SOMALITALK.COM Dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALIA FOR SALE

Somalia for Sale

Soomaaliya waa iib (3)

SHAXDA GOLAHA WASIIRRADA

Qore: Axmed sadiiq
Sadiiq120@gmail.com

Waa barnaamij toddobaadle, taxane ah...



Hordhac :

Sidaan ognahay boobka kajira Soomaaliya waxaa kamid ah: xukuumado lagu soo wada dhisay dibaddaha, ahna ku wada meel gaar. Qormadaan waxaan ku xusi doonaa goob jooge ahaan anoo ahaa, 460 maalmood maxaa u qabsoomay xukuumadda? sidee lagu soo doortay ama lagusoo xulay?, qaabkee u shaqeeyaan wasiirradu? Adigu akhristoow ma rabtaa inaad wasiir noqoto? Maxaa shuruud ah?.

Dib u eegid (review)

Waxii dhacay 28 May 2010 waxaa lagu tilmaami karaa afgabi aan dhiig ku daadan, waayo waa uu muuqday hadana lama joojin karin waayo darawalka waday gaariga ayaa ahaa khabiir hadana wali gaarigii waa uu wadaa aloow yuu na jiirin. Qoraaladii ku soo baxay Somalitalk.com 16 May 2010 ee ahaa Somali for sale qaybtii wasaarada maaliyada waxaan ku sheegay in la rabao in la bur buriyo xukuumada g/baarlamaanka, laakiin qolyaha raba in ay wax la xisaabtamaana qofkii la rabay in lala xisaabtamo uu u socdo meel ka weyn hada meesha uu joogo, su'aashu waxay tahay xisaabtankii mala ilooway, xilwareejinta wasaaradda maaliyada goormay dhici doontaa, horta xil wareejin iyo xisaabtan ma dhici doonaan, mise waa halagu kala tago baarlamaanka Soomaaliya, waa baarlamaanka aduunka ugu cajiibka badan, baarlamaan khamiistii buuqay oo uu ka hadli waayay gudoomiyahooda cusub, hadana ay doorteen Jimcihii , macnahaas haduu wax ku tuso waxaa uu ku tusayaa in baarlamaanka Soomaaliya ay far ku jirto oo haduu raba xataa uu u codeen karo in Soomaaliya lagu wareejiyo dawladdaha dariska waa hadii mooshin noocaas ay keenan xildhibaanada qaar.

Xukuumado wada geeddi ah

Maanta xukuumada jirta waa tii afraad oo dibadda lagusoo dhiso intii dalku bur buray, waana midda aan anigu la saan qaaday intii xukuumado dibadda lagu soo dhisayay, waana mida kaliya ee aan si dhab ah uga sheekayn karo, kuwa kalana ayada uga qiyaaso.


Dhaarta wasiiradda FEB-2009

20 kii Febraayo 2009 ayaa xukuumadda hadda jirta lagu soo dhisay Djabuuti waana maalintii la dhaariyay, dhaartii waxay u dhacday si la yaab ah, wax laxuso oo diplumaasiyiin caalami ah meesha dhaarta ma段maan,waa madaxtooyada Djabuuti, kasoo qayb galayaasha waxaa ugu cad caddaa nin aad dadku u garanayeen laakiin aniga aanan markaas garanayn waji ahaan, waa ninka layiraahdo Gabre. Gabre soo galitaankiisa madaxtooyada buuq bay ka dhex dhalisay qolada u xilsaaray amniga iyo ilaalinta meesha, oo waxaa la,is weydiiyay Gabre yaa u yeeray? Buuq kadib baa waxaa soo yeertay Gabre maaha Gabrahaad tiqiineen ee waa nin diplumaasi ah oo wuu dalacay IGAD ahaan buu u joogaa. Raggii waa iska aamuseen asagiina meeshii buu dhex fadhiyay oo buuqa warba kama hayn maadaama uu dalacay.

Waxaa kaloo meesha ka dhacay: dhaartii wasiiradda la dhaarinayay ayaa kooxba koox mar loo yeerayay kadib yeeritaankii wasiir ku jiray baa fadhiga ka kici waayay, waayeelnimo darteed kadib baa garabka lasoo qabtay oo kitaabkii gacanta loo saaray.

