SOMALITALK.COM Dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALIA FOR SALE

Somalia for Sale

Soomaaliya waa iib (6)

DEEQ BIXIYEYAAL MISE QAAMEEYE YAAL?

(DONORS)

Qore: Axmed sadiiq
Sadiiq120@gmail.com

Waa barnaamij toddobaadle, taxane ah...



Hordhac

Qormadaan waxaan ooga hadlayaa waxa loo yaqaan deeq bixiyaasha Soomaaliya, waxaan ka jawaabi doonaa su'aalaha ah, yaa lagu magacaabaa deeq-bixiyeyaal?, yaa lasoo mariyahaa deeqdaa?, hay'adaha ka shaqeeya Soomaaliya waa meeqa?, siiba kuwa hoos yimaada UN-ka, Walad Cabdalla malagu tilmaami karaa Paul Bremer kii Soomaaliya? Miisaaniyadda UN-ku u dalbatay Soomaaliya waa meeqa?, lacagtaasi ma deyn baa mise deeq? Yaase lagu leeyahay?, xagee ku baxaday?,  TFG maxaa loo gaajaysiinayaa?, National Democratic Institute(NDI) Mataqaanaa? Iyo arrimo kale oo badan.

DEEQ BIXIYEYAAL (DONORS)

Magaca sida ka muuqata deeq bixiyeyaashu waxay inta badan lacagta siiyaan dawladaha aan awoodin in dhaqaalahoodu ku filnaado, mar walba oo uu dhaqaalaha wadankaas isku filnaansho gaaro wuxuu noqon karaa deeq bixiye (donors), dhagahaaga waxaa mar walba ku soo dhaca deeq-bixiyeyaasha Soomaaliya waxay ugu deeqeen lacag dhan intaas, ama waxa ay ku shireen magaalo hebel, hadaba deeq bixiyeyaashu waa badan yihiin waxay iskugu jiraan hay'ado iyo dawalado intaba, waxaana kamid ah, AG-Fund, Belgium, Canada, Denmark, UK Department for International Development (DFID), European Commission, Finland, Global Fund for AIDS, Tuberculosis and Malaria (GFATM), Ireland, Italy, Japan, League of Arab States, Netherlands, Norway, Sweden, USAID, World Bank iyo Zayed Foundation.

HALKEE LACAGTU SOO MARTAA? (Operating Channels)

Deeq bixiyeyashu Badanaa wadada ay isticaalaan waa UN-ka, MIISAANIYADA AY DALBADEEN 2010-2011 FIIRI HALKAN siiba hay'ada u xilsaaran mashaariicda ee UNDP, lacagta ay bixiyaan deeq bixiyeyaasha dadkii loogu tala galay inta aysan soo gaarin waa lakala qaybsadaa ,urur ama hal hay'ad ma maamusho, siiba wadan sida Soomaaliya oo kale ah, sida Website ka UN-ka ku cad waxaa jira ilaa 18 ha'adood oo ku abtirsada UN-ka, kana shaqeeya waxaana ugu muhiimsan:

 United Nations Development Programme Somalia (UNDP)

Waa hay'ada uu xilsaaran UN-ka hormarinta barnaamijta UN-ka ee Soomaaliya, waana mida ugu saameynta badan marka mashruucyada iyo hormarinta laga hadlayo. waana hay'ada xooga ku haysata Soomaaliya, waana mida shaqada dawalada Soomaaliya ragaadisay, waana midda biisha dawalada, waaba hadii ay biilaan oo aysan afka ahayn, waana mida baarlamaanka siisa mararka qaar mishaaraadka ,waana hay'ada mas'uuliyiin badan markay yara wareeraan xafiisyadooda Nairobi u soo dhuuntaan si'ay oola kulmaan ama lacag ooga qaataan, saldhigeedu sidii tii hore waa Nairobi, shaqaalaha ka shaqeeya ayaduna waa sidii (OCHA) waxaa u badan dad aan Soomaali ahayn, maxaa kuu baxay ?

