Madaxweyne Shariif oo Xilku kaga egyahay October 14, 2009, sida
uu dhigayo Axdiga DFKMG
Madaxweyne DFKMG Sheikh Shariif oo Xilku kaga egyahay
October 14, 2009, sida uu dhigayo Axdiga DFKMG
Prof Dalxa: “Madaxwaynaha cusub ee la soo doortay waxa uu
xilkiisa bilaaban doona marka uu dhamaado xilligii madaxwaynihii
hore ee xilka isaga tagay, iyadoo inta ka dhiman xilka madaxwaynihii
hore uu booska sii buuxin doono.”
Dastuurka meel ma looga helayaa Sheikh Shariif Sheikh
Axmed in uu xilka madaxweynaha DFKMG sii hayo marka la gaaro October
15, 2009?
- Warbixin iyo Faallada SomaliTalk.com | September 30,
2009
“Madaxweynaha wuxuu haynayaa xilka muddo shan (5) sano ah laga
bilaabo marka loo dhaariyo madaxweynanimada ayadoo uu marayo dhaarta
Axdiga lagu qeexay. Madaxweynahu wuxuu xilka haynayaa haddii aysan
jirin – geeri, shaqo ka tegid, ama joojin shaqo sababo lagu qeexay
Axdiga – ilaa inta qofka kale ee loo soo doortey madaxweynimada uu
xilka la wareegayo.” Sidaas waxaa dhigaya qodobka 43aad, farqadiisa
1aad ee Axdiga DFKMG.
Halkaas waxaa ku cad in haddii uu madaxweynaha DFKMG ee
Soomaaliya uu xilka ka dego ayadoo aysan dhammaan muddada shan (5)
sano ee xilkiisa, in markaas madaxweyne kale bedelo, haddii uu doono
doorasho ha ku yimaadee, ayada oo muddada madaxweynaha cusub ay ku
ekaan doonto waqtiga ka dhiman xilliga madaxweynihii xilka ka degey.
Sidaad daraadeed, sharci yaqaanno Soomaaliyeed ayaa rumaysan
madaxweynaha hadda ee DFKMG Sheikh Shariif Sheikh Axmed
inuu xilku kaga egyahay October 14, 2009. Waqtigaas
oo ah marka uu xilku kaga ekaa madaxweynahii DFKMG ee xilka iska
casilay, C/laahi Yuusuf Axmed.
In badan oo xeer-beegtida ah, ayagoo cuskanaya dastuurka
Federaalka KMG, ayaa rumaysan in si toos ah (rasmi ah) uu xilka uga
dhacayo madaxweynaha DFKMG marka uu dhammaado waqtiga ku astaysan
xilligii madaxweynahii xilka ka tegey ee ka horeeyey. Haddii uu ka
degi waayono in baarlamaanku mooshin ay xilka kaga qaadayaan soo
jeediyaan. Markaasna musharaxiin cusub loo furo jagadaas.
Madaxweynaha xilka markaas haya waa in muddada qarraran oo aan la
gaarin ka hor uu baarlamaanka u caddeeyo in uu ku jiro musharaxiinta
kale ee xilkaas isu sharaxaya, ayey rumaysan yihiin xeer-beegtu.
October
10, 2004 ayey ahayd markii magaalada Nairobi ay xildhibaanada
DFKMG ah madaxweyne u doorteen Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Waxaana
xilkaas loo dhaariyey
October
14, 2004. Waxana uu xilkaas iska casilay
December 29,
2008 ayadoo aysan dhammaan waqtigii xilka loo doortay oo ku
ekayd October 14, 2009, haddii uusan is casili lahayn. Bartaas weeye
meesha xeer-beegta Soomaaliyeed ay ka duulayaan marka ay leeyihiin
xilka Sheikh Shariif waxa uu QANUUN ahaan ku egyahay muddadii uu
xilku kaga ekaa C/laahi Yuusuf oo ah bisha October 14, 2009.
Janaayo 30,
2009 ayaa magaalada Jabuuti waxay baarlamaankii tiradiisa la
kordhiyey madaxweynaha DFKMG u doorteen Sheikh Shariif Sheikh Axmed.
