Sh. Shariif oo ka gows qabsaday go’aankii
Baarlamaanka
August 07,2009 ayaa
Madaxwaynaha DFKS Mudane: Sheekh Shariif Sh. Axmed wuxuu
waraysi kusiiyey Magaalada Nairobi Wariyaha idaacada
British Broadcasting Corporation (BBC) Abdirizak Haji
Atosh, waraysigaas oo dheeraa ayaa waxaa ka mid ahaa in
wax laga waydiiyey Heshiiskii Badda ee dhexmaray
Soomaaliya iyo Kenya ee loogu yeeray ama loo yaqaan
Is-afgarad.
Marka laga yimaado shakiga
iyo walaaca Saxaafadda iyo ummad Soomaaliyeed heshiiska
ka keneen oo Madaxwaynuhu ku sheegay Borobugaando ayaa
wuxuu muujiyey inuusan ku qanacsanayn go’aanka
Baarlamaanka ay Heshiiskaas ku tirtireen, Madaxwaynaha
ayaa wali ku adkaysanaya inuu ahaa Is-Afgarad ee uusan
ahayn Heshiis, wuxuu kaloo xusay Madaxwaynuhu
Baarlamaanku inuu Heshiis burinkaro sharciyan, laakiin
kani heshiis ahayn. Hadaba intaynan galin iftiiminta ama
sharaxaada hadalada Madaxwaynaha aan akhrino su’aalihii
iyo jawaabihii Sheekh Shariif.
Jawaabihii
Madaxwaynaha oo maqal ah halkan ka
soo rogo
Waraysigii
Su’aal:
Waxaan u imaanaynaa heshiisyadii muddadii lixda bilood
ahayd ee Madaxwaynaha aad ahay ee
dowladaada gashay, oo runtii aad moodo in ama laga goys
haysto ama farta lagu fiiqayo, aan tusaale usoo qaadaano
heshiikii badda oo dhawaan Baarlamaanku uu diiday, ka
Madaxwayne ahaan Sh. Shariif sidee u aragtaa taas?
Jawaab:
Sheekh Shariif: Een Marka ugu horaysa Dowlad waxaa
lagama maarmaan ah inay heshiis gasho waa imaanaysaa,
waxaa dowladu ay ka hadlaysana ama xukuumadu ay ka
hadlaysay wax la wada gartay oo la fahmi karo ahaayeen,
laakiin hadana waxaa dhacday nasiib daro dad badan inay
sameeyeen, Borobugaando kasoo horjeeda heshiiskaas, ee
Baarlamaanka sida aad lasocotid waxa uu xaqa u leeyahay
waxa ay tahay heshiis inuu buriyo,laakiin kani heshiis
ma’ahayn wuxuu ahaa IS-AFGARAD, si
kastaba ha noqoto dalalka dariska ah hadaysan jirin wada
hadal oo wixii lagu kala aragti duwanyahay
laga helin… aan laga wada hadlin, taas waxay keenaysaa
een…dhibaato ayey keenaysaa, marka waxaan u cadaynaa
shacabka Soomaaliyeed cid maanta u taagan inay dalkaas
qayb kamida ama taako kamida bixiso majirto,een
heshiisna ma ahayn ee wuxuu ahaa is-Afgarad,
een..ujeedada laga lahaana waxay ahayd een.. in UN-ka
lageeyo maxay ahayto codsi cusub in lageeyo maadaama
dhowr iyo toban sano aysan arintaasi dhicin, arintii
hada waa dhacday oo waa lagaarsiiyey, een hada qorshaha
loobahan yahay wuxuu noqonaa in qoraalkii oo tafatiran
iyo xuduuda aan anagu sheeganayno oo aan leenahay
baddeenu waa ku egtahay in lagudbiyo, taasaana
aaminsanahay qofkasta oo qabay shaki inay uga bixi
doonto
Su’aal:
Marka maadaama hada heshiiskii uu Baarlamanku uu diiday
ka Madaxwayne ahaan dadbadan baa ku dhagaysanaya maxaa
lagaa qori karaa? heshiiskaas ma u dhamaatay ama is
afgaradkaasi, wax dib ugu soo noqonaya ma’ahan soo
ma’ahan qadiyada Soomaaliya?
Jawaab:
Sheekh Shariif: Heshiiskaas dantii laga lahaa waa laga
gaaray waaba laga gudbay, hada waxaa
loo baahan yahay si rasmi ah in loo diyaariyo een
yacni.. Is-Afgaraduu ahaa .., heshiis rasmi ah
in hada ladiyaariyo ayaa loo baahan yahay.
Jawaabihii
Madaxwaynaha oo maqal ah halkan ka
soo rogo
Jawaabaha Madaxwaynaha ayaa
dhowr arimood ka sharxaynaa, erayga heshiis ma’ahayn ee
wuxuu ahaa is af-garad, su’ashaasha ka imaanaysa ayaa
waxay tahay maxaa la iska afgaranayaa oo laga wada
hadlayaa? waxaan dib ugu noqonaynaa sida uu dhigayey
Heshiiskii Soomaaliya iyo Kenya, maxaa yeelay tixraac
isagaa noogu filan, Heshiiskii Kenya lala galay ayaa
cadaynaya waxa la iska afganayo wuxuuna u qoraa sidan
“Weli lama xallin
calaamadinta qalfoofka qaaradda (badda) u dhaxaysa
Jamhuuriyadda Kenya iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya (oo
wixii qoraalkan halkan ka dambeeya aan dhehi doono “Labada
Dal ee Xeebta”). Arrinta calaamadintaas (Xadka
Badda) ee aan la xallin ee u dhaxaysa
labada dal ee xeebta waxaa loo tixgalinayaa “MURAN
BADEED“. Sheegashada labada dal ee Xeebta
(Kenya/Somalia) waxay muujinaysaa aag isdul saaran
(yacni isku meel ayaa u cabiran labda dal) oo ah
qalfoofka qaaradda taas oo ah “Aagga lagu mursan yahay.”
Tarjumaadii Somalitalk.
Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya:
Af-Soomaali |
English Version
Heshiiskan wuxuu soo
kordhiyey oo kaliya in baddii Soomaaliyeed uu ka dhigay
mid la isku haysto oo lagu muran sanyahay, Madaxwaynaha
ayaa ku celiyey markale Muran baddeedka isagoo u
tilaamaaya qaabkale, hadalkiisiina wuxuu ahaa sidan
“si kastaba ha noqoto
dalalka dariska ah hadaysan jirin wada hadal oo wixii
lagu kala aragti duwanyahay laga helin…
aan laga wada hadlin, taas waxay keenaysaa een…dhibaato”
Waxa lagu kala aragti
duwanyahay ee Madaxwaynuhu xusay waa sheegashada Kenya
Badda Soomaaliyeed, majiraan illaa hada labada maamul
arin kale oo ay xuseen. Ummada Somaaliyeedna waxay
leedahay Kenya kalama hadlayno Xuduudaha Baddeena ee
waxaan kala hadlaynaa Xuduudaha Dhulkeena, iyagoo u
jeeda NFD, sidaa waxaa yiri Xildhibaano Baarlamaan iyo
Aqoonyahano.
Kenya Sidee ayey u aragtaa
arintan muranka keentay, ma heshiis ayey u aragtaa mise
Is-afgarad? aan eego Wasaarada Arimaha Dibadda Kenya oo
ka jawaabaysa su’aashaas;
“Haddaba, waxaa muhiim ah in
dadweynaha Soomaaliyeed loo bayaamiyo sida ay Kenya u
aragto waxa ay la saxiixatay Soomaaliya. Waxaa arrintaas
si aan shaki ku jirin u caddeeyay war ay faafisay
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya, April 7, 2009, oo
ay cinwaan uga dhigtay “Kenya and Somalia sign
Maritime boundary agreement” – oo haddii
Af-Soomaali lagu macneeyo ah “Kenya iyo
Soomaaliya waxay wada saxiixdeen HESHIIS XUDUUDDA BADDA.”
Tarjumaadii Somalitalk
Warkaaas oo ay Dawladda
Kenya ku faafisay website-ka Wasaaradda Arrimaha
Dibadda, waxa kale oo ay ku baahisay warbaahinta Rasmiga
ah ee Dawladda (KBC), (sida ka muuqata sawirada hoose).
Warkaas waxaa ka mid ahaa: Tarjumaadii Somalitalk.
:::Aragtida
Kenya ee “Heshiis Xuduudda Badda” ee ay la Gashay
“Jamhuuriyadda Soomaaliya”
Hadaan intaas uga gudubno
sharaxaada Heshiiska Dowladu u taqaan is- afgarad, waxaa
la waydiiyey Madaxwaynaha go’aankii Baarlamaanka iyo
sida uu u arko, su’aashaas oo ahayd su’aal muhiima
madaxwaynuhu kama jawaabin, wuxuu sheegay in heshiiskaas
laga gudbay.
Somalitalk oo laxiriirtay
Aqoonyahan waxna ka waydiisay in ay saxantahay kagudbida
Madaxwaynuhu sheegay ayaa yiri”Majiro heshiis iskiis u
buraya ama looga gudbayo, waa in lahelaa qoraalkii kale
oo burin lahaa ama wax ka badali lahaa, hadii kale
sidiisa ayuu u taagnaanayaa”
Marka laga hadlayo Dowlada
Kumeelgaarka ah Datuurka u qoran oo Kumeelgaarka ah,
ayaa dhigaya hay’ada ugu saraysa wadanka waa
Baarlamaanka, heshiiskaana wuxuu noqday mid baabay laga
bilaabo maalintii cod aqlabiyad ah lagu tirtiray
01/08/09. sidaa waxaa yiri Ciise Calasow Xildhibaan
Baarlamaanka ku jira.
Somalitalk oo laxiriirtay
qaar kamida Xildhibaanada oo aan doonayn in magacooda la
shaaciyo ayey u sheegeen in ilaa iyo hada 08-08-09 uusan
Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadann Madoobe uusan
diyaarin go’aankii Xildhibaanada una gudbin
Madaxwaynaha. Arintaas oo ay ka muujiin niyadjab.
Qodobka ugu danbeeya oo
Madaxwaynuhu xusay ayaa ahaa “hada waxaa loo baahan
yahay si rasmi ah in loo diyaariyo een yacni..
Is-Afgaraduu ahaa .., heshiis rasmi ah
in hada ladiyaariyo ayaa loo baahan yahay”
Hadalkaan Madaxwaynaha ayaan
cadayn inuu ula jeedo heshiis kale oo Kenya lala galo in
loo jeedo iyo inuu arin kale u jeedo, si kastaba ha
ahaatee hadalka Madaxwaynaha ayaa laga dareemayey sida
uu uga xun yahay ugana goys haysto Go’aankii
Baarlamaanka.
Dhulka Badda
Soomaaliya ee Kenya Kacabiratay
Waxaan ilaa hada jirin Cid
katirsan Dowllada Shariif oo soo hadal qaaday
Dhulbaddeed aad u baaxad wayn oo Kenya ka goosatay Badda
Soomaaliya (116,000 km2)
Boqol iyo lix iyo tobon kun oo Kiilo Mitir oo laba
Jibaaran. Marka laga reebo in laba Wasiir oo Dowlada ka
mid ah Qireen in Kenya dhul baddeed kaas Cabiratay.
Akhri qoraaladii horay looga qoray.
Arinta taagan oo ummada
Soomaaliyeed is waydiinayaan waa maxaa ku dhacay
Xukuumada Kumeel gaarka ah maadaama ay qirsan yihiin in
Kenya soo xadgudubtay inay jawaab ku haboon ka bixiyaan.
Waxaa xusid mudan in Wasiirka arimaha dibada uu la kul
may QM intii Kenya badda cabiratay kadib, kamana soo
bixin wax war ah oo arintaas ku aadan. Sidoo kale
Madaxda Dowlada intooda ugu muhiimsan sida; Madaxwaynah,
Raysulwasaaraha, labadiisa ku xigeed,Wasiirka arimaha
dibada, Wasiirka gaadiidka iyo Wasiirka Gaashaandhiga
ayaa Kenya tagay wax cabasha ahna arintaas kama muujin.
Hadaba Su’aasha imaanaysa ayaa waxay tahay miyeysan
masuuliyadooda ahayn ilaalinta Badda soomaaliyeed.
Wasiirkii Heshiiska u Saxiixay Kenya oo Qiray in
“Dawladda Kenya Kusoo Xad Gudubtay Qayb Kamida Badda
Soomaaliyeed”… C/raxmaan C/shakuur waxa uu
intaas ku daray in heshiiska la horgayndoono
Baarlamaanka Akhri
Ra’iisul Wasaare ku xigeen, ahna Wasiirka Wasaaradda
Kallumeysiga iyo Khayraadka Badda ee DFKMG Prof.
Cabdiraxman Aaden Ibraahim Ibbi “WAA RUN
badda Soomaaliya khalad bay ka gelayaan oo waa
soo gelayaan.” ……..Dowlada Kumeel
Gaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday,
Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay…
Maxaa loo baahan
yahay Hada
Arinta muhiimka ah ee ay
tahay inay ummadda Soomaaliyeed fahanto waa maxay tahay
wax lacusboonaysiinayo iyo Dowlada waxa looga baahan
yahay? halkan ayaa waxay tahay meesha sartu ka quruntay.
Waxa loo baahan yahay hada
iyo markii horeba waa (Extended Continental Shelf )
Balaarinta Qalfoofka Qaarada. Qarammada Midoobay ayaa
soo saartay xeer ku ekaa
May 13, 2009 in Dowladaha leh Badda ay soo gudbiyaan
Xogtooda wixii ka baxsan 200 mayl baddeed. Hadaba arinta
Dowlada laga rabay/rabo waa inay gudbiso xogta dhulka
badda hoos u siigashan wixii ka baxsan 200 mayl baddeed,
si looga dhigo 350 mayl baddeed, sidaa waxaa qoraya
Xeerka 76-aad ee QM. Ma shardibaa in Kenya la isfahmo,
MAYA waase lasamaynkaraa hadii Soomaaliya dani ugu
jirto. Maxaan ku cadaynaynaa arintaas Waddamada
Soomaaliya Badda lawaaga oo dhan xogtoodii waa
gudbisteen Soomaaliyana IS-AFGARAD masaxiisan. Arintaas
wax badan ayey Somalitalk ka hadashay waxaadna ugu noqon
kartaa qoraaldii hore faah faahin intaa dheer.
Waxaa jirta sida Dowladaan u
qoran in Marka Madaxwaynaha loo gudbiyo heshiiskan uu
Mudo 14 cisho ah kaga soo jawaabo, inuu waafaqo oo soo
saxiixo iyo inuu dib ugu soo celiyo Baarlamaanka
labadaba waa u furantahay. Lama garanayo go’aanka
Madaxwayne Shariif midka uu noqon doono, in kastoo
hadalkiisa walaac laga muujiyey.
Qodobka kale oo loo baahan
yahay waa in Dowladu usoo gudbiso go’aanka Baarlamaanka
Gudiga Xadaynta Baddaha ee Qarammada Midoobay, Bishan
Agoosto dhexdeeda inta Kenya aysan khudbaddeeda arintaas
ku aadan ka hor akhrin QM. Sidoo kale iyadoo Dowladu ka
jawaabaysa Warsaxaafaddeedkii Xoghayaha Gudiga Xadaynta
Baddaha, oo oranayey;
“Waxaa xusid mudan Xoghaynta
Guddiga Xadaynta Badaha, Mr. Rajan, in uu sheegay in
dalalka akhbaarta iyo xogta soo gudbiyey wixii ka
horaysay May 8, 2009 in ay noqon
doonaan kuwa akhbaartooda ka hor akhriya Guddiga QM.
Waxaa la ogyahay in Soomaaliya (ay gudbisay April 14,
2009) iyo Kenya (oo gudisay May 6, 2009) oo sidaas
labaduba ka horeeyaan taariikhda uu xusay Mr. Rajan.
Halkaasna laga fahmi karo in ugu yaraan Kenya ay ku
jirto dalalka loo tixgalinayo cabbirka badda marka la
gaaro August 10, 2009.” akhri qoraalkoo dhamaystiran.
Shirka Jaraa’id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha –
oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda
DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:
Baarlamaanka Kumeelgaarka
Soomaaliya ayaa qaatay go’aan taariikhi ah oo ay ku
tirtireen gabi ahaanba Heshiiskii loogu yeeray
is-afgarad. Ummada Soomaaliyeed ee Dareemaysa muhiimada
arinkaasna way xusi doonaan waligood, jiilasha soo
socdana waxay diideen in laga dhaco dhaxalkii
awoowayaashood uga tageen. Hadaba su’aashu waxay tahay
intaas miyaa ku filan? waxaa iska cad jawaabta
su’aashaas, waa MAYA, Baarlamaanka waxaa laga rabaa
dhowr arimood inay sameeyaan, 1) Inay daba galanaan
go’aankoodii inuu fulay iyo
in kale inta aan la dhaafin waqtiga ku haboon, dowladana
inay cadaadis kusaaraan inay Gudiga Xadaynta Baddaha u
gudbiyaan in MOU Heshiiskii is-afgarad laga soo qaaday
waxba kama jiraan. 2) Inay Dowlada Waydiiyaan Sababta
keentay inay ka aamusaan dhul baddeedka Kenya Cabiratay
116,000 km2.3)inay
Baarlamaanku lasoo xariiraan Gudiga xadaynta Baddaha ee
NY gaarsiiyaana go’aankoodii, si ugu yaraan galka QM
uu’u galo.
Dhamaan ummada Soomaaliyeed
waxaa xil kasaaran yahay Difaaca Hantida Qaranka
Soomaaliyeed oo Dhulka,Badda iyo Hawaddu ugu
muhiimsanyihiin.
Ugu danbaytii Somalitalk
waxay u mahad celinaysaa dhamaan Ummada Soomaaliyeed
intii ka qayb qaadatay Difaacida Badda Soomaaliyeed,
gaar ahaan Baarlamaanka Kumeelgaarka Soomaaliyeed, sidoo
kale Somalitalk waxay u mahad celinaysaa wadaniyiinta
Soomaaliyeed ee joogtada ugu soo dirayey dhiiragalinta,
talooyinka iyo mahadnaqa. Dhamaantiin waad
mahadsantihiin.
Jawaabihii
Madaxwaynaha oo maqal ah halkan ka
soo rogo
Hoos kadaawo akhri go’aankii
taariikhiga ahaa ee Baarlamaanka.
Cilmi
Baaristii Somalitalk Badda Kasamsay Akhri….
Ing. Maxamed Cali iyo |
Xasan Dhooye