Wasiirka Tiknaloojiyada iyo Cilmibaarista DKMG
Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa “…heshiiska Isfaham uma
baahneyn in Baarlamaanka la geeyo…” wareysi xiiso badan
XAGAA: “madaxweynuhuna waa ka hadlay waxaa uu
yiri, arrintaasi Baarlamaanku si khaldan ayey u
fahmeen…”
Wasiirka Tiknaloojiyada iyo Cilmi Baarista Dowlada
Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cali Xagaa oo aan wareysi
gaaban oo dhinacyo kala duwan taabanayey kula yeeshey
Hoteel Kempinski ee caasimada dalka Jabuuti
11/09/2009-ka, intii aysan ka dhoofi, ayaa ka hadley
waxa ka soo baxay booqashadii ay ku yimaadeen dalka
Jabuuti, waxa u qabsoomey dowlada intii ay dalka dib ugu
noqotey, halka uu ku dambeeyo heshiiskii Is-afgarad oo
baarlamaanku uu diidey iyo in socdaalkooda ay sii
wadanayaan iyo in kale isagoo arrimahaasi ka hadlaya
waxa uu yiri:
“safarkeenu wuxuu ahaa in labada madaxweyne ay is
akh-baar weydaarsadaan waxa ku soo biirey Arimaha diinta
iyo siyaasada Soomaaliya, waxyaabo fara badan oo fiicana
wey ka soo baxeen oo si wanaagsan ayuu ku dhamaadey”
Xildhibaan
Xagaa mar aan weydiiyey waxa u qabsoomey dowlada intii
ay dalka dib ugu laabatey ayaa wuxuu yiri “waxyaabo fara
badan ayaa inoo qabsoomey, inkastoo weeraro lagu soo
qaadey, iyadoo bil aysan dalka joogin, deegaanada
xiligan ay gacanta ku hayso nabadgelyo laysku haleyn
karo ayaa ka jirta, dowladuna way shaqeyneysaa gudaha
iyo dibadda guulo waaweyn bay ka soo hoysey, qayb ka mid
ah mucaaradkuna wadahadalo ayaa inoo socda, magaalada
muqdisho xaaladeeduna waad la socotaa mucaaradkii waxay
noqdeen Idaacad ku nool, sababtoo ah waxay sameeyaan
arbushaad, mana ahan xiligan kuwo awood leh oo meel
qabsankara, xoogooduna maalinba maalinta ka dambeysa way
sii daciifiyaan, mana jirin ujeedo siyaasadeed oo dagaal
lagu hogaamiyo ee ujeedkoodu wuxuu ahaa dowlada Qoorta
kaga duubnaada, arbushaadooduna wey dhamaandoontaa marka
ay soo gebageboobaan Qorshayaasha dowlada ee lagu
habeynayo ciidamada iyo abaabulka shacabka, nimankan
mucaaradka ah shacabkii khaati ayey ka taagan yihiin
mana jecla, dhowaana hadii Alle idmo caasimadu waxay
kusoo wareegidoontaa gacanta Dowlada, dalkuna si tartiib
tartiib ay isugu balaarin doontaa dowlada, waxaana
filayaa in Ummadda Soomaaliyeed ay garab istaagi doonaan
dowladooda”.
Mar aan weydiiyey Wasiirka Cilmibaarista iyo
Tiknaloojiyada DKMG Md, Xagaa Xukuumadu dalabaadkii ay
u gudbisey Baarlamaanka ee heshiiskii Is-afgarad,
islamarkaana uu baarlamaanku diidey ansixintiisa, halka
uu ku dambeeyo arrimihiisa ayaa wuxuu ku jawaabey
“heshiiskaas arrimihiisa Baarlamaanku waa
diideen, Xukuumaduna way isku raacdey, madaxweynuhuna
waa ka hadlay waxaa uu yiri, arrintaasi Baarlamaanku si
khaldan ayey u fahmeen, marka xiga heshiiskaasi Isfaham
uma baahneyn in Baarlamaanka la geeyo, laakiin waxaad
moodaa in dad badan ay ku kiciyeen tushuush, wuxuuna
noqdey arrin xasaasi ah, markii ugu dambeysey
madaxweynuhu wuxuu yiri waxaanu u saaridoonaa khubaro
Soomaaliyeed oo arinta is waafajiya oo mush-kiladaha ka
imaanaya dadka ay u sharxaan, taasina way socotaa, xagii
kale ee International-kuna waa uu ka socdaa wuuna fiican
yahay”!!.
Sidoo kale mar aan weydiiyey Wasiirku in heshiiska
Is-afgarad Qaramada midoobey ay go’aan ka gaaridoonto
bishan aynu ku jirno marka waxa u qorsheysan oo ay kaga
jawaabayso dowlada arinkaas ayaa wuxuu yiri
“walaahi xog dheeraad ah kama hayo xiligan, waxaana
jooga Wasiirkii qaabilsanaa arintaas, waxaana jeclaan
lahaa inaad isaga weydiiso”.
Xildhibaan/Wasiir Maxamed Cali Xagaa
Wasiirka mar aan weydiiyey su’aal ahayd Waxaa nagu
maqaalo ah isku shaandheyntii uu Ra’iisul Wasaaruhu
Golihiisa Wasiiradda uu ku sameeyey in ay ku timid
khilaaf isaga iyo qaar ka mid ah Golihiisa Wasiiradda
marka arrimahaas maxaa ka jira waxa uu ku jawaabey “taas
waxay ku fiicneyd in Ra’iisul Wasaaraha la weydiiyo,
laakiin aniga Xukuumada ayaan ka tirsanahay ma ogi wax
khilaaf oo ka dhex jira Xukuumada, sababtoo ah Wasiir
waa la dhaliili karaa Jago kale waa la geyn karaa,
taasina waa awooda Ra’iisul Wasaaraha”.
Ugu dambeyn Maxamed Cali Xagaa mar aan weydiiyey
Safarkiinu ma dalall kale oo caalamka ah ayaad uga sii
gudbidoontaan mise dalka ayaad dib ugu noqoneysaan ayaa
wuxuu yiri “Safarkeenu xiligan wuxuu ku kooban yahay
Jabuuti, balse marka aan dalka dib ugu noqono waxaa laga
yaabaa in safari kale la aadi doono” ayuu hadalkiisa ku
soo gebagebeeyey Wasiir Maxamed Cali Xagaa.
AKHRI:
Madaxweynaha DKMG Soomaaliya Sheekh Shariif oo ka
Dhoofey Dalka Jabuuti (Sept 11, 2009)
Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk
Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Friday, September
11, 2009