United Nations Political Office for Somalia (UNPOS)

Waa xafiiska ka shaqeeya arrimaha siyaaasadda ee Soomaaliya, waxaadna ku xasuusan kartaa Walad Cabadala, badanaa waxaa madax ka ah wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay, Walad Cabdalla fadhiisiga xafiiskan waa yaraa waayo wuxuu isku arkay nin ah xaakimka Soomaaliya, wuxuu u dhaxeyn jiray safaro iyo kulamo uu caalamka kala yeelanayo arimaha Soomaaliya,  iyo inuu mar walba soo diyaariyo heshiisyo daba go'an oo dadka heshiiyay aysanba garanayn waxa ay ku heshiiyeen, sida kii Djabuti oo ilaa hada lagu wareeray ARS ta, iyo TFG dii maxay ku heshiiyeen wax qoran waa la waayay, aan ka'ahayn in la qaybsado xukunka ilaa aakhirkii ARS-ta lawareegtay xukunkii oo dhan ama si kale u dhig ARS tii isku badashay TFG, waxaad kaloo ku xasuusataa Walad Cabadala heshiiskii dawlada iyo kooxda Ahlu-suna kala saxiixdeen, kooxdaasina waa wareereen, oo markay muqdisho wasiiradda u soo raadsadeen ayaa loo aamusay waloow ay weli rajo qabaan, waxaa saas wax u wareeriyay waa Walad Cabdala la soco, marar qaar waxaan ku tilmaamaa ninkii markii ciraaq la qabsaday loo dhiibay xukunka ee la oran jiray Paul Bremer, waxaa uu ahaa ninkii sameeyay axdigii ku meel gaarka ahaa ee ciraaq, waa ninkii sameeyay fikarada ah sunni iyo shiico, in Sunnigana la xasuuqo Shiicadana la garab-sado, waa ninkii sameeyay federal fikrada ah, waxaa xusid mudan badanaa madaxa xafiiska UNPOS waxaan arki jirnay marka dagaaladu darsadaan, ama khilaaf jiro ama mashruuc laga rabo dawlada in ay fuliso Villa Soomaaliya lagama waayi jirin, hadalkiisa ama inuu yimaado midkood, waxaa uu isticmaali jiray international community gu waa ku garab jooga madaxweyne, ama niyada ayuu u dhisaa madaxda dawlada waxaa uu ku jiray dadka ugu soo wicida badan dhanka teleefanada, waxaa uu u dhaqmi jiray sidii asagoo ah madaxweyne, ama ku xigeen.

UNPOS hay'adaha diblumaasiyiinta badanaa waa ay ku xirnaayeen, haday noqoto warbixino(reports) sida waraqadaha qurba-joogta uu u qoro warqadii ugu horeysay wuxuu qoray 06 May 2008 tan ugu danbeysana wuxuu qoray 19 Aprill 2010 (No:24). Haddii mas'uuliyiinda dawalada shirar ka qayb galayaan lama soo weydiinayo lalamana soo xariirayo wasaarada arimaha dibadda, waxaa la weydiinayaa UNPOS ayagaana go'aan ka gaaraya, waxaa kaloo uu ahaa lataliyaha arimaha dibada, dawladaha lala coloobayo, kuwa lala saaxiibayo, waxaa go'aankaas lahayd UNPOS, waxaa taas daliil u ah isku soo dhawaanshihii dawaladda Ethopia iyo kala fogaanshihii dawaladda Qatar, iyo horumar la'aanta dib u heshiisiinta, waxaas oo dhan waxaa farsama yaqaan ka ahaa xafiiska siyaada ee UNPOS,.

Dhibka ugu weyn ee dawlad walba la socon wayday waxaa koow ka ah hay'adahaas dhooban Kenya hadana  magaca Soomaaliya u jooga iyo is-daba marinta dhaqaalaha Soomaaliya loogu tala galay ama lagu magacaabay.

