisii hore oo dhami khaldanaa,
hada Cumar cabdi Rashiid wuxuu ummada ugu khudbeeyay sidii ay wada
yihiin dad jaahiliin ah, oo aan waxba fahmi karin, manaba dhaadin
In ay ummadanu leedahay khubaro fara badan oo takhasus walba leh, iyo
kuwa aan qiyaas lahayn oo waaciyiin ah, oo aan lala hortegi karin ama
loo maldahi karin arimaha qaarkood, hadaba waa run oo dowlad ku
sheegiinan khiyaana qaran ummadanu xilka idiinma dhiiban, dabcan markaa
waa iska caadi in aydaan tixgelin dareenkooda iyo cabashooyinkooda, bal
waxaad tixgelisaa ra’yiga iyo shirqoolada ay kuu soo gudbiyaan
khaayiniinta waawayn ee dowlad ku sheegiina ka midka ah sida Shariif
Xasan sharafka Allaah ha ka qaadee, sharafna ma laha ee iyo Ibbi iwm,
Ummada Soomaaliyeed se iyadoo xaalkiinu sidaas yahay oo aanay idin
soo dooran, hadana markaad meesha timid waxay kaa quud daraynayeen adiga
oo uu ku dhalay aabe ay ummadu aad u jeclayd, inaad ku soo kordhisid wax
wanaag ah, iyo xal aad u heshid arimahan murugsan ee wadanka ka taagan,
marnaba se lama filayn inaad iska daa xal ee, aad ku takri fali doonto
badihii Soomaaliyeed oo aad u hibayn doonto dowlada shisheeye ah, marka
waxaad tahay la mood noqon se wayday. Waxaan isna maalmahaas oo dhan
doonaayay, oo aad u xiisaynaayay siday qayrkayba
Aad baan u xiisaynaayay hadalka Shiikh Shariif ee heshiiskan ku aadan
U xiisaynayeen in aan Shiikh Shariif hadalkiisa maqlo ku aadan
heshiiskan khiyaanada ah, bal waxa uu ka yidhaahdo khiyaanadan qaran ee
dhacday, iyadoo ay warar soo baxayeen, odhanaaya markii hoos loo
waraystay in uu yidhi waxba kalama socdo heshiiskan oo layma ogaysiin,
in kasta oo aanan anigu rumaysan wararkaa, waayo waxa igaga filayd in
aan ra’yigiisa ku ogaado, aamusnaanta uu mudada dheer ka aamusnaa
arinta, taas ayaa calaamad u ah in uu ka raali yahay waxna ka ogyahay,
hase yeeshee kolay waan xiisaynaayay in aan hadalkiisa ku aadan
heshiiskan maqlo,
Sida ay ummada inteeda kaleba u xiisaynaysay, way se nagu dheeraatay
oo waqti dheer ma uu hadlin, malaha mudadaa mar bay inta aan ogahay ay
waraysatay mid ka mid ah idaacadaha dowlad ku sheega la jaalka ah, waana
idaacada VOA, iyana maalintaa waxba kama ay wadiin dhacdadan, ugu
dambayntii waxaa waraysatay idaacada BBC da, oo su’aal ka waydiisay
iyaga oo aan ku sii dheeraan arinta heshiiskakan, waxan u malaynayaa in
maalintaas hadalkiisu ku noqday lama filan waa iyo niyad jab dad badan
oo is lahaa wuu dhaleecayn doonaa heshiiskaa, markii uu
Isaga oo xanaaqsan ku tilmaamay dadkii Soomaaliyeed ee dareenkoodu
kacsanaa ee cadhaysnaa, in aanay ahayn waadaniyiin wanaagsan, ee ay
yihiin fidnawalaayaal iska qaylinaaya, inta wanaagsan ee wadaniyiinta
ahina ay ku taageersan yihiin, iyagana aanay ka suurtoobin in ay
dalkooda khiyaanayaan, ayna heshiiskan dalka wax ugu soo kordhiyeen,
waxa fiicnaan lahayd in uu Shiikh Shariif ummada siiyo fasiraad lagu
qanci karo, oo ka duwan haday jirto tan ay hada ku andacoonayaan, oo
dhab ahaantii waxa heshiiska ku qorani ay ka duwan tahay tay iyagu ku
Andacoonayaan, heshiisku aad buu u cad yahay oo waxaa lagu boobayaa