Waa dhamaatay dhaartii. Cidii lasoo raray, 23 Feb 2009 ayaan kasoo degnay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde Airport. Reerkii waxaa uu dagay madaxtooyadda, waa qaybtii madaxtooyadee, waxaan arkay waxaa iigu darnaa xukuumadii ama madaxtooyada Soomaaliya shaqaalaheedii waxay la guureen madaxweynihii hore. Hadda waxaa yimi shaqaale cusub iyo madax cusub laba maalin kadib baan waxaan arkay hal qof oo la段i sheegay in uu ka haray shaqaalihii hore asagaan wareystay maadaama aan rabay in aan fahmo sida madaxtooyo looga shaqeeyo, anaguna aa nahay dad cusub. Wuxuu ii sheegay in waxii shaqaaale ahaa ay wada guureen markii uu is casilay madaxweynihii hore C/laahi Yuusuf, xafiisyadii waa wada buuxeen oo wax walba oo uu u baahanyahay xafiis waa yaaleen, Computers, kuraas, Miisas, Mukeyefyo qalab xafiisyeed, waxaa xusid mudan in xataa waraaqaha wax lagu qorto ee ay dawladii hore oga tagtay madaxtooyada ilaa November 2009 waa soo gaareen, waxaa intaas dheer oo aan ogaadayba madaxweyna walba iyo wasiir walba in uu la段maado markuu imaanayo shaqaalihiisa haduu tagayana uu la tago mar walba waa qolo cusub inta ayba la qabsanayaan meesha laga jiro ku dhamaataa ku meel gaarkii, majiro wax la dhaho (civil servant) macnaheedu yahay shaqaale dawladeed oo ayagu aanan isku badalin is bad badalka dawlada ku meel gaarka ah, hadii aan laga bixin kumeel gaarka waligeed meeshaaas dhaafi mayso, maalin walba wax wada cusub iyo dawlado ku meel gaar ah unbaa lagu jirayaa.

Shaqo maqabtaan wasiiradu?

Xukumaadan waa xukuumad aad wasiiradeedu u badanyihiin, dadka qaar waxaa laga yaabaa in ay is weydiinayaa wasiiradaan xagee ku shaqeeyaan? ,waxaad ogaataa wasiirkaan maaha wasiirkaad maqli jirtay, waa wasiir seexda hotel, marka hadana aan xafiis lahayn, baabuurna wadan. Baaritaan aan sameeyay waxaan ku ogaaday afartan iyo dhowrka wasiir qaar ayaanba waligood kursiga xafiisnimo ku fadhiisan, 80% wasiirada xafiisyo malahan haday leeyihiina ma'aadaan, ma'u maleynaysaa 6 wasaaradood baa fadhiista xafiisyadooda. Shaqdda uugu badan ee uu qabto wasiirka waa in uu balan ka sameystaa labada xafiis ee aadka u shaqeeya, badanaana waxay qabtaan shaqada ah qaabilaad aan badanaa macna lahayd una badan waqti dhumis.

TV-ga CBS Channel ayaa waxaa ay mar codsadeen in ay wax ka ogaadaan dadka uu qaabilay Obama 100 maalin ee ugu horresay shaqadiisa magacyadooda, taasna waxay ooga danleenahay bay yiraahdeen in aan bal ogaano siyaasada Mareykanka meesha ay ku jaheysantahay, sababtoo ah qofkastoo la qaabilaa, talo iyo aragti ayaa la is dhaafsanayaa, Allow yaa baara dadka lagu qaabilay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya iyo kan Ra段isul wasaaraha iyo waxtarkooda, waxaan filayaa waqtiga ugu badan in lagu qaabilay wasiirro labada mas置ul u socday. Taasna farsamo aan tilmaami doono ayay xambaarsantahay.

Taas waxaa bar bar socda wasaarado aan badnayn baa subaxii fura xafiisyadooda ayaguna meeshay ku qaxweeyaan, oo wasiirku maxuuba qabtaa meeshuu ka wasiir noqon lahaa rag kalaa wasiiro ka ah. Nin wasiir ah baa maalin xafiiska noogu soo galay, markuu nooga sheekeeyay safara badan oo uu soo galay waxaan ku iri mudane wasiir maanta manala joogaysaa? Mise diyaarad baa kuu taagan? inta uu qoslay buu yiri hal kalmad baan rabaa madaxweynaha in aan u sheego waanba sii baxayaa, waana wasaaradda ugu shaqada badnaan lahayd maanta oo la rabay in laga shaqeeyo haddii shaqo jirto.