GAAJEYSIINTA TFG.

Hada ka hor waxaan qoraalladii hore ku soo sheegay lacago badan oo la yaboohay hadana aan la helin, hada waxaan rabaa inaan sheego deeqahaas dawalada ilaa hada inta la shaaciyay inay heshay iyo ciidamada AMISOM inta ay heleen si'aan isku barbar dhigo.

Shirkii ka dhacay Brussels April 2009 waxaa lagu yaboohay lacag badan sida 196.5 million (boqol sagaashan iyo lix shan Million iyo bar Dollar).

30kii April waxaa lacagtii lagu deeqay ee ahayd 77.7 million la gaarsiiyey ilaa 147.6 million, lacagtaas sida ku cad warbixintii May 2010 ee Walad Cabdalla u gudbiyay Ban Ki Moon 75% waa la bixiyay, waxaa kaloo jira deeqo kale oo tan ka baxsan sida warbixitaas ku cad (fiiri paragraph- ka 25 ee warbixinta), lacagtii lagu yaboohay 21.1 million oo la helay, 3.6 (sadex Million iyo lix boqol oo kun) AMISOM gacanteeda ayay ku dhacday, 340,000 (sedex boqol iyo afartan kun) dawllada ayaa heshay, 5.9 million kale AMISOM, 11.2 million amniga iyo mu'asasaadkaa lagu bixiyay Soomaaliya.

Dhinaca kale 10 million(toban milyan oo doolar) waxay katimid Japan waxaa lasiiyay booliska Soomaaliya hal ( 1) million, waxaa laga helay Luxembourg, (200,000) laba boqol oo kun waxaa bixisay Sweden waxaana  lagu qarash gareeyay caafimaadka sida war bixintu sheegtay. (28.7 ) million labaatan iyo seeded milyan midawga Africa ayaa helay, intaa waxaa sii dheer mid gooni ah oo gaaraysa (9.6) Million oo Amisom heshay, adigu total samee inta Afrikaanku heleen iyo inta dawaladu heshay, waxaa kuusoo baxaya waxa meesha ka socda waa qorshe fog oo hada aysan soomali fahmayn.

Waxaan bogga intenetka ee BBC Soomalia ka akhriyay qiso marka hore kuula eg qosol, hadana anigu aan u fasirtay wareer guud waa gabadh soomaaliyeed; waxay tiri waxaan u imid siminaar wadamadan yurubta wadan kamid ah hadana siminaarkii waan fahmi waayay, gabadhaas mahayso aqoon xumo waayo waa qof baranaysay takhtirnimo sida ay sheegtay, laakiin waxaa ku dhacay wareer keenay in ay fahmi weydo waxa socda, waxa ay kororsanayso iyo danta Siminaarkaan loo qabtay, qofka soomaaliga ah maanta waa gabadhaas oo kale waxaa uu fahmi la'yahay waxa socda, waxaa kaloo kuusoo baxaysa gaajeysiinta TFG da waa loogu tala galay ayaguse mafahmayaan, dadkii in lakala fogeeyo waa loogu tala galay ayaguse mafahmayaan.

Mas'uuliyiinta ugu sareysa dawladda mid kamid ah ayaan su'aal weydiiyay bishii Octobar 2009, waxaan ku iri waa maxay shiidka haysta dawaladda?, wuxuu iigu jawaabay asaguna luuqadii aan ku weydiiyay mid lamid ah, liifada ayaa naloo gaabiyay (macanaha waa naloo aamusay wax in aan la siin baa loogu tala galay), ana waxaa ku iri; oo anaguna maan liifadda u gaabsanno?, oo dawladaha madaxa adag ku xiranno sida Iiraan iyo Venezuela? Laakiin igama uusan hoos qaadin.

