Xildhibaan Nageeye: Go’aankii
Baarlamaanka kadib Heshiiskii Is-afgarad wax
sharciyad oo uu leeyahay majirto, waa waxba kama
jiraan
Baarlamaan waa shacabkoo lasoo yareeyay, Mudane
walba tiro dad ah ayaa codkooda si xor ah ugu
soo wakiishay inuu danahooda difaaco, codkooda
gaarsiiyo una soo qaado madasha Golaha go,aan ay
wax ku leeyihiin,ayagoo ku qanacsanna u
hoggaansamaan.
Aniga golaha aan xubinta ka ahay waa la soo xulay
(la ma soo dooran) waxaan sidig wakiil ugu ahay koox
dadweynaha kamid ah (qaab-beeleed loogu niyooday
inay igusoo wakiisheen balse aan afti laga
qaadin).Waxaan ku matalaa inta aan isku raacsannahay
oo danta guud ee wadaniyaddu sal-dhig u tahay sida
dhawrista Qarannimada Somaliya, madaxbannaanida
jiritaanka iyo midnimada ummadda somaliyeed ah.
Dowladda Federaalka Kmg ah waxay xilka si ku meel
gaar ah u haynaysaa xilliga kala-guurka,waa inta
dalku ku sugan yahay xaaladda adagee kaladambayn
laantu jirto.
Dowladda kmg ah, asaaska dhismaheeda iyo
jiritaankeedaba waxaa udub dhexaad u ah
Axdi-qarameedka Kmg ah. Sharciyaddeeda waxaa
saldhigga iyo marjac u ah Axdi-qarameedka kmg ah,
sida uu qorayo Qodabadiisa wixii laga waayana
Axdigaasna waxaa loola noqonayaa Dustuurkii 60-kii.
Barlamanku waa hayadda ugu sarreysa, sal-dhig iyo
hooyadaba u ah jiritaanka dhammaan hayadaha
Dustuuriga ah/kuwa aan Dustuuriga ahayn ee Dowladda
Federaalka Kmg ah, asaga ayayna kasoo wada
farcameen. sidaas darteedna leh awoodda ugu sarreysa
iyo goaanka kama-dambaysta ah ee dowladda kmg
ah.Wuxuuna awood sharci u leeyahay Xil-ka-qaadista
Madaxweynaha,Wasiirka koowaad iyo dhammaan xubnaha
golaha fulinta.Madaxweynaha waxaa soo doortay
Barlamanka,asagii soo doortaana xilkana ka qaadi
kara,Axdi-Qarameedka kmg ah qodobbadiisa qeexaya
xilka-qaadista Madaxweynaha/Wasiirka koowaad iwm
ahba ayaa sal-dhigna u ah sharciyadda xilka
qaadistooda,waxaana loo raacayaa hab-raaciisa.
Barlamanka Federaalka Kmg ah waa mid xubnihiisa
lasoo xulay,mar haddaanuu shacabku codkiisa toos
ugusoo dooran xubnaha Golaha waxaa iska cad in
wakiil-nimadiisu(Barlamanka) tahay mid dhimman ama
ah qabyo kuna koobnaan doonta arrimaha ku cad Axdiga
kmg ah,sidaas dartedna saamaynta Sharciyaddiisa iyo
heerka Awooddiisuba way xadidnaanayaan ,maadaama
aaney gaarsiisneyn ama aanuu la heer aheyn Barlaman
lasoo doortay(awood iyo sharciyad)waxay saamaynta
goaanadiisu iyo ku-dhaqmaadkooduba ku eg-tahay inta
lagu jiro(muddada)xilliga kala-guurka ah.
N.B (Waxaa kalifay in lasoo xulo xubnaha
Barlamanka baahida loo qabo in dalku yeesho Dowlad
hanata ama si kmg ah u socodsiisa maamulka
adeegyadii bulsho iyo xaaladda dalku ku sugan yahay
ee amni-darro, ee aan la-suura-galin Karin ama aan
la qaban Karin lana hirgalin karin afti iyo doorasho
shacabi oo xor ah).
Awoodda iyo sharciyaddaas qabyada ah ee xadidan
waxaa la wadaaga kalana mid ah dhammaan hayadaha
Dowladda Federaalka Kmg ah. Arrinkaas waxaan si cad
u qeexaya heerkeeda Axdi-qarameedka Federaalka Kmg
ah. AXDIGA Federaalka Kmg ah, wuxuu waajibaadka
Dowladda Federaalka Kmg ah, kusoo koobayaa arrimaha
soo socda ::
- Soo celinta nidaamka, kala dambaynta iyo
ku-dhaqanka sharciga
- Diyaarinta dustuur dalku yeelanayo,
hirgalinta tirakoobka iyo diiwaan galinta
dadweynaha.
- Diyaarinta shuruucda diiwaan galinta,tirade
iyo noocyada xisbiyada dalku yeelanayo iyo
hab-raaca lagu maamulayo qaabka cod-dhiibashada.
- Abuurista iyo hirgalinta jawi saamaxaya is
nabadgalyo xor ah ay shacabku cod ugu soo
doortaan madaxda dalka.
- Soo noolaynta ilihii dhaqaalaha dalka, soo
celinta adeegyadii bulshada iyo, saxidda,
toosinta iyo tayaynta habka maamulka dowladda.
Waxaan ugu horreyn rabaa inaan usheego, cod
dheerna ugu macneeyo kuna fahamsiiyo cidkasta oo
danaynaysa oo doonaysa ama doonaysa in la baro waxa
uu yahay nuxurka muran-badeedka ay dowladda Kenya ku
andacoonayso inuu Somalia kala dhexeeyo,waana
arrinka la xiriira IS-FAHAM ka dhex-maray labada
xukuumadood ee labada dal:
IS-FAHAM waa nooc ka mid ah hashiisyada;waa
qoraal hordhac ah oo aan rasmi ahayn,wuxuu kaloo
noqon karaa qodobbo ay isku af-garteen,wadana
qaateen shaqaalaha shirkadi leedahay kuna
hagaajinayaan howl-qabadkooda iyo hab-raaca
maamulkooda.
Wuxuu noqonnayaa marka ay laba dowladood wada
gaaraan kalana saxiixdaan wadajirna looga
diiwaan-galiyo xafiiska QM heshiis rasmi ah,
qabanaya labadaas dal, wuxuuna yeelanayaa awood
sharci qaanuuni heer caalami ah kaga dhigaysa
fulintiisa iyo dhaqan-galintiisa khasab labadaas dal
ee wada saxiiyay.
Wuxuu saamayn sharci ah ku leeyahay si wadajir ah
labada dowladood oo ayagoo isku raacsan wadajir u
waydiistay in loo diiwaan-galiyaan arrinkaas ay
heshiiska ku yahiin sida midkaan ay Kenya ku
doonayso inay been abuur ku boobto dhul
Somaliyeed,hoos-galisna uga faaiidaysanaysa
waaya-aragnima laanta siyaasiyiinta Somalida
(xukuumadda federaalka kmg ah) IS-FAHAMKA waxaa lagu
abuurayaa wax loogu yeeray MURAN-BADEEDKA u dhexeeya
labada dal,ayna wajir u qirayaan
jiritaankiisa,ayagoo isla oggolna kala saxiixdeen
ayna u gudbiyeen QM ayna ku weydiisanayaan in loo
diiwaan-galiyo MURAN-BADEED been abuur aan sal iyo
raad toonna laheyn.
Sooh-dinta xadka badda u dhexaysa labada dal
Somalia iyo Kenya waxaa wadajir u calaameeyay
1924-tii kuna heshiiyay dowladihii INGIRIIS iyo
TALYAANI gumayteyaashii labada dal ee xilligaas.
IS-FAHAM-kaas ka hor lama maqal mana jirin wax
sheegasha ah kuna saabsan MURAN-BADEED
u dhexeeya labada dal oo midkood horayna
ugu gudbiyay QM oo taariikhdu xustay.
Kenya,marna lagama sugaynin xilligaan ay xaaladda
Somalia murugsan tahay inay si hoosgalis ah uga
saxiixdo madax Somaliyeed oon xog ogaal ahayn
qoraalkan ay kula qirayaan,lana-oggolaanayaan,loona
gudbiyay Guddiga Xadaynta soohdinta Badda ee QM
ayadoo si wadajir ah loogu waydiistay Guddiga in la
diiwaan-galiyo MURAN-BADEED been abuur ah,kaasoo
loogu sameynayo Kenya saldhig sharciyadeed rasmi uga
dhigaya dhul-boobkeeda una xalaaleynaya damaceeda
xaaraanta ah.
Waa run IS-FAHAM uma baahna in xukuumaddu
oggolaasho Barlamanka uga hesho,sidiisuuna ku yahay
sharci caalami ah oo saamayn qaanuuni ah leh,bale
waxaa lagu horjoogsan karaa sharciyaddiisan lagu
baabi karaa uuna noqonnayaa wax-kama-jiraan marka ay
Md-yaasha Barlamanku mooshin ay ku diidayaan golaha
keenaan,cod aqlabiyad ahna ku diidaan kuna
baabiiyaan sharciyaddiisa sidii Barlamanku yeelay
markuu cod aqlabiyad ah ku go'aamiyay diidmo, wax
kama jiraana ka dhigay waxa lagu sheegay IS-FAHAM ay
xukuumadaha labada dal Somalia iyo Kenya wada
gaareen oo kale.
Barlamanka Dowladda Federaalka Kmg ah wuxuu ugu
xilsaaran yahay dejinta iyo ilaalinta Shuruucda
dalka xilliga kala-guurka inta lagu jiro.Xilka
masuuliyaddiisu iyo sharciyadduba(ku dhaqmaadka
xeerarka uu jideeyo iyo goaannadiisuba) waxay awood
qaanuuni ah leeyihiin inta lagu jiro xilliga
kala-guurka ama Kmg ka oo kaliya.mana yeelanayaan
saamayn sharci ah xilligiisa kadib ah.
Hab-raaca lagu maamulo howlqabadka Dowladda
Federaalka Kmg ah, sida ku cad Axdi-qarameedka wuxuu
u dhisan yahay sida soo socota:
Madaxweynaha (xubinta ugu sarreysa Dowladda) iyo
Wasiirka Koowaad (xubinta ugu sarreysa
fulinta),goaannada kasoo baxa xafiisyadooda,kuna
aaddan shuruucda dalka waxay hor gaynayaan Golaha
Barlamanka,sida heshiisyada Caalamiga ah ay soo
saxiixaan (waxaa la mid ah qorshe
howleedka,ku-tala-galka miisaaniyad sannadeedka ee
loo qoondeynayo howlaha ay fulinayso sannadka) iyo
sidoo kale hindise sharciyeedyada ay soo saaraan si
looga dhigo meelmar leh sharciyad qaanuuni ayagoo
soo jeedi ah,kusoo lifaaqaya qoraal faah-faahsan,
Md-yaashana golaha uga jeedinaya fasiraad dheeraad
ah oo la xiriirta heshiiskaas ama hindise
sharciyeedkaas,isla markaasna.ka
codsanayaan/weydiisanayaan in Barlamanku ansixo si
loo dhaqan-galiyo.
Barlamanka ayaa dood iyo falanqayn kadib ugu
dambaynta cob hal-dheeri ah ama seddex meelood labo
tirade xubnaha Barlamanka(hadba codka loo baahan
yahay sharciyan)ku guddoonsada goaan rasmi ah,
(balse qabyo ah) oggolaashada/diidada
heshiiskaas/hindise sharciyeedkaas una gudbinaya
Madaxweynaha marka uu oggol yahay goaanka Barlamanka
wuxuu kusoo saxiixayaa muddo aan ka badnayn 21-casho
uguna gudbinayaa Garyaqaanka guud ee dowladda oo
kusoo saaraya FAAFINTA RASMIGA AD ee
dowladda.Shuruucda dowladda kmg ah oo dhaqangalaysaa
kadib marka lagu soo daabacofaafinta rasmiga ah ee
dowladda.
Waxaa xusid mudan,sidii loo dhisay dowladda kmg
ah,ilaa manta ma jiro hal xeerna Allaha ka dhigee
sharci lagu soo saaray faafinta rasmiga ah ee
dowladda oo dhaqan-gal ah.Waxaaba intaas sii dheer
qofku ku magacaaban xilka garyaqaanka guud ee
dowladda dalkaba kuma sugna,gefkaas eeddiisu waxay
dusha u saaran tahay Madaxweynaha..
Madaxweynuha,marka uu saluugsan yahay goaanka
Barlamanku soo gaarsiiyay wuxuu muddo aan ka badnayn
14- cisho dib ugu soo celinayaa Barlamanka,kuna soo
gaarsiinaya guddoonka Barlamanka.Madaxweynuhu wuxuu
soo raacinaya faah-faahinta sababaha iyo qodobbada
uu u cuskanayo soo celintiisa,kuna dhaliilayo
goaanka Barlamanka,
Barlamankuna haddii uu ku adkaysanayo goaankiisii
hore wuxuu ku meelmarinayaa kuna hirgalayaa codka
65% ee tirada xubnaha Barlamanka.
Dowladda Federaalka Kmg ah malaha sharciyad
qaanuuni ah oo uu wax kaga beddeli karo arrimaha
Dustuuriga ah,kuna dhaqan-galay afti Dadweyne sida
soohdimaha, xuduudaha dalka iwm ah.
Dhanka kale marka loo rogo,laysna yiraahdo ha loo
qiil dayo goaanka xukuumaddu ku talo xumaysatay ee
wax-baaska IS-FAHAMKA loogu yeeray,Dustuurkii
60-kii(oo ah marjaca-sharci ee loogu noqdo wixii
laga waayo Axdiga kmg ah)ayaa si toos ah uga hor
yimid,si cad oo aan mugdi ku jirin u qeexqy tirade
lagu neel-marinkaro wax-ka-beddelka xuduudaha
Jamhuuriyadda (is-fahamkuna u baahan yahay in lagu
meel-mariyo) ay tahay codka 4/5 ee tirada xubnaha
Barlamanka.Nasiib wanaag Barlamanka Kmg ah wuxuu ku
diiday IS-FAHAMKAAS 4/5 xubnaha golaha, (tiradii loo
baahnaa inay oggolaato ayaaba lagu diiday).
FIIRI Dustuurkii 60-kii (AFTIDI DADWEYNAHA
SOMALIDA KU DHAQAN GALAY) Qodkiisa 4-aad ,
faqraddiisa seddexaad oo u qoran sida soo socota:
3-Wax ka beddelka soohdimaha dalka waxaa lagu
ansixinayaa codka 4/5 ee tirada xubnaha Barlamanka.
3. Any modification of the national territory
must be authorized by a law approved by a four-fifth
majority of the members of the National Assembly.
Madaxweynuhe Sh Shariif ma soo saxiixin waxa
loogu yeeray IS-FAHAMKA.Waxaa wada galay xukuumadaha
labada dowladood SOMALIA iyo KENYA,kuna kala
saxiixday caasimadda dalka Kenya ee Nairobi
taariikhdu markay ahayd April 7, 2009.
Xukuumadda Dowladda Federaalka Kmg ah waxaa
magaca Somalia ugu saxiixay Wasiirka qorshaynta &
iskaashiga caalamiga ah Md Abdulrahman Abdulshakur
Mohamed halka Xukuumadda Dowladda Kenya uu magaca
Kenya ugu saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibadda Md
Moses Watangulauka.
Madaxweynaha ka hadalka IS-FAHAMKA,boos ugama
bannaanayn inta ay socoto doodaddiisa u dhaxaysa
Barlamanka iyo Xukuumadda ka hor inta goaanka
Barlamanku kasoo gaarayo xafiiskiisa,xaq sharcina
uma laha inuu kasoo saaro war hor-dhac ah,taasina
waxay u ekaanaysaa fara-galin u mana
habboonayn.Faragalintiisaas waxaaba loo qaadan karaa
farmuuq ama tuhun weecin la xiriira dan gaar ah inuu
ka ieeyahay arrinkaas.taasina uma habboona.Waxaan
sideedaba meesha ku jirin in Madaxweynuhu uu
warbaahinta ka naqdiyo goaan Barlamanku gaaray,kana
gows-qabsado.Taasi sidoo kale waxay horseedi kartaa
ama ka abuurmi kara mad-madow iyo khilaaf soo
dhexgala Barlamanka iyo Madaxweynaha maadaama
erayaas ay warbaahintu kasoo tabisay ee aan laaiq u
aheyn ugu muuqdan karaan Md-yaasha meel-ka-dhac
dhaawaya sharafka karaamada iyo sumcadda Barlamankii
codkiisa kusoo doortay,goaankiisana loogu
dhaariyay/dhiibay xilka uu hayo ee Madaxweyne.
Waa hubaal goaan Barlaman cidina kama hor imaan
karto, shacab ama dowlad ciddaasi kay doonto ha ka
tirsanaatee.Waxaa kaloo xusid mudan sababaha
Madaxweynuhu xilka ku waayi karo Qod-ka ugu
muhiimsani oo lagu soo gole joojin ama hor taagi
karo yahay:
Ku-xad-gudub bareer ah iyo
tagri-fal uu ku sameeyo sharci kamid ah shuruucda
dalka.
Madaxweyne Sh Sharif xaq iyo gar toonna uma laha
inuu ka hor yimaado goaanka Barlamanka,mana ku diidi
karo sax iyo maan.waxay diidmadiisu mugdi galinaysaa
jiritaanka dowladda uu Madaxweynaha u yahay;haddii
xubintii ugu sarraysayba u hoggaansami wayday
goaanka Barlamankeeda,waxaana wax laykas weydiinayao
cidda ku khasban asaga gadaashii ama laga filan karo
iney dhagaysato/u hoggaansanto shuruucda iyo
goaannada kazoo baxa Barlamanka kmg ah amaba ayadoo
ku khasban ay tahay ammarradiisu inay ku fulaan.
Waxaan shacabka loo sheegi Karin,aan lagu qancin
kari doonin,loogana rajayn qabayn inuu maqlo una
hoggaansamo goaannada dowladda kmg ah ee waliba
taagta daran iyo ammaradeeda mar haddii annagii
madaxda ka ahaynba aan xushmayn wayno una hurmuud
noqon wayno u hoggaansanka ammarradeeda.
Marka at dowlad awood lehi dalka ka jirto
xooggeeda khasba ka dhiga in ammarradeeda loo
hoggaansamo balse markaan waa goorkii looga baahnaa
hoggaanka sare ee dowladdu inuu tusaaale u noqdo
loogana daydo dhaqan-wanaagga iyo ujoogsiga
awaamiirta shuruucda dalka si loogu daydo iyna
fududaato howsha lagu soo celinayo nidaamka iyo
kala-dambaynta.
Marka loosoo laabto xaqiiqada iyo dhabta
jirta,ereyada haftada ah laga tago,Madaxweynaha waa
ka dhammaatay fursaddii 14- ka casho ahayd ee uu
xaqa u lahaa inuu dib ugu soo celiyo guddoonka
Barlamanka goaankii ku aaddanaa IS-FAHAMKA ee la
gaarsiiyay,sidaas darteedna markaan waxa kaliya ee
laga sugaa waa asaga oo saxiixa,sharcigana u
hoggaansama kuna raaca Barlamanka goaankii uu ka
gaaray kuna diiday IS-FAHAMKAAS,tasina waxa fursad u
wanaagsan wada shaqaynta hayadaha dowladda kmg
ah,gaar ahaan Madaxweynaha iyo Barlamanka.
Waxaa kaloo jira una baahan in la ifiyo arrin
shaki wayn dhalisay,lana xiriirta hab-dhaqanka
ergayga gaarka ah ee Xog guud ee QM arrimaha Somalia
Amb Ahmed Oulad Abdalla,khilaafsanna xilka
masuuliyaddiisa(waxay ku kooban tahay gacan-siin oo
kaliya).Ergaygu,asagoo maroorsanaya xilkii madaxda
Somalia ayuu magaca Somalia ugu gudbiyay Guddiga
Xadaynta soohdinta badda QM warbixin qoraal ah oo ka
kooban 20-bog,isla markaasna ku xareeyay magaca
Somalia.Arrinkaan waxaa kasoo sunyacaya,lagan
dheehanayaa oo laga fahmayaa QM in aanayba
aqoonsanayn Qarannimaada iyo madaxbannaanidii
Somalia,waxayna dhaqankeedaas u muuqanaysaa inay
kala wareegtay,kana xayuubsatay Shacabka Somalida
xaqoodii ay kaligood u leeyihiin siyaadada
Somalia,kuna matalaan madaxdiisa uu usoo wakiisho
Waxaa taas nuxrinaya hadal horay ugu soo yeeray
amaba uu yiri March 1993-sii Xog hore QM ee
xillligaas Dr Butrous-Butrous Khali asagoo shir
Golaha Ammaanka QM ka hor yiri,kadibna saxaafadda
laga baahiyay,
Dr Khali wuxuu yiri kuna tilmaamay Somalia MEEL
AAN CIDI LAHAYN,AYNA FURAN TAHAY IN LA
FARA_GALIYO,ISLA MARKAASNA AANAY JIRIN CID AY U
AQOONSAN TAHAY AMA XAQ U LEH IN LAGALA XAAJOODO
FARA-GALIN NOOC-KASTA H EE LOO BAAHDO LAGU SAMEEYO
DALKA SOMALIYA(NO-MANS LAND).
Waxaa masuuliyadda arrinkaas lagu canaanan
karaa,dambigeeduna uu dusha u saaran yahay
hoggaamiyeyaasha kooxaha Somalida ay dirirtu u
dhexayso,una loollan-dagaalaya hoggaanka sare ee
dalka. Waa dirirtaas aan dhammaanayn qodobka u
fududeeyay ayna u cuskadeen faragalina qaawan,ayna
kula wareegayaan ama kulaba wareegeen
hoggaankii,taladii iyo majarihii maamulka dalka.sida
jirtana aan hadda ku jirin gacanta Somalida.
QM mashruuc ay hormuud u tahay ayaa goor hore
lagula wareegay,kuwaasoo sida MAXMIYAD dalka Somalia
ugu maamula goaanno kusoo baxa magacyadooda(sida
QM,IGAD,ARAB LEAGUE)waxaana soosaara goaanadaaas
xafiiska Xog-hayntooda(waxaan og-nahay Urur sida QM
ah dal ma aqoonsado,mana laha goaan siyaasi ah balse
waxaa wax aqoonsada dowladaha xubnaha ka ah,ayagaa
na leh goaan siyaasadeed gaaristiisa)Sidaasna waxaa
QM iyo Urur goboleedka IGAD u min-guuray siyaadadii
dalka Somalia.
Arrinkaan sare ku xusanna waa mid aanay wali
fahmin ama garan dhammaan dadka Somalida,hadday
ahaan lahaayeen madaxda dowladda,mucaaradka la
diriraya iyo dhammaan wax-garadka aqoonyahanka iyo
siyaasiyiin.Waxaanay wali fahmin waxaa xalaalaynaya
mar walba dirirta u dhexaysa kooxaha Somalida ee u
dagaalamaya hadaf aaney waligood gaarayn,waa
majaraha hoggaanka dalka.Waxaa ku sugan dalka ciidan
AJ-nabi ah oo aan dowladda Somalida ka
tala-qaadan,mana jiro Talis Wadaag ah,Somalidu xubno
ku leedahay oo laga hoggaamiyo howl-gallada
AMISOM.(toos waxay uga ammar qaataan xafiiska
siyaasadda ee QM,Ahmed Oulad Abdalla madaxa ka
yahay,ama dowladaha dalalkii ay ka yimaadeen).
AMISOM ciidankeedu wuxuu horjoogaa,si fiicanna
ugu filan yihiin inay mucaaradka ka difaacaan la
wareegidda majarah dalka,mar haddaanay u
suura-galayn ujeedadoodu,dagaalka ay wadaan wuxuu u
danaynayaa QM iyo IGAD,kharashka khasaarihiisuna
(dhimasho,burbur, barakac iyo min-guurinta majaraha
talada dalka)wuxuu ku kooban yahay shacabka
Somaliyeed oo kaliya.
Somalida inaan gacan wax ugu jirin,lagalana
wareegay taladii goor hore,waxaa ka
marag-furaya,sida dhacdadaani muujinayasa,una
dhaqmay URURKA IGAD,kaasoo ay Somalia xubin ka
tahay,kaasoo soo saaray(kusoo saaray
resolusion)goaankii xilka looga xayuubiyay
Madaxweynihii hore Md Abdullahi Yusouf
Ahmed,Wasiirkiisii Kowaad(dhammaan xubnaha
xukuumadda)Md Nur Hassan Hussein iyo in lagu
kordhiyo tirada xubnaha Barlamaka Kmg ah lana
gaarsiiyo 550 Md.Waxaa ku jiray goaankaas in
Af-hayeenka Barlamanka dib loosoo doorto,Sh Aden
Madobe,maadaama uu fududeeyay howshii hirgalisay
goaankaas,waa loo daayay Xilka Af-hayeenka
Barlamanka,waana lagu abaalmariyay.
Tani waa ku filan tahay ciddi wax ku qaadanaysa.
Si kasta xaalku ha ahaado,waa xaqiiqo aan marna
la inkiri Karin,Somalia Somali baa leh,sidaas aad u
fududna kuma milki-guurayso,dad difaaceeda u
taaganna marna lama waayayo,halhgankuna waa
soconayaa inta qof Somali ah ku nool yahay dunida
guudkeeda.
Munaasabaddaan waxaan ku wargalinayaa anigoo ku
hadlaya magacayga,magaca Md-yaasha golaha iyo codka
Wakiilnimanada shacabka ugu sheegayaa,gaarsiinayaana
cid kasta oo uu khuseeyo ama dhinac ka ah
IS-FAHAMKAAS inay ka soo qaaddo,uuna yahay
IS-FAHAMKA labada xukuumadood ay wada gaareen kadib
goaankii Barlamanka ee taariikhdiisu ahayd 09 Aug
2009 EBER IYO WAX KAMA JIRAAN AAN SOMALIA KU
LAHEYN/KUNA YEELAN DOONIN WAX SAAMAYN QAANUUNI AH.
Waa mahadsantihiim
Mohamed Sheikh Jama Nageeye
Muq..___________