oo lagu dhaxal wareejinayaa qayb wayn oo badeena ka mid ah, waxa hubaal
ah in aanay garan waayin dowlad ku sheegan khiyaano qaran, dhaamaan
madaxdoodu iyo golayaashooduba, ha ahaado kan wasaarada ama baarlamaanka
ee, dhibta ay ummada u soo jiideen, ee laakiin arinta ayaa iyagana dusha
kaga timid, oo kaga timid kuwii iyaga dowlada ka dhigtay, oo aanay
amaradooda diidi karin haba yaraatee, marka waa in ay indha adayg
inagala hor yimaadaan, oo ku doodaan andacooyin iska
Baadil ah, kolay haba iska yaraadeen ee ummadatan cid ku raacda ka
waayi maayaan ee, kuwaasu ama ha ku taageereen qabyaalad ahaan ama koox
ahaan ama saaxiibtinimo iwm, sidaynu hadaba warbaahinta qaarkeed ugu
aragnay kuwa leh dhulkuba qiima ma laha ee dadkaa ka qiima badan!!!
Dadku xaguu joogi doonaa hadaad dhulkii iyo badiiba bixiso!!
Heshiiska laynagu dhagraayo
Hadaba aan u yara fiirsano heshiiskan laynagu dhagraayo, iyadoo aynu
hada fekred fiican oo cad ka qaadanay dhinacyadiisa oo dhan, markii aynu
ka helay cadaymo iyo sharaxaado fara badan oo ay ka bixiyeen aqoon
yahano isugu jira garyaqaano, khubarada badaha, topography yiin,
siyaasiyiin iwm oo isugu jira Soomaali iyo ajnebiba, taas oo lagu sii
dhamays tiray diraasadii iyo warbixintii dheerayd ee bahda shabakada
Somalitalk.com khayr Allaah ha siiyee, sidan baa inoo soo baxaysa:
1- in asalka heshiisku ahaa qarsoodi, oo la saxeexay todobaad ka hor
maalinta la yidhi waa la kala saxeexday, waana sida ay cadayeen
siyaasiyiin lagu kalsoon yahay, oo u dhuun daloola siyaasadaha dowlada
Kenya, waxaana keenay in mar dambe lagu dhawaaqo saxeexiisa, waa markii
la ogaaday warbixinta ay shabakada Somalitalk.com hayaan oo doonayaan in
ay ku soo saaraan bogooda, taas oo kashifaysa wixii jira oo dhan, markaa
si taas loogaga hor tago ayaa loogu dhawaaqay saxeexa heshiiskan, oo
lagu daray markaas faqrado aan ka mid ahayn asalkii heshiiska si ummada
loogu marin habaabiyo
2- in qodobka keli ah ee lagu heshiiyay yahay in bada Soomaaliya ay
ku muransan yihiin labada dowladood ee Kenya iyo Soomaaliya, markaa
waxaa fiican in aynu ogaano in aan Kenya bilaash isagaga murmayn bada
Soomaaliya ee ay arintu intaa ka qota dheer tahay oo ay quwado shisheeya
ahi ka dambayaan oo ah dowlado iyo shirkado shidaal, mudo dheer waxa la
ogaa in dowlada Kenya iyo shirkadaha shidaalka ee dalka Norway ay ka
sahaminaayeen shidaal badeena, sidaas owgeed waxa ay calaamadiyeen si ay
dowlada Kenya ugu muranto lahaan sheheeda masaafad
Dhan 38,000km square oo badeena ah, taas oo ay Kenya u gudbisay UN
ta, taageerona uga raadsatay dowladaha reer galbeedka, iyada oo ay la
wadaan oo ku taageerayaan dowlada Norway iyo shirkadaheeda shidaalka ee
dhaqaalaha badani, iyagoo taas ku isticmaalaya dhaqaale fara badan,
wayna ku guulaysteen oo arintan dariiq bay u heleen UN ta iyo taageerada
reer galbeedkaba, waxaana xataa u dhan oo ay hubtaa Kenya in hadhow ay
maxkamada aduunku u xukumayso badeena ay calaamadsatay, markaa waxa
hadhsani waa in la helo dariiq loo tuso aduun waynaha in ay arintu si
sharci ah u dhacday, si loogu qanco.