Waxay kaloo wasiiradu ka simanyihiin inay qurba joog yihiin oo aysan ku jirin wasiir xaaskiisu Muqdisho ama gobollada u dhow joogto, ee kulligood iskaabulo yihiin, iskaabulo-nimadaas waxaa la wadaaga: Sh. Xassan Daahir Aweys iyo Abuu Zubayr (Axmed Cabdi Godane) iyo Guddoomiha cusub ee baarlamaanka ex-wasiirka maaliyada Shariif Xasan iyo Ra'iisul wasaaraha Cumar C/rashiid oo dhammaantood xaasaskoodu joogaan dalka dibaddiisa, marka madaxda oo dhani maxay cidahooda u qaxsadeen?.

Nasiib (luck)

Raadin safiirnimo helid Ra段isul Wasaare:

Dadka nasiibka wax ku helay waxaa kamid ah wasiirka koowaad ee xukuumada hada jirta, waayo Jabuuti shirarkii socday shaqo kuma lahayn, maalin uun buu diyaarad soo raacay asagoo quud dareenayo in bal waraaqo safiirnimo oo laga hakiyay inuu dawladdaan cusub ka dhamaysto, wuxuuna raadiyay qof uga ergeeya dawladdaan cusub si置u u helo safiirnimo, wuxuu kasoo degay Airporka Jabuuti, Hotel ka fog hotelada dawladu u badnayd ayuu iska dagay, kadib nasiibkiisa meesha waxaa ka socday olole ku saabsanaa yaa noqonaya R/wasaare. Ninba nin buu keensaday, asagu markii hore uma war hayn. Kaddib baa lasoo ogaaday nin noocaas ah in uu jiro oo aabihiina madaxweyne ahaan jiray, waxaa soo helay wasiirkii hore ee maaliyadda Shariif Xasan, adoo safiirnimo waayay Ra段isul wasaare hel nasiib kaaga saas ma noqon karaa? Sababaha aan meel u gaari weyney ayay kamid tahay, ama halagu soo helo ama halagu wato ina wax lagu helo.

Wasiirnimo jago banaan ( Minister)

Hubso marka hore hadaad tahay Soomaali jagadda banaan waa wasiirnimo, hana deg dagin si aad u hesho wasiirnimada, marka hore soo buuxi shuruudahan haddii aadan buuxin karina heli maysid  ee ha'is daalin:

Qodobka koowaad: waa in aad ahaataa goob jooge oo aan lagaa weyn Muqdisho, siiba 4.5 ka waxyaalihii ugu xumaa ee ay keentay waxaa kamid ah buuxi meelaha banaan ee ma'ahan ku buuxi qof maqan ee waa ku buuxi qof goobjooge ah, jagada wasiirnimadda xul ma'ahan ee waa xal, macnaheedu waa laguma soo xulanayee wax baa lagugu xalinayaa.

Qodobka labaad: waa in wajigaaga aad laguu yaqaanaa, aqoontuna ma'ahan mida ku xiran shahaado ee waa in ay badantahay imaanshahaaga xafiisyadda madaxtooyada kan madaxweynaha iyo kan r/wasaarahaba balantaadu habadato, balanta waxaad ku gali kartaa labadaas xafiis afgarasho ah waxaan wadaa arin muhiim oo qaranka dan u ah, kadib dantaada kahadal. Arrinkaas badanaa saas ayaad ku wadaysaa ilaa marka danbe balan la'aan adoo ah aad iska imaan kartid waayo aad ayaa lagaaga bartay xafiisyada asxaabna waad ku yeelatay meesha oo waxaad gaaraysaa heer ah in markaad timaatid shaah laguu keeno oo aad ku falanqaysid siyaassada Soomaaliya xafiisyada kala duwan dhexdooda. Waxaan la kulmay qof yeelay sida aan hada sharxay oo shaaha nala cabi jiray maalin maalmaha kamid ah baan weydiiyay oo aan ku iri nin yahoow ma balan baad maanta lahayd, waxaa uu iigu jawaabay mayee ragaan soo salaamayay, waan ku qoslay waayo waxaa uu ii sheegay in uu wato basaboor YURUB ah raadinayana boos haduu waayana uu rabo in bal xafiiskaan madax meel looga galiyo. Ninkii aad buu u dadaali jiray oo markaan arkaba waxaan dhihi jiray niyadda dhiso wasiiro ku xigeeno ayaa la sameenayaa mar dhaw, afkaaga caano lagu qabay buu iigu duceen jiray, ninkii asaga ahaa jago weyn buu helay aakhirkii oo uusanba ku fakarayn markaas ayaa iigu danbeesay.

Qodobka sedexaad: Waa in lagu keensadaa , tan micnaheedu waxaa weeye in qof kamid ah odayaasha cida ama wasiir nin noqday uu yiraahdo ninkaas waa nin noqonkara wasiir sababtuna uu ku macneeyo in aanba lahayn qof kale oo buuxiya booskan oo jooga hada, marka loo eego reerka iskaleh jagadaas ayada ah, sidaas darteed ay muhiim tahay in loo dhiibo qofkan asaga ah . Waxaa kaloo lamid ah in ay ku keensadaan wax loo yaqaano beesha caalamka ama dawladaha Soomaaliya danta gaarka ah kaleh, badanaa caalamku dadka waa uu keensadaa taasna waxaa loo sii shardiyaa in aad la soo shaqeesay ha'adaha caalamiga sida UN ka, oo aad ka haysato amaan iyo taskiyo. Waxaan arkay waxaa iigu darnayd qof haysta dhalashadda dawlad ka mid ah kuwa aan dariska nahay oo waligii aan Soomaaliya imaan ayaa waxaa keensaday qolooyin kuwa wax keensada ah; markaan weydiiyay oo aan iri ninkaan Soomaali maba ahan, waxaa la'iigu jawaabay: waa la keensaday, waxaana uu ku jiraa golaha wasiiradda. Mararka qaar keensashada kuma xirna Soomaali inaad tahay ama afsoomaali taqaanid.

Tusaale ahaan: golaha wasiirada rag kamid baa la keensaday siiba hadiiba lagu keensanayo ku dadaal in ay ku keensadaan UN ta siiba xafiiska UNPOS-ka ama hay'adaha hoos taga UN-ka. 5(shan) kamid ah golaha wasiirada waxay u soo shaqeeyeen UNka si toos ah ama si dadban, hada kadibna shuruudaha ugu muhiimsan waxa ay noqonayaan in qofka wato khibrad ah UN-ka shaqaale nimadaas macanaheedu fahan.

Qodobka afaraad: Waa in aad dagaalo badan gashaa, dad badana laysaa ,waa in tuulooyin aad haysato iyo inta jeer aad dagaal gashay oo aad guulo ka soo hoysay laguugu xisho. Tusaale ahaan: tuulo 5 aqal soomaali ka dhisanyihiin hadaad kasoo qayliso waaga markuu baryo 14 ka idaacadood ee Xamar ka jira aad dhahdid i wareysta, oo aad ugu horaytii digniin siisid dawladda una sheegtid in aad meesha ka tuuraysid adoo aad ugu faraxsan tuulada aad ka tahay duqa magaaladda, intaa kadib adiga iyo nasiibkaa, laga yaabee shir ama heshiis in lagula galo oo lagu siiyo dhoor wasiir mid yahay wasiirka gaashaan dhiga maadaama aad ku taqasustay maamulidda tuulooyinka .

Qodobka shanaad: waa qodobka ugu fiican badanaana lama helo oo waa dhib. Waa in aad ka shaqeesaa laba xafiis ee madaxtooyada: waa kan Madaxweynaha iyo kan R/wasaaraha, waa meel aad u nasiib badan marka lagu hadlayo luqadda xukun raadiska. Tusaale ahaan waxaad katirsantahay xafiisyadaas oo aad ka shaqeesaa waxaa la socotaa wax socda: hadii jago cusub soo baxdo, hadii wasiir cusub la kordhinayo, hadii xildhibaanimo soo baxdo ama uu dhinto mid kula ah 4.5 ka, waxaa aad u fudud shuruudaan in ay kuu dhameestirto, shuruudaan waxaa wax ku helay inta aan ogahay sedex wasiir iyo laba xildhibaan.

Mustaqbalka xukuumaddaan

Shax cusub

Xukuumadaan cimrigeeda waa dheeraaday, intaan in ay soo gaartaba waxaa lagu tilmaami karaa nasiib iyo nin Ala dilaa dhinta, waayo waxaa ay soo martay dhibaatooyin badan oo ay kamid tahay musuq maasuq badan, dagaalo, shaqa la'aan. Ma'umaleenaysaa xukuumadaan waa xukuumadii ugu xanbaarista badnayd, ugu tahriibinta badnayd. Wasiirro ayaa lagu soo eedeeyay in dad Yurub ay geeyeen walina wadaan, sidoo kale safaarado ayaa shaqadaas ayaguna qabta.