Fiiri shaxdan WARBIXINTII  MAY 2010 WALAD CABADALLA GOLAHA AMAANKA SIIYAY AKHRI

SOMALIA AMISOM
11.2 Million 3.6 Million
340 kun (sadex boqol afartan kun) 5.9 Million
10 Million 28.7 Million
1 Million 91.6 Million
200 kun(laba boqol oo kun  
   
Total = 22.74 (labaatan iyo laba milyan todoba boqol iyo afartan kun) Total  = 129.8 AMISOM /African union (boqol afartan iyo koow malyan iyo seeded boqol oo kun)

F.G LACAGATAN WAXAA AY KA BADAN TAHAY LACAGATA TFG DA HESHAY 6 JIBAAR LACAGTANA WAA YABOOHII APRIL 2009 EE BILJAM LACAGTII LAGU YABOOHAYNA WAA LA BIXIYAY BOQOLKIIBA TODOBAATAN IYO SHAN 75% SIDA WAR BIXINTA KU CAD.

SU'AASHU WAXA AY TAHAY YAA LOO YABOOHAY? SOOMAALI MISE AFRICAN UNION MISE AMISOM ?

XISAABI XIL MALEH.

Badanaa ereygaan waxaa loo is-ticmaali jiray in lagula dagaalamo haday jiraan wax dhunsi iyo musuqmaasuq, maanta waxaas majiraan ha'aadkii wax la xisaab tamaya malahan, waxaa Nairobi jooga boqolaal ku shaqeysta magaca Soomaaliya, waxaa maalin walba Soomaaliya loogu deeqaaa lacago, hadana dadkii waxaa ay u dhamaadeen gaajo, waxaa lagu dul quudinayaa 4 kun oo asakar Africaan ah xataa xishood ma jiro,  dawalada waxaa u diiwaan gashan oo ay mar walba ku tuugsataa 10 kun oo askari, waana inta Soomaaliya loo ogolyahay, (sababta aysan uga badin Karin adiguba is weydii) maanta shir walba madaxda waa ka sheegaan oo waxaa ay af labadii ku dhawaaqaan 10 kun oo askari baa noo xareysan.

Hay'ado iyo qawlaysato jooga Nairobi, Adisababa iyo muqdisho ayaa qaybsada lacagta magaca Soomaalida lagusoo qaado.

YAA QAAMAYSAN.

Malasocotaa 526.2 million oo dayn ah in bangiga aduunku Soomaaliya ku leeyahay?, lacagtaas sida uu bangigu sheegay 40 mashruuc buu ku fuliyay laga soo bilaabo 29kii Maarso 1965 tii, mashruucaas wadooyin baa lagu dhisay ID PROJECT (ID POO2437) kii ugu danbeeyana waxaa laga qaaqatay 26 oktobar 2009 ID PROJECT(ID P119428) sida meesha ku qoran waxaa lagu fuliyay ,vaccines and cold chain equipment(macnuhuna yahay qalab qaboojiyeyaal tallaal) kala fiicnaa labadda mashruuc.

Waxaa xusid mudan deeqaha qaar badani waa deyn ah, mana maamulan kartid dayn iyo deeq wixii lagu siiyaba, maxay marka deeq katahay oo dadkii inta loogu tuugsi tago hadana waxii loo soo helay caasimadaha Afrika loogu cunayaa, mida kale maxaa deynta wadanka loogu sii badinayaa oo lacagaha loo sii aruursanayaa? maxaase deeqo bangiyo ku jira loola baxayaa hadii aanba waxii horay loo helay lamaamuli Karin? Waxaa dhab ah wadankaan ilaah baa leh asagaana ilaal sanayo, ragga beecsanayana waa muuqdaan, haddii cid wax ka qabata la helo.

