Home » AmiinYuusuf

Shariif Xasan : Ninba waa markiisee Mus ma kula koray

May 31, 2010
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa loo doortey Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maalintii ka horeysay doorashada waxay Xildhibaanada Baarlamaaku ku sameeyey markii uu soo galay xarunta Baarlamaanka in ay ku fooriyaan, xildhibaanada qaarkood waxay siteen Firimbe, hase yeeshee isaga oo aan iska waalin ayuu ereyo kooban waxa uu ku yiri “Codkiina ayaan idinka rabaa ee fadlan ha la I siiyo”,... 
Halkudheg:

Muqdisho: Magaaladii Fashilka

May 15, 2010
1991dii markii ay burburtay Dowladdii Milatariga ahayd ee uu hogaaminayey Max’ed Siyaad Barre ayaa waxaa Soomaaliya ka bilowday qalalaase kaas oo saameyn ku yeeshay gebi ahaanba dalka Soomaaliya marka laga reebo gobolo sameystay maamulo gaar ah, hase yeeshee magaalada Muqdisho oo ah hooyada burburka iyo dhibaatada Soomaaliya ayaa noqotay magaalo ay ku fashilmaan wax kasta oo la sameeyo ha noqoto... 
Halkudheg:

Maxaa keenay in Adis-Abab heshiis ay ku saxiixdaan Dowladda Federaalka iyo Ahlu-Sunna Waljameeca

Mar 15, 2010
Maalmahan waxa Magaalada Adis-Ababa ee dalka Itoobiya kulan uga socday Dowladda Federaalka iyo Ahlu Sunna Waljameeca, waxaana kullankaasi ka qaybgalay mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan labada dhinac, waxaana heshiiskaasi ka soo shaqeeyey beesha Caalamka oo iyadu dooneysa in Dowladda Federaalka ay xoog milatari ka hesho dhinaca Ahlu Sunna Aljameeca, waxa uuna heshiiskaasi soo maray marxalado kala... 
Halkudheg:

Website-yada Qaar Nooc Isbaaro Cusub | Amiin Yuusuf

Jan 12, 2010
Warbaahinta waxaa Aasaas u ah saddex tiir oo kala aha Jaraa’id oo ah akhris iyo Idaacad oo ah dhageysi iyo Tv oo ah Daawasho, mid walibana si gaar ah ayuu u taagan yahay hase yeeshee markii soo ifbaxeen Technologiyadda Casriga ah ayaa saddexaad waxaa isku darsaday Web-Site oo yeeshay qaybihii Akhriska, Dhageysiyga iyo Daawashada.        Website-yada Soomaaliya oo marba marka ka dambeysa sii... 
Halkudheg:

Mustaqbal ku Socda Qoys iyo Calan | Amiin Yuusuf

Dec 28, 2009
Mustaqbal ku Socda Qoys iyo Calan. Waxaa maalmahan ummadda Soomaaliyeed aad u hareeyey si weyna loo hadal yahay Calanadda kala duwan ee ka soo ifbaxay wadanka Soomaaliya, meelaha dadka isugu yimaadaan ayaa waxaa ka jira guux ku aadan Calanada cusub ee qolo waliba suratay deegaanka ay gacanta ku hayso, dadka qaarkii ayaa leh “War Calankii Soomaaliya ee Buluuga ayaa dhalay Calanada Cusub ee aad aragtaan,... 
Halkudheg:

Puntland: Dulmi Diidow Dulmi Doon ha noqon | Amiin Yuusuf

Dec 22, 2009
  Markii la riday Dowladdii Max’ed Siyaad Barre, waxaa Jabhaddii xukunka ka riday Max’ed Siyaad Bilaabeen xiligaasi in ay qabiil qabiil u dagaalamaan taasina waxay keentay in dad aan waxba galabsan la laayo, “Waxaan arkay isaga oo taar ku hadlaya ee waa in la dilaa”, “Waxaan arkay isaga oo madfac hogaaminaya ee ha la dilo”, “Waxaan arkay isaga oo la shiraya kooxo faqash ah sidaasna... 
Halkudheg:

Burcad Badeeda iyo Hindise Cusub | Amiin Yuusuf

Nov 25, 2009
Wax badan baad maqashay Markab laga leeyahay Wadanka hebel oo wata calanka wadankaas ayaa laga soo afduubay meel xeebta Soomaaliyaga ka baxsan 1000 Km. Burcaddii ayaa waxaa la siiyey lacag madax furasho ah oo gaareysa dhowr Malyan, waxaa fashilmay heshiis u dhexeeyey shirkadda la lahayd Markabka iyo kooxda Burcad badeeda ah ,waxaan dhibaato loo gaystey shaqaalihii Markabka, waxaa la fashiliyey weerar... 
Halkudheg:

Jinnigeygaa Neceb!! | Amiin Yuusuf

Nov 9, 2009
Jinnigeygaa Neceb!! “Naa Walaalay maalmahan kuuma bogin wajigaaga si-si ayuu ila yahay ee maxaa kugu dhacay”, waxay ku jawaabtay “Naa waa runtaa ayaantaan ma fiicni, haddii aan runta kuu sheegana ninkii aan isqabnay ayaan kala tagnay”, Gabadhii kale ayaa inta ay naxday waxay tiri “Ninkii wanaagsanaa ee deeqsiga ahaa , Bashaashka ahaa ee Deriska amaaneyn ee aad kuu jeclaa miyaad kala tagteen?”,... 
Halkudheg: ,