Waxaan la kulmay internetka dadku ku wada xariiraan qof aan ku ogaa Soomaaliya, bal waran baan ku iri xagee joogtaa? baan sii raaciyay, markaas buu yiri waxaan joogaa Yurub, oo nin yahoow see ku tagtaan iri? waxaa uu iyiri mataqaanaa wasiirkaas?, waan maqlaan iri, waxuu iigu jawaabay asagaa nasoo qaaaday waana badnayn. Anna waxaan ku celiyay meeqaa lagaa soo qaatay? waxuu ku jwaabay 15,000 USD. Waa marqaati cad, waana qof aan ku kalsoonahay aana ogaa in uu hayo cudurka buufiska jeclaana Yurub inuu tago, waayo wasiirka gudaha shaqo saas ah maku hayo, waa in markii uu waayay biilka uu asagu shaqeestaa waa sida uu aaminsanyahayee. Dhibkaas oo dhan baa jira.

Waxaa intaas xiga wasiiradii waa badanyihiin dawladuna ururka layiraahdo Ahlu Sunna ayay kula heshiisay in 5 (shan) wasiir ay siinayaan, tana lama kordhin karo, marka waxii dhacay ee ahaa xukuumadii waa dhacday ama ma dhicin ee aan kaga waranay qoraaladii hore waxay ahayd bilaw soo socda iyo is badal lafilayo inay dhacaan, xukuumaddaani sal iyo baar is baddal badan ayaa lagu samayn doonaa.

Su'aal: adigu wax ma qortaa ?, ma'akhrisaa? Ama ma fahantaa oo wax maka taqaan afka dhagoolayaashu ku hadlaan? waxa socda waa sida tan sida wax u socdaani: waa is aruursi OLD TFG + AHLUSUNA + DAGAAL OOGE HORE, waxaa soo socda xukuumad cusub oo aysan ku jirin raggii maxkamadaha ama ARS, ama wadaadadii hore qofba sida uu u yaqaan. Waxaa booskooda buuxinaya wadaado cusub oo aan garweyn lahayn, qaarkoodna ayan loox-jiidan laakiin waa lagu soo daray ama waa ka dhex hadleen.

Wadaadadu nasiib xumaa, dawlad bay qabsadeen kama faa'idaysan. Shacab dayacan oo taageesan ayay heleen umana naxariisan. Inkastoo aanan ku jirin dadka aaminsan wadaad soocan wax ha maamulo oo aan aaminsanahay dadkoo wada socdaa wax ha'isla maamulaan, qof kastana shaqaduu ku fiicanyahay haloo daayo, haddana magacaas dadka wata lama dhayalsan karo waxaana hada soo baxday wadaad wax ka xukun jecel in aysan jirin.

Waxaa cad is beddelkaas inuu dhici doono, dadkuna noqon doonaan mid ayada wax ka raadsada iyo mid kafakara kumeel gaarka ka dambeeya inuu boos ka qabsado, waxay u egtahay isbahaysiga cusubi inuu samaayn doono dhammaan wasiiradii Maxkamadaha ahaan jiray, dabayshaasi ma gaari doontaa madaxweyne Shariif?, aad ayay macquul u tahay.

AKHRI qaybta afaraad | Akhri: Q.1aad | Q.2aad | 3aad

Qore: Axmed sadiiq
Sadiiq120@gmail.com

Qoraaga warbixintan waxa uu muddo ku dhawaad ah sanad ka shaqeenayay xarunta Villa Soomaaliya (Madaxtooyada) ee xukuumadda hadda ka jirta Soomaaliya. Qoraagga ujeedadiisu ma aha in qof si khaas ah u falan qeeyo, laakiin marka la fiiriyo xaalada dalka uu marayo iyo asagoo mararka qaar is dhaha Wax yaalaha qaar hadaad ka aamustid armaad danbi ka gashaa ummadda Soomaaliyeed awgeed ayuu u qoray qoraaladan xiriirka ah oo ku saabsan Somalia for sale (soomaaliya waa iib) safaaradaha iyo badda iyo dhulka. Qoraagu waxa uu aaminsan yahay in waxa Soomaaliya ka socda ay yihiin boob qarameed oo meel walba ah, oo ay waajib tahay in la galo dagaal lagu bad-baadinayo hantida guurta ah iyo midda maguurtaba ahba.

Faafin: SomaliTalk.com | May 30, 2010

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: