Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay
Hadallo Daaha ka Rogay Arrintii ay Cagta Saarayeen Madaxda DFKMG...
UN iyo Norway Lugta ay ku leeyihiin Gudbinta Akhbaarta Sharciga
Badda Soomaaliya oo su'aalo ka taagan yihiin.... iyo (Afhayeenka) Axmed
Walad Cabdalla oo aan Weli ka jawaabin su'aalo arrintaas laga waydiiyay
- Tarjumadii: SomaliTalk.com | May 15, 2009
DAAWO VIDEO (Xoghayaha Guddiga Xadaynta Badaha)

Hariharan Pakshi Rajan
Warbixin & su'aalo:
Video | PressConference:
Text |
Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha Adduunka, Hariharan Pakshi Rajan, oo
May 13, 2009 shir jaraa'id ku qabtay xarunta Qarammada Midoobay (QM) ee New York
ayaa ka hadlay qodob aad muhiim u ah oo ay tahay shacabka Soomaaliyeed in ay fahmaan.
Ugu horayn waxa uu sheegay in May 13, 2009 ay
50 dal akhbaarta cabbirka
badahooda oo dhamaystiran usoo gudbiyeen Guddiga Xadaynta Badda ee QM. Sidoo
kale waxaa akhbaar hordhac ah soo gudbiyay
39 dal oo ay shardi ku ahayd in ay
sheegaan waqtiga ay soo gudbin doonaan akhbaarta rasmiga ah.
Waxaana uu caddeeyey in 29 dal oo ka mid ah dalalka xogta soo gudbiyay in ay
akhbaaartaas ka hor akhrin doonaan (oral
presentations) Guddiga Xadaynta Badda bisha Agoosto 2009 oo la qaban doono
kulanka 24aad ee Guddiga QM ee Xadaynta Badaha. Waxaa kale oo jira 7 dal oo
iyaguna bisha April 2010 akhbaartooda ka hor akhrin doona Guddiga QM.
Mr. Rajan waxa uu sheegay in hawsha Guddiga Xadaynta Badaha ay tahay in ay ka
baaraan degaan akhbaarta iyo xogta ku saabsan cabbirka Qalfoofka Qaaradda ee ay
dalalku soo gudbiyaan. Xogtaas oo ujeedadeedu ay la xiriirto si loo
kordhiyo baaxadda badda ee dalalka xeebta leh ay xuquuqda u yeelanayaan si
ay uga ka faa'iidaystaan khayraadka dabiiciga ah ee halkaas ku jira.
Qodobka aadka muhiimka u ah ee uu Mr. Rajan ku xeel dheeraaday waxa uu ahaa mid la xiriira haddii uu jiro muran badeed waxa ay ka yeelayaan Guddiga
QM. Taas markii uu ka hadlayey waxa uu sheegay in
la raacayo xeerka
CLCS/40/Rev.1 qaybtiisa Annex I. Xeerkaas oo dhigaya sidan:
Haddii ay jiraan muran ku saabsan xadaynta qalfoofka qaaradda, murankaas oo u
dhaxeeya laba dal oo bad wadaaga, ama dhul aan la xallin ama muran badeed la
xiriira akhbaarta la soo gudbinayo waa in: dalalka xeebta leh ay Guddiga
Xadaynta Badaha la socod siiyaan in uu murankaasi jiro marka ay akhbaarta soo
gudbinayaan - (Akhbaarta ku saabsan muran-badeedka haddii ay jirto waxaa shardi
ah in loo sheego guddiga xadaynta ee QM marka xogta loo soo gudbinayo).
Haddii ay jiraan muran dhul ama muran badeed, Guddiga
Xadaynta Badaha wax tixgalin ah ma siin doono, mana ansixin doono, akhbaarta
(la xiriirta aagga muranku ka jiro ee) la soo gudbiyay dalkii uu doono ha
soo gudbiyee. Laakiin, Guddigu waa tixgalinayaa akhbaarta
la soo gudbiyo ee ku saabsan aagga muranku ka jiro haddii ay ogolaansho
isla soo gaareen dalalka muranku ka dhexeeyo, oo ay ogolaanshaha isla soo
gaareen ka hor inta aysan akhbaarta usoo gudbin Guddiga QM ee Xadaynta badaha.
Haddii aad dhuuxdid qodobada sare, islamarkaasna dib u milicsatid sidii ay u
degdegayeen madaxda Soomaaliyeed markii ay heshiiska Is-afgarad la galeen Kenya,
waxaa kuu soo baxaya sida tooska ah ee ay uga shaqaynayeen in dhul-badeed
Soomaaliyeed loo sharciyeeyo Kenya. Waxaayo waxaa si waadax ah uu halkaas Mr.