Xeer-beegtidu waxay dastuurka FKMG ka waayeen qiil muujinaya in uu
xilkiisu dhaafayo waqtigii xilku ugu ekaa madaxweynahii FKMG ee is
casilay. Dastuurkaas u deggan DFKMG oo ay tahay in lagu dhaqmo, si
uu u jiro xeer kala haga qaybaha kala duwan ee xukuumadda iyo golaha
baarlamaanka.
Xeer-beegtidu waxay sheegeen in muddada labada sano ah ee la
xusay in cida loo kordhiyey ay tahay Baarlamaanka DFKMG , si uu u
sii jiro niddaam dawladeed oo xiriirsan muddada kala guurka ee
madaxweynaha cusub la dooranayo, ee arrintu ma ahayn in muddadii
shanta (5) sano ahayd loo kordhiyey madaxweynaha, ayey rumaysan
yihiin xeer-beegtu.
Madaxwayne Shariif waxaa xilka Madaxwaynanimada loo dhaariyey
Jan 31,
2009. Sharci yaqaanada ayaa qaba in Madaxwaynaha aan waxba loo
kordhin, xilkiisuna uusan gaarsiisnayn Jan 31, 2011.
Waxaa jirtey dood ka dhex dhacday xildhibaano ka tirsan DFKMG oo
ku saabsanayn in bishii la soo dhaafay ee August 22, 2009 uu xilka
ugu ekaan lahaa guddoomiyaha baarlamaanka DFKMG (waa waqtigii uu
xilka ugu ekaan lahaa Shariif Xasan). Doodaas ka dib waxaa
xeer-beegtu sheegeen in guddoomiyuhu uu ka mid yahay xildhibaanada
muddada isu-kordhiyey.
Waxaa xusid mudan August 22, 2004 in Shariif Xasan Sheikh
Aaden loo caleema saaray Guddoomiyaha Baarlaanka DFKMG,
kulan ka dhacay Nairobi. Muddo ka dib markii DFKMG kala qaybsantay
ayaa January 17, 2007 waxay Baarlamaankii Baydhabo ee DFKMG ay
kalsoonidii guddoomiyaha kala laabteen Shariif Xasan.
January 31, 2007
ayaa Guddoomiyiha Baarlamaanka DFKMG waxaa loo doortay
Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sh. Aaden Madoobe). Gudoomiyaha
Sh. Aadan Markii loo dhaariyey Jagadii Shariif Xasan laga qaaday
lama xusin in loo dhaariyey Shan-sano oo hor leh, ee waxaa
Baarlamaanka iyo Dowladuba rumays naayeen sida Axdiga u qoran uu
dhigayo inuu dhamaystirayo mudaddii 5 sano ahayd ee Barlamaanka
cimrigiisu ku ekaa intaysan isugu kordhin Jabuuti.
January 28, 2009 ayey ahayd markii Guriga Ummada ee Caasimada
dalka Jabuuti lagu dhaariyey xildhibaano lagu soo kordhiyey
baarlamaanka DFKMG. Xildhibaanadii cusbaa ee la dhaariyey maalintaas
tiradoodu waxay ahayd 140. Kalfadhigii ugu horeeyey ay baarlamaankii
la kordhiyey isla maalintaas (28/1/2009) ku yeesheen Jabuuti, oo uu
gudoominayay sii-hayahii xilka Madaxweynaha DFKMG, ahna Gudoomiyaha
Baarlamaanka Sh. Aaden Madoobe, ayaa waxaa cod loo qaadey in wax
laga bedelo qodob Dastuuri ah oo Axdiga KMG ah, qodob kaas oo ahaa
muddada jiritaanka Baarlamaanka TNG in lagu daro 2 sano iyo 7 bilood
ee markaas u dhinayd, taas oo cod aqlabiyad ah lagu ansixiyey (211
ogolaatay kordhinta xilliga baarlamaanka DFKMG iyo 6 diidey). Sidaas
ayaa jiritaankii baarlamaanka lagu kordhiyey. Laakiin meelna
xeerkaas lagagama xusin in madaxweynaha loo kordhiyey xilkiisa.
Arimahaas ayadoo la xusayo ayaa xeer-beegtidu waxay rumaysan
yihiin in aan loo baahnayn in Sheikh Shariif laga geeyo mooshin,
balse hab qaanuuni ah uu xilkiisii kaga egyahay October 14, 2009.
August 19, 2009 ayey ahayd markii baarlamaanka DFKMG la geeyey
mooshin ku saabsan in dalka lagu soo rogo xukun degdeg ah (marshal
law). Hadda waxaa la rumaysan yahay in mooshinkaas xaalada dag daga
ah lagu soo rogay loogu talo galay in xildhibaanada DFKMG la kala
diro, si loo dhaafiyo waqtigii ay xildhibaanadu ku dooran lahaayeen
Madaxweyne cusub, ama ay mooshin ku keeni lahaayeen. Waxaa taas sii
dheer waxaa xildhibaanada la siiyey bil-iyo-bar fasax oo loo siiyey
ciidul-fitriga awgeed.
Baarlamaanka DFKMG waxa uu u muuqdaa mid go’aamadiisa aysan
fulinayn xukuumaddu, sida go’aankii uu baarlamaanku August
1, 2009 si aqlabiyad buuxda waxba kama jiraan kaga dhigay
heshiiskii Dowladda Kumeel gaarka ah ay laga gashay Dowlada Kenya
looguna yeero (Is-faham). Xeerkaas oo loo gudbiyey madaxweynaha
DFKMG oo ay ahayd in uu u gudbiyo Qarammada Midoobay (QM). Taas
bedelkeedii waxaa QM loo diray warqad ku taariikhaysan
August 19, 2009 oo loo saxiixay Ra’iisul wasaaraha DFKMG Cumar
C/rashiid, ilaa iyo hadana majiraan wax jawaaba oo kasoo baxay
Xafiiska Raysul wasaaraha.
Ibraahim Daa’uud Cabdalla oo ka tirsan bahda SomaliTalk.com ayaa
September 28, 2009 waxa uu Nairobi waraysi kooban kula yeeshay
guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka DFKG, Prof.
Maxamed Cumar Dalxa. Waxana uu weydiiyey “Haddii uu
dhamaaday mudadii shanta sano ahayd ee baarlamaanka sidee sharci ku
tahay in Madaxwaynaha iyo Baarlamaanka ay ku sii shaqeeyaan…
Prof. Dalxa jawaabtiisii waxa ka mid ahaa:
“Waxa jira xeer dastuurka noogu qoran oo sheegaya in mudo 5 sano
ah uu yahay xiliga Baarlamaanka iyo Madaxwaynaha ay xilka sii heen
karaan marka iyadoo ay sidaasi jirto ayaa haddana awooda ugu
sareeysa waxaa iska leh Baarlamaanka iyadoo waxna uu ka badali karo
waxna uu ku dari karo.”
“Shirkii dalka Jabuuti ka dhacay oo ay soo abaabuleen Qaramada
Midoobay, Midowga Yurub, Dowladaha iyo ururada daneeya arrimaha
Soomaaliya ayaa lagu ansixiyay in tirada baarlamaanka Soomaalia la
kordhiyo iyadoo isbadalkaasi uu keenay in baarlamaankii horana
waqtigaasa la kordhiyo laguna daro mudo 2 sano ah.”
“Markii uu madaxwaynihii hore ee uu xilkiisa oo ay ka dhimantahay
bilooyin uu shaqada isaga tagay ayaa loo baahday in madaxwayne cusub
uu dalka yeesho taasi ayaana keentay isbadalka dhacay.”
“Madaxwaynaha cusub ee la soo doortay waxa uu xilkiisa bilaaban
doona marka uu dhamaado xilligii madaxwaynihii hore ee xilka isaga
tagay, iyadoo inta ka dhimana xilka madaxwaynihii hore uu booska sii
buuxin doono.”
“Xilka kordhinta Baarlamanka iyo tan madaxwaynaha waa isku mid oo
madaxwaynaha iyo Baarlamaanka intuba waxa loogu daray mudo 2 sano
ah. Dadka oranaya baarlamaanka xiligiisa wuu dhamaaday sharcina
maahan in uu sii shaqeeyo waa dad aanan waxba la socon.” Ayuu yiri
Prof.. Dalxa. (Su’aal kale oo ku saabsan heshiiska badda ee loogu
yeero Is-faham oo aan weydiinay Dalxa qoraaladeena dambe ayaan ku
soo qaadan doonaa insha Allah.)
Balse haddii aan ku istaagno erayada guddoomiye ku xigeenka
baarlamaanka, waxa uu qiray in muddadii baarlamaanka iyo tan
madaxweynuhu ay ahaayeen shan (5) sano. Waxa kale oo uu qiray in
muddada baarlamaanka lagu daray laba (2) sano. Laakiin ma uusan
xusin xeer baarlamaan iyo Axdi qarameed muujinaya in la kordhiyey
muddada madaxweynaha. Waxa uu caddeeyey in madaxweynaha DFKMG ee
hadda uu sii buuxin doono booska inta ka dhiman xilka madaxweynahii
hore.
Prof Dalxaa waxa uu sheegay “Madaxwaynaha cusub ee la soo doortay
waxa uu xilkiisa bilaaban doona marka uu dhamaado xilligii
madaxwaynihii hore ee xilka isaga tagay”, laakiin ma uusan caddayn
in doorasho cusub lagu celin doono maadaama Axdiga FKMG aysan ku
caddayn in la kordhiyey waqtigii madaxweynaha DFKMG ee ahaa shanta
sano. Tan kale, marka haddii la yiraahdo Madaxweynuhu waxa uu
“xilkiisa bilaaban doona marka uu dhamaado xilligii madaxwaynihii
hore”, ayadoo la ogyahay in xilligii madaxweynihii hore uu dhammaan
lahaa October 14, 2009. Taas macnaheedu miyeysan ahayn in
madaxweynaha uu xilkiisa hayn doono shan sano oo kale oo ah 2009-
2014, sidaas daraadeedna loo baahan yahay doorasho cusub oo la qabto
October 15, 2009.
Haddii aan ku labano qodobada Axdiga FKMG, Qodobka 32aad waxa uu
gaar u khuseeyaa muddada Baarlamaanka, halka Qodobka 43aad uu
khuseeyo muddada Madaxweynaha.
Dhammaan xeer-beegtu waxay isku raacsan yihiin wixii hoos yimaada
Qodobka 32aad iyo faracyadiisa in looga hadlayo Muddada Golaha
Baarlamaanka. Halka wixii hoos yimaada Qodobka 43aad iyo
faracyadiisuna ay khuseeyaan muddada Xilka Madaxweynaha.
Waa kuwan labadaas qodob sida ay ugu qoran yihiin Axdiga FKMG.
Axdigii DFKMG loogu sameeyey Nairobi 2003/2004
Qodobka Ku Saabsan Muddada Baarlamaanka FKMG
Qodobka 32
Muddada Golaha Shacabka Federaalka ee kumeel Gaarka
- 1. Muddada Dowladda Federalka ee Ku Meel Gaarka ah waa shan
(5) sano.
- 2. Muddada Golaha Shacabka Federaalka waxay ka bilaabanaysaa
tariikhda loo dhaariyo xilka, waxayna socon doontaa ilaa iyo
taariikhda la ansaxiyo doorashada xigta ee Golaha Shacabka.
- 3. Kulanka koowaad ee Golaha Shacabku wuxuu ku qabsoomayaa
30 berri gudahood laga bilaabo marka seddex-meelood labo xubnaha
Golaha xilka loo dhaariyo.
- 4. Muddada Golaha Shacabka Federalka ee Ku Meel Gaarka ah
lama kordhin karo.
- 5. Fadhiga ugu horeeya ee Golaha Shacabka waxaa
shir-gudoominaya xubinta ugu da’da wayn ilaa guddoomiyaha Golaha
Shacabka laga doorto.
Article 32
The Term of the Transitional Federal Parliament
- 1. The term of the Transitional Federal Parliament shall be
Five (5) years.
- 2. The tenure of parliament shall commence from the date of
taking the oath of office and shall continue until the date of
commencement of the next parliament.
- 3. Parliament shall meet in its first session within 30 days
from the date two-thirds of the members of the Parliament shall
have taken the oath of office.
- 4. The term of the Transitional Federal Parliament shall not
be extended.
- 5. The first meeting of the Parliament shall be chaired by
the most senior member in age until a Speaker is elected.
Axdiga Cusub ee Janaayo 2009 Djouti laga soo saaray
- Qodobka Muddo-Kordhinta Baarlamaanka FKMG:
Qodobka 32
Muddada Golaha Shacabka Federaalka ee ku meel gaarka ahi
- Muddada dowladda federaalka ee ku meel gaarka ah waa (7)sano
waxaa lagu kordhiyay (2)sano.
- Muddada golaha shacabka federaalka waxay ka bilaabanaysaa
taariikhda loo dhaariyo xilka,waxayna socon doontaa ilaa iyo
taariikhda la ansixiyo doorashada xigta ee golaha shacabka.
- Kulanka koowaad ee golaha shacabku wuxuu qabsoomayaa 30 beri
gudahood laga bilaabo marka saddax-meelood labo xubnaha golaha
xilka loo dhaariyo.
- Faqradan 4aad waa laga saaray.
- Fadhiga ugu horreeya ee golaha shacabka waxaa
shir-guddoominaya xubinta ugu dada weyn ilaa guddoomiyaha golaha
laga doorto.
Axdiga KMG ah ee 2003/ 2004
- Qodobka ku saabsan Muddada Madaxweynaha DFKMG
Qodobka 43
Muddada Xilka Madaxweynaha
1. Madaxweynaha wuxuu haynayaa xilka muddo shan (5) sano ah laga
bilaabo marka loo dhaariyo madaxweynanimada ayadoo uu marayo dhaarta
Axdiga lagu qeexay. Madaxweynahu wuxuu xilka haynayaa haddii aysan
jirin – geeri, shaqo ka tegid, ama joojin shaqo sababo lagu qeexay
Axdiga – ilaa inta qofka kale ee loo soo doortey madaxweynimada uu
xilka la wareegayo.
Article 43
Tenure of the Prisident in the Office.
(a) The President shall hold office for a term of four (4) years
beginning from the date on which he/she is sworn in as President in
accordance with the Oath of Office provided for in this Charter. 22
The President shall, unless his/her office becomes vacant by reason
of his/her death, resignation or ceasing to hold office by virtue of
the provisions of this Charter, continue to hold office until the
person elected as President at a subsequent election assumes
office.
Qodobka khuseeya muddo-kordhinta madaxweynaha (2009):
- Qodobkan waxba lagama bedelin sidii uu ahaa Axdigii
2003/2004.
Qodobka 43
Muddada Xilka Madaxweynaha
1. Madaxweynaha wuxuu haynayaa xilka muddo shan (5) sano ah laga
bilaabo marka loo dhaariyo madaxweynanimada ayadoo uu marayo dhaarta
Axdiga lagu qeexay. Madaxweynahu wuxuu xilka haynayaa haddii aysan
jirin – geeri, shaqo ka tegid, ama joojin shaqo sababo lagu qeexay
Axdiga – ilaa inta qofka kale ee loo soo doortey madaxweynimada uu
xilka la wareegayo.
Halkaas waxaa ku cad in qodobka 32aad ee khuseeya Golaha Shacabka
(Baarlamaanka) in muddadii shanta (5) sano ahayn laga dhigay toddoba
(7) sano. Laakiin in waqtigii shanta (5) sano ahaa ee madaxweynaha
uu sidiisii yahay.
Waxaa la is weydiin karaa, xildhibaanada FKMG goorma ayey u
istaagayaan dhawrista Axdiga u deggan, marka la gaaro October 15,
2009 ma adeegsan doonaan Qaanuunka, mase dhammaantood in aan Axdiga
la dhaqan geliyey ayay isla qabaan maadaama ilaa hadda aan la hayn
cid ka hadashay arrintaan, mise warba la isuma hayo maadaama tiradu
badan tahay, mise waxaa jira niyad jab aan meelna wax laga qaban
karin?.
(Tixraac
Dastuurka DFKMG ee 2003).
Isha Sawirada: Google images
Warbixintii iyo Faalladii SomaliTalk.com / September 30, 2009