Wasiirka Saxiixay Heshiiska Badda waa Inuu is Casilaa si aan uga noqono
heshiiska
- Waxaa qoray
Xuseen Cabdi
hussein_abdi@hotmail.com
Soomaaliya waxay ahayd haddana wali tahay dal aan dadkii lahaa ku noolayn oo ah
dal dad waayey maxaa yeelay kheyraadkiisa bad iyo barriba ilaahay ku manaystay
waan ka faa’iidaysan kari waynay cid kalena ma rabto inay nooga faa’iideeyso oo
waxaa la doonayaa marka qaarkeen wadanka isaga baxaan, qaarna xabadi dhammayso,
qaarna cudurro dhammeeyaan anagoo wali tuugsanayna Gellay iyo Qamaddi ama
Arabakhi waxaan dhihi jirnay bari samaadkii isla markaana ay qaaraan noo
uruurinayaan kuwa dad noogu neceb, oo ay uga dan leeyihiin inay isku keen sii
dhammeeyaan isla markaana isku diidan Mad-habado, Qabiillo iyo aragtiyo kale oo
midna midda kale ogolayn, dhan kaliya isugu raaci la’ ay quruumo kale iska
qaybsadaan taasi oo ifa faaleheedii mar hore joornaalada lagu qoray[1] TVyadana
laga sheegay in Soomaaliya la doonayo inay kala qayb sadaan wadamo gaallo ah oo
waliba ah wadamada dariska ah Kiristaanka ah walina gumaysta dhulalka ay
Soomaaliya leedahay isla markaana ay ku nool yihiin dad Soomaaliyeed oo ku hadla
Afka Soomaaliga isla markaana Muslim ah oo aan wax la wadaagin dawladahaas
kirstaanka ah.
Soomaaliya waa wadan hodan ah isla markaana dadkeedu ay ka faa’iidaysan waayeen
kheyraadka iyo nimcada taalla ee Rabbi ku mannaystay kheyraadkaas oo si kastaba
nooga badan haddii sida uu yahay aan uga faa’iidaysano. Soomaaliya hadda waxay
maraysaa heerkii ugu hooseeyey nolosha bani’aadamka oo aysan dhaqnayn ama
badbaadin wax kasta oo nolosha bani’aadamku ku suuroobasay ayna ka mid yihiin
Nabadda, horumarka iyo ka faa’iidaysiga nimcada alle SWT dhigay dhulkeena kor
iyo kalba. Waxaana Rumoobay Xadiithkii Nabi Muxammad SWC kaga digaayey dadka
muslimka ah inay xaaladdoodu gaarto, Xadiithkuna wuxuu ahaa marka ay ummaduhu
isugu kiin yeeran doonaan sida marka dadka wax ku wada cunayaa Xeero ay isugu
yeertaan oo markaas Asaxaabi ka mid ah kuwii markaa ka ag dhawaa uu yiri oo ma
yaraan aan yar nahaybaa markaas ayuu nabi Muxammad SWC wuxuu yiri {waad badan
tihiin laakiin waxaad tihiin Daadxoorta kanaalka markuu biyo keeno dusha ka
saraan oo kale.}
Xadiithka oo dheeraa waxaan uga jeedaa dulucda ah inay ummaduhu isugu keen
yeeranayaan maanta si nin walba ama qolo walbaa ay dhankeeda xeerada uga cunto,
waxaana daliil u ah in maanta ay badda Soomaaliya ku jiraan ugu yaraan 20
dawladood maraakiibtood kuwaas oo marna ka kalluumaysanaya marna macdanta badda
ku jira labaxaya, marna sunta warshadahoodu soo saaraan iyo tan nukliyeerka ku
daadinaya. Markaa haddaan usoo noqdo dulucda mawduucayga oo ah {waa inuu is
casilaa wasiirka Kenya u saxiixay heshiiska…} Markaan akhriyey heshiiska sida
loo qoray waxaa weeye in Soomaaliya iyo Kenya khilaaf xagga badda ah ka soo dhex
jiray isla markaana ay hadda labada dawladood ka dib markay ku heshiin waayeen
inay arrintaas u gudbiyaa Qaramada Midoobay, taas oo aan horay looga maqal
warbaahinta midda maxaliga ah iyo tan caalamigaaba inay Soomaaliya iyo Kiinya
isku haystaan dhul badeed. Markaa arrntaas markaan ka fakaray fiiriyeyna mudada
lagu saxiixay heshiiska
- Inay wasiirka u gaysay arrintani khibrad la’aan iyo isagoo la siray laguna
siray habka qoraalka loo qoray oo ah in asagana warqad la tusay uu akhriyo
kadibna ka soo fakaro, markii la saxiixayna la soo qoray warqad kale oo ka duwan
tii hore laakiin u eg markaana markii la joogo waqtigii saxiixa hoosta laga soo
galiyey oo uu sidaas ku saxiixay.