3- in dhamaan faqradaha kale ee aan ahayn tan aan asalka heshiiska ku
soo sheegnay hada, ee uu heshiisku ka kooban yahay, ay yihiin marin
habaabin lagu kordhiyay markii heshiiska la ogaaday, si loogu taageero
dowlada ku sheega khiyaana qaran, wax ay la hortegi karto shacabka
Soomaaliyeed ee dareenkoodu kacsan yahay, sida magaca heshiiska oo ay ku
sheegeen isfaham, kaas oo aan sida xaqiiqada ah asalka heshiiska waxba
ka bedelaynin, iyo in ay labada dowladood isla ogolaadeen in midood
waliba cusboonaysiisato oo u gudbisato xogta badeeda ee
Ballaarinta qalfoofka dambe ee badda ee ka baxsan 200 nmi UN ta,
arintanu maah mid u baahan heshiis iyo isfaham toona oo dowlad waliba
iyadaa dhulkeeda iyo badeeda gooni u leh, wax kaga xidhmi kara dowlada
deriska ahna ma jirto oo ay ka heshiiyaan, aduunka oo dhana weligeed
kama dhicin, markaa waa marin habaabin ku wajahan bulshada
Soomaaliyeed.
Waxan oo dhan waxaa isku fuuq fuuqsanaaya, oo muujinaaya shirqoolkan
wayn iyo khiyaanadan ay ku kacday dowlad ku sheegan khiyaana qaran, waa
sida degdegta ah ee ay ugu gudbisay UN ta heshiiskan iyo xogta badeena,
xogtaas oo ay soo diyaarisay dowlad shisheeya ah oo dana gaar ah ka leh,
oo ku hawlan kana qayb qaadatay boobka lagu hayo badeena, waana dowlada
Norway ee aan kor ku soo xusnay, iyada oo aanay jirin khubaro Soomaali
ah oo lagala tashaday haba yaraatee, xogtaas oo wadamada
Aduunka oo dhami mid waliba ku hawlanaa siduu u soo urursan lahaa
xogta badiisa mudo ka badan labaatan sano, welina aanay jirin cid u
gudbisatay UN ta, halka iyaga looga soo diray dhowr khabiir oo ay Norway
iyo Kenya u soo direen, oo u khudbeeyay wax aan ka badnayn laba
saacadood, lagana dhaadhiciyay in ay UN ta u gudbistaan xogtan ay iyagu
u soo diyaariyeen, oo ay sidaas isla markiiba ku gudbiyeen!!! Waa arin
ku tusinaysa in arintu ay ahayd ka gaadhsii oo lagala cararaayay ummada
Soomaaliyeed.
Heshiiska oo baarlamaanka la hor gayn doono wegeray!!!
Kuwa isku magcaaba beesha caalamka iyo wadamada deriska ahiba, waxay
muda dheer ina sugaanba maanta ayay inoo fekereen!!! Maxaa keenay in
hada baarlamaanka la hor geeyo heshiiskan, iyada oo aan markii hore la
gayn, dowlad ku sheeguna ay weli ku sii adkaysanayso heshiiskan?
Baarlamaanku se ma is hor taagi karaa khiyaanadan qaran? Shaki kuma jiro
in waxa hada keenay in dowlad ku sheegu hor gayso heshiiskan
baarlamaanka uu yahay, sidii ay ugu adkayn lahayd mowqifkeeda, oo markaa
ay yidhaahdaan waa kan oo baarlamaankiina waa ogolaaday, oo waa heshiis
ay Soomaalidu ka wada raali tahay, baarlamaankuna isma hortaagi karo
heshiiskan, waayo baarlamaanku maaha
Mid isu miisaan ee waa mid dhinac u badan, oo ay aqlibiyadiisa
leedahay dowlad ku sheegan khiyaano qaran, wixii ay iyagu doonayaana ay
marsiisan karayaan, oo hadaba ay iska cadahay natiijada codaynta
baarlamaanka ee heshiiskan, marka horgaynta heshiiskan baarlamaanka,
waxan aaminsanahay in ay arinta uga sii darayso, oo ay sii adkaynayso,
markaan sidaas leeyahay maaha macnahaygu in aanay baarlamaanka ku jirin,
dad wadaniyiin ah oo wanaagsan, oo ay dhacdadanu ugu dhegtay sida
dhimbiil dab ah, sida qayrkood oo ah wadaniyiinta damiirka nool leh,
waxaa ku jira oo ka mid ah aqoon yahano iyo wadaniyiin sharaf leh,
laakiin se waxay tahay su’aashu intee kuwaasu ka yihiin baarlamaanka?
Dabcan waa dad aad u yar oo natiijooyinkiisa aan waxba ka bedeli Karin
Maxaa marka inaga inala gudboon shacab ahaan?
Horta arintu waxay ku fududaan lahayd oo musiibadatan lagaga hortegi
kari lahaa, iyada oo ay ka noqdaan kuwii inoo soo jiiday, hase yeeshee
taasu ma muuqato oo wayba ku sii adkaysanayaan, wax dan ah iyo heelo
toonana kama laha qayladhaanta iyo cadhada shacabka, bal dhegba u jalaq
siin maayaan haba yaraatee, markaa iyada oo aynu aragno oo si cad oo
badheedh ah laynoo dhaxal wareejinaayo, oo laynoo ku soo gabanaayo
dowlad ku sheegan khiyaana qaran ee dusha laynagaga keenay, ee aanu
xukumkeedu gaadhsiisnayn wax ka badan 4km, dhegna aan Loo jalaqsiinayn rabitaanka shacabka iyo cadhadooda, waxay is
waydiintu tahay, maxaa inala gudboon shacab ahaan in aan samayno, si aan
nafteena iyo wadankeena u badbaadsano oo uga difaacano shirqoolada
laynoo soo marinaayo UN ta iyo dowlad ku sheegan khiyaano qaran? In
kasta oo ilaa hada la samayay dedaalo badan, hadana waxaa muuqata in
aanay inagu filayn, oo aanay fulin qaradkii aynu ka lahayn ee ahaa is
difaaca, waxaa lagama maarmaan ah in aan dedaalada intaas ka sii
kordhino, debed baxyadu ama mudaaharaatku waa wasiiladaha ugu wanaagsan
ee lagu
Fashilin karo shirqoolada laynoo maleegaayo, sidoo kale warbaahintu
waa in aanay ka daalin dedaalka ay wadaan, aqoon yahanka waxaa laga
sugayaa dedaal dheeraad iyo inay keenaan talooyin wax ku ool ah oo
lagaga bixi karo dhibtan inala soo deristay, sidoo kale waxaa mid taas
la mid ah laga rabaa, siyaasiyiinta caafimaadka qabta ee damiirkoodu
nool yahay, culimada iyo dhamaan qaybaha bulshada ee kale, waa in aynu
hurdada ka kacnaa, hadii kale berina waxaan maqli doonaa wasiir dowlad
ku sheegan ka mid ah oo in yidhaahda: waxaa ka mid ah waxyaabaha ugu la
yaabka badan in aynu deganahay dhul ay dowlad kale leedahay!!! Dalkan
iyo dadkan cidina uma maqna ceela uma qodna.
Maamulka Puntland ilaa iyo manta kamaanu maqal oo kama soo saarin wax
war ah oo ku saabsan dhacdadan khiyaanada ah ee foosha xun, waan maqlay
hadal aan rasmi ahayn oo uu yidhi madaxwayne Faroole mar la waraystay,
marka ma waxaad sugaysaan marka xeedho iyo fandhaal kala dhacaan, oo
arinta lagu kala tago, waxaa fiican inaad shacabka maamul ahaan hormood
u noqotaan, mise dee dowlad ku sheega baad la qabtaan, halkay arintan
iska taagtay waa yaabee,
Sidoo kale maamulka Soomaliland wax hadal ah oo arintan ku saabsan
kamaynu maqal, arma laga yaabaa intaynu iskaga jiro riwaayadan inala
macaan ee ah gooni isu taaga iyo way dhaqaaqdayda, in aynu subax soo
toosno iyadoo idaacaduhu leeyihiin, dowlad ku sheegii khiyaano qaran
waxay uga tanaasushay bada woqooyi ilaa iyo meel wax yar u jirta xeebta
Berbera dowlada Jabuuti!!! Walee ma fogaysan karo arintan anigu, ee
markaa miyaanay waajib ahayn inaad kala qayb qaadataan shacabka
Soomaaliyeed difaaca ciida iyo bada, oo aynu bal horta is badbaadino.
Hambalyo iyo bogaadin
Ugu dambayntii waxaan bogaadin iyo hambalyo u jeedinayaa dhamaan
shacabka Soomaaliyeed qaybihiisa kala duwan ee ka damqaday
hagardaamooyinka dhulkooda iyo badahooda loo gaysanayo, waxaan si gaar
ah ugu bogaadinayaa oo ugu hambalyaynayaa bahda shabakada
Somalitalka.com dedaalka aan la soo koobi Karin ee ay u galeen
badbaadinta dhulkeena iyo badeheena, iyo dhamaan aqoon yahanada kala
qayb qaatay ku baraarujinta bulsha waynta Soomaaliyeed xaqiiqada
khiyaanadatan qaran, iyo sidoo kale dhamaan warbaahinta kala gedisan
Ee arintan cadaynteeda ka qayb qaatay, waxan kaloo ku bogaadinayaa
jaaliyada Soomaaliyeed ee London mudaaharaadkii ay ku samayeen safaarada
Kenya, waxaan leeyahay walaalayaal sii laban laab dedaalkiina,
jaaliyadaha kale ee Soomaalida ee daadsan dunida daafeheedana waxaan
leeyahay waa in aynu ku daynaa reer London.
Waxaan kale oo halkan ka bogaadinayaa wasiirka arimaha debeda Md
Maxamed Cabdullaahi Oomaar mowqifkiisa sharafta leh ee uu iska taagay
khiyaanadan qaran, iyada oo ay muuqato inuu ka mid yahay inta laga
qarinaayay oo lagala cararaayay, waayo waa kii ay ahayd in uu isagu
saxeexo arintan oo kale, waxaan kale oo bogaadinayaa oo ku
hambalyaynayaa sida fiican ee uga soo horjeestay khiyaanadan qaran
wasiirka jaaliyadaha debeda C/laahi Axmed Cabdulle (Azhari), sidoo kale
waxaan halkan hambalyo iyo bogaadin uga gudbinayaa xildhibaan garyaqaan
Caydiid Ilka Xanaf iyo dhamaan xubnaha baarlamaanka ee aanan halkan
magacyadooda ku soo koobi Karin ee ka soo horjeestay khiyaanadan qaran.
Soomaalia ha noolaato cadawgeeduna ha jabo, Allaah tacaalaa ummada
quluubtooda ha isu soo jeediyo, oo sharka ha inaga dhex saaro aamiin
Wabillaahi atowfiiq
Essa Mohamoud
almutawaadic@yahoo.com