Dameero Dacwo Ah | Qore: Amiin Yuusuf

Oct 25, 2009
Dameero Dacwo Ah. “Waxaan ku soo baxay buuq iyo sawaxan, markaan u kuurgalayna waxaan ogaaday in ay meesha isku haystaan Haweenay iyo Ninkeeda, Haweeneyda ayaa waxay ku doodeysaa “Ninkaan Dameerka ayuu silcinayaa, waxaana ogaaday in marka uu galo aagga ay ka taliyaan Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin in uu Liijaanka ka furo ,Dameerka marka uu ka soo baxna dib ayuu ugu celiyaa wuxuuna dhigtaa Liijaan... 
Halkudheg:

Hoonka Muqdisho – Maqaal xiisa leh | Amiin Yuusuf

Oct 8, 2009
Hoonka Muqdisho Shirkaddaha Gawaarida soo saara inta badan kama tagaan dhawaaqa Hoonka oo ah Calaamad u taagan in Gaari soo socdo, waxaa inta badan loo yeeriyaa Gawaarida aan maqal Guuxa Gaariga iyo dadkaba, waxaana markiiba dhacda in gaarigasi laga leexdo ama seed la siiyo. 20-kii sano ee dagaaladu ka socdeen dalka Soomaaliya, wax walba way is bedeleen, ha noqoto isku socodka gaadiidka iyo waliba... 
Halkudheg:

Suudaan: Dal Isku Tashaday | Amiin Yuusuf

Sep 21, 2009
Suudaan: Dal Isku Tashaday 1992-dii ayaa dalka Suudaan waxaa lagu soo rogay cunaqabateyn dhinaca dhaqaalaha ah iyo waliba dhinaca siyaasadda, hase yeeshee dalka Suudaan oo ka mid ah dalalka ugu waaweyn qaaradda Afrika ayaa cunaqabateyntaasi waxa uu kaga gudbay midnimo guud iyo isutashi, waxayna halkudhig ka dhigteen (Waxaan Beerano Waa inaan Cunaa, Waxaan Sameysanana waa inaan ku Labisanaa), waana... 
Halkudheg:

Baarlamaanka Soomaaliya: Dantii Yaqaan | Amiin Yuusuf

Sep 17, 2009
Baarlamaanka Soomaaliya: Dantii Yaqaan Baarlamaanka Soomaaliya waxa uu kooban yahay 550 xubnood, marka la fiiriyana waa tiro aad u badan, waayo dadka Soomaaliyeed ma xamili karaan tirada intaa la eg, waayo Dowlado ka hanti badan ayaa Baarlamaankoodu intaa ka yar yahay, iyadoo Baarlamaanka Soomaaliyana loo qaybsaday qaab ku dhisan 4.5, iyadoo dhamaantoodna xubnaha Baarlamaanka ay degan yihiin Hoteelada... 
Halkudheg:

Sidee Shacabka Soomaaliyeed u arkeen weerarkii Mareykanka ku qaadey agagaarka Baraawe | Amiin

Sep 15, 2009
Sidee Shacabka Soomaaliyeed u arkeen weerarkii Mareykanka ku qaadey agagaarka Baraawe Ma aha markii ugu horeysey ay ciidamada Mareykanka duulaan ku soo qaadaan dhulka Soomaaliya waxaa horey u dhacay dhowr duulaan kuwaas oo ka kala dhacay Dhoobleey , Baraagaal iyo Dhuuso Mareeb oo lagu diley Aadan Xaashi Cayrow oo ka mid ahaa Masuuliyiinta ugu sareysay Xarakada Mujaahidiinta Al- Shabaab , hadaba midka... 

Somlitalk:Macallinka Bulshada|Amiin

Aug 3, 2009
Somlitalk: Macallinka Bulshada. 1999-kii ayaa dhidibadda loo taagay Web-ka sida weyn u caanbaxay ee Somalitalk oo ahaa web-kii ugu horeeyey ee Soomaalidu ka daalacan jirtay wixii macluumaad ah oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya, waxa uuna indhaha u furay Soomaali badan oo baahi weyn u qabay in ay helaan Web af Soomaali wax ku qora ummadana u dhexeeya layskuna haleyn karo xogta kala duwan ee uu ka soo... 

Waa La Doogiye Yaan La Dacaroon | Amiin

Aug 1, 2009
Waa La Doogiye Yaan La Dacaroon. Sanadkii 20-aad ayaa foodda la sii gelinayaa, Xaalka Soomaaliya waxa uu noqday mid ka sii liita halkii uu sanado ka hor joogay, taana ma aheyn wax la filayey oo waxaa la is lahaa waxbaa soo wanaagsanaan doona, balse arrintu waxay noqotay mid god ku sii dhaceysa, shacabkuna waxa uu taagan yahay Quus, haddana dadka qaar markaat la sheekeysato waxay hadal ku soo koobayaan... 
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...