Rajan ugu caddeeyey in aan la aqbali doonin akhbaar hal dhinac keliya
ku doodayo. Waa su'aale maxaa madaxda Soomaaliyeed ku kallifay in ay aqbalaan in
dhul-badeedka dalkooda muran la geliyo iyagoo ogaa in qodobkaasi jirey. Waa kan markale Mr. Rajan oo arrintaas sii faahfaahinayay:
Marka akhbaarta la soo gudbiyo, Guddiga Qarammada Midoobay waxa ay daabacaan
akhbaarta oo kooban, waxayna website ku jiraysaa saddex bilood ka hor inta dalkii
akhbaarta soo gudbiyay uusan hor iman Guddiga QM oo halkaas akhbaarta ka hor
akhrin. Marka akhbaarta lagu daabaco website-ka waxaa had iyo jeer dhacda in
dalka kale (oo badda la wadaaga) uu soo diro jawaab celin ama wax tusaalayn ama
qoraal (ama diidmo). Marka dalkii akhbaaarta soo gudbiyay uu Guddiga QM horyimaado oo
akhbaartiisa u akhriyo, waxaa jira waqti uu dalka kale kaga jawaabi karo, haddii
markaas Guddigu ogaado in uu jiro muran taagan oo markaas AYSAN JIRIN OGOLAANSHO
AY ISLA GAAREEN LABADA DAL EE MURANKU U DHEXEEYO, markaas lama
tixgalin doono akhbaartaas la soo gudbiyay. Dalka wax diidan (khasab kuma aha in
uu sugo saddex bilood ee) marka ugu horaysa ee ay arkaan akhbaarta la daabacay ayey
ka doodi karaan. (Eeg
VIDEO).
Sida la ogsoon yahay, May 6, 2009 ayaa Kenya waxay Qarammada Midoobay u gudbisay
akhbaarteeda rasmiga ah, taas oo si QEEXAN u muujinaysa in ay cabiratay bad aad
u baaxad weyn oo ah gudaha dhul-badeedka Soomaaliyeed. Ilaa hadda DFKMG ma jirto
meel ay ku sheegtay in ay arrintaas ka soo horjeeedo. Waxaa halkaas shacabka
Soomaaliyeed uga caddaanaya meesha ay "Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ee
Soomaaliyeed" ay la doonayso badda Soomaaliyeed oo ah in ay qaadato Kenya, mar
haddii aysan jirin diidmo ay muujiyeen ilaa hadda. Taas oo ay dheer tahay in ay
intii aan akhbaarta la gudbin ay heshiis Is-afgarad la OGOLAADEEN Kenya, oo muujinaya "Muran badeed"
aan waxba DFKMG ka qabin "No-objection", iyada oo ogayd in
uu jiro xeerka
CLCS/40/Rev.1 qaybtiisa Annex I , maadaama QM ay xeerkaas
faafisay 17 April 2008 oo uusan ahay xeer cusub.
Waxaa kale oo aad u cajaa'ib badan in Heshiiskii Is-afgarad (Nairobi
2009) in laga ilaaliyey kelmedda "muran dhul", balse si waadax ah
loogu xusay "MURAN BADEED", waayo Kenya waxay ka fakaraysay haddii la
yiraahdo 'muran dhul' in taasi noqonayso NFD. Waxaa
xusid mudan in Kenya u diyaar garowga iyo gudbinta akhbaarteeda ay kaga baxday
$9 million oo doolar iyo waqti badan. Ayadoo ay jiraan fikrado
sheegaya in ay saxiisa is-afgaradka raadinaysay in ay ka hesho Soomaaliya ilaa
muddo ka badan 10 sano, taasna ay ka heshay
April 7, 2009.

Oomaar oo ka hadlayey UN-ta; May 13, 2009:
Video |
Waxaa xusid mudan in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee DFKMG Maxamed Cabdilaahi Oomaar oo
May 13, 2009 tegey Qarammada Midoobay isaga oo halkaaas ka jeediyey hadal
la xiriiray sida ay DFKMG u taageersan tahay in la kordhiyo* AMISOM (Eeg
Video
- u toog hay daqiiqadaha ka bilaabanaya 36:44) iyo isaga oo soo dhaweeyey
Warbixinta Golaha Ammaanka ee (S/2009/210).
Laakiin ma jirto ilaa hadda meel uu ku sheegay in uu ka soo horjeedo akhbaarta
ay Kenya ku calaamadsatay Badda Soomaaliya. Sidoo kale ilaa hadda ma jiraan
xubno ka tirsan DFKMG oo arrinta diidmo ka muujiyay.
Waxaa xusid mudan Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha, Mr. Rajan, in uu sheegay
in dalalka akhbaarta iyo xogta soo gudbiyey wixii ka horaysay May 8, 2009 in ay
noqon doonaan kuwa akhbaartooda ka hor akhriya Guddiga QM. Waxaa la ogyahay in Soomaaliya (ay gudbisay April 14, 2009) iyo Kenya (oo gudisay May 6,
2009) oo sidaas labaduba ka horeeyaan taariikhda uu xusay Mr. Rajan. Halkaasna laga
fahmi karo in ugu yaraan Kenya ay ku jirto dalalka loo tixgalinayo cabbirka badda
marka la gaaro August 10, 2009.
Mr. Rajan waxa kale oo uu sheegay in dalalka akhbaarta qabyada ah soo gudbiya
laga doonayay in ay caddeeyaan xilliga ay soo gudbin doonaan akhbaarta oo
dhamaystiran. Waxa kale oo uu yiri: dalalku waxa ay xor u yihiin in ay akhbaar
cusub soo gudbisan karaan ama xog siyaado ah soo gudbisan karaan (waa marka ay
waafaqeen soo gudbintii May 13, 2009 ee xog hordhac ama dhamaystiran.)
Sidaa daraadeed shacabka Soomaaliyeed waxaa sugaya saddex qodob oo ay tahay in ay
fuliyaan ka hor August 10, 2009, oo ah (a) in Guddiga Xadaynta Badaha ee
Qarammada Midoobay ay gaarsiiyaan in Soomaalidu ka soo horjeedaan cabbirka ay
Kenya ku calaamadsatay badda Soomaaliyeed, (b) in la helo hab-sharciyeed lagu
baabi'inayo heshiiska is-afgarad ee Nairobi ku dhexmaray Kenya iyo wasiirka
Soomaaliyeed, iyo (c) in la caddeeyo in aan badda Soomaaliyeed ee Kenya hadda
calaamadsatay aysan muran ku jirin, muran haddii uu jirona xariiqda loo
dhaqaajiyo Koonfur meel ku beegan NFD oo ah 'Muran
Dhuleed'.
"Waxaa jira akhbaar ay soo gudbisay Soomaaliya, oo si wada jir
ah ula gudbisay Kenya, waxaa ku qoran in Norway ay ka gaysatay
caawinaad aan la sheegin inta ay leegtahay, waxaana arrintaas isku
xirkeeda ka dambeeyay Axmed Walad Cabdalla, ergeyga Gaarka ah ee
UN-ta u qaabilsan Soomaaliya, haddaba waxaan doonayaa in aan ogaado,
marka koowaad: waa maxay hubinta jirta haddii dal horumaray oo lagu
yaqaan in uu danaynayo batroolka uu xaqiiqo ahaan dal aan
horumarsanayn ka caawiyo gudbinta cabirka qalfoofka qaaradda, (sidee
loo xaqiijin karaa) in dalka caawinaadda bixiyay uusan halkaas isagu
ka faa'iidayn...? waa su'aashii Matthew Lee, InnerCityPress,
uu weydiiyey Qarammmada Midoobay iyo xilligii uu shirkii jaraa'id
qabtay Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha
ee jawaabaha hoos ka akhri:
UN iyo Norway Lugta ay ku leeyihiin Gudbinta Akhbaarta Sharciga
Badda Soomaaliya oo su'aalo ka taagan yihiin....

Matthew Russell Lee, InnerCityPress |
- Tarjumadii: SomaliTalk.com | May 15, 2009
QARAMMAD MIDOOBAY: Norway lugta ay ku leedahay gudbinta akhbaarta badda Soomaaliya, oo uu agaasimay Ergeyga UN-ta u qaabilsan
Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla, ayaa si xiriir ah Arbacadii (May 13, 2009) su'aalo looga
weydiiyay Qarammada Midoobay (QM). Sidaas waxaa qoraal ku bilowday shabakadda InnerCityPress oo wararka ka tebisay xarunta QM.
Xoghayaha Guddiga Xadaynta Badaha, Hariharan Pakshi Rajan, ayaa la
waydiiyay in ay jiraan wax hubin ah oo horyaal dalalka danta ka leh batroolka sida Norway oo ka
faa'iidaya caawinaadda ay siinayaan gudbinta (cabirka badda) ee dalalka faqiirka
ah sida Soomaaliya. Kama uu jawaabin su'aashaas ku saabsan yaa hubainaya
(dalalkaas), laakiin waxaa uu arrinta u weeciyay in ay jiro sanduuq caawino oo
Qarammada Midoobay ay dalban karaan dalalka faqiirka ah. Video
Daawo Halkan.
Laakiin taasi waxay keeneysaa in la isweydiiy su'aalo badan: Waa maxay sababta
ergey Qarammada Midoobay, sida Walad Cabdalla, halkii uu ka raadin lahaa deeqda
sanduuqa caawinaada ee UN-tiisa, uu ka radiyay ama aqbalay caawinaad uu dan khaas ah ka
lahaan karo dal, sida Norway?
InnerCityPress waxay su'aashaas qolka shirka jaraa'id ku weydiisay
Qarammada Midoobay, xubin ka tirsan afhayeenka xafiiska QM ayaa, halkii
ay ka jawaabi lahaayeen su'aashaas, waxa uu InnerCityPress ku yiri waxaad taas ku
haboonaan lahayd in "la waydiiyo Norway". Hore ayaa InnerCityPress su'aashaas
u weydiisay Norway, waxaana qaybta warbaahinta u qaabilsan Safaaradda Norway ee
Qarammada Midoobay ay May 13, 2009 u soo dirtay jawaabtan:
"Meeqa ayaa Norway kaga baxday caawinaadii ay u fidisay Soomaaliya si ay
Qarammada Midoobay ugu gudbisato akhbaarta muujinaysa xadka cirifka qalfoofka
qaarada; Anagu ma lihin maalgalin-xisaabeed gooni ah oo ku saabsan taas,
sababtoo ah hawshaasi waxay qayb ka tahay caawinaadda ay Norway siiso dhawr dal
oo Afrikaan ah oo arrintaas ku saabsan."
Immisa ayay ahayd caawinaadaasi? Waa kuwee dalalka kale ee Afrikaanka? Waa
su'aalaha ay InnerCityPress u gudibsay gabadha afhayeenka u ah Walad Cabdalla
oo aan weli ka soo jawaabin.

Walad Cabdalla ee QM, oo ay gadaashiisa fadhido gabadha
afhayeenka u ah, oo aan weli ka
jawaabin su'aalaha LOS.
Lynn Pascoe oo ah madaxa Waaxda Arrimaha Siyaasadda ee Qarammada Midoobay, oo si
marka loo eegona madax ugu ah Walad Cabdalla, ayaa Arbacadii markii la waydiiyay
(arrin ku saabsan xagga badda, akhbaarta ay sida wada jirka u gudisadeen
Soomaaliya iyo Kenya, oo ay caawintay Norway, oo arrinta oo dhan uu isku soo
dubariday Walad Cabdalla, waa maxay UN-ta arrinta kaga aadan in ay caawiso dal
dhibaataysan sida muuqata laakiin la gudbiyo akhbaar raad ku yeelan doonta
xuquuqda ay u leedahay shidaal qodista, maxaase hubin ah oo jira si arrintaas ay
dejisay UN-tu aysan ka faa'iidin Kenya iyo Norway) waxa uu sheegay in uu akhriyay warbixintii InnerCityPress ee warkan ku saabsanayd, laakiin "uusan u jeedin xiriir ka dhexeeya." Video
Daawo Halkan.
Waa maxay arrinta hubinta ee jirta marka ay UN-tu iyadu dal qani ah oo dan
ka leh batroolka u agaasinto in uu dal faqiir ah ka caawiyo diiwaan galin sharciga? ayuu is
waydiiyay Matthew Russell Lee oo InnerCityPress uga soo warama xarunta
Qarammada Midoobay, oo ah qoraaga
"Burcadda Qalinka:
Norway, UN, iyo Kenya oo Qorshaha Xuquuqda Shidaal Qodista ka wada Xeebta
Soomaaliya", waxana uu ballan qaaday in uu arrintaas siiwadi doono.
LIFAAQ:
Xeerarka loo marayo gudbintii xogta waxay ku qoran yihiin dukumiintiga QM ee
lambarkiisu yahay
CLCS/40/Rev.1
Dalka doonaya in uu sheegto cabbir ka durugsan 200 mayl badeed waa in uu sidaas
sameeyo 10-sano gudahood marka uu dalkaasi ansixiyay sharciga badaha adduunka.
Dalka waxaa looga baahan yahay in uu soo gudbisto akhbaar waafaqsan sida ku cad
dukumiintiga QM ee lambarkiisu yahay
CLCS/11 (oo la ansixiyay 13 May 1999). Somaliya iyo Kenya waxay ka mid
yihiin dalalka waqtiga 10 sano ugu ekayd May 13, 2009.
Sannadkii hore (June 2008) Guddiga Xadaynta Badahu waxay go'aamiyeen in dalalka
aan waqtigaas ku soo gudbin karin akhbaar dhamaystiran in ay keeni karaan
akhbaar hordhac ah ka hor May 13, 2009, sida ku cad dukumiintiga QM ee
lambarkiisu yahay
SPLOS/183. Waxaana dalka akhbaarta qabyada ah soo gudbiya laga doonayaa in
uu xuso xilliga uu soo gudbin doona akhbaarta oo dhamaystiran.
- FG: Mr. Hariharan Pakshi Rajan, xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha,
waxaa lagala xiriiri karaa: Tel.: 212-963-3194 ama 212-963-3945
ama 212-963-3962. Fax: 212-963-5847. Emailka:
doalos@un.org