- In wasiirka laga tiro batay oo dad badan oo wasaaradda arrimaha dibadda ee
Kenya ka tirsani ay wareeriyeen isla markaana la hafiyey ama uu ku dhex wareeray
maadaama uu dalkooda joogay ayna marti galinayeen si ay uga dhammeystaan waxay
doonayeen oo ah inay mar uun heshiiskaas ka helaan laguna wareeriyey marti soor
wanaagsan iyo soo dhaweyn si ay ugu noqoto inuu ka soo baxo wanaaggii loo galay.
- Waxaa laga yaabaa wasiirka inay u gaysay arrintaas inay ka ahayd difaac uu
badda Soomaaliyeed difaacayey maaddama ay sheegatay dawlad wayn oo daris ah isla
markaana taageersan dawladdiisa si ay saaxiibtinnimadoodu u sii siyaaddo,
markaana u caddeeyo dawladda inaysan arrintaas ay sheeganayso Kenya dawladdiisu
raalli ka ahayn laakiin uusan ka warqabin waxa ka dhalin arrintaas saxiixa ee
waliba ku cad inay muran ku jirto biyo badeed ay Somalia leeday!
Wasiirka
saxiixay is-afgaradka Kenya iyo
Soomaaliya ee ku saabsan badda
Soomaaliya: C/raxmaan C/shukuur
Warsame
|
Laakiin wasiirka waxaa hadda u furan inuu is casilo si uu u burburo heshiiskaas
isla markaana uu caddeeyo inuu ku qaldamay saxiixa heshiiskaas laguna siray oo
aysan aqbalayn shacabka Soomaaliyeed iyo dawladdiisu toona isla markaana uu
sidaas ku noqonayo Waddani danta dalkiisa ka hormariyey danaha kale oo dhan.
Markaan aan leeyahay wasiirku wuxuu ku doodi karaa inuu qaldamay waxaa weeye
macnaha inuu qaladku ka dhaci karo qofkasta oo bani aadam ah arrintaasna waxaa
caddaynaya Xadiithkii Nabigeenna Muxammed CSW uu ku yiri { Bani’aadamka oo dhan
waa gaf badane waxaana ugu kheyr badan kuwa gafa ka toobad keena gafkooda}.
Qofku inuu qaladkiisa ka noqdo ayaa ka fiican inuu ku dheganaado ama ku adkaysto
waayo waa geesinimo uu qofkaasi muujiyey isla markaana darsin u noqonaysa ama
cashar inuusan ku dag dagin wax uusan kala tashan dadka khibradda u leh
arrintaas.
Ugu dambayntii waxaan ku soo gunaanadayaa qoraalkayga baaqna ugu soo jeedinayaa
Dawladda inay ka noqoto heshiiskaas isla markaana ay warbixinta badaheenna
cabbirkooda, dhererkooda iyo badkoodaba ay si madax bannaan ugu gudbistaan
Qaramada Midoobay ama UNka isla markaana ay u sheegaan qoraalkii hore ee dhex
maray annaga iyo Kenya inuu yahay mid laga noqday, waxaan kaloo halkaan mahad
ballaarin ugu soo gudbinayaa Warbaahinta bahda SomaliTalk.com oo juhdi badan
galiyey, cilmi baaris dheerna ka diyaariyey qadiyaddan xasaasiga isla markaana u
soo gudbiyey Shacabweynaha Soomaaliyeed meelkasta oo ay dunida ka joogaan.
Waxaa Qoray
Xuseen Cabdi|
hussein_abdi@hotmail.com
[1] Why Kenya
and Ethiopia ought to annex and divide Somalia