National Democratic Institute(NDI)


Kulankii NDI u qabatay XIldhibaanada DFKMG...
(Sawirka: NDI)

Sida magaca kaaga muuqata waa machad waxbarasho, wuxuuna kamid yahay qaybaha Soomaaliya ka xoolaystay, wuxuu qandaraas ku qaatay siminaarada laamaha TFG-da lasiinayo, qaab silloon ayuuna wax ku wadaa, tusaale ahaan koox xildhibaano ah ayay waxay iskugu keenayaan Nairobi waxayna siinayaa siminaar ku saabsan tusaale ahaan qaab dhaqameedka xildhibaanada, oo waxaa ay barayaan hadaad madasha shirka iskugu timaadaan firibi haqaadanina, miiskana haku fariisanina, kursigana ha fuulina, ma xuma in xildhibaanada intaas la baro waa u baahanyihiin!!.

Waxaa jira wax la yiraahdo habeyn-dhax la qaato calaa qof 150$, waa nasiibkaa hadba waa kala duwanaan kartaa, marka siminaarada waa la'isku dilaa, lama helo meeshana waxba laguma barto, dantu waa lacagta xildhibaankii mishaarka aan qaadan sanadka haduu laba asbuuc kusoo dhufto 2100 USD muxuu ku diidayaa?.

Inta badan is daba marintu meel walba waa gashaa, machadkaa laftiisu habayn dhaxyada iyo kharashaadka qaabka uu u xisaabaa waa sheeko dheer. Anigu April 2009 ayaan ka qayb galay siminaar loo qabtay shaqaalaha xafiiska madaxtooyada iyo kan ra'iisul wasaaraha, shaqaalihii intii ilbaxa ahayd oo horey siminaarada u aadi jirtay caddaan ayay waxoodii u qaateen (waxaa jira dad siminaar walba loo diro ama Nairobi iska dagan oo siminaarkii soo baxaba ka qayb gala si'ay lacagta u qaataan), intii hor u jeedka ahaydna afka ayaa ciidda loo galiyay, oo Hotel ayaa la dajiyay makhaayadaasna ka noolaada ayaa la yiri, hadhawna kharashka idinku baxay iyo habayn dhixiinii waa isku go'een ayaa loogu soo koobay, markaasay isku waraysteen oo beesha caalamka ma tuugaa ku jirta?.

Ugu danbayntii waxaas aan hada soo tilmaamay magaca Soomaaliyeed ayaa lagu qaadaa, deyn badana waa ku jirtaa oo nalagu adoonsan doono, deeq abaal sheegad keeda nalagu leeyahayna waa la socdaa, hadday sidaas kusii socotana waxaan ka baqayaa inay gaarto wadan walba intuu nagu leeyahay wadankeenna qayb ha u qaato, inay Soomaaliya beec tahay ma igu raacday?. 

AKHRI qaybta 7aad

| Q.1aad | Q.2aad | 3aad |  4aad | 5aad | 6aad

Qore: Axmed sadiiq
Sadiiq120@gmail.com

Qoraaga warbixintan waxa uu muddo ku dhawaad ah sanad ka shaqeenayay xarunta Villa Soomaaliya (Madaxtooyada) ee xukuumadda hadda ka jirta Soomaaliya. Qoraagga ujeedadiisu ma aha in qof si khaas ah u falan qeeyo, laakiin marka la fiiriyo xaalada dalka uu marayo iyo asagoo mararka qaar is dhaha Wax yaalaha qaar hadaad ka aamustid armaad danbi ka gashaa ummadda Soomaaliyeed awgeed ayuu u qoray qoraaladan xiriirka ah oo ku saabsan Somalia for sale (Soomaaliya waa iib) safaaradaha iyo badda iyo dhulka. Qoraagu waxa uu aaminsan yahay in waxa Soomaaliya ka socda ay yihiin boob qarameed oo meel walba ah, oo ay waajib tahay in la galo dagaal lagu bad-baadinayo hantida guurta ah iyo midda maguurtaba ahba.

Faafin: SomaliTalk.com | June 20, 2010

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: